- [SW Country] (Saadiq Enow) GOORTII
DHULKAYAGII LA QAYBSADAY- III iyo IV :Posted on
19 Jun 2002
GOORTII DHULKAYAGII LA
QAYBSADAY
Casharka
IV-aad
Waxaa qoray "Saadiq
Enow"
Adeer ! dagaalkan oo la magac baxay Shimbira-kore wuxuu dhacay
sanadkii 1529-kii, wuxuuna ahaa kii ugu muhiimsanaa oo ay soomaalidu
ku gaareen guulihii is-daba joogay oo ay Aksum ku qabsadeen.
Markaas oo boqorkii Abasiiniyiinta uu baxsaday, illaa laga dilayna
wuxuu hadba ku dhuumanayay dhulka buuralayda ah ee galbeedka Itoobiya.
Markuu dhintay dabadeed, waxaa taladii Xabashida la wareegay wiilkii
boqorka oo la oran jiray Gladiolus. Adeerow intaanan Boqorka la
dilin wuxuu dhambaallo calaacal ah u dirsaday baadarigii xilligaas ugu
weynaa masiixiyiinta iyo boqorkiii Bortuqiiska King Jhon III.
Adeerow Bortuqiiska oo xilligaas ahaa dowladda dunida ugu xooga weyn
ayaa boqorkoodii wuxuu markiiba ka soo jawaabay dhambaalkii uu ka
helay boqorkii Xabashida. Boqorku wuxuu farriin degdeg ah u soo diray
wiil uu dhalay oo wakiil uga ahaa mustacmarad uu xilligaa! ! s
Bortuqiisku ku lahaa dalka Hindiya. Wiilkaas waxaa la oran jiray De
Gama. Boqrku wuxuu wakiilka soo faray in uu si degdeg ah ciidan
ugu diro dagaalka ka socda geeska Afrika, kuna dadaalo in uu ka
badbaadiyo dagaalka iyo dabka ay muslimiintu ku wadaan dadka masiixiga
ah ee halkaas ku nool, dalkoodana uga xoreeyo ciidamada shisheeyaha ah
ee ka qabsaday. Xilligaas dagaalku wuxuu socdey 12 sanadood.
Adeer ! wakiilkii Hindiya fadhiyay markiiba waa uu ka soo jawaabay
farriintii aabihiis. Wuxuu diyaariyay ciidan tiradoodu dhanyahay 450
nin oo hub casri ah sita. Wakiilku wuxuu ciidanka masuul uga dhigey
nin la yiraahdo Christopher de Gama. Waxaa dhalay bad-mareenkii
caanka ahaa Vasco de Gama. Ciidankaasi oo badda ku soo safray
iyaga iyo hubkii ay siteenba, waxay ka soo degeen magaalada dekadda ah
ee la yiraahdo Masawac dabayaaqadii sanadkii 1541-kii, iyada oo
uu weheliyo nin la yiraahdo Sebla Wangel oo ka tirsanaa caaŽiladda
reer boqor ee Xabashida.
Ciidamadii Burtuqiisku dhabarka ayay soomaalidii kaga yimaadeen.
Hubka ay siteen wuxuu ahaa mid eeyan soomaalidu u babac dhigi karin.
Kaddib markii ay labadii ciidan isku heleen agagaarka balliga Taana
ayaa soomaalidii khasaaro badan la gaarsiiyay, laguna khasbay in ay
dib uga laabtaan degaamadii ay Xabashida ka qabsadeen. Dagaalkaasi
wuxuu dhacay bishii abriil sanadkii 1542-kii. Afar bilood dabadeed,
soomaalidii waa ay soo rogaal celiyeen, halkaasna waxaa lagu jebiyay
ciidamadii Bortuqiiska. Hoggaamiyahoodii ahaa Christopher de Gama
nolol ayaa lagu qabtay, dabadeedna waa la dilay.
Adeer ! Imaam Axmad Gurey wuxuu ku shahiiday dagaal dhacay markay
taariikhdu aheyd 25/ 2- 1544-kii, halkaasna dhaawac ayaa ka soo gaaray
kacdoonkii uu hormoodka ka ahaa. Imaamka dabadiis waxaa halgankii sii
waday wiil uu abti u yahay oo la yiraahdo Imaam Nuur bin Mujaahid.
