Tirsi 63
25 Sept 2000
Garowe Puntland
Waxaa soo saara 2 jeer usbuuciiWasaaradda Warfaafinta ee Puntland
MADAXWEYNAHA
DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO BOOQANAAYA GAALKACAYO BOGGA 2AAD
MADAXWEYNE KU XIGEENKA
DAWLAD GOBOLEEDKA PUTLAND OO BOOQASHO RASMI AH KU TEGI DOONA DALKA THAILAND BOGGA 8AAD
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA
OO FURAY XARUN URUR HAWEEN OO CUSUB BOGGA
3AAD
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA
NUGAAL OO KA QAYBGALAY SHIR LAGU QABTAY ISBITAALKA GAROOWE
BOGGA 7AAD
SHIR LAGA HADLAAYEY
MASHAARIICDA HORUMARINTA DAWLAD GOBOLEED PUNTLAND BOGGA 7AAD
TAAYADA (EDITORIAL) BOGGA
6AAD
AFKEENU
WAA ISU AMMAAN BOGGA 6AAD.
MADAXWEYNAHA
DGPL OO ISKU SHAANDHEEYEY GOLIHII WASIIRADA
Sida
uu fax nagu soo gaarsiiyay weriyahayaga noo jooga Magaalada Gaalkacyo Bashiir A. Jaamac,
Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo jooga magaalada Gaalkacyo tan iyo ka soo
noqoshadiisii Dalka Kenya oo uu ku tagay Arrimo caafimaad, ayaa soo saaray wareegto uu
isku shaandhaynayo Golaha wasiirada ee DGPL 21/09/00, wareegtaduna waxay u qornayd sidan:-
Madaxweynaha Puntland markii uu arkay Axdiga ku meel
gaarka ah ee Dawladda Puntland, markuu la tashaday Madaxweyne ku xigeenka Dawladda, markii
uu arkay baaqyadii qoraaladii ka soo baxay shirweynihii lagu dhisay Dawladda Puntland,
markii uu tixgeliyay duruufaha siyaasadeed ee Soomaaliya maanta guud ahaan iyo tan
Puntland gaar ahaan. Wuxuu u magacaabay:-
2.
Md. Max'ed Xaaji Aadan Wasiirka
Xanaanada Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka.
3.
Md. Yaasiin Faarax Cartan Wasiirka Caddaaladda iyo Arr. Diinta.
4.
Md. Max'ed Xassan Nuur Wasiirka
Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorsheynta.
5.
Md. Axmed Max'ed Cigaal Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
6.
Md. Max'ud Caynab Max'ed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Iskaashiga
Caalamiga ah iyo Qorsheynta.
]
Waxaa la dhisay Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga ah & Qorsheynta.
]
waxaa la kala saarayBangiga iyo Qorsheynta.
Waxaana Wareegtadaasi ku Saxiixnaa Madaxwey-naha
Dawladda Puntland Md. C/laahi Yuusuf Axmed.
Sida wareegtada Madaxweynaha ka muuqata waxaa
xilalkoodii waayey
2.
Wasiirkii Warfaafinta Dh, iyo Isgaarsiinta
Md Cawad Axmed Casharo.
3.
Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta
Sh.Cali-Nuur Axmed Aw-Muuse.
MADAXWEYNAHA
DGPL OO BOOQANAYA GAALKACYO.
Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf oo kormeer hawleed
u jooga Magaalada Gaalkacayo tan iyo intii uu ka soo noqday Dalka Kenya ayaa booqasho
hawleed ku maraya Xarumaha Dawladda iyo kuwa bulshadaba ee Magaalada Gaalkacayo, waxuuna
kulama kala gooni gooni ah la yeeshey mas'uuliyiinta iyo wax garadka gobolka Mudug,
Mas'uuliyiinta iyo wax garadka USC-SNA ee gobolka Mudug, ururka haweenka ee gobolka Mudug
iyo Odayada iyo Ganacsatada Gobolka Mudug.
