19 May 2007 04:25

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column] (C.N. Moxamed---Gaalkacyo) Qormadii Labaad ee Sheekadii Buugga Shirka Jabuuti...
  • Posted by/on:[AMJ][Tueday, August 22, 20000]

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


QORMADII LABAAD EE SHEEKADII BUUGGA SHIRKA JABUUTI EE AY DAWLADDA JABUUTI UGU MAGACDARTAY SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYEED

 

Waxaa wax ka qoray Cabdikarim Nuur Maxamud oo Gaalkacyo jooga si joogto ahna ugala socda xogta shirka wargeysyada iyo idaacadaha, isagoo raacinaya Odoriistiisa hadba dhanka urto u dhacayso.

 Tan iyo markii Buugga shirka qaybtiisii 2aad ee qaybsashada xubnaha Baarlamaanku uu furmay iyo ka horba waxaa walaac iyo walwal aan marna rajo xumo mooyee aan riiqsi lahayni ku beermayey  Masuuliyiinta Dawladda Jabuuti ee shirka wadday iyo Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar, iyadoo ay isu keeniweydey falsafaddooda buuga shirka ee ah in ugu danbaynta ay dhisaan Dawlad Jabuuti 2aad ah, oo aad Mooddo in Madaxweynuhu yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle (ninka ay ugu talo galeen madaxweynaha ayaa ah nin ula mid ah Geelle, gacantiisa midigna ah)(waa nin jeclaysi), iyo umadda Soomaaliyeed oo iyagu doonaya inay wax u qaysadaan si madaxbannaan. Labadan aragtiyood oo isu keeniddoodu mudo qaatay ayaa ugu danbayntii waxaa goobta shirka ku xoogbadatay tan Jabuuti kaddib markii tirada inteeda badan lagu meelmariyey ballanqaadyo jago iyo dhaqaale badan oo ragga qaarkii la ursiiyey in kastoo aannaan hubin in wax jeebkooda ku dheceen ( Dhanka Jabuutise waa ka rati ku kacsi). Waxaa kaloo iyana lagu raajiciyey in xubnaha Baarlammaanka oo guddigii xeer dejintu uu mar hore gudbiyey tiradooda, uu madaxweyne Geelle hadba ku daro qofka uu doono ilaa inta xubnaha codbixinta Baarlamaanka uu gaarsiiyo in ku filan doorashada madaxweynaha Buugga ku qoran iyo Raiisal-wasaaraha la wado.

 Waxaas qorshe iyo riwaayad la dhigayo Soomaaliweyn waa fiirsanaysaa (ninnase camal la’an meel uma fadhiyo), waxayna daawashadooda ku soo gabogabeeyeen inaan dawladda Jabuuti ee hadda jirtaa aanay wax rajo danbe ah aysan ka lahayn Soomaali inteeda kale inta ay wataan oo ay wax la doonayaan mooyee!!! (Nin og in waa u baryayo ayaa saxaradiisa fogeeya).

 Markay u caddaatay Soomaaliweyn Nin jeclaysiga qaawan ee Jabuuti, ayay goosteen in ay iyana u tafo xaytaan sidii ay uga hortegi lahaayeen dibindaabyada Dawladda Jabuuti la damacday ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ay la noqotay in ay dhisaan Dawlad marwalba iyaga hoostimaadda (waa taan ku magacaabay dawlad Jabuuti labaad)  Waxay Soomaaliweyn Dunida gaarsiiyey lagana aqbalay in shirkaasi uusan ahayn mid xal u ah dhibaatada maanta ka jirta Soomaaliya, balse keeni kara dhibaato tii horay u dhacday ka ballaaran. 

 Waxaa rajada Ismaaciil Cumar Geelle aad u sii xumaatay markii uu ka qayb galay shirkii LOOME ee waddamada Afrikaanka ahi ku kulmeen bishii hore, halkaas oo ay iyana ka qayb galeen labo wafti oo ka kala socda Dawlad Goboleedka Puntland iyo Soomaaliland. Labada wafti oo shirka ka hadlay waxay taabteen xaqiiqda dhabta ah ee shirka ka socda Carta, waxay qexeen sababaha ay uga baaqdeen iyo danta Ismaaciil ka lahaa qabasho shir uu ku magacaabay dib u heshiisiin Soomaaliyeed, isla markaana waxay soo jeediyeen sida ugu habboon ee Soomaali la isugu keeni karo iyagoo tusaale ku bixyey sida iyagu ay ku gaareen maamullada ay ka kala yimaadeen. (shalaad dhalataye waa la shubi jirey), Goobtaas Mudane Geelle wuxuu ku xisabtamayey in uu madaxda Afrikaanka ka helo kaalmo dhaqaale iyo mid ciidan oo uu ra’yigiisa ku fushado. Waxay Madaxda Afrikaanku garowsadeen in aan ra’yiga Geelle ku fillayn xallinta dhibaatada Soomaaliya, Madaxdu waxay qaateen ra’yiga waftiyada Puntland iyo Soomaaliland oo ay u arkeen in lagu gaarikaro xal ka  dhabta  ah ee lagu xallin karo dhibka Soomaaliya. (Goobtaas mudane Geelle hargo maran ayuu kala rogmaday).

