Warsidaha Puntland

Tirsi 65

28 Sept 2000

Garowe – Puntland

Waxaa soo saara 2 jeer usbuucii

Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland

________________________________________________________________________

 

 

____________________________________________________________________

 

 

 

SHIRARKII MADAXWEYNAHA PUNTLAND KULA YEESHAY DADWEYNAHA GOBOLKA NUGAAL

PUNA GAROOWE 26/9/2000

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo dalka ku soo laabtay, ka dib markuu muddo gaaban caafimaad iyo shaqo ugu maqnaa Magaalada Nairobi.

Madaweynuhu markuu muddo lix maalmood ah kormeer iyo shirar u joogay Gobolka Mudug, wuxuu u soo gudbay shirar iyo kormeer Gobolka Nugaal, isagoo ka bilaabay Degmada Buurtinle, halkaasoo Madaxweynuhu soo kormeeray Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Machadka Burtinle.

Kadib uu xarunta Maamulka Degmada Burtinle kula shiray qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada.

Shirkaas oo Madaxweynuhu uga waramay tobankii maalmood ee uu ku maqnaa Magaalada Nairobi iyo lixdii maalmood ee uu joogay Gobolka Mudug.

SHIRARKII MADAXWEYNAHA EE MAGAALADA GAROOWE

Ilaa hada Madaxweynuhu wuxuu dadweynaha Magaalada Garoowe la yeeshay saddex shir. Shirkii koowaad Madaxweynuhu wuxuu hoolka shirarka ee Gobolka Nugaal, Maalintii isniinta ee 25/9/2000 kula yeeshay nabaddoonada, sama ddoonnada, waxgaradka, iyo odayaasha kale ee ku sugan Magaalada Garoowe.

Shirkaas waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane C/qaadir Islaan Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka Mudane Maxaned Xaaji Aadan, Wasiir ku xigaanka arrimaha Gudaha Mudane Axmed Aadan Carab, Madaxda Gobolka iyo Duqa Magaalada Garoowe.

Shirkaasi wuxuu bilaabmay 9:00 subaxnimo, wuxuuna socday muddo ah saddex saacadood.

Shirkii labaad ee Magaalada Garoowe, Madaxweynuhu wuxuu subixiii talaadada ee 26/9/2000, dadweynaha Magaalada Garoowe kula yeeshay fagaaraha xarunta EX-Daraawiishta

Shirkaas oo bilaabmay 8:00 subaxnimo, waxaa ka soo qaybgalay xubno xukuumadda Dawladda Puntland, xubno Golaha Wakiilada Puntland, Isimo, Cuqaal, Culumaa'udiin, iyo Dadweyne kale oo farabadan.

Shirkaas Madaxweynaha ka hore waxaa hadalo soo dhawayn ah halkaas ka soo jeediyey Duqa Magaalada Garoowe, Mudane Daahir Cali Ciise, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane C/laahi Xasan Faarax (Baasa weyne), waxaa Buraanbur isugu jira Guubaabo iyo Tusaale ka tirisay Xaliimo Cabdi Warsame.

Buraanburkaas iyo hadalladii soo dhoweynta ee mas'uuliyiinta Gobolka Nugaal iyo degmada Garoowe ka dib, waxaa Madaxweynaha ka hor, shirkaas hadallo ka jeediyay issimo, Cuqaal iyo Wasiirro aanu hadalladoodii qaybo ka mid ah WARSIDAHA ku soo faafinddoonno

(In-shaa-Allah) shirkaas oo uu quraan iyo wacdi ku furay sheekh Maxamed dalmar, Xog-warankii Madaxweynaha ka dib, wuxuu dhammaaday saacaddii 10:45 subaxnimo.

Shirkii saddexaad ee Gobolka Naugaal, Madaxweynuhu saacaddii 16:30 galabnimo ee talaada 26/9/2000, wuxuu haweenka Gobolka Nugaal kula yeeshay hoolka shirarka ee Gobolka Nugaal.

Shirkaas waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane C/qaadir Islaan Maxamed, waxaana ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha, Mudane Axmed Aadan Carab, Guddoomiyaha Gobolka Nagaal Mudane C/laahi Xasan Faarax (Baassa weyne), ku xigeenka labaad ee Gobolka Nugaal Mudane Cabdi Saleebaan Cali, iyo Mudane Nuur Salaad oo ka mid ah odoyaasha Gobolka.

