19 May 2007 04:27

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] (Saadiq Enow) GOORTII  DHULKAYAGII LA QAYBSADAY - Casharka II-aad  :Posted on 19 June 2002

-"

GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY

Casharka II-aad 

Waxaa qoray "Saadiq Enow" 

Adeer ! ciidamadii Burtuqiiska duulaankoodii ayay wadeen, iyaga oo raacayay xeebta bad-waynta Hindiya. Waxay gaareen magaaladii Xamar oo sidii kuwii ka horeeyay ay u galeen. Copland oo arintaas xusay ayaa wuxuu qoray sidatan :

" Dabadeed waxay u gudbeen Xamar, oo sida laŽogyahay ahayd magaalada ugu camiran, ugu taajirsan uguna ciidan adag marka laŽeego magaalooyinkii ku yiil xeebaha bariga Afrika. Waxaa xeebta Xamar ka buuxay ciidamo ay badankoodu fardo saarraayeen. Shaki kuma jiro dhibaatadii Baraawe gaartay mid aanan ka yarayn in ay Xamarna taabatay ".

Sidaas baa magaaladii Xamar iyo dadkeedii ay qayb uga heleen halaagii soo gaaray dayowgii ku noolaa xeebaha bariga badwaynta Hindiya. Dadkii magaalada ku noolaa waa ay ka qaxeen, hantidoodiina wax la dhaco iyo wax la gubo ayaa laga yeelay. Adeerow ogow oo maahayn marka keliya ee magaalada Xamar iyo dadkeeda uu ku habsado halaaga noocaas ah.

Burtuqiisku waxay dabkoodii gaarsiiyeen degmooyin ay kamid ahaayeen Xaafuun, Suqadara iyo Cadan. Magaalooyinkaas oo dhamaantood ahaa kuwo aad u camiran ayay dab qabad siiyeen, dadkoodiina ay qaxooti ka dhigeen. Ciidamadaasi waxay raadinayeen waddo cusub oo loo adeegsado ganacsiga ka dhaxeeya qaaradaha Aasiya iyo Yurub, taas oo loolan la gasha Waddada Xariirta. Sababaha ciidamada Burtuqiisku ay degmooyinka xeebaha ah la gubayeen waxay ahayd in maraakiibta ganacsiga ee ka soo weecanayay hirarka qallafsan oo ay cimilada baduhu leeyihiin (gaar ahaan cimilada bad-waynta Hindiya), ay amaan ku maraan biyaha xeebaha dhulka u dhow. Adeerow ogow oo siyaasaddaas illaa maanta waa jidhaa oo waa tan dalalka ay Soomaaliya kamid tahay loogu tilmaamay argagixiso iyada oo ay ujeeddadu tahay in la bannaysto adeegsiga badahooda.

Waxaa in la xuso mudan Waddada Xariirta The Silk Road oo ahyad mid horay u jirtay ayaa xilligii qarniyadii dhexe waxaa gacanta ku hayay dadyowgii reer Venetia ee degganaa waqooyiga dalka Talyaaniga. Waddadaas oo markeedii hore ku bilaabatay adeegsi siyaasad iyo mid ciidan ayaa goor dambe waxay isku beddeshay mid ganacsi. Adeerow waxaad ogaataa in adeegsiga waddadaasi ay bilaabatay qarnigii 2-aad c.h. xilligaas oo dhulka shiinaha ay ka jirtay boqortooyo hanaqaad ah oo gaamurtay, dadkeedase kula kici jidhay gabood fal badan. Boqortooyadaas oo magaceedu ahaa Xiongnu ayaa waxay caadaysatay in ay gulufyo colaadeed u dunto umadihii la deriska ahaa oo ay ka itaalka roonayd. Ujeeddadu waxay ahayd boob iyo bililiqaysi. Sanadkii 206-aad c.h. ayaa bariga Shiinaha waxaa ka unkamay maamulkii boqortooyadii la oran jiray Han. Nin la yiraahdo Wudi oo kamid ahaa boqorradii reer Han ayaa waxaa wal-wal ku abuuray fara-gelinta ay maamulkiisa ku hayeen boqortooyada ka xoogga badan ee Xiongnu. Wuxuu ergey u dirsaday dadyowgii ku noolaa bartamaha Aasiya si ay isga-kaashadaan dulmiga reer Xiongnu. Ergeygii la diray oo magaciisa la oran jiray Zhang Qian ayaa socod badan ku maray degaamadaas, kaas oo ujeedadiisu ahayd in uu gaarsiiyo maamulladii halkaas ka jiray fariintii boqorkiisa. Inkasta oo Zhang Qian uu ku hungoobay risaaladii uu siday misana dadaal uma yarayn. Sababta uu hiilka u waayay waxay ahayd dadyowga uu u tegay oo ku qanacsanaa noloshii ay markaas haysteen.

