MADAXWEYNE KU
XIGEENKA DGPL OO FURAY SHIRKII 1AAD EE
GUDDIGA DIYAARINTA DASTUURKA.
PUNA-GAROOWE 30
Agosto
Madaxweyne ku xigeenka Dawlad
Goboleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa furay shirkii 1aad ee Guddiga
Diyaarinta Dastuurka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka oo ka furay
Xarunta Golaha Wakiilada Taariikhdu markay ahayd 30-08-2000, wuxuu halkaas ka soo jeediyey khudbad aad u dheereyd oo uu kaga
hadlaayey xaaladda soomaaliya iyo tan Puntland heerka ay maanta marayaan, waxaa kale oo uu
Madaxweyne ku xigeenku ku guubaabiyey Guddiga in ay ka soo dhalaalaan Hawsha loo xilsaaray
ee ay ummaddu u hayaan.
Madaxweyne ku xigeenka ka hor waxaa
halkaa warbixin ka soo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland
Mudane Xasan Daahir Af-Qurac, ahna Guddoomiyaha Guddiga diyaarinta Dastuurka isagoo
sheegay qaabka ay hawshu u soconayso, iyo heerkii ay soo martay.
Waxaa furitaanka shirkaasi ka soo
qaybgalay xubno ka tirsan xukuumada iyo shacabka.
WASIIRKA WASAARADDA
ARRIMAHA BULSHADA OO FURAY SIMINAAR.
PUNA-Garoowe
27-8-2000
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada
Mudane Faarax Warsame ayaa ka furay xarunta NESHA ee Magaalada Garoowe Siminaar soconayey
muddo saddex cisho ah, siminaarkaas oo ujeedadiisu ahayd u diyaar garowga olalaha
Talaalka, ee ku aadan maalinta taariikhdu tahay 12-9-2000.
Iyadoo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin
sarsare oo ka kala socday Wasaaradaha kala duwan ee Dawlad Goboleedka Puntland, sida
Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Falanqayn iyo doodo dhaadheer oo
layswaydaarsadey ka dib waxaa laysla meel dhigay sidii xil la isaga saari lahaa ciribtirka
cudurka dabaysha (Polio), iyadoo dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Caafimaadka oo ka soo
qaybgalay shirkaas ay soo gudbiyeen baahiyaha kala duwan ee ka jira Gobolada iyo
Degmooyinka iyo sida ugu fudud ee gacan looga gaysan karo, hawshaas iyada ah waxaa ugu
dambayntii halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Dr. C/raxmaan Dhagaweyne oo
sheegay in sanadihii hore ay hawshu u fushay sidii la rabay, sanadkaana aan rajaynayno si
ka sii wanaagsan.
KULOMO AY YEESHEEN
MAAMULKA IYO ODAYAASHA SANAAG BARI
PUNA-SANAAG BARI
27/8/2000 Waxaa xafiiska Guddoomiyaha
ee Badhan lagu qabtay kulomo dhex-maray maamulka Gobolka Sanaag, maamulka Degmada, isimo,
nabadoono iyo wax-garad cul-culus, kulamadaas oo lagaga hadlaayay xaalada Guud ee Gobolka,
dhinacyada nabadgelyada, nidaamka socodsiinta maamulka, nadaamka cashuuraha, siyaasada
Dawlad Goboleedka iyo Himiladan loo qabo, waxaa kale oo lagaga hadlay mow-qifka maamulka
Gobolka iyo bulsho waynta reer sanaag ka qabaan shirka Carta.
Waxay cadeeyeen in gebi ahaan shacabka
reer sanaag bari kamidaysan yihiin diidmada iyo can baaraynta shirka Carta iyo wararka ka
soo baxaaya.
Waxaana arrimahaas ka hadlay iyagoo ku
hadlaayay matalaayay shacabka Reer-Sanaag bari.
1.
Mudane
Ismaaciil Suldaan Maxamud
2.
" " Saalax Garaad Cali Shire
3.
Nabdoon Xasan Cali Xasan
4.
" " Muuse Cali Faatax.
5.
"
" Maxamed Muuse Nuux
6.
" " Xasan Faarax Maxamud
7.
" " Maxamed Cali Cabdi
8.
" " Faarax Ducaale.
Waxayna Maamulka Gobolka u Gudbiyeen
kalsoonida buuxda ee shacabka iyo bulshaweynta Reer-Sanaag Bari, dhinaca maamulkana waxaa
ka hadlay ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Axmed Ismaaciil Ducaale, Duqa
Degmada Badhan iyo xubno kale wuxuuna kulankaasi ku dhamaaday sidii ugu wanaagsanayd ee la
rajaynayey.
BANAAN BAXYO LAGAGA
SOO HORJEEDO SHIRKII JABUUTI WIXII KA SOO BAXAY
PUNA-SANAAG-BARI:-
30/8/2000, Waxaa magaalada Badhan ka
dhacay mudaaharaadyo iyo banaanbaxyo lagaga soo horjeedo laguna diidan yahay wararka ka
soo baxaya dalka Jabuuti ee Tuulada Carta, dadweynaha mudaaharaadayey oo aad u badnaa ayaa
waxay socod ku mareen shaaracyada Magaalada Badhan, iyadoo dhinaca amaanka ay sugayeen
qaar ka mid ah ciidanka Booliiska iyo Daraawiishta Dawlad Goboleedka Puntland oo bar bar
socday dadkaas mudaaharaadayey, dadkaas oo sitay Boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo
ay ku diidan yihiin Dawlada Jabuuti iyo waxay soo dhistay, waxayna kor ugu dhawaaqayeen
qaar ka mid ah halku dhigyadaas oo ay ka mid ahaayeen:-
Dufloow
hawiye deerow
isaaq soo doorta'e meeluu dego iyo dal maloo hayaa.
Waxay kaloo ku
dhawaaqayeen codka ergada carta o calaacalaya oo leh cuno Meesha mataalo, Caafimaad uma
fiicna ee Cudurbaa nagu laayey.
