GOORTII DHULKAYAGII
LA QAYBSADAY
Casharka
II-aad
Waxaa qoray
"Saadiq Enow"
Adeer ! ciidamadii Burtuqiiska duulaankoodii ayay wadeen, iyaga
oo raacayay xeebta bad-waynta Hindiya. Waxay gaareen magaaladii
Xamar oo sidii kuwii ka horeeyay ay u galeen. Copland
oo arintaas xusay ayaa wuxuu qoray sidatan :
" Dabadeed waxay u gudbeen Xamar, oo sida laŽogyahay
ahayd magaalada ugu camiran, ugu taajirsan uguna ciidan adag marka
laŽeego magaalooyinkii ku yiil xeebaha bariga Afrika. Waxaa
xeebta Xamar ka buuxay ciidamo ay badankoodu fardo saarraayeen.
Shaki kuma jiro dhibaatadii Baraawe gaartay mid aanan ka yarayn in
ay Xamarna taabatay ".
Sidaas baa magaaladii Xamar iyo dadkeedii ay qayb uga heleen
halaagii soo gaaray dayowgii ku noolaa xeebaha bariga badwaynta
Hindiya. Dadkii magaalada ku noolaa waa ay ka qaxeen,
hantidoodiina wax la dhaco iyo wax la gubo ayaa laga yeelay.
Adeerow ogow oo maahayn marka keliya ee magaalada Xamar iyo
dadkeeda uu ku habsado halaaga noocaas ah.
Burtuqiisku waxay dabkoodii gaarsiiyeen degmooyin ay kamid
ahaayeen Xaafuun, Suqadara iyo Cadan. Magaalooyinkaas oo
dhamaantood ahaa kuwo aad u camiran ayay dab qabad siiyeen,
dadkoodiina ay qaxooti ka dhigeen. Ciidamadaasi waxay raadinayeen
waddo cusub oo loo adeegsado ganacsiga ka dhaxeeya qaaradaha
Aasiya iyo Yurub, taas oo loolan la gasha Waddada Xariirta.
Sababaha ciidamada Burtuqiisku ay degmooyinka xeebaha ah la
gubayeen waxay ahayd in maraakiibta ganacsiga ee ka soo weecanayay
hirarka qallafsan oo ay cimilada baduhu leeyihiin (gaar ahaan
cimilada bad-waynta Hindiya), ay amaan ku maraan biyaha xeebaha
dhulka u dhow. Adeerow ogow oo siyaasaddaas illaa maanta waa
jidhaa oo waa tan dalalka ay Soomaaliya kamid tahay loogu
tilmaamay argagixiso iyada oo ay ujeeddadu tahay in la bannaysto
adeegsiga badahooda.
Waxaa in la xuso mudan Waddada Xariirta The
Silk Road oo ahyad mid horay u jirtay ayaa xilligii
qarniyadii dhexe waxaa gacanta ku hayay dadyowgii reer Venetia
ee degganaa waqooyiga dalka Talyaaniga. Waddadaas oo markeedii
hore ku bilaabatay adeegsi siyaasad iyo mid ciidan ayaa goor dambe
waxay isku beddeshay mid ganacsi. Adeerow waxaad ogaataa in
adeegsiga waddadaasi ay bilaabatay qarnigii 2-aad c.h. xilligaas
oo dhulka shiinaha ay ka jirtay boqortooyo hanaqaad ah oo
gaamurtay, dadkeedase kula kici jidhay gabood fal badan.
Boqortooyadaas oo magaceedu ahaa Xiongnu
ayaa waxay caadaysatay in ay gulufyo colaadeed u dunto
umadihii la deriska ahaa oo ay ka itaalka roonayd. Ujeeddadu waxay
ahayd boob iyo bililiqaysi. Sanadkii 206-aad c.h. ayaa bariga
Shiinaha waxaa ka unkamay maamulkii boqortooyadii la oran jiray Han.
Nin la yiraahdo Wudi oo
kamid ahaa boqorradii reer Han
ayaa waxaa wal-wal ku abuuray fara-gelinta ay maamulkiisa ku
hayeen boqortooyada ka xoogga badan ee Xiongnu.
Wuxuu ergey u dirsaday dadyowgii ku noolaa bartamaha Aasiya si ay
isga-kaashadaan dulmiga reer Xiongnu.
Ergeygii la diray oo magaciisa la oran jiray Zhang
Qian ayaa socod badan ku maray degaamadaas, kaas oo
ujeedadiisu ahayd in uu gaarsiiyo maamulladii halkaas ka jiray
fariintii boqorkiisa. Inkasta oo Zhang
Qian uu ku hungoobay risaaladii uu siday misana dadaal
uma yarayn. Sababta uu hiilka u waayay waxay ahayd dadyowga uu u
tegay oo ku qanacsanaa noloshii ay markaas haysteen.
