Tirsi 61
18 Sept 2000
Garowe Puntland
Waa Todobaadle 2 jeer ay soo saarto
Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
WASIIRKA ARRIMAHA
GUDAHA OO LA SHIRAY MAS'UULIYIINTA IYO SHAQAALAHA WASAARADDA
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga
mudane C/qaadir Islaan Maxamed ayaa waxaa hoolka wayn ee xarunta Wasaaradda Arrimaha
Gudaha, kula hadlay masuuliyiinta iyo shaqaalaha sidii dardar hor leh loo gelin lahaa
hawlaha ay wasaaraddu u hayso bulshada iyo siday uga soo dhalaali lahayd, loogana miro
dhalin lahaa hadafkii iyo ujeedooyinkii loo Asaasay.
Wasiirka oo sii wata hadafkiisa wuxuu
yiri waxaa loo baahan yahay in lala yimaado xisaabtan dhab ah oo lagula xisaabtamaayo qof
kasta wuxuu qabtay ee aan loo baahnayn dabacsanaan shaqo iyo hoosaasin.
Shirkaan aan maanta isugu nimid oo ah
shaqada wacyi gelinta iyo ka hortagga dacaayaddo dowladda lid ku ah oo ay ka mid yihiin
sida shaqada wasaaradda u socoto iyo shaqaale qaarkood mushahar dowladda ka qaataan
ayagoon shaqayn, sharciga shaqaalahana u mamnuucaayo iyo kuwo aan shaqayn oo wasaaradda u
shaqayn ay mushahar qaataan iyo wax la mid
ah, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri iyadoo waayahaan dambe ay jiraan dad aan
garanayn waxa yahay maamulka oo aan ogolayn horumarka uu gaaray maamul Goboleedka
Puntland.
Wuxuu Wasiirka hadafkiisii ku soo
gabagabeeyay in shaqaalaha Wasaaradda aysan raacin dadka
meelaha la fadhiya beenta ee
yiraahda waxay Puntland qabatay ma
jiraan, iyo dad aan doonayn horumarka ay dowladdu gaarsiisay dadweynaheeda ku nool
Gobolada Puntland sida Nabadgelyadda, waxqabadka shaqaalaha xag ciidan iyo
xag shaqaalabe.
Munaasabadaas waxaa
Goobjoog ka ahaa Wasiirka ku xigeenka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Aaden Carab, Agaasimaha Guud ee W/A/G Mudane Yuusuf Macalin Ibraahim iyo Agaasimaha Waaxyaha ee Wasaaradda.
GOBOLKA NUGAAL OO
BILAABAY HOWLGAL CUSUB
Gobolka Nugal ayaa dawlad
iyo shacab wuxuu bilaabay howlgal cusub oo isku-duuban oo dardar lagu gelinayo howlaha
Gobolka oo dhinaca walba ah... hawlgalkaas cusubi wuxuu ku qorshaysanyahay in dhammaan
dadka gobolku si wadajir ah uga wada qaybgalaan.
Shirkii howlgalkaas ugu horreeyay ayaa
maalintii axadda 10/09/2000, ayaa hoolka shirarka ee xarunta Gobolka, waxaa isugu-yimid
xildhibaannada Gobolka ugu jira Golaha wakiillada ee Dawlad Goboleedka Puntland iyo
mas'uulyiin dawladda ee Gobolka Nugaal.
Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland ee
shirkaas ka soo qaybgalay waxay ahaayeen:-
1.
Shukri Salaad Warax.
2.
Dr. Maxamuud Cali Yuusuf (Gaagaab)
3.
iyo C/laahi Maxamed Xaaji (Cawiif) oo
saddexduba xubno ka ah Guddiga joogtada ah ee
Golaha Wakiilada.
Siciid C/laahi Muuse, Maxamed Sugule
Maxamuud, C/qani Ismaaciil Aw-Cismaan iyo Khaliif Aw-Cali Aw-Axmed.
Dhinaca Mas'uuliyiinta Gobolka waxaa
shirkaas ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane C/laahi Xasan Faarax
(Baasaweyne), labada Guddoomiye ku-xigeen, Inj. C/qaadir Cismaan Ciise iyo Cabdi Saleebaan
Cali, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Axmed Cabdi Cali, isu-duwaha Gobolka
cismaan Cawad iyo Duqa Magaalada Garoowe Daahir Cali Ciise.
Shirkaas waxaa lagu faaleeyay howlaha
Gobol.