Waxay kaloo
ku dhawaaqayeen, Dawladu dabayluhu wataan ee dibad wareega ahi Dal maleh dad maleh, Damiir
maleh oo Dareen maleh, Difaaceedu waa daciif oo laguma diirsado.
Waxay kaloo ku
dhawaaqayeen Calaacalkii ina Cumar Geelle ee ahaa Cabdullaahi isaamax.
Cigaalow jidka fur
Waxaa ugu
dambayntii Dadweynihii mudaaharaadayey meel fagaara ah kula kulmay oo kalu hadlay maamulka
Degmada iyo qaar ka mid ah Madax dhaqameedka, wuxuuna ku dhammaaday mid nidamada Maamulka
iyo mujtamaca oo la sii xoojiyo
WAXQABADKII GOLAHA
WAKIILADA KALFADHIGII 2AAD
Sharuucda:-
Xaaladda ban ka'oodka ah
ee lagu asaasay dowlad Goboleedka Puntland ka sokow, waxaa jira labo marxaladood oo kala
guur ah oo mid waliba leedahay duruufaheeda
gaarka ah iyo saamaynteeda bulsho.
Tan hore ee lagaga guurayo fowdada iyo sharci la'aanta
ka dhalatay burburka iyo dowladd la'aanta iyo tan labaad oo ah geeddiga socodka laga
guurayo nidaamkii iyo dhaqan xumaddii laga dhaxlay xukuumadihii musuqmaasuqa iyo kali
talisnimada ku dhisnaa ee u kala danbeeyey, dalka looguna guurayo hab caddaalad ah ee
dimoqraadiyad ku dhisan
Sidaas darteed golaha xukuumaddu wuxuu horkeenay
kalfadhigii labaad qawaaniin xasaasi ah oo loogu tala- galay in bulshada lagu dhaqo
marxaladaha kala guurka ah.
Kolkaas Golaha Wakiiladdu isaga oo ka duulaya dareenka
dadwaynaha, dhaqanka u gaarka ah shacabka Puntland isla markaana qiimaynaya xaaladaha
dalku ku sugan yahay wuxuu isku taxalujiyey inuu si qoto dheer uga doodo ugana baaran dago
qawaaniintan oo khuseeya meelo xasaasi ah sida nabadgalyada, anshaxa, deegaanka, iwm.
Guud ahaan ajendayaasha golaha xukuumaddu soo hordhigay
kal fadhigii labaad waxay dhammaayeen 17 xeer sharci oo faahfaahintoodu tahay sida soo
socota.
Qawaaniinta
la'ansixiyey:-
1. Qaanuunka
Caafimaadka iyo ruqsadaha wasaaradda arrimaha bulshadu bixiso.
2. Qaanuunka
anshaxa filimada.
3. Qaanuunka
dhismaha wakaaladda wararka Puntland PUNA
4. Qaanuunka
dhulbeereedka.
5. Qaanuunka
hormarinta daaqa.
6. Qaanuunka
dhismaha rugta ganacsiga.
7. Qaanuunka
qorshaynta dalka Puntland.
8. Qaanuunka
Bangiga dowladda Puntland.
9. Qaanuunka
nabadgalyada Guud.
10. Qaanuunka tartamada
iyo heshiisyada qandaraasyada.
11. Qaanuunka dib u
habaynta khidmada dekadaha iyo khayraadka badda.
12. Qaanuunka sanduuqa
shaqaalaha.
13. Qaanuunka
miisaaniyadda dowladda dhexe ee sannadka 2000.
14. Qaanuunka madaxyada
dakhliga iyo kharashka ee miisaaniyadda 2000.
Qawiiniinta
dib loo celiyey.
1.
Qaanuunka anshaxa oo golohu ku sababeyey inaanu la' socon karin xilliga.
2.
Qaanuunka khidmadaha Ganacsiga oo goluhu ku sababeyey inaanu
dhammaystirnayn.
B.
QARAAR UU SOO SAARAY KALFADHIGA 2AAD.
Kalfadhiga 2aad ee
Golaha Wakiiladu wuxuu ka soo saaray qaraar hab dhaqanka iyo qaabka hawl gal ee Hay'adaha
caalamiga ahi uga shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Puntland iyaga oo ilaa hadda waxqabadkoodu
ku egyahay saddexdii Gobol ee horay la'isugu oran jiray waqooyi bari, taas oo aan
waafaqsanayn axdiga dowladda Puntland.
Qaraarku wuxuu ku
boorinayaa Golaha xukuumadda inay ka qaadaan tallaabada ku haboon hay'adaha iska indha
tiray axdiga iyo qawaaniinta Puntland.
C.
DHISMAHA GUDDIYADA DASTUURKA IYO DOORASHOOYINKA.
Kalfadhigii labaad ee
Golaha Wakiiladda waxa lagu magacaabay 10 mudane oo ka mid ah guddiyada diyaarinta
dastuurka iyo doorashooyinka iyadoo la go'aamiyey in guddiga joogtaduna ku kor dhin karo
xubno iyaga ka tirsan.
Xubnaha
Guddiga Diyaarinta Dastuurka
1. Xuseen
Maxamed Cigaal.
2. Cumar
Xaaji Jaamac.
3. Bootaan
Barre Samatar.
4. Jaamac
Maxamud Duulane.
5. Khaliif
Aw-Cali Maxamed.
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka.
1. C/qani
Ismaaciil Aw-Cismaan.
2. C/rashiid
Maxamed Xirsi.
3. Yuusuf
Aw-Maxamed Xasan.
4. Cali
Saxar Guuleed.
5. Maxamed
Cali Guuleed.
Xeer Hoosaadka Golaha Wakiiladda.
Kalfadhiga labaad ee Golaha Wakiiladu wuxuu wax ka
badalay xeer hoosaadka Golaha qodobo ka mid ah, isbadalkaasuna waa sidan hoos ku qoran.
