Wareeysi aan la yeelanay Inj. Hassan. M.
Abukar wakiilka RRA ee dalalka Australia iyo Newzland
by BAYDHABO PRESS
Wareeysi uu wargeysku la yeeshay Inj. Hassan. M. Abukar
Ergayga ama wakiilka RRA ee dalalka Australia iyo Newzland
BAYDHABO August 12, (BP)-Waxaa baryahaan danbe soo baxaya tuhumo
horay ay dad badan oo Somaaliyeed uga qabeen qorshaha nabadeynta
Somaaliyeed ee ay wado dawlada Jabuuti, waxaana maalmahaan danbe ay
dawlada Jabuuti bilowday in ay si toos ah u fara gashato arimaha
qowmiyada Digil iyo Mirifle, hadaba arimahass iyo kuwa kaleba waxaa
noo suurta gashay in aan wareeysi kala yeelano ergayga ama wakiilka
ururka RRA ee dalalka Australia iyo Newzland Md. Inj. Xasan. M.
Abukar. Wareeysigiina sidatan ayuu u dhacay.
BP. Md. Inj. Xasan waxaan ku farxasanahay fursada aad na siisay
waana aan kaaga mahadcelinayna intaas ka dib maxaa ka jira wararka
sheegaya in liiski ay ergada Digil iyo Mirifle gudbiyeen in dib loo
soo ceshay, hadise ay taas dhacday maxaa keenay baad is leedhay?
Inj. Xasan. Waa run hadalkaas oo waa xaqiiqo in ay dawlada Jabuuti
dib u soo celisay liis ay horey isugu waafaqeen ergada Digil iyo
Mirifle ee ku shirsan Carta, liiskaas wuxuu ahaa mid la wada
ogolaaday una ku saxiixna hogaamiyaha ergada qowmiyada Digil iyo
Mirifle ahna guddomiyaha RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud]
marka waxaa la yab ah arin dhamaatay in ay hadana dawlada Jabuuti
dib u soo celiso taas waxay mujinaysa qaabka xun ee u shirku u socdo
dhinaca kale arimahaas oo dhan waxay salka ku hayaan oo ka danbeya
kooxo ay dawlada Jabuuti wada shaqayn hoose leyihiin [alliance] oo
aad wada ogtihiin.
BP. Waxaa la leeyahay dad ayaa hadal ka keenay liiskaas, sidaas
ayaana kaliftay in liiskaas dib loo soo cesho maxaa ka jira warkaas?
Inj. Xasan. Way dhici kartaa in dad lagu shaqeysanyo oo loo
adegsanayo qeybinta iyo kala taga ergada Digil iyo Mirifle in ay
hadal iyo ka badanba kenaan kuwaas iyaga ah xagey jireen markii hore
oo liiska la gudbinaayey, khaladse soo ma aha shaqo ama [process]
dhamaaday in hadana dib loogu noqdo, marka soo hadal keenista iyo
isdaba socodku socon mayaan, maxaa lagu xalinaya aragtida ay qabaan
inta badan ergada Digil iyo Mirifle oo ah kuwaas la leeyahay hadal
bay keenen oo dartood ayaa liiskii loo soo ceshay in ay yihiin koox
yar oo loo adegsanyo qas iyo khilaaf aan dhamaanaynin.
Bp. Waa maxay waqtigaan hada ah mowqifka hogaamiyaha ergada Digil
iyo Mirifle mar hadii lagu soo ceshay liiskii uu maalmo ka hor
gudbiyay? waa kuwe qolada aad ku tuhunsantihiin in ay dawlada
Jabuuti xulufo la tahay?
Inj. Xasan. Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadud] iyo Madaxweyanaha
Jabuuti waxay kulmeen habeen hore waxayna ka wada hadleen sida ay
wax u dhaceen, wax aan ku qanacno kama soo bixin wada hadaladaas,
sida darteed waxaa la filaynaa in uu wafdigeenu sida ugu dhakhsaha
badan ay ugu ambabixi doonaan dalkoodi. Dawlada Jabuuti waxay xulufo
la tahay oo ka talo qaadata kooxo ay u magac dartay [civil society]
oo sidii caadada ahayd magac cusub la baxay waxaa horey loo ogaa in
ay la baxeen magacyo kale oo ay ka mid yihiin Maxkamadaha Islaamka,
maanatana [Civil Society] waxaan u malynayaa in aysan aqoon macnaha
civil society maxaa yeelay hadii ay yaqaaniin lama aysan baxeen
ayaga oo damac siyaassded leh Civil Society waa uu ka madax
banaanyahay siyaassada shaqana kuma laha. ugu danbeyntii waxaan u
mahadcelinayaa Madaxweynah iyo shacbka reer Jabuuti wayna ku
mahadsanyihiin martiqaadka ay fidiyeen.
BP. Hadii ay taas dhacdo oo Shaargaduud iyo wafdigiisu shirka ka
baxaan waxaa ay dad badan qabaan in ay tahay dhamaadkii shirka iyo
rajadii laga qabay in la helo dawlad Somaaliyeed maxaad taas ka oran
lahayd?
Inj. Xasan. Shirkan oo dhamaada maslaxad baa ugu jirta Somaalida,
maxaa yelay sida uu u socdo ma ahan mid ay ka soo baxyaan wax
mustaqbalka Somaali anfici doona, waa wax keeni kara dibaatooyin
cusub, Somaalidina hadaba kala qeybiyay oo kuwii ayaga oo heshiis ah
Jabuuti tegay ayaan maanta is arki karin, marka heshiis iska dhaafe
waxaa laga dhaxlay colaad hor leh, waxaana dhici karta in uu noqdo
shirkii ugu xumaa oo ay Somaali isugu timaado. Md. Dr. Xasan Maxamed
Nur [Shaargaduud] oo ah nin nabada jecel wuxuu dawlada Jabuuti u
gudbiyay talooyin hadii la qaadan lahaa wax ka badeli lahaa habka uu
shirku u socdo laakin Jabuuti oo u janjeerta kooxo gaar ah oo ay
wadato maslaxadna aan u arkin talooyinkaas way ka gaabsatay wax ka
qabashadooda.
Dhinaca kale shirka Jabuuti ma ahan rajadii Somaaliyeed, shirka
ayaaba wax weyn u dhimay rajadii Somaaliyeed markii horeba shirka
Jabuuti waqtiga uu ku soo beegmay ma ahayn waqti loo baahnaa, maxaa
yeelay dalka meelo badan oo ka mid ah waxaa ka sameysmay maamulo
waxaa ka jiray kala danbeyn, amaan iyo isixtiraam, marka laga reebo
gobolada dhexe qaarkood iyo Xamar.
BP Sidee u maleynaysaa in Somaaliya looga dhisi karo dawlad ay dadku
ku qancaan oo aan cidna lagu dulmin?
Inj. Xasan Sidaan horeyba kugu sheegay waxaa bilowday maamulo ay
gobaladu sameysteen iyada oo aan shirna dibada loogu qaban, hadi
marka ay gobolada kale ee aan weli sameysan wax maamul ah ay
sameystaan maamul gobaled, gobolada la haystana ay si nabad ah uga
baxaan kuwa xooga ku jooga, ka dib waxaa sahal noqoneysa in la helo
dawlad Federal ah oo ay madaxda dawlad gobaledyadaas ay sameyaan,
loomana baahan doono shir danbe oo dalka dibadisa lagu qabto.
(BAYDHABO PRESS)
http://network54.com/forum/44498