Waxaana warbixin koob kooban ka soo
jeediyey Mas'uuliyiinta Gobolka iyo Duqa Magaalada, duqa wuxuu timaamay in Garoowe tahay
Magaalada ugu qorshaha wanaagsan (Town Planning) dhamaan magaalooyinka Dawlad Goboleedka
Puntand.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo
dhammaantood shirkaas ka hadlay waxay aad u soo dhaweeyeen wada shaqeeynta cusub ee
shacabka iyo mas'uuliinta Gobolka iyo xubnaha Golaha wakiillada ee Puntland, waxaana
hadalka dhinacooda ka soo gabagabeeyay Xildhibaan Shukri Salaad Wayrax..si niyadsami ah
ayaa mas'uuliintaas ku ballameen howlgal cusub oo lagu xoojinayo horumarka Goblka dhinac
walba
Agaasinka
Guud Qaybta Caafimaadka
1.
Siyaasadda iyo
Qorshaha waxqabadka ee caafimaadka dalka
Waxaan jeclahay in aan maanta idiin
sheego in Puntland ay leedahay siyaasad iyo qorshe waxqabad oo cad ayna ku heshiiyeen
Wasaaradda, Deeq bixiyayaasha iyo Hay'adaha Caalamiga ah ee ka hawl gala Puntland.
Qorshahaas oo laga
diyaariyey buug la isku raacay iyadoo laba jeer magaalo madaxda Puntland lagu qabtay laba
workshop oo kala ahaa bishii Oktoobar 1999 iyo bishii May 2000 oo ay ka soo qayb galeen
masalayaasha ay khuseyso ee caalamka iyo gudahaba oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha
wakiilada.
Diyaarinta siyaasada iyo
qorshaha caafimaadku wuxuu ahaa mid Wasaaraddu har iyo habeen ku taameysey sii ay mar u
hirgelin lahayd soo saaristiisa, Alxamdu lilaahi maanta waa diyaar iyadoo Wasaaradda iyo
beesha caalamku isku raacday.
Mar haddii aadan siyaasad
lahayn iyo qorshe cad waxaa kuu talinaya wiil yar oo Hay'ad ajnebi ah u shaqeeya. Oo
dhaqaalihii Deeq bixiyayaashu u soo dhiibeen Hay'adiisa ku fushanaya dantiisa iyo danta
Hay'adda uu u shaqeeyo, laakiin haddii aad leedahay siyaasad iyo qorshe taada ayaa
soconaysa, marka maanta waxaa inoo diyaar ah siyaasadda iyo qorshaha wax
qabad ee caafimaadka oo ku saleysan 2,500,000 oo qof oo ku nool shanta Gobol iyo Deegaanka
Buuhoodle ee Puntland State of Somalia.
2.
Wasaaraddu iyadoo gudanaysa waajibaadka ugu qoran dastuurka
iyo barnaamijka
sadexda sano ee dawladu waxay soo gudbisey xadiga cudurada in labada cudur ee ugu daran
Puntland ay yihiin cudurka qaaxada iyo cuduradda Duumada,
Cudurka Qaaxada:- Waxaa lagu qiyaasay in guud ahaan soomaaliya cudurka qaaxada sanad walba inuu ku dhaco 12000 oo qof
4000 oo ka mid ah 12000
kaas ay ku sugan yihiin degaanka loo yaqaan Puntland. Macnaha Puntland sanad walba 4000 oo
cusub ayuu ku dhacaa cudurka qaaxada, waxaan kaloo idiin sheegnay in Puntland ay ku
yaaliin laba xarumood oo qura oo lagu daaweeyo, kuwaas oo kala ahaa xarunta OPD mersi
Bosaaso iyo qayb ka mid ah isbitaalka Laascaanood oo iyada lagu daweeyo bukaanka lana
seexiyo.
Hadaba wasaaraddu iyadoo og inaysan
labadaas goobood ku filayn dadka cudurkaasi saameey ee ku sugan deegaanada Puntland waxay
qaaday dadaal intii u dhexaysey labada kal fadhi, dadaalkaas oo dhalay guulaha hoos ku
xusan.
1.
Waxaa Wasaaradda iyo WHO ka fureen
magaalada Qardho xarun lagu daaweeyo qaaxada oo ay maamuli doonto Hay'adda la yiraahdo
AAH.
2.
Wasaaradda iyo Hay'adda WHO waxay isla
ogolaadeen in xarunta lagu daweeyo qaaxada laga furo magaalada Burtinle iyadoo ay maamuli
doonto Hay'ada la yiraahdo IICO dhawaana la furayo.
3.
Wasaaraddu waxay ogolaatay in
magaalada Gaalkacayo laga furo xaurn lagu daweeyo cudurka qaaxada iyadoo ay maamuli doonta
Hay'adda NPA oo isla hawlahaas ka wada Laascaanood, gacana ay ka geysan doonto dawlada
hoose ee Gaalkacayo, dhawaana la furi doono
4. Wasaaraddu waxay hadda hadalo la wadaa Hay'adda WHO iyo ADRA in xarun cudurka qaaxada lagu daweeyo laga furo magaala madaxda Garoowe, dhamaystirkii heshiiskaasna wax yar baa dhiman, waxaana la hubaa haddii Alla idmo in la furayo intaan sanadku dhamaan.
