Shaqaaqo
ka dhac…
Muqdisho:
[Xiddigta Banaadir]
Dekedda
Dabiiciga ah ee Ceel Macaan oo ah tan kaliya ee ka howlgasha gobolada
Koofureed sida weyna ay ugu tiirsan yihiin ganacsatada ayay shalay
hakad galeen howlaheeda kaddib markii shaqaaqo ka dhex oogantay ciida-mo
halkaas ka howlgala.
Arrintaas
ayaa la sheegay inay sababeen maleeshiyo laga er-iyay Dekedda oo ka
carootay arri-ntaasi iyadoo muddo saacado ah ay joogsatay howshii
Dekedaas oo ay isku dhici gaareen ciidamada gadooday iyo kuwii
ilaalada Dekedaas.
Xaaladda
ayaa la sheegay in markii danbe la qaboojiyay iyadoo ay soo dhex
galeen waxgaradka beesha maleeshiyadeedu gacanta ku heyso Dekedaasi oo
qaar ka mida ay wargeyskan u sheegeen in xaaladda caadi ku soo noqotay
lana xaliyay dhibaatadii dhacday.
Olole
loogu jiro…..
Muqdisho:
{Xiddigta Banaadir}
Warar
lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay qaar ka mida ganacsatada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho ayaa shee-gaya in dadaal loogu jiro
furitaa-nka Dekedda weyn ee Muqdisho taasoo xirneyd tan iyo 1993-kii.
Ganacsatada
oo kaashaneysa Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa raadinaya istiraatiijiyad
ay ku wajahaan furitaanka ishaas oo la ogyahay inay muhiim u tahay K/Soomaaliya
oo dhan, waxayna wararku sheegayaan in ganacsatada oo ku howlan
dhismaha rug ganacsi aysan weli wax tallaabo ah u qaadin sidii loo
gaari lahaa arrintaasi.
Arrinta
ugu weyn ee la is-weydiinayo ayaa ah cida maamul-eysa haddiiba ay
dhacdo in la furo iyadoo ay jiraan xoogag dhowr ah oo dhammaantood wax
ka sugaya horayna ugu heshiin waayay furitaanka Dekedda iyo garoonka
diyaaradaha.
Ganacsatada
Muqdisho oo ballanqaaday inay maalgelin ku sameyneyso dib u dhiska
ciidamada dowladda cusub ayaan weli wax gacan ah ka geysan arrintaasi
iyadoo durba la bilaabay xareynta maleeshiyooyinka iyo qaar ka mida
ciidamadii hore ee Soomaaliyeed, waxaana la ogeyn sida ay arrimahan oo
dhan suuragal ku noqon karaan.
Maleeshiyooyin….
Iyadoo
ay socdaan howlihii loo xilsaaray guddi loogu magac daray Guddiga
Nabadgelyada Qaranka oo uu Guddoomiye u yahay Jan. Maxamed Nuur Galaal
oo ka mida ragga ugu dhow dhow Madaxweyne C/qaasim ayaa la bilaabay
ururinta iyo xareynta ma-leeshiyooyin wata hubkoodii tikn-ikada ahaa
oo ka tirsan dhinacya-da Muqdisho.
Waxaa
ilaa iyo hadda la qoondeeyay goobo cayiman oo la isugu geynayo
maleeshiyooyinkaas iyadoo xero ku taala W/Muqdisho oo ahaan jirtay
rugtii gaadiidka Booliska ayay durba tageen qaar ka mida
maleeshiyooyin ku hubeysan dhowr baabuur oo tikniko ah, kuwaasoo la
sheegay inay bilow u yihiin xareynta maleeshiyooyinka laga rabo
dhinaca W/Muqdisho oo dhan 70-gaari oo tikniko ah iyo
maleeshiyooyinkooda.
Qaabka
maleeshiyooyinka loo xulayo oo ah qaab beeleed ayaan u cuntamin qaar
ka mida saraakiisha Booliska oo sheegay inay taasi keeneyso burbur
degdeg ah oo ku yimaada ciidamada la doonayo in la dhiso si loo dhaqan
celiyo maleeshiyooyinka, balse Guddigu waxay ku doodayaan inay tahay
tallaabo bilow ah oo ah degdeg tahay in wax laga sheego.
Xarunta
Dr. Ismaa.
War
axaafadeed ay soo saartay xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee xuquuqda
aadamiga ayaa cambaareyn kulul u jeedisay maamulka Somaliland oo ay
sheegtay inuu caadeystay falalka lidiga ku ah xuquuqda Insaanka iyagoo
ca-burinaya muwaadiniinta Soom-aaliyeed oo uu ka mid yahay Garaad
Abshir Saalax oo maamulkaasi xabsiga u taxaabay kaddib markii maxkamad
ku taala Berbe-ra ay ku xukuntay 7-sano oo xarig ah qeybtii uu ka
qaatay shirkii Carta.
Xaruntu
waxa ay sheegtay in Garaadku ka qeyb qaatay isu keenida Ummadda
Soomaaliyeed iyadoo sheegtay in xarigaasi yah-ay cadaalad darro loo
geystay inta samaha jecel, waxayna maamulka Somaliland ka dalabatay
inuu si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u sii daayo Garaadka oo ka
mida xubnaha Baarlamaanka lagu dhis-ay shirkii Carta, waxaana war sax-aafadeedkaasi
ku saxiixnaa Mary-an Xuseen Awreeye oo ka mida Gudoonka xaruntaas.