Tirsi 62
21 Sept 2000
Garowe Puntland
Waxaa soo saara 2 jeer usbuuciiWasaaradda Warfaafinta ee Puntland
WAXAAN DALKA GUDIHIISA KA HIRGELIN NEW-YORK KA HIRGELIMAYAAN BOGGA 2AAD
WAXQABADKII WASAARADDA GANACSIGA BOGGA 4AAD
JAGOOYIN MUHIIM AH OO KA BANAAN HAY'ADDA UNESCO-PEER GAROOWE BOGAGA
7AAD IYO 8AAD.
RADIYOW GAALKACAYO 19/9/2000
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa galinkii hore ee 19/9/2000 kula shiray magaalada Gaalkacayo dhammaan masuuliyiinta
iyo waxgaradka Gobolka Mudug.
Waxaa uu kala hadlay xaaladaha
nabadgelyada iyo sidii loo dardar gelin
lahaa dhammaan arrimaha bulshada, sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah
oo ay ka mid yihiin shirkii Jabuuti dhawaan lagu soo gabagabeeyey.
Shirkaas waxaa goobjoog ka ahaa
Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxame Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha
Baarlamaanka Mudane Yuusuf Xaaji Siciid, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dadweynaha
Mudane C/qaadir Islaan Maxamed, Wasiirka Kalluumaysiga , Khayraadka Bada iyo Dekadaha
Mudane Cali Ismaaciil Cabdi (Giir), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Axmed Cabdi
Xaabsade iyo Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Puntland iyo dhammaan
Masuuliyiinta iyo wax garadka Gobolka Mudug.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu isla galabnimadii 19/9/2000 garoonka Kubada cagta ee Gaalkacayo shir kula yeeshay dhammaan shacabka degan Gaalkacayo.
RAADIYOW GAALKACAYO 19 Sept
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga
dadweynaha ee dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/qaadir Islaan Maxamed ayaa kulan kula
yeeshay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacayo, Masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda
hoose.
Duqa Magaalada Gaalkacayo Mudane Xuseen
Jaamac Yabaq oo halkaa hadal dheer ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey mar xaladihii
kala duwanaa oo ay soo martay Dawlada Hoose Mudadii ay shaqaynaysay, Duqa waxa uu sheegay
in Dawladda Hoose ay shaqada ka bilowday meel maran iyadoo aysan helin wax nidaamsan oo la
raaco.
Duqa Magaalada Gaalkacayo waxa uu
sheegay in Dawladda Hoose ay shaqaynayso mar uu ka hadlaayey dhinaca nadaacada in dowladda
hoose ee magaalada Gaalkcayo ay ka qaaday 750 kaariko oo qashin ah kuwaasoo dhibaato
farabadan ku hayey bilicda Magaalada Gaalkacayo. Sidoo kale waxa uu sheegay in 195 ka mid
ah guryihii dawladda ay dawladda hoose ay ku soo celisay gacanta dawladda.
Waxa kale oo uu sheegay in dawladda Hoose ee Gaalkacyo ay wax ka qabatay Suuqa, isla markaasna la doonayo in la dejiyo dad iyaga ku ganacsada ama ku ganacsan jiray meelihii hore looga dumiyey, Duqa ka dib waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md. C/qaadir Islaan Max'ed oo ka mahad celiyey hawlaha balaaran oo ay dawladda hoose ee Gaalkacayo qabatay, waxa uuna sheegay in waxa loo adeegayo ay tahay Bulshada, sidaas daraadeedna ay tahay in loo adeego Bulshada kala duwan ee ku dhaqan Gaalkacayo si daacad nimo ah iyo karti ay ku jirto, isla markaasna eexda laga fogaado, mar uu ka hadlaayey dhinaca Amniga waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qayb libaax laga qaato sidii loo sugi lahaa Amniga Magaalada Gaalkacayo.
(Agaasimaha Guud ee
Xiriirka dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga).
Agaasimaha Guud ee
Xiriirka dibedda iyo iskaashiga caalamiga Mudane Axmed Maxamed Cigaal ayaa wax laga
weydiiyey arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay waxqabadka Agaasinka uu
Madaxdda ka yahay iyo
arragtida Puntland ee Carta iyo siday ay caalamka iyo dowladaha Puntland saaxiibada yihiin ay uga dhaadhiciyeen.
