- Title: [SW Country] WP 57
- Posted by/on:[AAJ][22 Aug 2000]
Warsidaha Puntland
Tirsi 57
Axad 20 Agoosto 2000
_________________________________
T U S M A D A
Wasiirka ARRIMAHA GUDAHA OO SOO SAARAY wareegto No:-985/2000 (
Bogga 5AAD)
WASIIR KU XIGEENKA WARFAAFINTA OO LA SHIRAY
MASUULIYIINTA IYO SHAQAALAHA WASAARADA - Bogga 5aad
WAXQABADKII MADAXTOOYADA D.G.P/LAND IYO
AGAASIMADA HOOS YIMAADA (BOGGA 2AAD-3AAD-4AAD.
XAQIIQDA JIRITAANKEENA (BOGGA 7AAD)
WARGELIN:-BOGGA 6AAD)
HAWEENKA IYO MASAYRKA (BOGGA 8AAD)
SHIRAR AY ISKA KAASHANAYEEN WASAARADA
ARRIMAHA GUDAHA IYO HAY'ADO CAALAMI AH(BOGGA 6AAD.)
JID LA WAAYAA JAAHWAREER DHIGAY(BOGGA 78AAD)
_______________________________________________________________
WAX QABADKII MADAXTOOYADA DGPL IYO AGAASIMADA HOOS YIMAADA
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed
oo da'diisu 60 lixdan sano kor u dhaafsiisan tahay, wuxuu isku-celcelinta (Average)
maalintii shaqeeyaa 19 (sagaal iyo toban) saacadood, Dalalka horumaray madaxweyneyaasha
iyo Prime-minister-radu iyo siyaasiyiinta kale, sida Madaxda Axsaabta, aala ma shaqeeyaan,
wax ka badan 10 (toban) saacadood maalintii, ha yeeshee madxweynaha Dowlad Goboleedka
Puntland duruufta dalka ayaa ku khasbaysa inuu saacadahaas aad u badan shaqeeyo… waa
dhab inay fiicantahay in Madaxdu hesho nasniin fiican oo maskaxda iyo jidhka labadaba,
weliba Madaxda Adduunka Horumaray waxaa loo sameeyaa meelo iyo barnaamijyo loogu talo galo
nasashadooda, waase arrimo aan hadda ku jirin qorsheyaasha D.G.Puntland su'aashu waxay
tahay sannadka 5aad iyo sannadka 6aad ee D.G. Puntland, ma laga rajo-qabi-karaa in
Madaxweyneheedu shaqeeyo saacado ka yar kuwa uu hadda shaqeeyo??? Hubaal saacadaha
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, hadda shaqeeyaa waxay, u kala-qaybsamaan inta
badan:-
B- Akhriska dokumentiga Xafiiska Madaxweynaha soo gaadha, go'aan ka qaadashadiisa iyo
jidmarinta go'aammadaas.
T- Kulammada uu la yeelanayo Hawlwadeennada xafiiskiisa (Agaasimeyaasha
Guud ee Madaxtooyada iyo xog-haynaha kala duwan ee Madaxtooyada iyo in uu dhegeeysto
warbixino hooda faahfaahino- hooda iyo tilmaamo iyo talo-siintooda iyo ku daba-galkooda
hawl-fulinta.
J- Kulammada uu sida gaar-gaarka ula yeelanayo Madaxda qaranka ee kala
duwan, ee la xiriira shaqooyinkooda iyo hawlfulintooda heer kasta ha noqotee.
X- La kulanka Madax-dhaqameedka D.G. Puntland, kuwaas oo aad u
farabadan (Inkata oo Wasiirka Arrimaha Guduhu yeesho qaabbilaaddooda koowaad arrimo badan
oo howlo-hooda khuseeyaan ku ekaadaan Wasiirkaas iyo Wasaaraddiisa).
Kh- Qaabbilaadda qof-qof raba inay madaxweynaha si shakhsi ah oo gaar
ah ula kulmaan, ama dan-guud ha ka
hadlayeen ama mid gaar ahaaneede.
D- Qaabbilaadda wufuudda ka socota qaybaha kale ee dalka soomaaliyeed,
kuwaas oo wejiyo iyo sifooyin badan oo kala duwan leh.
R- Qaabbilaadda ajnebiga, wufuud, hay'ado iyo joornaalistayaal intaba.
S- Ka qaybgalka xafladaha iyo furitaanka mashaariicda qaarkeed, sida
isboortigii Gobollo badan oo soomaaliyeed ku yeesheen Magaalada Garoowe bilowgii sannadkan
2000.
Sh- Howlaha Barlamaanka:-
- Kulammada uu la yeesho Guddiga Joogtada ah ee Barlamaanka.
- Kulamo gaar ah oo dhex mara Madaxweynaha iyo Golaha Barlamaanka oo dhan.
- Qaabbilaadda gaar gaarka ah ee xubnaha Golaha Wakiillada.
Dh- Shirarka Golaha
Wasiirrada, kuwa caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn.
Isku celcelinta shirarka Golaha Wasiirradu waa labadii toddobaadba
saddex jeer.
AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA.
Agaasinka Guud ee Madaxtooyada:-
B- Wuxuu Qaabbilsanyahay Agaasimidda iyo fulinta hawlaha Madaxtooyada oo dhan guud
ahaan.
T- Isla markaas waa xog-haynta guud ee Madaxtooyada Xafiiskaasi wuxuu shaqeeyaa waqti
ka badan inta Madaxweynuhu shaqeeyo, sababtuna waa wax la fahmi-karo marka loo fiirsado
dabeecadda shaqada xafiiskaas.
Agaasinka Guud ee Madaxtooyada ee Xiriirka Ururrada Isbaahaysiga:-
Wuxuu Madaxtooyada u qaabbilsanyahay xiriirinta hawlaha Ururada
Isbahaysiga nabadda Soomaaliyeed (Somali Peace Alliance), Isbahaysigaas oo magaalada
Garoowe lagu assaasay sannadkii 1998, waxaa ku wada jira dhowr awoodood oo isu kaashada
howlaha Dib-u-heshiisiinta soomaaliyeed iyo dib-u-soo-nooleynta qarankii soomaaliyeed ee
burburay.