Adeerow sidii ay reer Han
ka cabsi qabeen, ciidamadii reer Xiongnu
ayaa ku soo duulay degaamadoodii. Taariikhdu waxay xustay Zhang
Qian in nolol lagu qabtay.
Dabadeedna uu 10 sano xabsi ku jiray. Kadib markii uu soo baxsaday
ayuu Zhang Qian wuxuu ku soo
laabtay degaankii Aasiyada dhexe iyo dhulkii uu horay u maray.
Halkaas ayuu ka bilaabay ganacsi, maadaama uu degaamada horay u
yiqiin. Ninkaasi, shaygii ugu horeeyay ee uu ka ganacsan jiray
waxay ahayd xariirta. Inkasta oo dhulka uu aad u kala fogaa,
misana waxaa degaankaas soo gaari jiray ciidamadii Beershiyaanka
iyo kuwii Roomanka. Dadka Shiinaha ah waxay ahaayeen kuwo ku
horeeyay farsamada xariirta, taas oo aqoonteeda ay ku yarayd
umadihii kale. Sidaa darteed ayaa ganacsigii xariirta waxaa
xiiseeyay dadyowgii reer Beershiya iyo kuwii Roomanka oo ahaa labo
ilbaxnimo ee deris ah, xuduudna w! ! adaaga. Sidaasna waxaa ku
furmay waddo lagaga ganacsado xariirtii laga keenayay Shiinaha.
Markii ay soo if-baxaday baahida xariirta looga qabo bartamaha iyo
galbeedka qaaradda Aasiya, geddisley badan ayaa bilaabay in ay ka
ganacsadaan xariirtii Shiinaha. Sidaas bayna ku bilaabatay
waddadii, sanadaha badan, halbowlaha u ahayd ganacsiga adduunka
intaanay waddooyinka baduhu furmin. In kasta oo waddadii ay
qaadatay magaca xariirta, misana markii ay hanaqaad noqotay waxaa
mari jiray ganacsi noocyo badan leh.Waxaa in laxuso mudan in geela
uu ahaa gaadiidka qura oo ay ganacsatadu adeegsan jireen.
Waddadaas oo ahayd mid cabsi badan, ganacsiga marayana uu halis u
ahaa in la dhaco ayaa ganacsatadii mari jirtay waxay hadba isu
ekaysiin jireen degaanka ay marayeen dadkii ku noolaa. Degaan
walbana waxaa jiray dad ay ganacsatadu xiriir la lahaayeen, kuwaas
oo laaluush qaadan jiray, sidaasna ay ku hor kici jireen illaa ay
ka gudbiyaan xadka degaanka ay u dhasheen. Adeerow waddadu waxay
ku dh! ! amaan jirtay labo degmo oo ay midi tahay degmada XiŽan
oo ku taal galbeedka Shiinaha, halkaas oo ay ka curatay
ilbaxnimadii Shiinaha ee hore. Midda kalena waa degmada New
Delhi oo ku taal waqooyiga Hindiya, oo iyana ah halkii
ay ka curatay ilbaxnimadii Hindiya. Waddadu waxay sii mari jidhay
degmooyin ay umado kala duwan lahaayeen, waxayna ahayd sidatan :
1. Venetia (Itaaliya),
Ankara (Turkiya), Dimashaq (Suuriya),
Baqdaad (Ciraaq), Tehraan (Iiraan),
Mashahad (Kasaakhistaan),
Al-maŽta (Kasaakhistaan),
Urumqi (Shiino), Duhhuang (Shiino),
Yumen (Shiino), Lanzhou (Shiino),
XiŽan (Shiino).
2. Venetia (Itaaliya),
Ankara (Turkiya), Dimashaq (Suuriya),
Baqdaad (Ciraaq), Tehraan (Iiraan),
Mashahad (Kasaakhistaan),
Kashbagar (Shiino), Aksu (Shiino),
Korla (Shiino), Dunhuang (Shiino),
Jiayuguan (Shiino), Lanzhou (Shiino),
XiŽan (Shiino).
3. Venetia (Itaaliya),
Ankara (Turkiya), Dimashaq (Suuriya),
Baqdaad (Ciraaq), Tehraan (Iiraan),
Mashahad, Lahore (Bakistaan),
New Delhi (Hindiya).
Adeerow waxaad ogaataa, dhaqdhaqaaqii ganacsi ee caalamiga ahaa
ee adeegsanayay waddadaasi in uu ahaa mid marna taariikhda ka
muuqda marna ka maqnaada. Dadka adeegsanayay iyo waxyaabaha ay
is-dhaafsanayeena, taariikhda waa ay ku kala duwanaayeen. Bilowgii
qarniyadii dhexe waxaa waddada adeegsanayay ganacsato ah reer Venetia.