Shirkaas markii Madaxweynuhu warbixintiisii dhameeyey ka dib waxaa lagu balamay in Madaxweynaha iyo haweeenku Gobolku kullan dambe isugu noqdaan Galabnimada Khamiista ah ee 28/9/2000.

Nuxurka warbixinihii Madaxweynuhu ka jeediyey shirkaas, hadaladii xubnaha Golaha Wasiirrada, Issimada, Cuqaasha, Culumaa'udiinka, Haweenka iyo Waxgaradka kaleba shirkaa ka jeediyeen waxaannu ku soo faafinddoonaa (Haddii Alla idmo) cadadyada WARSIDAHA ee soo socda.

 

 

WARARKA GUDAHA

DEEROW WAXAA DHALLIILAY KU XIGEENKIISA.

Jabuuti-PUNA

Waxaa Magaalada Laas-caanood soo gaaray oo Jabuuti laga helay, iyadoo lagu soo tabiyay habka isgaarsiinta "Private" ka ah, war sheegaya in Maxamed Cabdi Yuusuf, oo hore uga ahaanjiray Wasiir ku xigeen nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, haddana Carta loogu Magacaabay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaan ku sheegga Carta lagu dhoodhoobay in uu meel lagu badan yahay dhaliil ugu jeediyay.

Aflagaaddana ku gaarsiiyay Cabdalla Deerow Isaaq.

 

Isagoo ku tilaamay inaanu aqoon bilowga hab maamuuska (Itikeedka) Madaxnnimada... warku wuxuu sheegay in Maxamed Cabdi Yuusuf tixraacay macsuumad ay labadoodu ka qaybgaleen xalaydii tagtay oo ay wada casuumeen xubno Baarlamaanka Jabuuti ka mid ahi

Warku wuxuu intaa ku daray in Cabdalla Deerow Isaaq oo aad u carooday, ku xigeenkiisa ku caayey sida oraahda la fahmay lahjadda may mayda ah.

 

WARARKA ADDUUNKA

ISRAA'IIL-CUDURRO IYO CEEBO KU DHEX FAAFAY BBC- SEPT 24

Hay'adda BBC-da, qaybteeda afka Carabiga, ayaa soo werisay in cudurka loo yaqaan Duumada Galbeedka Nile-ka uu hadda laynayo dadka reer Israa'iil, isaga o aan ka jirin meel kale oo adduunka ah.

Waxaa kale oo isla hay'addaasi qaybteeda Carabiga ah ku soo werisay in kufsigu si jirro ah oo aan caadi ahayn ugu dhex faaftay qaybo ka mid ah Ciidammada Yuhuudda, iyagoo rag askarta ahi kufsanayaan gabdhaha askarta ah.

Dowladda Israa'iil labada arrimoodba waxay u saartay Guddiyo, culimo iyo khubaro baarta oo ka soo warbixisa.

DOWLADO BADAN OO BURBURINAYA CUNAQABTAYNTA SAARAN CIRAAQ.

WAKAALADAHA SEPT 26.

Ugu dambayn, ka dib faransiiska, Ruushka, Jarmalka (oo heer shacbi ah), Boqortooyada Urddun ayaa si toos diyaarad ay leedahay u fariisisay Baqdaad.

Siiriya ayaa shixnado ka mid ah Petrol-ka Ciraaq u gudbinaysa Yurub, iyadoo ka dhoofinaysa dekedeheeda Badda Cad.

Sida muuqata Caalamku wuxuu gaaray heer uu ka gilgishay dhibaatada lagu hayo shacbiga Ciraaq.

JARMANI-DHAL YARAAN IYO DHALADNIMO-DOON

Sept 24 Wakaalada Wararka

Dadka reer Jarmani waxay indhowayd caado ka dhigteen in ay yareeyaan Ubadkooda oo aan qaysku dhalin hal ilmo wax ka badan. Khubarada Jarmanka waxay sheegeen oo saadaaliyeen in dadweynaha Jarmanka sannadka 2050ka tiradiisu noqon-doonto inta uu hadda yahay nuskeed.

isla markaasna in dhbaatooyin ka dhalan doonaan xagga shaqada iyo qaab-dhismeedka bulshada...arrimahaasi waxay welwel geliyeen xukuumadda fadaraalka ah ee Jarmalka.

