19 May 2007 04:28

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] (Saadiq Enow)  GOORTII  DHULKAYAGII LA  QAYBSADAY-  III iyo IV  :Posted on  19 Jun 2002

GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY

Casharka IV-aad 

Waxaa qoray "Saadiq Enow" 

Adeer ! dagaalkan oo la magac baxay Shimbira-kore wuxuu dhacay sanadkii 1529-kii, wuxuuna ahaa kii ugu muhiimsanaa oo ay soomaalidu ku gaareen guulihii is-daba joogay oo ay Aksum ku qabsadeen. Markaas oo boqorkii Abasiiniyiinta uu baxsaday, illaa laga dilayna wuxuu hadba ku dhuumanayay dhulka buuralayda ah ee galbeedka Itoobiya. Markuu dhintay dabadeed, waxaa taladii Xabashida la wareegay wiilkii boqorka oo la oran jiray Gladiolus. Adeerow intaanan Boqorka la dilin wuxuu dhambaallo calaacal ah u dirsaday baadarigii xilligaas ugu weynaa masiixiyiinta iyo boqorkiii Bortuqiiska King Jhon III. Adeerow Bortuqiiska oo xilligaas ahaa dowladda dunida ugu xooga weyn ayaa boqorkoodii wuxuu markiiba ka soo jawaabay dhambaalkii uu ka helay boqorkii Xabashida. Boqorku wuxuu farriin degdeg ah u soo diray wiil uu dhalay oo wakiil uga ahaa mustacmarad uu xilligaa! ! s Bortuqiisku ku lahaa dalka Hindiya. Wiilkaas waxaa la oran jiray De Gama. Boqrku wuxuu wakiilka soo faray in uu si degdeg ah ciidan ugu diro dagaalka ka socda geeska Afrika, kuna dadaalo in uu ka badbaadiyo dagaalka iyo dabka ay muslimiintu ku wadaan dadka masiixiga ah ee halkaas ku nool, dalkoodana uga xoreeyo ciidamada shisheeyaha ah ee ka qabsaday. Xilligaas dagaalku wuxuu socdey 12 sanadood.

Adeer ! wakiilkii Hindiya fadhiyay markiiba waa uu ka soo jawaabay farriintii aabihiis. Wuxuu diyaariyay ciidan tiradoodu dhanyahay 450 nin oo hub casri ah sita. Wakiilku wuxuu ciidanka masuul uga dhigey nin la yiraahdo Christopher de Gama. Waxaa dhalay bad-mareenkii caanka ahaa Vasco de Gama. Ciidankaasi oo badda ku soo safray iyaga iyo hubkii ay siteenba, waxay ka soo degeen magaalada dekadda ah ee la yiraahdo Masawac dabayaaqadii sanadkii 1541-kii, iyada oo uu weheliyo nin la yiraahdo Sebla Wangel oo ka tirsanaa caaŽiladda reer boqor ee Xabashida.

Ciidamadii Burtuqiisku dhabarka ayay soomaalidii kaga yimaadeen. Hubka ay siteen wuxuu ahaa mid eeyan soomaalidu u babac dhigi karin. Kaddib markii ay labadii ciidan isku heleen agagaarka balliga Taana ayaa soomaalidii khasaaro badan la gaarsiiyay, laguna khasbay in ay dib uga laabtaan degaamadii ay Xabashida ka qabsadeen. Dagaalkaasi wuxuu dhacay bishii abriil sanadkii 1542-kii. Afar bilood dabadeed, soomaalidii waa ay soo rogaal celiyeen, halkaasna waxaa lagu jebiyay ciidamadii Bortuqiiska. Hoggaamiyahoodii ahaa Christopher de Gama nolol ayaa lagu qabtay, dabadeedna waa la dilay.

