19 May 2007 04:24

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country](Garowe-PL) WP 56
  • Posted by/on:[AAJ][16 Aug 2000]

 

Warsidaha Puntland

Tirsi 56

13 Aug 2000

Garowe Puntland

 


Warsidaha Puntland Tirsi 56

Axad 13 August 2000

Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto

Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland 

 


 

 

 

T U S M A D A

 

     

  • BARBAARINTA IYO DA'YARTA BOGGA 4AAD
  •  

  • WAFDI KA SOCDA URURKA MIINO BAARISTA CAALAMKA OO YIMID PUNTLAND BOGGA 2AAD
  •  

  • XOOLO DHEDIG AH IYO DUURJOOG LA DAMACSAN YAHAY IN LA DHOOFSHO BOGGA 2AAD
  •  

  • DABAYLAHA GANACSIGA EE KA DHACA SOOMAALIYA BOGGA 4AAD
  •  

  • BANAAN BAX KA DHACAY CARTA BOGGA 2AAD
  •  

  • URURKA HAWEENKA GOBOLKA BARI BOGGA 3AAD
  •  

  • KA HORTAGA CUDURKA DUUMADA BOGGA 3AAD
  •  

  • XAQIIQDA JIRITAANKEENNA BOGGA 5AAD
  •  

  • SHIRKA HOROO LAGU HESHIIN WAAYAY HOOSTU KA SIIMARAY KANAAD CARTA KU HAYSAANE BOGGA 6AAD
  •  

  • DANTI-MOOGE MARO DUUG AH HORTEEDUU DHAMMAADA BOGGA 6AAD
  •  

  • QAADKA IYO SOOMAALIDA BOGGA 7AAD
  •  

  • RUNTII CARTA!! MA LA ARKAY? BOGGA 8AAD
  •  

  • JAGOOYIN BANAAN BOGGA 8AAD

_____________________

WAFDI KA SOCDA URURKA MIINO BAARISTA CAALAMKA OO YIMID PUNTLAND.

PUNA Garoowe 10/8/2000

Waxaa dhowaan yimid, caasimada Puntland ee Garoowe wafdi ay hoggaaminaysay gabadha la yiraahdo Judy Graysan, oo ka socotay Ururka miino-saarka adduunka ee Xaruntiisu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka, Wafdigaasi waxay daba socdeen kormeero hore loogu sameeyay xagga miino-saarka Puntland, Agaasinka Guud ee miino-saarka, dhaqan-celinta iyo dib-u-dejinta Puntland, Mr Maxamuud Soofe Xasan, oo isna ka warbixiyey qaabka hawshaasi oo socon doonta, wuxuu sheegay in qaabka miina saarka loo qaybiyay seddex qaybood, laakiin Annagga waxaa na khuseeya haddaanu nahay Puntland, qaybta koowaad oo bilaami doonta bisha Oktoobar ee sannadkaan.

Waxaana weeye, sahaminta dhulka lagu tuhunsan yahay miinada, taasoo ah in lagu sameeyo, khariidad, cabiraad, xadayn dhulka ku jirto inta uu le'eg yahay, ayna weheliso tababarkii la siin lahaa dadka ka shaqeyn lahaa miino-saarka, Hawshaa laqabanayo waxaa fulinaya oo qabanaya NGO's caalami ah oo hoos imaanaya Hay'adda UNDP, Doorka Agaasinku yeelanayo waxaa weeye, mudnaansiinta dhulka miinada laga saarayo ama la sahaminayo la socodka iyo hubinta hawsha la qabanayo.

 

XOOLO DHADIG AH IYO DUURJOOG LA DAMACSAN YAHAY IN LA DHOOFSHO

PUNA Bosaaso 8/8/2000

Wariye ka tirsan Wakaalada Wararka ee Puntland PUNA waxa uu noo soo sheegay mar uu socdaal gaaban ku tagey meel ka baxsan magaalada Bosaaso, wuxuu ku soo arkay xoolo dhadig ah oo dhoof loola diyaar yahay oo tiradoodu dhan tahay 300 oo sabeenood, dhuxul jawaano ah oo cabbaysan, duur joog ka kooban 3 cawlood, 7 Haramcad, 4 Deerooyin, 30 Goroyooyin ah.

Haddii arrintaan wax laga weydiiyey dadkii meeshaas joogay waxa ay sheegeen in ay yihiin dad shaqaale ah oo xoolaha iyagu ka xoogsada, waa sida Wariyuhu soo sheegaye mar arrintaa wax ka waydiiyay in ay ogyihiin iyo in kale Sarkaal sare oo Booliiska Gobolka Bari ka tirsan, waxa uu Wariyaha u sheegay in hawshaan baarintaankeeda lagu guddo jiro laakiin aanan weli haynin wax cad oo food saar ah.

