Tirsi 63
25 Sept 2000
Garowe Puntland
Waxaa soo saara 2 jeer usbuuciiWasaaradda Warfaafinta ee Puntland
MADAXWEYNAHA
DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO BOOQANAAYA GAALKACAYO BOGGA 2AAD
MADAXWEYNE KU XIGEENKA
DAWLAD GOBOLEEDKA PUTLAND OO BOOQASHO RASMI AH KU TEGI DOONA DALKA THAILAND BOGGA 8AAD
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA
OO FURAY XARUN URUR HAWEEN OO CUSUB BOGGA
3AAD
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA
NUGAAL OO KA QAYBGALAY SHIR LAGU QABTAY ISBITAALKA GAROOWE
BOGGA 7AAD
SHIR LAGA HADLAAYEY
MASHAARIICDA HORUMARINTA DAWLAD GOBOLEED PUNTLAND BOGGA 7AAD
TAAYADA (EDITORIAL) BOGGA
6AAD
AFKEENU
WAA ISU AMMAAN BOGGA 6AAD.
MADAXWEYNAHA
DGPL OO ISKU SHAANDHEEYEY GOLIHII WASIIRADA
Sida
uu fax nagu soo gaarsiiyay weriyahayaga noo jooga Magaalada Gaalkacyo Bashiir A. Jaamac,
Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo jooga magaalada Gaalkacyo tan iyo ka soo
noqoshadiisii Dalka Kenya oo uu ku tagay Arrimo caafimaad, ayaa soo saaray wareegto uu
isku shaandhaynayo Golaha wasiirada ee DGPL 21/09/00, wareegtaduna waxay u qornayd sidan:-
Madaxweynaha Puntland markii uu arkay Axdiga ku meel
gaarka ah ee Dawladda Puntland, markuu la tashaday Madaxweyne ku xigeenka Dawladda, markii
uu arkay baaqyadii qoraaladii ka soo baxay shirweynihii lagu dhisay Dawladda Puntland,
markii uu tixgeliyay duruufaha siyaasadeed ee Soomaaliya maanta guud ahaan iyo tan
Puntland gaar ahaan. Wuxuu u magacaabay:-
2.
Md. Max'ed Xaaji Aadan Wasiirka
Xanaanada Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka.
3.
Md. Yaasiin Faarax Cartan Wasiirka Caddaaladda iyo Arr. Diinta.
4.
Md. Max'ed Xassan Nuur Wasiirka
Iskaashiga Caalamiga ah iyo Qorsheynta.
5.
Md. Axmed Max'ed Cigaal Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
6.
Md. Max'ud Caynab Max'ed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Iskaashiga
Caalamiga ah iyo Qorsheynta.
]
Waxaa la dhisay Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga ah & Qorsheynta.
]
waxaa la kala saarayBangiga iyo Qorsheynta.
Waxaana Wareegtadaasi ku Saxiixnaa Madaxwey-naha
Dawladda Puntland Md. C/laahi Yuusuf Axmed.
Sida wareegtada Madaxweynaha ka muuqata waxaa
xilalkoodii waayey
2.
Wasiirkii Warfaafinta Dh, iyo Isgaarsiinta
Md Cawad Axmed Casharo.
3.
Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta
Sh.Cali-Nuur Axmed Aw-Muuse.
MADAXWEYNAHA
DGPL OO BOOQANAYA GAALKACYO.
Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf oo kormeer hawleed
u jooga Magaalada Gaalkacayo tan iyo intii uu ka soo noqday Dalka Kenya ayaa booqasho
hawleed ku maraya Xarumaha Dawladda iyo kuwa bulshadaba ee Magaalada Gaalkacayo, waxuuna
kulama kala gooni gooni ah la yeeshey mas'uuliyiinta iyo wax garadka gobolka Mudug,
Mas'uuliyiinta iyo wax garadka USC-SNA ee gobolka Mudug, ururka haweenka ee gobolka Mudug
iyo Odayada iyo Ganacsatada Gobolka Mudug.
Madaxweynuhu wuxuu uga warra-may dhammaan
mas'uuliyiintaas marxaladda uu haatan dalku ku sugan yahay, gaar ahaan dhinaca Siyaasadda
dhawaan ka soo kordhay shirkii dhawaan lagu qabtay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti, kaasoo
uu ku sheegay inuu yahay shirqool Soomalida lagu dagayo.
Waxa kale oo uu madaxeweynuhu
sheegay in uu dhammaan dalka oo dhan mari doono ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo looga
hor tagayo dhagarta kooxaha ismagacaabay, kulamadaasna dhammaantood waxay ahaayeen kuwo
najaxay.
Madaxweynuhu wuxuu ilaa iyo hadda booqday Goobo badan oo
ay ka mid yihiin Xarumaha Waxbarashada sida Dugsiga Ummadda Dugsiga hoos dhexe ee C/laahi
Binu Cabaas, xaruunta ciidanka Daraawiishta, xaruunta maamulka gobolka Mudug iyo goobo
kale.
Madaxweynaha goob kasta oo uu tago waxaa warbixino ku
siinayey maamulka iyo mas'uuliyiinta goobahaasi waxana ka waramayeen waxqabad kooda iyo
baahiyaha ka jira goobahaasi iyo heerar kii kala duwanaa ee ay soo mareen.
