19 May 2007 04:25

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (X/Benadir/Jumhuriya) Ex. Col. Garad in Hot Spot
  • Posted by/on:[AMJ][Wednsday, Sept. 6, 2000]

 FORMER BARRE COLONEL, FOUNDING MEMBER OF SOMALILAND PARLIAMENT AND NOW ARTA MAN FACES THE MUSIC.  TOOK THE OATH ON THE QURAAN TO UPHOLD THE BARRE REGIME, THE SOMALILAND AND ARTA AUTHORITIES. WILL THE REAL GARAD PLEASE STAND UP?
 

Hay’adda Xuquuqul

Muqdisho: [Xiddigta Banaadir]

Hay’adda xuquuqul Insaan-ka Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa walaac ka muujisay isla markaana cambaareysay falkii ay maamulka Somaliland kula kaceen Garaad Abshir Saalax oo ka mid ahaa Xil-dhibaanada Golaha Shacabka oo Booliska Somaliland ay ku xireen madaarka Berbera.

Hay’addu waxay sheegtay in Somaliland ay ku xadgudubtay xuquuqda aadamaha ee xorriyadda ra’yiga, ka qeyb qaadashada maa-mulka dalka iyo doorashada xorta ah ee ku cad qodobada 19,20 iyo 21 ee baaqa caalamiga ah, waxay-na u soo jeedisay maamulka Soma-liland inay xushmeeyaan dhowraa-na sharafta duubabka Soomaali-yeed ee ka shaqeeyay dowlada sida sharciga ah loogu soo dhisay ma-gaalada Carta.

Hay’addu waxay maamulka Som-aliland ku boorisay inay joojiyaan falalkaas oo dhowr jeer iska soo daba noqnoqday.

__________________________________________________________________________________________________________

Dadweyne ka careysan xarigii Garaad Abshir Saalax oo shalay calanka Somaliland ku gubay Laascaanood.

 

LAASCAANOOD, Talaado:

Dadweyne fara badan oo ka caraysan xarigii dorraad booliska magaalada Berbera kula kaceen hoggaamiye dhaqameedka ka soo jeeda gobolka Sool Garaad Abshir Saalax ayaa shalay si xooggan isugu soo baxay magaalada Laascaanood ee gobolkaasi.

Dadweynahaasi oo labadii gelin ee shalay isku soo baxay ayaa ugu baaqay maamulka Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ee Somaliland isku magacaabay inuu si deg deg ah u sii daayo hoggaamiye dhaqameedkaasi oo ay xarigiisa ku tilmaameen mid afduub ah.

Col. Bashiir Jaamac Baydan taliyaha ciiddanka magaalada Laascaanood oo ka mid ahaa madax dadkaasi la hadashay ayaa wargeyska QARAN shalay khadka isgaarsiinta ugu sheegay inay diyaar u yihiin inay ku dhaqaaqaan talaabo adag haddii aan la soo daynin Garaad Abshir, wuxuuna Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ku eedeeyey inuu horkacay fool xumo markii uu Duub xabsiga dhigay.

Dadweynihii isku soo baxay shalay oo ay la hadleen mas’uuliyiin iyo waxgarad ay ka mid ahaayeen: Maxamed Yuusuf Kooreeye, Maxamuud Xaaji Cumar (Camey) ayaa meel fagaare ah dab ku qabadsiiyey calanka jamhuuriyadda is magacowday ee Somaliland, waxayna taageereen dowladda cusub ee Soomaaliya iyo shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Carta.

Dabayaaqadii todobaadkii hore ayaa dad isugu soo baxay magaalada Hargeysa waxay dab qabadsiiyeen calanka jamhuuriyadda Soomaaliyeed xilli ay goob joog ahaayeen madax ka tirsan maamulka Somaliland.

(QARAN PRESS)

________________________________________________________________________________________________________

by Jamhuriya Newspaper

GARAAD ABSHIR OO LAGU QABTAY BERBERA LANA XIDHAY

Berbera(Maan.)Garaad Abshir Saalax oo kamid ahaa qabanqaabiyayaashii shirkii Carta, xubina ka noqday golaha baarlamaan ee la sheegay in lagu dhisay halkaa, ayaa 7:30 A.M shalay lagu qabtay madaarka Berbera isagoo ka soo kicitimay Djibuuti.

 

Garaad Abshir wuxuu ku eedaysan yahay khiyaamo qaran, maadaama uu ka mid ahaa wax garadkii ka qaybgaley shirkii Burco ee 1991 kii , ee ogolaaday goaankii lagula soo noqday JSL iyo isagoo xubin ka noqday baarlamaanka JSL, mushaharna ka qaatay dhawr sano.

 

Wararkale oo aan si rasmi ah weli loo xaqiijin, waxay sheegayaan in garaadka laga helay ducomenti badan oo sir ah oo qorshahoodu ahaa khalkhal gelinta amniga dalka iyo arimo kale. Garaadka waxaa loo taxaabay xabsiga Berbera, waxaana la soo taagi doonaa maxkamad.

 

Wergeyska Maandeeq oo xalay waraystay gudoomiyaha gobolka Saaxil ahna duqa Berbera, ayaa u sheegay, in boolisku u sheegeen in ay qabteen Garaadka kadib markuu ka soo degey diyaarada .Gudoomiyaha oo wergeysku weydiiyey sababta qabashada iyo meesha uu u socday Garaadku, wuxuu sheegay in hore amaro loo siiyey goboladda iyo degmooyinka dalku in ay qabtaan cidalaala cidii u dhalatay Somaliland ee ka qaybgashay shirkii Carta ee soo gala deganadooda , wuxuuna intaa raaciyey in kaadhkiisii duyuuradu uu xaqiijinaayey in uu socdaalkiisu ahaa Djibuuti-Berbera-Burco. Wasiirka warfaafinta ee JSL mudane Cali Maxamed Warancadde, ayaa isna shalay na soo gaadhsiiyey qoraalkan: (shalay saacadu markay ahayd 7:30 subaxnimo waxay ciidamada amniga ee Berbera gacanta ku dhigeen Garaad Abshir Saalax oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaashii shirkii Carta ee lagu mijo xaabinayey qaranka Somaliland. Isagoo ka soo degay dayuurad ka timid Djibuuti Garaad Abshir wuxuu kaalin firfircoon ka qaatay shirkii Djibuuti isagoo ka mid noqday golaha shacab ku sheega ah ee uu ka dhisay carta madaxwynaha Djibuuti.

 

Abshir wuxuu ka qaybgalay shirkii Burco 1991 kii ee lagu ogolaaday la soo noqoshada gooni isu taaga iyo madaxbanaanida Somaliland. 1993 gii waxaq loo doortay xubin ka mid ah golaha wakiilada Somaliland, kana mid ahaa xildhibaanadii beesha Sool, laguna dhaariyey magaca Illaahay inuu daacad u yahay jiritaanka iyo gooni isu taaga Somaliland, sidaana Kitaab gacanta ku saaray dhawrsanno na ku qaadanaayey mushahar xilkaa uu dalka u hayey.

 

Wixiise intaa ka dambeeyey wuxuu dadaal laxaad leh u galay sidii uu u mijaxaabin lahaa Somaliland. Beelaaha reer Somaliland ee dariska ahna uu fidmo u dhexdhigi lahaa. Ninkaas oo khiymoqaran ku eedaysan waxaa si dhakhso ah loogu gudbin doonaa maxkamad sharci ah,waxaana isla shalay loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Berbera).

___________________________________________________________________________________

 


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:12 AM. Webmaster HomePage