- Title: [SW Country] (Garowe - PL) Warsidaha
Puntland Tirsi
55
- Posted by/on:[AAJ][16 Aug 2000]
Warsidaha Puntland
Tirsi 55
10 Aug 2000
Garowe – Puntland
Warsidaha Puntland Tirsi 55
Khamiis 10 August 2000
Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto
Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
T U S M A D A
WADA HADAL DHAXMARAY MADAXWEYNAHA PUNTLAND IYO RA'IISAL WASAARAHA
ITOOBIYA BOGGA 2AAD
WAFUUD SARE OO PUNTLAND AH OO HAWLGALO KALA DUWAN KA WADA GOBOLKA
SOOL BOGGA
2AAD
BAYAAN BEESHA FAARAX GARAAD SOO SAAREEN
BOGGA 6AAD
BANAAN BAXYO LID KU AH SHIRKA CARTA OO KA DHACAY MUQDISHA,
CEEL-BUUR, JUBADA DHEXE IYO JUBADA HOOSE
BOGGA 3AAD
MAAMULKA PUNTLAND OO SOO BANDHIGAY DABAALDEG QAANGAAR AH
BOGGA 4AAD.
SULDAAN CUSUB OO LAGU CALEEMA SAARAY DEGMADA DHAHAR BOGGA
3AAD
TAARIIKHDII XAMAR CAASUMADII HORE EE SOOMAALIYA BOGGA
5AAD
SHIRKII HOROO LAGU HESHIIN WAAYEY HOSTUU KA SII MARY KAN AAD CARTA
KU HAYSAAN BOGGA 7AAD
WAREYSI LALA YEESHAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BARI BOGGA
2AAD
BEESHA YAGOORI OO XARUN CAAFIMAAD OO ISKAA WAX U QABSO KU
DHISANAYSA BOGGA 4AAD
DHIBAATADA BACUHU KU HAYAAN DEEGAANKA BOGGA
3AAD
CUDUDAAR BOGGA 3AAD
DUGSIGA SARE EE LAASCAANOOD OO LA BANEEYEY BOGGA
5AAD
YAA ISKA LEH XAL U HELIDA DAWLAD SOOMAALIYEED BOGGA
7AAD
HAMBALYO BOGGA 7AAD
INVITATION (VACANCY) BOGGA
8AAD
WADA HADAL DHEXMARAY MADAXWEYNAHA PUNTLAND IYO
RA'IISAL WASAARAHA ITOOBIYA
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Mudane C/laahi
Yuusuf Axmed, wuxuu Magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra'iisal
Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane manasanaawi, waxayna kawada hadleen
Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaruhu arrimo la xiriira shirka Carta ee
Jabuuti, wayna isku afgarteen. Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
oo ka dhoofay Magaala Madaxda DGPL 2dii bishaan Agoosto, wuxuu
Itoobiya ka hor booqasho rasmi ah ku tagay Dalka Kenya.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed kolkuu dhamaysto
booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Itoobiya, wuxuu dib ugu soo
laaban doonaa Nairobi ka hor intaanu imaan Puntland.
WUFUUD SARE OO PUNTLAND AH OO HAWL GAL KALA DUWAN KA
WADA GOBOLKA SOOL
Todobaadkii hore waxa magaalada Laascaanood ku
kulmay Wasiirada Arrimaha Bulshada ee Puntland, Mudane Faarax Warsame
Cismaan, Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiir
ku xigeenka Cusub ee Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyon Deegaanka
Sulaybaan Cabdi Diiriye iyo abaanduulaha Daraawiishta Puntland C/samad
Cali Shire iyo Agaasimaha Guud ee Qorshaynta iyo Bangiyada Goonle iyo
Saraakiil kale oo ka tirsan Puntland.
Kuwaasoo hawlgalo kala duwan ka wada Gobolka, marka
laga reebo Wasiirka Arrimaha Bulshada oo dib ugu soo laabtay Caasimada,
ka dib markuu shirar gaar ah la kala galay mas'uuliyiin iyo waayeel
kala gedisan.
Mudane Xaabsade ayaa isagu ku mashquulsan shir
nabadeyn ah oo ku saabsan shaqaaqadii dhowaan hawdka cagaarre ku
dhaxmartay labo beelood oo
reer Puntland ah oo ay beeshiis midi tahay isagoo
iminka ka qaybgalay shir weyne gaar u ah beeshiisa Tuulada kala Beydh.
Dhanka kalena Wasiir ku xigeenka Cusub iyo
Agaasimaha Guud ee Bangiyada iyo Qorshaynta iyo Abaanduulaha
Daraawiishta ayaa iyagu hawlo muhiim ah oo xagga siyaasada iyo Amniga
iyo maamulkaba leh aad isaga xilsaaray xubnahaas oo Wasiirka Arrimaha
Bulshadana wehliyo ayaa shirar hore ula galay Garaad Ismaaciil Ducaale,
waxaana ka soo baxay shirkaas is afgarad fiican iyo ballamo.