WAX QABADKII WASAARADDA KALUUMEYSIGA DAKADAHA IYO GAADIIDKA BADDA.
Wasaaradani
wax ka kooban tahay labo qeybood oo kala ah:-
1.
Qaybta Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda
2.
Qaybta
Kalluumaysiga.
Qaybta
Dekeddaha iyo Gaadiidka Baddaha
Qaybta dekeddah waxaa laga qabtay hawlo maadi ah
iyo kuwo macnawi ah.
Maadiga
Dayactirka
fudud ee ay wasaaraddu qabatay
SN |
Nooca
Shaqadda |
Lacagya
US$ |
1 |
Laba
alabaab ee gelidda iyo bixidda iridda dekedda |
4,320 |
2 |
Bedelaada
siliga deyrka dekedda |
4,100 |
3 |
Dayactirka
xafiiska iridda ee Booliiska |
600 |
4 |
Bedelaada
Dhamaan nalalka nabadgelyadda dekeda |
2.700 |
5 |
Lacagta
dayactirka iyo shaqadda gacanta ee matoorka |
2,150 |
6 |
Soo
gadida hal baabuur |
6,300 |
7 |
Qalabaynta
gurig Degaanka |
900 |
8 |
Qalabaynta
xafiis |
180 |
9 |
Tabeelaha
Magaca Wasaaradda |
250 |
10 |
Labo
albaab oo bira |
160 |
|
Isugeyta
Kharashka |
21,660 |
Qaybta
Dayactirka Culus.
SN |
Nooca
(Description) |
US$ |
1 |
Dredging
|
200,000 |
2 |
Warehouse |
224,000 |
3 |
Port
Pluvial Drainage Channel |
8,860 |
4 |
Quay
head steel angle plate |
5,000 |
5 |
Electrified
and rebuilding of seaport admin-building |
11,225 |
6 |
Navigation
Aid |
|
7 |
Handle
Equipment |
|
8 |
Fire-fighting
Equipment |
|
9 |
First
Aid Post and ETC |
|
Waxaa
dhamaan naqshadayn iyo qiimayn lagu sameeyey dayactirka culus oo aysan wasaaraddu dhaqaale
ahaan iyo farsamo ahaan midna wax uga qaban Karin, waxaana ka mid ah:
Naqshadaynta
iyo qiimaynta kharash badan ayaa ku baxay waxaana bixisay hay'adda UNCTAD
Dekhligii
soo xereysay Wasaaraddu Qaybteeda Dekeddaha.
Maamulka
WKD/GB waxaan gacanta ku hayey muddo 10 bilood ah waxaana la sameeyey qaab maamuleed
hagaagsan oo la xiriirta habka dekhli xareynta waana sida:
Sanadkii 1999 Aug-to Dec.
299,274 US$
Sanadkii
2000, Jan-May, 342,944 US$ Aug-Dec. 99 upto Jan-May 2000 calcelis ahaan 642,22 US$
Taageeradda
Maadiga
Wasaaraddu
waxay heshay taageero maadi ah waxaana ka mid ah:
1.
Taageero
lacageed oo dhan US$ 800,000 (Sideed Boqol oo kun oo Doolar ah) oo ay kala bixiyeen
dawladda Talyaaniga oo bixisay US$ 500,000 (Shanboqol oo kun) iyo hay'adda USAID oo
bixisay US$300,000 (Sadex Boqol oo kun oo doolar), lacagtaas oo wax looga qabanayo 9ka
mashruuc ee naqshadda iyo qiimaynta lagu sameeyey ee dekedda Boosaso. Dawladda Puntland
waxay uga qaybgashay mashaariicdaas US$ 50,000 (Konton kun oo doolar), waxaa kaloo caawimo
loo helay qalab kala duwan ee xafiisyadda Wasaaradda iyo Dugsiga tababarka dekedda oo
qiimahoodu dhan yahay US$ 34,000 (Sodon iyo afar kun oo doolar) waxaa kaloo ka mid ah
taageeradda maddiga kharashka dugsiga dekedda oo bishii gaaraya 30,000 (Sodon kun oo
doolar).
1.
