19 May 2007 04:24

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Column] (M.A. Jama - Sydney Australia) Faarax Sindiko - Niyad-jabka uu ku riday Jaaliyadda Australia..
  • Posted by/on: [AAJ][20 Sept 2000]
  •  
  • Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


     

    Niyadjab uu ku riday Farah Sindiko Jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia. 

    Niyadjab uu ku riday Farah Sindiko Jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia. Markii ay isxilqaameen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia, sidaa weyn ee loo soo dhaweeyeey Ciyaartooydii matalaysay Soomaaliya oo uu hogaaminaayey Faarxa Waheliye Caddow ( Faarax Sindico), iyadoo ay Soomaalidii dagganayd Australia u wada dhameyd oo aan loo kale harinin soo dhaweyntii iyo marti suurkiiba. Waxa uu bilaabay Faaarax Sindiko inuu qabiil u kale saaro Ciyaartoodiid; qaar kamid ahna Ciyaartoodii guusha u soo hoyn lahayd Soomaaliya oo u diiday in haba yaraatee in ay ka qayb galaan tartanka ciyaaraha.Ragaa ciyaartooda ah ee uu uga dhaartay in ay Soomaalida u saftaan waxa kamid ah ciraartooy halkan Australia daggan muuddo dheer tababar u qaadanaayey isuna diyaariyey innu ku tartamo magaca Waddankii Hooyo ee Soomaaliya, nasiib darro iyadoo ay Waddanka Australia ay horay uga codsatay ciyaartoogaas innu u safto Austrlia ahna tii tababartay. Iyadoo lacagtii ay soo uruursheen Jaaliyadda ku dhaqan Gobalka New South Wales, Magaalada Sydney, oo ay uga deeqeen Ciyaartooda , siiyeey wiil uu adeer u yahay kaa soo uu ka dhigay in uu la baxsaday lacagtii, lacagtaas uu dhan Aus. $3000. Midda sadexaadna waxa uu diiday inuu wada shaqayn la yeesho ninkii Dawladda Australia uga ahaa (Sponsor) ay u xilsaartay oo siddeed waddan uu Afrikan ah masuul ka ah inta ay ciyaaruhu ka sucdaan Waddankani, isagoo ku eedeeyey in ninkani uu yahay nin ay isku reer ahyan ama isku qabiil isaga Faarax ah; ninkaas oo ah ninka aad iyo aad uga soo shaqeeyey ( sponsored) in Ciyaartooda Soomaaliyeed loo ogolaado in ay ka soo qayb kalaan Olympic 28 ee Sydney wali ka socda intii lagu jiray qaban qaabadii Olympic. Waxa layaabka leh ninkii laga filaayey ama laga rabay in uu Soomaalida ka shaqeeyo isku xiritaankeeda ama isku duubnideeda aya waxa uu Australia ka bilaabay inuu kale geeyo oo qurunkii Soomaali horay u haligay oo halka ay maanta adduunka ka joogto gaarsiiyey la yimid Australia oo ah Adduunka dacalka ugu dambeeya ( the bottom of the world), isagoo ah nin aad iyo aad u da'weyn oo ku socda magaca Madaxa Ciyaaraha Afriika. Waana nasiib darro in xitaa ciyaarihii uu soo dhaxgaliyo Faarax Sindiko qorunkii iyo qabyaaladdii burburisay Soomaaliya gaar ahaan magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdiso iyo meelo kalaba horseedna u ahyd Dagaalkii Sokeeye. Qore:- M.A. Jama Sydney Australia

    [Column]

    Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:12 AM. Webmaster HomePage