 Wuxuu isagoon ka samrin, isku deyey isticmaalka xeelado xigtannimo iyo beerlaxawsi bahnimo aysanka marray in uu shirka ku keeno Xuseen Maxamed farax iyo Cismaan Caato oo iyagu shirka horey u diidey. Wuxuu u diray wafti sare, waxayna wateen ballan qaadyo Jago aan jirin,  oo horey aan loogu qorshayn iyo qorshe ah in xamar laga saaro ahna in qol lagu xabbiso inta ay dawladda dhisayaan si aan dhibaato uga imaan xaggooda. Masuuliyiintaas oo iyagu diiddanaa falsafadda shirka isla markaana yeshay wadatashi iyo kafiirsi badan ayaa u sheegay inaysan shirka Jabuuti  aanu mar hore iyo mar danbaba khusayn ( Weligiiba meel lagu jabay ayuu jaqllo buurraa, Waftigaasina isagoo caga jiid ah ayuu Jabuuti ku laabtay).

 Golaha joogtada ah ee Jumciyadda Qarammada midoobey xubnahooda ugu waaweyn sida Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa muujiyey in farsamada Geelle ay ka habboon yihiin kuwa Puntland iyo Soomaaliland ay qabaan, iyagoo markhaati ka dhigay in degaannadaasi ay ka jirto nabad iyo xasillooni, jidkaasina yahay mid la raaci karo looguna gudbi karo mid Soomaaliweyn lagu gaaro. Fadhiga Golahaas Safiirka Jabuuti ayaa jeediyey codsi uu ku waydiisanayo dhaqaale shirka lagu wado iyo in Jabuuti aysan wadi karin shirka haddaan gacan dhaqaale oo degdeg ah loo fidin, Iyana wax garowsiinyo ah laguma siin oo la taabankaro waayo waxaa dunidu u aragtay in aan shirka loo dhammayn iyo in wixii ka soo baxaa  laga yaabo in dhib hor leh ka timaado, (iyana waa jab kale).

 Markii uu mudane Geelle ka quustay taageero Dunidu fidiso iyo taageera kaleba ayuu habeenkii danbe, shirka Calaacal iyo catow la soo fariistay ( yaa is gaaray) isagoo leh, idinku daalay dunidana garowsiinyo ka waayey walaalayaalow Axadda yaysan ila dhaafin, shirka halla iga xiro wuxuunna aan ku dhawaaqo, xubnihiina 20 ayaan ku daray, waa xubno buugga ku qornaa oo sidaan horay u sheegnayba tiro buuxis ahaa. Waxaa ka sii darraa fiidkii danbe wasiirkii dhaqaalaha ee Jabuuti ayaa isna sheegay in jeebkii martay oon wax dhaqaale ah oo shirka lagu siiwadana aan lahayn, Axadda kaddibna quraaci jirin, habeenkaas dadkii  Hoteelada lahaa iyo danyartii la soo luggooyeyba dareen baa galay, markaas ayaa jeebkii Soomalida madaxdoonka ahi dib u furmay, waxna laga jafjaftay, waxaase la rumaysan yahay Soomali dhaqaale haysataa aysan meesh joogine in jeebka Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ragga wax lala rebey in wax looga hormariyey dayn ah oo la isla ogyahay ( ninkii wax loo hormariyey bixiye ninkii aan waxba hayn maxaad u yaal? Kaas awalbaan wax loogu talo gelin).

 Arrintu si kasta ha ahaatee, hadda waxay maraysaa, xubnihii biic iyo ballan qaadka lagu xulay oo  tiradii la rebey laga helay oo hadda mar fariisatay iyo fadhigaas oo Ismaaciil Cumar Geelle ka sheegay in hadda wixii ka danbeeya dhibka Soomaliya uu iyaga u yaal (Dabadaaay ka bannaaaanka), masuuliyadduna iyaga ayay saaran tahay , (tolow ma runbaaa!!! Alloow run u hiilli). Soomaaliweyn oo leh talow Jabuutida 2aad xaggee fariisan doontaa oo dal labaad u noqon doona. Raggii fardaha madaxnimada fanka hore ka saarraa badankood oo rajadoodii soo xumaatay una caddaatay inay Laftoobin ku hayeen buugga shirkana beri hore la qoray. Qaarkoodna waxayba ka  hadleen idaacadaha Dunida qaarkood, iyagoo sheegaya sida wax u dhacayaan oo caddaaladda ka fog. ( horaan u ogaa, hayeeee ).

 Weli waa socotaa dawashada RUNAY WAA BEEN, Sheekaduna  waa daba socotaa. La soco ha ka hordhicin, ka saan dabee ……………………..

Dhuuji halkaan haddii aad rabtid qormadii koowaad

http://www.somaliawatch.org/Archivemay/000630201.htm


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:13 AM. Webmaster HomePage