19 May 2007 04:25

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](Baydhabo Press) Wareysi Wakiilka RRA ee Australia&New Zealand
  • Posted by/on:[AMJ][Saturday, August 12, 2000]

Wareeysi aan la yeelanay Inj. Hassan. M. Abukar wakiilka RRA ee dalalka Australia iyo Newzland
by BAYDHABO PRESS

Wareeysi uu wargeysku la yeeshay Inj. Hassan. M. Abukar Ergayga ama wakiilka RRA ee dalalka Australia iyo Newzland


BAYDHABO August 12, (BP)-Waxaa baryahaan danbe soo baxaya tuhumo horay ay dad badan oo Somaaliyeed uga qabeen qorshaha nabadeynta Somaaliyeed ee ay wado dawlada Jabuuti, waxaana maalmahaan danbe ay dawlada Jabuuti bilowday in ay si toos ah u fara gashato arimaha qowmiyada Digil iyo Mirifle, hadaba arimahass iyo kuwa kaleba waxaa noo suurta gashay in aan wareeysi kala yeelano ergayga ama wakiilka ururka RRA ee dalalka Australia iyo Newzland Md. Inj. Xasan. M. Abukar. Wareeysigiina sidatan ayuu u dhacay.

BP. Md. Inj. Xasan waxaan ku farxasanahay fursada aad na siisay waana aan kaaga mahadcelinayna intaas ka dib maxaa ka jira wararka sheegaya in liiski ay ergada Digil iyo Mirifle gudbiyeen in dib loo soo ceshay, hadise ay taas dhacday maxaa keenay baad is leedhay?

Inj. Xasan. Waa run hadalkaas oo waa xaqiiqo in ay dawlada Jabuuti dib u soo celisay liis ay horey isugu waafaqeen ergada Digil iyo Mirifle ee ku shirsan Carta, liiskaas wuxuu ahaa mid la wada ogolaaday una ku saxiixna hogaamiyaha ergada qowmiyada Digil iyo Mirifle ahna guddomiyaha RRA Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] marka waxaa la yab ah arin dhamaatay in ay hadana dawlada Jabuuti dib u soo celiso taas waxay mujinaysa qaabka xun ee u shirku u socdo dhinaca kale arimahaas oo dhan waxay salka ku hayaan oo ka danbeya kooxo ay dawlada Jabuuti wada shaqayn hoose leyihiin [alliance] oo aad wada ogtihiin.

BP. Waxaa la leeyahay dad ayaa hadal ka keenay liiskaas, sidaas ayaana kaliftay in liiskaas dib loo soo cesho maxaa ka jira warkaas?

Inj. Xasan. Way dhici kartaa in dad lagu shaqeysanyo oo loo adegsanayo qeybinta iyo kala taga ergada Digil iyo Mirifle in ay hadal iyo ka badanba kenaan kuwaas iyaga ah xagey jireen markii hore oo liiska la gudbinaayey, khaladse soo ma aha shaqo ama [process] dhamaaday in hadana dib loogu noqdo, marka soo hadal keenista iyo isdaba socodku socon mayaan, maxaa lagu xalinaya aragtida ay qabaan inta badan ergada Digil iyo Mirifle oo ah kuwaas la leeyahay hadal bay keenen oo dartood ayaa liiskii loo soo ceshay in ay yihiin koox yar oo loo adegsanyo qas iyo khilaaf aan dhamaanaynin.


Bp. Waa maxay waqtigaan hada ah mowqifka hogaamiyaha ergada Digil iyo Mirifle mar hadii lagu soo ceshay liiskii uu maalmo ka hor gudbiyay? waa kuwe qolada aad ku tuhunsantihiin in ay dawlada Jabuuti xulufo la tahay?


Inj. Xasan. Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargadud] iyo Madaxweyanaha Jabuuti waxay kulmeen habeen hore waxayna ka wada hadleen sida ay wax u dhaceen, wax aan ku qanacno kama soo bixin wada hadaladaas, sida darteed waxaa la filaynaa in uu wafdigeenu sida ugu dhakhsaha badan ay ugu ambabixi doonaan dalkoodi. Dawlada Jabuuti waxay xulufo la tahay oo ka talo qaadata kooxo ay u magac dartay [civil society]
oo sidii caadada ahayd magac cusub la baxay waxaa horey loo ogaa in ay la baxeen magacyo kale oo ay ka mid yihiin Maxkamadaha Islaamka, maanatana [Civil Society] waxaan u malynayaa in aysan aqoon macnaha civil society maxaa yeelay hadii ay yaqaaniin lama aysan baxeen ayaga oo damac siyaassded leh Civil Society waa uu ka madax banaanyahay siyaassada shaqana kuma laha. ugu danbeyntii waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynah iyo shacbka reer Jabuuti wayna ku mahadsanyihiin martiqaadka ay fidiyeen.


BP. Hadii ay taas dhacdo oo Shaargaduud iyo wafdigiisu shirka ka baxaan waxaa ay dad badan qabaan in ay tahay dhamaadkii shirka iyo rajadii laga qabay in la helo dawlad Somaaliyeed maxaad taas ka oran lahayd?

Inj. Xasan. Shirkan oo dhamaada maslaxad baa ugu jirta Somaalida, maxaa yelay sida uu u socdo ma ahan mid ay ka soo baxyaan wax mustaqbalka Somaali anfici doona, waa wax keeni kara dibaatooyin cusub, Somaalidina hadaba kala qeybiyay oo kuwii ayaga oo heshiis ah Jabuuti tegay ayaan maanta is arki karin, marka heshiis iska dhaafe waxaa laga dhaxlay colaad hor leh, waxaana dhici karta in uu noqdo shirkii ugu xumaa oo ay Somaali isugu timaado. Md. Dr. Xasan Maxamed Nur [Shaargaduud] oo ah nin nabada jecel wuxuu dawlada Jabuuti u gudbiyay talooyin hadii la qaadan lahaa wax ka badeli lahaa habka uu shirku u socdo laakin Jabuuti oo u janjeerta kooxo gaar ah oo ay wadato maslaxadna aan u arkin talooyinkaas way ka gaabsatay wax ka qabashadooda.

Dhinaca kale shirka Jabuuti ma ahan rajadii Somaaliyeed, shirka ayaaba wax weyn u dhimay rajadii Somaaliyeed markii horeba shirka Jabuuti waqtiga uu ku soo beegmay ma ahayn waqti loo baahnaa, maxaa yeelay dalka meelo badan oo ka mid ah waxaa ka sameysmay maamulo waxaa ka jiray kala danbeyn, amaan iyo isixtiraam, marka laga reebo gobolada dhexe qaarkood iyo Xamar.


BP Sidee u maleynaysaa in Somaaliya looga dhisi karo dawlad ay dadku ku qancaan oo aan cidna lagu dulmin?

Inj. Xasan Sidaan horeyba kugu sheegay waxaa bilowday maamulo ay gobaladu sameysteen iyada oo aan shirna dibada loogu qaban, hadi marka ay gobolada kale ee aan weli sameysan wax maamul ah ay sameystaan maamul gobaled, gobolada la haystana ay si nabad ah uga baxaan kuwa xooga ku jooga, ka dib waxaa sahal noqoneysa in la helo dawlad Federal ah oo ay madaxda dawlad gobaledyadaas ay sameyaan, loomana baahan doono shir danbe oo dalka dibadisa lagu qabto.


(BAYDHABO PRESS)

http://network54.com/forum/44498

 


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:12 AM. Webmaster HomePage