19 May 2007 04:26

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column](SW Guestbook) Xaaladdaadu marnaba kama soo rayndoonto haddii aad u gudubto daanta kale ee wabiga.....
  • Posted by/on:[AAJ][09 Aug 2000]

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


Xaaladdaadu marnaba kama soo rayndoonto haddii aad u gudubto daanta kale ee wabiga

  Qore : Salwe1@hotmail.com

Mar kale way salaamanyihiin akhristayaashu. Bal marka hore sheekadaan yar, Gobalka Misissibi ee cariga mareeykanka ayaa waxa joogi jiray nin caan ku ah dibjirnimada oo ummadda oo dhami ka quusatay hadalkiisuna uu san wax ka soo qaad laheeyn. Isaga oo taagan daanta wabiga kala bara magaalada ayaa waxa uu damcay in uu u gudbo dacalka kale ee wabiga, barigaa waxa la raaci jiray doonyo yar-yar oo lacag lagu kiraysto mana aysan jirin buundooyinka hadda jira. Ninkii dowdarka ahaa ayaa kula gor-gortamay milkiilihii doonta in uu wabiga gudbisiiyo, lacagtana uu bixin doono marka uu u gudbo daanta kale ee wabiga. Milkiilihii doonta ayaa ugu jawaabay hadal caan baxay oo cariga Maraykanka aad looga isticmaalo kaasoo macnihiisu yahay “Xaaladdaadu marnaba kama soo rayndoonto haddii aad u gudubto daanta kale ee wabiga” (Dhowr meelood bay sheekadu naga khuseeyn doontaa inta aan ku jirno akhrinta maqaalka). Sideedaba haddii ay labo ficili isku midyihiin ka yihiin korka ama daahirka, muhiim maaha in ay qasdigana isku mid ka ahaadaan, waana taa sababta uu Rasuulku NNK ha ahaatee uu u yiri “Inamal acmaalu bil niyaat” taasoo macneheedu yahay “Fal kasta oo la sameeyo waxa uu ka tarjumayaa qasdigii laga lahaa”. Sidaan horey u carabaabay filinka Carta dad ayaa taageersan dad badanina way ka soo horjeedaan. Saasoo jirtana niyadaha lagu taageersan yahay iyo kuwa looga soo horjeedaba maaha wax shaqo isku leh. Maqaalkayga maanta waxaan uga haddli doonaa kuwa filinka durbaanka u tumaya. Ugu horeeynba waxa maankayga ku soo duulaya raga allifay, kuwaas oo ku jira boor isku qarin iyo waxa aanu u naqaan kiis iska waalka. Waxan idin xasuusinayaa in kacdoonkii Muqdisho ka dhacay dabayaaqadii 1990kii ee ay Soomaalidu caynkastaba illaa iyo waqtigan natiijadiisii la tabaalaysan tahay gudaha iyo dibaddaba uu ahaa mid waxyaabo badan boor ku rogay. 21 sano oo bur-bur iyo xadgudub xuquuqul insaan ka ah ayaa ka horeeysay, taasoo aanan jeclayn in aan hadda dib ugu noqdo wixii dhacay maadaama ciddii ay dani ka heeyso si wayn uga dheragsan tahay ciddii kalena aan leeyahay waa dan iyo xeeshiin. Kacdoonkaas wuxuu boor ku ragay jaraa’imtii laga galay qaranka iyo qoomkiisaba kuwii galayna waxa uu ka dhigay xalay dhalay, sida ay xaqiiqdu tahay kacdoonku wuxuu dadkiisii dib ugu celiyay kuwii horay u gumaadi jiray dhiigoodana uga macaashi jiray. Kuu roonaan laheeydaa in uu kacdoonku u kaco dhanka wanaagsan. Kocdoonka way la socotaa ciddii ay dani ka heeyso waxa uu ku kacay iyo waxa uu geeystayba, oo dib iydana ugu noqon maayo, ee waxaa wax walba iiga daran in kacdoonkii uu reerkii ku soo furay halkii uu ka raray 10 sano ka hor, waxaad moodaa in uu kacdoonku ku socday goobo (cercal) xiran oo 360 digrii ah oo uu soo garay bartii uu ka biloowday. Ila mala awaal akhristoow xiriirka ka dhexeeya kacdoonka iyo ninkii dowdarka ahaa ee reer Misissibi. Shirka waxa kale oo taageersan culimada diinta rag ka mida. Runtii ragaasi isku niyad maaha ruuxoodu oo qaarba waxbaa guntiga hoose ugu jira. Qaar baa leh waa xalka kaliya oo aad ku qaban kartaan dalka, iyaga oo ka duulaya fikradda oranaysa bal wax uun nidaam hala helo si aad u heshaan jawi aad ku dabaqdaan siyaasadiina iyo qorshayaashiina ka dibna aad ugu gudubtaan suldada ama xukunka. Qaarbaa iyaguna nin necbeeysi aanu wada ognahay u taageeray shirka iyaga oo ku xumeeynaya madaxwaynaha DGP oo ay u arkaan in uu yahay cadawgooda koowaad, inkasta oo ay saaxiibadood kale u sheegeen arinkaa mid ka duwan. Kuwaas iyaga ah 91kii iyo 92kii cid lagaga kalsoonaa ma jirin, waase la isticmaalay, illaa heer la gaarsiiyay in ay goor barqo ah af-duubtaan madaxdii dhaqanka iyo kuwii siyaasadda ee gobaladii WBS, taasoo aanu ognahay wixii naga soo maray si looga soo kabto khasaarahii ka danbeeyay ee naf iyo mood ba lahaa. Khaladka bini aadam ayaa loo yahay, oo wuu dhacaa mar, waxase balo ah marka khaladka lagu adkeeysto, runtii culimadii u dhalatay goboladaas mayan yeelin sidaa wayna garwaaqsadeen taasoo aan qirayo in ay sabab weeyn u tahay ka soo baanashadii laga soo baantay dhibkaas. Siddeed sano ka dib dhacdadaas waxaad moodaa in culimadii mar kale la isticmaalyo oo ay iyaguna markale soo istaageen bartii aanu kal hor ka soo kaxeeynay ee 92kii. Toloow iyaguna soow si uma shabahaan dowdarkii, markii wabiga dhiniciisa kale la geeyay xaaladiisu isa soo tari wayday? Bal taa idinku wax ka dhaha. 

