19 May 2007 04:26

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (Baydhabo Press) Jaaliyadda D&M Australia iyo Arta
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, August 29, 2000]

 
Jaaliyadda D/M Ausatraliya oo ka shirtay DAWLADA dhawaanta looga dhawaaqay CARTA

by BAYDHABO PRESS




Austaraliya August 29, (BP)-Waxaa maalinitii Sabtida lagu qabtay shir balaaran magaalada Melborne ee dalka Australiya, shirkaas ayaa waxaa ka so qeyb-galay dhamaan xubnaha Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee carigaas, arimhii shirkaas looga hadlaya ayaa waxaa ka mid ahaa arigtayah iyo mowqifka Jaaliyadda D/M ay ka qaadanayso DAWLADA lagu soo dhisay CARTA.

Xubnihii shirkaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Md. Ing Xasan. M. Abukar wakiilka ama ergayga ururka RRA ee dalalka Australiya iyo Newzeland oo sheegay in qowmiyadda Digil iyo Mirifle aysan diidanayn DAWLAD Somaaliyeed laakin meel kasta oo aan joogno guddaha iyo dibadaba 100% waxaan isku raacsanahay in aan rabno DAWLAD ku dhisan habka Federaalka oo aan u madax banaannahay in aan ka tashano aayaheena.
DAWALAD kasta oo loo sameeyo Somaaliya ha ugu horeyso mida Md. C/qaasim Salad Xasan oo aan tixgelin arimaheena waan ka horimaanayna mana ku khasbi karaan shacabkeena wax aysan rabin oo aan dan u ahayn kuna qanacsanayn.

Waxaa kale oo Ing. Xasan. M. Abukar mar aan kula xiriirnay khadka isgaarsiinta uu si kulul uu canbaareyay Md. Ismaaciil Cumar Gelle oo uu sheegay in uu gef aysan qowmiyadda Digil iyo Mirifle weligeed iloobayn uu ka galay markii uu ka qadshay 20 kii xubnood ee la yiri waa lagu sharfay, isla markaana usan qaadan talooyinka ergadda D/M, wuxuuna Ing. Xasan. M. Abukar uu hadalkiisa ku soo gunaanaday isaga oo sheegay in qawmiyadda Digil iyo Mirifle laga rabo in ay is badbaadiyaan ummadda Somaaliyeedna ay badbaadiyaan waxayna ku badbaadin karaan iyaga oo diida DAWLAD kasta oo leh sifooyinka kaligi talisnimo [ Authoritarian Regime] maxaa yeelay 1960, waxaan sheegnay in Somaaliya ay dan ugu jirto in ay qaadato habka Federaalka si aan la isu dulmin Somaali oo dhan baa naga diiday wixii aan ka digaynay waa la arkay, marka mar labaad ma dhacayso in la isku khasbo nidaamkaas dulmiga ku dhisan oo nasiib wanaag maanta Somaali badan baa fahamtay wixii aan uga digaynay, sideedaba mujutamacaadka ama bulshooyinka ku dhisan beelaha habka ugu fiican ee ay nidaam ahaan ku wada dhaqmi karaan kuna kala badbaadi karaan waa Federaal Systemka ama [Dawlad gobaledyada] oo isku dhelitiraysa awooda degaanada, dalka iyo dadkuna ay masalxadoodu ku jirto oo horumar lagu gaari karo.


(BAYDHABO PRESS)


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:13 AM. Webmaster HomePage