Adeer ! Imaam Axmad Gurey wuxuu ku shahiiday dagaal dhacay markay taariikhdu aheyd 25/ 2- 1544-kii, halkaasna dhaawac ayaa ka soo gaaray kacdoonkii uu hormoodka ka ahaa. Imaamka dabadiis waxaa halgankii sii waday wiil uu abti u yahay oo la yiraahdo Imaam Nuur bin Mujaahid. Kaddib markii ay soomaalidii soo tabar yareeyeen ayaa Imaam Nuur wuxuu ciidamadiisii ku ururiyey difaaca magaalada Harar. Dagaal ay xabashidu soo qaadeen 23/ 3- 1567-kii ayaa Imaam Nuur wuxuu ku diley boqorkii xabashida ee la oran jirey Gladiolus. Imaam Nuur wuxuu dhintey sanadkii 1567-kii, wuxuuna ku aasan yahay magaalada Harar, illaa iyo haatanna qabrigiisu waa macruuf. Halkaasna waxaa ku af jarmay taariikhdii dowladdii Awdal.

 Adeer ! qarigii 17-aad, waxaa degaankeena ka jiray labo bulshadood oo ku guulaystay in ay habeeyaan hanaanka siyaasadda urursan centralized states, kuwaas oo xilligaas midna ay hanaqaad ahayd midna ay curatay. Saldanada Ajuuraan oo degaankeedu ahaa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa loo yiqiin boqortooyadii Cagaarayd. Taasina waxay ka dambaysay markii ay hor u marisay nadaamka beero falashada. Beerihii, ay reerka Ajuuraan, ka beerteen daamanka webiga Shabeelle ka sokow, waxay hor u mariyeen farsamada ceelasha lagu qoto. Taasina raadkeeda wuxuu ka muuqdaa ceelashii ay ka qodeen dhulka oomanaha ah, kuwaas oo qaar kamid ah illaa iyo hadda laga cabo. Adeerow waxaa la rumeysan yahay in markii ugu dambaysay Tuulada Buur-Cukur (Qalaafe iyo Feer-feer dhexdooda) ay ahayd xarunta saldanaddaasi. Waxba lagama hayo raadkoodii, laakiin sheekooyinka laga soo gaaray daŽwayntii soomaaliyeed waxay xuseen in saldanadaasi lagu burburiyay colaad baax! ! ad wayn oo ay beelaha Hawiye ku soo qaadeen. Waxaa jira oraah oranaysa

" Sagaalka Ajuuraan, sagaalka Samaale ayaa kiciyay "

Farsamadii reerka waxaa inoo tilmaamaya sheeko laga wariyay oday Ajuuraan muddo 70 sano laga joogo. Odaygaas oo daŽdiisu ay 100 sano kor u dhaaftay waxaa lagu waraystay degmada Kismaayo, wuxuuna yiri :

" Ajuuraan wuxuu lahaa digsiyo maar ah oo geela afar jirka ah marka la gowraco oo la harag-siibo inta cagaha kor loo jeedsho dhabarka loo gelin jiray dabadeedna halkaas ciidamada loogu karin jiray raashinka ee weli mala helay ? ".

axaa loogu jawaabay maya.

" Ajuuraan wuxuu lahaa ceel ku yiil degaanka Ceel-Buur oo geela ka caba uu saddex jir ku ilmo qaadi jiray ee weli mala helay ? ".

Waxaa loogu jawaabay maya.

" Ajuuraan wuxuu yiqiin geed ay dhacaankiisa u adeegsan jireen sunta fallaaraha afka laga mariyo. Shimbiruhuna markii ay dushiisa marayaan waa ay soo daadan jireen ee weli mala helay ? ".

Waxaa loogu jawaabay maya. Markaas buu yiri :

" Ajuuraan iyo farsamadiisii waa ay is-raaceen ".

Adeerow waxaa jiray rag dal-mareeno ahaa oo bartamihii qarnigii 16-aad soo gaaray dhulkii uu Ajuuraanku ka talinayay. Dalmareenadaas waxaa kamid ah Don Santos oo u dhashay dalka Bortuqiiska. Ninkaasi wuxuu reebay qoraal uu kaga waramayo qaabkii ay u noolaayeen dadkeenii halkaas ku dhaqnaa. Waxyaabaha uu xusay waxaa kamid ah wiilal daŽdoodu tahay 7 iyo 8 jir, kuwaas oo madaxa ku sitay duubab lagu xabkeeyay. Sida dhaqanku ahaa, wiilashaasi duubka laga furi maayo illaa ay inta dagaal ka qayb galaan ay nin cadow ah dilaan. Weliba shardi ayaa la jira oo waa in ninka la dilay madaxiisii la hor keeno odayga reerka. Halkaas buu darajo kaga helayaa beesha, loona saamaxayaa in uu guursado. Adeer ogow oo sheekooyin noocaas ah waxaa laga helaa dhaqanka reeraha Masayda iyo qaar kamid ah Oromada, kuwaas oo labaduba kamid ah bah-waynta ku hadla afka Kuushiitiga.