Qaramaynta iyo Tayaynta Ciidamada oo la damacsan
yahay in dhaqaajinta Maamulka iyo bilowga Canshuurahana lagu xejiyo
ayay ku soo dhalaaleen madaxdaas.
WAREYSI LALA YEESHAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BARI
PUNA-Bosaaso.
Agaasimaha Wakaaladda wararka Puntland (PUNA) ayaa
xafiiskii Gobolka Bari wareysi kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Md
Cali Ciise Cali, wuxuuna u dhacay sidaan.
Su'aal :- Mudane Guddoomiya goorma ayaad xilkan
Guddoomiyanimada qabatay?
Jawaab:- Waxaan qabtay oo xilka la wareegay
5/7/2000.
Su'aal:- Hore xilkaan oo kale meelna ma uga soo
qabatay?
Jawaab:- Waa jireen xilal dhowr ah oo aan soo
qabtay meelo kala duwanna aan ka soo qabtay laakiin ma soo qaban xil
Guddoomiye Gobol, maantaana iigu horreeysay.
Su'aal:- Maxaad kala kulantay hawlaha adag oo
faraha badan ee Gobolka ka socda, sidee baadse wax uga qabatay, sida
arrinta Markabka BINA, oo xumaaday qolyo kalluumeysato ahina qabsadeen?
Jawaab:- Waxaan markii aan xilka la wareegey la
kulmay hawl adag oo uu markabkaasi ka mid ahaa, Cisbitaalka Bosaaso oo
arrin ka taagneyd oo maamulka Cisbitaalka iyo dad rayid ah ka
dhaxeysay iyo waliba xaalad nabadgelyo xumo ah ee ka taagneyd
Balli-dhidin intaba, waxbaanu ka qabaney dadaal dheeraad ah iyo daacad
baanu isku xilsaarney, sidii aanu wax uga qaban lahayn, waana ku
guuleysanay.
Waxaa kale oo iyana xusid mudan, Warshada Baastada
oo xaalad nabadgelyo xumo ka alloosnayd oo laba qolo isku hor fadhiyen
iyana waxbaanu ka qabaney, Warshaddiina waxaa gacanta ku haya
Ciidamada Dawladda Puntland, Qolyihii isku hayayna Guddi baanu u
qabanay arrintooda xal ka gaara.
Su'aal:- Mudane Guddoomiye, Dawladda Hoose ee
Boosaaso iyada maxaad ka qabatay oo ddweynuhu si xun farta ugu
fiiqayaan?
Jawaab:- waa dhab in dadweynuhu mudan yihiin
meeshii ay dhaliilaan in wax laga qabto, waana jirtay in Dawladda
Hoose baabasanayd oo ahayd meel aanay wx shaqo ahi ka socon ay hadda
xusid mudantahay oo aanu xaliney dhibtii ka jirtay oo dhan, haddana
shaqo fiicani ka socoto.
Dhinaca dhaqaalaha haddii aan wax yar jalleecno,
waxaa jirtay xaalad adag oo dhaqaale xumo, waayo waxaa yaraaday
dakhligii soo xaroon lahaa, marka waxaanu xooga saarnay annagoo la
kaashaneyno dadweynaha in Canshuurta xoog la saaro say u soo xerooto
Canshuurtii baaqn jirtay.
Wuxuuna hadalkiisii ku soo gabagabeeyey
Guddoomiyuhu, Annagu waxaanu u adeegnaa oo heegan u nahay Bulsha
weynta Puntland, waxaanna Bulshada aanu u adeegno ka rajaynaynaa inay
gacan naga siiyaan wadajirna aynu wax u qaban laheyn
BANAAN BAXYO LID KU AH SHIRKA CARTA OO KA DHACAY
MUQDHISHA, CEEL-BUUR IYO JUBADA HOOSE
Warar laga siidaayey xalay qalabka warbaahinta ee
BBC-da waxay sheegeen in Beelo ay ka mid yihiin Absame iyo Murursade
ay ka bexeen shirka Carta iyagoo ka xun qaybta loo qoondeeyey in ay
qaataan Baarlamaanka dhalanteedka ah ee lagaga hadaaqo Carta, waxaa
kale oo ka dhacay Magaalooyinka Muqdisha, Ceel-Buur, Jubada Hoose iyo
Jubada dhexe iyo meelo kale banaan baxyo lagu diidan yahay waxa ka
socda shirka Carta.
SULDAAN CUSUB OO LAGU CALEEMO SAARAY DEGMADA DHAHAR.
7/8/2000 ayaa beesha Yuusuf Haaruun iyo
bahwadaagteeda oo ka mid ah beelweynta Dubays Warsangeli ayaa doortay
Suldaan, Suladaan kaasoo layiraado C/laahi Cartan X. Faarax.
Kadib markii shirar iyo wada tashiyo muddo soo
socday ay yeesheen beeshu ayaa laysku raacay in la doorto Suldaan C/laahi
Cartan X. Faarax.