Waxa kale oo iyaguna filinka taageersan ardaydii Barre, inkasta oo ay taasi jirtana ardaydu qabiilo ayeey kala yeelatay, oo qolo waliba gurigeedii ayeey u huleeshay. Kuwii xamar iyo koonfurta Soomaaliya iyaga ayaaba hogaanka reerka u haya oo ka hadal maleh, waxayna naga quud dareeynayaan in aanu bari niraahno ragoow awalna anaga ayaa idinku fududaanay, maantana idinkii ayaa na bixiyay ee magaciin haraago aabena allaha u naxariisto ee taallo noogu dhisa. Ardaydii Barre ee Puntland haddaan u soo noqdana runtii waa la wanaajiyay, oo waxa loo ogolaaday in ay dadkooda dhinac ka raacaan, xag ijtimaaci iyo xag siyaasadeedba, illaa ay gaareen heer ay ka mid noqdaan hogaanka sare ee dagaanka. Inkasta oo aan anigu shakhsi ahaan aan waligeey taa ka soo horjeeday oo aan qabay in aan waxba daalac loo raacan balse laga digtoonaado, haddana niyad wanaaga reer Puntland ayaa u sahlay in ay heerkaa gaaraan, iyada oo aanu ognahay wixii ay shalay ummaddooda ku eeganayeen boorsooyinka lacagta ahna ugu badalan jireen qiimigii iyo sharaftii ummaddooda, ma rabo in aan sooyaalka dib ugu noqdo oo ciddii ay dani ka hayso way la socotaa waxa rag soo maray. Jirteeyoo waxaasoo wanaaga raggii ma garan oo shalayba markii ay falkaa sameeynayeen maangaabnimo ma heeyn ee damiirkooda ayaa u ogolaaday in ay waxaas ku kacaan, sida muuqatana inkasta oo la isku dayay in la daaweeyo ma dawoobin oo waxad mooddaa iyaguna in ay ku soo noqdeen halkii aan toban sano ka hor ka soo ka xeeynay, oo haddaanu keenay maanta wabiga dacalkiisa kalena ragii un waa “DHAGAX RIIXID IYO TUUJIN WAA ISAGA MID”. Bal akhristoow ragaas iyo dawdarkii reer Misissibi bal adigu kala saar anigu kala ogi ye. Waxa filinka iyaguna taageersan rag marka ay ardaydu ka macaashi jireen sharafka iyo karaamada ummaddooda, rag iyagu mar kasta lagu fulin jiray siyaasadihii Barre oo lag hor geeyn jiray kuwa ka dhiidhiya dibin daabyadii la wada ogaa iyada oo la isticmaalayo fikrada oranaysa “LAFO GEEL IYAGA AYAA LA ISKU JABIYAA” ama “QAYBI OO XUKUN”. Waxa aanu la wada soconaa in Barre magacaabi jiray oo markasta caleemo saari jiray Isimo iyo Odayaal dhaqameedyo cusub si uu uga hor geeyo dadka ka dhiidhiya xumihiisa, shacabkana qaar uga soo duwa. Kuwaasi waxay la haayeen nooc walba, iyaguna sida ardaydii ayaa qayb waliba qabiilkeedii raacday kacdoonkii ka dib. 