Garyaqaanka Guud.
Dhismaha xafiiska Garyaqaanka
Guud waa:-
B- Garyaqaanka Guud.
T- Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Arrimaha Shuruucda.
J- Farsamayqaanka Bulatiinka.
Kh- Xog-haynta xafiiska Garyaqaanka Guud.
- Shaqaalaha Xafiiska.
Guud ahaan howlaha
xafiiska Garyaqaanku fuliyo waxaa ugu badan.
B- Talo bixin-siinta dawladda dhinaca shuruucda.
T- Sii lafa guridda shuruucda xukuumaddu u waddo inay horgeyso
Barlamaanka.
X- Difaaca sharci ee danaha Dowladda.
Kh- Xafiisku muddadii gaabnayd ee uu jiray wuxuu daafacay 8 (siddeed)
kiis oo dawladdu daraf ka tahay badankodana u ku guuleystay.
HAY'ADDA
QORSHEYNTA.
(Agaasinka-Guud Qorsheynta).
Hay'addaas oo ah mid toos u hoostimaadda Madaxtooyada, markii la
abuuray, waqti hadda laga joogo labo sano, waxay waqtigaas diyaarisay barnaamij ku
talo-gal ah oo horumarineed, kuna habaysan saddex sannadood ujeeddadiisuna
tahay diyaarin qorshe dhaqan dhaqaale oo lagu horumarinayo horumarinayo ama dib
loogu abuurayo, dhammaan adeegyadii bulshada, sida Caafimaadka, wax-barashada, biyaha
kalluumeysiga, xoolaha, deegaanka, waddooyinka, Airports iyo dekedaha.
Hay'addu iyadoo ka duuleysa qorsheheedaasi waxay
diyaarisay 47 (Afartan iyo toddoba) Mashruuc oo ku kala salaysan qaybaha kor ku xusan; waxayna qoraal buug ah (Book-let) ka sameysay 17 (Toban iy toddoba mashruuc) oo horseed u 47da mashruuc.
17ka mashruuc ee horseedka ah waxaa la geliyay qoraal lagu magacaabo
nuqullka labaad (Last Draft), 30 ka mashruuc ee kalena waxaa laga Eeg Bogga
xigga
Warsidaha Puntland Tirsi 57 Axad 20 Agoos 2000 Bogga 3
Ka yimid Bogga 2aad
geliyay qoraal magiciisu yahay nuqulka 1aad (First
Draft).
Diyaarinta Mashaariicdaas waxaa gacan ka bixiyay khubaro ka socota
Hay'adda UNDP/CBF, waxaana mashaariicdaas loo kala shaandheeyay sida ay mudnaanta u kala
leeyihiin iyadoo la raacayo barnaamijka xilliga kala guurka ee dawladda Puntland.
17ka Mashruuc ee horseedka ahi waxaa ay isugu jiraan Mashaariic
horumarineed ee Caafimaadka dadka iyo xoolaha, ilaalinta nabaad-guurka deegaanka,
kaabayaasha dhaqaalaha (Infra-structure), kor-u-qaadidda kartida waxqabadka shaqada.
Mashaariicdaas kuwa ugu danbeeya waxaa deeq-bixiyeyaasha loosoo
gudbinddoonaa ugu danbeyn September 2000 (haddii Alla Idmo).
Waxaa hubaal ah in mashaariicdaas wax-ka- beddelido-onaan
dhaqaalaha waddanka haddii loo helo maalgelin, gudaha ah iyo mid dibadda ah (Internal and
External Aid), Hay'adda waxay kale oo hadda gacanta ku haysaa diyaarin xog buuxda ee
xaaladda maciishadda dalka (Cost of Living) iyadoo xogtaas laga soo ururinayo magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida Garowe, Bosaaso, Gaalkacayo,
Las-conod iyo Baran, ka dibna loo bandhigiddoono cid kasta oo ay khuseeyso,
Qaab-dhismeedka Hay'addu wuxuu ka koobanyahay Agaasinka Guud iyo saddex waaxood oo kala ah
waaxda Qorshaynta, Waaxda mashaariicda iyo waaxda tiro koobka iyo cilmi-baarista.
AGAASINKA GUUD EE SHAQADA IYO
SHAQAALAHA
Waxqabadkii Agaasinka Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha ee
muddadii u dhexaysay September 1999 ilaa Julay 2000, waxaannu halkan kaga xusaynnaa
arrimaha soo socda:-
Shuruucda Shaqaalaha iyo
Qawaaniinta la xiriirta.
B- Agaasinka Guud isagoo ka ambaqaadaya Axdiga Dowlad Goboleedka
Puntland oo oggolaady in lagu dhaqmo shuurcdii shaqada iyo shaqaalaha ee soomaaliya kuwa
aan ka hor imanayn diinta Islaamka iyo shuruucda Puntland, wuxuu diyaariyay oo
dib-u-habayn ku sameeyay shuruucda noocaas ah oo ku habboon in DGPuntland ku dhaqanto
iyado la waafajinayo awoodaha iyo magac masuuliyadeedka D.G Puntland, shuruucdaas.
Dib loo habeeyay waxaa ka mid ah:-
- Soomaali Service Law No.5 oo soo baxay 2/2/1980.
- Somali Labour Code law No. 65 soona baxay 1969/1972
- Shaqo Qorista:-
B- Agaasinka Guud ee shaqada iyo Shaqaaluhu wuxuu tallaabooyin
habboonaa ka qaaday hubinta in qaabka shaqo-qorista Hay'adaha dowladdu uu waafaqsanaado
shuurcda dawladda.
