ASALAAMU CALEYKUM Walaalayaal,
Salaan Kadib waxaan jecelnahay inaa lawadaagano dhamaanba shacbiga Soomaaliyeed talo
iyo tusaalaba.
AFEEF: ISUBAHAYSIGA DANTAGUUD EE SOOMAALIYA waa urur madaxbanaan oo ka dhaxeeya
dhalinyaro fara badan ( Rag iyo Dumarba leh) oo isugu jira : Aqoonyahano, Shaqaale,
Culumaa-udiin iyo Arday Soomaaliyeed oo ku kala nool qaaradaha kala duwan ee dunida.
Xubnahu waxay ka kale yimaadeen degmooyin kala ah Soomaaliya afarteeda gees , iskumana
raacin qabiilaysi iyo gobolaysi. Waxay Isubahaystay inay meel uga soo jeestaan Dantaguud
ee Soomaaliweyn oo aad moodo in waayahaan dambaba ay noqotay mid cidwalba oo hoosta ku
wadata dan gaar ah ay afka ka sheegtaan Soomaalinimo ayago ku adeeaganaya qabiil,
hunguri-raac iyo kala qaybinta ummada. Xarunta Isubahaysiga waa Chicago, IL ee dalka
Mareykanka.
Marxalada Soomaaliya oo waji cusub la soo baxday " DAWLAD KU MEEL GAAR AH "
ayaa waxay abuurtay in ay dhaliso xiiso fara badan oo jahawareersan; kaaso isugu jira :
Kuwo raacasan natiijada ka soo baxday Jabuuti; waayo waxay u arkaan in danta Soomaaliyeed
ku jirto, Kuwa kalaa u raacsan waayo waxay uga jeedaan shaqsi ku abtirsada qabiilkooda oo
kursiga ku fadhiya. Kuwa ku diidan hebel ma helin cadkiisi iyo Kuwa ku diidan fikrad-ahaan
ee u arka in Soomaali ay u tahay majaro-habaabis qarsoon.
Waxaanu jeclnahay inaan ku darsano codkeena arrintaas , anagoo ku dadaalayna inaan u
fiirino waxay nalatahay sida Dantaguud ee Soomaali-weyn u saamayn doonto.
Dhibka maanta Soomaaliya ku jirto ma'aha mid habeen qur ah ku yimid, ma'aha mid ay
duufaan ama dhulgariir uu keenay. Waa mid waqti badan soo dhisantay oo ay ka soo shaqeeyen
shakhsiyo kala duwan mudadii 21kii sano ee taliskii Askarta iyo 10kii sano oo Dagaalka
sokeeye. Mudadaas oo shacbiga Soomaalida lakala qayb qaybshay oo la iska horkeenay ayagoo
loo adeegsaday qabiil iyo lacag. Dhiig badan oo dad masaakiin ah ayaana ku daatay, hanti
farabadan oo mid gaar ah iyo midii qarankana waa lagu boobay, waxaana ka soo baxay dad hub
iyo lacagba haysta oon ogolayn Nabadi inay dhalato hadaysan ayagu dadka madaxa ka
taagnayn.
Waxaan cidna ka qarsoonayan in Barlamaanka Jabuuti lagu dhisay, ay ka buuxaan
shaqsiyadii dhibka na haysta gacanta ka geysatay, sida Cali Mahdi, Gaani, Cumar Xaaji,
Cabdiqaasim Salaad, Cadow, Jilicow , Cali Khaliif, Jaamac Yare, Shatigaduud, Xasan , Bile
, Muuse, Maxamed Saciid,Cabdulaahi Cosoble, Maxamed Shiikh iwm. Haa, isla Barlamankaas
waxaa ku jira ayaguna dad kale oon dambi kulahayn burburka Soomaaliya. Waxaa yaab lahayd
in Cabdiqaasim la weydiiyay dhawr jeer waxuu ka qabo dadka lugta kulahaa burburka
Soomaaliya; sidii asaga( Cabdiqaasim) uu usoo baxay cafis xag Alle ka yimid amase laga
dhigayo nin aan ku luglahayn burburka. Halkeebaa lagu arkay in axadkii ugu badnaa jagada
Wasiirnimada tariikhdii taliskii Askarta uu noqdo ilmo saqiir ah oo xalay dhashay.