¨ Tirada
Guddiga Joogtada ah waxaa laga dhigay sagaal xubnood halka ay markii hore ka ahaayeen 8
xubnood xubinta la kordhiyeyna waxaa loo doortay gabar ka mid ah gabdhaha baarlamaanka.
¨ Guddomiyaha
Goluhu wuxuu isku baddali karaa guddiyada joogtada ah ee Golaha wakiiladda.
¨ Muddada
ay soconayaan kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha wakiiladu ayaa loo gooyey 45 (afartan iyo
shan) maalmood.
II-
Waxqabadkii Golaha Wakiilada ee Labada Kalfadhi dhexdooda.
Eeg Bogga 4aad
Ka yimid Bogga 3aad
Golaha Wakiiladu wuxuu
qayb wax ku ool ah ka qaatay howl gallo ay golaha xukuumadda iska kaashanayeen sida:-
¨ Kormeero
loogu kuur galayey xaaladaha nabadgalyo, siyaaso, bulsho, maamul, deegaan, ee dhammaan
Goboladda ay ka kooban tahay D/G/PL.
¨ Goluhu wuxuu kaalin mugleh ka qaatay howl gallada ku
wajahnaa baahinta iyo taabbagalinta maamulada Goboladda dalka iyadoo si wayn loogu
guulaystay ka hortagidda siyaasadda gurracan oo ka imaanayey darisyada siiba kuwa
galbeedka iyokoonfurta iyo ololayaal lagu
hagaajinayay bilicda magaalooyinka waawayn kuwaasoo si fiican waxqabadkoodu uga muuqday
magaala madaxda D/G/PL iyo xarunta Gobolka Mudug.
¨ Goluhu
wuxuu kaalintiisa ka qaatay taakulayn dhaqaale oo loo fidinayey Jubada Hoose Ciyaaraha
Goboladda Soomaaliya iyo arimo kale oo ijtimaaci ah.
III-
Waxqabadkii Guddiga Joogtada ee muddadii u dhaxaysay 2da Kalfadhi.
Guddiga joogtadu howlgalada guud ee ay
golaha wakiilada kaga la qaybqaateen hirgalinta shuruucda, hormarinta dhaqan dhaqaale iyo ilaalinta gabi ahaanba danaha ummadda ka sokow waxay si joogto ah
u fuliyaan howl maalmeedka shaqo ee golaha wakiilada sida maamulka ama xiriirinta
golayaasha dowladda iyo guud ahaanba howlaha qaran ee ku beegan golaha muddada u dhaxaysa
kalfadhiyada.
Arrimaha
ugu waawayn waxa qabadka guddigana waxaa ka mid ah:-
1. Guddiga waxay kormeer howleed ku mareen
dhammaan Gobolada ay ka kooban tahay dowlad Goboleedka Puntland kaasoo loogu kuurgalayey
xaaladda nabadgalyo, ku dhaqanka shuruucda,
baahinta maamul iyo waxqabadka maamulada ka dhisan Gobollada iyo degmooyinka.
2.
Guddiga joogtada ee Goluhu sida
caadada u ahayd waxay la'yeesheen kulamo ku salaysnaa la xisaabtan iyo u kuurgal qaar ka
mid ah wasaaradaha iyo hay'adaha madaxa banaan ee dowlada kuwaasoo ku soo gubiyey
warbixino af iyo qoraalba leh, habka socodka barnaamijka saddex sanadoodka ah ee Dowladda
iyo dhaqan galinta shuruucda Golaha wakiiladu ansaxiyey.
3. Guddiga joogtadu wuxu ka
howlgalay dhamaystirka dhismaha guddiga diyaarinta dastuurka iyo habaynta xeer
hoosaadkooda Guddigaas oo dhakhso uga howl galidoona howsha loo xilsaaray.
4.
Guddigu wuxuu xiriir la'samayeeyey
hay'adaha caalamiga ah ee ku sugan dalka sidii Golaha iyo Guddiga dastuurka, dhismo xarun
shaqo, tababaro khubaro iyo qalab shaqo loogu heli lahaa waxaana ilaa hadda laga helay
jawaab Hay'adda Diakonia, Peace and Life iyo Dowladda Sweden oo u soo dirtay Golaha wafti
ka socda xisbiga Social Democratic ee xukuuma dalka sweden, taageerooyinka la ballan qaady
waxaa ugu soo horeeya Diakonia oo bisha Ocotober siminaar guddiyada Golaha iyo guddiga
diyaarinta dastuurka iyo socdaalo aqoon kororsi oo ay mudanayaal golaha ka tirsan ugu
dirayaan dibadda.
5.
Guddiga Joogtada xubno ka tirsan oo
socdaalo ugu baxay dalalka dibadda waxay jaaliyadaha iyo dalalka ay booqdeen uga
warbixiyeen siyaasadda iyo barnaamijka hormarineed ee Puntland siiba jaaliyadaha Emeritka
carabta iyo Sweden iyagoo jaaliyaduhu muujiyey cabashooyinka xiriir la'aaneed ee iyaga iyo
dowladda.
IV-
Xiriirka Shaqo ee Golaha Wakiiladda iyo Golayaasha kale.
Sida ku cad axdiga waxay Dowlad
Goboleedka Puntland ka kooban tahay saddex gole oo kala leh waajibaaadyo qeexan kana
midaysan howlgalka Dowladnimo iyo taabba galka qaranimo, waxayna kuwada shaqeeyaan
iskaashi, wada tashi, isa sixid, is dhaliilid si loo helo howl gal midaysan oo lagu hanan
karo ujeeddooyinka iyo himilooyinka la higsanayo kuwaaso saldhig u ah hal dowlad oo u
adeegaysa shacabkeeda.