5. maadaama dadkaan cudurka qaba la rabo in nafaqo ahaan loo soo kabo, bulshaduna ay u badan tahay dad dhaqaale ahaan u liita Wasaaradda, WHO iyo WFP waxay ku heshiiyeen in goob waliba oo cudurkan lagu
daweeyo mudada daawadu soconayso o ah
lix bilood ooloo marayo habka loo yaqaan DOTs in WFP siiso bil walba raashin bukaan kasta,
maadaama qof kasta reer ka tirsan yahay si aan raashinkaa looga cunin qof walba waxaa
raashinka lala siiyaa qoyskiisa oo isku dhan lix qof, ilaa hadana dhawr bilood buu socdaa
oo laga bixiyey goobaha qaaxada lagu daweeyo, sida Laascaanood Hospitaal iyo xarunta Mercy
Bosaaso.
Cudurka Duumada:-
Cudurka duumada wuxuu ahaa cudurada ugu sareeya ee dhimashada
Puntland. Haddaba Wasaaraddu waxay qaaday dadaal weyn oo ku wejahan wax ka qabashada
cudurka duumada.
Wasaaraddu waxay wada
xaajood badan oo ku wajahan wax ka qabashada cudurka duumada la yeelatay Hay'adda WHO oo
ay iyada waajibaadkeeda tahay wax ka qabashada cudurka duumada.
Wasaaradda iyo Hay'addu waxay isla dejiyeen qorshaha wax qabad ee cudurka duumada.
Si aan u asaasno laanta duumada ee
Puntland waxaa lagama maarmaan noqtay in la helo takhtar ku takhasusay cudurka duumada oo
aan ka jirin Soomaaliya oo dhan. Wada hadal badan ka dib WHO waxay noo ogolaatay in lanoo ku
diray takhtar, waxaana baxay takhtar reer Puntland ah oo muddo hal sano ah ku soo
takhasusi doona cudurka malariyada, wuxuuna baxay bishii April 2000.
Wasaaradda iyo WHO waxay
isla ogolaadeen in degmooyinka laga dhiso berkado laguna kaydiyo kalluunka cuna lulumada
kaneecada iyo ugxanteeda, goobahaas oo loo qaybin doono saddexdii degmo ee ugu horeysey
dhakhso ayaa loo bilaabayaa.
Waxaan rajeynaynaa haddii uu hirgalo qorshaha aan wadno anaga iyoWHO Somalia in goor aan fogeyn
laga gaari doono guul wax ka qabashada cuduradaas.
Eeg
Bogga 4aad
Ka yimid Bogga 3aad
Agaasinka
Guud Qaybta Caafimaadka
Wax
ka qabadka Adeegyadda Caafimaadka:-
Waxaanu
xooga saarnay sidii aanu dib u habayn ugu samayn lahayn goobaha caafimaadka ee shaqeeya
maamulkooda, loona furi lahaa goobaha caafimaadka ee aan shaqayn, sidii dhaqaalaha
caafimaadku ku socdo aan uga raadin lahayn deeq bixiyayaasha caalamka iyo dalka gudihiisa
sida dawladda.
Dib u
habayn guud iyo mid maamul lagu sameeyey labada isbitaal ee kala ah Bosaaso iyo Laascaano
waxaanu jecelahay in maantana aanu idiin sheegno in labadaas Isbitaal dib u habayntii lagu
sameeyey ay noqotay mid lagu liibaaney, maantana ay marayaan meel lagu faani karo.
Wasaaraddu dhinaca wax ka qabashada adeegyada Caafimaadka waxay gaartey guulo aad u fiican
waxaana ka mid ahaa.
Qorshahayaga
lixda bilood ee Jaanyo-Juun 2000 wuxuu ahaa in la furo adeegyada caafimaadka saddexda
degmo oo kala ahaa Buuhoodle, Eyl iyo Baran oo dhamaantood ay
xirnaayeen adeegyadooda caafimaadku, dib ayaa loo furay, maantana si wanaagsan ayey u
shaqeynayaan, degmada Baran weli lama furin kamana xanibna dhinacayaga ee waxay u xaniban
tahay arrimo kale.
Isbitaalka Gaalkacayo waxaa lagu sameeyey dib u habeyn
maamul maantana si fiican ayuu u shaqaynayaa, dhawaana waxaa lagu sameeyey dayac tir dib u
hayntii maamulna waa lagu guuleystey.