Hawl lahaan baryahaan dambe noqday wax ku soo badanaya Gobolka Bari meelo ka tirsan oo laga raro Tahriibta, Dhuxusha, iyo Duurjoogtabam, Waxaa la rumaysan yahay in ay u egtahay dhacdooyinka joogtada noqday loona baahan yahay in wax laga qabto, laamaha Dawlada oo ku shaqada lihi iyo dadweynuhuba

DAB XUMIDA MAGAALADA GAROOWE

PUNA Garoowe. 11/8/2000

Waayahan dambe waxaa magaalada Garoowe ka dhacay in dabka Korontada Magaalada Garoowe kala gogo oo magaaladu weydo dab xiriir ah, haddaba waxaanu ka wareysanay dhibaatadaas dabka ah Maamulaha Saldhiga Xooga Korontada ee Magaalada, Mudane Axmed Jabuuti, Maamulaha oo ka waramaya dab xumida Magaalada.

Wuxuu yiri waa run in dabka Magaaladu xun yahay, waxaana sababay Matoorka oo qalab dayactir ahi ka maqan yahay, Shidaalka oo isna qaaliyoobay Bad xiranka oo isna sii qaaliyeeyey shidaalka oo aan cidina keenin.

Kirada Baabuurta oo sii qaaliyoowday Hay'adda NESHA oo iyana qidmad loo saaray Shidaalka, hadaba markii qiimo bararkaas yimid waa qasab Maamulka Xoogga Korantada Gobolka Nugaal Garoowe inay wax ku daraan yimihii dabka Magaalada Isticmaasho, Bisha Agoosto oo ah bisha sideedaad ee sanadkaan.

BANAAN BAXYO KA DHACAY CARTA.

BBC-11/8/200

Kooxaha digil iyo mirifle oo ka qayb gelay shirka Carta, ayaa banaan baxyo koox koox ah ka dhigay dariiqyada Magaalada Carta, Banaan baxaas oo xayiray Gaadiidkii magaalada u kala gooshi jiray, waxay kaga cabanayeen dadka loo soo gudbiyay liiska Baarlamaanka matalaaya Beelahaas, Waxayna ku tilmaameen dadkaasi in aysan ahayn kuwo matali kara beelaha digil iyo mirifle.

 

URURKA HAWEENKA GOBOLKA BARI..

HAWEENKA BARI WAXAY AYID SAN YIHIIN DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND. SHIRKA JABUUTI WAXAAN KU DIIDNAY MAJARA HABAABINTA

Haweenku waa udub dhexaadka bulshada, waana tiir Aasaasi ah oo lagama maarmaan, haddii ay tahay dhanka Qoyska, Haweenka waxa ay had iyo goor ku hawlan yihiin dhismaha Bulshada, waxa ay qayb weyn ka qaataan Horumarka dalka koriinka ubadka, isla markaasna ku hawlan yihiin diyaarinta hoygooda.

Haweenku kaalin mudnaan iyo qadarin leh ayey ka qaataan dhismaha qoyska fiyow, doorka haweenka ee qaaliga ahi waxaa uu soo shaac baxay xilliyadii dhibaatada badnaa ee qaxootiga iyo barakaca iyo dib u dhiska megaalooyinka cusub, Haweenka Gobolka Bari oo ka hadlaaya xaaladaan waxaan kula kulnay xarunta Gobolka Guddoomiyaha ku xigeena Ururka Haweenka Gobolka Bari Marwo Maryan Maxamed Xasan, waraysigii aan la yeelanay wuxuu u dhacay sidatan:-

Su'aal:- Waxaad ka warantaa waxa uu qabto Ururkiinu?

Jawaab:- waxaa Haweenka Gobolka Bari doorweyn ay ka qaateen dhismaha Dawald Goboleedka Puntland oo uu Hogaamiyaha ka yahay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, waxaa kale oo ay Haweenka Gobolka Bari iyaga oo uu Hogaaminayo UHGB ka qayb qaateen fidinta nabadgelyada siiba la dagaalanka tuugada iyo jiriga, dhismaha xarunta jeelka Bosaaso, intaas waxaa noo

dheer oo ay ka qayb qaateen dib u dhiska goobaha waxbarashada dhallaanka.

Dagaal ayey la galeen dhaqan xumida ku baahday Bosaaso

burburka ka dib.

Su'aal:- Haweenka Gobolka Bari, Bosaaso ma ka qayb galeen shirka Jabuuti?

Jawaab:- Shirka Jabuuti waan diidnay oo waxaan ku diidnay majara habaabinta lagu sameeyey, Dawlad ayaa noo dhisan oo Puntland iyada ayaana dhismaheeda Aaminsan nahay oo ayidsanahay inta soomaali weyn lahelaayo.

Su'aal:- Aqoon darada Haweenka si xun ayey ugu baahsan tahay marka dhibaatadaas sidee wax uga qabanaysaan.

Jawaab:- Ururuka Haweenka Gobolka Bari dhaqaale madax bannaan malaha Hay'adahana dhaqaale kama helno, Unicef oo qaabilsan Hooyada iyo Carruurta oo Hay'adaha si isdaba joog ah waa Life and Peac.

Su'aal:- Haweenka Daawada wax beddesha isticmaala maxaad ka leedihiin?