Caleema saarkaas iyo Xafladaas oo ahayd mid aad loo
soo agaasimay mudo dheerna laga soo shaqaynaayey ayaa lagu
qabtay madal aad loo goleeyey taasoo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad
u farabadan oo ay hormood ka ahaayeen
isimo kala duwan oo kala socday Gobolada Puntland Cuqaal iyo dadweyne
aad u farabadan oo ka kooban qaybaha bulshada, iyada oo dadweynuhu
waxay ugu duceeyeen Suldaanka In xilka la saaray Illaahay u fududeeyo
isaguna wuxuu balan qaaday in uu dadaali doono.
Suldaanku wuxuu dhashay 1945tii, Malcaamada
Quraanka wuxuu ka galay Buraan 1950kii, Dugsiga Hoose wuxuu ka dhigtay
Laasqoray 1953dii Dugsiga dhexena wuxuu kagalay Dayaxa, 1956, Dugsiga
Tababarka Macalimiinta Camuud ayuu galay 1962dii.
Wuxuu macalin ka noqday Dugsiyo kala gedisan ee
Dalka gudihiisa, mudo ka
dibna wuxuu ka tagay shaqada Maclin nidamada,
wuxuuna ka mid noqday shaqaalihii Wakaalada Ganacsiga ka dibna wuxuu
noqday Caaqilka Caaqilada Beesha Warsangeli isagoo ka dhaxlay Allaha u
naxariistee Aabihii Cartab Xaaji Faarax oo ku magac dheeraa Cartan
Injir, sanadkii 1967dii, wuxuuna Caaqilka Caaqilada ahaa 34 sanno iyo
sideed bilood.
7/8/2000 waxaa loo caleema saaray Suldaanka
Beeshaas, waxaa kale oo leeyahay Suldaanku waaya aragnimo xagga
maamulka ah, isagoo soo maray maamul dowladeed oo kala gedisan.
DHIBAATADA BACUHU KU HAYAAN DEEGAANKA
Dhibaatooyinka Deegaannada ku dhaca waa farabadan
yihiin, labo qaybood baana ugu weyn qayb ah kuwo dabeecaddu keento iyo
kuwo bani-aadamku keeno.
Kuwa dabeecaddu oo aalaaba ka dhasha Abaaraha iyo
daadadka mahigaank ah oo iyagu deegaanno badan xaalufiya, iyagoo
daadadkaasi gooynayaan dhirtii ciiddii wanaagsaneydna qaadaya,
dhalanrog deegaankeena, dabadeedna deegaankaasi isu baddalo lama
deggaan.
Abaaraha oo ku habsada muddo dheer deegaamo
waxyeelo weynna u gaysta, ugana taga waxyeelooyinkaas faraha badan oo
ay ka midka yihiin xaalufin iyo nabadguurin.
Waxaa kale oo iyana qayb weyn ka qaata dhibaatada
ku dhaca deegaamada Bani'aadamku oo dhibaato weyn oo joogta ah ku haya,
iyagoo jaraya ama gubaya keymo badan una isticmaalaya Dhuxul, Baraago
ay ka qodaan Keymaha, ama Tuulooyin aan loo baahnayn ka sammeeynaya
meelihii ugbaadka ahaa, dabadeedna ay meelahaas aan soo sheegnay ay
isu badalaan lama degaanno, sida aynu ku aragnay dhul badan oo keymo
ahaa, oo laga sameeyey Tuulooyin iyo Baraago.
Waxaa iyana xusid mudan oo waayahaan dambe soo
baxday kooxda loo yaqaan dhalacadda oo iyagu wata Kamam ganacsi oo ka
daba guura hadba meeshii Xooluhu joogaan, waxay iyagana dhib u
gaystaan dhirta oo
waabab ka dhistaan, iyagoo dhirtii waaweeyneyd iyo
nagaarkaba jaraya, say uga dhistaan waababkaas.
Aafada ugu daran oo ku soo korodhay dhibaatooyinka
waxyeeleeya Deegaanka oo ah Bacaha Alaabta lagu qaato oo dhibaato aad
iyo aad u ballaaran u geysta, Bacahaas oo maanta geedkasta ku dhegsan
oo aad moodayso in lagu sharaxay geedka, xad dhaafna ku yihiin wadanka,
waxay geeystaan in ay qalajiso geedka dhanka ay ku dhegsan tahay.
Marka haddii ay qalijiso maalintii 10 geed, bishii
waxay qalajinaysaa 300 oo geed, sanadkiina waxay qalajisaa 3600 oo
geed.