T- In Hay'adaha aan ahayn kuwa dawladda shaqo-siintoodu ay ahaato mid
ku salaysan shuruucda Dowladda Puntland.
J- Tababbarrada.
Agaasinka Guud wuxuu tabbbarro kal duwan u furay shaqaalaha D.G
Puntland tababbaraad waxaa ka mid ahaa kuwo ku saabsanaa:-
Maamulka iyo maareynta, qorshaynta, daraasadaha mashaariicda, tiro
koobka (Basic Statictics), Computerka iyo Xisaabaadka dawladda hoose (Municipality
Accounts) iyo qaab-xafiiseedka (Office proceture)
Agaasinka Guud wuxuu shaqaalaha DGPuntland u qorsheeyay
tababbarro xirfadeed iyo abuuritaanka mac-hadka tababbarka shaqaalaha oo la filayo inuu
dhowaan hirgalo.
X- Dib-u-qaabaynta Wasaaradaha iyo hay'adaha D.G Puntland.
Agaasinka Guud ee shaqada iyo shaqaaluhu Hay'adda UNDP/CBF ayuu ka
helay 4 (afar) khabiir oo ka kaalmeeya Dib-u-qaabaynta wasaaradaha iyo Hay'adaha D.G.
Puntland.
Khubaradaasi waxay Agaasinka Guud gacan ka siiyeen fulinta hawlo
ay ka midyihiin:-[
Ku tababbar goobta shaqo (on the Job training)....
dib-u-qiimeynta qaab-dhismeedka Wasaaradaha iyo Hay'adaha qeexidda shaqada cayimidda,
Jagooyinka Muhimka ah ee Wasaaradaha iyo Hay'adaha ururinta C.V-yada, ogaalka shaqaalaha
dheeriga ah... ogaalka shaqaalaha dhiman.... ogaalka leh xirfadha gaarka ah....isu
dheelli-tirnaanta dhaddigga iyo labka (Gender-Balance).... tababbarrada lagu hormarinayo
xirfadaha shaqaalaha....waxaa dib-u-qaabayntooda la dhammeystiray Agaasinka Guud ee
shaqada iyo shaqaalaha Agaasinka Guud ee qorshaynta Wasaaradaha Hawlaha Guud.
Xannaannada Xoolah, Beeraha iyo deeganka.... Caddaaladda
Ganacsiga....Arrimah Bulshada iyo Agaasinka Guud ee miiro-saarka....Afarta khabiir, labo
ayaa joogto ku noqondoona kaalmeynta Agaasinka Guud ee shaqada iyo Agaasinaka Guud ee
Qorshaynta....
5. Kormeerka:-
Agaasinka Guud wuxuu dhammaan gobollada D.G Puntland u
habeeyay kormeereyaal hubiya in hawlaha wasaradaha iyo hay'adaha kale ee Puntland u
socdaan qaab waafaqsan nidaamka u yaal shaqada D.G Puntland.
6 Tiro koobka Shaqaalaha:-
agaasinka Guud ee shaqadu wuxuu sameyay
tiro-koob shaqaalaha D.G Puntland, natiijadiina waxay muujisay:-
B- Shaqaalaha D.G Puntland 610 (Lix-boqol iyo toban )
qof
T- Waxaa haween ah 48 qof, tiradaas oo ah 7.7%. Eeg Bogga xigga
Warsidaha Puntland Tirsi 57 Axad 20
Agoos 2000 Bogga 4
Ka yimid Bogga 3aad
J- Darajooyinka Haweenku gaadheen waxaa ay u badan yihiin karraani iyo
madax-qaybeed.
X- 39 Gabdho dhallinyaro ah ayaa tababbar sannad ah ku dhammeystay
mac-hadka tababbarka.
Kh- 14 Gabdho dhallinyaro ah ayaa qaatay tababbar ah 6 bilood.
7- Hab-sami-u socodka shaqada:-
marka laga reebo maalmaha fasaxa ah, saacadaha shaqada ee D.G
Puntland waa 8 (siddeed) saacadood maalintiiba iyo 48 saacadood toddobaadkiiba.
Agaasinka Guud wuxuu dejistay hab uu ku ilaasho hab-sami u socodka
shaqada hay'aduhu.
8- Guryaha Shaqaalaha:-
Agaasinka Guud wuxuu tiro koobay Guryaha Shaqaalaha; wuxuuna
u qorsheeyay dayactirka qaarkood u baahanyahay.
9. Sandduuqa Shaqaalaha:-
ka dib markii uu Golaha Wakiilladu ansixiyay sharciga sandduuqa
shaqaalaha; Agaasinka Guud wuxuu bilaabay hirgelinta sandduuqa shaqaalaha.
10- Murannada ka dhasha goobaha shaqada:-
xal u helidda khilaafaadka ka dhasha goobaha shaqada
ayaa ka mid ah xilka Agaasinka Guud ee shaqada iyo shaqaalaha, wuxuuna ka hawlgalay meelo
badan oo goobaha shaqada iyo khilaafaad ka dhashay.
11- Qalabaynta Xafiisyada:-
Xagga qalabaynta Xafiiska Xarunta, Agaasinaka Guud wuxuu la
kaashaday Hay'adda UNDP/CBF.
12- Aqoonsiga Shaqaalaha:-
Agaasinka Guud wuxuu qorshaystay ameynta warqadaha aqoonsiga
shaqaalaha.
AGAASINKA GUUD EE MIINO-SAARKA, DHAQAN-CELINTA IYO DIB-U-DEJINTA
Xilka Agaasinkan Guud, waxaa ka mid ah:-
B- Inuu miinooyinka iyo waxyaabaha kale ee qarxa ka saaro deegaanka
Dawlad Goboleedka Puntland, ku waasoo khatar joogto ah ku haya isku-socodka, daaqsinta iyo
nabadgelyad.
T- Inuu barnaamij hub-ka dhigis ka sameeyo dhammaan deegaannada
Maamulka Puntland.