BAYAAN KA SOO BAXAY
URURKA DHALLINYARADA G/MUDUG
Annagoo ah Ururka Dhallinyarada
Soomaaliyeed ee Gobolka Mudug SYS, waxaan si cad oo qeexan u soo Bandhigaynaa Hindisa
Cusub ee Ururku ka qabo Xaaladda Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed/Dawlad Soomaaliyeed, sida
lagu heli karo inay tahay:-
1.
Shirka dib-u-heshiisiin qaran oo la
isugu yimaado si Deg-Deg ah, oo lagu qabto Dalka Gudihiisa, gaar ahaan Gobolka Mudug ee
Xuddun u ah Gobolada Dalka Maadaama uu ahaa Gobolkii laga Aasaasay Xornimo doonka (SYL),
Dagaalkuna ka Bilowday, Nabadgalyada Gobolada dhexena ka Bilowdeen 93-dii, loona baahan
yahay iyada laga soo Nooleeyo Sharaftii iyo Qaranimadii Soomaaliyeed, ayna marti Galiso
Dawlad Goboleedka Puntland.
2.
Shirka Jabuuti ku dhamaaday wuxuu
halis u yahay inuu keeno isku dhac Beeleed iyo xasilooni Darro meelo badan oo nabad ah.
3.
shacabka Puntland waxaa ugu baaqaynaa
inay uga dambeeyaan Hoggaanka Siyaasadeed Golaha Taageeradooda hiil iyo hooba la dhinac
istaagaan Dawlad Goboleedka Puntland.
4. waxaan kaloo baaq u soo jeedinaynaa
Isbahaysi ku sheegga ku habsadey Gobolka Jubbada hoose
Kismaayo si shareecada Islaamka ka fogna u xasuuqa oo kula dhaqma dadka ku nool Goobtaa,
inay isga baxaan oo ka huleelaan inta aan dhiig badan ku daadan, maadaama ayn jirin cid
deegaankooda xoog lagu haysan karin.
5. Ugu dambayn waxaan shacab weynaha
soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay xoojiyaan nabadgalyada
guud ee Gobolka, loona diyaar Garoobo sidii lagu gaari lahaa midnimo soomaaliyeed.
Guul iyo Barwaaqo ayaan idiin rajeynayaa.
SULDAAN CUSUB OO SOO
BAHARDAADSADAY LAASCAANOOD.
1835kii Siciid Harti
(Dhulbahante) wuxuu lahaa hal Garaad oo keliya, 1850 kiina wuxuu lahaa labo Garaad,
1965tii wuxuu lahaa afar Garaad, maalintii isniintii 31/07/2000, waxaa magaalada Kalabayr
oo 20 (labaatan) kiilo-mitir dhanka koonfur Galbeed ka xigta magaalo-madaxda Gobolka Sool
oo ah Las-canod, waxaa lagu caleema-saaray Issimkii 10aad ee Beesha Siciid Harti
(Dhulbahante) ka soo ah suldaan Cali Xaaji Ismaaciil (Cali Doob)oo noqday Issim labaad ee
jilibka bah-ararsame.
Sulddaan Cali Xaaji Ismaaciil wuxuu sannadkii 1937 ku
dhashay dooxada Barraaha oo ku taal kala-barka Laas-caanod iyo Garoowe (Hooyadii waa
Xaajiyo Cibaado Ayuub Salaan ). Markuu jiray 12 sano ayuu quraanka uu ku xafiday
malcaamaddii walaalkii macallin Cabdillaahi Alla ha u naxariistee oo ku tiil magaalada
Lascanod sannadkii 1949 wuxuu galay dugsigii hoose ee magaalada Las-canod sanadkii 1952dii
isagoo Magaalada Sheekh ku dhiibaya imtixaankii uu ugu gudbilahaa dugsiga dhexe ee Sheekh
(Sheekh Intermediate School) ayaa imitixaankii laga saaray oo tacliintii Dowladda laga
erayay dagaal uu sameeyay dartii Xog-ogaalkii waxay yiraahdeen iyadoo imtixaankii socdo
ayaa Magaalada Sheekh waxaa galab kubad ku wada cayaaray fasalkii ka yimid Laas-caanod ee
uu isagu ka mid ahaa iyo fasalkii reer Sheekh ee dugsigiisii ahaa, waxaa badiyay reer
Sheekh, Cali wiilkii reer Sheekh Goolka
badinta u dhaliyay ayuu garoonka dhexdiisii oo ilyartu is-qabsatay Madaxdii waxbarshaduna
tubantahay ayuu Cali ku baacsaday toorray uu galka ka siibtay oo garoonka ku wareejiyay
xog-ogaalku wuxuu sheegay in sidaas imtixaanka looga diiday waxbarashadii dowddana lagaga
eryay Cali wuxuu arrintaas ku eedeeyaa Guddoomiyhii dugsiga Sheekh ee Waqtigaas laakiin
wiil toorray sita nin waliba waa eryilahaa mar kale Cali wuxuu ku noqday baadiye (Kalaayo
iyo kal belelebo, Xaaba Cad iyo qallalan), 1956 Cali wuxuu u dhoofay Magaalada Cadan
halkaasoo dugsigiisa dhexe uu ku dhameystay.
Muddo taban sano ku dhow ayuu Cali shaqaale u ahaa
dawladdii Ingiriiska ee cadan xukumeysay, isagoo qayb maadadaas ka mid ah u kala af-celin
jiray Dowladdii Ingiriiska iyo Jabhaddii Cadmeed ee Faloosy. Cali wuxuu Soomaaliya dib ugu
soo noqday sannadkii 1968dii isagoo markiiba dalka ka bilaabay hawlo ganacsi.
1991 ayuu ku biiray ururkii USP-dii labaad, isagoo howlo
fara badan ujeeddooyinkii ururkaas ka fuliyay ilaa la soo gaaray 1998, waqtigaas oo uu ka
midnoqday tiirarkii dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland ilaa haddana uu ku taaganyahay.
