19 May 2007 04:24

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](Garowe) Khudbaddii M/Weynaha DGPuntland
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, August 1,2000]

KHUDBADDII MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND MUDANE C/LAAHI YUUSUF   AXMED EE XUSKA SANADGUURADA 2AAD EE 1DA AGOOSTO 2000 MAALINTA DAWLADDA PUNTLAD

1.      HORDHAC:-  

Mudane Madaxweyne- ku- xigeen, Wasiirradda, xubanaha Baarlamaa-nka, Issimmada, iyo dhammaan dadweynaha, Mudanayaal, Murw-ooyin, walaallayaal, maanta waa xuskii sannad-guurada Dawladde-ena, Dawladda Punt-land ee Soomaaliya. 

Wadajir ayaynnu dib -u -eegis ugu wada samaynaynaa xaaladda Gobolkeenna iyo wax- qabadkii xukuummaddeenna, labadii sanad-ood ee ina dhaafay iyo qorsheyaasha ay is hordhigtay sannadaha soo socda. 

Ma rabo inaan ammaano wax - qabadkii Xukuumadda aan Madaxda ka ahay ay ku gaadhay muddadii yarayd ee ahayd labada sano, isla markaasna caqabadii iska kaaya hortaagayay inaannu soo gaadhno meesha aannu maanta joogno, ma rabno inaan u ekeysiinno kuwa fududaa ama kuwo sahal ahaa.

2.      DHACDOOYINKII IYO HOWLGALLADII LABADII SANNO EE TAGAY

B. waxaynnu wada xusuusannahay in markii 7 sannadood la sugayay, laguna guul daraystay in la gaaro heshiis guud oo qaran iyo in la abuuro dawlad dhexe oo qaran, annagoo waliba arrimahaas dartood u samaynnay tanaasulaad badan, in intaasi kadib, mudankii dhab ahaan u matalayay 5ta Gobol ee Nugal, Sool, Sanaag, Bari, Waqooyiga Mudug iyo Degmada Buuhoodle ay ku kulmeen Garoowe oo ay dhidibada u taageen Dawlad Goboleedka P/land.

 waxaynnu kaloo go'aansannay in aynnu ahaanno qayb Soomaaliya kamid ah ee aan ka  go'in. wixii aynnu kari karaynnay oo dhan waxaynu ugu dadaalnay xoojinta nabadgeliyadda, qarannimada oo dib loogu heshiiyay iyo iskaashiga darisyadeenna aynu nahay Gobol - wadaagga.

 Innagoo ku dadaalaynna in meel la - isla - dhigo la iskuna afgarto Fikradaha siyaasadeed ee ku saabsan xal- u -  helista dagaallada iyo ismaandhaafka soomaaliya ka jira, waxaynu Garoowe ku casunay oo isugu keenay, Hogaamiyayaal badan oo ka kala socda qaybo badan oo ka mid ah Dalka Soomaaliyeed, waqtiyo badan iyo marar kala duwan.

J. iyadoo ay kooban yihiin Dadkeena tababaran, dhaqaalaheenna, qalabkeenna iyo kaabayaasheenna dhaqaale oo aan joogin heerkii loo baahnaa ayaa Dawladdu awood u heshay:- Inay dhisto hay'adihii qaran ee lagama maarmaanka ahaa, gaar ahaan qaybihii fulinta, sharci dajinta garsoorka iyadoo loo dajiyay shuruuc badan oo saldhig ah.

Inay kafaalo qaaddo nabadgalyadda qaran iyadoo abuurtay xoog Booliis oo awood u leh inuu xuduudaheenna ka ilaaliyo xad-gudub lagu samayn karo, in uu badaheenna ka ilaaliyo in laga burcadaysto iyo inuu deegaanadeenna ka ilaaliyo dunuub xad dhaaf ah oo ka dhacda.

Iyadoo la kaashatay bulshada caalamka, ayay dib u hagaajisay oo dib u dhaqan galisay dhismayaal badan oo Dawladdu leedahay, iyo kaabayaal dhaqaale oo muhim ah, sida wadada laamiga ah ee weyn, Dekeda Boosaaso iyo waliba Garoomada Dayuuradaha. 

In ay shaqaalayso oo mushahar siiso in ka badan (6000) oo Qof, taasoo macnaheedu yahay in ay

masruufto ( 60,000) oo Qof oo kasoo toosa Qoysas kala duwan.