Go'aankii xukuumaddu wuxuu noqday in dalka dad ku filan loo raadsho, isla markaasna inaan lagu abuurin dadka issirka liita ee aan ahayn dhaladka.

Taasi waxay lagama maarmaan ka dhigtay in Yurub laga dhaxdoono dadka issirkoodu ka soo jeedo Jarman, lana siiyo dhalasho Jarman ah iyadoo la isticmaalayo noocyo laaluush dadban ah oo ay u hunguroodaan, soona jiida dadkaas

 

 

WAXQABADKII WASAARADDA KALLUUMAYSIGA (Qaybtii 2aad)

Qawaaniinta (Regulation).

Waxaan diyaarinay shuruuc qaybta hawlgalka dekedda (Operation) oo ka kooban 91 qodob iyo sharciga khidmadaha iyo taariifadda.

Qaybta Kalluunka:-

Qaybta kalluumaysigu ma lahayn wax lacag ah oo loogu tala galay horumarinta iyo wax ka qabashadda kalluumaysiga, waxaase jiray dakhli miisaaniyadda lagu ansixiyey oo baarlamaanka loo gudbiyey oo ilaa hadda uusan ogolaan.

Dhekhligiisii wuxuu ahaa khidmadaha khayraadka badda oo ka dhoofa dekeddaha iyo ayrabooradda DGPL oo dhan bishii US$ 14,000 (Afar iyo Toban kun) wuxuuuna lahaa ujeeddo kale oo ah tirakoobka khayraadka baxaya.

Dhinaca macnawiga.

Qaybta kalluunka waxay ka qaybgaleen siminaaro ah banaanka oo muhiim ah kuwaas oo kala ahaa sidan.

Wadanka

Tiradaa Maalmaha

Nooca Siminaarka/Aqoon

Isweydaarsi (Workshop)

1.

Camaan

7 days

Ilaalinta deegaanka Xeebaha iyo biyaha badda.

2.

Sudaan

8 days

Maamulka dekeddah iyo hurmarintooda

3.

Camaan

10 days

Ilaalinta khataraha ka yimaada Safaraha bad marida iyo waskhaynta

4.

India

6 days

Shuftadda badda iyo afduubayaasha gaadiidka badeedka

5.

Masar

7 days

Dalxiiska Xeebaha ka hortegidda dhibta dalxiisku beeno

6.

Yaman

10 days

Ilaalinta Noolaha badda.

Talaabo muhiim ah ayaa badda laga qaaday oo ah in Madaxweynaha PL uu shirkad awood u siisay ilaalinta badeheena 29kii September, 99 taas oo ah waajib uu axdigu tilaamayo qodobkiisa 29.4.

Shirkadaasi muddo 8 bilooda ayey abaabul ku jirtay sidii ay gaadiid iyo ciidan badeed u abuuri lahaayeen, waana ku guulesyteen.

30kii May 2000, ayaa Madaxweynaha DGPL amar qoraal ah ku soo saaray in Wasaaradda Kalluumaysiga hawshaasi maamulkeeda gacan ku qabato xagga shaqadda iyo xagga dhaqaalahaba heshiis kala gasho shirkadda PIDC. Lana ogolaado marka hore kharajkii ku baxay mashruucan iyo kan hawshu ku socon doonto.

Wasaaraddu dadaal dheer oo ay u gashay ka dib waxay ku guulesatay in la kala saxiixdo heshiis ka kooban 19 qodob oo qeexaya habka hawl fulinta iyo habka qaybsiga dhaqaale.

GANACSATADA PUNTLAND OO BAAQ KA SOO SAARTAY XOOLO JOOJINTA

The business community in Puntland State of Somalia that greatly benefits from the livestock sector considers the temporary ban on the Puntland and Somali livestock by the Gulf Co-operation Council as a very grave decision that could have catastrophic consequences on the economy of the country, We understand, fully, the health considerations that prompted the ban.

However, we hope that meticulous and impartial investigations will be undertaken by the concerned international organizations in the region and beyond to uncover the reasons that are the root of the ban. The economic and social stakes are very high in this decision.

We appeal to the International Community, in particular to IGAD, OAU, EC, FAO and UN agencies to assist the Somali livestock owners by taking all necessary steps that can lead to a positive resolution of the ban.

