Tirsi 59
7 Sept 2000
Garowe Puntland
Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto
Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO SAFAR CAAFIMAAD KU TEGEY DALKA KENYA.
(PUNA- 05-09-2000 Nairobi)
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maalintii isniinta ee 04/09/2000 duhur nnimadii ka ambabaxay Magaalo Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland, Garoowe, isagoo safar Caafimaad u aaday Dalka Kenya.
Madaxweynaha oo muddo ah 15 (shan iyo toban) saacadood ku jiray cisbitaalka weyn ee Nairobi-Hospital, waxaa takhtarrada Cisbitaalkaasi sheegeen in xanuunkiisu ahaa dhiigyaraan iyo low-pressure, waxayna sheegeen in labada arrimoodba wax laga qabtay.
Madaxweynaha oo Cisbitaalkii ka baxay gelinkii hore ee maalintii talaadada 05-09-2000, waxaa uu shirar hwleed la bilaabay mas'uuliin ah Reer Kenya, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Kenya, waxaana Madaxweynaha
Cisbitaalka ku soo booqday intii uu ku jiray Mas'uuliin Reer Kenya ah, safiirrada Nairobi u jooga dawladaha Masar iyo Itoobiya, Qunsullo iyo qaybo ka mid ah Somalida deggan dalka Kenya.Waxaa Garoowe ka raacay Dr. C/raxmaan dhegaweyne (Takhtar-ahaan), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Ismaaciil X. Warsame iyo Mr. Busuri oo ah (Xoghayn Gaar ah).
Wakaaladda Wararka ee PUNA waxay noo soo tebisay in la filayo in Madaxweynuhu dalka ku soo laaban doono maalinta sabtida ah ee taariikhdu tahay 09/09/2000.
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA & AMNIGA OO LA SHIRAY GUDDIGA NABADGELYADA IYO WAXGARADKA G/NUGAAL
PUNA-Garowe 05/09/2000
Waxaa hoolka xarunta Gobolka Nugaal lagu qabtay shir balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Guddiga nabadgelyada Gobolka, Waxgaradka Gobolka Nugaal sida Nabadoonada, Samadoonada, Ganacsatada, iyo Culuma'udiinka.
Waxaa hadal ka jeediyey shirkaas Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md. C/qaadir Islaam Max'ed oo ka hadlay adkeynta Nabadgelyadda Gobolka iyo sidii loo wada shaqayn lahaa xilna lay isaga saari lahaa.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Dawladda iyo shacabka uu isugu u dhexeeyo, isaga iyo shacabkana ay u dheexyaan Hogaamiye dhaqameedka iyo waxgaradka, waxay tabanayaan shacabku ay iyaga soo mariyaan, si loo xaliyo waxyaabaha ay tabanayaan iyadoo loo dhan yahay.
Wasiirka ka hor, waxaa halkaa warbixin guud ka soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane C/laahi Xasan Faarax (Baasa-weyne), waxaa iyana goob joog ka ahaa Duqa Magaalada Garoowe Daahir Cali Ciise iyo Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.
PUNA GAROOWE 02/09/2000.
Wasiir ku-xigeenku Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Jacfar
Cilmi Faarax, ayaa kula shiray Mas'uuliyiinta iyo Shaqaalaha Warfaafinta Xarunta Wasaaradda, Wasiir ku xigeenku wuxuu kala hadley masuuliyiiinta iyo shaqaalaha sidii dardar hor loo gelin lahaa hawlaha Wasaaraddu u hayso bulshada iyo siday uga soo dhalaali lahayd, looguna miro dhallin lahaa hadafkii iyo ujeedaddii loo asaasay.Isagoo si wata hadalkiisi, wuxuu yiri waxaa loo baahan yahay in lala yimaado xisaabtan dhab ah oo lagula xisaabtamo qof kasta wuxuu qabtay ee aan loo baahneyn, dabacsanaan shaqo iyo hoosaasin.