Haddii aynu soo qaadano 3sanno waxay keenaysaa in
ay qalajiso 10800 oo geed. Waxay kaloo keentaa in xooluhu cunaan
bacaha, neefkii cunana dheefshiidkiisu ma shiido, oo caloosha isaga
duubtaa ama dhuunta isku xertaa, dabadeedna neefkaasi wuu dhintaa,
waxaana ku jira oo ku dheehan maadooyin u macaaniya in xooluhu cunaan,
hadaba haday keento intaas oo dhibaatooyin ah oo leh deegaan iyo
xoolaba, waxaa haboon oo aan ku talin lahaa in la joojiyo ka
ganacsigeeda sharcina ay ka so saaraan Hay'adaha ay khusayso, cidii
dambe oo keenta sharciga la horgeeyo isagoo la ciqaabayo macahana laga
gubayo.
Waaan kula dardaarmayaa dadweynaha Soomaaliyeed
gaar ahaan reer Puntland in ay ka feejignaadaan ka ganacsiga bacaha oo
dhibaatooyinkaas xad-dhaafka ah inaku haya, haddii intaas oo dhib ah
inoo geysato inaguna ma noolaanayno, nolasheena wixii dhib ku hayana
waa in aynu ka ilaalinaa oo ka difaacnaa. (Yaasiin Aadan Rooble)
CUDUR DAAR
WARSIDAHA PUNTLAND OO HADADKIISANI DIB U DHACAY,
WXA SABAB U AHAA ARRIMO FARSAMO
MAAMULKA PUNTLAND OO SOO BANDHIGAY DABAAL DEG
QAANGAAR AH
Waxaa si qaangaarnimo ah, qurux iyo qiiro leh
todobaadkii hore lagu soo bandhigay barxadda weyne ee Garoowe dabaal
deg lagu maamuusay sanad guuradii labaad ee udubka loo taagay Maamul
Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Damaashaadkaas oo ahaa mid aan Dawladda, Bulshada
qaybaheeda kala duwan iyo ciidamada Nabadgelyada (Booliis iyo
Daraawiishba), loo kala harin, wuxuuna isku waqti ka wada dhacay
dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxaana lagu wada
ducaystay in Eebe sanadka dambe, nabad, Barwaaqo iyo caafimaad nagu
gaarsiiyo, iyo waliba in Alle suura gal ka dhigo helitaan midnimo iyo
qaran Soomaaliyeed oo aan turxaan iyo shuhubo lahayn.
Waxaa xafladaas si qushuuc, rabitaan iyo ayidaad
leh uga soo qaybgalay Dawlada ka sakow, Martisharaf xoog leh oo ka
kala timid qaybaha Soomaaliya, Gobolada Puntland, Ajinabi iyo
tobannaankun oo shacabka Garoowe ah oo ay ka muuqatay dhaaddanaan
markay si wacan u soo wada xirteen labbiskoodii ugu dambeeyey, waxayna
kaga qaybgaleen dabaaldegga taageero ah sacab, mashxarad, iyo caleemo
qoyan, waxayna ahaayeen dadweynihii saldhigga iyo udub dhaxaadka u
ahaa ku guulaysigii shirweynihii libineed ee 1988dii Garoowe ka
hirgalay.
Barxada Garoowe waa laami, waxayna isku xertaa
jidka laamiga ah oo kaga darsama Bari iyo Galbeed.
Barxada Garoowe waxay aad uga weyn tahay, kana
bilicsan tahay barxadii loogu yeeri jiray (Sucndo Liido)
ee Xamar, taasoo 1961dii ilaa 1964tii lagu qaban jiray xafladaha
sanadguurooyinkii Gobonimada.
Barxadaas waxaa todobaadkii hore dhextaagnaa oo
runtii aad u bilay dabaal dega indhahana lala raacayey kooxda
muusikada ee Ciidamada ee ay gabari wehlisay, waxaana ka soo
burqanayey sanqaro isugu jiray maaweelo iyo kuwo ay kala lahaayeen
xoogaggii bandhigga sameenayey ee martida loo wada ahaa.
7:20 ayaa xoogaggii salaanta bixinayey dhaqaaq
bilaabeen, waxaa ugu horeeyey kooxo matalayey ururada Bulshada sida
ubaxa, bisha cas, hobalada, Isboortiga, Dhalinyarada, Hooyooyinka iwm.
Waxaa ku xigay si haboonna looga ilsugtay ciidamada
daraawiishta oo tuute qabay, ayna u whelisay calaammaddii ciidamada
daraawiishta lagu yiqiin oo ah cimaamad cad, waxaana ummaddii wax
daawanaysay aad uga heleen sidii ciidamadaasi saanta isula helayeen,
magaca ciidamada daraawiishtu wuxuu baxay waqtigii Sayid Maxamed
Cabdulle Xasan, waana magac aad u gaamuray oo ummadda Soomaaliyeed
jeceshay, cadowguna neceb yahay, waana tii Sayidku ugu hanjabay
Gaalada "MA DULKEENAY KUMAN DUUBCAD AH OO WADA DARAAWIISH
AH".