Agaasimaha oo
warbixintiisa ku bilaabay howlqabadka iyo Agaasinkiisa ayaa sheegay in howlahoodu ay tahay
wax muuqda, Bulshaduna ay wada ogtahay iyo in shirar badan ay ka qaybgaleen dawlado badana
saaxiibanahay sida Masar, Liibiya, Imaraadka Carabta, Yemen, Jabuuti, Itobiya, Kenya,
Maleeshiya, Ingiriiska iyo kuwo kale oo danta Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya aanu ka
wada hadalnay.
Mar kale oo Agaasimuhu
Carabaabay in dalka gudihiisa ay ka sameeyeen xiriiro kaasoo ay ka dhalatay Ururkii SPA ka
dib markii shir lagu qabtay Garoowe iyo in xiriiro lala sameeyey Somaliland iyo Kooxaha
Muqdisho, danta iyo ujeedada ka dambeysana ay tahay in la helo dawlad soomaaliyeed oo loo
dhan yahay.
Shirka Jabuuti wuxuu Mr.
Cigaal sheegay in Puntland ay kaalin muhiim ah ka ciyaartay abaabulkiisii, gacan weyn-na
ay ka gaysatay ilaa afar jeerna wufuud loo diray, wixii talooyin ay u arkeen danta
soomaaliyeedna ay ka gaysteen, si uusan u noqon mid burbura.
Nasiibdarose Jabuuti ayaa ka leexatay wadadii shirkaasi ku suura geli lahaa, ugu dambayntiina Wafti heer Madaxweyne ku xigeen u dirnay si aanu u badbaadino taasina waxba kama suuragelin.
Shirka ka dhacay Carta oo lagu doortay Baarlamaanka iyo Madaxweyne in uu ahaa shir aan ansax ahayn sababtoo ah buu yiri, Ergadii ka qaybgashay ma ahayn kuwo la dirsaday ama lagu soo doortay si sharci ah, aduunkuna waa uu ogyahay in Puntland iyo Somaliland iyo Kooxaha Muqdisho aysan ka soo qaybgelin haddii ay waftiyo diraan iyo haddii ay halkooda joogaanba wax aan Soomaaliya ka suuroobin, New-York, Washington, London, iyo Paris kama suuroobayaan.
Maalintii talaadada ee bishan sept. ay ahayd 12, kuna beegnayd
14/04/1421 H. saacaddu markay ahayd 10:00 subaxnnimo ayaa hoolka shirarka ee xarunta
Gobolka Nugaal, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee D.G.Puntland mudane C/qaadir Islaan Maxamed,
wuxuu kula shiray Haweenka Magaala-Madaxda Puntland ee Garoowe.
Bilowgii Wasiirku wuxuu haweenka uga mahadceliyay sida wanaagsan
ee buuxda ee ay shirka uga soo qaybgaleen.
Waxaa kalae wasiirku sheegay waxaa hadda Soomaaliya ka socdaa
inay ku qormiddoonaan taariikhda sidaa darteedna ay lagama maarmaan in dhammaan
reer Puntland ku mintidaan daafaca sharaftooda iyo horumarinta Puntland Wasiirku wuxuu ka
hadlay dadka reer Puntland.
Wuxuu sheegay in nabadda iyo xassilloonidu halbowle u yihiin
horumarka Puntland.
Wuxuu Wasiirku tilmaamay horumarka
Magaalada Garoowe ay gaartay muddadii labada sano ee D.G. Puntland ay jirtay, wuxuu
sheegay inay waajib tahay in horumarka
la qadderiyo lana sii kobciyo.
Wuxuu tilmaamay in haweenku iyagu
yihiin cidda cidwaliba wax u sheegikarta sababta oo ah iyaga ayaa cid waliba ku soo
hoyataa ayuu yiri
wasiirku wuxuu hadalkiisii ku khatimay in marka somaliya isu-
Dhinaca haweenka shirka ka soo qaybgalay, waxaa ka hadlay:-
Maryan Maxamuud Cumar (Ilka Cas), xalimo Cali Biyood, Canab Cilimi Xirsi iyo Shariifo
Cabdulqaadir Warsame, oo dhammaantood soo dhoweeyey shirka loogu yeeray iyo hadalka
Wasiirka, dhammaantoodna taataabtay qodobbo muhiim ah, sheegayna in haweenka Gobolku si
buuxda diyaar ugu yihiin horumarinta Gobolka, bixinta Cashuuraha iyo u feejignaanta
nabadda iyo xassilloonida.