Waxaa
gacanta lagu hayaa dugsiga xarunta tababarka dekedda oo ay wax ku bartaan 150 arday oo
kuwii ugu horeeyey shahaado 4 sano ah ka qaateen kana kooban shaqaalha dekeddan iyo
bulshadda dugsigaas oo laga barto maadooyinka maamulka iyo maaraynta sida: Management
Priinciples,Financial Accounting 1, Cost Accounting, Management Accounting , Business
Mathematics and Statistics, Basic Economics and Business Law, Dugsiga waxaa kaloo lagu
kordhiyey qayb kumbuyuutar oo labilaabi doono bisha September ee sanadkan 2000, waxaa
kaloo u qorshaysan in lagu kordhiyo qaybaha farsamadda ee alwaxdda, biraha iyo korontadda,
Siminaarka
Shaqaalah
SN |
Cida
la tababary |
Nooca tababarak/ Aqoon isweydaarsiga ( Workshop) |
1 |
Qaybta
Dekedda |
Habka
maamul ee diyaarinta xisaab |
2 |
Madax sare iyo madaxa
dhexe oo ka socda Was. Kall iyo Was. Maaliyadda |
Doorka ay mdaxdu ka
qaadan karaan Tayadda iyo wax soo saarka shaqadda |
3 |
Tiriyeyaasha Dekeda |
Habka loo tiriyo Badeecad
Exp & Import |
4 |
Madaxa Tirakoobka |
Habka loo soo ururiyo
loogu abtiriyo loona soo bandhigo warbixinta tira koobka ee ah bilaha, sadexbiloodlaha iyo
Sanadlaha |
5 |
Shaqaalaha Qaybta
Hawlgalka |
Hawlgalka
Markabka |
6 |
Madax qaybeedyo iyo
macalimiinta iskuulka Dekedda |
Tababarka Tababarayaasha |
7 |
Kormeeraha Matoorka iyo
korontayqaanadda Dekedda |
Asaaska hoose ee sida loo
dayactiro korontadda iyo habka korontadda loo qaybiyo |
INA SALAAD-BOOY OO
KA GAABSADAY ARRINTA ARIGA SUCUUDIGU XAYIRAY
Nin ka mid ah xubnaha wefdiga la wareegaya C/qaasim Salaad-Booy,
horena u ahaan jiray Qunsul nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, una dhashay Gobolkaas
Tog-dheer, ayaa sida la soo sheegay (Burco Isgaarsiinta Gobolada) ayaa Xoolo-dhoofiyayaal
reer Burco ahi, Telephone ku weydiiyeen:- in Wefdigoodu Dawladda Sucuudiga kala hadlay
arrinta ariga Sucuudiga xayiray iyo in kale?
Ninkaas hore diblomat-ka u
ahaan-jiray wuxuu Ganacsatadaas u sheegay inaan wefdigoodu arintaas kala hadlin
Mas'uuliyiintii Sucuudiga ee ay la kulmeen (oo uu ugu sareeyay Amiirka Manddiqadda
Riyad)
Markii la weydiiyay sababtana, wuxuu sheegay in Joojintu soo baxday intii
mas'uuliyiinta ay kulmeen ka dib
GARAAD ABSHIR CIILKA
CIIL KALE AYAA U DHEER
Garaad Abshir Saalax Maxamed, nidaamka Maxamed Ibrahim Cigaal
ayaa dhowaan ku xiray magaalada Berbera
Garaad Abshir waxaa u doodayey labo garyaqaan
mid isaga ayaa
qabsaday
wuxuuna noqday garyaqaan jilicsan (Sida la soo sheegay)
mid kale
dawladda Somaliland ayaa u qabatay
Garaad Abshir oo laftiisu garyaqaan ahi, isaga
ayaa hagayey labada garyaqaan ee daafacayay
una tilmaamayay marinnada sharciga
sida la soo sheegay labada garyaqaan midkood ayaa
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil (Berbera), Xasan Garweyne, wada tashi jooto ah oo hoos-hoos ah
la yeelanay marka uu ka guddoomo is-aragga Garaad Abshir.
Waxaa kale oo la soo sheegay in Caaqil Las-canod uga tegey
taageerada Garaad Abshir, uu Maxkamadda ka jeediyay hadallo aad u kulkulul isagoo
garsoorihii ku yiri:- Garaad Abshir ma aha Somaliland, idinmana hoos -yimaaddo, mana
qabsan-kartaan, mana xirankartaan, dadkayana ma xirxiran-kartaan
Reer Las-canod, markay warkaas maqleen
waxay ku maahmaaheen:-
]
Baadida ninbaa kula daydeyi Daalnna
kaa badane.
]
Oo aan doonahayn inaad heshana daa'im
abidkaaye.
KULANKII RAADIYOW
GAALKACAYO.
Kadib Madaxweynuhu wuxuu booqshadiisii ku gabagabeeyay Idaacadda
Raadiyow Gaalkacyo, waxaana si diiran ugu soo dhoweeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Raadiyow
Gaalkacayo, waxaan halkaa warbixin ku saabsan ka jeediyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda
Warfaafinta Mudane Jacfar Cilmi Faarax, waxa
uu wabixin kooban ka bixiyay faa'iidada ayidaacaddu u leedahay Bulshada Soomaaliyeed iyo
sidii looga baahan yahay in kor loo qaado, ka dib
waxaa warbxin kooban oo ku saabsan xaaladda iyomar xaladihii kala
duwanaa oo ay Idaacadu soo martay. Agaasimaha Idaacadda Raadiyow Gaalkacoyo Md Burhaan
Maxamed Cabdi wuxuu kaloo ka hadlay baahida Idaacadu u baahan tahay oo haatan taagan loona
baahan yahay in wax laga qabto wuxuu Agaasimuhu cadeeyay.