Dadku isku mid maahee reer Puntland waxa ay la haayeen Isimo la xushmeeyo oo soo jiray qarniyaal iyo qarniyaal mansabkoodana aad ka akhrisanayso inta uu is daba jiitamayo marka uu abtirsanayo qof ka soo jeeda qoyskaas, raggii tallaabo xumaa badalaye, waxaa yimid rag mansabkuba uu san isaga dhana u dhaafin. 

Reer Puntland iyaga oo ka dharagasan sababta ragaas loo siiyay mansabkaan iyo ciddii siisayba ayeey wanaag waxay u arkeen in ragaas sidooda loo daayo iyagana waxay isku kaaya tuseen rag wanaag jecel oo dadkooda wax laqaba. Arintu intaa kuma ekaane waxa la sameeyay kuwo kale oo tira badan, oo geedo badan ayaa hoostooda caano lagu qubay. 91kii waxaan maqli jiray hadaladaan: “7 da Isim ayaa shiray” “7 da Isim ayaa arintii la wareegay” iyo “7 da Isim ayaa go’aan soo saaray” Taa waxaa ii xigtay bari dhaweeyd 54 Isim ayaa Garoowe ku shiray!!! Ha ahaatee raggii ceeynkaa loo wanaajiyay oo sumcadoodii laga soo qaaday halkii ay taagneeyd 90kii ayaa illeeyn waa gaddoodiiye waxa ay maanta ku soo noqdeen bartoodii toban sano ka dib, oo waxa ay dhinac ka raaceen ardaydii barre ee riyootay, dhalanteedkana u aroor doontay. Akhristoow bal raggaas hadaanu wabiga dhiniciisii kale keenay iyo ninkii reer Misissibi xaalkoodu adigu muxuu kula yahay anigu yaabaye? 

Filinka waxaa sidoo kale taageeray Digil iyo Mirifle oo hoos yimaada Jab-hadda RRA. RRA way la socotaa in ayan shirka wax natiijo ah ka soo socon, saasoo ay tahayna way taageertay iyada oo taa ku saleeysay arin siyaasadeed. RRA oo ah dad ku cusub halganka waxa ay matashaa dad fara badan oo magac a mooyee caqli kale uu san mideeyn, waxa dani ka geeyn wayday in ay wax walba ka hormariyaan midnimada iyo jiritaanka cusub ee Ururka, waxa u cadaatay in uu shirku si naba u a meel mari doonin, sidaa darteedna waxa ay go’aansadeen in ayan waxba khasaari doonin haddii ay tagaan shirka intii uu ururku kala bur buri lahaa, halkaasna ay ka xaqiijiyaan in ay yihiin dad wax uun ku midoobi kara, isla markaasna ay uga nabad galaan in ay ku bur buraan ama isku laayaan meel cidla ah. Fikrad kale ayaa oranaysa in loo qishay buuga carta qaybtiisa caasimaddu ku qoran tahay ay carabaabayso in ay Baydhabo caasimad ku meel gaara noqon doonto , loona tusay in ay ka faa’idaysato saddexda sano ee kala guurka maadaama ay dawladdu dhisan doonto goobaheeda shaqada, taasoo xitaa haddii hadhoow laga raro u hari doonta reer Baydhabo, iyaga oo waliba la sii tusaaleeyay in ay adagtahay in xamar waligeed danbe xasisho, taasna macnaheedu uu yahay in Baydhabo waligeed sii ahaato Caasimadda Soomaaliya. Labada mala awaal kala duwan, kalana macna roon, tan hore haddii ay jirto waa caqli, tan danbe haddii ay jirtana alloow dawdarkii reer Misissibi ee u gudbay daanta kale ee wabiga ma noqotay. 

Reer Hiiraan way taageereen Filinka waxayna u taageereen sababo badan oo aad u shabaha kuwa aan kor ku soo xusay una baahnayn in aan dib ugu noqdo, haddaan isku soo duubana waxan oran karnaa waxa ay u taageereen waa “FIQI TOLKII KAMA JANO TAGO” Haddaba dadka noocaas ah ee filinka qaarna allifay qaarna taageeray waxay si walba u shabahaan ninkii aan maqaalka qisadiisa ku bilaabay ee reer Misissibi, waxaanan oran karnaa dhinac walba oo aad wabiga ka istaagtaan waxa aad tihiin kuwii aanu naqaanay “OO WADCIGIINU MARNA KA SOO REEYN MAAYO DHAN WALBA OO AAD WABIGA KA ISTAAGTAAN” Waxa ay sheekada ninkaas reer Misissibi shabahdaa maahmaahda soo maaliga ah- wax rag loogu maah-maaho maahee “ILLEEYN DOOFAAR MA DAAHIRO” 


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:14 AM. Webmaster HomePage