Saldanadii beelaha Harti ayaa iyana kobocday wakhti lagu qiyaasayo bartamihii qarnigii 16-aad. Taasina waxay ka dambaysay markii uu Boqor Maxamuud Yuusuf Maxamuudkii 1-aad ku guulaystay in uu nadaam urursan u sameeyo beelaha Hartiga ah ee degaankoodu yahay xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya. Boqor Maxamuud wuxuu hor u mariyay dhismo ciidan iyo nadaam ganacsi oo dibadda la xiriira. Waxaa la qiyaasayaa in burburkii ku yimid saldanadii Awdal uu iridaha u furay nadaamkan cusub ee ka abuurmay gobolka waqooyi-bari ee Soomaaliya. Degmada Xaafuun oo xilligaas uu camiray dhaqdhaqaaqii ganacsiga caalamiga ahaa, ahaydna degmada ugu wayneed degaanka ayaa la rumaysan yahay in ay magaalo madax u ahayd maamulkii saldanadda. Inkasta oo ay madaxa la soo kacday, misana saldanadaasi dagaal sokeeye oo xooggan ayaa u diiday in ay hanaqaad noqoto. Taasina waxay ka dambaysay markii uu boqorkii dhintay ayaa wiilashiisii waxay u kala safteen baho iyaga oo isku af-garan wa! ! ayay ninkii ay caleema saari lahaayeen. Dabadeed dagaalo baahay oo ay beelihii kala saftaan ayaa muddo 30 sano ah ka socday degaanka. Ragga dagaaladaas lagu dilay waxaa kamid ah saddex wiil oo uu boqorku dhalay. Waxaa magacooda la yiraahdaa Cumar Maxamuud, Maxamad Maxamuud iyo Warfaa Maxamuud.

Adeerow ogow oo tan iyo sanadkii 1507-dii, markaas oo uu Vasco de Gama ka soo laabtay raaska lagu magacaabo Cape of Good Hope ee koonfur Afrika, badaha Soomaaliya waxay noqdeen waddo muhiim ah oo doonyaha reer Yurub ay u maraan dalka Hindiya iyo bariga fog. Burtuqiiska oo ahaa reerkii ugu horeeyay oo waddadaas mara ayaa waxay xoog ku degeen koonfur-bari dalka Hindiya, gaar ahaan degmada Goa. Xoogaggii reer Yurub ayaa mid waliba goonidiis ugu dadaalay in uu qayb ka helo dhulka Hindida. Qolo waliba waxay gacan-saar la yeesheen maamulladii kala duwanaa oo ay la haayeen qowmiyadaha reer Hindiya. Waxaa xusid mudan in xilligaas ay Hindiya ka jireen dagaalo sokeeye oo xooggan. Dagaaladaas oo u qaab eg kuwa dalkeena ka taagan ayaa waxay ahaayeen kuwo xukun lagu raadinayay. Taasi waxay sababtay in hadba ay kooxo is-xulufaystaan si ay gacanta sare u yeeshaan. Ciidamadii reer Yurub ay! ! aa waxay dhex boodeen xoogaggii is-xulufaysanayay ee Hindiga ahaa. Aritaasina waxay fursad siisay xoogaggii reer Yurub oo si sahlan u dhex qaaday Hindiya iyo dadkeedii. Xilligaas ahmiyadda ay xeebaha soomaaliyeed lahaayeen waxay garab socotay hadba sida ay u soo kordhayeen dhaqdhaqaaqa doonyaha ka imanayay Yurub kuna sii qulqulayay Hindiya.