Waxaa dhawan dib u habayn dhib weyn ka soo gaartey
mas'uulyiinta Wasaaradda iyo Mas'uulyiin kale
Garoowe, nasiib wanaag maamulkii cusbaa wuxuu noqday
mid hanta hawsh, 15 beri kedibna wuxuu bilaabay dhismo qaybta carruurta maadaama
Isbitaalku uusan horay u lahayn dhismaha qaybta Carruurta, iyadoo dhaqaalaha lagu dhisayo
uu yahay mid ka yimid Isbitaalka ee uusan ahayn mid cidi ku taageeray, su'aashu waxay
tahay maamulkii Isbtaalka gacanta ku hayey muddo ka badan sagaal sanno yaa la xisaabtamay.
Waxaa
dhawaan wasaaraddu dib u habayun ku samaysay goobo ka tirsan goobaha caafimaadka Degmadda
Burtinle, iyadoo waliba dib u habaynta ka hor warbixin ay soo gudbiyeen xubno ka tirsan golaha
wakiiladu oo aykaga hadlayeen dibta ka jirta adeegyadda Bulshadda degmad Burtinle, hadaba
xubno ka tirsan Mas'uulyiinta caafimaadka ee Wasaaradda Arrimaha Bulshadda ayaa degmada
tegey, waxaana la soo habeeyey mamulka iyo shaqada laba goobo caafimaad oo kala ah bukaan
socod eegtada ay maamulaan Hay'adda IICO, iyo xarunta hooyada iyo dhalaanka, goobta
dhiman oo ah Isbitaalka yar oo degmada dhexdeeda ku yaal waxaa lagama maarmaan noqtay in
guddi ka socda xarunta Wasaaradda oo aan jeclahay in ay dhawaan
gaaraan loo diro.
Wax
qabadkii hore uu marinta cududda caafimaadka Puntland:-
Waxaan idiin cadeynaynaa haddii aan xooga la saarin in
kor loo qaado mooralka iyo aqoonta hawl wadeenada caafimaadka, in caafimaadkeenu noqonayo
mid turturooda.
Haddaba qaybta caafimaadka ee Wasaaradda Arrimaha
Bulshadu iyadoo gudanaysa
xilka ka saran kor u qaadida niyada iyo aqoonta hawl wadeenada caafimaadka,
waxay ku tilaabsatay guulo la taaban karo oo ay ka mid yihiin.
Wax
qabadka Mashaariicda Caafimaadka ee Wasaaradda iyo Hay'aduhu ku heshiiyeen mudadii u
dhexaysay labada Kalfadhi
a. Wasaaradda
iyo EU waxay heshiis ku galeen mashruuc laba sano ah oo ku saabsan barnaamijka caafimaadka
aasaasiga ah oo laga fulinayo labada degmo ee kala ah Qardho iyo Bandarbayla oo ay
fulinaysa Hay'adda AAH.
b. Waxaa
kale oo Wasaaradda iyo EU ku heshiiyeen mashruuc laba sano soconaya ee socodsiinta
isbitaaladda Bosaaso iyo Qardho.
c. Waxaa
kale oo heshiis dhex maray Wasaaradda, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo World Bank,
heshiis horumarinta Caafimaadka Puntland taas
oo saxiixii ugu dambeeyey dhawaan la filayo.
d. Waxaa
kale oo ay Wasaaraddu heshiis la gashay hay'adda Italian Red Cross oo muddo shan sano ah
oo cusub sii wadi doonta kaalmaddii ay siin jirtey Isbtaalka Magaaladda Garoowe.
e. Waxaa
heshii dhex maray Wasaaradda iyo Hay'adda WHO in magaalada Garoowe laga dhiso xarunta guud
ee talaalka Puntland, taas oo fankeedii la soo ogolaaday, dhawaana la bilaabi doono
dhismihiisii.
f.
Wasaaradda iyo Hay'adda WHO waxay ku heshiiyen in
hay'adda WHO xarun ka furato magaala madaxda Garoowe, taas oo dawladu gurigii ugu deeqday
dhawaana la bilaabi doonto dib u dhiskiisii iyo dayactirkiisii.
g. Waxaa kale oo jira
mashaariic dhawr ah oo wada hadal uga socdo wasaaradda iyo deeq bixiyayaasha oo weli aan
la gaarin heshiiskii kama dambaysta ahaa sida, Deeq hay'adda USAID ugu deeqday horumarinta
caafimaadka degmada Iskushuban oo aan filayno in dhawaan lasoo gabagabeeyo.
WAX-QABADKII
AGAASINKA WAAXDA DHALINYARADA IYO GUDIGA GOP
Maamulkan oo hawlihiisu
yihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta xirfadaha kala duwan ee qaybaha Isboortiga, mid guud
iyo mid gaarahaanba.
Waxay hawlahoodu socdeen ilaa Juun 99,
intii ka dambeysana wada shaqeyn bay lahaayeen, waxaana waxqabadkooda ugu weynaa
hirgalintii tartamadii ciyaraha ee 9ka Gobol Mar-April 2000 oo lagu qabtay Garoowe, taasoo
xusid mudan.
Natiijooyinkii wax
ku oolka ah:-
1.