Madaxweynuhu wuxuu uga warra-may dhammaan
mas'uuliyiintaas marxaladda uu haatan dalku ku sugan yahay, gaar ahaan dhinaca Siyaasadda
dhawaan ka soo kordhay shirkii dhawaan lagu qabtay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti, kaasoo
uu ku sheegay inuu yahay shirqool Soomalida lagu dagayo.
Waxa kale oo uu madaxeweynuhu
sheegay in uu dhammaan dalka oo dhan mari doono ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo looga
hor tagayo dhagarta kooxaha ismagacaabay, kulamadaasna dhammaantood waxay ahaayeen kuwo
najaxay.
Madaxweynuhu wuxuu ilaa iyo hadda booqday Goobo badan oo
ay ka mid yihiin Xarumaha Waxbarashada sida Dugsiga Ummadda Dugsiga hoos dhexe ee C/laahi
Binu Cabaas, xaruunta ciidanka Daraawiishta, xaruunta maamulka gobolka Mudug iyo goobo
kale.
Madaxweynaha goob kasta oo uu tago waxaa warbixino ku
siinayey maamulka iyo mas'uuliyiinta goobahaasi waxana ka waramayeen waxqabad kooda iyo
baahiyaha ka jira goobahaasi iyo heerar kii kala duwanaa ee ay soo mareen.
WAX QABADKII WASAARADDA KALUUMEYSIGA DAKADAHA IYO GAADIIDKA BADDA.
Wasaaradani
wax ka kooban tahay labo qeybood oo kala ah:-
1.
Qaybta Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda
2.
Qaybta
Kalluumaysiga.
Qaybta
Dekeddaha iyo Gaadiidka Baddaha
Qaybta dekeddah waxaa laga qabtay hawlo maadi ah
iyo kuwo macnawi ah.
Maadiga
Dayactirka
fudud ee ay wasaaraddu qabatay
SN |
Nooca
Shaqadda |
Lacagya
US$ |
1 |
Laba
alabaab ee gelidda iyo bixidda iridda dekedda |
4,320 |
2 |
Bedelaada
siliga deyrka dekedda |
4,100 |
3 |
Dayactirka
xafiiska iridda ee Booliiska |
600 |
4 |
Bedelaada
Dhamaan nalalka nabadgelyadda dekeda |
2.700 |
5 |
Lacagta
dayactirka iyo shaqadda gacanta ee matoorka |
2,150 |
6 |
Soo
gadida hal baabuur |
6,300 |
7 |
Qalabaynta
gurig Degaanka |
900 |
8 |
Qalabaynta
xafiis |
180 |
9 |
Tabeelaha
Magaca Wasaaradda |
250 |
10 |
Labo
albaab oo bira |
160 |
|
Isugeyta
Kharashka |
21,660 |
Qaybta
Dayactirka Culus.
SN |
Nooca
(Description) |
US$ |
1 |
Dredging
|
200,000 |
2 |
Warehouse |
224,000 |
3 |
Port
Pluvial Drainage Channel |
8,860 |
4 |
Quay
head steel angle plate |
5,000 |
5 |
Electrified
and rebuilding of seaport admin-building |
11,225 |
6 |
Navigation
Aid |
|
7 |
Handle
Equipment |
|
8 |
Fire-fighting
Equipment |
|
9 |
First
Aid Post and ETC |
|
Waxaa
dhamaan naqshadayn iyo qiimayn lagu sameeyey dayactirka culus oo aysan wasaaraddu dhaqaale
ahaan iyo farsamo ahaan midna wax uga qaban Karin, waxaana ka mid ah:
Naqshadaynta
iyo qiimaynta kharash badan ayaa ku baxay waxaana bixisay hay'adda UNCTAD
Dekhligii
soo xereysay Wasaaraddu Qaybteeda Dekeddaha.