Adeer ! sanadkii 1741-kii, nin la yiraahdo Axmad bin Siciid oo dhalashadiisu tahay Yaman ayaa maamulkii Cismaaniyiinta ka eryay degaanka koonfur-bari ee khaliijka (Cumaan). Axmad wuxuu halkaas ka dhisay maamul saldanadeed oo uu isagu oday ka yahay. Waana maamulkaas midka ay ku abtirsadaan salaadiintii isaga dambeeyay talada dalka Cumaan. Saldanadaasi waxay xiriir ganacsi oo xoog badan la lahayd jasiiradda Sensibaar iyo degmooyinka ku yaal xeebaha bariga Afrika. Dadka reer Cumaan goor hore ayay ku guulaysteen farsamada adeegsiga gaadiidka badaha. Adeerow xus in socdaalkii Vasco de Gama qofka hagayay uu ahaa bad-mareen Cumani ah oo la oran jiray Axmad bin Majiid. Saldanadii waa ay hanaqaaday, waxayna ku caan baxday hanti, xasillooni siyaasadeed iyo ciidan xoog badan oo badaha ku duula. Waxaa u magaalo-madax ahayd degmada Masqad ee dalka Cumaan.

Dabayaaqadii qarnigii 18-aad, khalkhal ku yimid saldanadii Cumaan ayaa adeerow raad ku yeeshay xasilloonidii degaanka xeebaha koonfureed ee Soomaaliya iyo kuwa la deriska ah. Sanadkii 1784-kii, nin la dhashay suldaan Busaydi (suldaankii Cumaan) ayaa wuxuu isku dayay in uu dagaal ku qaado xeebaha bariga Afrika, si uu halkaas uga abuuro imaarad uu isagu oday ka yahay, kana madax-bannaan saldanada walaalkiis. Wuxuu qabsaday jasiiradda Sensibaar iyo degmada la yiraahdo Kilwa ee ku taal xeebta koonfureed ee Tansaaniya. Degaankaasi wuxuu ahaa meel ahmiyad gaar ah u leh taliska saldanadda. Suldaan Busaydi oo arintii ka xumaaday ayaa ciidan ku bixiyay degmooyinkii uu walaalkiis qabsaday, wuxuuna ku guulaystay in uu ka dhigo kuwo madax bannaan. 


Goortii.......

Casharka III-aad 

Adeer ! Inkasta oo ciidamadii Burtuqiisku ay ku hungoobeen in ay caga-dhigtaan inbadan oo kamid ah degaamadii ay soo weerareen, misana waxaa jiray meelo kamid ah qaaradda Aasiya oo ay ku guulaysteen in ay ku yeeshaan degaamo. Waxaa kamid ahayd koonfurta Hindiya oo bartamihii qarnigii 16-aad ay ka samaysteen saldhigyo ciidameed. 100 sano dabadeed waxaa degaankii soo gaaray ganacsato kale oo reer Yurub ah, kuwaas oo Burtuqiiska kula loolantamayay degaanka. Waxaa kamid ahaa Ingiriiska iyo Beljemka. Faransiiska ayaa iyaguna goor dambe ku soo biiray loolankii.

Adeer ! waxaa kale oo qarniyadaas hanaqaad noqoday maamulkii boqortooyadii Cismaaniyadda ee la aasaasay sanadkii 1259-kii saldhiggeeduna ahaa Turkiya. Muddadii u dhaxaysay sanadihii 1429 - 1481, boqortooyadu waxay noqotay maamulkii dunida ugu dhul ballaarnaa. Taasina waxay ka dambaysay markii uu hoggaamiyihii la oran jiray Maxamadkii II-aad ee ku magac dheeraa Maxamad Al-Faatix uu ku guulaysatay in uu qabsado magaalo-madaxdii boqortooyadii Biisandiga ee magaceedu ahaa Constantinople, halkaas oo goor dambe noqotay magaalo-madaxdii boqortooyadii Cismaaniyadda. Magaciina waa laga beddelay oo waxay noqotay Istanbuul. Adeerow ogow oo in Saylac iyo Berbera ay kamid ahaayeen degmooyinka ku yiil badda Cas ee uu goor hore ku baahay maamulkii saldanadaasi.