Waxaa ku xigay ciidammadii gaadiidka oo qaarkood ku
gaashaannaayeen hubka cadow-ga lagu gubo, markay haboon tahay, dadka
soomaaliyeed oo intii lagu jiray Burburka kala bartay agabka
ciidammada waxaa ku cusbaa taladooda ayna isha hoos ugu shiisheen,
waxna iska weydiinayeen baabuurtii xoogganayd ee ciidammada ee isku
nooca ahayd, ahna gaadiid tayo ka muuqato.
W. Q (Muuse Xaaji Siciid (Abees)
BEESHA YAGOORI OO XARUN CAAFIMAAD ISKAA WAX U QABSO
KU DHISANEYSA.
Xarun Caafimaad oo ka kooban 3 qol ayaa laga
bilaabay dhismaheeda tuulada Yagoori ee Degmada Laascaanood,
dhismahaas oo iska kaashanayeen Xafiiska Bisha Cas ee Sool iyo
dadweynaha reer yagoori.
C/raxmaan Xirsi Muslin oo ka mid ah aqoonyahanada
beeshaas ayaa warsidaha u sheegay in xoogaa qalab ah ay Hay'addu ku
deeqday, dadweynuhuna ay fulinta dhismaha qaabileen iyadoo aan loo
kala harin.
Wuxuu intaa ku daray in xaruntaas caafimaad ay ka
faa'iidaysan doonaan ilaa 5000 oo bukaan socod ah.
Waxaa kaloo la filayaa buu yiri, kolka uu dhammaado
dhismuhu in ay qalabeynta iyo gargaar kaleba ku taageeri doonto
Hay'ada laanqayrta Cas ee Jarmalka.
Ugu dambayntii Mudane C/raxmaan wuxuu jaalliyadda
reer Yagoori ka codsaday inay gacan ku xoojiyaan Hawshaas.
TAARIIKHDII XAMAR CAASIMADII HORE EE SOOMAALIYA
(1300-1991)
(Qaybtii 2aad)
Sababaha Magaalo Caasimad u noqon karto qoraalkii
hore baan ku soo sheegnay, waxaa ka mid ah:-
- In ay tahay meel dalka laga hogaamin karo.
- In ay u dhexeyso, ummadda oo aan dadka Qabiil, Diin, Midab
takoor ka muuqan.
- Cimilo wanaagsan waa iney leedahay.
- iney leedahay xeer u gaar ah oo dawladda dhexe ay maamusho (Statuus).
Sidaa darteed hadii aan afka ku dhufto meelaha aan
u arkaayo iney noqonkaraan Caasimada dawlada federaalka ee soomaaliya.
|
CRITERIO |
MAGAALO |
CIMILO |
BADD/BIYO |
DARIIQYO |
DEGANAASHO |
|
Baidoa |
80% |
50% |
70% |
70% ( -) |
|
Brava |
85% |
100% |
80% |
90% (+) |
|
Gaalkacayo |
70% |
50% |
70% |
80% (+ -) |
|
Cerigavo |
90% |
50% |
20% |
90% (+ -) |
|
Kismaayo |
80% |
90% |
80% |
90% |
|
Hargeysa |
80% |
50% |
70% |
90% |
|
|
|
|
|
|
Marhaddii lix daas Magaalo aanu leenahay Caasimad
laysku qabsado meesha mataal.
Tii Soomaaliya ugu qiima badnayd, waxaa ka
inkaarsaday, dad aan xilkas ahayn oo Caydiid guriceel ka soo uruuriyey,
isagoo ka lahaa dan ah, xukun iyo bililiqo isku darsi, aduunkana magac
xumo aan hareyn noosoo jiidey, halkaasna waxa ku burburay wixii aan
xadaaro iyo ilbaxnimo lahayn.
Marka Xamar, waxay noqonaysaa magaalo tijaaro,
hadiise Puntland taladeeda la qaadanaayo oo caadifada hogaamiyeyaasha
qaarkood ay ka daayaan, Caasimad shaqaysa iyo Dawlad federal ah, si
dhakhso ah baa lagu heli karaa.
Shirka Carta ee la marin habaabiyey marna kuma
fakerin, xaggee caasimad noqon karta?
Dadka degani ee ummadaha hantideeda ma dhawrikaraan,
xafidaana, haddii ay dhacdo sidii 1991, burbur
dawladeed.
Xamar taasu kama dhacin. Arrimahaas waa in la
tixgeliyaa marka ugu horeeya ee shir weyne Soomaaliyeed. Loo dhanyahay
la isugu yimaado, anoo rajaynaya in uu noqdo sanadka 2000 ka hor, oo
aan wakhti loo dhumin.
(Qore:- Yaasiin Faarax Cartan)
DUGSIGII SARE EE LAASCAANOOD OO LA BANNEEYEY…
PUNA 2-8-2000
Dugsiga sare ee Laascaanood ayaa dibada laga dhigay
qoysaskii iyo dadkii badnaa ee ku habsaday Qolalka, Fasalada,
Xafiisyada, iyo Laababka lahaa ee dugsiga sare ee Laascaanood, kaasoo
hoy u ahaa tan iyo 90kii.