Burburintii Hargeysa Cabiqaasim maxuu ahaa?, Cadaadintii iyo sumayntii ceelash Mudug iyo
Bari Cabdiqaasim maxuu ahaa?, Layntii wadaada Soomaaliyeed dhowrkii jeer oo kala duwana
Cabdiqaasim maxuu ahaa?, Xeebtii geerida ee dhalinyarada lagu laayay Cabdiqaasim maxuu
ahaa?. Jawaabtu waa WASIIR ( Xubnaha uga sareeya ee dawlad laga noqdo) daacad u ah
Taliyahiisi.
Waxuu ku marmarsiyooday Cabdiqaasim " waxaan ku beegmay Janareyshin ah inay u
shaqeeyaan taliskaas", sheekadaas way u shaqeyn wayday gacanyara-yaashii Hitler ama
haatan kuwa Milosevic. Waxaa xus mudan dad badan oo ah Janareyshinka Cabdiqaasim ka hadlay
inay ka dhiidhiyeen xumaha lagu sameeynayao ummada, diideena in loo adeegsado cadaadinta
shacbigooda; kuwaaso qaxootinimo ka biday Paycheck-ga ku xiran hawl-ka-qaadashada
dibin-daabyeenta Umadooda. Dad fara badan ayaa ka xumaaday in Cabdiqaasim u magaacabay
dambiilayaal kale sida: Galaal, Kaahiye iyo Jilicow inay dib u dhisaan ciidamada
Soomaaliya. Waxaa iswyediin mudan " Afkeebu ugu sheegii karaa gacanyarayaashiisi
shalay markuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha , danbiilayaal baad tahiin oo amrkaygaad
qaadan jirteen ".
Waxaa ka dhacaysaa xataa anaa-dii Fircoon iyo lataliyahiisi.
Waxaa kaloo yaab leh in dad badan oo diidana inay dawladnimo xaq ah timaado shalay ay
maanta calanka lulayaan ayagoo u arka in ay hadda qabiilaysi wax ku boobi doonaan, qof
alaale qofkii farta ku fiiqana dhaliilaha shirkii Jabuuti keenay iyo qabiilaynta
Barlamaanka lagu dhisay, lagu eedeyo 'Soomaali-diid".
Bal "dhurwaa hilbo ku raro" oo haka hadlin soo arrin sirgaxan ma'aha. Waxaa
ayaguna mudan xus sida ay BBCdu ugu durbaan tumayso Cabdiqaasim ayagoo ka faa'idaysanayaa
shacuurta dadweynaha Soomaaliyeed ee sharafta calankooda jecel in ay yiraahdaan "
maanta waxaa calankii Soomaaliya la dhex-suray calamaantii kale ee dunida ee xarunta UN ta
ka dhex taaganaa ". Runta waxay tahay calanka Soomaaliyeed 10kii sano maalin lama
dajin oo meeshiiso ka dhex babanayay. Kooxo kale oo ah meelaha "website"ka ee
Soomaalida ka raadsato wararka ayana ay isu badaleen kuwa shaqo ka dhigta sacabatunka
Cabdiqaasim iyo Barlamaankiisa oo kala shaandheeya wararka qaatana kuwa raacsan dawlad ku
sheega Jabuuti dhistay.