Jawaab:- Haweenka waxaan ku waaninayaa in ay ka waan toobaan ku dayashada dhaqamada xun ee shisheeyaha, balse ay u dhisnaato Anfaca adduun iyo mid aakhiro, Diinteena macaana ma banayn in midabka labadalo, sidaas darteed waxaa haboon in Haweenku Diinteena u

noqdaan, Ganacsatada ka ganacsata dhibaata fidinta waxaan ku boorinaynaa in aan ganacsigooda dhibaato fidin.

Su'aal:- Mas'uuliyiinta maxaad u soo jeedinaysaan?

Jawaab:- Mas'uuliyiintana waxaan u soo jeedinaynaa in loo soo jeedsado danaha dadweynaha, siiba arrimaha Bulshada iyo Nabadda.

Shugri Cali Jaamac (Bosaaso)

 

KA HORTAGA CUDURKA DUUMADA.

 

Waxaa la helay siyaabo fudud oo loogu hortagi karo cudurka duumada, nooca looga hortagayo oo loo yaqaan Rolback Malaria programe. Waxaana ka mid ah.

     

  • In laga hortago Guriga aad degan tahay inaad 200m2 isku wareeg ah, iska ilaalisid inaad biyaha sida ceelasha aadan ka qodin.
  •  

  • Inaad kaneecada qaniinyadeed iska ilaalisid, xiratidna sinsiyeer.
  •  

  • Inaad haddii aad leedahay Ceel, Baraag, ama meel biyo badan lagu keydio, waa inaad kalluun ku ridaa, si uu u cunno ukunta kaneecda oo noqota dixiri inta uusan noqon kaneeco, ayuu kalluunku XXXXo ka dhigtaa.
  •  

  • Waxaa la ogaaday in Gobolada Puntland ee aanu ku nool nahay, haddii malaariyo kugu dhacdo, aadna isticmaashid dawada loo yaqaan (Chloroquen) in aysan waxba ka tarayn, waayo way la qabsatay.
  •  

  • Waxaa la ogaaday oo la xaqiijiyay in sayaalaha aanu kor ku soo xusnay looga hortagi karo cudurka Duumada.

 

Regional Nugal Coordinator .

C/qaadir Ismaaciil Cali

 

DABAYLAHA GANACSIGA EE KA DHACA SOOMAALIYA.

 

Saynu la wada socono, waxaa dhawaan bilowday sannad soomaaliga, oo ah tirsi soomaalidu tirsato, siiba dadka reer Guuraagu ah iyo dad xeebaha ka shaqeysta, hadda waxaan maqaalkan ku soo qaadayaa dabaylaha Ganacsiga ee doonyihii shiraac lahaa ku dhoofi jreen.

Doonayaha Soomaaliyeed ee lahaa shiraaca waxay boqol guurooyin tagay ku dhoofi jireen xoogga dabaysha, taas oo leh xiliyo ay isku beddesho sanada gudaheeda dabaylaha joogtada ah ee doonyuhu waxaa ka mid ah:-

     

  1. KOOS:-
  2. Raasiga Casayr, ee ah geeska beri ee qaaradda Afrika, wuxuu isku dadbaa ama celiyaa dabaylaha KOOS ee la yiraahdo, koosku wuxuu dhaca Afar bilood oo ka bilowda Deyrta, Kooska waxaa ku dhex jiraa xilliyo ama Dabeylo kale yar yar sida, 1) Caw 2) Ciiraley 3) Madlac.

    Dabaylahaasi waxay iyaguna ka yimaadaan dhinaca berri carrab iyo waqooyi. 3) Madlac oo ka dhacda dhinaca badda laba bilood oo koos raacsan bay socotaa dabeyshaasi.

     

  3. SHAMAL (XAGAA)

Dabayl kale oo xoog weyn baa kooska kula hardanta Raasiga Casayr agagaarkiisa oo is bubirya, Raasigaana kala qaybiya oo seera u ah dabeylahaas, Shamaal (Waqooyi) Afcarbeed loo yaqaan dabayshaas, waxay ka dhacdaa dhanaca Gacanka Carbeed iyo Xeebaha waqooyi ee Soomaaliya Caseyr , Eray ahaan wuxuu ka soo jeedaa af carbeed, micnihiisuna waa burburin.