In ay xukuumadu wax ka qabato,
ka dib Agaasimaha Idaacada waxaa hadalkii qaatay, guddoomiyaha guddiga idaacada mudane
Maxamuud Xuseen Cabdulle, wuxuun soo dhowayn u fidiyay wafdigii uu hogaaminaayay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuuna cadeeyay in
loo baahan yahay in kor loo qaado horumarinta Idaacadda si buuxdana wax loogu qabto,
booqashadii Madaxweynaha iyo Wafdigii uu hogaaminaayay waxa ay ku soo gaba gabowday jawi
aad u qurux badan
TAARIIKHDII
XILDHIBAAN MAX'UD JAAMAC AF-BALLAR.
Xildhibaan Max'ud Jaamac Afballar
Allaha u naxariistee waxa uu ku dhashay Magaalada
Qardho oo ka tirsan Gobolka Bari sannadkii 1938dii
Sanadkii 1955 - 1956 waxuu ka mid
noqday horseedayaashii ururkii SYL 1960 - 1965 waxuu dalka talyaaniga ku soo qaatay
waxbarasho heer jaamacadeed ah taasoo uu ku bartay cilmiga siyaasadda 1970 - 1973 waxuu noqday maareeyaha warshadda caanaha ee
magaalada Muqdisho, 1973 -
1976 waxuu ku jiray xabsiga lixdan jiraw
isagoo lagu xukumay muddo sadex sanadood ah, 1994 waxuu noqday guddoomiye ku xigeenka
Ururka SSDF.
Xildhibaan Maxamuud Jamac Afbalaar 1998 waxuu ka mid noqday
ergadii gobolka bari uga qayb gashay shirkii dhismihii Dawlad Goboleedka Puntland, wuxuna
kaalin firfircoon ka qaatay dhismihii DGPL, waxuuna ka mid
noqday Mudanayaasha golaha baarlamaanka Puntland.
Marxuunku waxuu ku geeriyooday
Magaalada Gaalkacayo 22-kii Sebtember ee sanadkaan 2000 aroornimadii salaadda subax.
WASIIRKA ARRIMAHA
GUDAHA OO FURAY XARUN URUR HAWEEN OO CUSUB
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md C/qaadir Islaan Maxamed
ayaa golabnimadii khamiista xariga ka jaray
xarun urur haween cusub oo ay leeyihiin ururka haweenka isutaga walaalaha Soomaaliyeed ee
Gobolka Mudug.
Wasiirka waxaa xafladaas ku wehliyey iyo Agaasimayaal, Guddoomiyaha Gobolka Mudug
iyo Degmada Gaalkacayo iyo Mus'uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha Dawladda.
Xafladaasi oo ay ugu horayntii hadal
kooban ka jeedisay Guddoomiyaha Ururka Haweenkaasi Marwo Canab Xasan Jaamac waxayna
sheegtay in muddo dheer oo hal sano ku dhow laga soo shaqaynayey sidii urur kaan loo taaba
gelin lahaa, isla markaana loo midayn lahaa Haweenka Gobolka Mudug.
Marwo Canab waxa ay sheegtay in
gabdhaha Gobolka Mudug muddo dheer ay ku mushquulsanaayeen sidii loo midayn lahaa Haweenka
Gobolka Mudug, hadalkaasi ka dib ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md C/qaadir
Islaan Maxamed waxa uu ka jeediyey hadalo ku saabsan xafladaasi iyo in ay haboontahay in
haweenku midoobaan, waxna u la qabsadaan mushtamaca intiisaa kale loogana baahan yahay in
ay nabadgelyada ka shaqeeyaan oo aysan gacantooda ka bixin, waxa uuna ugu dambayntii ka
codsaday in ay la shaqeeyaan maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada iyo guud ahaan kan
Puntland-ba.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa isna waxa uu sheegay
in Maamulka
Gobolka Mudug uu gacan ku siiyey haweenku sidii ay haweenku u midoobi lahaayeen isla
markaana ay uga wada shaqayn lahaayeen nabadgelyada.
Cali Diiriye Aloore oo ah nabadoon ka
tirsan nabadoonada Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in haweenka ay nabadgelyada lafdhabar
u yihiin, laga maarmaan ay tahay in gacan la siiyo.
CUNUGA CARTA IYO
SOOMAALIDA
QAYBTII 3AAD
WAXAA QORAY (Prof. Maxamuud Ismaaciil C/raxmaan)
Cunuga Carta (Odawaa) Aabihiis ayaa la garan waayey,
waxaana aabe u raadinaya; Butuc iyo Wardheere oo u diyaariyey Warqaaqo Forjere ah ee
dhalasho Soomaaliyeed, waxayna kaashadeen maxaysato, Siyaasiyiin iyo Sarkaakiil sare ee ka
tirsanaa dawladdii JDS ee 1969, ku dhalatay af-gebi, 1990 ku dhacday sababo musuqmaas,
qabiyaalad xatooyo xoolo dadweyne iyo dagaal hubaysan ee jabhado ku qaadeen.
Qisada Cunuga Carta halkeediiayey ka sii socotaa, waana tan qaybtii 3aad.
Cunuga
Carta iyo Soomaalida Qaybtii 3aad.