We further appeal to those countries Appeal to those countries that have imposed the ban on Somali livestock to release any information that may lead to a speedy resolution of the issue, which is affecting millions of people in the Horn of Africa.

The Somali Business Community and the Puntland livestock owners are welcoming any initiative by the international Community intended to safeguard the health of our livestock and the economic base of this community.

 

 

 

ARDAYDA DUGSIGA DHEXE EE GAROOWE OO KA CABANAYA KURAAS IYO MIISAS LA'AAN

PUNA GAROOWE 25/9/2000

Waxaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee Dawlad Goboleedka Puntland cabasho ugu tagay Ardayda yar yar ee dhigata Dugsiga dhexe ee Garoowe gaarkood.

Ardaydaas oo ka cabaneysa Maamulaha Dugsiga iyo dhibaatooyinka ka haysta Xagga waxbarashada iyo agabka Dugsiga, waxay ku dhawaaqayeen maamulaha Dugsigu ha dhaco.

Ardaydaas markay Wasaaradda tageen waxaa la hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Mudane Axmed Maxamuud Nuur, waxay u sheegeen inay ka cabanayaan waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin inaysan haysan Waxbarasho, Kuraas, iyo Miisas ay wax ku bartaan, markii aanu maamulaha waydiinay waxa lagacta naloo ka qaadayo wuxuu noogu daraa =qaab iyo cayrin.

Labo fasal oo lixaadka ah mahaystaan kuraas iyo miisas, meesha fasalada kale wax ka haystaan.

Wasiir ku xigeenku wuxuu u sheegay Ardayda inay sida ugu dhakhsiyaha badan wax looga qabanayo arrimaha ay ka cabanayaan ardaydana wuxuu kula dardaarmay inay buuqa joojiyaan oo xasiliyaan arrinta mar haddii ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda.

Mar aan wax ka weydiinay ku simaha Guddoonka waxbarashada Gobolka Nugaal Xasan Cabdi Axmed (Sagal) waxa ka jira arrimaha Ardayda yar yar ay ka cabanayaan, wuxuu yiri, horta saad

la socotaan sanad Dugsiyeedkaan 2000-2001 waxaa la furay Dugsiyada 2/9/2000 culays badan oo aan awal jirin baa soo fuulay caasimada oo xagga ardayda ah, culeyskaas saddex arrimood baa saameeyey.

1. meesha oo Caasimad ah oo laysugu yimid, dad badan oo shaqaale ka noqday Puntland, soona dagay, ilmahoodiina keenay.

2. dugsiyadii oo yaraaday oo ardayda hadda aan ku filnayn.

3. mashaariicdii dib u dhiska dugsiyada Diakonia iyo UNESCO ka wadeen oo dib uga dhacday waqtigii loogu talagalay.

Taasoo keentay kuraastii iyo miisaskii in ay yaraadaan, bedelkii ardayda soo bedashay oo aad u batay.

Marka arrimahaas waxaa lagu xalin karaa labo arimood oo kala ah:-

1. in kuraas iyo miisas la keeno.

2. iyo in Dugsiyada labo qaybood laga dhigo qayb subax ah iyo qayb galab ah.

Saanu arrintaas UNESCO aanu ugu gudbiney oo ahayd in ay wax ka qabtaan, wax jawaab ah nooma soo celin.

Maadaama ay naga daahday wax qabadkii qalabaynta Dugsiyada, waxaanu rajaynaynaa sida aanu isku afgaranay haddii aanu nahay Guddoonka Waxbarashada in aanu labo qaybood sameyno oo dhibaatada aanu kaga baxno.

 

XAALADA ISBITAALKA BOSAASO OO KA SII DARAYSA.

Wariyaha PUNA ee Gobolka Bari oo booqday Isbitaalka Bosaaso talaadadii sitimaankii hore ee la soo dhaafay ayaa noo soo sheegay in uu halkaasi kula kulmay qaar ka mid

ah bukaanka Isbtaalkaasi jiifa iyo qaar ka mid ah dadka haya bukaanka.

Wariyuhu waxa uu inoo soo sheegay in qalabka iyo dayactirka Isbitaalkuba ay yihiin kuwo aad looga shaqeeyey balse ay jirto cabashooyin dadku ay ka cabanayaan daryeel la'aan xagga dawada iyo la socodka dhakhaatiirta ee bukaanka.