15qol ayaa hal maalin lagu baneeyey oo laga raray
dadkii ku jiray, iyadoo mashruucaan lagu
fuliyey iskaashi dadweyne, sida uu Wariyaha
Warsidaha Puntland uu xaqiijiyey Guddoomiyaha
Waxbarashada
Gobolka Sool Maxamuud Jaamac Dalmar oo Guddi waayeel
ah oo uu ka tirsan yahay ay hawshaan fuliyeen, waxaa halkii albaaba
lagu furdaamiyey lacag dhan 250 Doollar, taasoo
laga helay Jaaliyadaha reer Sool ee dibada ku dhaqan, oo iyagu
dhismihii hore ee Dugsigaan gacan ka gaystay, Kaalmadii dadweyne ee
1998kii lagu hergeliyey.
Mudane Dalmar wuxuu sheegay in weli 3 qol harsan
yihiin kolka la ebyana dayactir deg deg ah lagu bilaabi doono,
waxbarashadii Dugsiga sare oo uu Gobolka kaga haray Puntland inteeda
kale
BAYAAN BEESHA FAARAX GARAAD SOO SAAREEN
Shir ay yeesheen 5/8/2000 waxgaradka, Odoyaasha,
Cuqaasha, iyo Siyaasiyiin ka socda Beelaha Faarax Garaad oo ay ka mid
yihiin, Beesha Axmed Garaad, sida-Cali-Geri Axmed, Aadan Axmed,
Samakaab Axmed iyo Beesha Guuleed Garaad, waxaa ka soo qaybgalay cadad
aan yareen oo beelahaas aanu kor ku soo sheegnay iyo dad aan ka fogayn,
waxaana lagu qabtay Magaalada Laascaanood.
Shirkaasi waxaa looga wada hadlay arrimaha Soomaali
weyn iyo kuwo gaarahaaneed ee Puntland, Dood-dheer iyo falanqayn ka
dib, waxaa la go'aansaday in la soo saaro, Qodobadan oo ah bayaan
beeleed waana sidaan hoos ku qoran:-
- In Maamul Goboleedka Puntland oo ku dhismay rabitaanka shacbiga,
Hogaankiisana lagu doortay hab Dimuqraadiyad ah, sidaa daraadeed
wuxuu mutaystay in loo arko muqadis aanay beeshaasi ka hor
imaankarin.
- In ay beelahaasi taageersan yihiin qabanqaabada hadda la wado ee
dulucdeedu tahay, sidii loo dhaqaajin lahaa maamulka Gobolka Sool
ee u adeegista Daryeelka Bulshadda Gobolkaas iyo sugida ammaanka
iyo nabadgelyadda, Uruurinta canshuuraha iyo wixii la mid ah, cid
kasta oo ka hor timaadana, si wada jir ah laysaga qabto, iyada oo
lala kaashanaayo Bulshada Caafimaadka qabta ee horumardoonka ah.
- In shirka Carta ee dalka Jabuuti ka socda uu halis wayn ku yahay
Ummadda Soomaaliyeed siiba Isirka Daaroodka, una horseedaayo
Qalalaase hor leh iyo dagaalo aan la saadaalin-karin sida ay
noqonayaan, natiijada ka soo bixidoonta iyo Goorta uu dhammaanayo,
sidaas awgeed in shirkaas iyo waxa ka soo baxaba laga fogaado,
Waxtixgelin ahna aan la siin.
- In taageerro buuxda oo hiil iyo hooba leh ay la garabtaagan
yihiin Beelahaasi Maamul-Goboleedka Puntland oo ay wax ka dhisteen,
Cidii ka hortimaadana ay u arkidoonaan Cadaw jiritaankooda lid ku
ah
.
Hadba, iyadoo dadkii shirkaas ka soo Qaybgalay aan
warqadaan lagu soo koobi Karin, waxaan halkaan idiinku soo Muujinaynaa
xubno ka kooban Cuqaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ay u Wakiisheen in ay
Beyaankaan u sixiixaan, waana kuwan hoos ku qoran:-
( eeg 55_1.html )
SHIRARKII HOROO LAGU HESHIIN WAAYEY HOOSTUU KA SII
MARAY KANAAD CARTA KU HAYSAANE.
Hordhaca waxa qoray (Prof Maxamud Ismaaciil)
Tixda waxaa tiriyey, (Abwaan Maxamuud Shiikh).
Abwaan Maxamud Shiikh, wuxuu ka mid ahaa dadkii
rumaystay dicaayaddii loo sameeyey shirka Carta ee Jabuuti, hase
yeeshee kolkii ay soo if bexeen arrimo caddaynaya sababaha fashalka
iyo rajo beelka shirka Carta sida:-
- Faragelinta gaartey heer Soomaalida meesha ku kulantay loo
yeeriyo go'aano aan xal keenayn, balse keeni kara isku dhac sida
la tashi la'aanta madaxda soomaalidu dooratay ee Gobolada qaarkood
ama matalaya himilada dhabta ah ee shacbiga soomaaliyeed.
