19 May 2007 04:27

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column] (Bari-Bari) Burburkii Soomaaliyeed hadduu gun iyo caar bixiyey
  • Posted by/on:[AMJ][Thursday, August 24, 2000]

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


Burburkii Soomaaliyeed hadduu gun iyo caar bixiyey

By

Mohamed Ismaaciil Moxamed Bari-Bari

ybaribari@yahoo.com 

Heerka maanta xaaladda Soomaaliyeed ku sugan tahay daawo ma loo heli karaa? Daawadase halkee laga dooni karaa? Ma kuwii arrintu halkay mareyso gaarsiiyey baa daawo iyo talo midna u heli kara? Waxaa la yiraahdaa "waayeeli waayo? Waa annagoo is yeelyeeleyn." Waxaa kaloo la yiraahdaa "idaha indhohoodu waa riyaha". Sababta aan misaal ahaan u soo qaatoo xikmadaaan, waxaan ogaadeey, in odayaasha qaarkood gabeen kaalintii laga dhawraayey.

Bal eega dawladda Geeska Afrika ugu yar xaaladda maanta ka oogan oo odayaal, dillaaliin, daneystayaal iyo dumiyeyaali aayaha Soomaaliya sidii laga yeeli lahaa ama dowlad ku-sheeg loogu dhisi lahaa ay qoobka iyo qaylada isugu darayaan. Waxaan xiganayaa murti Bay iyo Bakool laga yaqaan: "Aduunye ajaa'ibtiyee ii ibaare lug gaabtiyee aadaa jinkaa oroosi aaw dheh yaa kii tumaase". Aan fasiree oo ah; “ Yaab iyo cibaaro waa hooyadaa ha kugu dishu, aabbe dheh, wiil kula eg oo ey aroostay!”.  Waa murti sawiraysa dadka maanta Carta ku shirsan. Qarannimmo lagu aamminaa dadkaas miyeyan ahayn "dhurwaa hilib ku raro".

             Waxaan si xushmad leh su'aal u weeydiinayaa madax-weynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle: ma waxaa habboon marka hore in dowlad la dhiso dabadeedna nabad la baadi doono mase marka hore in nabad la soo hooyo dabadeedna dowlad la dhiso?

  Waxaay Soomaalidu tiraahdaa: "War halkee dhaanka loo rari…rag baa dhababey ceelkiiyee…"

Waxaay kaloo tiraahdaa: "War ma waareysidee war ha kaa haro…"

 Rasuulku (SCWS) wuxuu yiri: "Ninkii karaameeya qof fasiq ah wuxuu mar hore caawiyey dulminta diinta Islaamka"..

 

Wuxuu kaloo yiri "Ninkii la socda qof daalim ah si uu gacan u siiyo isagoo og inuu daalim yahay mar hore ayuu diinta Islaamka ka baxay".

 Maahmaah carbeed ayaa jirta oo oranaysa "ninka hawshiisa xaq ku fuliya waa liibaaney". Mid kale ayaa jirta oo oranaysa "qof walba waxaa lagu qiimeeyaa wixii wanaag ah oo uu geeysto". Mid kalena waxay oranaysaa "qof walba camalkiisa ayaa hadalkiisa beenin kara".

 Eebbena SWT wuxuu ku yiri "As Saff", or battle Array:-

 

            O ye who beleive! Why say ye that which ye do not? Grievously hateful is it in the sight of Allah that ye say which ye do not - verse 2, 3 - 

 

Kumaa garanya dowladaha dariska qorshaha  ay dalka Soomaaliya ka leeyihihiin? Si aan caad ku dheehnayn, dowladda Jabuuti waa maqaar saar. Maxaa ka dambeeya dibindaabyada taagan oon dad loo haysan?Nin ku gumeysan jirey taarikhdu siday u dhacday uma qoraayo ee sida isaga maslaxaddiisa ah ayuu u qorayaa.

 Shaki wuxuu iga jiraa islaannimada ay sheeganaayaan ragga qaarkii. Waxaan daliil ahaan u xiganayaa aayado Quran ah oo tilmaamaya, kuwa is baheystay xaq darada, waxay mutaysandoonaan ama muuminiinta dunida la faray:

   Kuwa is bahaystay waxay mutaysan doonaan ama muuminiinta dunida la faray:

 

Al Nahl, or the Bee: 

            What is with you must vanish; what is with God will endure - verse 96 - 

 Al Kahf, or the Cave: 

Nor obey any whose heart we have permitted to neglect the remembrance of Us, one who follows his own desires, whose case has gone beyond all bounds - verse 28 -

(Unbelievers) whose eyes had been under a veil from Remembrance of Me, and who had been unable even to hear - verse 101 -

Those whose efforts have been wasted in this life, while they thought that they were acquiring good by their works - verse 104 -

 

Al Shur'araa, or the Poets:

