19 May 2007 04:26

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] BAYDHABO PRESS) Madaxweyne Cusub...
  • Posted by/on:[AMJ][Saturday, August 19, 2000]


 
Madaxweeynaha cusub ee Somaaliya oo lagu wado in la dooran doono maalinta Isniinta ah
by BAYDHABO PRESS

Madaxweeynaha cusub ee Somaaliya oo lagu wado in la dooran doono maalinta Isniinta ah

JABUUTI August 18, (BP)- Wararka ka imanaya Jabuuti waxa ay sheegayaan in madaxweynaha cusub ee ay yeelan doonto dawlada Somaaliyeed ee la rabo in lagu soo dhiso Carta la dooran doono maalinta Isniinta ah oo bishuna ay tahay August 21, 2000.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in haddii jadwalku uu ku socdo sidii loo qorsheeyey in maalinta Khamiista ee taariikhdu tahay August 24, 2000 la qaban doono xaflad ballaaran oo ah dhaarta madaxweynaha la doortay iyo xiritaanka shirka Carta.

Madaxweynaha ku soo bixi doona doorashadaas ayaan ilaa hada cadeyn in kasta oo dawlada Jabuuti iyo kooxaha ay xulufada yihiin lagu tuhunsanyahay in ay wataan dad ay ka mid yihiin Mr.C/qaasim Salaad Xasan iyo Mr. C/qaadir Axmed Cadow oo labaduba ay u dhasheen beesha [Habargidir] dad badan waxaa ay leyihiin hadii ay taas dhacdo waxay markhaati cad u noqonaysa tuhunkii laga qabay dawlada Jabuuti iyada oo weliba Madaxweynaha Jabuuti uu magacaabay 20 xubnood, magacaabida xubnahaas ayaa ku dhacay hab aan dastuuri ahayn oo ka turjumaysa faragelinta Madaxweyne Geelle oo xubnaha uu qeybiyay aan waxba ka siin beelaha Digil iyo Mirifle aritaas uu Geele sameyay waxaa ay keenaysa in lagu kala cod bato baarlaamaanka taas oo surtugal ka dhigaysa in uu soo baxo madaxweyne Somaaliyeed oo Ismaaciiil Cumar Gelle iyo kooxdiisu wataan.

(BAYDHABO PRESS)
___________________________________________________________________________________

 

Hub la sheegay in uu ka soo degay Marka oon wax ka weydiinaya taliyaha cidamadda RRA
by BAYDHABO PRESS

Hub la sheegay in uu ka soo degay Marka oo aan wax ka weydiinaya taliyaha cidamadda RRA degaanka qoryooley.


Qoryooley August 18, (BP)-Warar aan ka soo xiganay Taliyaha cidamadda RRA degaanka qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose oo wax laga weydiyay hub dhawaan la sheegay in laga soo dejiyay dekeda Marka ayaa xaqijiyay warkaas oo sheegay in qeybta 26 aad ee uu isaga madaxda ka yahay ay si aad ah u la socdaan dhaqdhaqaaqa maleshiyada maxkamadaha iyo kuwa caydid ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa kalo uu sheegay mar wax laga weydiyay xaalda maleshiyada Xusen Caydid in dhinacooda Salbalaar iyo xulufadeeda ay ka yihiin wax dhintay oo aan soo noqon donin
halka ciddank RRA uu ka sii xoogeystay meeshi uu joogay markii uu salbalaar iyo ispahaysigeda kaga guuleystay BAYDHABO ispahaysigaas oo ay ka mid ahaayeen maleshiyada Xusen Caydid ee SNA, cidamo OROMO ah oo u watay General Waqo Guuto , kuwa ONLF , SPM garabkii Col. Maxamed Cumar Jees, SNF garabkii General. Cumar Xaaji Masle iyo saraakil u dhalatay Ereteriya.



(BAYDHABO PRESS)


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:13 AM. Webmaster HomePage