Haddaba, maalintii
isniintii ee 31/07/2000 ayaa Magaalada kala-baydh Cali Xaaji Ismaaciil loogu caleema
saaray Sulddaan Cali Xaaji Ismaaciil, iyadoo kalkaas dabbaaldeg weyn loogu sameeyay.
Sulddaan Cali waa nin
dhuuban oo maarriin ah oo leh gadhweyn oo u dhigma gadhka sheekh bahashti, sheekh
mujaddidi iyo sheekh sandaaniga Yemeneed, Sulddaan Calina soo baharddaadsay Las-canod.
BAAQ AY SOO SAAREEN
BEESHA BAH- ARARSAME
Ku: Cid alla Cidii ay khusayso
Taariikhdu markay ahayd
8/8/2000 ayaa Beeshu shir balaaran isugu
timid magalada kalabaydh shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan qaybaha kala duwan ee
Bulshada sida, Cuqaasha, Culamada, Waxgaradka, Dhalinyarada iwm.
Ka dib markii Beeshu si taxadir leh ay u gorfaysay
xaaladaha taagan ee nabadgelyo iyo siyaaso waxaa la qabtay gudi sagaal nin (9) ka kooban
oo kala ah 3da Baadhi ee Beesha.
Gudigaa sagaalka ahi waxay soo saareen qodobadaan soo
socda:-
1. in
la adkeeyo midnimada Bah-Ararsame.
2. in
la adkeeyo midnimada Garaad Faarax.
3. in
Beesha Bah-Ararsame ay ugu baaqdo dhammaan dadka ay dariska yihiin nabadgelyo waarta.
4. in
dilkii kaga yimid beesha cumar Maxaud lagu dhameeyo wadahadal iyo is afgrad.
5. in
heshiiskii Deegaanka ee uu dhaxayey Baha-Ararsame iyo Majeerteen ee 1997dii sidii uu ahaa
loo fuliyo.
6. in
ay shir deg-deg ah isugu yimaadaan Beelaha Bah-Ararsame iyo Cumar Maxamuud meeshii iyo
goortii laysla garto.
7. in
meel looga soo wada jeesto 2da dhinacba cid alla cidii isku dayda in ay colaad abuurto
nabadgelyadana wax u dhinto mahadsanidin.
Waxaa qoray baaqan:-
1.
Xaaji Ciise Cumar Xirsi.
2. C/Laahi
Maxamed Axmed
3. Cali
Cumar Xirsi.
4. Xaaji
Mahad Xaaji Yuusuf.
5. Xaaji
Yuusuf Xaaji Ibraahim.
6. C/laahi
Maxamed Ciise.
7. Cali
Cabdi Galaydh.
8. Maxamud
C/qaadir heeye (Indhoyare)
9. Maxamed
Xasan Aadan (Dalab)
KAALMADII SOO
GAARTAY INTUU DHISNA URURKA BEERALEYDA DEGMADA GAROOWE.
Beeraleyda Gobolkaani waxay ahayd mid
asaasantay badan-keedu 1991 horaankeedii waxaana kalifay Burburkii ka dhacay Soomaaliya,
iyadoo la ogyahay dadka ruuxba meeshii uu dan-mooday inuu wajahay, waxay ahaayeen kuwii
dhulkooda u jeensaday in ay wax kala soo baxaan
iyagoo aan wax aqoon ah ulahayn, wayna ku mahad san yihiin arintaas, markii beerleyda
dhibaatooyin fara-badan la soo derseen wax gacan u geystana ay waayen, ayey shir isugu
yimaadeen magaalada Garoowe, 1996 bartama- heedii waxayna dhisteen Ururka Beeraleyda ee
Degmada Garoowe.
Intii Ururku jirey waxaa soo gaaray kaalmooyin kala
duwan, waxayna kala ahaayeen sidatan soo socota.
Waxaa ugu horeeyey ICRC oo uu wakiil ka ahaa Mudane,
Abshir Cumar Huruuse, oo nasoo gaarsiiyey (seed) amaba abuur Caws iyo abuur qudaareed laba
jeer oo kaladuwan.
Waxaa Beero tijaaba ah
kasameeyey EPA (NGO) layiraahdo oo wakiil ka ah Hay'ada (CARE) Beeraha tijaabada oo
dhammaa afar (4) Beerod, kuna kalayaal Yibaayil,
Timirka, Siigadheer, iyo Cuun, waxay hawhsaas ka bilaabeen 1998 horaankeedii, waxayna
siiyeen aqoon kororsi joogta ah, waxay u qaybiyeen 38 Matoor oo kuwa biya loo isticmaalo,
waxay kaloo siiyeen Tuulal ama qalabka Beeraha, lagu shaqeeyo, waxay hada ka wadaan dhismo
ceelasha afkooda ah.
Waxaa xusid mudan in aan
tilmaamo Dr. Ibraahim Cabdi Shire oo wakiil ka ahaa UNDP. 1998 oo saddex siminaar ama
aqoon isweydaarsi ku qabtay aagga cuun, Beeraley dhan 80 qof, kaasoo ahaa aqoon
siweydaarsigii ugu horeeyey uguna weynaa oo looqabto Beeralayda gaarna u ahaa.
Dr. Cabdi Shire wuxuu
siminaarada ka bixinaayey 3 sddex buug oo ku saab-san Beeraha oo kala duwan oo uu isagu
Qoray, 1999 wuxuu Beeraleyda u keenay Tuulal dhan ilaa 250 oo loo qaybiyey Beeraley uu isagu soo kormeeray, 1999 UNDP. Waxay bilowday labo Beerood oo loogu talagalay tijaabo,
waxaa laga sameeyey AAGGA Jibagale iyo AAGGA Galmayr, ku waaso wakhtigii loogu talagalay
aan dhamaysan iskoodna u xirmay markay hay'addii katagtay.