 

And follow not the bidding of those who are extravagant, who make mischief in the land and mend not (their ways) - verse 151, 152 -

             

Fatir, or the Originator of Creation:

 

Is he, then, to whom the evil of his conduct is made alluring, so that he looks upon it as good, (equal to one who is rightly guided) - verse 8 -

On account of their arrogance in the land and their plotting of Evil. But the lotting of Evil will hem in only the authors theirof - verse 43 -

 

Al Balad, or the City:

 

            And shown him the two highways - verse 10 -

 

Al Humaza, or the Scandal:

 

Who pileth up wealth and layeth it by, thinking that his wealth would make him last for ever - verse 2, 3 -

  

 Waxay iska dhega-tirtay aayadda lixaad ee Suuradda Al Xujiràt, or the Inner Apartments:

 

O ye who believe! If a witched person comes to you with any news, ascertain the truth, lest ye harm people unwittingly, and afterwards become full of repentance for what ye have done.

  

 Fajacu marba maanso iga keenye, tanna waxaan gocday 10.08.2000, gudubna u akhriya

 

Nabad baan musbaaxda u sidaa                            ay jeer hore muquunsheen

midnimaan baafinahayaa                                         laga weecshey marinkii

maslaxad baan dalbaayaa                                             mowjado la raacshee

caddaalad baan u murugoon                                          lagu maageeray oodoo

xaq baan miiddiisi eegiye                                      mus lagu tuuray waa hore

sinnaan baan meeday leeyahay                                   rag muducyeeyey jeer hore

aqoon baan milicdeeda doonaa                         uu maareeyo jaahile

hufnaan baan maanka ku hayaa                           lagu marqeeyey mayraxe

karti baan meel sare la doonaa                          maqalkeed la aasaye

sharaf baan mala-awaalaa                                       odayaal masas u tuureen.

 xaaraan bay miisayaan                                              haamo maranna u sitaan

malabeeye laaluush                                                            oo matoobaysan diiduhu

dhiig bay ku mayrtaan                                              Eebbe horay u maanacay

markay hortiis is tuunshaan                                          Namruud miyay magan gelayaan.

 Duulow magallootiyoobeee                                           maankina i doorsoon

maradiina tuuraye                                                 maxaan isku daweeyaa?

 Naftu malagga waa arag                                              lama huraanna waa mowd

MAALIK baan cuskanayaa                                           Isaga miciin lehe...

 

Halkaan caloosheyda kuma fatihi karo, waayo kuma habboona hasa yeeshee, aragtideeyda, dadkii wuxuu u qaybsamay in goobjoog u ahaa dhacdooyinka qaarkood oo aamusan iyo kuwo wuxuun akhristay ama bawsadey oo waxaay mararka qaarkood qoraan la yaabeysid.

             "Nimaan qaybin jirin hadduu qaybsho, nimaan qadi jirin baa qada".

  Nin ka mid ah ragga madaxweynanimada u sharaxan si xad dhaafana loo koolkooliyo ayaa yiri: "wax kastoo heshiis ah oo halakan lagu gaaro waa la bedeli karaa waayo Quraan, Injiil iyo Towreed ma aha". Bal ninkaas eega aqoonta uu u leeyahay diinta Islaamka (waa Cabdullahi Axmed Caddow, wuxuu yiri taariikhdu markii ahayd 2/8/2000).

 Waxaa jirta maahmaah carbeed oo oranaysa: "Qad dalla man kaanatil cumyaanu tahdiihi"…"Mar horuu ambaday qoon uu hoggaminaayo nin indha la'".

                        "Duduni ma iyadaa wax dugsata mase waa la dugsadaa, dareenkeediise miyaa la illoobey?"

 

Eega aayadda Quraan: Al Nisaa, or the Women

 Contend not on behalf of such as betray their own souls - verse 107 -

 

"Wallee ina ragow talo adduun taada uun maaha"…

 

Waa taariikhe, ragga shirka Jabuuti ka qayb galay oo Puntland ka tegey, ma waxaay oggolaadeen in xaaladda Kismaayo siday hadda tahay ay weligeed ku waarto? "Ri walba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa"!!!

 

"War nin adduunka joogoow maxaad aragtay kuu laaban"…

 

Nabad gelyo iyo is maqal wacan,

 Maxamed Ismaaciil Maxamed "Bari-Bari"

 ybaribari@yahoo.com

 

Wa Billahi Towfiiq

             

Lifaaq

 

Kuwa rumeeysanow eega aayadahakan

 

Al Ma'ida, or the Table Spread:

            Help ye one another in righteousness and piety, but help ye not one another in sin and rancour - verse 3 -

Al Ma'ida, or the Table Spread:

            Many of them dost thou see, racing each other in sin and rancour, and their eating of things forbidden - verse 65 -

Al Ra'd, or Thunder:

            Thus doth God show forth Truth and Vanity. For the scum disapears like froth cast out; while that which is for the good of mankind remains on the earth - verse 17 -

Al Anbiyaa, or the Prophets:

            They used to call on Us with love and reverence, and humble before Us - verse 90 -

 

 Bal tixahakan oo an diyaarshey 30.07.2000 eega

 

            Waa yaab haddii odayadii habaw lagu tilmaamaayo

            oo habeen u dumee dhammaan wada hunguri doona

            una diryaameen huwane hammigiis qarsoon yahaye

            kuway hiil wadaagaan waa dillaaliin habaarane?