Wadaad soomaali ah ayaa dhawaaqa
(Muslim hal god)
Lagama qaniino labo jeer, annagu ka
tala qaadan meyno kuwi dalkayaga u sababay burburka, colaad laysku xasuuqay, bililiqo iyo
dawlad la'aanta, carruurtayada ayaanu u la'anahay nafaqa daawo, barbaarin iyo waxbarasho
oo ka wel-weleynaa sidii aanu ugu heli lahayn, mana qaadi karno mas'uuliyad Cunug Ajnabi
ah, sabab dhaqaale ma aha cudur daarashadu, Diinta iyo qowmiyadda ayaan noo oggolayn.
Butuc, wuxuu istusay Somalida in uu ku
eedeeyo in aaney dhaqan gelinaynmabadida qaramada midoobey, Jinsi kala sooc, iyo ku xad
gudub xuquuqul insaanka, isaga iyo wardheere, waxay diyaariyeen qoraalo ku socda
masuuliyiinta Qaramada midoobey, Urura Goboleedyada midowga Afrika, Jaamacadda Carabta,
IGAD, waxay weydiisteen in Cunuga Carta loo aqoonsado Cunug Soomaaliyeed, waxaana loogu
jawaabey Axdiyada Qaramada Midoobey iyo ururada kaleba ma dhigayaan in ay
Jinsiyad bixin karaan, Jinsiyad siinta Cunuga Carta waa arrin soomaali u taal, cidina kuma
faragelin karto,horena Soomaalidu, waxay ka digeen in
arrimaha gaarka u ah ee
gudohooda cidina soo fara gelin.
Isla markaas soomaalidu
waa dad qab weyn oo leh dhaqan asal ahiyo wacyi, kana mida shucubta Ilbaxnimada aadamiga
safka hore ka jirta ee iyaga qanciya Butuc wuxuu isku deyey in uu soomaalda isaga io
wardheere qanciyaan:- Hase ahaatee soomaali aqoon yahan ah oo dhallinyar ayaa ku dhahay:
Bini aadamka waxa Eebbe siiyey, waxa ugu qaalisan caqliga uu wax ku garto iyo maskaxda uu
ku fekero, mana oggolin haddi aanu nahay Soomaali in qola kale noo fekerto, maskaxdayadu
hawl gab maaha.
Butuc, Wardheere iyo Wakiilo maxaysato,
Shir wada tashi ayey isugu yimaadeen, Hadalka inoo bilow aabe ayaa wardheere ku dhahay Butuc; xagga shareecada ma aadi karno, soomaalidu,
waxay leeyihiin culimo ku xeel dheer diinta ee qaynuunka aan la tiigsano soomaalida ayaa
Butuc dhahay, inoo doona qareen mush kiladda hor geeya oo ka dooda maxkamadda ku shaqo leh
horteeda.
Wardheere, wuxuu diray Faax-yo,
Telefono uu kula xiriiray qareeno Soomaali ah oo fara badan, wuxuuna weydiistey in ay
xuquuqda cunuga carta ee dhalashada Soomaaliyeed Daafacan, lacag aan qareen Afrikaan ahi
qaadaan hadda ka hor ayuu Butuc ballan qaaday in uu siiyo qareenkii diyaar u ah difaaca,
cunuga Carta.
Qareenadii Soomaalidii
dhammaantood waa diideen in ay Carta cunugeeda (Odawaa) difaacaan xuquuqdiisa iyagoo ka
baqaya in ay dadkooda iyo dalkooda dembi ka qalaan.
Kadib wardheere iyo Butuc Booqasho hawleed ee la tashi Qareeno waaweyn ayey ku tageen dalal shisheeye.
Waxayse ka yaabeen in
qareenadii shisheeyuhu iyaguna diideen in ay qadiyad aan raja lahayn difaacan.
Qareen caalami ah oo la
yaqaan ayaa
Butuc kula taliyey in
Cunuga qaxootinimo loo raadiyo iyada oo la tixgelinayo in aan aabihiis la aqoon iyo
jinsiyadiisaba, loona
aqoon sado qadiyadiisa qadiyad bini aadammino.
Fikraddaas wardheere, waxay la noqotay mid aan laga fursan
karayn, hase yeeshee Butuc waa ku gacan sayray wuxuuna ku
dhahay wardheere, horta dadka waxgaradka ah ee Soomaaliyeed aan la xaajoono oo aan
weydiisano in ay Cunuga aqbahaan, haddii kale naga qanciyaan sababta ay ku
diidayaan.
Butuc wuxuu la xiriiray xeer beegti
soomaali ah:- tollow cunuga naga aqbala oo dhalasho siiya waana wada anfacayaaye.
Nin ku hadlay magaca xeerbeegtida
soomaaliyeed ayaa codsigaas ka jawaabey oo dhahay gar yigil baanu nahay haddii ay caddaato
in cunugu soomaali isir ku leeyahay maxaan ku diideynaa, taran diid ma nihin, taranta waa
u baahanahay, dagaalkii sokeeye, caruur badan ayaa nagaga dhimatay, diinta islaamkuna waa dhiirigelineysaa
taranta xalaasha ah ee sidee wax u hubinaa, cunuga dhiig halaga qaado, haddii baaristu
sheegto in uu soomaali
yahay waa qaadaneynaa cunuga kharash haddii aadn weydiisa taana waa bixineynaa, Butuc iyo
Wardheere, waxay dhaheen waqtina siiya, fadhiga dib noogu dhiga aan tashanee!