J- Dhaqan-celinta dadka burburku nolosha toosan ka marin habaabiyay
sida dhallinyarada hubaysan.
X. Dib-u-dejinta dadweynha brakacay.
Haddaba sida muuqata hawlaha Agaasinkan badankoodu kuma
jirijirin barnaamijyadii iyo hawlgalladii Dowladihii hore ee soomaaliya, arrintaasina
waxay Agaasinkan ka dhigtay mid hawlihiisa ka bilaabaya meel eber ah, isla markaasna aanu
jirin dokumenti hore oo la raad-raacayaa.
Agaasinka Guud oo si asaasi ah ugu baahnaa, awood dadeed
(Manpower), awood dhaqaale iyo qalab (waxaa muuqata inuu dadaal ku fuliyay hawlaha bilawga
sida:-
B- Qalabaynta Xafiisyada.
T- Diyaarinta Dokumentiga shaqada.
J- Diyaarinta Mashaariicda.
X- La xiriirka Hay'ada hawl fulintu u baahantahay (Gudo iyo dibadba)
MIINO-SAARKA.:-
Agaasinka Guud wuxuu dhinaca hawlaha Miino-saarka kala
xiriiray hay'ado dibadeed oo ay ka mid yihiin:-
USAID, NORWEGIAN People's Aid, UNICEF, UNDP, CIVIL PROTECTION
DANIDA iyo kuwa kale.
Waxaa dhawaan mashruuc Miino-saar ah ogolaatay
Hay'adda USAID, waxaana la filayaa in howlgalku bilaabmo dhawaan .
DIB-U-DEJINTA:-
Agaasinka Guud
waxay howlaha dib-u-dejint iska kaashadaan Hay'adaha UNHCR iyo WFP. Waxaa dhawan
deegaanada Puntland dib-u-dejin loogu soo celiyay dad gaaraya kun qof, waxaa wada hadal ka
socdaa soo celinta qaybo hor leh oo raba inay ka soo noqdaan Kenya iyo Yemen.
DHAQAN-CELINTA:-
Agaasinka Guud
wuxuu dhaqan-celinta u diyaariyay Mashaariic kala duwan oo ay ku jiraan qaar farsamo iyo
qaar ganacsi, sida:-
Barashada Korontada,
Nijaaradda ama Dhismaha ....Mashaariic dhaqaale abuur (Income-generation Programmes).
Mashaariic dayn yar yar
(Small Scale loans) xirfadaha ka faa'iidaysiga khayraadka badda.
Hay'adda Civic Protection
waxay Agaasinka Guud soo gaarsiisay Dokumenti muhiim ah oo muujinaya khibradihii laga
helay dib-u-jinta dalal badan oo adduunka ah waxayna balanqaadday wax la qabad iyo kaalmo
waxaa jira Hay'ado kale oo ballanqaaday gacansiin iyo kaalmo.
FIIRO GAAR AH:-
Waxaannu Cadadyada danbe ee Warsidaha ku soo bandhigi
ddoonnaa (Haddii Alla Idmo) waxqabadkii Agaasinnada Guud ee Madaxtooyada ee kala ah:-
- Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah.
- Xriirka Dibada iyo iskaashiga Caalamiga.
- Qandaraasyada
Warsidaha Puntland Tirsi 57 Axad 20
Agoos 2000 Bogga 6aad
SHIRAR
AY ISKA KAASHADEEN WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO HAY'ADAHA UNCU/UNDP IYO FSAU OO LAGUKALA
QAYBTAY GAROOWE IYO JARRIIBAN.
Shir ay iska kaashadeen Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Hay'adaha
UNCU/UNDP iyo FSAU oo loogu hadlayey ka hortagga iyo u diyaargarowga Masiibooyinka ayaa
lagu qabtay degmada Jarriiban 9kii bishii luulyo, shirkan wuxuu daba socdey shir midkan ka
horreeyey oo ku saabsanaa isla-qorsheynta u diyaargarowga iyo ka-hortagga abaaraha oo
bishii Abriil 3-4 lagu qabtay Garoowe, kaasoo qayb ka ahaa barnaamij taageero ka haysta
Guddgia iskuxirka Kaalmada (SACB).
SHIRKA GAROOWE:-
Shirka lagu qabtay Garoowe 3-4 bishii Abriil oo si weyn looga soo
qayb galay, waxaa isugu yimid in ka badan 50 qof oo isugu jirey Xubno dowladeed oo ay
hormood ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shirka guddoomineysay, wakiillada hay'adaha
Qaramada Midoobay ee jooga Puntland, Ururada Caalamiga ee aan dowliga ahayn iyo kuwa
deegaanka (NGOs), wakiilo ka socdey bulshada oo kaalin kasoo qaatay wax ka qabadkii
abaartii kal hore iyo qaar ka socdey beelaha reer miyiga.
Mararka qaarkood, markey muuqdaan astaamaha dhibaatooyink dhici kara, u
qaybsanaha xagga xaaladda cunada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa mas'uul ka noqon doona
heegaan gelinta waaxyaha iyo Wasaaradaha ay hawshu khuseyso iyo xiriirinta beesha
caalamka. Waxaa kaloo hawsha u-qaybsanaha ka mid noqon kara in uu magaca Wasaaradda ku
dalbo shirar xiririneed oo ay dhibaatooyinka soo fool yeesha kaga wada hadlaan hay'adaha
caalamiga iyo kuwa maxalliga iyadoo loo marayo Qaramada Midoobay, Dalladda Ururada
caalamiga ee aan dowliga ahayn iyo wakiillo-beeleed oo ka socda goobaha dhibaatadu ka
jirto haddii loo baahdo.
Haddii ay muuqdaan dhibaatooynka waaweyn oo leh calaamadaha
tusayaasha dhibaatooyinka dhici kara, Maamulka Puntland, isagoo u sii
maraya shirarka xiriirinta iyo isku xirka, wuxuu hormood ka noqon dooonaa asaasidda
xoog-shaqo (Joint task force) oo ay u dhan yihiin dhammaan saamileyda fulinta wax-qabadka.