Haddaanu milicsano xilligaas xaaladda uu ku sugnaa degaanka ay ku dhaqnaayeen soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd, waxaanu helaynaa in uu jiray kacdoonkii waynaa ee diiniga ahaa ee uu hoggaaminayay Axmad Ibraahim Al-qasaali (Axmad Guray). Dhab ahaantii adeerow kacdoonkaasi oo bilowday sanadkii 1520-kii waxaa sababay gardarrooyin ka imanayay dhanka boqortooyadii Abasiiniya ee fadhigeedu ahaa degmada Aksum, taas oo manhajkeeda siyaasadeed ay ku xusan tahay in ay kordhiyaan aabiga iyo faduusha dadyowga la deriska ah goor kasta oo ay arkaan in uu degaanku ku soo kordhay dhaqdhaqaaqa sahamada ganacsi iyo kuwa ciidameed ee ka imanaya dowladaha reer Yurub. Taasina waxay uga gollahaayeen, sida aanu ku arki doono qaybaha dambe ee casharradan iyo sida maanta muuqataba, in ay ballaariyaan baaxadda degaanka maamulkooda. Ciidamada boqortooyada Abasiiniya oo ka iman jiray dhulka buuralayda ah ee Shawa iyo Tigray ayaa waxay boob ku qaada! ! n jireen xoolaha soomaalida, dadkana waa ay layn jireen. Taas ayaa sababtay in Imaamku uu qaado calankii jihaadka isaga oo soomaalidii u horseeday dagaal baaxad weyn oo ay uga hor tegayeen gardarrooyinkii ciidamad Abasiiniya. Xilligaas soomaalidu waxaa ay ahaayeen qabiilooyin xoolo-dhaqato ah oo aanan mideysneen. Sidaa darteed iskama eeyan celin karin gardarrooyinka ciidamada boqortooyada Abasiiniya. Imaam Axmad, wacdi iyo baraarujin ayuu dadkii kula dhex wareegay, wuxuu tusiyay dowgii ku habboonaa in ay maraan, haddiiba ay doonayaan in ay heeryada iska ridaan. Risaaladii Imaamka waxaa wax ka qaaday culimadii diinta. Degaankii soomaaliyeed ideylkiis waxaa gaaray codsi ah in ay ka qayb qaataan ololaha diyaargarowga colaadeed ee uu Imaamku ka bilaabay gobolka Awdal. Adeerow xus beelaha Digil iyo Mirifle oo ahaa kuwa uu degaankoodu u xigay koonfurta, in ay ka qayb qaateen dagaalladii Imaamku horseedaha ka ahaa. Muddo gaaban baa waxaa ku midoobay qabiilooyinkii! ! soomaaliyeed, xoogoodii kala baahsanaana waa uu isu yimid.

Axmad Gurey wuxuu ahaa nin diinta islaamka aqoon wanaagsan u leh. Dadka wuxuu ku wacdinayay oo uu barayay casharro diini ah, taas oo ay ku xusan tahay, ninkii dulli oggolaada in uu cadaab mudanayo. Jihaadka ayuu ku dhiirrinayay, wuxuu ku wacdiyay darajada uu Alle xaggiisa ka helayo ninka jihaada. Dadkii xoolo-dhaqatada ahaa ee soomaaliyeed, oggolaansho buuxda ayay kaga jawaabeen dalabkii Imaamka, hiil iyo hoona waxay isla garab taageen jihaadkii diiniga ahaa ee uu Axmad Gurey u ololaynayay. Ninkasta wixii uu xoolo lahaa iyo wixii wiil uu hayay wuxuu ku wareejiyey culimadii kacdoonka wadey. Waxaa la yiraahdaa, dagaal midkaas la xamaasad ah oo ay soomaalidu galeen, taariilkda kuma xusna. Xamaasaddaasina waxay kamid ahayd sababihii uu Ilaahay ku guuleeyay ciidamadii Imaamka.

Adeer ! taariikhyahan u dhashey dalka Fraansiiska oo la yiraahdo Rinee BasieŽ, wuxuu sheegey in Axmad Gurey iyo ciidamadiisii ay ku sigteen in ay tirtiraan boqortooyada masiixiga ah ee ka jirta geeska Afrika, degaankoodiina uu ka dhigo dhul ka tirsan dunida islaamka.