Kubbadda Cagta:- Hanashada Koobabkii
1aad & 2aad.
2.
Oradada Fudud:- Bilado dahab ah 6
Kaal. 1aad, Bilado Qalin ah: 6 kaal. 2aad, Bilado Maar ah: 7 Kaal. 3aad
3.
bilad sharafeed:- La gudoonsiiyay Madaxweynaha.
Baahiyaha Maamulka Isbootiga Puntland.
Maamulka Isboortiga Puntland kama qaybgalin Kalfadhii 1aad & 2aad ee Golaha Wakiilada sabab maamul, taasoo uu horseeday
b) Qorsha la'aan dhaqaale.
t) Ku tagrifal awood iyo dhaqaale ee ka soo gaaray miisaaniadii loo qorsheyay hirgalinta tartamadii ciyaarihii 17aad ee ka dhacay Garoowe
j) Xarumihii iyo
garoomadii dhalinyarada isboortiga oo dad shicib dagan yihiin, qaarkoodna la dhalan-rogay.
x) Wax taageero dhaqaale
(Dib-u-dhis, Horumarin & Gunnooyin hawl fulineed) ay Guddiga Olimbiga & xiriirka
guud aanaan helin
wali. Taasoo in maamulka Isboortiga la kulmay dib-u-dhac fara badan oo ujeedooyinkiisa ku wajhan .
Ujeedooyinka
Maamulka Isboortiga:
1.
In Dawlad Goboleedka Puntland hesho
maamul iy tixgalin lagu soo nooleeyo sharafta, bilicda iyo dib-u-heshiinta dhinaca
xiriirada iyo shuruucda ku saleysan xirfadaha kala duwan ee Isboortiga, dalka gudihiisa
iyo dibadda.
2. In dib-loo aruuriyo
loona dayactiro ama loo dhiso dhamaan garoomadii iyo xarumihii lagu fulin jiray
bandhiga xirfadaha Isboortiga.
3. In dhalinyarada Dawlad
Goboleedka Puntland hesho awood iyo farsamo xirfadeed ay ku matalaan sharafta dalkooda
dadkooda, kuna dhismayo jirkooda, maskaxdooda.
4. In Maamulka Isboortiga
loo aqoonsado Hay'ad wax soo saar (Mid toos ah & mid dadbanba), awood maalgalineedna
loo quuro.
5.
In Dastuurka Guddiga Olimbiga loo
ansixiyo, dastuurkaas oo ka kooban 12 qodob, haddii loo baahdo laga aqrin doono Golaha
Wakiilada Hortooda (Inta daabacaadiisa la badinayo.
QAAMUUSKA WARSIDAHA
1.
Dhuumasho Dhabarku Muuqdo:- Waa
facaayilka Qolaadaa Woqooyi ee gubaysay calanka Soomaalida, isla markaasna isticmaalaysa
magaca "Somaliland", kuna dhoofaya
Baasaboorka Soomaalida.
2.
Tuulada Wicil-Dhala:- Waa Tuulada Carta ee ka Tirsan Jabuuti.
OGAYSIIS
Dawlad
Goboleedka Puntland ee Soomaaliya
Guddiga
Qandaraas bixinta ee DGPL.
Diiwaangelinta Qandaraas Qaatayaasha
Dalka:-
Iyadoo aaney suurtagal ahayn in ay tartamada qandaraasyada ka qayb
qaataan cid kasta oo aan Guddiga ruqsad ka haysan, si loo diiwaangeliyo qandaraas
qaatayaasha dalka loona meel mariyo sharciga tartamada iyo heshiisyada Qandaraasyada Lr.
11 e 16/08/2000.
Shakhsiyaadka iyo shirkadaha waddaniga ah ee doonaya u tartamidda
Qandraasyada dalka laga bixinayo, waxa loogu yeerayaa inay iska diiwaan-geliyaan xarunta
Guddiga, codsigoodana uu soo gudbiyaa, isla markaana soo buuxiyaan shrucuudaha soo socda:-
1. Waa inuu yahay Soomaali (PL)
2. Waa inuu la yimaado warqadda denbi la'aanta.
3. waa inuu soo caddeeyo inaan wax cashuur dawladeed
ah lagu lahayn
4. Waa inuu soo caddeeyo waayo aragnimada uu u
leeyahay qaybta iyo darajada uu doonayo in lagu diiwaangeliyo, isagoo muujinaya
shahaadooyink tacliin ahaaneed iyo qoraallo la xiriira hawlaha uu horay u
qabtay iyo qiimahooda.
5. waa inuu soo caddeeyo
awooddiisa dhaqaale, Guurto, ma guurto iyo macaamilkiisa Bankiga.
6. waa inuu soo caddeeyo
Qalabka Farsamo ee uu haysto.