Mar uu ka hadlaayey Wasiir ku
xigeenku shirka Carta ee Jabuuti, wuxuu ku tilmaamay inuu yahay mid la marin habaabiyey, danna ugu jirin ummadda soomaaliyeed ee maanta dhibaataysan, kana tarjumeyn Rabitaankooda, dhiba-ato hor leh oo dagaal iyo isku dhac ku soo celinaya.Wasiir ku xigeenka ka hor waxaa ka hadley shirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Prof. Maxamuud Ismaaciil oo isagu ka war bixiyay qaabka hawsha Wasaaraddu u socoto, wixii la
qabtay iyo wixii qabsoomi waayay, sababaha hortaagan ay u qabsoomi waayeen!!!! WAXQABADKII WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA.dhexgasho Beelaha dhibaatooyinka ka dhextaganaayeen, waxayna Wasaaraddu xallisay kiisas badan oo beelaha qaarkood ay kala qabeen, sida mago la isku haystey, Dhac, Dil iyo Falal kaleba.
Wasaaraddu waxweyn ayey qabatay marka loo eego muddadii gaabnayd ee ay Dawladdu dhisnayd iyo tabarta dhaqaale ee Dawladda oo aan weli hanaqaadin, waxaanse ku rajo weynahay in aan wax ka sii fiican qabannoo sannadkaan cusub ee 2000. Waxaanna Iiaah ka
rajeyneynaa in uu nala garabgalo arrinmaha aan ku doonayno in aan sare ugu qaadno Gobollada iyo degmooyinka Dalka Puntland. Wax qabadkii Wasaaradda Cadaalada & Ariimaha Diinta. Wax qabadkii Wasaaradda Cadaalada & Ariimaha Diinta. Waana sida oo socoda.TAAYADA
(EDITORIAL)
Caleema Saarkii Taalla Tuugo.
Waxaa beri abaarsaday niman wada deggenaa Bohol-Waraabe. Geel waa fariistay, lo' waa baxday, Ari waa le'day. Talo ayaa ceeryoontay...Maalintii danbe rag iyo haweenba iyagoo deedamaya ayay u yimaaddeen nin lagu yaqaan tab iyo xeel markii talo ribbato, ninkaas oo degganaa meesha la yiraahdo TAALLA TUUGO, waxay yiraahdeen waad na aragtaaye noo tali.... saddexdii uu is-yiri waa ugu xeeladyahan-sanyihiin ayuu yiri waxaan idiin caleemasaaray caalim, Guurti iyo abwaan.Maalo-walba iyo Tuulo-walba taga oo xoolo-gooyo weyddiista saddexdii ayaa isasoo raacay, midwaliba wuxuu soo xirtay wixii loo caleemo saaray hugii ku habboonaa. Codkiisii iyo tallaabo-diisiina noocaas ayuu ku habeeyay...waxaa laga soo dhaqaaqay TAALLA-TUUGO, waxaana ugu horreyn la isa soo taagay Tuulada nifaaqistaan.
Reer Nifaaqistaan markay dhegeysteen waxay yiraahdeen waa inoo dayrta
AFKEENNU WAA ISU AMMAAN.
Diidane:- Waryaa Nuxnuxle, midkan timaha weyne la yiri joornaalka ayuu ka ag dhow-dhowyahay, maxaa ugu jira Boorsadan Culus ee uu magaalada la dhexwareego???!!!
Nuxnuxle:- Waar keligii ma aha ee Xafiisyada qaar ayaa boorso gudeheed lagu sitaa oo lala weeqeeye... Hase inagu soo qaadin dowladdu ayaantan wax yar ayay ka carooneysaaye... Afkeennu waa isu ammaane!!!!
Diidane:- Waryaahee!!! Oo kii ina salaad booy ahaa kuwii derejooyinka ka sugayay intuu kala baxsaday ayuu kala aammusaye!!!???
Nuxnuxle:- Waxaynnu Maqli jirnay hebel nin ayaa lacagtii xoolaha kala aammusay....Illeyn wixii lagaala aammisaaba waa wixii kale!!!!
Diidane:- Allaylehe geesinnino waa tan Garaad Abshir Saalax.. wuxuu Berbera isugu maqiiqay inuu qolaadaa woqooyi ku yiraahdo: Meeshana keligiin ma lihidin, mana goosan-kartaan!!!