Sanadkii 1527-kii, Axmad Gurey, waxaa u suuro gashay in uu hor istaago duullaan xoog weyn oo maamulkii boqortooyada Abasiiniya ay ku doonayeen in ay magaalada Harar ku qabsadaan. Dagaalkaas oo ciidamadii xabashida lagu jebiyay wuxuu ahaa kii ugu horreeyay oo dhex mara ciidamadii uu Axmad Gurey ka ururiyey qabiilooyinkii soomaaliyeed iyo ciidankii Abasiiniyiinta.

Adeerow ogow oo Axmad Gurey ciidamada uma uusan kaxaysan hadaf qowmiyadeed iyo mid qabiil, bal hadfkiisa iyo halhayska ciidamadiisuba caqiido ayay ahayd. Sidaa darteed buu markii uu Xabashidii jebiyay yuu guddoomiyay in ciidamada eeyan dib u laaban, balse lagu duulo degmooyinka laga maamulayay boqortooyada Aksum, halkaas oo ahayd xarumaha laga soo abaabulayay dagaalada lagu faduulinayay soomaalida. Boqorkii Xabashida oo qaadan waayay jabkii ciidamadiisa ka soo raacay dagaalkii Harar ayaa waxaa walaac ku riday ciidamadan uu Axmad Gurey soo wato. Boqorku wuxuu soo ururiyay ciidamo ka badan kuwii hore oo soomaalida ka hor taga. Dagaal baa labadii ciidan dhexmaray sanadkii 1529-kii. Waxaa la jebiyay xabashidii oo halkaas khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyay. Sanadkii 1531-kii ciidamadii Axmad Gurey waxay galeen gobolladii dowladdii Abasiiniya Shawa, Amhara iyo Tigray. Sanadkii 1535-kii ciidamadii soomaalida ahaa waxay ku guulaysteen in ay fardahoodii la galaan! ! dhammaan degmooyinkii ay Abasiiniyiintu ka talinayeen. Waxay gacanta ku dhigeen dhammaan wixii hanti ahaa oo ay lahaayeen reerahaasi. Boqorkii Abasiiniya halkaas ayaa lagu diley.

Dagaaladaas waxay socdeen labaatan sano ku dhowaad, waxaana jiray dagaallo yaryar oo ay si joogto ah isaga hor imanayeen labada ciidan, kuwaas oo mar kasta lagaga gacan sareeyay ciidamada Xabashida. Adeerow haddii aanu isku dayno in aanu soo miin guurino muuqaalka uu lahaa mid kamid ah dagaaladaas, sida uu Shihaabu Al-Diin ku qoray buugiisa Futuux Al-Xabasha :

" Habeen arbaca ah ayaa ciidamadii waxay u hoydeen buur magaceeda la yiraahdo Shimbira-kore. Habeenkaas oo dhan, muslimiintii duco iyo quraan ayay akhrisanayeen. Imaamkuna hadal uu habeenkaas ciidamadiisa u jeediyay ayuu wuxuu ku yiri :

" Waa in aad dagaalka adkaysi u yeelataan, waana in aad Eebe tala saarataan ".

Askartii waxay Imaamka ka ballan qaadeen in eeyan waxba ka hagran doonin. Niyadda ciidanka aad ayay u sareysay. Markii ay muslimiintii ka soo degeen buurtii, waxay arkeen ciidamadii boqorka Abasiinya oo dhanka waqooyi iyo dhanka bari kaga hareeraysan. Ciidamadaasi, fara badni darteed ayaa waxay u muuqdeen sidii ayax la firdhiyay oo kale. Boqorka Abasiiniya amar ayuu ciidamadiisa siiyay, wuxuuna faray in ciidamada muslimiinta ay ka yeelaan wax la laayo iyo wax ay soo qabtaan. Boqorku, fara badnida ciidamadiisa ayaa waxay siisay kalsooni ah in ay guulaysanayaan. Muslimiintu, wallow ay tiradoodu yarayd, misana waxay siteen niyad bir ah. Labadii ciidan waa ay kala safteen, qolo walbana waa ay is ratibtay. Tirada ciidamada fardoolayda ahaa ee uu boqorku watay waxaa ay dhamaayeen 16.000 oo nin. Nin walbana waxaa uu haystay gaashaan iyo fallaaro sumaysan. Waxaa u weheliyay qalab dagaal oo ay kamid ahaayeen seefo iyo warmo. Ciidamada lugta ee Abasiiniyanka waxay ka badnaayeen 200.0! ! 00 oo nin. Imaamkii iyo ciidankiisii si wanaagsan ayay u safteen. Imaamkii waa uu duceeyay, wuxuuna yiri :

" Eebow naga yeel kuwo sugnaada, diintaadana u hiiliya ".