X. waxaa laga yaabaa arrimahaasi in aanay u muuqan guulo waaweyn hase yeeshee, run ahaantii waa horumar weyn, marka la barbar dhigo meeshii aynnu joognay laba sanno ka hor oo dalku markaas ku sugnaa xaalad ahayd fawdad iyo Nidaam la'aan, inagoo guulahaas oo dhan ku gaarnnay isku -tashi, inagoo aan kaalmo la sheego ka helin Bulshada Caalamka oo Guud ahaanba ka Caga jiidayay in si macna leh u caawiso Soomaaliya. 

3.      HALKA SOOMAALIYA IYO ADDUUNKU KALA JOOGAAN 

Hadda aan idiin taabto Meesha Soomaaliya iyo Adduun weynuhu kala joogaan:- 

B. Xaaladda Soomaaliya 

]        Wali Gobolada dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ka socda dagaaladii sokeeye.

]        Gobolada dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya badankooda waxaa ka jira Gaajo, Macaluul iyo Abaaro ay sababeen ama gaarsiiyeen Dagaalada Joogtada ah, nabad la'aanta iyo gurmad aduun weyne oo aanu midna jirin.

]        Xaaladda Soomaaliya ee horeba u adkayd ayaa arrinta Djabuuti waxay ku soo kordhisay jaahwareer cusub, xassillooni darro iyo midnimo la'aan.

]        Nasiib wanaag masawirka Soomaaliya oo dhammi ma aha mid wada madow, sababtoo ah qaybaha Puntland iyo waqooyi galbeed waxay haystaan nabad, xasilooni iyo nidaamyo Maamul. 

T. sidee aduunwaynuhu u arkaa Soomaaliya 

]  Waxaa isla wakhtigaan meelo badan oo adduunka ah, gaar ahaan Africa ka socda dagaalo sokeeye oo qarinaaya dagaal sokeeye ee 

] Soomaaliya,(Siera-lion  Rwanda, Burundi, Angola, Congo, Afghanistan  iyo meelo kale oo badan).

] Sidaa darteed waxaa jira tartan badan oo loogu jiro soo jiidashada Indhaha Aduunweynaha iyo kaalmadiisa sideedaba isaga kooban.

] Si kastaba arintu ha ahaatee, waxaa xaaladdu u muuqataa in adduunweynuhu gacmaha ka laabtay mashaqada soomaaliya ayna yihiin daawadayaal diyaar u ah inay u hambalyeeyaan Gacan-ku-dhiiglaha Reerka u hadha .

] Dhibaatooyinka dhaqaale ee Aduunweynaha, Dagaalkii qaboobaa oo dhamaaday oo hadda ahmiyada la siinayo siyaasadda is badalada cusub, deeq bixintii oo jiifta, ayaa xaaladda Soomaaliya waxaa sii murginaya, siyaasadaha dhowr dal oo iska soo horjeeda iyo istiraatijiyo kala dano ah oo laga leeyahay.

]  Shirka Jabuuti:- Carta wuxuu ugu danbeeyaa dhowr iyo toban shir oo dibadda loogu qabtay nabadaynta soomaaliya, dhamaantoodna waa wada guuldaraysteen, hase yeeshee kan D.Jabuuti wuxuu u egyahay mid ka wada daran xagga dhibaato abuurka. 

4. MEESHA PUNTLAND KA TAAGAN TAHAY ARRIMAHAAS OO DHAN. 

B) Iyadoo laga anbaqaadayo xaaladahaas isi sudhan ee dhibta badan ee soomaaliya guud ahaan, iyo gaar ahaan Puntland ayaa xukuumaddeenu waxay jideeysatay Mabaadii, iyo yoolal ay ku hiranayso ayna ka mid yihiin. 

?                  In Puntland la sugo nabad galyadeeda iyo xasiloonideeda.

?                  In kooxo badan oo soomaaliyeed oo diriraya lagula  hawlgalo nabad gaadhis iyo in ay heshiiyaan.

]        Xoojinta deris wanaaga iyo iskaashiga dhamaan gobolada.

]                    Adduun waynaha oo si isdaba joog ah loogu baaqo, in Gobolada Soomaaliya oo dhan la isla garabtaago kaalmo balaaran si ay ugu guulaystaan dadaalka ay ugu jiraan nabadda, dib-u-dejinta iyo horumarka. 

T) Iyada oo aan dad badani wali ku baraarugin, ayaannu annagu ogaannay in shirka Jabuuti lagu maamulayo dimoqraadiyad la'aan eex iyo dhinac la jir, keeni doona natiijooyin xun xun. Waxaanu Soomaali oo dhan iyo adduun weynaha uga sii dignay, halisaha ka imaandoona shirkaa Jabuuti.

