19 May 2007 04:26

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (Baydhabo Press) War ay soo saaren golaha malaaqyada D&M ee ka qeybgalya shirka Carta
  • Posted by/on:[AMJ[Monday, 31 July, 2000]

War saxaafaded ay soo saaren golaha malaaqyada Digil iyo Mirifle ee ka qeybgalya shirka Carta

by BAYDHABO PRESS

War saxaafaded ay soo saaren golaha malaaqyada Digil iyo Mirifle ee ka qeybgalya shirka Carta

BAYDHABO July 30, (BP)-Waxaa maalintii shalay war murtiyed ay ku saxixanyihiin golaha malaaqyada ergada Digil iyo Mirifle ee ka qeybgalaya shirka nabadeynta Somaliyed laga soo saaray magaalada Carta ee dalka Jabuti waxaa war murtiyedkaas lo kala diray saxaafada madax banaan ee dalka iyo dibada. War murtiyedkina waxaa uu u qorna sidan:

Anago ku hadlayna magaca golaha malaaqyada, salaadinta iyo ugaasyada ergada Digil iyo Mirifle ee ka qeybgalaysa shirka nabadeynta Somaaliyed ee ka socda Carta Jabuuti, waxaan maantay oo taarikhdu tahay Julaay 29, 2000 u shegeyna ummadda Somaaliyed iyo dhamaan wadamada iyo ururada caalamiga ee daneeya arimaha Somaaliyed in aanu kala noqonay kalsonidii shirka nabadeynta Somaaliyed ee Carta arimaha soo socda awgeed:

1- In axdiga (KMG) ah ee lagu ansixiyay habka gacan taaga uusan ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalka, isla markaana leheyn damaanad qaad caalami ah fulinta arimaha uu qorayo axdigaas.

2- In loo diiday hogaanka siyassadda RRA in ay ku biiriyaan aragtidooda siyassaded axdiga (KMG) si uu uga tarjumo rabitaanka dadweynaha Somaaliyed ee maamula xumida iyo cadaalad daridu ay kala geysay tan iyo xornimadi.

3- In axdiga (KMG) uusan qeexeynin habka maamulka Federalka ku dhisan ee laga hirgelinayo dalka ka dib mudadda sadexda sano ee (KMG) isla markaana uu burbirinayo maamuladii ka jiray Somaliland, Puntland iyo Bay, Bakol, Jubadda dhexe.

4- In qaabka shirka nabadeynta Somaaliyed ee Carta sida uu u socda u yahay mid kala dhantaalayo kalana qeybinayo midnimada qowmiyadda Digil iyo Mirifle

5- In shirka ay ka maqnyihiin xubno muhim ah oo ka qaadan lahaa kaalin lixaad leh xal u helida mashaakilka Somaaliyed.

6- Dawlada Jabuuti waxay faragelisay arimaha u gaarka ah qowmiyadda Digil iyo Mirifle iyada oo u jenjeerta kooxo dano gaar ah laga leeyahay iyo colaadin kooxo kale.

Hadaba arimahaas awgeed waxaan ummadda Somaaliyed iyo aduun weeynaha aan u sheegeynaa in shirka nabadeynta Somaaliyed ee Carta aan kala noqonay kalsonidii


GOLAHA MALAAQYADA DIGIL & MIRIFLE

1- Malaaq Xassan shure moxamud.
2- Malaaq Mukhtar Malaaq Xassan.
3- Malaaq Macalim Mukhtar Malaaq Cali.
4- Malaaq Cumareey Cabdule Muudeey.
5- Malaaq Isaaq Ibrahim Xassan.
6- Malaaq Guudow Caliyow Eenow.
7- Malaaq Moxamud Moxamed Cabdi.
8- Malaaq Xassanow Xaajiyow Moxamed.
9- Cabdullahi Moxamud Basaay.


(BAYDHABO PRESS)


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:13 AM. Webmaster HomePage