19 May 2007 04:25

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (somalilandforum.com) Waraysigii Guddoomiye-ku-xigeenka ....
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, August 22, 2000]

Idaacadda BBC oo waraysatay Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Somaliland.

Wariyaha idaacada BBCda Mr. Yussuf Garaad ayaa waxaa uu waraysi layeeshay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somaliland Mr. Abdil qadir X. Ismail Jirde. Waraysigaasina waxaa uu udhacay sidan:-

Garaad su’aal:- Maxay tahay ujeedada aad halkan u timid?.

Jirde Jawaab :- Ujeedada aan halkan u imid waa mid caafimaad, laakiinse hawlo kale oo xaga siyaasada ah oo ah howsha qaranka halkii baan kasii waday.

Garaad su'aal:- howlaha maxaa kamid ah?

Jirde Jawaab:- jaaliyadii Somaliland ee dalkan ayaan la kulmay waana iswaraysanay, waxaanan siiyey waraysi. Waxayna aad uxiisaynayeen wararkii waddankii. Waxaan kaloo la xidhiidhnay xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska. Waxaan kaloo la kulmay foryan officeka ninka u qaabilsan Afrika. Markaas horta waan u xog warranay, howlaha Somaliland marayso iyo waxa hiigsanayso, iyo waxa ay noqonayso. Iyo shirka Jabouti mawqifka Somaliland ay ka qabto.

Garaad su'aal :- Qaranada midoobay waxay shalay soo saareen baaq ay ugu baaqayaan dhinacyada Somalida inay ka qayb galaan shirkaas laysna hortaagin sida ay yidhaahdeen nabada ama geedi socodka nabada. Ma jirtaa arrintaasi wax mawqifkeenii kusoo kordhinaysaa ama ka badalaysaa?

Jirde Jawaab:- annagu waxaan u aragnaa talaabadan Jabouti laga qaaday mid khalad ah, sababtoo ah nabada hoosta laga soo maraa, degaanka deris wadaaga ah ayaa marka hore lagu horreeya peace building iyo Nation building, peace building kaa lagu horeeyaa. Markaas qolyahan Unated nations iyagu khaladaad maaha. David Stephen ayaa wakiil  u ah, waxaanan u aragnaa nin ant Somaliland oo hostile ku ah Somaliland jiritaankeeda. Waxaa weeye ninkaasi warbixin aan sax ahayn ayuu naga baxshaa taasina waata infleunce garaysay secrutiy councilka iyo shirka jimciyadaba.

Garaad Su'aal:- Maxaad u malaynaysaa inay sabab u tahay inuu idinka soo horjeesto?

Jirde Jawaab:- niman Nayroobi fadhiya oo la yidhaahdo Es ee Cii Bii( SACB) oo aan umalay naayo inuu ka mid yahay raga ugu waaweyn, waxay isu arkaan golaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ugu wakiilka ah somalida. Dad badan baa waxay yidhaahdaan Somalidu way tashan kari wayday oo nidaam iyo dawlad bay dhisan kari waayeen haloo taliyo. Dad baa waxaa ay ku fekeraan in trustship kii hore lasoo ceshay. Markaas xafiiskaasi ninkaasi ku leeyahay Nayroobi waxaan ku tilmaanaa colonial office Unatted nationku uu meesha dhigtay.

Garaad Su'aal:- hadaan  Cabdillahi Yussuf u laabto waraysi uu baxshay oo BBCda siiyey waxaa uu sheegay in Cigaal uu carrabka ku dhuftay oo Somaliland ugu baaqay in xidhiidhka Puntland iyo Somaliland uu hagaagsanaado oo wada hadal la galo oo waliba laga fakaro buu yidhi hadii suurta gal noqoto in laysku daro labada gobol. Arrintaas maxaad uga jawaabaysaa?

Jirde Jawaab:- wallaahay horta waxaa weeye deriskaagu haduu gurigiisa nidaamsado oo hagaajisto waad ku farxaysaa, gobolkaasi haduu dhisto dawlad iyo nidaam iyo maamul dee waxaa weeye wax buu aniga ii kordhinayaa. Deriskaagii oo wanaagsan weeyaan. Midde kale dadkaas dhaqan baa naga dhexeeya. Labadayaba dani nooguma jirto in colaadi na dhex marto. Waxaa weeyaan xuduud baan leenahay, ganacsi baa noo kala socda. Dad baan wadaagnaa. Ee waxaa ayaan darro noqotay Cabdillahi Yussuf isagoon yacni fadhi bari noqon oo dawladiisu markaas ay magac uun tahay inuu sheegto dal iyo dad Somaliland ka tirsan.

Annagu waxaan jeclayn howluhu hakala horreeyaan in qof waliba tiisa ku ekaado oo maamul iyo nidaam sameeyo. Dawlad wax ku oolah oo dadka wax u qabata kasameeyo, annagana way na farxad gelinaysaa wax xumaan ahna aan u qabnaana ma jirto.

Garaad Su'aal:- laakiin isagu gooni uma sheegane rag degaanadaasa baa ku jiray oo la galay oo kulamidoobay sow ma ahayn?

Jirde Jawaab:- wallaahi taasi waa debateble, dadku xaguu raacsan yahay waa debateble. Anigu dadka afkooda ku hadli maayo dadka halkaas degaana waa laba reer oo mudakar ah oo taariikh leh weeyaan. Anigu iyaga uma hadlayo ama afkooda ku hadlimaayo, laakiin waxaa jira inay dano badani ay Somaliland ay ka dhaxayso madaxdooduna maanta waxay ka taliyaan Somaliland. Guddoomiyaha golaha baarlamaanku wuxuu-------(kasoo jeedaa degaankaas)

Kaasina waxaa uu ahaa Cabdilkadir x. Ismail Jirde oo waraysi ay yeelatay idaacada BBCdu.

This news item was transcribed by Abdi Hassan, Holland


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:12 AM. Webmaster HomePage