Maamulka
WKD/GB waxaan gacanta ku hayey muddo 10 bilood ah waxaana la sameeyey qaab maamuleed
hagaagsan oo la xiriirta habka dekhli xareynta waana sida:
Sanadkii 1999 Aug-to Dec.
299,274 US$
Sanadkii
2000, Jan-May, 342,944 US$ Aug-Dec. 99 upto Jan-May 2000 calcelis ahaan 642,22 US$
Taageeradda
Maadiga
Wasaaraddu
waxay heshay taageero maadi ah waxaana ka mid ah:
1.
Taageero
lacageed oo dhan US$ 800,000 (Sideed Boqol oo kun oo Doolar ah) oo ay kala bixiyeen
dawladda Talyaaniga oo bixisay US$ 500,000 (Shanboqol oo kun) iyo hay'adda USAID oo
bixisay US$300,000 (Sadex Boqol oo kun oo doolar), lacagtaas oo wax looga qabanayo 9ka
mashruuc ee naqshadda iyo qiimaynta lagu sameeyey ee dekedda Boosaso. Dawladda Puntland
waxay uga qaybgashay mashaariicdaas US$ 50,000 (Konton kun oo doolar), waxaa kaloo caawimo
loo helay qalab kala duwan ee xafiisyadda Wasaaradda iyo Dugsiga tababarka dekedda oo
qiimahoodu dhan yahay US$ 34,000 (Sodon iyo afar kun oo doolar) waxaa kaloo ka mid ah
taageeradda maddiga kharashka dugsiga dekedda oo bishii gaaraya 30,000 (Sodon kun oo
doolar).
1.
Waxaa
gacanta lagu hayaa dugsiga xarunta tababarka dekedda oo ay wax ku bartaan 150 arday oo
kuwii ugu horeeyey shahaado 4 sano ah ka qaateen kana kooban shaqaalha dekeddan iyo
bulshadda dugsigaas oo laga barto maadooyinka maamulka iyo maaraynta sida: Management
Priinciples,Financial Accounting 1, Cost Accounting, Management Accounting , Business
Mathematics and Statistics, Basic Economics and Business Law, Dugsiga waxaa kaloo lagu
kordhiyey qayb kumbuyuutar oo labilaabi doono bisha September ee sanadkan 2000, waxaa
kaloo u qorshaysan in lagu kordhiyo qaybaha farsamadda ee alwaxdda, biraha iyo korontadda,
Siminaarka
Shaqaalah
SN |
Cida
la tababary |
Nooca tababarak/ Aqoon isweydaarsiga ( Workshop) |
1 |
Qaybta
Dekedda |
Habka
maamul ee diyaarinta xisaab |
2 |
Madax sare iyo madaxa
dhexe oo ka socda Was. Kall iyo Was. Maaliyadda |
Doorka ay mdaxdu ka
qaadan karaan Tayadda iyo wax soo saarka shaqadda |
3 |
Tiriyeyaasha Dekeda |
Habka loo tiriyo Badeecad
Exp & Import |
4 |
Madaxa Tirakoobka |
Habka loo soo ururiyo
loogu abtiriyo loona soo bandhigo warbixinta tira koobka ee ah bilaha, sadexbiloodlaha iyo
Sanadlaha |
5 |
Shaqaalaha Qaybta
Hawlgalka |
Hawlgalka
Markabka |
6 |
Madax qaybeedyo iyo
macalimiinta iskuulka Dekedda |
Tababarka Tababarayaasha |
7 |
Kormeeraha Matoorka iyo
korontayqaanadda Dekedda |
Asaaska hoose ee sida loo
dayactiro korontadda iyo habka korontadda loo qaybiyo |
INA SALAAD-BOOY OO
KA GAABSADAY ARRINTA ARIGA SUCUUDIGU XAYIRAY
Nin ka mid ah xubnaha wefdiga la wareegaya C/qaasim Salaad-Booy,
horena u ahaan jiray Qunsul nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, una dhashay Gobolkaas
Tog-dheer, ayaa sida la soo sheegay (Burco Isgaarsiinta Gobolada) ayaa Xoolo-dhoofiyayaal
reer Burco ahi, Telephone ku weydiiyeen:- in Wefdigoodu Dawladda Sucuudiga kala hadlay
arrinta ariga Sucuudiga xayiray iyo in kale?