Adeerow sidii ay reer Han ka cabsi qabeen, ciidamadii reer Xiongnu ayaa ku soo duulay degaamadoodii. Taariikhdu waxay xustay Zhang Qian in nolol lagu qabtay. Dabadeedna uu 10 sano xabsi ku jiray. Kadib markii uu soo baxsaday ayuu Zhang Qian wuxuu ku soo laabtay degaankii Aasiyada dhexe iyo dhulkii uu horay u maray. Halkaas ayuu ka bilaabay ganacsi, maadaama uu degaamada horay u yiqiin. Ninkaasi, shaygii ugu horeeyay ee uu ka ganacsan jiray waxay ahayd xariirta. Inkasta oo dhulka uu aad u kala fogaa, misana waxaa degaankaas soo gaari jiray ciidamadii Beershiyaanka iyo kuwii Roomanka. Dadka Shiinaha ah waxay ahaayeen kuwo ku horeeyay farsamada xariirta, taas oo aqoonteeda ay ku yarayd umadihii kale. Sidaa darteed ayaa ganacsigii xariirta waxaa xiiseeyay dadyowgii reer Beershiya iyo kuwii Roomanka oo ahaa labo ilbaxnimo ee deris ah, xuduudna w! ! adaaga. Sidaasna waxaa ku furmay waddo lagaga ganacsado xariirtii laga keenayay Shiinaha. Markii ay soo if-baxaday baahida xariirta looga qabo bartamaha iyo galbeedka qaaradda Aasiya, geddisley badan ayaa bilaabay in ay ka ganacsadaan xariirtii Shiinaha. Sidaas bayna ku bilaabatay waddadii, sanadaha badan, halbowlaha u ahayd ganacsiga adduunka intaanay waddooyinka baduhu furmin. In kasta oo waddadii ay qaadatay magaca xariirta, misana markii ay hanaqaad noqotay waxaa mari jiray ganacsi noocyo badan leh.Waxaa in laxuso mudan in geela uu ahaa gaadiidka qura oo ay ganacsatadu adeegsan jireen. Waddadaas oo ahayd mid cabsi badan, ganacsiga marayana uu halis u ahaa in la dhaco ayaa ganacsatadii mari jirtay waxay hadba isu ekaysiin jireen degaanka ay marayeen dadkii ku noolaa. Degaan walbana waxaa jiray dad ay ganacsatadu xiriir la lahaayeen, kuwaas oo laaluush qaadan jiray, sidaasna ay ku hor kici jireen illaa ay ka gudbiyaan xadka degaanka ay u dhasheen. Adeerow waddadu waxay ku dh! ! amaan jirtay labo degmo oo ay midi tahay degmada XiŽan oo ku taal galbeedka Shiinaha, halkaas oo ay ka curatay ilbaxnimadii Shiinaha ee hore. Midda kalena waa degmada New Delhi oo ku taal waqooyiga Hindiya, oo iyana ah halkii ay ka curatay ilbaxnimadii Hindiya. Waddadu waxay sii mari jidhay degmooyin ay umado kala duwan lahaayeen, waxayna ahayd sidatan :

1. Venetia (Itaaliya), Ankara (Turkiya), Dimashaq (Suuriya), Baqdaad (Ciraaq), Tehraan (Iiraan), Mashahad (Kasaakhistaan),  Al-maŽta (Kasaakhistaan), Urumqi (Shiino), Duhhuang (Shiino), Yumen (Shiino), Lanzhou (Shiino), XiŽan (Shiino).

2. Venetia (Itaaliya), Ankara (Turkiya), Dimashaq (Suuriya), Baqdaad (Ciraaq), Tehraan (Iiraan), Mashahad (Kasaakhistaan), Kashbagar (Shiino), Aksu (Shiino), Korla (Shiino), Dunhuang (Shiino), Jiayuguan (Shiino), Lanzhou (Shiino), XiŽan (Shiino).

3. Venetia (Itaaliya), Ankara (Turkiya), Dimashaq (Suuriya), Baqdaad (Ciraaq), Tehraan (Iiraan), Mashahad, Lahore (Bakistaan), New Delhi (Hindiya).