Waxaa kale oo shirkaas ka soo qaybgalay Wasiir ku-xigeenka
Wasaaraddaas Mudane Axmed Aadan Carab, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Mudane C/laahi Xasan
Faarax (Baassaweyne), Labada Guddoomiye ku-xgeen ee Gobolka Mudane Inj. C/qaadir Cismaan
Ciise iyo cabdi Saleebaan Cali.
Shirkaas waxaa lagu faataxaystay ballan qaad lagu ballamay howlgal, wadajir iyo isgarabs, dadaal hoggaaminayo.
INA SALAAD-BOY OO KU
FASHILMAY DIPLOMAT UU BEDDEL-KU-QORAY
Qaahira
Jahooyin Private ah:-
Jahooyin
Private ah oo ka soo xigtay xubno Jaamacadda Carabta ku dhow-dhow, ayaa waxay warsidaha u
soo sheegeen inuu ina Salaad-Boy, Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Mudane
Cismat Cabdul Majiid u qoray warqad uu ku sheegayo inuu ninkii Soomaaliya
Jaamacadda
Carabta u fadiyey ku badaley nin cusub oo magaciisa la yiraahdo Sheekh Maxamed Cali,
isagoo ninkii hore ku eedeeyay inuu si hoos-hoos ah u manjaxaabiyay codsi qoraal ah oo uu
u gudbiyey Golaha Joogtada ah ee Jaamacadda
. Waxaa la sheegey in gudoomiyaha
Jaamacadda bakhti ka dhigay warqadii sheegaysay beddelka Diplomat-ka
.
JANARAAL GALAAL
KABTAN AYAA ISKU TAAGAY
MUQDISHO:-
Waxaa Warsidaha xiriir Muqdisho looga
soo tebiyay sheegayaa in howshii Janaraal Galaal gacanta ku hayay oo ahayd ciidammo uu
muqdisho ka ururinayo, uu si kulul ugaga horyimid nin dhallinyaro ah oo ay
isaga isku jilib yihiin oo magiciisa la yiraahdo Salaad Cali Mire laguna naanayso
Indha-gorayo, sitana derejo uu ku gaaray howlaha malleeyshiyada.
Waxaa la sheegay inuu ka hor yimid markii ay u muuqatay inuu
Janaraal Galaal soocayo ciidammo Jilib u badan, isagoo yiri:-
Dhallinyaradayada ayuu u soocanayaa inuu
ka dhigto ciidan u gaar ah qabaailka Soomaaliyeed oo dhan ku waajaho.
Warku wuxuu soo sheegay in kabtan
Malleeyshiyahaasu ku guuleystay in uu dhallinyaro badan ka
saaro ciidankaas Galaal
ururinayay, isagoo Khatar farta ugu fiiqaya.
WAX-QABADKII
WASAARADDA GANACSIGA IYO WERSHADAHA.
Wasaaraddu labadii sano ee
Dawlad-Goboleedka Puntland jirtay ma ay helin adeegyadii ay ugu baahnayd howlfulinteeda,
arrintaas oo dhalisay in howlo badan lagu fuliyo iskaa wax-u-qabso.
1. DIYAARINTA
XARUNTA WAS-AARADDA:-
Wasaaradda waxay ku guuleysatay inay
xaruntii hore ee tarraqa iyo Sigaarka ee Garoowe ka banneyso dadkii shacbiga ahaaa sida
sharci-darrada ah u degey ka dibna ay dayactirto, xafiisyo badanna uga qalabayso
Wasaaradda, halkaas oo hadda ah xarunta Wasaaradda ee Garoowe.
2. DIYAARINTA
SHURUUCDA SHAQADA WASAARADDA:-
wasaaraddu waxay diyaarisay shuruucdii
shaqada Wasaaradda kuwaasoo ay ka mid yihiin:-
B-
Sharciga Rugta Ganacsiga.
T- Sharciyada lambar 204 iyo 203 oo ku
kala saabsan.