Ninkaas hore diblomat-ka u
ahaan-jiray wuxuu Ganacsatadaas u sheegay inaan wefdigoodu arintaas kala hadlin
Mas'uuliyiintii Sucuudiga ee ay la kulmeen (oo uu ugu sareeyay Amiirka Manddiqadda
Riyad)
Markii la weydiiyay sababtana, wuxuu sheegay in Joojintu soo baxday intii
mas'uuliyiinta ay kulmeen ka dib
GARAAD ABSHIR CIILKA
CIIL KALE AYAA U DHEER
Garaad Abshir Saalax Maxamed, nidaamka Maxamed Ibrahim Cigaal
ayaa dhowaan ku xiray magaalada Berbera
Garaad Abshir waxaa u doodayey labo garyaqaan
mid isaga ayaa
qabsaday
wuxuuna noqday garyaqaan jilicsan (Sida la soo sheegay)
mid kale
dawladda Somaliland ayaa u qabatay
Garaad Abshir oo laftiisu garyaqaan ahi, isaga
ayaa hagayey labada garyaqaan ee daafacayay
una tilmaamayay marinnada sharciga
sida la soo sheegay labada garyaqaan midkood ayaa
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil (Berbera), Xasan Garweyne, wada tashi jooto ah oo hoos-hoos ah
la yeelanay marka uu ka guddoomo is-aragga Garaad Abshir.
Waxaa kale oo la soo sheegay in Caaqil Las-canod uga tegey
taageerada Garaad Abshir, uu Maxkamadda ka jeediyay hadallo aad u kulkulul isagoo
garsoorihii ku yiri:- Garaad Abshir ma aha Somaliland, idinmana hoos -yimaaddo, mana
qabsan-kartaan, mana xirankartaan, dadkayana ma xirxiran-kartaan
Reer Las-canod, markay warkaas maqleen
waxay ku maahmaaheen:-
]
Baadida ninbaa kula daydeyi Daalnna
kaa badane.
]
Oo aan doonahayn inaad heshana daa'im
abidkaaye.
KULANKII RAADIYOW
GAALKACAYO.
Kadib Madaxweynuhu wuxuu booqshadiisii ku gabagabeeyay Idaacadda
Raadiyow Gaalkacyo, waxaana si diiran ugu soo dhoweeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Raadiyow
Gaalkacayo, waxaan halkaa warbixin ku saabsan ka jeediyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda
Warfaafinta Mudane Jacfar Cilmi Faarax, waxa
uu wabixin kooban ka bixiyay faa'iidada ayidaacaddu u leedahay Bulshada Soomaaliyeed iyo
sidii looga baahan yahay in kor loo qaado, ka dib
waxaa warbxin kooban oo ku saabsan xaaladda iyomar xaladihii kala
duwanaa oo ay Idaacadu soo martay. Agaasimaha Idaacadda Raadiyow Gaalkacoyo Md Burhaan
Maxamed Cabdi wuxuu kaloo ka hadlay baahida Idaacadu u baahan tahay oo haatan taagan loona
baahan yahay in wax laga qabto wuxuu Agaasimuhu cadeeyay.
In ay xukuumadu wax ka qabato,
ka dib Agaasimaha Idaacada waxaa hadalkii qaatay, guddoomiyaha guddiga idaacada mudane
Maxamuud Xuseen Cabdulle, wuxuun soo dhowayn u fidiyay wafdigii uu hogaaminaayay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuuna cadeeyay in
loo baahan yahay in kor loo qaado horumarinta Idaacadda si buuxdana wax loogu qabto,
booqashadii Madaxweynaha iyo Wafdigii uu hogaaminaayay waxa ay ku soo gaba gabowday jawi
aad u qurux badan
TAARIIKHDII
XILDHIBAAN MAX'UD JAAMAC AF-BALLAR.