Adeerow waxaad ogaataa, dhaqdhaqaaqii ganacsi ee caalamiga ahaa ee adeegsanayay waddadaasi in uu ahaa mid marna taariikhda ka muuqda marna ka maqnaada. Dadka adeegsanayay iyo waxyaabaha ay is-dhaafsanayeena, taariikhda waa ay ku kala duwanaayeen. Bilowgii qarniyadii dhexe waxaa waddada adeegsanayay ganacsato ah reer Venetia. Dadkaasi waxay lahaayeen nadaam ay isku maamulayeen, kaas oo ka haray hanaankii siyaasadeed oo ay lahayd boqortooyadii Roomanka, wakhti uu raadkii boqortooyadaasi, muddo 400 oo sano ah, ka maqnaa dunida guudkeeda. Waxay ahaayeen maamulka qura ee ka haray Roman Empire ee xilligaas taagnaa. Dadyowgii reer Yurub waxay wakhtigaas ku jireen xilliyadii mugdiga The Dark Ages. Arintaasi ayaa magaalada Venetia waxay siisay fursad ah in magaaladu ahaato albaab muhiim ah oo qaaradda Yurub ay dunida kala xiriirto. Dadka reer Venetia waxay ku dadaaleen in waddada sir u ahaato oo eeyan dadyowga reer Yurub u sheegin si ay iyagu u ahaadaan kuwa keliya ee ka faaŽiida, taasna dhowr qarni ayay ku macaasheen.

Adeer ! nin la yiraahdo Marko Polo (1254 - 1324) oo u dhashay Venetian ayaa wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee sirtaas bixiya. Marko Polo waddadaas ayuu ku safray isaga oo baadi-goobayay aabihiis Niccolo Polo iyo adeerkiis Maffeo Polo oo intay dhulka Shiinaha u socdaaleen dib u soo laaban waayay. Marko Polo markii uu soo noqday, wuxuu ka qayb qaatay dagaal ay reer Venetian la galeen reer Verbania, halkaas oo Marko Polo lagu qabtay, dabadeedna 10 sano oo xabsi ah lagu xukumay. Nin xabsiga kula jiray oo ay saaxiibeen oo reer Verbania ahaa ayuu uga sheekeeyay waddadii. Adeerow sidaas bay dadyowgii kale ee reer Yurub ku ogaadeen adeegsiga Waddad! ! ii Xariirta oo ay reer Venetian muddo ku gumaysanayeen.

Adeerow ogow in reerahaasi Venetian-ka ah, ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay noloshii ku dhisnayd khuraafiga oo ay reer Yurub ku sugnaayeen xilliyadii mugdiga The Dark Ages. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay hanaanka wadaaddada wax cafiya ee lagu magacaabo Indulgences, taas oo ah bidco ay diintoodii ku kordhiyeen, ceeb iyo foolxumo badanna ku kordhisay taariikhda Yurub. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay baahi dunida ka dhacday sanadihii 1441 - 1453, markaas oo dadka baahidaas u dhintay ay tiradooda gaaraysay 130 melyan oo qof. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay dagaaladii lagu soo qaaday umadaha islaamka ah ee kala ahaa kii saliibiga ee bilowday dabayaaqadii qarnigii 11-aad iyo kii tataarka ee bilowday bilowgii qarnigii 13-aad, kuwaas oo adeerow ujeeddadoodu ahayd in la wiiqo xoogga bulshooyinka muslimiinta ah ee degganaa dhulka ay waddadu marto. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeey! ! ay dil iyo cadaadis loo gaystay rag badan oo aqoonyahanno ahaa, kuwaas oo markii ay wax ku soo barteen dugsiyadii uu islaamku ka furay magaalada Qurduba, qaadan waayay khuraafiga ay wadaaddadu ku faafinayeen bulshada dhexdeeda. Adeerow raggaas waxaa ugu caansan Giordano Bruno oo ay kaniisaddu iftootay in la gubo iyo Galileo Galilei oo isna loo iftooday in uusan dadka la hadlin.

Adeer ! Venetian-ku waxay qabeen aragti oranaysay It is better to be a king in a disaster world, than to be a citizen in a civilized world. Taas oo macnaheedu yahay inaad madax ka ahaato duni lagu halaagsamay ayaa waxay ka wanaagsan tahay inaad muwaadin ka ahaato duni ilbaxnimo iyo hor u mar taal. Adeerow maxaa isaga eg aragtidii raggaas iyo aragtida dagaal oogayaasha soomaaliyeed !.

Adeer ! aanu dib ugu laabanoŽe duulaankii ay Burtuqiisku ku soo qaadeen degaamadeenii sanadkii 1506-dii waxay ka dambaysay 14 sano oo qura markii nin u dhashay dalka Isbaaniya ee la yiraahdo Christopher Columbus uu gaaray qaaradda Ameerika (1492-kii). Ogow oo muhimadda socdaaladaas mid bay ahayd oo waxaa lagu baadi goobayay waddo ka duwan kana amaan badan Waddadii Xariirta ee uu ganacsigu mari jiray.

Qore : Saadiq  Enow


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:15 AM. Webmaster HomePage