J-
Sharciga adeegyada Ganacsiga sida laysammada Guud ee ganacsiga (Trade licences),
laysanka dhoofinta iyo soo dejinta iyo qaababka la xiriira.
3. HORUMARINTA
RUGTA GANACSIGA:-
wasaaraddu waxay dib-u-dhistay Rugtii Ganacsiga oo maanta si
waafaqsan shuruucda ula howlgelaysa ganacsata, Warshedaha, beeralayda, Xoolalayda, iyo
kalluumeysata.
Wasaaraddu waxay gudagashay diyaarinta
xarumaha Rugta Ganacsiga ee Gobollada D.G.Puntland.
Waxaa kale oo Wasaaraddu tallaabooyin
muhim ah ka qaadday sidii
Rugta Ganacsiga ee D.G Puntland ula
howlgeli lahayd rugaha Ganacsiga Carbeed iyo kuwa kale adduunweynaha, arrintaasoo fududaynaysa
shaqada Bangiyada D.G. Puntland iyo nidaamka Caymiska Puntland isla markaasna horseedaysa
in ganacsiga Puntland noqdo ganacsi casriyaysan.
4. URURINTA XOGTA
RUNTA AH.
Wasaaraddu
iyadoo shaqaalaheedu yaryahay, waxay ku guuleysatay inay ururiso xogta runta ah ee
lagamamaarmaanka u ah shaqada iyo howlfulinta Wasaaradda (NecessaryStatistics) taasoo
muukinaysa tiro koobka badeecadaha dhoofa iyo kuwa soo dega si dalku u yeesho dhaqaale
dheellitiran.
WAX-QABADKII TALISKA
CIIDANKA DARAAWIISHTA DGPUNTLAND.
1.
Waxaa Ciidanka Daraawiishta
DGPuntland sugay nabad-galyada Gobolada iyo Degmooyinka DGPL.
2.
Wuxuu ciidanka Daraawiishta kala
badbaadiyay, Beelo dagaalamay sida (Degaanka yaka Beelihii ku dagaalamay).
3.
Wuxuu ciidanka Daraawiishtu ka difaacay
Deegaanka Puntland, Cadawga Dibada ka imaanayey sida (Hawlgaladii lagu horjoogsaday ama
lagaga horagay Masuuliyiintii sare ee Soomaali-Land), ee soo gashay Gobolada Sanaag iyo Sool
hawl galadaas oo xubna Ciidanka ka mid ahi (ku dhinteen kuna dhawaacmeen).
4.
Wuxuu kaloo Ciidanka Daraawiishta
DGPL ka qayb qaatay Canshuur ururinta Gobolada iyo Degmooyinka
DGPL sida (Mudug, Nugaal, Bari Buuhoodle iyo meelo ka mid ah
Gobolka Sanaag).
5. Wuxuu Ciidanka Daraawiishta DGPL door wayn ka qaatay ka
hortaga xaalunfinta iyo nabaad guurka.
6. Waxaa ciidanka Daraawiishta hawla ka
qabteen joojinta Dhuxul shidida jarida Dhirta iyo Cawska ilaa iyo hada waxaa socda hawlgal
culus oo lugula dagaalamayo shidida dhuxusha uu ka socdaa Gobolka Sanaag, hawl galkaas oo
xubna kamida Ciidanka Daraawiishta oo saraakiil ka mid tahay lagu dhaawacay.
Sidaad ka warqabtaan waxaa cidiidanka
Daraawiishtu guulo lataaban karo ka soo hoyiyaay, ilaalinta Xeebaha DGPL hawlgalkaas oo
aan mahad wayn uga celinayno ALLAHA WAYN, ilaaha ka sokow (Hart Group) oo gacan buuxda
naga siisay sidii looga sifeyn lahaa, Xeebaha Puntland, maraakiibta & Doonyaha sida
sharci darrada ah uga faaiideysan jirey Xeebaha.
Daraawiishtu waxay kaloo wax ka qabatay
Ugaarta, Shimbiraha, Habar Duqaaga iyo Xoolaha Dhediga ah, ee sida sharci darrada ah Dalka
looga dhoofiyo.
Waxay Ciidanka Daraawiishta Gacan
buuxda siiyaan Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka DGPuntland.