Haddii loo baahdo qorshe-hawleed lo dhan yahay iyo diyaarinta qoraal (qiimayn) ku saabsan
dhibaatada, JTF ayaa samayn doona qiimayn iyo qiyaas loo dhan yahay oo lagu sameeyo
goobaha dhibaatadu ku dhufatay, iyadoo lasoo saarayo qayla-dhaan xambaarsan falanqayn ku
saabsan mashaqadaas.
SHIRKII XOOLO-DHAQATADA JARIIBAN:-
Degmada Jarriiban ayaa loo gartay in ay noqoto madasha shirkan,
taasoo waafaqsan talooyinkii kasoo baxay shirkii Garoowe, maadaama ay ahayd goobtii ay
sida ba'an abaartu ugu dhufatay 98/99. Reer Jarriiban waxay horay firfircooni uga
muujiyeen hal-abuurkooda heer bulsho ee ku wajahan wax-ka-qabadka abaarta iyo
ka-hortaggeeda.
Shirkan iyo kii ka horreeyeyba waxaa hagayey "Xarunta
Cilmibaarista Horumarka iyo Nabadda" oo beddeshay mashruucii (Beelaha Dagaalladu
Burburiyeen) iyadoo kii lagu qabtay Jarriiban uu guddoominayey duqa degmada Jarriiban,
waxaana kasoo qayb galay in ka badan 40 qof oo isugu jirey xubnaha maamulka degmada, u
qaybsanaha maamulka Puntland xagga xaaladda cunada oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha
Gudaha, wakiilo beeleed oo ka kala yimid
dhammaan tuulooyinka muhimka ah ee degmada Jariiban, wakiillo ka socdey
reer guuraagii ku cayrtoobey abaarta iyo wakiilo ka kala socdey hay'adaha ajnabiga ee
dalka deggan.
Guud ahaan shirarkaas lagaga hadlayey ka
haortagga iyo u-diyaargarowga masiibooyinka waxay qayb ka yihiin dadaal ballaaran oo ay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay'adaha ay hawshani khuseyso ku diyaarinayaan qorshe ku
talagal ah oo muddada dhexe ah oo lagaga hortago ama loogu diyaargaroobo masiibooyinka.
Dhammaan talooyinkii shirarkaas lagasoo jeediyey waxaa lasoo saaray iyagoo qoraal ah.
WARGELIN
Waxaa dhammaan lagu
wargelinayaa Hay'adaha Dawlada iyo dadweynaha Soomaaliyeed in xarunta Wakakaalada wararka
Puntland (PUNA) laga furay magaalada Bosaso.
Dhismihii hore ee Wakaaladii wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo ku yaal
agagaarka Hotel huruuse dhanka Qorax ka soobaxa.
Hadaba waxaa lagu wargelinayaa Gobolada iyo Degmooyinka in ay la soo
xiriiraan Wakaalada, waxayna kala soo xiriirayaan Tell 252-253-6686 Bosaaso.
Warsidaha Puntland Tirsi 57 Axad 20
Agoos 2000 Bogga 7aad
ASALAAMU
CALAYKUM
(BOOSTA AKHRISTAYAASHA)
(JID LAWAAYAA JAAH WAREER DHIGAY)
waxaa dhammaaday dheeshii laalka oo ka socotay Jabuuti,
shirkii carta ka socday wuxuu u ekaa thiyooriyadii shuuciga oo marka buugagooda la
akhristo wanaagooda aadan ka tegi karin, hayeeshe baraatiko marka la dhex-galo, ay
noqonayso dhibaato aduun ruux dhex-galay (dabnaar ah iyo olol cagaha ladoontay) asaaskii
shirka amaba bilowgii shirku wuxuu ahaa mid aad u wacan oo loo wada riyaaqay, in yar
dabadeed arin kale ayuu isubadelay oo aan loobogin, Ilaahayow sharkiisa naga hay.
Waxaynu la soconaa Afrikaanka in loo garaaco durbaan marka ladoonaayo
in laysugu yeero, taasu waa dabeecada lagu yaqaano Qaaradan, oo ay hido iyo dhaqan u
leedahay, inkastoo aan moodi jirey Soomaalidu arintaas in ayan ku xeel-dheerayn, hadana
waxaa cadaan ah in aayan ka duwaneyn deriskooda ay qaarada ku wada nool-yihiin.
Waxaa hubaal ah in ay arintu tahay (Meel aan loo hubin looma haadashow)
arrinta waxaa sidaas ka dhigay shirkii sida hawsha yar leysugu yimid oo aan aad loo
lafagurin, lagana fekerin wixii uu ku danbeyn doono, ummadda soomaaliyeed way u baahan
tahay in ay hesho Qaran- nimadeedii iyo mid-nimadeedii, wana lagama maar-maan, balse see
lagu helaaya?
Ismaaciil dani kama hayso hooy-gooda iyo hab u socodkooda mar haduu wax
u hadoodiley, waayo horaankii ayuu ummadda soomaaliyeed wadiiqo halowsan u horseeday,
habkii xaqa iyo xaqiiqdana ka leexiyey, xaqiiqda halagu noqdo.
Waxaa qoray (Xasan Yuusuf Kaarshe)
XAQIIQADA
JIRITAANKEENA (Qaybtii 2aad)
SHIRKA
JABUUTI.
Shirka Jabuuti dariiqii uu u
maray nabadaynta iyo dib u dhiskii qaranka soomaaliyeed ma u muuqdaa mid danteenna ah oo
xambaarsan guul soomaaliyeed? Mise waa bur burkeenna? Soomaaliyeed gaar ahaan inta
iftiinku u baxayo oo ku guulaystey nabadda iyo maamulka oo aynu ka midka nahay.