War iyo dhamaantiis Isubahaysigu waxuu jeclaa kuna hanweynaa inay wax wanaagsanii ka
soo baxaan Jabuuti iyagoo ogsoon inay adkaan doonto isu keenid dambe ee Soomaaliyeed
haddii ay Jabuuti fashilanto. Waxay nagu qaadatay mudo inaan ku biirno kooxaha danaha
gaarka ah kala wata ee diidan dawlad u yaalka lagu askumay Jabuuti; waayo waxaanu ognahay
kooxahaasi inay badankood wataan dano gaar ah oo aanu aad u diidanahay oo fool xun sida:
Hiilo qabiil, Nabad-kacarar, Raacsanaan Warlord, Kursi -jacayl, Kala goynta Soomaaliya,
sidaas awgeed ayaa waxaa dhex maray xubanaha Ururkaan dood iyo wada tashi dheer oo ah
" sidee xeego lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan", oo aanu uga jeedno war
Jabuuti wax wanaagsan nooma dhisinee oo waa kud ka guur oo qanjo u guure mana garab
istaagi karno kooxaha dantooda gaarka ah ku diidan shirka Jabuuti oo waa ceeb ee maxayn
yeelnaa. Niche waxaa laga hayaa inuu yiri " kuwa rabo inay la diriraan oo baabashaan
balada waa inay ka digtoonadan inaysan dagaalkaas ku dhalin balo tii hore ka weyn".
Dad badan oo wanaaga ummadooda jecel haddana dhaliilsan Jabuuti waxay door bideen inay
afkooda xirtaan, ayagoo ka cararayaa in loo arko inay wax la watan kooxaha tuugada ah ee
diidan shirka Jabuuti iyo ayagoo qaba Dawlad xumi dawlad la'aan bay dhaanta. Aad ayaan u
qadarinaynaa aragtidaas; laakinse horaa loo yiri "
mar idage Allaha dago, mar labaad idage Alle aniga ha idago". Waa arin dad
badan galisay waxa xagga siyaasada lagu tilmaamo "prisoner's dilema". Waana
marka qofku u baahanyahay inuu go'aankiisu yahay mid miisaaman.
Waxay nagu kailftay inaanu fiirino sida xaqa iyo Dantaguud ee Soomaaliya ku jirto oo ah
in aanan, intaan ka carareyno dhinac istaaga danaysatayaasha gaarka ah , aanan ilaawin
wadada saxda ah, oo aysan sidaas garab nooga helin qarandumisyadii hore. Waxaanuaanu
leenahay :shacbiga Soomaaliyeed uma ay qalanto inay hagaan ragii shalay burburka u keenay.
Waxaa afka Ingriisiga lagu hadal qabsaada "adding an insult to an injury"
markaano kale.
Waxaa ugu dambeyn mudan xus inay noqoto difaac: waxaa lagu doortay Cabdiqaasim doorasho
demoqraadi ah. Waxaa isweydin leh : waxav Soomaalida lakala doorsiiyay Cadow, iyo
Cabdiqaasim. Waad kaad qaadataaba Acuudu Bilaahi.
Walaalayaal , Soomaalinimado waa inay ka waynaata: qof, qabiil, koox iyo danta gaarka
ah. Aayaheen waa isku xiran yahay oo ma kala maarmano. Hal xaaran ahna nirig xalaal ah ma
dhasho, sidaas awgeed Barlamaan iyo Dawlada ku saleysan qoonda-qoondayn qabiil iyo rogaal
celin dadkii huwanta ahaa ee meesha xun horay noo dhigay, maslaxda waarta ka ma imaan
karto. Indhaha aan kala furno oon garawsano inaan ummada qura oo isleh nahay oo inta qof
nagamid ah dulmanyahay, kuligeen wada dulmanahay.
Allahayow jidka toosan nagu rid oo hogaanka noogu dhiib adoonkaaga daacada ah . Aamin.
Gudoomiyaha ISUBAHAYSIGA DANTAGUUD EE SOOMAALIYA F. Kilwe
Xogahaya Guud ISUBAHAYSIGA DANTAGUUD EE SOOMAALIYA A. Faisal