Kaddib markii ay soomaalidii soo tabar yareeyeen ayaa Imaam Nuur wuxuu
ciidamadiisii ku ururiyey difaaca magaalada Harar. Dagaal ay xabashidu
soo qaadeen 23/ 3- 1567-kii ayaa Imaam Nuur wuxuu ku diley boqorkii
xabashida ee la oran jirey Gladiolus. Imaam Nuur wuxuu dhintey
sanadkii 1567-kii, wuxuuna ku aasan yahay magaalada Harar, illaa iyo
haatanna qabrigiisu waa macruuf. Halkaasna waxaa ku af jarmay
taariikhdii dowladdii Awdal.
Adeer ! qarigii 17-aad, waxaa degaankeena ka jiray labo
bulshadood oo ku guulaystay in ay habeeyaan hanaanka siyaasadda
urursan centralized states, kuwaas oo xilligaas midna ay
hanaqaad ahayd midna ay curatay. Saldanada Ajuuraan oo degaankeedu
ahaa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa loo yiqiin
boqortooyadii Cagaarayd. Taasina waxay ka dambaysay markii ay hor u
marisay nadaamka beero falashada. Beerihii, ay reerka Ajuuraan, ka
beerteen daamanka webiga Shabeelle ka sokow, waxay hor u mariyeen
farsamada ceelasha lagu qoto. Taasina raadkeeda wuxuu ka muuqdaa
ceelashii ay ka qodeen dhulka oomanaha ah, kuwaas oo qaar kamid ah
illaa iyo hadda laga cabo. Adeerow waxaa la rumeysan yahay in markii
ugu dambaysay Tuulada Buur-Cukur (Qalaafe iyo Feer-feer dhexdooda) ay
ahayd xarunta saldanaddaasi. Waxba lagama hayo raadkoodii, laakiin
sheekooyinka laga soo gaaray daŽwayntii soomaaliyeed waxay xuseen in
saldanadaasi lagu burburiyay colaad baax! ! ad wayn oo ay beelaha
Hawiye ku soo qaadeen. Waxaa jira oraah oranaysa
" Sagaalka Ajuuraan, sagaalka Samaale ayaa kiciyay "
Farsamadii reerka waxaa inoo tilmaamaya sheeko laga wariyay oday
Ajuuraan muddo 70 sano laga joogo. Odaygaas oo daŽdiisu ay 100 sano
kor u dhaaftay waxaa lagu waraystay degmada Kismaayo, wuxuuna yiri :
" Ajuuraan wuxuu lahaa digsiyo maar ah oo geela afar jirka
ah marka la gowraco oo la harag-siibo inta cagaha kor loo jeedsho
dhabarka loo gelin jiray dabadeedna halkaas ciidamada loogu karin
jiray raashinka ee weli mala helay ? ".
axaa loogu jawaabay maya.
" Ajuuraan wuxuu lahaa ceel ku yiil degaanka Ceel-Buur oo
geela ka caba uu saddex jir ku ilmo qaadi jiray ee weli mala helay ? ".
Waxaa loogu jawaabay maya.
" Ajuuraan wuxuu yiqiin geed ay dhacaankiisa u adeegsan
jireen sunta fallaaraha afka laga mariyo. Shimbiruhuna markii ay
dushiisa marayaan waa ay soo daadan jireen ee weli mala helay ?
".
Waxaa loogu jawaabay maya. Markaas buu yiri :
" Ajuuraan iyo farsamadiisii waa ay is-raaceen ".
Adeerow waxaa jiray rag dal-mareeno ahaa oo bartamihii qarnigii
16-aad soo gaaray dhulkii uu Ajuuraanku ka talinayay. Dalmareenadaas
waxaa kamid ah Don Santos oo u dhashay dalka Bortuqiiska.
Ninkaasi wuxuu reebay qoraal uu kaga waramayo qaabkii ay u noolaayeen
dadkeenii halkaas ku dhaqnaa. Waxyaabaha uu xusay waxaa kamid ah
wiilal daŽdoodu tahay 7 iyo 8 jir, kuwaas oo madaxa ku sitay duubab
lagu xabkeeyay. Sida dhaqanku ahaa, wiilashaasi duubka laga furi maayo
illaa ay inta dagaal ka qayb galaan ay nin cadow ah dilaan. Weliba
shardi ayaa la jira oo waa in ninka la dilay madaxiisii la hor keeno
odayga reerka. Halkaas buu darajo kaga helayaa beesha, loona
saamaxayaa in uu guursado. Adeer ogow oo sheekooyin noocaas ah waxaa
laga helaa dhaqanka reeraha Masayda iyo qaar kamid ah Oromada, kuwaas
oo labaduba kamid ah bah-waynta ku hadla afka Kuushiitiga.