 Markii hore dad badani nama rumaysan, laakiin hadda cidwaliba si caddaan ah ayay u aragtaa. 

5. XUKUUMADDA PUNTLAND WAXAA U QORSHAYSAN 

Labadii sannadood ee ina dhaafay waxaannu culayska saaraynay in aannu dawladda dhidibbada u taagno, una habaynno Hay'adaha lagama maarmanka ah iyo jidkii maamul shaqaynkara. Xukuumad-du sannadkeedii 3aad oo ah kii muddadii la igmaday ugu dambeeyay, waxay xoogga saaraysaa, awooddana u jeedinaysaa, xoojinta Hay'adaha, shirweyne diyaarin, horumar dhaqaale iyo bulsho oo qorshaysan iyo difaaca dadkayaga iyo danahayaga Marka aannu qorsheyaashaas fulinayno, Annaga ayaa isku tashanaynna ee isku hallayn maynno kaalmo adduun weynaha aannu ka sugno.  

Waxaad xog-ogaal u tihiin koobnaanta awooddeenna maaliy-adeed iyo qalab labadaba. Gobollada Puntland waa gobollo hore loo dayacay loona bixiyay magaca ah (Gaari waa). Markii Puntland la abuuray dadka iyo dawladda Puntland ayaa Gobolladaas ka dhigay kuwo la gaadhi karo, xiisse iyo ahmiyad baddanna loo hayo. Aad ayaad u fahamsantihiin xaalkeena, haddana waxaa noo go'aan adag ah inaannu hore u tallaabsanno, annagoo ku tashanaynna maskaxdeenna iyo muruqeenna. 

Iyada oo ujeeddooyinkaas la fulinayo, hawlgallada xukuumadda u qorshaysan sannadka bilaabanaya waxaa ka mid ah:- 

BARNAAMIJKA SIYAASIGA AH

 

Si loo diyaariyo shirweynaha Dastuuriga ah ee sannadka 2001da, sida Axdiga Puntland waajibinayo, waxaa lama huraan ah in la hirgeliyo howlaha soo socda:-  

         Diyaarinta mashruuc Dastuur Puntland oo si buuxda u ebyan oo kafaalaqaadaya xuquuqda dadku ku himiloonayaan oo dhan. 

        In dadweynaha Puntland laga sameeyo tirokoob sax ah, si tirikoobkaasi loogu saleeyo tirada matilaysa shacabka iyo qorshe horumar dhab ah.

         In la magacaabo guddi doorasho, oo iyadu abaabusha oo hoggaamisa dhammaan howlaha doorashada ee loo baahanyahay. 

         In la magacaabo Guddiga Diyaarinta shirweynaha; Guddi-gaas oo shaqadiisu noqonayso abaabulka shirweynaha Puntland ee sannadka 2001da.  

Puntland waxay taageeraysaa bislaynta fikradda ah in soomaaliya marka hore u dhisanto qaabka ah Deegaanweyneaasha (Blocks) taaso iyadu saldhig u noqota jidka dib-u-heshiinta Somalida, oo marka lasameeyo deegaan weyneyaashaa ay kulmaan madax laga soo igmaday maamullada deegaammadaas ah (Blocks) oo iyagu ka doodaan islana gartaan oo ku heshiiyaan dhismaha xukuumad dhexe oo fadaraal ah loona habeeyey qaab ku salaysan caddaalad iyo dimoqaraaddiyad islamarkaasna fulikara oo shaqaynkara.  

In ay sameysmaan iskaashiyo ciidan iyo siyaasadeed oo ay hoggaaminayaan madaxda soomaaliyeed ee isku aragtida ahi, ururrada iyo maamul Goboleedyada isbahaysankara, si ay maankooda muruqooda iyo awooddooda dhaqaaleba ugu jeediyaan isdifaacooda iyo u-wada adeegga helitaanka xal soomaaliyeed oo dhaliya nabad iyo dimoqraadiyad. 

In dowladdeenno sii waddo inay ku dhiirigeliso maamullada isxukuma iyo gobollada aynnu deriska nahay, inaynnu wada hadal miis u soo wada fariisanno; si loo helo iskaashi iyo wada shaqayn saldhig u noqda dib-u-heshiisiinta, horumarka dadkeena soomaaliyeed ee dhibaatooyinka badani haystaan. 