Markii la eeggo Hindisihii
Madaxweynaha Jabuuti ee Dawlad ka dhalinta soomaaliya ee deg degga ahaa ee uu ku
dhawaaqay, soomaalidu waxay u aragtay Hindisahaas mid lagu gaari karo guul soomaaliyeed
aad iyo aad baana loo soo dhaweeyey Gaar ahaan Reer Puntland markii horeba shacbi iyo
dawladba waa taageereen waxaase lama filaan noqotay iyo u qaadan waa tallaabooyinkii ka
dambeeyey ee uu ku tallaab saday shirka Jabuuti oo ka dhan ah Hindisihii Madaxweynaha
Jabuuti uu ku dhawaaqay waxaa la yiri (COLBA NIN AADAN MOODAYNIN BAA KUU CADAAWA AH EE
CIRIBTA IYO FAYSHUU KU GOYN KII CID KUU XIGA) WAXAA KALOO LA YIRI BOORAAN AFKII LAGA
QAFILEY QAMARNA HOOSEEYO MAANAA MINDIYAHA LAY QORSHAA LAYGU QALI DOONO.
Soomaaliya oo muddo 10 sanno ah ku jirtey Burbur kala googoyay dal iyo
dadba oo kala noqotay saddex qaybood oo kala ah.
- Kuwo wali ku jira mugdigii Burburka oo isgumaadaya walina xabadii ka socoto.
- Kuwo dalkoodii iyo maalkoodii looga haysto xoog oo aan naloshoodu sinaba ahayn oo kii ka
haystey ku dhabi li sanayo sida awr baarqab ah.
Shirka Jabuuti ma waxaa u hawl
yaraatay Haddii la damcay in laysku keeno soomaaliya in laga bilaabo kuwii ka soo baxay
mugdigii burburka oo ku guulaystay nabadii iyo maamulkii ee dhistay maamulada dawliga ah
ee Puntland iyo Soomaaliland in dib loogu celiyo Mugdigii bur burka oo lala simo Halka ay
wali haraaga ku yihiin Qaybihii kale ee Soomaaliyeed oo ah Godka Madaw ee baaba iyo bur
burka soomaali weyna lagu wada qiiymeeyo mid ka soo wadasan qaadda hoos iyo Godkaas (Waxaa
la yiri DOQON BAA GOD LABA JEER LAGA WADA QANIINAA).
- Puntland iyo shirka Jabuuti, wuxuu ku tallaabsaday shirka Jabuuti inuu meel maran ku
qiimeeyo Hididiilada nabada Hannaanka
dawladnimo ee dul harsanaysa reer PL.
Puntland uu kala xiriiro qaab
rayid ah oo ah qoys qoys, Gobol Gobol, Degmo Degmo oo dhan ka ah midnimadii iyo waxwada
qabsigii Beelihii ku midoobey Puntland.
Shirka Jabuuti wuxuu baal
maray Dariiqii saxa ahayd ee mudnayd in loo maro Nabadaynta iyo dib-u-dhiska qarankii
soomaaliyeed wuxuuna u muuqdaa mid lagu baabinayo maamulada ka jira soomaaliya maanta,
sababtoo ah Haddii la doonayo in soomaaliya laysku keeno waxay ahayd in loo maro kuwa wali
ka jira dhibaatada ee is gumaadaya iyo kuwa isku hoos nool ee dal iyo maalba kala haysta
dhibaatadooda wax laga qabto lalana soo simo Halka ay marayaan walaalahooda kale ee
Puntland iyo Soomaaliland.
Reer Puntland aan isweydiinee
shirka Jabuuti ma horumarkeenna mise waa burburkeenna Xaqiiqdu waxay tahay shirka Jabuuti
wuxuu doonayaa:-
- Inuu Burburiyo Nabadeenna iyo maalkeenna dibna inooku celiyo burbur horle oo dhaliya qax
iyo baaba dumarka iyo carruurta Duqowshinku dib u bilaabaan qaxooti iyo barakac.
In aynu baabi inno Maxkamada heenna.
In aynu oodda ka rogno ma xaabiista jeelasha ku xir xiran Tuug Dilaa.
In Dakadeenno dib ugu noqoto Barta Tahriibta gaadiidna ku soo xrian waayo.
In aynu baabi inoo shuruucdeennii aan Dhisanay.
In aan Cirka ku shareero Nabaddii iyo Iskaashgii "Waxwada qabsigii oo aynu islano.
Ka dib inagoo qaawan aynu tagno
shirka ody soomaaliyeed, Reer Puntland Danteennu xaggee ku jirtaa, Qaarkeen wuxuu u
jidbaysan yahy Shirka Jabuuti Jidbadatani ma saarkii waa moodbaa oo billaawaha laysla
dhici jirey ma aanaan garan, saw ma ay naan ogin dumistii Dawladnimadii Soomaaliyeed in ay
ahayd mid dibdda laga soo abaabulay hadana la doonayo in been lagugu maaweeliyo iyo wax
taraan jirin si ay kuu dhaafaan ummaddihii kaahooseeyey. Haddaba runtu iyo xaqiiqda dhabta
ah soo maha mawqifkii xukuumadeenna PL ay ka istaagey shirka Jabuuti Danteenna iyo
jiritaankeenna, Cidaase wada mawqifkaas mid ka badalin saw maahan cadawgeenna in bur
burinaya Haa, waxaad kaloo xasuusan tihiin Caalamka aynu ku nool nahay waxaa ina kula nool
cadaw aan doonayn Nolasheenna, Dhaqan keenna, Diinteenna, Sharafteennan iyo in aynu wax
ahaano. (Qore Cawil Buulle)
Warsidaha Puntland Tirsi 57 Axad 20
Agoos 2000 Bogga 5aad
WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA OO SOO SAARTAY RUQSADDA
LAGU SOO GELAYO DAWLAG GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA
(ENTRY VISA)
PUNA GAROOWE 17/8/2000
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga oo soo saartay
wareegto, tixraaceedu yahay WAGN/985/2000, soona baxdey 9/8/2000, wareegtadaa oo ku
socotey:-
Ku: Dhammaan Madaxda UN-ka ee jooga DG Puntland --Fadhigooda.