Dadkaasi waxay lahaayeen nadaam ay isku maamulayeen, kaas oo ka
haray hanaankii siyaasadeed oo ay lahayd boqortooyadii Roomanka,
wakhti uu raadkii boqortooyadaasi, muddo 400 oo sano ah, ka maqnaa
dunida guudkeeda. Waxay ahaayeen maamulka qura ee ka haray Roman
Empire ee xilligaas taagnaa. Dadyowgii reer Yurub waxay
wakhtigaas ku jireen xilliyadii mugdiga The
Dark Ages. Arintaasi ayaa magaalada Venetia
waxay siisay fursad ah in magaaladu ahaato albaab
muhiim ah oo qaaradda Yurub ay dunida kala xiriirto. Dadka reer
Venetia waxay ku dadaaleen in waddada sir u ahaato oo eeyan
dadyowga reer Yurub u sheegin si ay iyagu u ahaadaan kuwa keliya
ee ka faaŽiida, taasna dhowr qarni ayay ku macaasheen.
Adeer ! nin la yiraahdo Marko Polo
(1254 - 1324) oo u dhashay Venetian
ayaa wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee sirtaas bixiya. Marko
Polo waddadaas ayuu ku safray isaga oo baadi-goobayay
aabihiis Niccolo Polo iyo
adeerkiis Maffeo Polo oo intay
dhulka Shiinaha u socdaaleen dib u soo laaban waayay. Marko
Polo markii uu soo noqday, wuxuu ka qayb qaatay dagaal
ay reer Venetian la galeen
reer Verbania, halkaas oo Marko
Polo lagu qabtay, dabadeedna 10 sano oo xabsi ah lagu
xukumay. Nin xabsiga kula jiray oo ay saaxiibeen oo reer Verbania
ahaa ayuu uga sheekeeyay waddadii. Adeerow sidaas bay dadyowgii
kale ee reer Yurub ku ogaadeen adeegsiga Waddad! ! ii Xariirta oo
ay reer Venetian muddo ku
gumaysanayeen.
Adeerow ogow in reerahaasi Venetian-ka
ah, ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay noloshii ku dhisnayd khuraafiga
oo ay reer Yurub ku sugnaayeen xilliyadii mugdiga The
Dark Ages. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay hanaanka
wadaaddada wax cafiya ee lagu magacaabo Indulgences,
taas oo ah bidco ay diintoodii ku kordhiyeen, ceeb iyo foolxumo
badanna ku kordhisay taariikhda Yurub. Waxay ahaayeen kuwii ka
dambeeyay baahi dunida ka dhacday sanadihii 1441 - 1453, markaas
oo dadka baahidaas u dhintay ay tiradooda gaaraysay 130 melyan oo
qof. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay dagaaladii lagu soo qaaday
umadaha islaamka ah ee kala ahaa kii saliibiga ee bilowday
dabayaaqadii qarnigii 11-aad iyo kii tataarka ee bilowday bilowgii
qarnigii 13-aad, kuwaas oo adeerow ujeeddadoodu ahayd in la wiiqo
xoogga bulshooyinka muslimiinta ah ee degganaa dhulka ay waddadu
marto. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeey! ! ay dil iyo cadaadis loo
gaystay rag badan oo aqoonyahanno ahaa, kuwaas oo markii ay wax ku
soo barteen dugsiyadii uu islaamku ka furay magaalada Qurduba,
qaadan waayay khuraafiga ay wadaaddadu ku faafinayeen bulshada
dhexdeeda. Adeerow raggaas waxaa ugu caansan Giordano
Bruno oo ay kaniisaddu iftootay in la gubo iyo Galileo
Galilei oo isna loo iftooday in uusan dadka la hadlin.
Adeer ! Venetian-ku waxay
qabeen aragti oranaysay It is better to
be a king in a disaster world, than to be a citizen in a civilized
world. Taas oo macnaheedu yahay inaad madax ka ahaato
duni lagu halaagsamay ayaa waxay ka wanaagsan tahay inaad muwaadin
ka ahaato duni ilbaxnimo iyo hor u mar taal. Adeerow maxaa isaga
eg aragtidii raggaas iyo aragtida dagaal oogayaasha soomaaliyeed
!.
Adeer ! aanu dib ugu laabanoŽe duulaankii ay Burtuqiisku ku
soo qaadeen degaamadeenii sanadkii 1506-dii waxay ka dambaysay 14
sano oo qura markii nin u dhashay dalka Isbaaniya ee la yiraahdo Christopher
Columbus uu gaaray qaaradda Ameerika (1492-kii). Ogow
oo muhimadda socdaaladaas mid bay ahayd oo waxaa lagu baadi
goobayay waddo ka duwan kana amaan badan Waddadii Xariirta ee uu
ganacsigu mari jiray.
Qore : Saadiq Enow