Waxaa laga wada warqabaa (SWS) in ay tahay NGO wadani ah, oo
ku hawlan in ay gar-gaar bini aadan-nimo iyo mid islaanba u fidiso masaa-kiinta dan yart
ah siiba Agoomaha ubaahan xanaanada iyo taakuleynta, markey arkeen Beeraleyda yar-yar ee
Puntland Baahidooda, bay ogaaden agoontiiba in ay hoos ka xigaan Beeraleydu, iyagoo lala
kaashanaya Hay'ada (CARE) ayey bilaabeen in ay wax u qabtaan beeraha ku yaal AAGGA
Galmayr, iyo Darayle oo labaduba ku yaal toga Ligle, hawl fuliyayaasha (SWS) waxay Garoowe
Beeraleyda labadaas meelood ugu qabteen 3 (saddex) siminaar sandkaan 2000, oo mid yahay
bacaadweyn.
Bishaan ku jiro waxay
keeneen (SWS) 10 Matoor iyo tuuboyinkiisi iyo 60 kiish oo shamiita ah, shamiitadaas oo
loogu talagalay in ceelasha afkooda lagu dhiso, 23-08-2000 (SWS) waxay qabteen xaflad ama
munaasibad lagu gudoon siinaaeye Beeraleydii nasiibka u heshay 10 kaas Matoor iyo qalabka
la socday, munaasibadaas waxaa goob joog ka ahaa, marti sharaf lagu martiqaaday oo ay ka
mid ahaayeen, xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada, Hay'adda (CARE) oo iyadu
qalabka bixisay, (SWS) OO IYADU HAWSHAAN FULISAY, Guddgia Beeraleyda qaar ka mdi ah, iyo
Beeraleydii qalabka lagu wareejinaayey.
Guddoomiyaha
Beeralayda Degmada Garoowe (Xasan Yuusuf Kaarshe)
CARTA WAA UMUSHAY?
Habeenkii sabtida oo taariikhdu ahayd
26-8-2000, fool adag oo socotey muddo 4 bilood ah ka dib Carta wa umushay, waxay ku
dhashay isbitaal ay ka shaqeeyaan dakhaatiir ajnebiya, isbitaalkaasi, waxaa ka qaraabta
kuwa ka ganacsada siyaasada, waxay dhaheen waxaanu ka iibinaynaa cunugga Soomaaliya.
Carta ilmeheeda, waa jeceshahay, waxay
tiri; cunugayga waa korsanayaa, waxaan oranayaa waa Soomaali, waxan kula wareegayaa
Deegaamada Beelaha ugu waaweyn Soomaaliya, waxan geynayaa Muqdisha, Kismaayo, Garoowe,
Hargeysa, Baydhabo iyo meeshii kale oo aan Aabe uga helo, maadaama Madaxdii isbitaalka
Carta igu dheheen, kaley ceebow naye cunuga naga qaad, waayo ma hayn kareyno.
Carta waxay tiri dhakhtar madaxda ka ah
isbitaalka adeerow hana eryin maxkamad baan tegayaa, si cunga loo siiyo Jinsiyad
Soomaaliyeed, waxay isbitaalka ka baxday iyada oo dhawaaqeysaa, maxaa igu diray shacbiga
iyo madaxda soomaaliyeed, Alla dadku xumaa maxay cunuga ku diidayaan? Maandhey kaalay,
maandhey kaalay odayruug caddaa ah ee
Soomaaliyeed ayaa u yeeray; soomaalidu waa dad Muslim ah 100% ha isku daalin maandhey, ma
ay qaadanayaan cunugaan meher xalaal ah ku dhalan.
(Prof.
Maxamud Ismaaciil)
AL-SALAAMU-CALAYKUM.
HADDAAN ISAGA AHAAN
LAHAA.
Murti-weedheedka kala geddisan ee
Soomaaliyeed waxay Qofka si habboon u dheeha u noqon karaan Waayeel talo-qabeen ah oo
wanaag iyo horumar la jecel, mutiyahaas gudbiya farriimo xaqiiqeedka sugan waxan ka soo
qaadanaynaa, Maah-maahda Soomaaliyeed ee tiraahda (Hal xaaraan ahi ma dhasho Nirig xalaal
ah) oo macneheedu yahay (Wax kasta oo asalkiisu xaaraan yahay midhihiisuna boolinimo kama
baxaan), mid kalena waxay tiraahdaa waxay tusmaynaysaa (In xaajadii gurrac loo amba-qaadaa
ku gabagebowdo natiijo khaldan oon la toosin karin), waxa kaloy soomaalidu hal-ku-dhag u
leedahay (Waayeel dhuumashadii waa intaan la arkayn) tanina waxay hoga-tusaale u tahay (
inaan Soomaalida wax ku kala qarsoomi karin ooy is wada farrtaqaan), Nuxur duluceedka
maahmaahyadan iyo xaqiiqo ku salaysnaantooda muran kuma jiraan Madaxweyne Ismaaciil Cumar
Geellena sidaa caalim ayuu ku yahay.
Md Ismaaciil, waa xusuusan yahay wixii
ku qornaa warqaddii uu u qaybiyey una akhriyey madaxdii Dunida Fadhigii guud ee Golaha loo
dhan yahay ee Qarammada Midoobey September 1999kii. Isla markaasna, waa ogsoon yahay kala
fogaanta kala-geddisnaaneed ee Hindisihii uu jeediyey iyo qaab-fulineedkiisa uu ku
dabbaqay; ilaa isagaa Mindida daabkeeda haya, sidoo kale cidina ugama dhuun-daloosho
natiijada madow ee hawlgalkiisu yeelanayo, ilaa isagaa maraqa iyo Milixda isu
qiyaasayee....