- ka qayb galayaasha shirka iyo kuwa u taliyaa, waxay ka badin
waayeen in ay dhahaan; qabyaalad wax ha lagu qaybsado! Haddee
qabyaalad dawlad iyo bulsho casriya lagu maamuli karaa, ma lagu
fulin karaa mashaariic horumarin qaran iyo adeeg bulsho.
- Soomaalida Alle mideeyey oo wadaagta dhalasho, diin, luqad,
dhaqan iyo masaalix, qabyaaladda waxa uga kheyr roon in ay wax ku
qaybsadaan deegaan, si midnimadeedu u xoogsato iyo wax wada
qabsigeedu, una dhisato dawlad Federaali ah.
Miyaynaanse garan Karin kuwa qabyaaladda ku dhegani
in ay yihiin indhow garad iyo kuwa aan rabin midnimo, Qaranimo iyo
dib-u-heshiin.
Arrimahaas oo idil, waxay si xoog leh u kiciyeen
shucuurka waddanimo ee Abwaanka weyn Max'ud Shiikh oo ku cabbiray
tixgabay ah mowqifka uu ka taagan yahay shirka Carta, Max'uud Shiikh
wuxuu safka hore kaga jiraa, taageerayaasha DGP, shirka Cartana tixda
soo socota ayuu xaqiiqdiisa ku sheegay:-
Ismaaciil hal yey baan u qabey
Wuxuu haarminaayaan lahaa
Hambalyo iyo salaan baan u diray
Hayeeshee hubsana waa lahaa
In kastuu habeen iyo dharaar ama uu haween iyo
ragaba.
Allay lehe hal bacad lagu lisey.
Shirarkii horeetoo jiroo hud iyo cadow baa fadhiyey
iyo qaar hunguri doona
Hoos buu ka sii maray maalintii horee.
Waa ku soo hirane
Dadaf hoosnayde hal ima seegayne
Dhidiidku hooraayey
Hadala gaarsiiyey
Noqotay hawshiiye.
Lagu heshiin waayey
Haarib iyo tuuge oo ku hafray ruuxoode
Kanaad Carta ku haysaane.
YAA ISKA LEH XAL U HELIDA DAWLAD SOOMAALIYEED
Sida aynu ogsoonahay waxaa la soo maray 10-sanno oo
bur bur ah iyo dawlad la'aan oo burburkaasi gaaray ilaa iyo qof kali
ahaantiis u burburay hadaba sidee ayaa burburkaasi dal iyo dadba
saameeyey looga badbaadi karaa.
Sida aynu wada ogsoonahay waxaa lagu soo
guuldaraystay shirar badan oo waqtiyo badan kulamo laysugu keenay
hogaamiye kooxeedyada, wax raad ah oo dano dadka iyo dalkaba u ah oo
ka soo baxayna ma jiraan, waxaad moodaa oo kaliya faa'iido laga soo
hoyiya in ay tahay sii kala fogaynta ay ku sii kala fogaadaan ama
garabyo isgarabsiiya, mid walbana colaadaas ayuu ula soo noqdaa kana
soo shaqeeyaa una saa'idiyaa calaada.
Midaas hadaan intaas ka xuso oo aan u soo noqdo
shirka carta, shirka haatan ka socda Carta, waxaad moodaa inuusan ka
duwaneen shirarkii hore ee uu awalka ka xumaaday, waayo markii la yiri
ergada waxaa lagu qaybsanayaa Qabiil ayey marin habaabiyeen, ciddii
ololaynaysay oo ugu talagashay inaan wax ka soo bixin waayo, haddii
Ergadu lagu salayn lahaa qaabdeegaan maanta dood kama
taagnaateen, in Baarlamaanka Deegaan lagu saleeyo
hadase waxaad moodaa in aan marna xal laga gaari Karin.
Marka sidaas ayaa laysku maandhaafsan yahay oo
hortaagan xalkii loo gudbi lahaa, waxaan qabaa haddii xaaladu sidaas
tahay waxaa laysugu soo dhawaan karaa inay tahay oo kaliya sidatan:-
- In ay maamulo samaystaan, meelaha aan maamulada lahayna loo
sameeyo maamul.
- In meelaha maamulada lihi baahiyaan siyaasdooda gudaha ay ku
dadaalaan sidii nabad iyo wada noolaansho ugu soo dabaali
lahaayeen Walaalahooda Soomaaliyeed.
- In ay isku xilsaaraan sidii ay ku heli lahaayeen deegaamada
deriska la ah maamuladooda.
Marka maamuladu samaystaan oo meelahaan maamuladu
lahayn loo sameeyo maamulo.