Nuxnuxle:- Afkeennu waa isu ammaane waxaa la yiri isiimmadii waqooyi oo dhan ayaa ina Cigaal ka codsaday in Garaadka Xabsiga laga sii-daayo.... laakiin nin cumar Jubuq ahaa ayaa ku xilafuray inuu Xabsiga weyn ku rdayo...Afkeennu waa isu ammaane waxaynnu joognaa duni nabsi
QAAMUUSKA WARSIDAHA
WARGELIN
WAXAA DHAMMAAN HAY'ADADHA DAWLA-DDA IYO CIDII DANA-YNAYSA WARSIDAHA PUNTLAND TIRSI WAL-BA OO KA MID AH IN AY SOO GUDBIYAAN TIRADA AY U BAAHAN YIHIIN IYO QAABKA AY U RABAAN IYADOO LOOGU KEENAYO ME-ESHA AY RABAAN AMA XAFIISYADOODA. WIXII FAAH-FAAHIN AH KALA XIRIIR XARUNTA WARGE-YSKA EE GARO-OWE WASAARADDA WARFAAFINTA
PUNTLAND MAQASHAYE MUXUU KULA YAHAY? Dad baa jira u aqoonsan ereyga (Puntland) magac cusub oo loo helay Dowlad Goboleedkii 1998dii ka hanaqaadday Garoowe, Waxaad arkaysaa marar badan iyaddo saraakiisha iyo hawlwadeennada maamulka Puntland loogu yeerayo(Puntland),runtuna sidaas ma aha.
Dawlad Goboleedka waxaa loo bixiyey magaca uu dhulku leeyahay, adduunka oo dhammina u yaqaan, aadna u fac-weyn,ereyga loo yaqaan(Puntland) carabtu waxay u taqaan (ARLU-BUNTH) iyo (SUQULMAAL) oo la mid ah (Puntland stock market), wuxuuna jirey in ka badan 5 kun oo sano, waxaana bixiyey Faraaciintii dalka Masar oo xiriir ganacsi la lahaan jiray dadkii ku dhaqnaan jirayGobolkan waqtigaas fog. Waxaa dad badani rumeysan yihiin in Faraaciintii Masar asalkoodu ahaa Soomaali ka tagtay Gobolladan, kuwaas oo hadda loo yaqaan "SACIIDIIN",kana mid ah shacabka reer Masar.
Geyiga Puntland wuxuu ku yaal Waqooyi iyo waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya ka mid ah. Dhulka Puntland wuxuu dhan yahay 200.000 oo km oo afar gees ah, wuxuuna u dhigmaa 33% dalweynaha Soomaaliya. Waxaana dadka ku dhaqan lagu qiyaasay 1993dii 2.500.000; waxaana 2000 sano ka hor waqtigii Faraaciinta Puntland xiriirr ganacsi la lahaan jirey dalka Shiinaha .
Magacyada kale ee uu dhulkaani leeyahay waxaa ka mid ah; dhulkii udgoonka Geeska Afrika(The Horn of Africa), North of East, wuxuuna u dhexeeyaa labada badood ee muhiimka ah ee kala ah badweynta India iyo badda cas(India ocean and Red sea), Waxaana xeebtiisa dhererkeedu dhan yahay 1600 km, isla markaana waa halka adduunka ugu kalluun badan, ugna kalluun fiican, inkastoo oo dhaawac culus loo geystay 10kii sano ee lagu jiray qaran-jabka, meel kasta oo adduunka ka mid ahna looga soo doolay si looga qanimeysto dalka la helay ee aan dad la'aanta waxba dhaamin.
Caasimada siyaasadda ee Puntland ayaa ah Garoowe, waxaana sidaas
go'aamiyey dhammaan Isimmada iyo iyo SSDF sannadihii 1991, 1992, 1993 iyo ugu dambaystii shirweynihii Garoowe ee 1998dii, sidoo kale waxaa Caasimadda Ganacsiga, Dhoofinta iyo waxsoo dejinta ah Bosaaso oo si xoogleh u dhismaysay 10kii sano ee la soo dhaafay, welina aad u sii ballaaranaysa, fadliga Eebbe dartiisa iyo waxgaradkeeda oo sutida u qabtay sharwadayaasha, iskana kaashada mar walba in ay Bosaaso nabad iyo caano ku cawayso.
