http://www.jamhuriya.com/
CABDI QAASIM OO KU HANJABAY IN UU SOMALILAND KU SOO XERA
GELLIN DOONO DAGAAL
by Jamhuriya Newspaper
Maddaxweynaha Djibuuti loogu doortay Soomaaliya Cabdi Qaasim
Salaan Xasan ayaa ku hanjabay hadii ay ka fursan weydo dagaal in
uu ku soo xero geli doono gobolada goonida u goay ee Dalkii la
odhan jiray Soomaaliya .
Cabdi Qaasim oo tagay magaalada Qaahira si uu uga hadlo
furitaanka shirka jaamacada carabta oo manta ka furmaya halkaas,
wuxuu ku sheegsy faalo lagu daabacay wargaysyada dalkaas sabtidii
shalay, in aan ka aqoon sanayn gobolada goonida isu taagay ee
Soomaaliya, balse uu ugu horayn ku dayi doono wada xaajood si uu
dalka u mideeyo. Waxaana uu intaa raaciyey oo ku hanjabay in uu
ugu dambayn qaadi doono dagaal, kaasoo noqon doona ayuu yidhi
talaabada u dambaysa ee soo celinta midnimada.
JANARAL GAANI OO KU ADKAYSTAY IN UU GEYSTAY XASUUQII
GOBOLADA WAQOOYI
Janaraal Maxamed Xaashi Gaani oo ahaa tali yihii qaybta
26tanaad ee ciidankii Siyaad Bare kana masuul ahaa xasuuqii
gobolada waqooyi 1980-1986 ayaa sheegay in uu ahaa askari dalkiisa
ka difaacaayey dhaqdhaqaaqii jabhada SNM oo ay dawlada Itoobiya
taageeraysay.
Janaraal Gaani oo haatan xubin ka ah baarlamaanka cusub ee
Soomaaliya ee Carta lagu soo dhisay, wakaalada wararka ee qaramada
midoobay IRIN wuxuu u sheegay in aanu isu arag dambiile dagaal
xuquuqda aadamahana markay noqotana uu ahaa askari dalkiisa ka
difaacaayey dhaqdhaqaas ay taageeraysay Itoobiya, waxaanu yidhi
cidkasta oo lagu eedaynaayo dambigaas waxaa la soo taagi karaa
maxkamad taasina waxay u taalaa dawlada Soomaaliya.