Dabaylaha Koos iyo Shamal oo isburburinaaya Awgood buuna ku dhashay eraygaasi, Shamal wuxuu

dhaca seddex billood oo bed xiran ah kuna dhexe jira xagaaga, Dabaylahaas hardankooda wuxuu kiciyaa maayad ama mowjad, taasoo doonyaha u jiida xaggu jasiirada Suqadara iyo koonfur beri kolkaas ka dib, wuxuu kiciyaa maayad isagu iska leeyahay oo iyaduna u jiida doonayaha dhinaca koofureed, haddii ay ka fogaadaan Raaisga sidaas awgeed doonyaha waxaa loo dhoweeyaa oo lagu wadaa Raasiga Dugsigiisa, si ayan maayaddu ugu jiidan badweyn iyo baaxad sooraha, Doonyuhu Cadan bay ka soo dhoofi jireen Shamaalka oo yimaadaan soomaaliya ka dibna khariif bay geli jireen kolkaas oo bad xiranku soo galo oo xagaagu bilowdo, Dabeylo yar yar baa ku dhex jira Shamaalkana waxaan ka mid ah:-

     

  1. Daboojie-weyne oo qod layiraahdo.
  2.  

  3. Dabooje-yare oo qayd layiraahdo, xilligaa doonyuhu fariistaan khooriyada ee ayan u dhoofi karin badweyn, xagaa baa la yiraahdaa khooriyada bay fariistaan illa koos dambe furmo.

     

  1. ASJAB (Wajiine) Marka Koos iyo Shamal dhammaadaan waxaa kaca xilliga Wajiine oo wata Dabaylo la yiraahdo Asjab oo ka timaada waqooyi iyo berriga Carbeed (Basra-Dabay) Asjabku lixbilood oo ku aadan Deyrta buu socdaa, baduna way furan tahay Doonyuhu markaas meesha ay doonaan bay u dhoofi karaan. Asjabka waxaa ku dhexjira oo dhextaal ah sida.
    1.  

    2. Ximir oo Roob wata marka sanadku 90 berri joogto.
    3.  

    4. Musareen oo ka yimaada berri Carab kolka sanadku joogo 150 beri buu yimaadaa dabayshaasi
    5.  

    6. baranbaar iyo 4.berriga labo bilood oo raacsan, lix goor 5 muqiibi oo ka timaada Asjab weeye labadaas xilli koos iyo Asjab oo bad furan ah bay dhoofaan Doonyihii shiraaca lahaa ee Soomaalida iyo Carrabta.

Tarjume (Yaasiin Aadan Rooble)

 

BARBAARINTA IYO DA'YARTA.

 

Dhocdooyin badan ee aan la kulano annaga oo mareyna waddooyinka magaalada, waxay kugu abuurayaan farxad ama naxdin iyo murugo, tusaale xun, koox ciyaal ah oo dameer garaacaya ul iyo dhagax, dhammaantood wiilal yihiin, qaarkoodna qaan gaar, yihiin hooyooyinkii mustaqbalkuna daawanayaan, haweeney ku qaylineyso, war miskiinka ha dilinina, war iskadaaya iyaguna qosqoslayaan.

Dameer kale oo dheddig ah iyada oo nuujineysa mid yar oo ay dhashay caloosha ayaa laga dooxay, Rina sida ay sheegeen dumar meesha joogey naas ayaa laga gooyey.

Naxariis darrrada noocaas ah in ay ka dhacdo bulsho 100% muslin ah maxaa keenay?

Shaki ma leh in ay jirto marnaan (Vacuum) xagga barbaarinta, waxa maqan kaalintii Hooyada, aabaha, dugsiga, masaajidka, culimada, indheergaradka, Abwaanada, maqalka iyo muuqaalka, kana gaabiyey barbaarinta wanaagsan ee Da'yarta marnaantaasi waxay da'yarta ku abuurtay naxariis darro, waxayna halis u yihiin in aaney mustaqbalka u naxariisan waalidka waayeelka, bukaanka, naafada, caruurta, deriska oo aaney jeclaan dalka, dadka iyaguna isjeclaan.

Haddaba intaan Da'yartu marin habaabin oo aaney ka lumin qiyamka (Values) iyo akhlaaqdu waa in aan ku hanuuninaa in ay bulshadooda iyo dalkooda jeclaadaan, una naxariistaan xayawaanka Alle noo sakhiray.

Waxaa qoray Prof. Maxamuud Ismaaciil

 

XAQIIQADA JIRITAANKEENNA.

 

Xiligii yaraa ee ka dambeeyey dhismihii Maamul Goboleedka Puntland aynu dib u eegno Geediga dheer ee milmilan, halka uu ka qalooday inagoo ka raadinayna taxanaha taariikhdeena.

DHISMAHA MAAMUL GPL

Dhismaha Puntland kuma imaan laab lakac iyo hiyi been ah ee wuxuu ku yimid Talada iyo halgankii Isimada, Culimmaa udiinka, Siyaasiyiinta aqoon yahanka, Haweenka iyo Dareenka iyo Rabitaanka dadweynaha Puntland, waa kan dhaliyey sida wada jirka ah in ay beelihii ku midoobey shir weynihii axdi qarameedka lagu dhisay Maamul Goboleedka Puntland, shirkaas beeluhu ku midoobeen waxaa lagu doortay.

  1. Dastuurkii Dawlad Goboleedka Puntland.
  2. Madaxweynaha Dawlad Goboleeka Puntland.
  3. Madaxweyne Ku-xigeenka.
  4. Golaha baarlamaanka.