Waxaa jira oo kale dekedo yar-yar oo wax ka tara baahida ganacsiga sida Garacad, Eyl, Xaafuun, Hurdiyada, Baargaal, Caluula, Xaabbo, Murcanyo, Dhurbo, Qandala, Ceelaayo iyo Laas-Qoray.
Geyiga Puntland waa deegaanka koowaad ee dadka loogu yeero Hartiga. Degaammada labaad iyo saddexaad ee Hartiga ayaa ah Jubbada Hoose iyo Ciid iyo Doollo. Waxaa saddexdaas degaanba si wanaagsan oo muuqata wax uga dega cammirraantooda wax ku leh labada tol ee kala ah:- Leelkase iyo Awrtable.
Puntland oo dawladihii Soomaaliya ka jiray 1960kii ilaa iyo 1990kii iyo waqtigii gumeysigaba loogu yeerijiray "Gaari-Waa" (Far Regions) ayaa si wacan uga soo kabanaya cunaqabatayntii hore loogu geystay, imminkana ka haqab-beelay xagga isgaarsiinta, dhaqdhaqaaqa ganacsiga xorta ah, hagaajinta maamulka iwm, runtiina ka raystay dawladihii jiri-jiray dhinac walba markii laga reebo Qaran la'aanta guud ee Soomaaliya wada saamesay.
Dhaqaalaha Puntland ayaa ku dhisan Xoolaha Nool, Kheyraadka badaha, Luubaanta, Beeraha iyo Ganacsiga, iyadoo ku dhow derisna la ah gacanka Khaliijka.
Puntland oo ah meel aad istaraatiiji u ah, waxaa dhexjiifa keydka ugu weyn adduunka oo ah shiidaalka iyo macdanta kala jaadka ah, waana halka jirtaanka nolosha wacan ee mustaqbalka Soomaaliya ka ifeyso, waa
Goobta ay Soomaalidu isugu imaan doonto insha Alla, laguna soo afjari doono sii-jiridda qabyaalada gaamurtay; markii tiirarka loo siibo fiqiirnimada falaad-xumada saldhiga u ah.
Markaas ka dib waxaa dib u soo noolaan doona miirkii uu qaaday maandooriyaha (Jaadka) oo ah dagaal kan ugu xun oo ay derisyadeennu ugu talogaleen in ay innagu burburiyaan, waana ku guuleysteen, waxaana nasiibdarro ah in aan Soomaalidu weli dareemin dagaalkaas aayo la'aanta ah ee innagu socday in kabadan 60 sanno rajaduna waxay tahay kolkii kheyraadka dibedu la soo dhigo, waxaa bilaabanaya kaltan shaqo o lagu wada kallaxo; sidaas darteedna la helimaayo waqti lagu daneeyo xanta, Shaqda, derbi iyo baar fariisadka, Allifaada beenta, barjeynta, siyaasad isku-hawlidda, tirada qaaradaha iyo magacyada madaxda dalalka adduunka, iyadoo soomaalidu faan moodo arrimahaasi dantii moognimada ah, waxaana ka xoroobi doonaa insha Alla "yaa dibadda kuu jira iyo maxaa laguu soo xawilay, shaxaad, gamca hoorsi, jahli, isdil iwm.
Hurdiya iyo Xaafuun ayey ahayd goobtii gumeysigii Talyaanigu ka hirgeliyey warshaddii ugu horraysay Soomaaliya, ahaydna cusbada oo uu adduunka oo dhan u iib-geyn jiray. Warshaddaas oo ay ka wada hawlgeli jireen badiba dadka Gobollada soomaaliya ku kala noolaa, mudadii ay shaqaynaysay xaafuun ayey ahayd magaaladii Talyaanigu ka maamuli jiray Soomaaliya Caasimad ahaan.
Hase yeeshee, waxaa shaqadaasi istaagtay, maamulkuna Xamar ka bilowday kolkii Ingiriisku dagaal kaga adkaaday Talyaaniga, isla markaana Ingiriisku bililiqaystay Warshaddii cusbada iyo tariinkii Jawhar ilaa Beeraha Shabeelada Hoose tegijiray, uuna burburiyey dekeddii cusbayd ee Brave ee laga dhoofin jiray muuska, uguna weynayd waagaas dekedihii Afrikada Bari.
