|
||||
Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW. Death City –MAYA mar kale(Baaq nabadeed) Mahamoud Waredere <mwardere@oakwood.com> Qaar ka mid ah odayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota –United States of America ayaa waxay muujiyeen wel wel iyo walaac ku saabsan dagaalka la sheegay in uu ka dhacay magaalada Baydhabo gudaheeda. Mahamoud Nur Wardere oo ka mid ah odayaashaas ayaa
wuxuu yiri “ waxaan ka codsanaynaa walaalaha colaadu dhexmartay inay
xabadda iyo hubka culus joojiyaan ayagoo
u danaynaya dantooda iyo danta maatida, waxaan kaloo xusuusinaynaa
inaysan iloobin Baydhabo jannaay iyo dadkeeda wixii ay soo mareen oo
dhib ah inaysan weli ka kabannin. Iyo in ay suurto gal tahay wixii
khilaafaad ah in wada hadal lagu dhamayn karo”. Odayaasha Soomaaliyeed ee reer Minnesota
waxay ku baaqeen in: 1) Xabadda Baydhabo la joojiyo 2) Wada hadal dhaqso ah la bilaabo 3) Aanan la iloobin in dadku walaalo yahay- markay colaad dhacdo si sahal ah waxaa loo iloobaa walaatinimadii dadka ka dhaxaysay 4) Tanaasul la sameeyo oo wixii la isku hayo la isu daayo. 5) Rag iska dhicin iyo alla ka cabsi- Alla ka cabsi la doorto waayo iyadaa dadkaaga iyo naftaadaba u ah dan 6) La xasuusto “death city” iyo umaddii aan halkaas ku waynay oo aanan weligeen ka soo waaqsan karaynin-waxaa laga yaabaa in aqoon yahano cilmi nagu soo kordhin lahaa ama madax wanaagsan ay ku jireen carruurtii la xasuuqay ama gaajada u dhimatay. 7)
Intaanan xabadda la ridin laga fiirsado cawaaqibkeeda sida: Umad
dhan oo la qaxiyo, dad badan oo walaalaheen oo aan iska dilno,
ogoontinimo badan, rajonimo badan, cuyaanimo badan, bur bur iyo dib u
dhac dhaqaale iyo shalayto danbe. Waxaan mahad u celinaynaa guddiga dhexdhexaadin iyo nabad doonista dhammaantood kuwaas oo maanta ku guulaystay inay xasilyaan Baydhabo- waxaanan leenahay hawl muqadas ah ayaad qabateen ee hawshiina wada. Ragga nabadda ka shaqaynayaan waxaa ka mid ah Cali Marguus, Sherif Saalax, Maxamed Cali Aden Qalinle, iyo Hilaal Maxamed Aden. Guul ayaan idiin rajaynaynaa. |
||||
Copyright © 1999 by somaliawatch.org. All Rights Reserved. Revised: 19 May 2007 05:15 AM. Webmaster HomePage |