Nimanka maamulka hogaaminaya inaysan la kulmin
nimaan maamul lahayn, waana in lagu khasbaa in ay samaystaan meelaha
aan maamul lahayn maamul, hadaba marka la helo qaabkaas in loo qabto
dawlad dhexe oo federaal ah ayaa xal lagu heli karaa dawlad
soomaaliyeed oo sax ah. (Maxamuud Cali Gurey Suudi)
HAMBALYO
Anagoo kala ah:-
- Siciid C/laahi Sardheeye (Juujaalie)
- Cali farxaan Jaamac Afweyne.
- Maxamuud C/laahi Xuseen (Alakis)
- Siciid Cismaan Maxamuud.
- Daahir Bulshaale Boos.
- Meygaag Afweyne Gaashaan.
- Cali Ileeye Faarax.
- Anis Siciid Cismaan.
- Shukri Jaamac Xoosh.
Shukru Jaamac Xoosh. Waxay hambalyo iyo bogaadin u
dirayaan dadkaas C/rashiid Jaamac Xoosh (Isburaash) iyo Hodan Cismaan
Maxamuud, oo Wiil ugu dhashay
Degmada Galdogob, waxayna Illaahay
ugu baryayaan inuu noqdo kii dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisaba Anfaca.
(Aamiin Aamiin)
INVITATION (VACANCY)
General Directorate of Personnel Establishment and Labor Affairs.
Subject:- Vacant Post for Human Resource Development
Specialist.
The Directorate of Personnel, Establishment and Labor Affairs in
the
Presidency, Puntland State of Somalia, intends to engage a Human
Resource Development specialist as a consultant. The project is funded
by the UNDP/OPS Somalia.
Duty station: Garowe, capital of Puntland State of Somalia.
Period of engagement 3 months (Extendable)
Nature of the Duties:-
- Coordinate and actively participate in UNDP/CBF'S technical
assistance, training and on-the-job-training programs for the
Directorate of Personnel, Establishment and Labor Affairs in the
areas of manpower resource planning and policy formulations, civil
service restructuring, skills development, productivity
improvements, formulation of rules, regulations and guidelines for
civil service administration.
- The consultant will work under the Director General of DPE and
Labor Affairs, and will also report to UNDP/CBF Coordinator on
administrative and technical matters and for guidance.
Specific Duties:-
- In consultation with the Directorate, he/she will prepare a work
plan in the prescribed format giving performance indicators and
expected out put to be sent to the UNDP/CBF Nairobi for endorsement
and monitoring:
- Assist DPE and Labor Affairs in the development of policy
formulation for human resource development;
- Assist the DPE and Labor Affairs in determining the optimal
staffing levels commensurate with the role and functions, the
socio-economic level of development and resources of Puntland State
of Somalia;
- Identify counterparts for training and on-the-job-training in
personnel management and manpower planning to ensure sustainable
institutional capacity building;
- assist the Directorate to review periodically the training and
technical assistance needs of its staff and those of the ministries
and autonomous public agencies to strengthen the public
administration and assist them to formulate capacity building
programs tailored to the short and medium-term needs and consistent
with the mandate of the UNDP/CBF;
- Assist the DPE and Labor Affairs in its staffing evaluation
programs, assist to create data base of civil servant, the surplus
staff and locally available professionals and resource persons;
- Assist the DPE and Labor Affairs on policies related to the human
resource development.
- Conduct on-The-job-training for the counterpart staff in the DPE
and Labor Affairs in this acitivity so that the same can be carried
out by them independently in due course.
- Assist the directorate in organizing training and on-the-job
training for the staff of the directorate and other public agencies
and follow-up their progress.
- Collaborate and cooperate with all other development initiatives
and programs in the region to avoid duplication and ensure programs
consistency.
- Cooperate and collaborate with UN and UNDP coordinators and
participate in all relevant matters of capacity building and joint
programming exercise.
- Assist the directorate in the collection of C.V's of local
professionals and other resource persons to be included into the
data base of Somali professionals.
- Insure that the activities are undertaken in a most cost-effective
and efficient manner without any overlapping or duplication. Should
take utmost care that all capacity building activities in areas
where other agencies are involved or mandated are left to them.
Should there be a need to undertake them, then it must be done
either jointly with them, or on their behalf or through them as
appropriate.
- Special concern such as gender balance and human rights should be
addressed within technical assistance, training and
on-the-job-training programs; and.
- Submit periodic progress reports on the implementation of the
activities undertaken consistent with work plan.
- Any other duties as assigned by the director general of DPE &
Labor Affairs.
Qualification and Experience:-
- The candidate should be a Puntlander and possess and advanced
degree in economics or relevant discipline.
- At least 15years experience in senior management dealing with
planning human resource development issues.
- Excellent communication skills and knowledge of Somali and English
languages.
- He/She should be computer literate.
- Relevant working experience in Somalia is essential.
Application should be submitted to the Directorate
of Personnel, Establishment and Labor Affairs in Garowe not
later than 30th August .
The interested applicants abroad should send their
applications by E-mai to:- <Warsame @melbpc.org.au>
Abdulahi Ahmed (Azhari)
Director General of Personnel Establishment and
Labor Affairs
[Country] |