Wariyuhu waxa kale oo uu sheegay kadib marka uu wareystay qaar ka mid ah bukaanka iyo dadka ku haya qaarkood in ay aad uga cabanayaan kirada laga kireeyey sariiraha ay ku hurdaan bukaanku iyo daryeel la'aanta dhakhaatiirta taasoo ay ku eedaynayeen in dhakhtar waliba leeyahay Rug baaris caafimaad oo uu dadku ku qaabilo uuna aad u danaynayo Ganacsigiisa balse uu isdiimoonaysiinayo dhibka ka jira Isbitaalka.

TAHRIIB LA QAB QABTAY

PUNA BOSAASO

habeenimadii sabtida 23/9/2000 ayaa ciidamada Boolisku weerar ku qaadeen goob ay daganaayeen dad tira badan oo Tahriib ku sugayeen.

Ka dib nimankii Tahriibta uruurinayey waxay Rasaas ooda kaga qaadeen ciidankii hawlgalka sameenayey, waxaana ku dhintay nin shacab ah, qaar ka mid ah Tahriibtii iyo ragii uruurinayeyna waa la soo qab qabtay, waxaana lala sugayaa Maxkamad, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Saldhiga bartamaha Bosaaso oo magiciisu la yiraahdo Cali Jaamac.

 

 

SHARCIGA LAM.10 EE FASIRKIISA LA KALA JIIDJIITAY.

Sharciga Lambar 10 ee soo baxay 29/7/2000 (Garoowe) kuna saabsan ka hortagga go'aamada Carta, oo fassiraaddiisa siyaabo kala duwan loo kala jiidjiitay, ayaa Xafiiska Guddoonka Golaha Wakiiladu WARSIDAHA ka codsaday in uu dadweynaha u soo faafiyo, si dad badani awood ugu helaan inay sharicigaan ka bogtaan, qodobadiisana aad u dhuuxaan, waana sharicigii lambar.10

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu Arkay Axdiga Dawladda Puntland.

Isagoo tixgelinaya Ansixinta Golaha Wakiilada ee ku cad warqada sumadeedu tahay XGGW/109/2000, taariikhdeeduna tahay Garoowe, luulyo 29,2000.

Wuxuu soo saarayaa :-

Sharcigaan gaarka ah ee soo socda:-

Qodobka 1aad

Qaanuunka ka hortagida go'aanada Carta (Jabuuti) ee Dawladda Puntland ee sharcigan ku lifaaqan waa la ansixiyey.

Qodobka 2aad

Saddex nuqul oo sharcigaan ka mid ah ee uu saxiixay madaxweynaha iyo lifaaqiisa, waxaa loo qaadanayaa asal (Original), waxaana lagu kala

kaydinayaa Xafiiska Garyaqaanka Guud hal nuqul, xafiiska Xoghaya Golaha Wakiilada hal nuqul iyo Xafiiska xoghaynta Madaxwey-naha hal nuqul.

MADAXWEYNUHU WUXUU SOO SAARAY SHARCIGAN GAARKA AH EE SOO SOCDA:-

Qodobka 1aad

Dawlad Goboleedka Puntland ma ictiraafayso mana aqoonsanayso go'aanada ka soo baxa shirka Carta ee Jabuuti.

a) Cidkastoo laga soo magacaabo shirkaas derejo kasta ha sheegtee, waxaa loo aqoonsanayaa eedaysane, Islaamarkaana la horgaynayo hay'adaha shuruucda ee ku shaqada leh.

b) Cidkastoo sidoo kale, lagu magaacabo go'aanada Carta ee Jabuuti, meel kasta ha joogee wuxuu la mid yahay (Xarafka a ee kore).

c) Cidkastoo soo hujunta, magac ksta ha sheegtee xuduudaha Puntland, Dawladdu waxay xaq u leedahay in iska daafacdo.

d) Cidkasta oo go'aanada Carta lagu soo magacaabo ee ka tanaasusha magaacabida xilkaas Dawladda Puntlandna ku qanacdo tanaasulidaas wax dambi ah loo raacanmaayo.