Xildhibaan Max'ud Jaamac Afballar
Allaha u naxariistee waxa uu ku dhashay Magaalada
Qardho oo ka tirsan Gobolka Bari sannadkii 1938dii
Sanadkii 1955 - 1956 waxuu ka mid
noqday horseedayaashii ururkii SYL 1960 - 1965 waxuu dalka talyaaniga ku soo qaatay
waxbarasho heer jaamacadeed ah taasoo uu ku bartay cilmiga siyaasadda 1970 - 1973 waxuu noqday maareeyaha warshadda caanaha ee
magaalada Muqdisho, 1973 -
1976 waxuu ku jiray xabsiga lixdan jiraw
isagoo lagu xukumay muddo sadex sanadood ah, 1994 waxuu noqday guddoomiye ku xigeenka
Ururka SSDF.
Xildhibaan Maxamuud Jamac Afbalaar 1998 waxuu ka mid noqday
ergadii gobolka bari uga qayb gashay shirkii dhismihii Dawlad Goboleedka Puntland, wuxuna
kaalin firfircoon ka qaatay dhismihii DGPL, waxuuna ka mid
noqday Mudanayaasha golaha baarlamaanka Puntland.
Marxuunku waxuu ku geeriyooday
Magaalada Gaalkacayo 22-kii Sebtember ee sanadkaan 2000 aroornimadii salaadda subax.
WASIIRKA ARRIMAHA
GUDAHA OO FURAY XARUN URUR HAWEEN OO CUSUB
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md C/qaadir Islaan Maxamed
ayaa golabnimadii khamiista xariga ka jaray
xarun urur haween cusub oo ay leeyihiin ururka haweenka isutaga walaalaha Soomaaliyeed ee
Gobolka Mudug.
Wasiirka waxaa xafladaas ku wehliyey iyo Agaasimayaal, Guddoomiyaha Gobolka Mudug
iyo Degmada Gaalkacayo iyo Mus'uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha Dawladda.
Xafladaasi oo ay ugu horayntii hadal
kooban ka jeedisay Guddoomiyaha Ururka Haweenkaasi Marwo Canab Xasan Jaamac waxayna
sheegtay in muddo dheer oo hal sano ku dhow laga soo shaqaynayey sidii urur kaan loo taaba
gelin lahaa, isla markaana loo midayn lahaa Haweenka Gobolka Mudug.
Marwo Canab waxa ay sheegtay in
gabdhaha Gobolka Mudug muddo dheer ay ku mushquulsanaayeen sidii loo midayn lahaa Haweenka
Gobolka Mudug, hadalkaasi ka dib ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md C/qaadir
Islaan Maxamed waxa uu ka jeediyey hadalo ku saabsan xafladaasi iyo in ay haboontahay in
haweenku midoobaan, waxna u la qabsadaan mushtamaca intiisaa kale loogana baahan yahay in
ay nabadgelyada ka shaqeeyaan oo aysan gacantooda ka bixin, waxa uuna ugu dambayntii ka
codsaday in ay la shaqeeyaan maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada iyo guud ahaan kan
Puntland-ba.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa isna waxa uu sheegay
in Maamulka
Gobolka Mudug uu gacan ku siiyey haweenku sidii ay haweenku u midoobi lahaayeen isla
markaana ay uga wada shaqayn lahaayeen nabadgelyada.
Cali Diiriye Aloore oo ah nabadoon ka
tirsan nabadoonada Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in haweenka ay nabadgelyada lafdhabar
u yihiin, laga maarmaan ay tahay in gacan la siiyo.
CUNUGA CARTA IYO
SOOMAALIDA
QAYBTII 3AAD
WAXAA QORAY (Prof. Maxamuud Ismaaciil C/raxmaan)
Cunuga Carta (Odawaa) Aabihiis ayaa la garan waayey, wax