Adeer ! dhacdadaas dabadeed, maamulkii boqortooyada Cumaan
muddo ayuu ku sugnaa xasillooni siyaasadeed. Sanadkii 1804-tii
ayaa khilaafkii ku soo cusboonaaday. Sababtu waxay ahayd amiir la
oran jiray Sayid Siciid ayaa wuxuu
dilay walaalkiis oo suldaan ahaa. Dabadeed wuxuu isu caleema
saaray taajkii saldanadda. Suldaankan cusubi wuxuu dhisay dowlad
adag. Tirada ciidanka saldanadda ayaa xilligiisii waxay gaareen
6.500 oo nin. Waxaa kale oo uu dhisay 15 doonyood oo kuwa dagaalka
ah. Markaas buu wuxuu ku fekeray in uu maamulkiisa ku baahiyo
dhulkii uu xiriirka ganacsi la lahaa. Sanadkii 1806-dii, suldaanku
wuxuu la wareegay jasiiradda Sensibaar iyo magaalooyin ku yaal
bariga Afrika, kuwaas oo ahaa degmooyinka Laamo, Kilwa iyo inta u
dhexaysa. Waxyaabaha saaciday waxaa kamid ahaa iyada oo dadka reer
Cumaan ay raad xoog badan ku lahaayeen degaanka bariga Afrika iyo
jasiiradaha u dhow. Guud ahaan bad-waynta Hindiya ayaa xilligaas
lagu magacaabi jiray Arabian Lake (balligii Carabta).
Adeerow ogow in Cumaaniyiintu ay goor hore bilaabeen in ay xiriir
ganacsi la yeeshaan dadyowga degaankeena. Waxaa jirta in
bad-mareenada reer Cumaan ay goor hore ogaadeen adeegsiga
dabaylaha dul mara badwaynta Hindiya ee lagu magacaabo Monsoon.
Doonyaha shiraaca leh ee xamuulka qaada ee u kala goosha Cumaan
iyo bariga Afrika ayaa waxay badda ku maaxi jireen dabaylahaas.
Ganacsiga saldanaddu waxaa uu ka iman jiray bariga Afrika, kaas oo
ganacsatada reer Cumaan ay u gudbin jireen qaaradaha Aasiya iyo
Yurub. Adeerow waxyaabaha ay ka ganacsan jireen waxaa ugu waynaa
dadka nool Addoomada oo laga
keeni jiray illaa iyo bartamaha qaaradda Afrika. Waxaa jiray
dallaalay afrikaan ahaa oo la shaqayn jiray ganacsatada carbeed,
kuwaas oo dadka ka keeni jiray dhulka gudaha ah ee qaaradda.
Dallaalaydu, dadka qaarna waa ay soo iibin jireen qaar kalena waa
ay soo qa! ! faalan jireen. Waxaa kale oo Carabtu ay ka ganacsan
jireen xubnaha duur-joogta sida haraga Shabeelka, foolasha
Maroodiga, miciyaha iyo ciddiyaha Libaaxa, baalasha Gorayada,
geesaha Biciidka, qolfaha Diinka iyo Qubada iwl.
Xilliga dhaqdhaqaaqa noocaas ahi uu ka socday xeebaha
Soomaaliya, waxaa gudaha dalka ka jiray geedi-hayaan saameyn ku
yeeshay deegaankii dadkeenii xoolo-dhaqatada ahaa. Aqoonyahanada u
kuur gala culuumta taariikhda, waxay hayaankan ku magacaabaan The
Great Waves of Somali Expansion Hirarkii waawaynaa
oo ay Soomaalidu ku Dhul Ballaarsanayeen. Adeerow inkasta oo
hayaankan ay soomaalidu goor hore bilaabeen misana si muuqata ayuu
u kordhay dabayaaqadii qarnigii 18-aad iyo nuskii hore ee qarnigii
19-aad. Waxaa xusid mudan in soomaalidu eeyan xilligaas lahayn
maamul urursan oo ka dhexeeyay. Sidaa darteed ayuu hayaankan ka
turjumayay masaalixdii kala duwanaa oo ay beelaheenii
reer-guuraaga ahaa lahaayeen iyo cimilooyinkii kala duwanaa ee la
soo dersay noloshoodii. Cimiladaha sababay in soomaalidu qaxaan
waxay isugu jireen kuwan hoos ku xusan :
1. Colaado iyo ismaan-dhaaf ka aloosmay beelihii
xoolo-dhaqatada ahayd, kuwaas oo sababay dagaalo lagu kala guuro.
Waxaa kamid ahaa qixii Biyamaal iyo qaar kamid ah beelaha
Mareexaan iyo Ogaadeen.