 

            Huud looma dhigin oo waa kuwaa dufanka wada haaban

            Qaaruun bay hilib wadaagaan iyo Hamaankii naftuu huraye

            xishoodna lama hayaan oo waa horey kala hayaameeene.

 

            Horseed yay u noqon kuwaas haanta leefaaya

            dab huriyeyaal hadday noqdeen oo beeshu kala haaddo

            faa'iidaday ka helin dadow ila hilmiya oo aad u falanqeeya.

 

            Beeleey adigu tasho hadal haruub ma buuxshee

            haadaan laguu qodyey aad hubuq tiraahdayee

            war halkee baad ku hiran hooteeye reerihiye

 

            Sidii hal ololeysa bay haybin diinaar

            surun walbay hollin siday heen ku leefaan

            hohobtiina idil waa gurteen hawdka lagu baahshey

 

            Ku hungoobe shirkay haamaha u tosheene

            gaajadii hartay bay yiraahdeen markay hirarka eegeene

            Halac baa ka roonaa suu wuu hambayn jiraye

 

            Mas'uuliyadi hawl adag inay tahay hubaal weeye taasuye

            hoggaan qaadkeedu waa sahal olol baase hoos yaal

            garanayaa ka haajiryey sheelana hoygiisu haawiya

 

            Carta hoygeeda duulow waxa ku hogeysan yaa garan?

horay bay hanti dowladeed qoon hibo u siisaye (1991)

ma haddaa sinnaan laga sugaa sumadi waa hiile…

 

            Xusuus taariikheed

 

Woqooyiga Soomaaliya (Somaliland) maxmiyad Ingiriis -1886 -

Koofur Soomaaliya isticmaar Talyaani - 1889-1941 -

1941-1950: Woqooyi Soomaaliya, Koofur Soomaaliya, NFD iyo Ogaden maamul Ingiriis

(1948 Ogaden Ingiriisku wuxuu dib ugu celiyey Dowladda Itoobiya)

1954 Ingiriisku mar labaad ayuu Dowladda Itoobiya Hawd dib ugu celiyey.

1950-1960 Koofurta Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobey dib ugu dhiibteey maamul Talyaani

(1956-1960 GS)

1963 ayuu Ingiriisku NFD ka mid dhigay dalka Kenya

Woqooyiga Soomaaliya wuxuu ilaa 1960kii baaqi ku ahaa maamul Ingiriis

1960-1969 Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

21.10.1969 - 26.01.1991 Hay-hay weligaa hay

27.01.1991 ilaa maanta = Haad geed waayey

 

Dawrka Masar iyo Siyaasadda Soomaaliya

(Dad waa dadkii hore hadalna waa intuu yiri)

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Masar waxaan xasuusinaayaa inay waa hore Alleysteen, raggii xiriirka taariikheed ee dhaxal galka ahaa ka dhex sameeyey Soomaaliya iyo Masar.

 Dhinaca Masar: - Sheekh Maxamad Najaar oo madax ka noqday Jaamacadda Al-Azhar;

-         Maxamad Kamaaluddiin;

-         Dr.Zaki;

-         Dr.Cabdulmuncim;

-         Gen.Jamassi;

-         Gen.Axmad Ismaaciil.

 

Dhinaca Soomaaliya: - Xaaji Diiriye Xirsi;

-         Xaaji Yuusuf Cigaal;

-         Xaaji Cilmi Cabdulle Dirir;

-         Xaaji Maxanuud Cabdulle Dirir;

-         Xaaji Maxamed Xuseen;

-         Dr.Cabdirashid Cali Shermaarke iyo

-         Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo hadda ku nool dalka Mareekanka.

 

Mudane Wasiir, bal malafyada xafiiskaaga yaal dib ugu laabo! Waxaad noo sheegtaa waqtigii uu Sheekh Maxamad Najaar uu tegey Soomaaliya iyo muhimaduu u tegey? Siyaasadda adiga iyo dawladdaad masileyso maanta ka waddaan Soomaaliya, waxaay iila muqataa midabaynta cusub ee gumeysiga! Ganacsi beeyo ayaa naga dhaxayn jirayee, dul degidi marna nama dhex marin (all that glitters is not gold).


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:14 AM. Webmaster HomePage