Saldanadii beelaha Harti ayaa iyana kobocday wakhti lagu qiyaasayo
bartamihii qarnigii 16-aad. Taasina waxay ka dambaysay markii uu Boqor
Maxamuud Yuusuf Maxamuudkii 1-aad ku guulaystay in uu nadaam urursan u
sameeyo beelaha Hartiga ah ee degaankoodu yahay xeebaha waqooyi-bari
ee Soomaaliya. Boqor Maxamuud wuxuu hor u mariyay dhismo ciidan iyo
nadaam ganacsi oo dibadda la xiriira. Waxaa la qiyaasayaa in burburkii
ku yimid saldanadii Awdal uu iridaha u furay nadaamkan cusub ee ka
abuurmay gobolka waqooyi-bari ee Soomaaliya. Degmada Xaafuun oo
xilligaas uu camiray dhaqdhaqaaqii ganacsiga caalamiga ahaa, ahaydna
degmada ugu wayneed degaanka ayaa la rumaysan yahay in ay magaalo
madax u ahayd maamulkii saldanadda. Inkasta oo ay madaxa la soo
kacday, misana saldanadaasi dagaal sokeeye oo xooggan ayaa u diiday in
ay hanaqaad noqoto. Taasina waxay ka dambaysay markii uu boqorkii
dhintay ayaa wiilashiisii waxay u kala safteen baho iyaga oo isku
af-garan wa! ! ayay ninkii ay caleema saari lahaayeen. Dabadeed
dagaalo baahay oo ay beelihii kala saftaan ayaa muddo 30 sano ah ka
socday degaanka. Ragga dagaaladaas lagu dilay waxaa kamid ah saddex
wiil oo uu boqorku dhalay. Waxaa magacooda la yiraahdaa Cumar
Maxamuud, Maxamad Maxamuud iyo Warfaa Maxamuud.
Adeerow ogow oo tan iyo sanadkii 1507-dii, markaas oo uu Vasco
de Gama ka soo laabtay raaska lagu magacaabo Cape of Good Hope
ee koonfur Afrika, badaha Soomaaliya waxay noqdeen waddo muhiim ah oo
doonyaha reer Yurub ay u maraan dalka Hindiya iyo bariga fog.
Burtuqiiska oo ahaa reerkii ugu horeeyay oo waddadaas mara ayaa waxay
xoog ku degeen koonfur-bari dalka Hindiya, gaar ahaan degmada Goa.
Xoogaggii reer Yurub ayaa mid waliba goonidiis ugu dadaalay in uu qayb
ka helo dhulka Hindida. Qolo waliba waxay gacan-saar la yeesheen
maamulladii kala duwanaa oo ay la haayeen qowmiyadaha reer Hindiya.
Waxaa xusid mudan in xilligaas ay Hindiya ka jireen dagaalo sokeeye oo
xooggan. Dagaaladaas oo u qaab eg kuwa dalkeena ka taagan ayaa waxay
ahaayeen kuwo xukun lagu raadinayay. Taasi waxay sababtay in hadba ay
kooxo is-xulufaystaan si ay gacanta sare u yeeshaan. Ciidamadii reer
Yurub ay! ! aa waxay dhex boodeen xoogaggii is-xulufaysanayay ee
Hindiga ahaa. Aritaasina waxay fursad siisay xoogaggii reer Yurub oo
si sahlan u dhex qaaday Hindiya iyo dadkeedii. Xilligaas ahmiyadda ay
xeebaha soomaaliyeed lahaayeen waxay garab socotay hadba sida ay u soo
kordhayeen dhaqdhaqaaqa doonyaha ka imanayay Yurub kuna sii qulqulayay
Hindiya.