2. Abaaro adag oo iska daba yimid, kuwaas oo dad iyo duunyoba
ku leŽdeen. Waxaa kamid ah qixii qaar kamid ah beelaha Harti.
3. Kacdoon siyaasadeed oo ay ku fogeynayeen maamullo ku gabood
falay beelihii la deriska ahaa. Sida kacdoonkii beelaha Bartire
iyo kii Abgaal.
Adeer ! waxaad ogaataa in hayaankani uu wax wayn ka beddelay
deegaan-siyaasadeedkii dadkeenii reer guuraaga ahaa. Wuxuu sababay
isbeddel ah demographic changes,
kaas oo ku yimid degaankii iyo tarankii bulshooyinkii ka qayb
qaatay qaxan. Hayaankan ayaa sababay muuqaalka uu maanta leeyahay
dhulka loo yaqaan Soomaaliya ee leynoo ogsoon yahay iyo dhulka
inaga maqan oo ay dadkeenu degaan.
Beelaha Dir waxaa hayaankan uga qayb qaatay reerka Biyamaal oo
sida sheekooyinka lagu hayo ka soo guuray gobollada waqooyi
bartamihii qarnigii 18-aad. Waxaa la tilmaamaa in ay sababtu ahayd
gar-colaadeed oo lagu heshiisiinayay iyaga iyo beesha Gadubiirsay
oo uu dagaal xumi dhex maray. Gartaas oo ay galeen odeyaal u
dhashay beelaha Isaaq iyo Ciise ayaa Biyamaalku waxay ka tirsadeen
in laga eexday. Markaas baa reerihii Biyamaal waxay guddoonsadeen
talo uu xargihii reerku u dhamaa oo ahayd in ay degaanka isaga
guuraan. Adeerow inkasta oo waddadii ay Biyamaalku soo raaceen
aanan sheekooyinka lagu xusin, misana waxaa la hubaa in
hayaankoodii ay ku soo fureen koonfurta webiga Shabeele, halkaas
oo illaa maanta ay degan yihiin. Xilligaas waxaa ay degaanka ugu
yimaadeen beesha Gelledi oo lahayd maamul siyaasadeed oo hanaqaad
ahaa. Labada Beelood (Gelledi iyo Biyamaal) dagaalo badan ayaa
dhex maray, kuwaas oo ay Biyamaalku ku dileen saddex suldaan oo
Gelledi ahaa oo is dhalay (suldaa! ! n Maxamuud, suldaan Yuusuf
iyo suldaan Axmad). Socdaalkii Biyamaal intaas kuma hakan ee qaybo
beesha kamid ah ayaa koonfur u sii kacay oo gobolka Jubada-Hoose
ku hakaday. Qolyihii koonfurta aaday ayaa dhexdoodii colaadi ka
aloosantay. Dabadeed jifi kamid ahayd baa waxay u tallaabeen
bulshooyinka Baantuuga ah ee ku dhaqan gobolka waqooyi-bari iyo
bariga dalka Keenya halkaas oo ay ku milmeen dadyowgii ay u
tageen. Adeerow xus oo beelo kamid ah reeraha la yiraahdo
Reendiille ee ku nool yuulada Mkunuumbi
oo ka tirsan degmada Laamo waxaa la rumaysan yahay in ay yihiin
dadyowgii kuushiitiga ahaa ee ku noolaa koonfurta Banaadir.
Sheeko-dhaqameedyada reeraha Biyamaal waxaa ku xusan in qayb kamid
ah reeraha Reendiille ay yihiin dad iyaga ka tegey oo absaxankooda
la garanayo. Dadkaasi waxay ku tageen dagaal ay jifiyadii Biyamaal
isugu tageen. Magaca reerka tegey waa Kalafoow, absaxankooduna
wuxuu gelayaa Sacad oo ah jifi Biyamaal kamid ah.
Dhaqdhaqaaqii ganacsatada reer Cumaan wuxuu raad ku yeeshay
qaybo kamid ah gobollada Soomaaliya. Saldanaddii beesha Gelledi
ayaa xilligii ay is-beddelayeen labadii qarni, kii 18-aad iyo kii
19-aad, waxay yeelatay maamul hanaqaaday. Saldanaddaas oo
xarunteedu ahayd degmada Afgooye ayaa waxay xiriir la lahayd
maamulkii ka jiray magaalada Xamar. Xilligii suldaan Yuusuf oo
qiyaastii ku beegan 1812-kii - 1845-kii ayaa saldanaddu xoogowday.
Waxaa ballaartay dhulka uu ku baahay ganacsigii saldanadda.