Qaabkii Dimoqraadi ee doorashadaasi u dhacday Arin Farxad Gelisey Goob joogayaashii ajnabiga iyo guud ahaanba caalamka, waxaana la orankaraa wuxuu ahaa shirkaasi mid aan kala kulanay guul taariikhi ah iyo deeq rabbi oo mudan in aan ku xamdi naqno, waxaad og tahay ma kuu sheegaa bay noqonaysaa Haddaan faalo dheer ka bixinno isbedelkii shirkaasi dhaliey dibad

iyo gudaba.

     

  • Waxaa laga gudbey xiligii taladu ahayd Qoys-Qoys.
  •  

  • Waxaan taladeennii iyo hoggaaminteenii u dooranay Koox dad ah oo aynu iska dhexdooranay.
  •  

  • Waxaynu noqonay dawlad iyo shacbigeed.
  •  

  • Magaca Puntland wuxuu noqday mid kulmiya Guud ahaan Beelihii ku midoobey talada, wax wada qabsiga taladuna waxay ka godaa cidda u mudan ee aynu u dooranay.
  •  

  • Dhinaca kale Puntland, Dastuurka Dawlad Goboleedka Puntland waxaa ku cad Puntland in ay tahay Asaaska Dawladdii Soomaaliyeed una furan soomaaliya cid alla ciddii ku soo biiraysa, Calanka Puntland waa kii Soomaaliya, Calaamadda Puntland waa tii Soomaaliya Muusikada Puntland waa tii Soomaaliya.

Dan maahan in lagu tallaabsado wixii dhan ka ah nabada iyo Maamul Goboleedka Puntland, sidaynu ognahay Beryahaan dambe waxaa soo if baxay falal iyo tallaabooyin siyaasadeed ee liddi ku ah Maamulka Iyo nabadda Puntland oo qaar innaga mid ihi mas'uul ka yihiin Tusaale, caalamka dawlad aan mucaarad lahayn waa yar tahay waxaase jira mucaarad doonaya:-

       

    1. in dawladdu dib u sax ku samayso Qaloocyada iyo dhaliilaha ka muuqda Hawlaha Dawladdu u xil saaran tahay.
    2.  

    3. In dawladu ku shaqayso rabitaanka iyo dareenka dadweynaha mucaaradka noocaas ah ma ahan mid xun ee waa dib u saxe.

       

    • Mucaarad hadafkiisu yahay dumiye maahan mid aan u baahanahay wuxuuna noqdaa dano burburiye sababtoo ah, waa

     

  • cadowga jiritaankeenna, waa cadwga midnimadeenna iyo sharafteenna, waa cadawga nabadeenna iyo maamulkeenna.

Markaan dib u raacno ismaan dhaafka siyaasadeed ee jira xiligan aan is weydiinee maamulka Puntland ma cid gaaruu dan u yahay? Mise waan u wada baahanahay, waxay u muuuqataa midaan u wada baahanahay oo aynu wada dhisanay mudanna in aan wada ilaashanno TUSAALE haddii dhexdeenna ay ka abuuranto arrini maahan in lagu tallaabsado wax yaabo Dhallin kara jaah wareer waxna u dhimi kara nabada iyo maamulka ee waa in loo daayaa cidda mudan ka talinteeda (Nin la oran jirey Cismaan Yuusuf oo abwaan ahaa Baa wuxuu Arkay in wax walba dariiqii ay la haayeen laga leexiyey oo taladii laga qaady dadkii mudnaa wuxuu yiri.

       

    • Haday talo ciriiriga gashoo caad u bixi waayo.
    • Culimo iyo wax loo saari jirey caaqil fiiro lehe.
    • Cirka haday u booddo ninkii celin lahaa weydo.
    • Carruur uga daraysiyo haday caamo ka adeegto calooshaba ka goo saw markaas kagama ciil beeshid.

Waxaa Qorey Cawil Buulle ( la soco todobaadka dambe)

 

SHIRARKII HOROO LAGU HESHIIN WAAYEY HOOSTUU KA SII MARAY KANAAD CARTA KU HAYSAANE.

Hordhaca waxa qoray (Prof Maxamud Ismaaciil)

Tixda waxaa tiriyey, (Abwaan Maxamuud Shiikh). 

Abwaan Maxamud Shiikh, wuxuu ka mid ahaa dadkii rumaystay dicaayaddii loo sameeyey shirka Carta ee Jabuuti, hase yeeshee kolkii ay soo if bexeen arrimo caddaynaya sababaha fashalka iyo rajo beelka shirka Carta sida:-

     

  1. Faragelinta gaartey heer Soomaalida meesha ku kulantay loo yeeriyo go'aano aan xal keenayn, balse keeni kara isku dhac sida la tashi la'aanta madaxda soomaalidu dooratay ee Gobolada qaarkood ama matalaya himilada dhabta ah ee shacbiga soomaaliyeed.
  2.  

  3. ka qayb galayaasha shirka iyo kuwa u taliyaa, waxay ka badin waayeen in ay dhahaan; qabyaalad wax ha lagu qaybsado! Haddee qabyaalad dawlad iyo bulsho casriya ma lagu maamuli karaa, ma lagu fulin karaa mashaariic horumarin qaran iyo adeeg bulsho.
  4.  