Qodobka 2aad

Cidkastoo isku dayda inuu/inay jebiyaan qaraarkii ka soo baxay xukuumadda ee ku saabsanaa aqoonsi la'aanta Puntland ee shirka Carta (Jabuuti) ee Taariikhaha

Bosaaso, 23kii Maarso 2000 (Xukuumadda & Baarlamaanka), Garoowe, 17kii Juun 2000 (Xukuumadda), 17kii Juun 2000

(Go'aanka Golaha Wakiilada), waxaa lagu qaadayaa qawaaniintii Puntland.

a) Cidkastoo bareer ahaan u diida qaraarkii labada Gole ee kore, waxaa la horgaynayaa hay'adaha shuruucda fuliya.

Qodobka 3aad.

Cidkastoo shacabka Puntland u abaabusha, u oloaysa kuna dhiiri galisa go'aanada ka soo baxa shirka Carta (Jabuuti) waxaa lagu qaadayaa tallaabo qawaaniinta Puntland waafaqsan.

Qodobka 4aad

Cidkastoo go'aanada shirka Carta (Jabuuti) si cad awood dhaqaale iyo mid qalab ugu taageerta waxaa lagu qaadayaa shuruucda ummadda Puntland.

Qodobka 5aad.

Cidkastoo khalkhal galisa degenaanshaha nabadgelyada iyo midnimada ummadda Puntland, una adeegaysa danaha shirka Carta waxaa lagu qaadayaa qawaaniintii ummadda Puntland.

Qodobka 6aad

Nabadayn iyo dib u heshiisiin kasta oo aan ahayn kan Carta (Jabuuti)ka socda oo cadaalad ku salaysan D.G Puntland way soo dhawaynaysaa, waana ka qayb galaysaa.

Qodobka 7aad

Hay'adaha shuruucda iyo kuwa amniguwaajibaadkooda ku wajahan arrimaa kore waa inay gutaan.

 

XUBIN BAARLAMAANKA TALYAANIGA OO BAARLAMAANKA YURUB HORDHIGTAY ARRINTA SOOMAALIYEED

Xubinta Baarlaamka Talyaaniga ee Magaceedu saxiixa ku muuqdo ayaa Baarlamaanka Yurub hor dhigtay warqaddan halkan aanu ku soo faafinaynnu.. warqadda iyadoo Ingiriis loo turjumay, ayaa Fax WARSIDAHA loogu soo diray waana tan:-

The conclusion of the Djibouti conference, in which, it must be stressed, the Autonomous Administrations of Somaliland & Puntland did not take part, carries with it an actual, serious risk of further fragmentation and destabilization of the political situation in Somalia. The de facto recognition that sectors of the International community are furthering as a prelude to the end of the Somali civil war, might paradoxically reach the opposite result; the re-ignition of fighting in Mogadishu, and the destabilization of the North of the Country, where local administrations have succeeded over the years to gain and maintain good political and social stability and relative security.

The (Djibouti Conference) conclusions have been reached also due to the fact that the vast majority of the delegates had no mandate from their respective constituencies and that the conditions spelled out to the UN

by the President of Djibouti were not met isolation of the warlords; involvement of the civil society; implementation of the so-called "Building blocks" program through a "Bottom-up approach" this to avoid the same failures as in the previous twelve conferences.

The conference did nothing but appoint to the key positions the old cronies of the late dictator Siyad Barre, striking a strong political-strategically-economical alliance with sectors of the International Islamic fundamentalism, alliance that seems to have played a key role in the decisions taken at the conference.

On the regard,

1. Is the (EU) Commission aware that the first and only head of State of a sovereign country to give immediate recognition to the "New President" of Somalia, promising at the same time sizeable financial support, has been the President of Sudan?

2. in the face of possible re-ignition of fighting in Mogadishu and its environs, and of a likely destabilization of the pacified autonomous regions of Somaliland and Puntland , which initiatives does the (EU) Commission plan to undertake to guarantee peace and to rebuild a political equilibrium among all the several regional entities, equilibrium that only a federal system, respectful autonomies, can gurantee?