Markii Dugsiga Tababarka Ciidanka
Daraawiishta la xirey ka dib, ciidanka Daraawiishtu waxay adeegoodii ka dayactireen (12
Xafiis) iyo Matoor weyn ee Korontada Xerada.
Waxaa qalab isgaarsiineed oo aan horey
u jirin loo iibiyey Ciidammada (Bari, Mudug,
Sanaag).
Waxaa la fuliyay (Shan koorso) oo lagu tababarayo Saraakiisha iyo
Saraakiisha hoose ee ka tirsan Ciidanka Bol-Darka.
Waxaa la daabacay Dukumiintiga Ciidanka Daraawiishta ee
Tababarka, oo ka kooban (Diritiifada Sanadka wax-barashada, buuga barnaamijka, Xeerka,
Tabta Dagaalka iyo buuga Xeerka Dishibiliinka Ciidanka Daraawiishta Dawlad Goboleedka
Puntland.
(C/casiis Shire
Samatar)
Waxaan Weriye ka tirsan
Warsidaha Puntland "Faarax
k.k" 15.09.00. u suuro gashay in uu waraysi la yeesho C/casis Shire
Samatar oo ah la taliyaha Guddiga Olombigga Soomaaliyeed GOS qaybta Puntland oo ka soo
laabtay Muqdisho.
C/casis Shire Samatar oo ahaa xilligii Dawladdu jirtay ciyaar yahan ciyaaraha fudud uga ciyaari jiray naadiga ganacsiga orodka 5000m iyo 1500m waxaa la oran karaa inuu yahay maskaxdii ka dambaysay tartakii (17aad ee ciyaarhii Gobolade ee ka dhacay Sanadkaan horraantiisii Garowe.
Suaasha ugu horreysa ee uu waydinay waxay ahayd:-
W/PL:- Sida ay
ugu dhalatay in tartaanka 17aad ee ciyaaraha Gobolada lagu qabto goboladan iyo
qabnqaabadii ay u soo galeen.
C/casiis:-walaal waad
mahadsan tahay, horta wax walba oo qofku ku fikiro haddii u dadaalo inuu ka guulgaani
karo, Runtii waxaa jidhay in guddiga Olombiggu ay ku ekaayeen Magaalada Muqdhisho keliya,
Anigana ay igu dhalatay in goboldada Puntland lagu qabto tartankii ciyaaraha Gobolada
maadaame aan todan sano la qaban. Sidaas ayaa waxaa iigu suuro gashay inaa la kulmo
Guddiga Olombigga Soomaaliyeed, isla markaana aan Servey ku soo samayno
Gobolada Puntland iyadoo Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yusuf uu suuro geliyey ciyaarahaasi
gobolada, oo hadii uusan isagu suuro gelin ay san suuro galeen.
Marka
sababtii ugu dhaliyey waxay ahayd bal in la ogaado in goboladayda ay joogaan dhallin yaro Soomaaliyeed, isla
markaana laga heli karo rag xul qaran ah oo matala dalka Soomaaliya marka sidaas iyo
arrimo faro badan oo goboladu qaabkii ay isboortiga u baran lshaayeen ama dadkii u fahmi
lahayeen ayaa igu keliftay in aan Arrinkaas
qabto.
W/PL:- Qaban
qaabadii iyo qaabkii aad hawshaan u gudo gasheen maxaad iyadana nooga sheegi kartaa?
C/casiis:- Runti markii
hore halkaan waxaa nimid aniga iyo nin kale oo oday ah , iyadoo markaasi aan u diyaarinay
ciyaartoy ciyaaraha fudud ah, waxaana qabanay tartan ciyaaraha fudud oo lagu magacaabo "Puntland Cross Country" oo aan u qabaney
saddexda gobol ee Nugaal, Mudug iyo Bari isla markaasna aan waraysanay Guddiyadii waxa ay
ka qabaan gudddiga Olombikada, Cajalad baana ku diyaarinay ciyaarihii aan qabanay, waxaana
hor dhignay guddiga Olombigga, waxayna iyaguna u
direen Guddoomiyaha Guddiga Olombiga Soomaaliyeed
Faarax
Caddow weheliye (Sendiko) oo isaguna
jooga magaalada Qaahira, kabib aniga iyo Abkow oo ah Guddoomiye Ku xigeenka 2aad
ee GOS. Ayaan u nimid inaan halkaan Servey ku samayno, waxaana la kulanay madaxdii
sar-sare ee Puntland, Runtiina aad bay noogu fududeeyeen. Waadna garaynaysaa wixii ka
dhacay iyo guushii laga gaaray ilaa hadana caalamka aad iyo aad baa arrin kaa isaga ah
looga xusaa.