Md. Geelle, aad ayuu xog-ogaal ugu
yahay bar-kuma taalnimada ay ku dambaynayaan Ragga uu duubka u soo xidhayo, illaa isagaa
ku kalsoonaaday dad aan cidi u soo dirsan ee isla mar ahaantaas, wuxuu caalim ku yahay in
go'aammada shirka Carta (Jabuti) Hog waa iyo heehaab ka noqon doonaan
Miidaan-siyaasadeedka Soomaaliyeed, ilaa isagaa ( Inuu taxdiiro iyo inuu magan-gelyo
Qaxootinimo siiyo diidey) oo Dad tahriib ugu yimid Wufuud ka dhigtay.
Igadaaye.... Haddaan Anigu Ismaaciil
ahaan lahaa, sidaa ma yeeleen, Soomaalida miskiinadda ah oo iisoo gacan gashayna
Shaadhkaas khafiifka ah uma xidhteen!!! Waar Angu Mashruucaan kuma soo gebagebeeyeen dhawr
bilood, damacaygana kuma soo koobeen hagaajinta Korontada Magaalada Jabuuti, waxaan iska
dhigi lahaa nin Xaajo-ruug ah oo Maroodi ka soo qalaya Irbad feedhaha ka muddey, illaa
Soomaali waxba iiga shan iyo toban maahee, si aan dillaal dameer gooya u helo oon dhiisha
iyo dherigaba u buuxsado, waxan barnaamijka isku dirka u qaybin lahaa ugu yaraan 3 weji oo
midkiiba soconayo hal-sano oo juusto ah oo maxayyihiin!!!,
Sannadka hore, waxan hawl-galladayda
bartilmaameed uga dhigi lahaa dib-u-heshiisiinta, kala guridda, turxaan bixinta iyo
Walaaleynta Bulshada Soomaaliyeed.
Sannadka Labaad, waxaan gabbaad ka
dhigan lahaa Dhisidda Dawlad Goboleedyada Koofureed sida.
1. Dawlad Goboleedka
Shabeelle oon ku bahayn lahaa Shacbiga ku nool Gobollada Hiiraan, Banaadir, Jawhar iyo
Qaybo ka mid ah Deegaamada Galguduud.
2. Dawlag Goboleedka
Doyland oon wadaajin lahaa Raxamaha dega Xudur, Bay iyo sh/Hoose.
3. Dawlad Goboleedka
Jubbaland oon u laaxin tiro Reerka iska leh Gobollada Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada
Hoose.
Sannadka Saddexaadna, waxan ku
maararoobi lahaa Dhisid Dawlad Qaran ee Soomaaliyeed, taasoon hoggaankeeda u egman lahaa
wiil sahansan oo taariikh cusub iiga sheekeeya, waxay ila tahay Ismaaciil arrintu waa ka
hoostaye, Haddaan isaga ahaan lahaa, Fursddaas xarrago ima dhaafteen, Waar Ninka Iskuulkii
Faransiiska dib-halloogu celiyo, hana ka soo bilaabo Dirirdhabe.
Gunaanadkiina, Md Ismaaciil Cumar
Geelle Nasiib xumadiisa kaadhkii ma gadan, shirkiina qaab-guuleed uma maamulin, waana laba
garsegay, balse, waxanan hubin iney Walaalahayga Reer Jabuuti dareenkaas ila qabaan....
Qore:-
Maxamuud Muuse Cali (Garoowe)
HAY'ADDA OTP-MA URUR
SAMAFALBAA MISE WAA URUR SIYAASI AH?
Hay'adda OTP oo saldhigeedu yahay
Magaalada Bosaaso, (NGO) ay Maalgeliso Ururka NOVIB iyo urur ka mid ah Dawladda Holland,
waxaa nasiibdaro ah in OTP waayahaan dambe si toos ah isugu bedeshay Urur siyaasi ah
sababaha hoos ku qoran awgood:-
Taariikhdu markay ahayd 15/3/2000,
Hay'adda OTP waxay ku tilaabsatay in ay ka hirgeliso Magaalada Gaalkacayo siminaar la
rabay in wax loogu dhimo Dawlad Goboleedka Puntland oo ay soo Abaabushay Hay'adda la yiraahdo (INXA). INXA waa Urur siyaasi ah oo ka
furan Muqdisho iyo Djibuuti oo loogu talagalay in lagu burburiyo Maamulka ka jira meelo ka
mid ah Soomaalia, sida Dawlad Goboleedka Puntland, hase yeeshee laguma guuleysan in lagu
qabto siminaarkaas magaalada Gaalkacayo, waxaan Joojisay Dawladda.
1. Isla
bishaas gudaheeda waxay damacday OTP in ay seminaar kii hore la mid ah ku qabato Magaalada
Bosaaso, laakiin waa laga joojiyay.
2. Bishii
April Bartameheedii, ayaa Madaxa Hay'adda OTP Mr. Cabdullahi xaaji Dayib, wuxuu u soo
raacay Garoowe, Wafdigii reer Djibuuti ee lataashiga ugu yimi Dawlad Goboleedka Puntland
isagoo markaas wakiil ka ahaa ururka INXA, isla markaasna qayblibaax ka qaadanaayay
abaabulidda shirka Carta.
3. sida laga soo xigtay dad
xog-ogaal ah ee degan Magaalada Djibuuti, madaxa
hayadda OTP Mr. Cabdulaali Xaaji Dayib wuxuu hadda mushquul
ku yahay abaabulid iyo faafin qoraalo lidi ku ah maamul Goboleedka, isagoo Barabugando iyo
Dicaayad ku haya lacagta ay isticmaasho Dawlad Goboleedka Puntland.
Waxaa
diyaariyey Cali Bulxan Shabeel Garoowe
TAAYADA (EDITORIAL)
GAMBOOL-TAABAC
MAANTANA TIRAAB.
Nin ka mid ah
Gambool-taabacyada waqtigan ayaa maalintii 16/06/2000 fagaaraha xarunta Booliiska Garoowe
ka jeediyay warbixin ku saabsan shirka Carta oo uu markaas ka soo laabtay.
Gambool-taabacaasi wuxuu maalintaas ku warbixiyay oo yiri:-
1. Dowladda
Jabbuuti kuma ekaan Gogol-fidintii ee iyada ayaa howshii maamulaysa.