7. waa inuu soo caddeeyo
qaybta iyo darajada uu doonayo in lagu diiwaangeliyo.
8. waa inuu codsigiisa ku
caddeeyo cinwankiisa oo buuxa.
Warqadda codsiga waxa si qoraal ah
loogu muujinayaa dhammaan dekomentiga ku lifaaqan.
Xarfaha 1aad, 2aad iyo
3aad ee kor ku xusan waxaa laga doonayaa Qandaraasle kasta oo shakhsi ah ama xubin kasta
haddii codsigu ka yimaado shirkad.
Guddoomiyaha
Guddiga Q/bixinta Axmed Sh. Cabdi Dhegaqool
CARTA-KU XADGUDUB
XUQUUQDA AADAMIGA
Qore:- Maxamed Cali
Yuusuf
Arrimaha ugu waaweyn ee adduunkan
casrigan aadka uga hadlo, waxaa ka mid ah ilaalinta xuquuqda aadamiga, sidaas darteed
waxaa la abuuray hay'ad ka tirsan qaramada midoobay oo howsheedu tahay ilaalinta iyo la
socodka xuquuqda aadanaha ee dhinacyada ra'yiga, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo xorriyadda
nololeed ee uu qofku xaqqa u leeyahay.
Waxaa haddaba waayahan soo ifbaxay
ifafaalayaal liddi ku ah heshiisyadii caalamiga ahaa ee ku wajahanaa dhowrista iyo
ilaalinta xuquuqda dadyowga oo ay samaynayaan Hay'ado iyo dawlado heshiisyadaas wax ka
saxeexay.
Dowladda Jabuuti iyo Hay'ado qarammada
Midoobay ka mid ah oo ay ahayd inay ilaaliyaan xuquuqda Siyaasadeed iyo jiritaanka
ummadeed ayaa ku xadgudbay xuquuqda 10,000,000 (Toban malyuun) oo Soomaaliyeed, kuwaasoo
afduubay xaqqii ay u lahaayeen inay doortaan Masiirkooda iyo hoggaankooda siyaasadeed ee
mustaqbalka.
Dowladda Jabuuti oo ka weecatay
baaqeedii hore ee ahaa ” inay Soomaali gogol u fidisay go'aanka soomalidu
leedahay" ayaa waxay Carta ugu yeertay kooxo iyo shakhsiyaad taariikhdoodu
madowdahay,
waxaa kale oo goobtaas lagu uruuriyay,
qaxooti, guure-raac iyo qoom uu Ismaaciil Cumar Geelle gacan saar la leeyahay iyo NGO-yo
Hay'ado u baxsheen ururrada rayidka, kuwaasoo uu soo abaabulay ninka lagu magacaabo
Nuuruddiin Sati-UNESCO.
Waxaa kaloo qoobtaas tegey shakhsiyaad
kale oo higsanayay baaqii hore ee Ismaaciil Cumar Geelle adduunka maqashiiyay, hase
yeeshee uu dabamarteeyey.
Si kastaba ha ahaatee, dadkaas kala
noocyada duwani, kama haysan wax wakaalada dad-weynaha Soomaaliyeed
Dadka Carta la isugu geeyay waxaa ku
badnaa kuwii burburka sababay, gacan ku dhiiglayaal iyo u ololeeyayaal xasuuq iyo dhaca
dadweyne Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan qaar ka mid ah dadkaasi waxay weli xog ku
haystaan hantidii laga dhacay dadkii Xamar lagu xasuuqay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeef
oo Issim loo caleemo saaray markii uu Carta tegey, Galaal iyo C/qaasim Salaad Booy oo uu
Ismaaciil Cumar Geelle mar hore u qorsheeyay in uu Soomaali u garbadduubo si uu Madaxweyne
u noqdo.
Haddii aad Carta dadka fadhiyay
wejigooda fiirisid, waxaad si aan caad ku daboolleyn u garanaysaa haweenkii uu
mashxaradayay markii dadka guryaha lagala baxayay iyo raggii la baxayay oo hadda doonaya
in lagu abaalmariy dhibaatooyinkii ay geeysteen oo weli raadkii qoyan yahay.
La
soco Tirsiga dambe
GUDDOOMIYAHA
GOBOLKA MUDUG OO KORMEER HAWLEED KU TEGEY ISBITAALKA GUUD EE GAALKACAYO
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Mudug
Mudane C/rashiid Cali Xaashi ayaa markii lamagacaabay waxa uu booqasho ku tagay meelo ay
ka midmyihiin Isbtaalka guud ee Magaalada Gaalkacay, Gudddoo-miyaha waxa uu booqday
qaybaha kala duwan ee Isbitaalka sida Qaybta Carruurta qaybta umulisooyinka, Qaybta
Gargaarka Deg-Dega ah, qaybta daaweynta, Qaybta Kabida lafaha iyo qaybaha kale ee
isbitaalka.