Dekadda Xamar ayaa waxaa laga dhoofin jiray dalayga ka soo goŽa
beeraha reerka Gelledi iyo xubnaha dugaagga. Reerku waxay dekadda
kala soo degi jireen waxyaabaha ay dibadda uga baahnaayeen oo
dharku uu kamid ahaa. Waxaa kale oo ay soo dhoofsan jireen dadka
addoomada ah, kuwaas oo beeraha ka shaqayn jiray. Adeerow waxaa
xusan, sanadihii u dhexeeyay 1820-kii iyo 1840-kii, dekadaha Xamar
iyo Marka in sanad walba lagala soo degi jiray dad gaaraya 10.000
oo addoomo ah.
Adeer ! wakhti ku dhow xilliga ay Biyamaalku hayaameen ayaa
galbeedka Soomaaliya waxaa iyaguna ka soo kacay beelo kamid ah
reeraha Kablalax (Ogaadeen). Beelahaas waxaa kamid ahaa ,
Maqaabil, Cawlyahan, jifiyo kamid ah reerka Maxamd Subayr iyo
Caabud-waaq oo kamid ah jifiyada Talamuge. Geediga reerkan wuxuu
soo maray gobolka Bay. Sida ay isku raaceen daŽwayntii
sheekooyinkan laga wariyay, muddo sanado ah ayay halkaas ku
sugnaayeen. Dabadeed waxay u soo tallaabeen degaanka Jilib,
halkaas oo ay ka samaysteen saldhig ay ka sahan sadaan degaanka.
Waxaa jira sheekooyin tilmaamaya in beelaha soomaaliyeed ay si
wadajir ah ula dirireen dadkii Baantuuga ahaa ee ku noolaa
degaanka Juba, arrintaasi waxay xoojinaysaa aragtida oranaysa in
beelaha soo hayaamay ay isugu yimaadeen degaanka Jilib oo markaas
ahayd degaan Tunni. Oday la yiraahdo Xasan Ribadle oo Ogaadeen ah,
kana mid ah facihii dambe ee ka qayb qaatay hayaankii ay beeshu ku
degtay dhulka Juba ayaa wuxuu tilmaamay sababta uu u qaxay in ay
ahayd colaadaha reerka dhexdiisa ka socday. Xasna ayaa muddo laga
joogo 150 sano wuxuu tiriyay tix gabay oo uu ku tilmaamayo sababta
uu u qaxay, wuxuuna yiri :
Jiilaalkan ruuga ah waxaan Raari uga guuray
Oon ramashe doogoobay iyo roob la sugi waayay
Reer Caraale uun baan ka tegi ruun colowgiisa
Warankay ridahayaan ayuu ruuxda iga goyne
Ama towbaday iga raddiyi oo raq baan dhigiye
Bilowgii qarnigii 19-aad, Garaad Wiil-waal ayaa isaguna wuxuu
ku guulaystay in uu ururiyo beelo kala duwan oo ku maamulo
xeer-dhaqameedyo uu isagu dejiyay. Taasina waxaa ay ka dambaysay
markii uu helay kalsoonidii beeshiisa (Bartire) oo ay caleemo
saarteen, markaas oo adeerow uu u caddaalad falay. Garaad
Wiil-waal wuxuu ahaa nin geesinimo iyo af-tahannimo loo hibeeyay.
Xeerarka uu ku dhaqmo wuxuu dadka ku bari jiray qaab suugaaneed.
Tilmaamahaas uu Wiil-waal lahaa ayaa waxay kallifeen in
degaankiisii ay ku soo qaxaan beelo dhowr ah oo ku qancay
maamulkii uu dhisay. Waxaa kamid ahaa Abasguul, Geri iyo Ogaadeen.
Wiil-waal wuxuu dhisay xulufo ciidameed iyo mid siyaasadeed oo ay
ku bahoobeen beelahaas. Adeerow kalsoonidii dhex martay Wiil-waal
iyo odeyadii beelahaas ayaa waxay adkaysay maamulkii ay isku
xulufaysteen. Tix uu Wiil-waal u tiriyay garaadkii beesha Geri oo
la oran jiray Garaad Aadan, mar uu uga soo dacwooday beeshii oo ku
gadoodday ayuu Wiil-waal ku tilmaamay xiriir! ! ka ka dhexeeya
isaga iyo Garaad Aadan. Wiil-waal wuxuu yiri :
Haddaad dowladda waydo anna teydu weydowdey.
Haddii lowgu ku wiiqmo anna waan wakkinaayaa.
Haddaad weer isku jiiddo anna waan isku waabi.
Ciidamadii beelihii is-xulufaystay oo uu hor kacayo Wiil-waal
ayaa waxay duulaan ku qaadeen ceelashii reerka Akishe (Dir),
halkaas oo lagu dhibi jirey xoolaha ay lahaayeen beelaha aanu soo
xusnay. Gulufyadii colaadeed ee uu Wiil-waal dumay waxay sabab u
noqdeen in ay guud ahaan beelihii soomaaliyeed ay ku faafaan
dhulka biyaha badan ee ku beegan agagaarka degmada Jigjiga,
halkaas oo ay ka kacsadeen beelo Oromo ah.