Aabe Butucow anigu waa daaley ee ma oggolaana in cunuga dhiigiisa
la baaro, miyeynaan dhakhatiirta hawl fududayn siin Karin?
Butuc wuxuu Wardheere ugu jawaabey, sidee noqotay, ma waxbaa si
kaa ah, annagoo qaatiyaan ka joogna shahaado dhalasho forjary ah, miyaad leedahay isbitaalka dakhaatiirta
joogta aan laaluush siino
haddiise cunuga la baaro dhiigiisa sow kashifmi meyno, aan fadhiga qaadacno, cunugana iskaga qaraabta adiga iyo jamaacadaadu, markaad wax
heshona (Shantu waalahayga) al caaqil yafham ee keen isu keena
TAAYADA (EDITORIAL)
Somalinnimo:- Maxaa ka nool???
Fikradda qowmiyadda, sida
Soomaalinnimada, carabnnimada, kurddinnimada, ayrishnnimada, turknnimada, jarmaannimada
iyo wixii la mid ahi, asli ahaan waxaa bisleeyay reer Yurub oo ay xaggooda xoog ku
yeelatay, labo dagaal oo waaweynna darteed ku galay.
Dalka soomaalida, intii
aan reer Yurub imaan, ma abuurnnay fefer qomiyad soomaaliyeed ee waxaa jiray reero waxaa
abuurnnaa oo la daaficijiray oo lagu dhaadanjiray oo loo dagaallami jiray reernnimo waxaa
suurta gal ah Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, inay ku jirtay fikrad qowmiyadeed, si kasta ha
u habaysnaatee
laakiin fikradda qowmiyadda Soomaaliyeed oo casriyaysan, waxaa
horseeday dhallinyaradii SYL.
Iyaga ayaa ifka si buuxda
ugu soo saaray oo baahiyay waxaa jirtay mar gabarta ariga la joogta ay ka xishoonjirtay
inay qabiil sheegato
. Fikraddaas qowmiyadda soomaaliyeed, xiissihii ay lahayd waxaa
dhaawacay dawladdii Cbdillaahi Ciise
waxaa sii dhaawacay tii 1960-1969 waxaa araxda
ka jebiyay nadaamkii Maxamed Siyaad Barre ee 1977 ka dib waxaa wadnaha ka muday xarakadii
USC
Haddaba:- fikradda
qowmiyadda soomaaliyeed ma dhammaatay oo waa marxuum? Mise wadnaha ayaa sii dig leh oo
cisbitaal waa lagula carari karaa?
Maanta ma jiri karaa nin
Darod ah oo nin Hawiye ah naftiisa qoolikaraa, sidii muuro naftiisa ugu qoolay Cabdillaahi
Ciise???
Reer Hargeysa, Calanka ay maanta faqaareyaasha ku gubayaan, mar ayuu wax walba kala qaalisanaa
timacadde ayaa yiri:- aan
siduu yahay eegee
Maanta wax qowmiyad
soomaaliyeed la yiraahdaa ma ku sii nooshahay Hargeysa, Burco iyo Berberea? Muqdisho ma ka
jirtaa? Gedo iyo Jubbooyinka ma taallaa???
Gobollada Puntland intay
ku sii le'egtahay?????!!!???
Ina Salaad-Boy ma rumaysanyahay mise wuu ku faashleynayaa!!!???
AFKEENNU WAA ISU
AMMAAN.
Diidane:- oo waryaa Nuxnuxle
afkeennu waa issu ammaane!!! Meeshii Buuhoodle ahayd, Jilibbo reer Puntland ah ayaa issu
soo ciidansaday, oo colaad issu horfadhiya, sida la sheegay!!! Dowladdii Puntland-tuna
issuma kala bixin ayaa la yirie!!!! Maxaa jira!!!!
Nuxnuxle:- Waxaa la yiri,
wasiir-ku- xigeenkii ina Adan Carabna, markii uu hayaaydii ku xiiqay oo cid ka hoos
qaaddana waayay, ayuu meel is-duuduubay, sida la sheegay!!! Afkeenu waa issu ammaane!!!!
Diidane:- Maqlay!!! Waxaa la yiri,
arrini waxay kaga dhammaatay tii Sayid Maxamed uu yir:-
Haddaan waayay ruux iga naxoo ii
Nassabad sheegta miyaan waayay Naxariis Alliyo, Nebiga Jaahisa!!!
Diidane:- Maxaa Warfaafinta looga
saaray Heerka A-da oo loogu celiyey heerka B-da ???
Nuxnuxle:- Adigaa dammiin ayaad
tahay
intaas miyaad garan weyday!!! Is-reeb-reebkii
ayay ku hartay!!!!.
TACSI
Dr.
Yaasiin Faarax Cartan, Prof. Maxam-uud
Ismaaciil C/raxm-aan iyo Cabdi Goobe, bahda warsidaha Puntaland iyo dhamaan shaqaalaha
warfaafinta waxay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo eheladii iyo Asxaabtii uu ka
geeriyooday Dr. Max'ud Jaamac Afbalaar oo 22/9/2000 ku geeriyooday Magaalada Gaalkacayo.