Waxaana guddoomiyuhu kulamo gooni
gooni ah kula yeesha Madaxda Isbitaalka qaybihiisa kala duwan oo uu waydiiyey
dhibaatooyinka ka jira qaybaha haddii ay jiraan, waxaa kale oo uu guddoomiyuhu booqday
idaacada Gaalkacay halkaas oo ay bilicda Gaalkacayo aad u waangsan tahay waxaa kale oo uu
la kulmay Guddiga nabadgalyada Gobolka Mudug waxaa uuna kala hadlay sidii ay isaga kaashan
lahaayeen nabadgalyada Gobolka waxaana kulankaasi ku dhamaaday Jaw aad u wanaagsan.
Bashiir
C/raxmaan Jaamac
CUNUGA CARTA IYO SOOMAALIDA.
Caddadkii 58-aad ee Warsidaha
Puntland,Taariikhdu markay ahayd 03/09/00, waxaa kusoo baxay faalo gaaban oo Cinwaankeedu
ahaa" Carta waa umushay", waxayna
dhashay Cunug ay u rabto in la siiyo Jinsiyad Soomaaliyeed, hase yeeshee waa ku
guul-daraysatay xaqiijinta ujeedadaas.
Ka dib Carta kuma qancin mowqifka
shacbiga Soomaaliyeed iyo madaxdiisu iska taageen cunugeeda.
Carta oo ah Gabar qurux badan
Aabeheedna magac iyo maalba leeyahay kuna darsaday isla-weyni iyo faan-badnaan wuxuu
cadeeyey in cunuga gabadhiisu dhashay uu ka yeelayo Soomaali. Odayga, waxaa la dhahaa
Butuc, talaabo ficil ah ayuu qaaday si uu uga dhabeeyo balan-qaadkiisii ahaa in " Ina
Carta ", Soomaali lagu tolo, wuxuuna dhahay isaga oo caraysan " Soomaalida aqoon
baan u leeyahay, tayiisa ma leh ismana hortaagi karaan go'aankayga iyo himilada
gabadhayda, oday Butuc wuxuu diyaariyey Marfish weyn oo lagu qayilo oo si wacan loo
sharxay, wuxuuna casumaad u fidiyey dad Soomaali ah Rag iyo Dumar Maxaysato ah. Jaalayaal
marti-qaad ayaan idiinku talagalay "cuna, caba oo qayila,maxaysatadii
waxay ku dheheen Butuc " nin ka roone deeqsi
ah baad tahay, maxaanu kuugu abaal-gudnaa ?, Butuc wuxuu yiri " yarta Carta ah nin
geesi ah oo qabiili ah ayaan u rabaa ! ". rag badan ayaa u tartamay Carta, aakhirkii Wiil qabiili
ah ayaa ku guulaystay in uu Carta guursado aabaheedna oday Butuc
aad ayuu ugu maqsuuday, wuxuuna yiri isagoo ilka-cadaynaya
" anigu gabadhayda Xoolo kama rabo, shardiga kaliya ee aan doonayo inaad ii fuliso
waa in aad cunugeeda dhalasho Soomaaliyeed
siiso" waa yahay, waayahay ayuu yiri ninka Wardheere oo ah ninka Carta guursaday,
Xeelad, Baro-bogaando, Qabyaalad, Been iyo Dhagar waxaan
Butucna Af-hayeen iyo La-taliye ka
dhigto cunugana ku wada qaraabano. Oday Butuc wuxuu ku dhaartay in uu Wardheere hawshaa la
fuliyo, isagoo ku hanjabaya talada anigaa lahaa mana aqbalayo in sumcadayda iyo
sharaftayda Soomaalidu ku ciyaarto oo go'aanka Carta diido, hadii cunuga dalka gudihiisa uga weydo jinsiyad ama (
Nationality) " marka hore Afrikay tola-ayeey, gumeystow tola-ayeey, ajnebiyow
tola-ayeey dheh, mar labaad miyaan Fojari
samayn karin oo dalalka shisheeye hadba cunuga meel gayn karin oo dhigi karin waxaan idiin
tusayaa cunuga Carta ay Soomaali u dhashay bal hadiyad soo siiya, bal eega sida uu u qurux
badan yahay, Puntland u sheega, Cigaal u sheega, Saxaafada iyo Qalabka Warbaahinta ku
xayeysiiya, cunuga markuu dhashay waa loo walqalay waxaana laga tumay Mingis
waxaa ka boodayay
cayaarta Calaqadyo, Faalalowyaal Sixirka, Cayuunta iyo Jinka saara 100%, waa caafimaad
qabaa ee waswaaska iska daaya Soomaaliyeey.