  5. Soomaalida Alle mideeyey oo wadaagta dhalasho, diin, luqad, dhaqan iyo masaalix, qabyaaladda waxa uga kheyr roon in ay wax ku qaybsadaan deegaan, si midnimadeedu u xoogsato iyo wax wada qabsigeedu, una dhisato dawlad Federaali ah.

Miyaynaanse garan Karin kuwa qabyaaladda ku dhegani in ay yihiin indhow garad iyo kuwa aan rabin midnimo, Qaranimo iyo dib-u-heshiin.

Arrimahaas oo idil, waxay si xoog leh u kiciyeen shucuurka waddanimo ee Abwaanka weyn Max'ud Shiikh oo ku cabbiray tixgabay ah mowqifka uu ka taagan yahay shirka Carta, Max'uud Shiikh wuxuu safka hore kaga jiraa, taageerayaasha DGP, shirka Cartana tixda soo socota ayuu xaqiiqdiisa ku sheegay:-

       

    1. Ismaaciil hal yey baan u qabey Maalintii horee
    2.  

    3. Wuxuu haarminaayaan lahaa Waa ku soo hirane
    4.  

    5. Hambalyo iyo salaan baan u diray Dadabti hoosnayde
    6.  

    7. Hayeeshee hubsana waa lahaa Hal ima seegayne
    8.  

    9. In kastuu habeen iyo dharaar Dhidiidku hooraayey
    10.  

    11. Ama haween iyo ragba Hadala gaarsiiyey
    12.  

    13. Allay lehe hal bacad lagu lisey. Noqotay hawshiiye.
    14.  

    15. Shirarkii horeetoo jirooLagu heshiin waayey.
    16.  

    17. hud iyo cadow baa fadhiyeyHaarib iyo tuuge.
    18.  

    19. iyo qaar hunguri doona oo ku hafray ruuxoode
    20.  

    21. Hoos buu ka sii marayKanaad Carta ku haysaane.

(Mowduucani khalad farsamo madbacade-ed ayuu ku soo baxay tirsigii hore, waxaana la soo qoray mar labaad)

 

DANTI-MOOGE MARA-DUUG AH HORTEE-DUU DHAMMAADA.

Markaad fiiriso xilliga lagu jiro iyo dadka soomaaliyeed waxay ku sifoobayaan Maah-Maahdaas aynu soo sheegnay, waxaa cadaan ah ummadda soomaaliya siday u badan yihiin in aysan dantooda garaneyn, waxaynse

yaqaaniin ruux dan uu leeyahay in ay ku taageeran iyagoo tooda halmaansan, markii la weydiiyo oo la yiraahdo maxay inoo dan ah, waxay tilmaan dantii kii uu sheegay waagii ugu danbaysay. 

Aan si weydiinee Ismaaciil Cumar Geelle tafaraaruqa iyo Qabyaalada uu shirka u adeeg-saday muxuu ula jeeday?

Hadaynaan is yeel-yeeleyn waxaynu wada og-soonahay arrintaasu in ay ahayd ujeedo xeegaan leh, markii horeba shirka jabuuti wuuu anbaday ama wuu lumay, hadaba wixii qalad ku biloowda qalad ayey ku dhammaadan haddan la toosin intay arrintu wax ka qabasho leedahay.

Waxaa loo baahan yahay ruux waliba intuu iskiis u karo inuu yiraahdo maxaa kuudan ah, dabadeedna dantiisa raacdo, haddii ruux waliba garto danihiisa waxaa leysugu imaan lahaa danta guud oo la wada fah-mi lahaa, dabadeena wax xumaan lahaa majireen, alahayow ummadda xaqa tus.

Waxaa Eebe inagu abuuray qaarada Afrika siiba Geeska Afrika, miyeynaan ahayn bini aadan jirah, oo Eebe caqli siiyey iyo maskax, inteynu leenahay wadan hebel baa wax inoo qabanaaya, sideedaba lagama yaabo inuu wadan wax kuu qabto deris wanaag-sanba aad ahaateene, balse waxaa laga yaaba wadankii dan-kugu wato inuu wax uun isku dayo isagoo fushanaaya tii uu lahaa, waxaa runtu tahay waxaadan qabsan in aysan cidina ku qabaneynin

Waxaa qorey:- Xasan Yuusuf Kaarshe

 

QAADKA IYO SOOMAALIDA

 

Qaadku muxuu yahay? Qaadku waa geed ka baxaa Afrikada Bari siiba (Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo wadamo kale sida Yemen) waana geed la beero oo kolka uu aad weynaado caleemihiisa laga ganacsado oo la calashado, wuxuu ka mid yahay dhirta maandooriyaha ah, micnaha geedka qaadka laga bixiyeyna aad bay u badan yihiin, xagga dhibaatada uu u geysto soomaalida dhibaato weyn buu u geystay dhanka kasta ha ahaate mid caafimaad mid dhaqaale, mid akhlaaq, waana dhibaato ku si fideysa soomaalida oo aan wax wax ka qabta aan lahayn.