W/PL:- Waxaad ka
timid Xamar howsha aad halkaa u timid maxaa ka mid ah?
C/casiis:- Maaddaama
tartankii 17aad ee ciyaaraha gobolada dhamaadey halkaana aan in muddo ah la iman, Horeyna
uusan u joogin Wasiir Arrimaha Isboortiga, ama ku xigeenkiisa, Hadda Ilaahay mahadii waxaa
jooga wasiirkii iyo ku xigenkiisii, marka waxaan door bidaynaa inaan la kulanno maamulka
cusub 14.09.00. Waxaan la kulanay wasiir ku xigeenka Arr. Bulshada,16-kana oo Sabtida ah
waxaa balan sannahay inaa la kulano wasiirka Waxaana
aan kala hadli doonaa qaabkii markale loo kicin lahaa Isboortiga.
W/PL:- Waxaa jiray tartan daba socday kii halkaan lagu qabtey
oo isna lagu qaban lahaa marka, waqtigii loo qabtay waa lasoo dhaafey. Maxaad kaas ka oran
kartaa? Rajo intee leeg baana laga leeyahay in uu qabsoomo?
C/casiis:-Walaahi hota
waad garan kartaa goboladaas oo waxaa ka daa roobab aad iyo aad u faro badan waxaana
jirta in garoonkii in dildillaaciyay
Roobkaan marka haddii aan garoonka la dhisin wax suura galaya ma jiraan, marka roobabkaas
ayaa ciyaaraha dib u dhigay, laakiin mustaqbalka waxaa lagu ballamay in la qaban doono
haddii Alle idmo.
WPL:- Marka in lagu qabto miyaa la rajaynayaa?
C/casiis:- Sida lagu
ballamay haddii garoonka la dhiso Marka ayaa la rajaynayaa, balse muddo la qabtay iyo
waqti la ballamay toona ma jirto.
WPL:- Waxaa jira
tartan ka Olambigga adduunka oo ka socda magaalada Sidnay ee dalka Australia qayb intee
leeg ayaad jeceshihiin inaad ka qaadataan GOS ahaan?
C/casiis:- Horta sidni
waxaa la iskuxiray saacado ama (Records) waxaa la yiraahda, caalamka waxaa u yaal Record,
marka ciyaartoyda tusaale ahaan ka qayb galaysa 1500m oo kala waxaa lagu xulay saacad oo
waxa la yiri ninkaasi hadddi in sameeyo 3.36-3.40 wuxuu ka qaybgalayaa sidni, wixii ka
sarreeysa suurta gal ayey noqonweysay, iyadoo taasi ay jirto doodo badan iyo dacwado tiro
badan laga galay, marka sida aan rajaynayno inay ka qayb gelidoonaan wiil iyo gabar jooga
Muqdisho oo wiilku u dhashay Gobolka Bay uuna hoggaamindoono Xoghayaha Olombigga
Soomaaliyeed Mr Tarabi waxaan raacidoona Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha
fudud, Maraykankana waxaa ka imaandoona yar la yiraahdo Jaamac karaacin oo isagana
Jaamacad ka dhigta Maraykanka inan Jooga
holan, mid kale oo jooga Australia mid kale oo jooga Dubai iyo tababare iyo Faarax Wehliyo
Cadaw (Sandiko) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Olombiga Soomaaliyeed, intaas ayaan rajaynaynaa
in ay ka qaybgalaan Ciyaaraha ka dhacaya Sidney ee dalka Australia.
.
CARTA-KU XADGUDUB
XUQUUDA AADAMIGA
Qeybtii 2aad. Dr.Maxamuud Cali Yuusuf-(Gaagaale)
Si kastaba
arintu ha ahaatee dadka isugu tegay Carta yaa wakiishey ? Ciddee ayay doorteen?!! Iyaga
ayaa is dootey
yaa rabitaankooda hogaaninaya ??!! Dawladda Jabbuut
yaa lahaa
qorshaha meesha lagu fulinayay ??!! Dowlado kale oo agnebiah
. Ismaaciil Cusmar
Geele iyo kooxahaas gacansaar ka ay leeyihiin waxan ku guuleysteen inay qorshahoodii ahaa
inay Cabdi-qasim Salaad caalamka ugu muujiyaan inuu yahay Madaxweyn Soomaaliyeed
.
