19 May 2007 04:26

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](Baydhaba Press)Waraaq uu Md. Dr.Shaargaduud uu gudbiyay Shirgudoonka Somaaliyeed ee CARTA
  • Posted by/on[AMJ][29 July, 2000]

Waraaq uu Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu gudbiyay Shirgudoonka CARTA
by BAYDHABO PRESS

Waraaq uu Md. Dr, Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] uu gudbiyay Shirgudoonka Somaaliyeed ee CARTA


BAYDHABO July 29, (BP)-Waxaa warqadaan loo gudbiyay taarikhdu markay ahayd 15 kii bishii Julaay Shirgudoonka shirka nabadeynta Somaaliyeed ee Carta iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Gelle. Warqadaas oo u ku saxixina gudomiyaha ururka RRA ahna hogaamiyaha ergada Qowmiyada Digil iyo Mirifle ee Shirka Nabadeynta Somaaliyeed Md. Dr, XASAN MAXAMED NUR [Shaargaduud] waxay ahayd talo soo jeedin la xiriirta Axdiga KMG warqadina waxay u qornayd sidan:

July 15, 2000

KU: SHIRGUDOONKA SHIRKA NABADEYNTA
SOMAALIYEED EE CARTA DJIBOUTI

Og: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA DJIBOUTI
MUDANE ISMACIIL CUMAR GEELE


UJEEDO: TALO SOO JEEDIN


Anagoo ku hadleyna Magaca Qomiyada Digil iyo Mirifle iyo hogaanka ururka RRA waxaan mahad u soo jeedinaynaa umadda Djibouti iyo Madaxweynahooda oo u heelan iney suurto geliyaan iney u soo celiyaan umadda Somaaliyeed ee walaalahooda ah sharaf tooda iyo karaamadooda Qaranimo.

Anagoo maanka ku heyna niyadsamida walaa laheena Reer Djibouti, Tixgelineyna waaqiciga ka jira dalka Somaaliya.

Markaanu fiiriney rabitaanka maamul ee qeybaha bulsha weynta Somaaliyeed sidu u badeley 10 kii sano ee tagay

Markaan tixgeliney rabitaanka Walaalehena Somaaliyeed ee dhisay dowlad gobaleedyada Somali-land iyo Puntland.

Markaan hoosta ka xariiqney rabitaanka maamul cadaalad ku dhisan ee qawmiyada Digil iyo Mirifle iyo dadka ku nool oo (50) jirsaday, oo in mudo ah ku taahaysey iney ka sameystaan degaanadooda Dowlad goboleed ku dhisan habka (Federal ka) ah.

Anagoo og in diintii, Dhaqankii, afkii iyo walaalnimadii soo jireen ka aheyd aan ku kala badbaadi weyney.

Hadaba waxaan shirgudoonka sharafta leh iyo ergada Somaaliyeed ee ka qeybgalaysa shirweynaha Carta u soo jeedineynaa arimaha hoos ku xusan oo aan is leenahay ama aaminsanahay iney fududeynayaan soo celinta is jeceyl kii iyo is aaminaadii Umadda Somaaliyeed. Isla markaana ay keento in shirweynaha Carta uu noqdo mid miro dhal ah:


1- In Axdiga ( KMG ) ah hada lagu qeexaa tirada dowlada Federaalka dalka laga sameynayo kuwaas ah Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari, Gobalada Dhexe iyo Banaadir, iyo Konfurta Somaaliya.

2- In lagu qeexaa mudada laga baxayo gobolada iyo degmooyinka xooga lagu heysto, damaanad qaadna loo helo fulinta qodobkaan.

3- In lagu cadeeyo Axdiga ( KMG ) ah qaabka ama habka loo qeybsanayo awooda maamulka guud ee dalka.

4- In lagu caddeeya Axdiga ( KMG ) in la soo taago kuwii geystay danbiyada dagaalka Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka.

5- In garsoorka uu ka madax banaanaado awooda madaxweynaha.


MAHADSANID


Signed by

Guddoomiyaha ururka RRA
Ahna hogaamiyaha ergada Qowmiyadda
Digil iyo Mirifle ee Shirka Nab. Somaaliyeed


Dr, XASAN MAXAMED NUR ( Shaargaduud )

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++ 

Ergada beelaha Digil iyoMirifle ee ku sugan Carta oo
aysan jirin musharixiin u taagan xilka Madaxtinimada dalka

BAYDHABO July 29, (BP)-Beelaha Digil iyo Mirifle ee ka qeyb galaya shirka
magaalada CARTA ee dalka JABUUTI uga socsda Somaalida ayaa laba musharax oo
horey isugu soo sharaxay jagada Madaxtinimada dalka Somaaliya ay haatan ka
noqdeen musharaxnimadoodi, waaxana wararkii ugu danbeyay ee naga soo gaaray
magaalada CARTA ee dalka Jabuuti ay shegeen in waqtigaan hada ah aysan jirin
cid ka socota beelaha Digil iyo Mirifle oo u sharaxan jagadaas.

Waxaa kale oo uu wariyaha BP noo soo sheegay in uu ka soo xigtay Mr. duliye
Nur Aden Nur Xoghaynta ururka RRA in Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadud]
guddomiyaha ururka RRA ahna hogaamiyaha ergada beelaha Digil iyo Mirifle ee
shirka nabadeynta Somaliyee ee CARTA usan ku talo jirin in uu isku soo
sharaxo jagadaas, iyada oo ila kalena laga soo xigtay in maadaama magaalada
BAYDHABO loo doortay caasimada ku meel gaarka ah ee Somaaliya iyo rabitaanka
dadka ku dhaqan degaanadas ay arintaas ku kalifayso in Md. Dr. Xasan Maxamed
Nur [Shaargadud] uu qabto xilka Madaxtinimada dalka Somaaliya mudada ay
dawlada ku meel gaarka ahi joogto BAYDHABO.



(BAYDHABO PRESS)


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:13 AM. Webmaster HomePage