Adeer ! sanadkii 1741-kii, nin la yiraahdo Axmad bin Siciid oo
dhalashadiisu tahay Yaman ayaa maamulkii Cismaaniyiinta ka eryay
degaanka koonfur-bari ee khaliijka (Cumaan). Axmad wuxuu halkaas ka
dhisay maamul saldanadeed oo uu isagu oday ka yahay. Waana maamulkaas
midka ay ku abtirsadaan salaadiintii isaga dambeeyay talada dalka
Cumaan. Saldanadaasi waxay xiriir ganacsi oo xoog badan la lahayd
jasiiradda Sensibaar iyo degmooyinka ku yaal xeebaha bariga Afrika.
Dadka reer Cumaan goor hore ayay ku guulaysteen farsamada adeegsiga
gaadiidka badaha. Adeerow xus in socdaalkii Vasco de Gama qofka
hagayay uu ahaa bad-mareen Cumani ah oo la oran jiray Axmad bin
Majiid. Saldanadii waa ay hanaqaaday, waxayna ku caan baxday hanti,
xasillooni siyaasadeed iyo ciidan xoog badan oo badaha ku duula. Waxaa
u magaalo-madax ahayd degmada Masqad ee dalka Cumaan.
Dabayaaqadii qarnigii 18-aad, khalkhal ku yimid saldanadii Cumaan
ayaa adeerow raad ku yeeshay xasilloonidii degaanka xeebaha koonfureed
ee Soomaaliya iyo kuwa la deriska ah. Sanadkii 1784-kii, nin la
dhashay suldaan Busaydi (suldaankii Cumaan) ayaa wuxuu isku dayay in
uu dagaal ku qaado xeebaha bariga Afrika, si uu halkaas uga abuuro
imaarad uu isagu oday ka yahay, kana madax-bannaan saldanada
walaalkiis. Wuxuu qabsaday jasiiradda Sensibaar iyo degmada la
yiraahdo Kilwa ee ku taal xeebta koonfureed ee Tansaaniya. Degaankaasi
wuxuu ahaa meel ahmiyad gaar ah u leh taliska saldanadda. Suldaan
Busaydi oo arintii ka xumaaday ayaa ciidan ku bixiyay degmooyinkii uu
walaalkiis qabsaday, wuxuuna ku guulaystay in uu ka dhigo kuwo madax
bannaan.
Goortii.......
Casharka
III-aad
Adeer ! Inkasta oo ciidamadii Burtuqiisku ay ku hungoobeen in ay
caga-dhigtaan inbadan oo kamid ah degaamadii ay soo weerareen, misana
waxaa jiray meelo kamid ah qaaradda Aasiya oo ay ku guulaysteen in ay
ku yeeshaan degaamo. Waxaa kamid ahayd koonfurta Hindiya oo bartamihii
qarnigii 16-aad ay ka samaysteen saldhigyo ciidameed. 100 sano
dabadeed waxaa degaankii soo gaaray ganacsato kale oo reer Yurub ah,
kuwaas oo Burtuqiiska kula loolantamayay degaanka. Waxaa kamid ahaa
Ingiriiska iyo Beljemka. Faransiiska ayaa iyaguna goor dambe ku soo
biiray loolankii.
Adeer ! waxaa kale oo qarniyadaas hanaqaad noqoday maamulkii
boqortooyadii Cismaaniyadda ee la aasaasay sanadkii 1259-kii
saldhiggeeduna ahaa Turkiya. Muddadii u dhaxaysay sanadihii 1429 -
1481, boqortooyadu waxay noqotay maamulkii dunida ugu dhul ballaarnaa.
Taasina waxay ka dambaysay markii uu hoggaamiyihii la oran jiray
Maxamadkii II-aad ee ku magac dheeraa Maxamad Al-Faatix uu ku
guulaysatay in uu qabsado magaalo-madaxdii boqortooyadii Biisandiga ee
magaceedu ahaa Constantinople, halkaas oo goor dambe noqotay
magaalo-madaxdii boqortooyadii Cismaaniyadda. Magaciina waa laga
beddelay oo waxay noqotay Istanbuul. Adeerow ogow oo in Saylac iyo
Berbera ay kamid ahaayeen degmooyinka ku yiil badda Cas ee uu goor
hore ku baahay maamulkii saldanadaasi.