Waxaa Qoray
Muuse Xaaji Siciid (Abees)
HUFANE LAAS-CAANO AYAA LAGU JIIRAY.
(WAA SHEEKO TAXANE AH)
Hufane wuxuu sannadkii 1935tii ku dhashay meel Qardho ka xigta woqooyi-Bari, oo badhan ka xigta koonfur-Bari.
45 sano oo xiriir ah, ayuu ku maqnaa dalalka Yurub iyo woqooyiga Amerika waa nin aad u xarrago badan oo aala xirta suudh, barniidad, iyo usha loogu talo-galay in la muto oo lagu fariisto barkimada loo sameeyay.
Markii uu maqlay in la dhisay Maamul Goboleedka Puntland ayuu niyada ku adkeeyay inuu soo arko dalkii Hooyo, soona booqdo lixda Gobol ee Puntland dhammaantood.
Wuxuu soo xamaartaba bishii Juun ee 2000, ayuu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Laas-caanood. Waxaa halkaas ka soo daadihiyay nin uu abti u yahay (Dhaaddane), oo da'diisu tahay 40 sano, subixii u horreeyay ayay Magaalada u soo wada bexeen Hufane suudhka, Barniidadda, usha iyo Muraayadda Qorraxda laga gashado, waxaa saaka u weheliyay
kamaradda sawirrada lagu qaado oo garabka bidix uga laallaaday.... Hufane waxaa laamiga ku jiiray Nin dheer oo soconaya isagoo dib eegaya...Hufane ninkii intii uu lbada gacmood dhuunta ka geliyay ayuu dib xoog ugu riiixay... ninkii intii uufarkanaxay ayuu laamiga
ku dhacay oo gacan iska buurtay, gacantii kalena halhaleel intii uu Hufane jaakadiisii ka buuxsaday xoog u soo jiitay...Hufane ninkii ayuu ka kordhacay labada ninba nabarro dhiig yeeshay ayaa gaaray.Kamarraddii Hufane laamiga ayay ku finiintay, waxaana guud maray Baabuur Yuroowe u ordaya ismana taagin...Deg-deg ayaa meeshii labada nin isku kor dheceen logu soo ururay...shururug.. Hufane iyo ninkii kaleba way qaylinayeen dad kale ayaa iyana qaylinayay... iyadoo midwaliba garta dhinac siinayo...dhaaddane wuxuu meeshii ka dadduucay abtigii oo aan kamarad, ul iyo Muraayado midna hayn oo caro karaya.
Galabtii ayaa arrintii odayaal guddi ah loo saaray...Gabagabadii Hufane ayay ku xukumeen Labo Boqol oo ah. Dollarka Maraykanka, wuuna bixiyay isaga oo yaabsan, Caro badanina hayso... inkasta oo nin oday ahi qalabkii lumay heliddiisa lacag ku baxshay, fiidkiina Hufane
guure ugu keenay, haddana Hufane habeenkii in badan ayuu sariirtii ku galgashay isagoo ka fekeraya arrimihii maanta la kulmay, mararna Caro buuxinayso, mararna keligii isla-qoslaya, mararna caloosha gashaday aroortii baabuurka u horreeya ka raac oo iskaga tag dadkan soconaya iyagoo kala jeeda oo u sii gudub dadka reer magaalka ah ee Garoowe.La soco cadadka xiga
Axmed Sheekh JaamacOGAYSIIS
Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya
Guddiga Qandaraas bixinta ee DGPL.
Diiwaangelinta Qandaraas Qaatayaasha Dalka:-
Iyadoo aaney suurtagal ahayn in ay tartamada qandaraasyada ka qayb qaataan cid kasta oo aan Guddiga ruqsad ka haysan, si loo diiwaangeliyo qandaraas qaatayaasha dalka loona meel mariyo sharciga tartamada iyo heshiisyada Qandaraasyada Lr. 11 e 16/08/2000.