Imaamku wuxuu u yeeray rag ay kamid yihiin Maxamad Suldaan Cali oo ay habro wadaag yihiin. Wuxuu faray in uu hoggaamiyo ciidanka beeshiisa, sidaasna ay ku hor kacaan ciidamada. Dabadeed ciidamadii qabaaŽilka ayuu is daba dhigay. Qabiil walbana waxaa hor kacayay ninkii odayga u ahaa, kaas oo wakiil uga ahaa Imaamka. Bartamaha goobtaasi waxaa ku sugnaa Imaamkii oo koox fardoolay ah ay ku xeerayd. Tirada ciidamada muslimiinta waxay ahayd 560 nin oo fardoolay ah iyo 12.000 oo lugaynayay. Labada ciidan ee is hor taagnaa aad bay u kala tiro badnaayeen, una kala xoog badnaayeen. Markii ay ciidamadii iska hor yimaadeen ayaa nin la yiraahdo Shiikh Cabdullaahi uu jeediyay guubaabo uu ku dhiiri gelinayo ciidanka. Ciidamadii Abasiiniyiinta oo toddoba saf ahaa ayaa ku soo dhaqaaqay dhankii ciidamadii muslimiinta. Boqorkoodii oo la oran jiray Wasne Sajed, maalintaa lug ayuu ku socday. Ciidan dhan 400 oo nin ayaa dhanka midig ka socday! ! , 400 oo kalena dhanka bidix. Wixii uu hub iyo qalab lahaana maantaa waa uu soo bandhigay. Waxaa intaa dheeraa saf kasta oo ciidanka masiixiga ah wuxuu u dhigmay shan saf oo muslimiinta ah. Marka xagga tirada la eego, muslimiintu waxay u muuqdeen bar yar oo caddaan ah ee ku taal dibi harag madow leh. Dagaalkii ayaa bilowday iyada oo raggii wadaaddada ahaa ay guubaabo iyo wacdi la dhex taagan yihiin ciidamadii muslimiinta. Sidoo kale boqorkii Wasne Sajed guubaabo ayuu ku bilaabay ciidankiisii. Wallow aad looga badnaa, misana muslimiintii sutida ayay qabteen. Ragga maalintaa sida aadka ah u dagaalamay waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Mataan Cismaan oo Imaamka walaashiis qabay. Waxaa kale oo si wanaagsan u dagaalamay Cali Garaad oo Mataan walaakiis ah, Axmad Guray (oo aanan ahayn Imaamka), Farshaxan, Kaar Cali, Macjero Xuseen, Muuse Cabdullaahi Maakhabe iyo Yuusuf Latixiye. Dagaalkaasi wuxuu bilowday markay cadceeddu soo bax! ! day illaa casar gaabkii ayuu socday. Waxaa ugu dambaystii ku jabay ciidamadii masiixiga. Tirada khasaaruhu kumanyaal ayuu kor u dhaafay. Guushaas ay muslimiintu heleen maahayn mid si dhib yar ku timid. Nimankii waawaynaa ee xagga Xabashida ka dhintay maalintaa waxaa kamid ahaa Aqa MiikhaaŽiil oo nin aad u adag ahaa. Imaamka ayaa waran ku dilay. Waxaa kale oo dagaalkaa ku dhintay Abadaan Darwishwaan oo khasnaji u ahaa boqorka, Midle oo calanka boqorka siday iyo rag kale oo badan. Dhanka muslimiinta ragga ka shahiiday waxaa kamid ahaa Kabiir Ibraahim oo ahaa muŽadinkii Imaamka iyo Fiqi Maxamad Daw. Inkasta oo tirada muslimiinta ka dhimatay ay 5000 ahaayeen, misana waxaa u badbaaday raggii madaxda  ahaa ".


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:15 AM. Webmaster HomePage