Haddaanu milicsano xilligaas xaaladda uu ku sugnaa degaanka ay ku
dhaqnaayeen soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd, waxaanu helaynaa in uu
jiray kacdoonkii waynaa ee diiniga ahaa ee uu hoggaaminayay Axmad
Ibraahim Al-qasaali (Axmad Guray). Dhab ahaantii adeerow kacdoonkaasi
oo bilowday sanadkii 1520-kii waxaa sababay gardarrooyin ka imanayay
dhanka boqortooyadii Abasiiniya ee fadhigeedu ahaa degmada Aksum,
taas oo manhajkeeda siyaasadeed ay ku xusan tahay in ay kordhiyaan
aabiga iyo faduusha dadyowga la deriska ah goor kasta oo ay arkaan in
uu degaanku ku soo kordhay dhaqdhaqaaqa sahamada ganacsi iyo kuwa
ciidameed ee ka imanaya dowladaha reer Yurub. Taasina waxay uga
gollahaayeen, sida aanu ku arki doono qaybaha dambe ee casharradan iyo
sida maanta muuqataba, in ay ballaariyaan baaxadda degaanka
maamulkooda. Ciidamada boqortooyada Abasiiniya oo ka iman jiray dhulka
buuralayda ah ee Shawa iyo Tigray ayaa waxay boob ku qaada! ! n jireen
xoolaha soomaalida, dadkana waa ay layn jireen. Taas ayaa sababtay in
Imaamku uu qaado calankii jihaadka isaga oo soomaalidii u horseeday
dagaal baaxad weyn oo ay uga hor tegayeen gardarrooyinkii ciidamad
Abasiiniya. Xilligaas soomaalidu waxaa ay ahaayeen qabiilooyin
xoolo-dhaqato ah oo aanan mideysneen. Sidaa darteed iskama eeyan celin
karin gardarrooyinka ciidamada boqortooyada Abasiiniya. Imaam Axmad,
wacdi iyo baraarujin ayuu dadkii kula dhex wareegay, wuxuu tusiyay
dowgii ku habboonaa in ay maraan, haddiiba ay doonayaan in ay heeryada
iska ridaan. Risaaladii Imaamka waxaa wax ka qaaday culimadii diinta.
Degaankii soomaaliyeed ideylkiis waxaa gaaray codsi ah in ay ka qayb
qaataan ololaha diyaargarowga colaadeed ee uu Imaamku ka bilaabay
gobolka Awdal. Adeerow xus beelaha Digil iyo Mirifle oo ahaa kuwa uu
degaankoodu u xigay koonfurta, in ay ka qayb qaateen dagaalladii
Imaamku horseedaha ka ahaa. Muddo gaaban baa waxaa ku midoobay
qabiilooyinkii! ! soomaaliyeed, xoogoodii kala baahsanaana waa uu isu
yimid.
Axmad Gurey wuxuu ahaa nin diinta islaamka aqoon wanaagsan u leh.
Dadka wuxuu ku wacdinayay oo uu barayay casharro diini ah, taas oo ay
ku xusan tahay, ninkii dulli oggolaada in uu cadaab mudanayo. Jihaadka
ayuu ku dhiirrinayay, wuxuu ku wacdiyay darajada uu Alle xaggiisa ka
helayo ninka jihaada. Dadkii xoolo-dhaqatada ahaa ee soomaaliyeed,
oggolaansho buuxda ayay kaga jawaabeen dalabkii Imaamka, hiil iyo
hoona waxay isla garab taageen jihaadkii diiniga ahaa ee uu Axmad
Gurey u ololaynayay. Ninkasta wixii uu xoolo lahaa iyo wixii wiil uu
hayay wuxuu ku wareejiyey culimadii kacdoonka wadey. Waxaa la
yiraahdaa, dagaal midkaas la xamaasad ah oo ay soomaalidu galeen,
taariilkda kuma xusna. Xamaasaddaasina waxay kamid ahayd sababihii uu
Ilaahay ku guuleeyay ciidamadii Imaamka.
Adeer ! taariikhyahan u dhashey dalka Fraansiiska oo la yiraahdo Rinee
BasieŽ, wuxuu sheegey in Axmad Gurey iyo
ciidamadiisii ay ku sigteen in ay tirtiraan boqortooyada masiixiga ah
ee ka jirta geeska Afrika, degaankoodiina uu ka dhigo dhul ka tirsan
dunida islaamka.