Shakhsiyaadka iyo shirkadaha waddaniga ah ee doonaya u tartamidda Qandraasyada dalka laga bixinayo, waxa loogu yeerayaa inay iska diiwaan-geliyaan xarunta Guddiga, codsigoodana uu soo gudbiyaa, isla markaana soo buuxiyaan shrucuudaha soo socda:-
Warqadda codsiga waxa si qoraal ah loogu muujinayaa dhammaan dekomentiga ku lifaaqan.
Xarfaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee kor ku xusan waxaa laga doonayaa Qandaraasle kasta oo shakhsi ah ama xubin kasta haddii codsigu ka yimaado shirkad.
Guddoomiyaha Guddiga Q/bixinta Axmed Sh. Cabdi Dhegaqool
Garowe
NOTICE.
Diakonia would like to inform to the applicants for the vacant positions that the following short-listed will be interviewed at Diakonia's Garowe office on 14th September 2000.Education Coordinator:-
Building Engineer.
Legal Coordinator.
Police Coordinator
Women Coordinator.
NB: applicants outside Somalia will be interviewed in their locations.
WAA MAXEY CUDURKA DABEYSHA?
Dabeyshu waa cudur faafa oo ka dhasha (VIRUS) dhawacana muruqyada iyo dhimirka (Muscles and nervous system) Cudurku wuxuu keenaa qallal (taasoo ah inaadan lugaha ku istaagi karin, sababtoo ah muruqyadaadii ayaa aad u tababryar).
Tabaryarida iyo laxaad la'aanta ku dhacda xubin laxaadkaaga kamid ah waxayna ku haynaysaa ilaa intaad nooshahay.
MAXAYNU KU QABAN KARNAA?
Cudurku Daawo malaha, mar hadii uu kugu dhaco, waa sidaas uu kuugu dhacay, daawo aad kaga bogsanayso oo aad qaadataa majirto "Caryaan ayaad noqan kartaa inta cimrigaa kugu simo"
Hadaba waxaa aad muhiim u ah inaad aad uga taxadarto in uu kugu dhaco Cudurkaasi, taas waxaad ku heli kartaa talaal (Qaadashada dhibcaha Daawada ee Tallaalka).
Aduunka dhamaantiis wuxuu isu kaashanayaa inaan cid danbe u lee'an cudurkaas, ayadoo qof kasta laga Talaalayo.
WAA KUWEE MAALMAHA WADDANIGA AH EE TALLAALKA?
Tallaalka caadiga ah ee Afka lagu qaato (OPV), waxaa lasamayn karaa waqtiyada caadiga ah ee loo yaqaan "EPI".
hooyo waliba waxaa laga doonayaa in ay gurigeeda diyaar ugu ahaato waxaa lasiinayaa cunugeeda Tallaal. Maalmaha loogu magacdaray Waddaniga ee Tallaalka, waxaa carruurta dalka oo dhan iyo kuwa adduunkaba la siinayaa laba dhibcood oo siyaado ah oo ah Tallaalka cudurka dabaysha. Labadaas dhibcood ee siyaadada ah waxay dilayaan wixii "Jeermis" ah ee laga yaabo in ay wali kusii harsan yihiin dalka, (waa hadii aynu siino labo dhibcood oo siyaado ah dhamaan carruurta da'doodu ay ka yartahay 5 sano).
GOORMA AYAA OLOLAHA CUDURKA DABAYSHU BILAABANAYAA?
Ololaha tallaalka cudurka dabayshu waa saddex wareeg oo tallaal ah oo min bil u dhaxayso, mid kastana uu yahay saddex beri, waxayna uu soo kala horeeyaan sidan.
YAA LA TALLAALAYAA?
Dhamaan Carruurta da'doodu aysan u buuxsamin 5 sano, xitaa kuwa dhawaan dhashay.
Ilmaha gaara sanad guuradiisa 5aad uma baahna Tallaal dambe.
Majiro wax dhibaato ah oo kaaga imaanaya Tallaalka afka laga qaato (OPV)
waa in la Tallaalaa.
GUDDIGA WACYI GELINTA BULSHADA EE MAALMAHA TALLAALKA QARANKA EE PUNTLAND