Marxuunku wuxuu xubin ka ahaa Baarlamaanka Dawlad
Goboleedka Puntland wuxuuuna ka mid ahaa Dhalinyaradii leegada (SYL) oo u soo halgamay
Gobonimada Soomaaliya.
Waxay murxuumku Ilaahay uga baryayaan in uu Janadii ka
waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka
geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
SHIR AY WADA
YEESHEEN XILDHIBAANADA GOBOLKA NUGAAL IYO WAXGARADKA GOBOLKA.
Sept 20/9/2000 waxaa hoolka shirarka ee
Xarunta Gobolka Nugaal lagu qabtay shir ay ka soo qaybgaleen Xildhibaanada Gobolka Nugaal
laga soo doortay ee ku jira Golaha Wakiilada Puntland, maamulka Gobolka Nugaal,
Nabadoonada, Samadoonada iyo waxgaradka
Gobolka.
Shirkaani wuxuu daba joogay shirar
badan oo ka horeeyey oo waayahanba ka socday Gobolka Nugaal, loogana hadlayey
nabadgelyada, Xasiloonida iyo sidii loo hormarin lahaa Gobolka Wadajir ahaan. Eeg
Bogga xiga
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/laahi
Xasan Faarax (Baasaweyne) oo isagu hadalka furay, wuxuu sheegay in nabadoonada iyo
waxgaradka Gobolkaan ay shir kan ka horeeyey naweeydiiyeen yiraahdeen xageebay ka bexeen
xildhibaanadii laga soo doortay, sidaas darteed waxay
nagu khasabtay inaanu isku kiin keeno oo halkaan ku kala bogataan arimihiina Guddoomiyuhu
wuxuu hadalkiisa ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Md Yuusuf Macalin oo hadal gaaban halkaa ka soo jeediyey wuxuu sheegay Ilaahay mahad haka
gaadhee, nabada iyo xasiloonida
Goboladaani ku naaloonayaan inay sabab u yihiin odayaasha iyo waxgaradka deegaamada oo
iyagu markasta u taagnaa sidii loo xasilin lahaa oo aysan dhibaato u dhicin.
Agaasimuhu wuxuu yiri waxaan hadalka u
deynayaa oo saaka dooddu dhextaal odayaasha iyo xildhibaanada Gobolkaan in kastoo la
yiraahdo odayaashii iyo waxga-radkii faraha bay ka qaadeen arri-mhii ay bulshadu u hayeen,
markii la dhisay Dawlad Goboleedka Punt-land.
Intaas ka bacdi waxaa dood aad iyo aad
u balaaran dhaxmartay Oday-aashii iyo xildhibaanadii ragbadan baana ka hadlay oo rayigooda
iyo doodooda ka dhiibtay oo halakan lagu soo koobi Karin, doodaasina waxay ahayd mid ku
dhisan isdha-liilid iyo sitoosin.
Caydiid Cismaan oo odayaasha halkaas ka
hadlay ka mid ahaa wuxuu yiri markuu hadlayey dawladii waxay dhisneyd labo sano iyo bilo
mar kaliya ma oron odayaashii xagee ka baxeen, ma dhibtaan oday ku nahay, war shilinka oo
la raadinayo ma iska daynaa oo wax ma qabsanaa.
Doodaha laysdhaafsaday aad ayey u
kululaayeen dhanka xildhibaanadana waxaa ka hadlay rag dhowr ah oo ay ka mid yihiin Dr.
Maxamuud Cali Yuusuf (Gaagaab), Siciid C/laahi Muuse iyo C./laahi Maxamed Xaaji (Cawiif).
Dr. Maxamuud Cali Yuusuf (Gaagaab)
wuxuu yiri, horta sida ay wax yihiin inaynu isku sheegno waa fiican tahay, masuuliyada
kaligayaga malihin, doorashadana waa ina wada khuseysaa, xildhibaanka shaqadiisu waa xeer dejinta, masuuliyada waxay saaran tahay
maamulka iyo Odoyaasha, wixii tabartayada ah diyaar baynu u nahay sidii loo hormarin lahaa
Gobolka loogana wada shaqayn lahaa nabadgelyadiisa iyo xasiloonidiisa.
Doodaas
oo dheereed waxaa la sila gartay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo.
SHIR LAGAGA HADLAY
MASHAARIICDA HORUMARINTA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND.
Garoowe 21/9/2000 PUNA
Dr. Maxamuud Barre Muuse (Gaani)
Agaasimaha Guud ee ku meelgaarka ah ee Qorshaynta, wuxuu
ka furay xarunta Agaasinka guud ee Qorshaynta iyo Bangiyada shir ay ka soo qaybgaleen
Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dawlad Goboleedka Puntland oo ku saabsan
diyaarinta Qorshaynta horumarineed ee Dawlad Goboleedka Puntland.
Dr. Gaani wuxuu shirka kaga hadlay
ahmiyadda Qorshayntu leedahay Horumarinta dhaqaalaha, wuxuuna ku booriyey Wasaaradaha iyo
Hay'adaha in ay diyaariyaan Qorshayaasha Mashaariicda horumarinta Dawlad Goboleedka
Puntland, siiba kuwa mudnaanta leh.