2. caasimaddu
waa Muqdisho.
3. Madaxweynuhu
waa Habargidir.
4. Nidaam
fadaraal ahi ma jiro.
5. Qoladeenu
waxay marti u tahay cidda Madaxweynuhu yahay.
6. waxaa meesha ka soo baxaya oo dhammi oo sii qorshaysanyihiin oo
waxay ku socdaan waddo loogu talagalay oo natiijadu waa isku mid haddi aynnu ka qaybgalno
iyo haddii aynni ka maqnaano.
Maantana mar kale ayuu tiraabay gambool-taaba caasi oo
wuxuu yiri:-
1. Ismaaciil
Cumar Geelle howshii colaad-ka-abuurka soomaaliya wuxuu u xilsaaray nin uu hubo inuu
xilkaas colaad-abuurka ah si buuxda u gudanayo.
2.
Or-oradka ninkaas oo noqondoona nooca
fiidmeerta oo aan gaadhin labo sano ayaa cid waliba gudo iyo dibadba lagu wada qancayaa in
Soomaalidu u baahan tahay shirka dib-u-heshiisiin oo caam ah.
Shirkaas wuxuu ku hirgeliddoonaa meel
dibad ah iyada oo ay ka hormareen oo gogoldhig u noqdeen shirar badan oo meelo badan oo
gudaha ah lagu qabtay
WALLAAHU ACLAMU
AFKEENNU WAA ISU
AMMAAN.
Diidane:- Waaryaa Nuuxnuxle, waar maxaa kaa
yaabiyay waa adiga gacmaha dhafoorrada ku hayee!!! Afkeenu waa isu ammaane!!!???
Nuuxnuxle:- Waxaan la yaabsanahay waxa nabsiga la
yiraahdo..... war bal eeg dalkii Soomaaliya waxaa ka talinaya Jabhadihii xukunkii Siyaad
Barre mucaaridka ku ahaa!!!! Kaaliyeyaashii Siyaad Barrena Dowlad mucaarid ah ayay dibadda
ku dhisteen!!! Nabsi!!! Nabsi!!! Waxaan la yaabsanahay Nabsga!!!!.
Diidane:- Maxaa TV-ga Jabuuti u yiri Carta ayaa
ugu horreeysa Gabadh Soomaaliyeed oo Baarlamaan gasha!!! Miyaan ina Siyaad
Barlaamaankiisii gabdho ku darin!!!???
Nuuxnuxle:- ina Cumar Geelle kuwa uu isagu qoray
ayuu la yaabay!!! Markaasuu dafiray kuwii ina Siyaad qortay!!! Afkeennu waa isu
ammaanee!!!
OGAYSIIS
Dawlad
Goboleedka Puntland ee Soomaaliya
Guddiga
Qandaraas bixinta ee DGPL.
Diiwaangelinta Qandaraas Qaatayaasha
Dalka:-
Iyadoo aaney suurtagal ahayn in ay tartamada qandaraasyada ka qayb
qaataan cid kasta oo aan Guddiga ruqsad ka haysan, si loo diiwaangeliyo qandaraas
qaatayaasha dalka loona meel mariyo sharciga tartamada iyo heshiisyada Qandaraasyada Lr.
11 e 16/08/2000.
Shakhsiyaadka iyo shirkadaha waddaniga
ah ee doonaya u tartamidda Qandraasyada dalka laga bixinayo, waxa loogu yeerayaa inay iska
diiwaan-geliyaan xarunta Guddiga, codsigoodana uu soo gudbiyaa, isla markaana soo
buuxiyaan shrucuudaha soo socda:-
1. Waa inuu yahay
Soomaali (PL)
2. Waa inuu la yimaado
warqadda denbi la'aanta.
3. waa inuu soo caddeeyo
inaan wax cashuur dawladeed ah lagu lahayn
4. Waa inuu soo caddeeyo
waayo aragnimada uu u leeyahay qaybta iyo darajada uu doonayo in lagu diiwaangeliyo,
isagoo muujinaya shahaadooyink tacliin ahaaneed iyo qoraallo la xiriira hawlaha uu horay u
qabtay iyo qiimahooda.
5. waa inuu soo caddeeyo
awooddiisa dhaqaale, Guurto, ma guurto iyo macaamilkiisa Bankiga.
6. waa inuu soo caddeeyo
Qalabka Farsamo ee uu haysto.
7. waa inuu soo caddeeyo
qaybta iyo darajada uu doonayo in lagu diiwaangeliyo.
8. waa inuu codsigiisa ku
caddeeyo cinwankiisa oo buuxa.
Warqadda codsiga waxa si
qoraal ah loogu muujinayaa dhammaan dekomentiga ku lifaaqan.
Xarfaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee kor ku
xusan waxaa laga doonayaa Qandaraasle kasta oo shakhsi ah ama xubin kasta haddii codsigu
ka yimaado shirkad.
Guddoomiyaha Guddiga
Q/bixinta Axmed Sh. Cabdi Dhegaqool
HAMBALYO HAMBALYO
Liibaan Cali Maxamed (Goox), Cumar C/laahi Cali, Nasro
Xasan Barre, Cusmaan C/laahi Cali, C/risaaq Ciise Xuseen (Khatumi), Maxamud C/laahi Xuseen
(Alakis), Nuur Siidow C/laahi (Macalin Shiino),
Malyuun Cali Maxamed, jaamac Axmed Faarax (Jaamac Dirir).
Waxay
Dhammaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaan (C/risaaq
Xaaji Gadhyare iyo Ifraax maxamuud Axmed (Ifraax Cuuke) oo 16/08/2000 mehorkoodu ka dhacay
magaalada Laascaanood, waxayna leeyihiin noqda kuwii isku waara oo Ubad khayr qaba kala
hela.
Aamiin
- Aamiin - Aamiin