Ku: Hay'adaha Midowga Yurub EU Fadhigooda.
Ku: Dhammaan Hay'adaha Samafalka ee jooga Puntland --- Fadhigood.
Ku: Dhammaan Madaxda socdaalka ee Cirka, Badda iyo dhulka Puntland
--Fadhigooda.
Waxaaba wareegtadaasi saxiixay wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo
Amniga, Mudane C/qaadir Islaan Maxamed, waxayna u qornayd sidatan.
Ruqsadda lagu soo gelaayo D/G Puntland ee soomaaliya (Entry Visa)
Tixraac warqaddii sumadeedu ahayd WAGN/884/2000 ee 30/06/2000, kuna
saabsanayd arrinta ujeeddad ku qoran.
Haddaba, maadaama ay idinku muuqatay in waqtigu dheeryahay, sdaad
ogtihiin ayuu dhicin Vise aad soo codsateen oo xafiiskaan diin kaga daahay, cabashooyin
badanna ay idiinka timi.
Sidaas darteed, waxaa la dinla
socodsiinayaa in sidaan hoos ku qoran lagu dhgay oo wareegtadii hore
wax laga bedelay.
- Dadka haysta Diplomatic Passport iyo madaxda sare ee Hay'adaha caalamiga ah waxaa
wasaaradda lagu soo wargelinayaa imaatinkooda Dalka Dawlad Goboleedka Puntland muddo 48
saacadood ah ka hore.
- Khubarada Ajnebiga ahaa shaqada caadiga ah ugu imaanaya Hay'adaha dhammaantood, waxa
wasaaradda
lagu soo wargelinayaa imaatinkood dalka
Dawlad Goboleedka Puntland, muddo aan ka yarayn 3 (Saddex) cisho ka hor.
Dadka Ganacsig u imaanaya oo ajnebiga ah, dalka Dowlad Goboleedka Puntland, waxaa
Wasaaradda lagu soo wargelinayaa imaatinkooda muddo aan ka yarayn 5 (Shan) cisho ka hor.
Wixii hawl deg-deg ah ee Hay'adaha kor ku xusan la soo gudboonaada (Emergency)
waxay Wasaaraddu diyaar u tahy xal u helideedda.
Hadaba, dhammaan xafiisyada ay warqaddani sida tooska ah ugu socota,
waxaa lala socodsiinayaa inay dhowraan sharciga dalka Puntland uyaal, isla marahaantana
waxaa laga codsanaya inay codsiga soo gelintaanka ku soo caddeeyaan JENARAALITA Qofka ay u
soo codsanayaan soo gelitaanka Dalka, meesha uu ka soo kicitimaayo iyo shaqooyinkiisa.
WASIIR KU
XIGEENKA WASAARADDA WARFAAFINTA OO LA SHIRAY MASUULIYIINTA IYO SHAQAALAHA.
PUNA GAROOWE 17/8/2000.
Wasiir ku-xigeenku Wasaaradda Warfaafinta,
Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Jacfar Cilmi Faarax, ayaa kula shiray Mas'uuliyiinta iyo Shaqaalaha Warfaafinta Xarunta Wasaaradda, Wasiir ku xigeenku
wuxuu kala hadley masuuliyiiinta iyo shaqaalaha sidii dardar hor loo gelin lahaa hawlaha
Wasaaraddu u hayso bulshada iyo siday uga soo dhalaali lahayd, looguna miro dhallin lahaa
hadafkii iyo ujeedaddii loo asaasay.
Isagoo si wata hadalkiisi, wuxuu yiri waxaa loo baahan yahay in lala
yimaado xisaabtan dhab ah oo lagula xisaabtamo qof kasta wuxuu qabtay ee aan loo baahneyn,
dabacsanaan shaqo iyo hoosaasin.
Mar uu ka hadlaayey Wasiir ku xigeenku shirka Carta ee Jabuuti, wuxuu
ku tilmaamay inuu yahay mid la marin habaabiyey, danna ugu jirin ummadda soomaaliyeed ee
maanta dhibaataysan, kana tarjumeyn Rabitaankooda, dhiba-ato hor leh oo dagaal iyo isku
dhac ku soo celinaya.
Wasiir ku xigeenka ka hor waxaa ka hadley shirka Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Prof. Maxamuud Ismaaciil oo isagu ka war bixiyay qaabka hawsha Wasaaraddu u
socoto, wixii la qabtay iyo wixii qabsoomi waayay, sababaha hortaagan ay u qabsoomi
waayeen!!!!
Warsidaha Puntland Tirsi 57 Axad 20
Agoos 2000 Bogga 8
HAWEENKA
IYO MASAYRKA.
Haweenka maseerkooda ma waxa uu u badan yahay
marka ay hawenku dhallinta yihiin? Mise marka ay waayeelka yihiin?
Haweenka maseeyra ma waxaa ay u badan yihiin qoysaska saboolka ah mise
kuwa labadan?
Maxaa keena Maseyrka? Maseyrku ma Gaarsiin karaa Haweenka in ay Disho
Dangaladeeda & u badkeeda?
Haddaba marka hore waxaa xusid mudan in la isweydiiyo Magaca Maseerka
loo yaqaanno, Bal aan isku dayno macnaha weyn ee uu leeyahay Maseerku.
Anigu fikradaha badan oo dadka kala duwani ka qabaan waxaa ka soo
qaadanayaa in uu yahay jacayl siloon oo wax badan u dhimi kara ruuxa dareenkiisa si yar oo
fududna maskaxda iyo maankaba u burburinkara.
Marka dhinac kale laga eego sida ay diinteennu ina faraso sheydaanka oo
rabbigiisa caasiyey ayaa si yar uga faa'iidaysta Ruuxa marka uu Caroodo maskaxdiisana wax
galaan, dabadeed ayuu sawir aan jirin siiyaa markiiba kaga yool gaari karo waxa ka
caraysiiya waaana cadow xun sheydaanku oo ummadda ku dhex dhuumaalaysta loona baahan yahay
in laga fogaado.
