19 May 2007 04:26

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN) The Perils of Top-Down Reconciliation
  • Posted by/on:[AMJ][Monday, Sept. 4, 2000]

 

Ganacsatada Muqdisho oo muran xoogan ka dib isku afgartay dhisme Gole Mideeya.

 

MUQDISHO , Axad:

Ganacsato aad u fara badan oo ka kala socotay qaybaha magaalada Muqdisho ayaa shalay shir ay kaga wada hadlayeen dhismaha gole middeeya ku yeeshay Hoteel Ramadaan ee magaalada Muqdisho.

Shirkaasi oo furmay abaarihii 9:00 subaxnimo ee shalay ayaa laysku gaaray illaa 3:00 galabnimo kaddib markii laga gudbi waayey qodob murran dhaliyey oo ahaa qaabka lagu xulayo xubnaha guddiga fulinta ganacsatada oo ka kooban 45 xubnood, iyadoo kooxi soo jeedisay in loo maro qaab qabiil halka kooxda kalena soo jeedisay in loo maro qaab ah koonfurta iyo waqooyiga Muqdisho.

Qodobkaasi oo ay doodiisu qaadatay lix saacadood ayaa qayb ganacsatada ka mid ahi markii dambe soo jeedisay in cod loo qaado qaab xulashada xubnaha guddiga fulinta, hase yeeshee qaybtii kale ayaa diidday, waxaana ugu dambeyntii laysku raacay in xubnaha guddigaasi lagu qaybsado koonfurta iyo waqooyiga Muqdisho.

Labada qaybood ee koonfur iyo waqooyi ayaa u kala qaybsaday 45-ka xubnood sidan:

26 xubnood oo ay heleen ganacsatada koonfurtu iyo 19 xubnood oo ay heleen kuwa waqooyigu, waxaana ay ku ballameen in doorashada guddoomiyaha ganacsatada, labo guddoomiye kuxigeen iyo hal xogheyn laga dhigo maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda.

(QARAN PRESS)

 


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:13 AM. Webmaster HomePage