Haddii aynu eegno sanadkii todobaadtaneeyadii, dadka cuna wuu yaraa maanta waxaa yar inta aan cunin, dhanka dumarka ceeb bay ahayd dumar qaad cunaya, maantana waa ka badan yihiin ragga

Qaadka soomaalida soo gala oo loo soo dhoofsho, waxaa sannadkii lagu qiyaasay in 882,000,000,000 Sh.So ah.

Haddii aynu eegno dhaqaalaha ku baxa ama layna ka faa'iido, waa mid aad u ballaaran, loona baahnaa, inaynu waxayna dhaqaaleeysano oo aynu u duno dhanka arrimaha bulshada siiba xagga waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxaa arkeysa ubad badan oo tuban meelaha qaadka lagu gado, isagoo urursanaaya qaadka daatey ubadkaas waxay waayeen wixii rabeyn lahaa ama wax bari lahaa waxay ehel u noqdeen kuwaa qaadka cuna, ummadda soomaaliyeed waa in ay ka digtoonaataa dhibaatada qaadku ku hayo ismana oga, waxay ku sugan yihiin dhan kasta wuuu ka dilay, waana ka reebay asaagood waxaa

lagu tilmaamaa Qaada in uu ka daran yahay Khamriga

 

DHIBAATOOYINKA UU KEENO QAADKU.

     

  • Dhibka ugu weyn wuxuu u geystaa dareemayaasha (Habdhiska dareenwadka dhexe (Central Nervous System).
  •  

  • Himmo kicin (Excentement)
  •  

  • Raaxo la'aan (Restlessness).
  •  

  • Seexanwaa (insomnia).
  •  

  • Hadal tiro iyo reynreyn.
  •  

  • Kordhinta wadne garaaca (Increased pulse rate).
  •  

  • Kordhinta dhiig karka (Raised blood pressure).
  •  

  • Af qaleyl (Dryness of the mouth).
  •  

  • Dhidid joogto ah (Sweating).
  •  

  • Flushed Warm skin.
  •  

  • Il weynaad (Widely dilated pupils).
  •  

  • Dhib xagga maskaxda ah, wadnaha iyo kelyaha.
  •  

  • Cunno diido (Reduction of appetite).
  •  

  • Kordhinta neefsashada iyo garaaca wadnaha (irregular heartbeat).
  •  

  • Madax xanuun.
  •  

  • Wadne istaag (Heart failure or very high fever).

Qodobadaas aan xusnay waa kuwa ugu khatarsan ee lagu garto qofka qaata amphetamine-ka, gaar ahaan markuu si xad dhaafa u qaato.

Kaathinoonka (Cathinone) Kaathino-onku waa maaddo Qaadka ku jirta wax yeeshana ruuxa qaayiba, waana maaddo aad iyo aad wax u yeesha dareemayaasha qofka qayila, gaar ahaan Habdhiska dareenwadka dhexe (Central Nervous System).cusub oo ku saabsan "Maandooriye" lagu magacaabo "Methcathinone".

Maddadaas markii la samaynayey waxaa looga cabbirqaatay midda ku jirta Qaadka "Cathinoneka" waana maaddo wax yeesha Habdhiska Dareenwadka dhexe {CNS) sida ay wax u yeesho tan Qaadka ku jirta. Waxayna sababtaa dhibaatooyinka aad u culus sida dareen kicinta {Agitation), walaac iyo walwal (Anxiety), cabsi (Paranoia), hurdo la'aan (Sleeplessnes), Visual & Auditory hallucination dubaab sida Qaadka) iyo convulsions (gariir, jarayn, qallal).

Dawladda Mareykanku waxay eedda dusha ka saarta in ay maaddadaasi uga timid xagga dalalka Geeska Afrika iyo Carabta, oo laga cuno geedka Qaadka, Magaalooyinka Qaadka laga cuno dalka Mareykanka waxaa ka mid ah, New York, Washington DC, Los Angles Dallas, Virginia iyo Detroit.

Haddana Qaadku wuxuu marayaa heer loo raadsho sida Maandooriyayaasha kale, taasna waxaa ku tusaya Buuggan loo baxshay "Khat a Field Guude" oo ay soo saartay US Customs, the Department of the Treasury (US Customs Service), Buuggaas waxaa loo qeybshay Booliska dalka Mareykanka oo loogu caddeeyay Khatarta uu leeyahay Qaadku iyo sida ay ugu digtoonaan lahaayeen marka ay rabaan inay baraan, waxaana lagula teliyey Booliska in aysan ku taaban Farahooda Qaadka, waxaa taa ku xigta in aanla taaban jirka qofka Qaadka cuna! Ama aan la taaban gacan gashi la'aan (Gloves).

TAAYADA (EDITORIAL)

RUNTII CARTA!!!

MA LA ARKAY?