Beelo kamid ah reerka Mareexaan ayaa iyaguna ku soo hayaamay
degaanka Gedo, iyo koonfurta gobollada Baali iyo Siidaamo.
Xilligaas, qiyaastii 50 sano ayuu ka dambeeyay markii uu bilowday
hirarkii hayaanka. Waxaa jiray beelo Mareexaan ah oo safka hore
kaga jiray qaxan, waxaana kamid ahaa Howraarsame, Habar-Yaaquub,
reer Xasan iyo Talxe. Sheekooyinkii laga dhaxlay daŽwayntii hore
waxaa ku xusan in beelahaasi ay geel badan wateen. Beelahan waxay
ka soo qaxeen meelo kamid ah bartamaha Soomaaliya, waxayna soo
mareen gobollada Hiiraan iyo Bakool. Sababta ay la qaxeen waxay
ahayd colaado isugu jira kuwo ka aloosmay beesha gudaheeda iyo
kuwo dhexmaray iyaga iyo beelihii ay la deriska ahaayeen. Adeerow
inkasta oo eeyan isku degaan ka soo kicin misana waxaa la
malaynayaa in hayaankii beesha Dagoodiye uu dhinac socday kaa
beelaha Mareexaan, sidaasna ay dagaaladii lagu kiciyay reerka
Booran ay ka wada qayb qaateen. Dagaaladaasi waxay ahaayeen kuwo
lagu hilboobay, waana kuwa sababay in s! ! oomaalidu degaan ku
yeelato halkaas. Mar ay Boorantu fadhi ku lahaayeen buurta u wayn
degaanka ee la yiraahdo Humbaale ayay
soomaalidii u soo tiriyeen tix iyaga oo leh :
Humbaale Humbaale
Humbaale af-wayne
Shuun oday waaye
Haddaad ood ka goyso
Aabaa iga dhaartay
.
Soomaalidii waa ay ka soo jawaabeen iyaga oo leh :
Humbaale Humbaale
Humbaale af-wayne
Shuun oday waaye
Haddaad oon ku guurin
Aabaa iga dhaartay
.
Adeerow waxaa kale oo xusid mudan Shiikha la yiraahdo Ibraahim
Xasan Yabarow oo dhalashadiisu ahayd Wanla-wayn, kaas dalka ku soo
laabtay sanadkii ugu dambeeyay qarnigii 18-aad. Shiikh Yabarow oo
ahaa nin ka tirsan dariiqada Axmadiyada ayaa bilowgii qarnigii
19-aad wuxuu aasaasay xarumihii xertii Baardheere ee magaceedu
ahaa Jamaacada. Sanadkii 1797-kii
ayuu Shiikhu magaalada xurmaysan ee Maka wuxuu kula kulmey Shiikh Axmad
Bin Idiriis oo ahaa ninkii aasaasey dariiqada lagu
magacaabo Axmadiya. Adeer !
goor dambe ayuu shiikhu wuxuu noqday nin asal raac ah. Wuxuu
hoggaamiye ka noqday dhaqdhaqaaq lagu nooleynayo saldhigyada
diinta Islaamka. Shiikhu wuxuu qaatay aragti lamid ah tii uu
Shiikh Maxamad Cabdi-Wahaab ku baaqay oo ahayd diin aanan barax
lahayn dariiqona aanan ku xirreyn. Shiikh Yabarow wuxuu dadka kala
diriri jiray tubaakada, heesaha, cayaaraha iyo is-dhex galka ragga
iyo dumarka.! ! Wuxuu ka reebi jiray macsida. Wuxuu dadka fari
jiray in laga reebtoomo ganacsiga xubnaha duur-joogta. Dumarka
wuxuu fari jiray in oogadooda ay asturaan. Guud ahaanna wuxuu
dadka u sheegi jiray in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka,
cibaadadana ay ku dadaalaan. Shiikhu wuxuu yeeshay xarun u saldhig
ah oo uu dadka wax ku baro. Waxaa halkaas ka abuurmay dugsiyo lagu
barto noocyada culuumta diinta Islaamka. Sanadkii 1819-kii, tirada
ragga ardayda halkaas wax ku baranaysay waxay dhaafsiisnaayeen 100
nin. Sanadkii 1840-kii, tirada xertii Shiikhu waxay kor u dhaaftay
20.000 oo nin, kuwaas oo badankoodu ahaa qolyihii Daaroodka ahaa
ee degaanka ku soo hayaamay.
Qore : Saadiq Enow