Hase yeeshee, kuma ay xisaabtamin in dadweynihii Soomaaliyeed oo ay xuquuqdoodii
siyaasadeed ufsadeen iyo caalamkaba ay la socdaan qorshaha iyo aragtida danbe ee
Ismaaciil iyo xulafadiisa ka leeyihiin shir ka Carta taas oo ah:-
1.
In la
burburiyo maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
2.
In
Soomaaliya laga dhigo Afgaanistaantii 2aad.
3.
In la
dowladeeyo beel ka mid ah beelaha Soomaliyeed, kuwa kalena la amuquuniyo.
Qorshahaas ,
Waxaa loogu talo-galey in uu fuliyo C/qaasim oo ah ninka soo socdo:-
1.
Mid ka mid
ah ragii ugu dhawaa Maxamad Siyaad Bare.
2.
Wuxuu
Wasiir ka oo noqdey sagaal wasaaradood.
3.
Markii ugu
danbeysey wuxuu ahaa ku xigeenka Wasiirka 1aad iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladii
Maxamed Siyaad Bare.
4.
Saddex jeer
ayuu Maxamed Siyaad Bare ka qaatey magtii aabihii.
5.
Markii uu
ahaa Wasiirka Tacliinta Sare, Wuxuu Jaamacaddii Ummadda ka eryey afar hormuud oo Daarood
ah; Kuna beddeley kuwo ka tirsan beesha
Hawiye, isagoo u adeegsaday summaddii ahayd:- waa kacaandiid iyo waa Mahbar, wuxuu waxbarasho dibadda ah ka mamnuucay
ardada ku abtirsata beelaha Darod qaar ka mid ah.
6.
wuxuu ahaa
ninkii kula taliyay maxed siyaad barre in la burburiyo barkadihii mudug iyo nugaal .
7.
wuxuu
leeyahay dhowr shaar o o uu hadba mid gashado.
8.
wuxuu
aaminaahadba aydoloojiyad cusub.
9.
wuxuu ahaa
raggii ugu firfircoonaa hanti wadaaga ,kadibna USC,ugu danbeyntiina wuxuu awood ka
raadsaday kooxaha maxkamadaha islaamiga ah,waaana midda iska heleen ismaaciil cumar geele
.
10 wuxuu ka
mid ahaa 5tii nin ee qortay falsafadii ay ku dagaalgashay USC ee ku wajahnayd xasuuqa
daaeood iyo gumaysigiisa oo uu ill hada aaminsanyahay.
Hadaba ninka noocaas ah ayaa doonaya in
uu madaxwayne u noqdo,isuna keeno Soomaaliya waa mid aan loo fadhiyinwalee sidaan
kuu ogahay ninkii kuu ogi kuma aaminee ubo wayso waan
kugu arkaa
agab salaadeed ashahaado beenlaw maxaa aafo kugu
aasan
HADDII PUNTLAND GEEL
NOQOTO!
1.
Nin Geela
aad u jecel ayaan ku iri- hebelow haddii Puntland ilaahay geel kaaga dhigo maxaad ugu
heesi-lahayd???
2.
Wuxuu yiri
heesaha soo socda:-
3.
waa tanoo
timi, waana teennii waana tubantahay.
4.
ninna
dhalashuu kuugu dhiidhiyay oo kuugu dhabar jabay, inna dhuunibuu kuu dhexjoogaa!!!
5.
Jeeruu naga
dugo, dubaaqiyo dakhar, wixii nagu dega, waa u dulleenahay.
6.
Maxaa
debeceey!!! Diraaca kulul
ninka doorihi
kuugu diriraa!!!
7.
Sagaal
dooboo, diillinweynbaa laysu daba dhigay
ay dar-madhan tahay.
8.
Rubbooy
reentaye oo rafaaddaye
show rag-xumidaa.
9.
darku kaa
maray waa dad nool waa
oo dib ha u helin