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti markii uu yiri Aniga ayaa Soomaali Gogol ay ku wada hadlaan u fidinaaya ayaahoodana uga tashadaan siday qarankii soomaaliyeed ee Burburay u soo celin lahaayeen iyagoo aani ciddi dhexgelin ama aan la faragalin anngu wax kale malhin oo aan ahayn Gogosha, Annagoo ka abaalcelinayna halgan dheer ee ummadda soomaaliyeed u soo mareen xoriyada dadka reer Jabuuti maanta harsanayaan, sidaas darteed, waxaa waajib nagu ah, inaanu annaguna qaadanno doorkii aanu lahayn maanta, iyadoo ummadda Soomaaliyeed ay dhibaataysan tahay, wax alla wixii qarankii soomaaliyeed lagu soo celin karro ayaan diyaar u nahay inaanu ummadda soomaaliyeed la garab istaagno.

Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto way u riyaaqeen oraahda ka soo baxaysay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ha ahaatee khudbadii dheereyd ee uu ka jeediyay kalfadhiggii Qaramada midoobay, ama ha ahaadeen kuwii uu ka sii daayay Qalabka warbaahinta caalamka waxayna siiyeen taagero lixaad leh, oo dhimisho iyo dhaawacba keenay.

Dawlad Goboleedka Puntlnd waxay ahayd, maamulkii u horreeyye ee taageeray Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna u direen wafdi kala taliya arrimaha meelaha maamulka leh iyo meelaha aan maamulka lahayn, waana diiday fikradihii loo soo jeediyey.

Waxaa markaas soo baxbaxay daldalooladii iyo sirtii u qorsooneyd mudane Ismaaciil ee dhagarta huwanaa, Dawladda Puntland markay aragtay sirta dhagarta io khiyaamada meessh ku jirta waxay qaadatay talaabo cad oo ay kalsoonidii kala laabatay shirka Jabuuti khiyaamooyinkaas waxaa ka mid ahayd, markuu yiri Baarlamaanka waxaa lagu dhisayaa hab deegaan, ayuu hadana yiri Baarlamaanka Qabiil baa lagu qaybsanayaa iyo isagoo qaybsiga aan daacad ka ahayn ee dhan la jiray, nin dhinac ahi wax ma garsoori karaa? Jawaabtu waa maya.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed ee xalaasha ahi ma garan markii hore khiyaamada meesha ku jirta, waxayna huruufayeen kuwii qaaday ee iyagoo marka horeba ka diday sirta daboolneyd ee shirka Jabuuti, waxayna maanta in laga saxnaa laga celinayay haadaama qodan oo khiyaamo, xaqiiqdiina la gaaray, isagoo aad la socotaan heerka uu maanta taagan yahay shirka Carta oo u la socon la' yahay dhagarta lagu bilaabay ee lagu majara habaabiyay taasina waxay keentay in la gaaro runtii, hadaba soomaalidu dan ugu ma jirto in marlabaad dhibaatadii iyo rafaadkii dib ugu soo noqdaan oo dagaalo sukeeye dib uga biloodaan ummadda dhexdeedas.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa oo aan leeyahay Runtii Carta ma la Arkay?

 

OGEYSIIS

Maamulka Xoogga Korontada Gobolka Nugaal (NEPA), waxay dadweynaha Ogaysiinaysaa in ay u baahan tahay Labo Jago oo kala ah:-

     

  1. Makaaniga Matoor yaqaan ah:-
  2. Shuruudaha laga doonayo Makaaniga waa:- 

     

  3. Waa in uu yaqaanaa oo aqoon fiicana u leeyahay Matoorada iyo farsadama Makaanikada haystaana Shahaado Makaaniko.
  4.  

  5. Waan khibrad fiican u leeyahay Xagga Matoorada.
  6.  

  7. Waana in uu Qori karaa isla markaana Akhriyi karaa Soomaaliga
  8.  

  9. Waana in uu yahay (Soomaali)
    1.  

    2. XISAABIYE:-

Shuruudaha laga doonayo:-

     

  1. Waan in uu ka soo baxay Dugsi Sare oo haystaa Shacaado Dugsi sare
  2.  

  3. Waa in uu ugu yaraan ku soo shaqeeyey Xisaabaadka 2 sano
  4.  

  5. Waa in uu Haystaa shahaado Xisaabaadka.
  6.  

  7. Waa in uu yaqaanaa Kombuyuutar haystaana Shahaado Kombuutar, kuna shaqayn yaqaanaa Barnaamijyada (Ms Word & Ms Excel).

Araajida waxaa la qabanayaa ugu dambeyn 19/8/2000 iyadoo lagu soo hagaajinayo xarunta (Nugaal Electric Power) NEPA Garoowe imtixaanka waxaa la qaadayaa 20/8/2000, waxaana lagu qaadayaa xarunta NEPA.

Wixii faah faahin ah oo intaas dheer kala xiriir maamulaha Xoogga Korontada Gobolka Nugaal. (NEPA)

 


[Country]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:12 AM. Webmaster HomePage