Haweenka maseerkoodu waxaa uu u badan yahay minyarada oo kaga
sii xun marka min weyntu ma seerto, sida uu sheegayo Abwaan soomaaliyeed ee la oran jiray
(Carays Ciise) waxa uu yiri.
(Minyaro uu Galay maseyr min weyntii ay maslixin masalo weeyaan
la maqal).
Soomalidii horena waxaa ay oran jireen "minyaro maseyrtay waa
maskax quruntay"
Midda ugu qotada dheeri waxay tahay ee dad badani isweydiin
karaani maseyrku ma waxaa uu u badan yahay qoysaska ladan mise kuwa saboolka ah, fekarka
nin gaajo qabaa hal meel buu wax ka arkaa oo culayska saaran iyo sida uu uga badbaadin lahaa naftiisa & ubadkiisa ayuu had iyo jeer xeeriyaa, halka qosyka
ladan ay had iyo goor ay mashquulka tahay sidii ay nafteeda iyo dharkeeda u qurxin
lahayd, haweenka ladan oo dhaqaalaha haystaa iyaga waxaa keliya oo ay ka fekeraan sidii ay
saygooda u raalli geli lahaayeen waxaana ay ku xeel dheer yihiin sidii ay ninka buste
qoyan u saari lahaayeen si aanu marna u hindisin in uu meel kale reerka ugu naq raacin.
Waxaa kaleeto oo iyana Beryaan dambe caan ku noqotay Gobolada
soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna kuwa nabada ay ka jrito siiba Gobolada Puntland iyo
Soomaaliland in ay haweenku bilaabeen iyaga oo marmarsiinyoonaya Ereyga masayrka in ay
Dil, Gacan ka hadal ah iyo saliid iyo milix biyo karkarsan intaba ay ku laayaan ragooda,
taas oo sababtay in badani ay u dhintaan amaba halis ku galaan. Bal dangalo iyada
hadalkeeda daaye xaggee joogtaa!!!!??
Maseerka Haweenka waa naf jeclaysi xun oo qiimahiisu yahay lahaanshaha
sayga ragguna dhibaato ayey kala kulmaan.
Waxaad arkaysaa ragga qaaarkiis oo xaaskooda labaad u fura qancin oo-
ridooda kowaad.
Waxaad arkaysa haween masayra oo ku qanca xaal marin saygu u fidiyo.
Maseyrku ma aha mid ku kooban Haweenka balse maseyrku waa shucuur gala
yar iyo weyn Rag iyo Dumarba, dhallin iyo waayeel bal eeg sheekadan ku saabsan Haween
soomaaliyeed oo masayrtay, waxaana ay ka dhacday Dalka Sucuudi Arabia waanatan:-
Xasan oo nin taajir ah ayaa lahaa Xaas iyo Carruur badan ooridii u
dhashay Carruurta hore oo Carruurteedu kortay ayuu Xasan Guursaday oori labaad, labadi
xaas kalgacal iyo si afgarad wanaagsan baa dhex maray oo Carruurtoodu nolol wacan ay ku
noolaadaan oo ay waalidnimo ku dheehan tahay, waxaa uu waqtigu socdo min yaradii oo umul
ahayd ayaa min weynbtii u timid iyada oo markaas soo xajiday Seefna soo samaysatay, sida
Caadadu ahayd min weyntu miyarada Guriga ka hagaajin jirtay Balse xilligan min weynta talo
ayaa ku qarsoonayd, Qolkii ummusha ayey ka buuxisay naafto, minyaradu musqul ayey ku
jirtay minweyntu halkeedii ayey taagnayd oo belaayo u diyaar ahayd oo Seeftii ay Gacanta
ku Haysatay kur ka kaga jrtay minyardu Gabar yar oo umushu dhashay ayaa taagnayd oo
arkaysay Hooyadeed oo la dilay, Gabadhii Argagax ayey qaaday meeshii ayey min weyntii
doontay in ay Gabadhii yarayd in ay ku disho, nasiib ayey kaga fikatay, Gabadhii halkii
ayey ka Carartay oo walaalaheed dhacdadii u sheegtay.
Telefoon ayaa booliiska loo diray min weyntii oo la
fadhida Islaan ay macruuf yihiin Gurigeeda ayaa Booliiskii u yimid oo Minweyntii laga
taxaabay halkii ayaa xallintii dhibaatada loo Dhaqaaqay Carruurta min weynta waxay isku
raaceen in hooyadood la dilo intii ay seegi lahaayeen walaalahood, ninkii ragga ahaa
ayay ku furfurantay Hogaamintii labada qoys aan hooyada lahayn.
Qiso kale oo maseyr ku timid:-
Haweenay reer falastiin ah ayaa Gabar ay dhashay, Gabadhii waxa ay
diiday in ay nuugto naaska Hooyada Haween & Dharar gabadha yari waa ay
ooyi jirtay Hooyadeedna dhibaato ayey kala kulantay, dereskeedii ayaa Hooyadii waxa ay
kula taliyeen in dangaladeeda naaskeeda loo dhigo, dangalada oo markaas iyaduna umul
ahayd, Dangaladii ayaa loo yeeray, ilmahii loo dhiibaysi ay naaska ugu dhigto Gabadhii
yarayd naaskii ayey qabsatay oo hintiina waa ay daysay hawenaydii Gabadha dhashay qaracan
ay qaaday halkii ayey ilmaheedii ku dishay illeyn maseyrku wax walba waa uu dilaa xataa dhallaanka
Booliiskii Dalka Falastiin ayaa haweenaydii gacanta ku dhigay sidaa ayey xukunku ku
sugaysaa.
(QoreShukri Cali Jaamac Bosaaso)
[Country] |