Marka saddexaad waxaad dhahaysaa
" aniga oo Wardheere ah Soddogay Butuc, Maxaysatada na taageersan, waxaan
hubaa in cunuga Carta
astaan u noqon doonin wadaniyada Soomaaliyeed, waxaanuna ballan qaadaynaa in aan dhisno
Dawlad ay madax ka yihiin Siyaasiyiintii iyo Jananadii dalka burburiyay, haddase waxaan
doonaynaa in aan iska dhaqno ceebtii 21-sano, dalkana dib u dhisno oo horumar gaarsiino,
ummadda Soomaaliyeedna ugu shaqayno ( Iskaa wax u qabso).
Prof.
Maxamuud Ismaaciil
TAAYADADA
(EDITORIAL)
Magaalada Baran ayaa sida
daadka ugu ekaanaysa oo ugu fidaysa dhinacwalba dhaalasha, jeexyada, dooxooyinka,
turunbucyada iyo taagagga jaho-walba ka xiga, Bosaaso ayaa cirka fanaysanaysa hareerahana
u fidaysa.
Garoowe ayaa macne iyo
muuqaalba isu-diyaarisay caasimad isku-xirta Afrika, Hindiya, Aasiya-weyn iyo Pacific-ga,
Galkacayo iyo Bacadweyn ayaa dhismuhu isa-soo gaaray, naqshadaha dhismayaasha qaarkoodna
qaarado kale lagu soo sameeyaa, Laascaanood ayaa waxay baaxaddeedu maraysaa sagaal dooxo,
bilwalbana ka sii tallaabaysa gol iyo babac.
Buuhoodle ayaa Burco u
dhoollatusa gaadiidka intaa isaga gooshaya ayaa yaab leh, faro iyo noocyaba.
Maanshalla, 8dii bishan
sebt 2000 waxaa Gobollada Puntland ka curtay roobabkii dayrta Puntland waxaa habeennadan
lagu caweeyaa neecow saxansaxo waxaa la joogaa nabd iyo naq-roobaad
HAWLGAL DAWLADDA
HOOSE GAALKACAYO
PUNA-GAALKACAYO
Hawlgal balaaran oo isugu jira
Nadaafadda iyo Burburinta Sandaqadaha sharcidarada ah ayaa si dardari ku jirto uga
bilowday Magaalada Gaalkacayo, hawlgalkani oo ay wado Dawladda Hoose ee Gaalkacayo waxay
ujeedadiisu tahay in dadka sandaqadaha sida sharcidarada
ah u dhigtay Bangiga hore ee
Gaalkacayo hortiisa iyo weliba kuwa loo yaqaano waratada in loo raro Warshadii hore ee
Galayda oo hadda ka hor u calaamideysey Dawladda Hoose ee Gaalkacayo.
Dhanka kale sida uu ii sheegey xoghaya cusub ee Dawladda hoose ee Gaalkacyo mudane C/qaadir Jaamac (AAR) isaga iyo duqa magaalao in ay u ambabixidoonaan maanta magaalada Xarfo (Buuriyoqab) kana soo fulindoonaan hawlgal la mid ah kan Gaalkacayo, kaas oo ay hormood ka ahaayeen Duqa iyo Xoghayaha.
Bashiir
A. Jaamac (Gaalkacayo)
KOOBKA MAALINTA
TALAALKA QARANKA PUNTLAND.
PUNA GAROOWE
12/9/2000
Waxaan lagu qabtay Garoonka Kubada
Cagta ee Mire Awaare Garoowe ciyaar loogu tartamayey Koobka maalinta Talaalka Qaranka
Puntland.
Koobkaas waxaa ku
loolamayey labada Gobol ee Nugaal iyo Bari, labada kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar
heer sare ah waxaana ciyaartii labadii qayboodba ku dhamaatay Eber iyo Eber, halkii markaa
loogu dari lahaa min 30 daqiiqo ayaa waxaa loo dhigay Toogashada Xorta ah ( Rigoore) min
shan Rigoore, sababta looga dhigay waxay ahayd Qoraxdii oo dhacday iyo Garoonka oo aan
lahayn Nalal.
Sidaas darteed ayaa labada Kooxood heshiis ku ahaayeen in
Rigoorayaal lagu kala baxo waxaana ku guulaystay
Gobolka
Nugaal oo isagu dhaliyey 5 Goal, halka Gobolka Bari dhaliyey 4 Goal.
Haddii aynu eegno Innamadii ugu
firfircoonaa xagga Nugaal waxay kala ahaayeen C/kuus 20, Axmed Yare17, Rashiid 2, Hillaal
6, xagga Bari waxaa iyana aad uga muuqday Faadhaa 4, Xabaabulo 15, iyo Dhicis 18.
Waxaa daawashadii ciyaartaas kasoo
qayb-galay Hay'adaha UNICEF, WHO, Xildhibaano, Mas'uuliyiin, Wasaarada Arrimaha Bulshada Qaybta Sportiga iyo
Guddiga Olombikada Puntland ( GOB)