Sanadkii 1527-kii, Axmad Gurey, waxaa u suuro gashay in uu hor
istaago duullaan xoog weyn oo maamulkii boqortooyada Abasiiniya ay ku
doonayeen in ay magaalada Harar ku qabsadaan. Dagaalkaas oo ciidamadii
xabashida lagu jebiyay wuxuu ahaa kii ugu horreeyay oo dhex mara
ciidamadii uu Axmad Gurey ka ururiyey qabiilooyinkii soomaaliyeed iyo
ciidankii Abasiiniyiinta.
Adeerow ogow oo Axmad Gurey ciidamada uma uusan kaxaysan hadaf
qowmiyadeed iyo mid qabiil, bal hadfkiisa iyo halhayska ciidamadiisuba
caqiido ayay ahayd. Sidaa darteed buu markii uu Xabashidii jebiyay yuu
guddoomiyay in ciidamada eeyan dib u laaban, balse lagu duulo
degmooyinka laga maamulayay boqortooyada Aksum, halkaas oo
ahayd xarumaha laga soo abaabulayay dagaalada lagu faduulinayay
soomaalida. Boqorkii Xabashida oo qaadan waayay jabkii ciidamadiisa ka
soo raacay dagaalkii Harar ayaa waxaa walaac ku riday ciidamadan uu
Axmad Gurey soo wato. Boqorku wuxuu soo ururiyay ciidamo ka badan
kuwii hore oo soomaalida ka hor taga. Dagaal baa labadii ciidan
dhexmaray sanadkii 1529-kii. Waxaa la jebiyay xabashidii oo halkaas
khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyay. Sanadkii 1531-kii ciidamadii Axmad
Gurey waxay galeen gobolladii dowladdii Abasiiniya Shawa, Amhara iyo
Tigray. Sanadkii 1535-kii ciidamadii soomaalida ahaa waxay ku
guulaysteen in ay fardahoodii la galaan! ! dhammaan degmooyinkii ay
Abasiiniyiintu ka talinayeen. Waxay gacanta ku dhigeen dhammaan wixii
hanti ahaa oo ay lahaayeen reerahaasi. Boqorkii Abasiiniya halkaas
ayaa lagu diley.
Dagaaladaas waxay socdeen labaatan sano ku dhowaad, waxaana jiray
dagaallo yaryar oo ay si joogto ah isaga hor imanayeen labada ciidan,
kuwaas oo mar kasta lagaga gacan sareeyay ciidamada Xabashida. Adeerow
haddii aanu isku dayno in aanu soo miin guurino muuqaalka uu lahaa mid
kamid ah dagaaladaas, sida uu Shihaabu
Al-Diin ku qoray buugiisa Futuux
Al-Xabasha :
" Habeen arbaca ah ayaa ciidamadii waxay u hoydeen buur
magaceeda la yiraahdo Shimbira-kore. Habeenkaas oo dhan, muslimiintii
duco iyo quraan ayay akhrisanayeen. Imaamkuna hadal uu habeenkaas
ciidamadiisa u jeediyay ayuu wuxuu ku yiri :
" Waa in aad dagaalka adkaysi u yeelataan, waana in aad Eebe
tala saarataan ".
Askartii waxay Imaamka ka ballan qaadeen in eeyan waxba ka hagran
doonin. Niyadda ciidanka aad ayay u sareysay. Markii ay muslimiintii
ka soo degeen buurtii, waxay arkeen ciidamadii boqorka Abasiinya oo
dhanka waqooyi iyo dhanka bari kaga hareeraysan. Ciidamadaasi, fara
badni darteed ayaa waxay u muuqdeen sidii ayax la firdhiyay oo kale.
Boqorka Abasiiniya amar ayuu ciidamadiisa siiyay, wuxuuna faray in
ciidamada muslimiinta ay ka yeelaan wax la laayo iyo wax ay soo
qabtaan. Boqorku, fara badnida ciidamadiisa ayaa waxay siisay kalsooni
ah in ay guulaysanayaan. Muslimiintu, wallow ay tiradoodu yarayd,
misana waxay siteen niyad bir ah. Labadii ciidan waa ay kala safteen,
qolo walbana waa ay is ratibtay. Tirada ciidamada fardoolayda ahaa ee
uu boqorku watay waxaa ay dhamaayeen 16.000 oo nin. Nin walbana waxaa
uu haystay gaashaan iyo fallaaro sumaysan. Waxaa u weheliyay qalab
dagaal oo ay kamid ahaayeen seefo iyo warmo. Ciidamada lugta ee
Abasiiniyanka waxay ka badnaayeen 200.0! ! 00 oo nin. Imaamkii iyo
ciidankiisii si wanaagsan ayay u safteen. Imaamkii waa uu duceeyay,
wuxuuna yiri :
" Eebow naga yeel kuwo sugnaada, diintaadana u hiiliya ".