Waxaa kale oo shirkaa hadal ka jeediyey
Agaasimaha Mashaariicda Mudane Xidig, la Taliyayaasha Agaasinka Guud ee Qorshaynta iyo
Bangiyada Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Fardhis iyo Dr. C/laahi Shiikh oo
Mas'uuliyiinta u sharaxay qaabka diyaarinta Qorshayaasha mashaariicda horumarinta
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA
NUGAAL OO KA QAYBGALAY SHIR LAGU QABTAY ISBITAALKA GAROOWE.
PUNA GAROOWE
21/9/2000
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/laahi
Xasan Faarax (Baasaweyne), iyo Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Gobolka Md Cabdi Saleebaan,
ayaa khamiistii oo bishu ahayd 21/9/2000 shir kala qayb galay shaqaalaha isbitaalka
Garoowe oo lagu qabtay qolka shirarka ee Cisbitaalka.
Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen
shaqaalaha iyo dhakhaatiirta Cisbitaalka waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Cisbitaalka Md
C/salaan Caydiid oo isaga ka wabixyay habka cisbilaalku maanta ku sugan yahay iyo doorka
ay bulshadu uga baahan tahay Cisbitaalka iyo heerka Awoodiisu tahay.
Waxaa isna Hadley Dr. C/risaaq Xasan
Cabdi oo
Eeg
Bogga xiga
ah madaxa Caafimaadka Gobolka Nugaal oo
ka warbixyay Caafimaa-dka Gobolka iyo dhibaatooyinka jira.
Dhakhaatiirta iyo shaqaaluhu waxay si
aad iyo aad uga cabanayeen inaysan haysan wax daryeel ah.
Waxay kaloo sheegeen inay labao
dhakhtar oo cisbitaalka ka howlgala ilaa iyo hada aan la siin wax gunno ah, meeshii waxaa
jira Ribaartooninka qaarkood inuu isku dhex jiray sida Caruurta oo aan lahayn Ribaarto u
gaar ah, laakiin hadda la wado Ribaartadaas laguna dhisay lacagta Raajada iyo fiisitada
walise aan la dad Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka oo markay dhagaysteen
Warbixinadii iyo cabashooyinkii
shaqaalaha iyo dhakhaatiirta, waxay balan qadeen inta tabartooda ah inay la dadaalayaan
sidii wax loogu qaban lahaa.
Cisbitaalka
oo hadda ka shaqeeyaan shaqaale tiradoodu dhan tahay 68 oo 18 ku shaqeeyaa foolantari
(Voluunteer) iyo 6 dhakhtar, Cisbitaalku wuxuux u qaybsamaa sided qaybood oo waaweyn.
MADAXWEYNE KU
XIGEENKA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO BOOQASHO RASMI AH KU TAGIDOONO DALKA THAILAND
Garoowe 22/9/2000 PUNA
Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Madaxda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garoowe isaga oo hoggaami-ndoono wafdi ka socda Dawlad Goboleedka Puntland oo booqosho hawleed oo rasmi ah ku tegi doono Dalka Thailand, Madaxweyne ku xigeenka wuxuu ka dhoofidoonaa Gagada Dayuuradaha ee Magaalada Bosaaso, wuxuu ku sii hakan doonaa Dalka Emiraatka Carabta ee Midoobey (UAE) halkaasi oo uu joogi doono baaritaan Caafimaad 7 casho kadibna uga gudbayaan Thailand isaga iyo xubnaha wafdigii uu hoggaaminayo, waxaana la filayaa inuu masuuliyiinta Thailand la yeesho wadahadal ku saabsan Iskaashiga iyo wax wada qabsi dhaxmara Dawlad Goboleedka Puntland iyo dalka Thailand.
Tacsi
Guddomiyaha
Golaha wakiillada Dr,Yuusuf Xaaji Siciid, Gudd-oomiye ku xigeenada, madaxda Guddiyada
joogtada ah waxay tacsi u dirayaan Qoys-kii iyo eheladii uu ka geeriyoodey alla ha u
naxariistee marxuum Maxa'ud Jaamac Af-balaar,oo ka tirsanaa Golaha wakiillada oo
Geeriyooday 22/09/00 kuna geeriyooday Magaalada Gaalkacyo.
Tacsi
Madaxweynaha
DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed, madaxweyne ku-xigeenka DGPL, Golaha Xukuumada DGPL, Golaha
Baarla-maanka DGPL Golaha Garsoorka DGPL iyo dhamaan mas'uuliyii-nta DGPL waxay tacsi u
dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriy-ooday iyo dhammaan shacabweynaha Soom-aaliyeed
Geeridii ku timi Allaha u naxarii-stee marxuun Dr. Max'ud Jaamac Af-balaar oo
subaxnima-dii jimcaha salaadii subax ee 22/09/00 ku geeriyooday magaa-lada Gaalkacyo
waxay-na Ilaahay uga barya-yaan janadiisa firdaw-sa eheladii iyo qaraa-badii uu ka
geeri-yooday iyo dhamaan shacbiweynaha Soom-aaliyeedba in samir iyo iimaan Ilaahay ka
siiyo.
Aamiin
Aamiin Aamiin