SUGAAN

WARGELIN

WAXAA DHAMMAAN HAY'A-DAHA IYO DADWEYNAHABA LALA SOCODSIINAYAA CIDII DANAYSA WARSIDAHA TIRSI WALBA EE SOO BAXA IN LOOGU KEENO MEESHOODA WAA IN AY SOO QORTAAN INTA AY XABO AY U BAAHAN YIHIIN AMA TIRADA AY RABAAN KUNA SOO HAGAA-JIYAAN XAFIISKA WARSIDA-HA PUNTLAND AMA KALA SOO XIRIIR:-

XARUNTA MADBACADA EE GAROOWE

TEL. 2600

 

 

A DICTATORSHIP OF ANOTHER KIND, THE WORST KIND

(By Nuuradiin Aadan Diiriye- London)

During the last decade the public opinion in Somalia has evolved, Somalis have learned painfully the hard way that the system of governance that suits them the best is a devolved federal system. It is not something the ordinary people would want to be philosophical about, or wish to continuously dwell on its fine ideology, rather a simple feeling of long-term security guarantees. People's memory is still fresh with what can happen when a civil breaks out and you happen to be in the wrong place at the wrong time. Somalis did not yet forget what has happened when a lot of people found themselves in a "non-traditional" region of theirs, despite the strong feeling that it was actually theirs. People would like to be governed within their enclave and have a nationalistic common agenda at the same time. Areas in Somalia. People would like to make decisions closer to home and would greatly cherish to contribute to any national issue that will hold Somalia together. One might question how these conclusions have been reached when there is no sophisticated opinion polling system in Somalia? But one would note that these ideas have formed strongly until it has been put in practice in large areas of Somalia, particularly in Puntland and in Somaliland though with different premises. The spirit of regionalism is also transparent from business practices as it is from rehabilitation trends of the people after the civil war.

What we have attained after Arta conference is a set of structures, which aims to return us to those dark days of centralized authority. Dark on intent and dark with content. The days when Governmental structures were centralized in order to control the nation with firm hands. The days when you could not get a passport or obtain a visa until you travel to Mogadishu.

The days when you could not import anything essential =to the country unless you do it via Mogadishu port despite having the longest coastline in Africa. The days when you could not go to a university unless you have a home in Mogadishu or become stranded in Mogadishu suburbs. Some people within these structures could conceptualize the

days when Somalia was nothing but Mogadishu, and Mogadishu collapsed Somalia was nothing altogether and still struggles to be something. The parable seems to be on going with these people when they still imagine if Mogadishu is something again, Somalia will be something altogether again. The people who are spearheading these hauled structures from Djibouti, have graduated from nothing other that Siyad Barre's academy of dictatorship and control, and have even done post Siyad specialization in tribal cleansing and looting technology. What they haven't done so far is to ever participate in any representative democratic forum or appreciate any self-governance on the grass roots level.

It is strange to be participating in any debate regarding the conference in Djibouti and its outcome. When such a debate starts and you hint any reservations you might have about the process, its principles and practices, you are confronted with questions like are you against peace in Somalia? It is a big and frightening question as there could be no sane person who will oppose peace in anywhere in the world let alone your own country. Even the media have picked up some headlines like "peace and stability at last". Like it has rained peace and stability in an upstream neighboring country to swiftly pour on us on a downstream level. In this instance, there are two issues, which are confused intentionally or unintentionally. The first is what has been set up in Arta Djibouti and the second is a lasting peace and a credible government is Somalia. The Somali people who gathered in Arta Djibouti have succeeded in appointing a parliament and electing a president however debatable the method and the process of that election might be, nevertheless that was the end result in Djibouti. It is also worth mentioning that there are a lot of people as well as the sole existing and peaceful regional administrations that oppose the whole conference and its outcome.

What we have to achieve as yet in Somalia is a lasting peace and a credible government in all over Somalia. Instead of declaring peace at lat or asking whether someone is against peace in Somalia or not, wouldn't it be more appropriate if we dealt with more relevant points and asked more appropriate questions such as; would this government bring peace to Somalia? Or will it be credible enough to bring all Somalis on board? Wouldn't it be more relevant if we deliberated about whether we can trust the same people who shackled us with devastating tribal and hate policies for more than two decades? Wouldn't it be more befitting if we thought about the system in which we handed those people to hit us again hard on where it hurts? Wouldn't it be more applicable if we reason more about whether this government would work to return the looted properties to its rightful owners how and how will it do that? Wouldn't it be more equitable if we decide what to do about those who committed the crimes of genocide against Somali people and talked about whether it is worth to extend parliamentary amnesty to the people who committed those grievous crimes?

For two apparent reasons, it is difficult to imagine how we can get a credible government in all Somalia out of the current saga as well as from the same familiar faces. For the system in which it has been set up with, the tribal system in which it has been setup with, the tribal system, which is neither representative nor maintainable in the future. Will continue.