In xukuumadeennu sii waddo dalabka ay adduun weynaha ujeedinayso mar walba in adduunweynuhu soomaalida isla garab-taago dhexdhexaadin aan dhinacna u janjeedhin, kuna dhisan xog-ogaalnimo isagoo soomaalida gacan ku siinaaya dib-u-dhiska iyo horumarka, isla markaasna dib loo soo noolaynayo dhexeeyaha nabad-da lagu    gaari karo. 

 

BARNAAMIJKA DHAQAN-DHAQAALE 

         In la diyaariyo qorshe horumar dhaqan-dhaqaale, abuuraya shaqooyin ka dhasha kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulsho iyo horumar laga gaaro dhinaca guryeynta, iyadoo fiiro gaar ah la siinayo haweenka, dhalin yarada, dadka aan shaqayn iyo waayeelka.

         Barnaamijka dhaqan dhaqaale ee Puntland waa in uu mudnaan siiyaa, qaybweyn oo dhaqaalaha ahna ugu talagalaa mustaqbalka horumarinta dhaqaalaha miyiga, halkaas oo ah meesha dadka badankiisu jiro, dhaqaalaha badankiisuna yaallo.

         Kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha gaar ahaaneed

(Private Sector), iyadoo dawladdu gacan siinaysa dibad u dhoofinta, dibed-suuq ka raadinta,  ahmiyadna siinaysa hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha, kobcinta Hay'adaha, tababbaridda ganacsiga, xoolaha, kalluumaysiga iyo beeritaanka midhaha.

         Sidoo kale, barnaamijka dawladda ee qorshaha horumarinta waxaa meel sare ka gelaya ilaalinta Deegaanka, hadday tahay xeebaha oo laga ilaaliyo wasakhaynta iyo qashin ku daadinta, ilaalinta dhirta dhuxusha loo gubayo iyo magaalooyinka oo sida habboon loo qorsheeyo.

        Waxaannu dib-u-eegaynnaa cods-igayagii aannu deeq bixiyayaasha adduunweynaha kaga codsanaynay

Inay nagala soo qaybgalaan dib u dhiska iyo horumarinta Puntland.

BARNAAMIJKA NABADGELYO. 

 

Siyaasadaha iyo hawlgallada xukuu-madda ee dhinaca nabadgelyada waxaa lagu wajihi-doonaa:- 

1.      arrimaha nabadda khuseeya ee Gaalkacayo iyo Gobolka Mudug oo lagu gabagabeeyo heshiis nabadeed, dadka Deegaankana ay dhaxmaraan is-aammin iyo iskaashi.

2.      Siyaasadda Puntland ee ku wajahan jubbaland iyo Kismaayo  lagu sameeyo dib-u-habayn dalkaasna loo celiyo dadkii sharci ahaan u lahaa iyadoo la doorbidayo in lagu dhaliyo arrintaas wada hadal iyo jid nabad ah. 

3.      Nabadgelyada iyo xassilloonida Puntland oo laga ilaaliyo

hanqal-taagga dagaal-ku-ceesheyaasha iyo cadowyada kale ee shaadirrada kala duwan soo hagooganaya, sida dawlada la yiraahado soomaalida ayay Jabuuti uga dhalatay.

4.      xukuumaddu ilkulul ayay ku eegaysaa arrinta dammiirxumada, khiyaamada taxan iyo Kontorabankaba ah ee dhoofinta dhaddigga Xoolaha, Geedka Beeyada iyo Xayawaannada naadirka ah ee ilaalinta mudan.

Arrintaasi waa curyaamin dhaqaale iyo  dhaxalkii carruurteenna oo aynnu Iib geyneynno.

5.      xukuumaddu waxay adeegsan-doontaa sharciyada hadda jira, haddii laga maarmiwaayana waxay dejinddoontaa.

 Sharciyo cusub oo kuwa hadda jira ka kul kulul oo lagu  ilaalinayo hantidaas qaranka.

Inta ka horreysa, waxaa Hay'adaha nabadgelyada la farayaa in ay aad u feejignaadaan hubaalna ka dhigaan inaan dhoofinta noocaas ahi dibdambe uga dhicin deked ama meel kale oo ku taal dalka Puntland. 

 

MUWAADDINIINTA RAG IYO HAWEENBA!!

 

Waxaan idiinku yeerayaa in aad xukuumadda kalasoo

qaybgash-aan ka gudubka tiirada aynnu uga tallaabsanaynno dib-u-dhiska iyo horumarinta Puntland si aynu kaalin weyn oo la mahadiyo uga wada qaadanno dib-u-nabadaynta iyo dib-u-dhiska qaranka.

 

MAHADSANIDIN

 


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:12 AM. Webmaster HomePage