Imaamku wuxuu u yeeray rag ay kamid yihiin Maxamad Suldaan Cali oo
ay habro wadaag yihiin. Wuxuu faray in uu hoggaamiyo ciidanka
beeshiisa, sidaasna ay ku hor kacaan ciidamada. Dabadeed ciidamadii
qabaaŽilka ayuu is daba dhigay. Qabiil walbana waxaa hor kacayay
ninkii odayga u ahaa, kaas oo wakiil uga ahaa Imaamka. Bartamaha
goobtaasi waxaa ku sugnaa Imaamkii oo koox fardoolay ah ay ku xeerayd.
Tirada ciidamada muslimiinta waxay ahayd 560 nin oo fardoolay ah iyo
12.000 oo lugaynayay. Labada ciidan ee is hor taagnaa aad bay u kala
tiro badnaayeen, una kala xoog badnaayeen. Markii ay ciidamadii iska
hor yimaadeen ayaa nin la yiraahdo Shiikh Cabdullaahi uu jeediyay
guubaabo uu ku dhiiri gelinayo ciidanka. Ciidamadii Abasiiniyiinta oo
toddoba saf ahaa ayaa ku soo dhaqaaqay dhankii ciidamadii muslimiinta.
Boqorkoodii oo la oran jiray Wasne Sajed,
maalintaa lug ayuu ku socday. Ciidan dhan 400 oo nin ayaa dhanka midig
ka socday! ! , 400 oo kalena dhanka bidix. Wixii uu hub iyo qalab
lahaana maantaa waa uu soo bandhigay. Waxaa intaa dheeraa saf kasta oo
ciidanka masiixiga ah wuxuu u dhigmay shan saf oo muslimiinta ah.
Marka xagga tirada la eego, muslimiintu waxay u muuqdeen bar yar oo
caddaan ah ee ku taal dibi harag madow leh. Dagaalkii ayaa bilowday
iyada oo raggii wadaaddada ahaa ay guubaabo iyo wacdi la dhex taagan
yihiin ciidamadii muslimiinta. Sidoo kale boqorkii Wasne Sajed
guubaabo ayuu ku bilaabay ciidankiisii. Wallow aad looga badnaa,
misana muslimiintii sutida ayay qabteen. Ragga maalintaa sida aadka ah
u dagaalamay waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Mataan Cismaan oo
Imaamka walaashiis qabay. Waxaa kale oo si wanaagsan u dagaalamay Cali
Garaad oo Mataan walaakiis ah, Axmad Guray (oo aanan ahayn Imaamka),
Farshaxan, Kaar Cali, Macjero Xuseen, Muuse Cabdullaahi Maakhabe iyo
Yuusuf Latixiye. Dagaalkaasi wuxuu bilowday markay cadceeddu soo bax!
! day illaa casar gaabkii ayuu socday. Waxaa ugu dambaystii ku jabay
ciidamadii masiixiga. Tirada khasaaruhu kumanyaal ayuu kor u dhaafay.
Guushaas ay muslimiintu heleen maahayn mid si dhib yar ku timid.
Nimankii waawaynaa ee xagga Xabashida ka dhintay maalintaa waxaa kamid
ahaa Aqa MiikhaaŽiil oo nin aad u adag ahaa. Imaamka ayaa waran ku
dilay. Waxaa kale oo dagaalkaa ku dhintay Abadaan Darwishwaan oo
khasnaji u ahaa boqorka, Midle oo calanka boqorka siday iyo rag kale
oo badan. Dhanka muslimiinta ragga ka shahiiday waxaa kamid ahaa
Kabiir Ibraahim oo ahaa muŽadinkii Imaamka iyo Fiqi Maxamad Daw.
Inkasta oo tirada muslimiinta ka dhimatay ay 5000 ahaayeen, misana
waxaa u badbaaday raggii madaxda ahaa ".
[Country] |