Suldaankii
Cumaan Sayid Siciid wuxuu talada
la wareegay iyada oo dowladihii embriyaaliyadda ahaa, gaar ahaan
Ingiriiska iyo Faransiiska uu ganacsigoodii soo gaaray degaanka.
Faransiiska wuxuu xilligaas haystay jasiirado dhowr ah oo bad-waynta
Hindiya ku yaal, kuwaas oo doonyaha ganacsiga ee saldanadda Cumaan
ay ku hakan jireen. Jasiiradahaas waxaa kamid ahaa
France Island,
Bourbon, Seychelles
iyo jasiiradda
Rodriguez
Island. Qaar kamid ah jasiiradahaas Faransiisku sokor ayuu
ku beeran jiray, sidaa darteed buu ! ! wuxuu u baahday dad adoomo
ah oo beeraha u fala. Faransiisku wuxuu suldaankii Cumaan ka
codsaday in degmada Kilwa uu ka furto xafiis uga wakiil ah
iibsashada dadka addoomada ah. Ujeeddadu waxay ahayd in ay iska
eegaan tayada addoomada loo soo dhoofinayo jasiiradaha uu haystay.
Suldaankii Cumaan waa uu oggolaaday codsigii Faransiiska, halkaas
ayay ka bilaabatay issu soo dhowaanshaha dowladdii Faransiiska iyo
suldaankii Cumaan Sayid Siciid.
Sanadkii
1815-kii, dagaal adag ayaa Yurub ku dhex maray ciidamadii
Faransiiska oo dhan ah iyo ciidamo xulufo ah oo uu Ingiriisku
hoggaaminayay oo dhanka kale ah. Dagaalkaas oo la magac baxayThe
Battle of Waterloo,
waxaa guushii ay ku raacday ciidamadii xulufada. Khasaarihii
Faransiiska halkaas ka soo gaaray, wuxuu kallifay in dowladdoodii
iyo hoggaamiyahoodii Napoleon
Bonaparte labaduba ay lumiyaan haybaddii ay dunida
ku lahaayeen. Dhacdadaasi waxay Ingiriiskii u saamaxday in uu
Faransiiska kala wareego jasiirado ku yaal bad-waynta Hindiya ee
ku beegan bariga Afrika. Waxaa kamid ahaa jasiiradda France
Island iyo Seychelles.
Markaas kaddib ayuu suldaan Sayid Siciid
heshiis iskaashi la dhigtay Ingiriiska oo ahayd dowladdii dagaalka
ku adkaatay si uu kaalmo ugu helo damaciisii ku salaysnaa in uu
isku ballaariyo xeebaha Afrikada bari. Heshiiskaasi
ma noqon mid raaga oo durba khilaaf ayaa soo hareereeyay.
Khilaafkaasi waxaa saldhig u ahaa goŽaan ay dowladdii Ingiriisku
qaadatay oo ahaa in la mamnuuco dadka laga ganacsanayo, kaas oo
ahaa isha dhaqaale ee saldanadda Cumaan. Waxaa xusid mudan in
saldanaddu ay xilligaas lahayd saylado waawayn oo xarumo u ahaa
ganacsiga dadka addoomada ah eela kala iibsanayay. Sayladahaasi
waxay ku yiileen degmooyin ay kamid ahaayeen Kilwa, Bagamayo iyo
Sensibaar. Dadka addoomada ah ee xarumahaas laga qaado waxaa loo
iib gayn jiray qaaradda Aasiya, gaar ahaan dalalka carabta iyo
Hindiya. Ingiriiska oo ahaa awood ku soo korodhay degaanka, waxaa
ujeeddadiisu ahayd in ! ! uu dhagax labo shimbir ku dilo. Waa mare
in uu curyaamiyo ilaha dhaqaale ee saldanada. Waa mar kaleŽe in
uu sumcad wanaagsan ku yeesho dadyowga degaanka.
Sanadkii
1822-kii, guddoomiyihii suldaanka u fadhiyay jasiiradda Mauritius,
isaga oo aanan la tashan suldaankii ayuu wuxuu guddoonshay goŽaan
uu ku reebayo ganacsiga addoomada. Inkasta oo heshiiskaasi uu
kiciyay dareen siyaasadeed, misana ma xayirin waddooyinkii badda
oo ay ku gooshayeen doonyaha ganacsiga ee laga lahaa saldanada. GoŽaankii
uu gaaray guddoomihii Mauritius
waxaa ku dayday degmooyin kamid ah kuwii uu ganacsigu mari
jiray ee ku yaal dhul-xeebeedka bari ee bad-waynta Hindiya.
Sanadkii
1840-kii, suldaankii Cumaan Sayid Siciid
wuxuu xaruntiisii u soo raray jasiiradda Sensibaar, halkaas oo uu
u doortay in ay magaalo madax u noqoto maamulkiisii. Dhaqdhaqaaqii
Ingiriiska oo degaanka ku soo korodhay iyo in uu badbaadiyo
ganacsiga wayn ee uga socday bariga Afrika ayaa sababtay in
suldaanku uu qaato tallaabadaas. GoŽaankaasi wuxuu dhacay xilli
ay degmooyinka ku yiil xeebaha bariga Afrika ay dhamaantood ku
jireen gacanta suldaanka. Suldaanku wiil uu dhalay oo la yiraahdo Tuwayni
bin Siciid ayuu ku reebay maamulkii Cumaan, kii Sensibaarna
wuxuu wakiil uga dhigay wiil kale oo la yiraahdo Khaalid
bin Siciid. Waraaq uu suldaanku u diray dowladdii
Ingiriiska 23/ 7-1844-kii ayuu ku xusay arrintaas, qoraalkiisiina
waxaa kamid ahaa :
"
Markii aan geeryoodo dabadeed sidaas ayuu ahaanayaa maamulka aanu
samaysanay ee aan u magacaabay labadayda wiil. Khaalid
oo ka talinaya hantida aan ku leeyahay Afrika iyo Tuwayni
oo isaguna ka talinaya hantida aan ku leeyahay Cumaan iyo
Khaliijka. Eebena hadduu idmo sidaas ayuu ku ilaalinayaa kaddib
markii ay la tashadaan dowladda Ingiriiska. Annaguna waxaanu ka
rajeenaynaa in ay raali ka noqoto, kalsoonidana eeyan ka qaadan
".
Khaalid
wuxuu dhintay 1854-kii, dabadeed waxaa dhaxalkiisii la wareegay
wiil uu dhalay oo la yiraahdo Maajid.
Sanadkii 1856-kii, suldaan Sayid Siciid
ayaa isaguna geeryooday. Wakhtigaas,
Cumaan iyo Sensibaar weli waa ay midaysnaayeen. Geeridii suldaanka
ayaa waxay sababtay in khilaaf xoog badan uu dhex maro labadii
amiir. Sida u caadada ah khilaafka siyaasadeed ee ku yimaada
hoggaanka shucuubta oo aanan yeelan cirib la mahadsho, khilaafkii
labadii amiir ee wiilka iyo adeerka isu ahaa wuxuu ku dhowaaday in
uu sababo dagaal sokeeye. Taasina waxay ka dambaysay markii
Ingiriiska iyo Faransiiska ay la kala safteen labadii Amiir. Tuwayni
oo gacan saar la lahaa Faransiiska ayaa wuxuu damcay in uu ku soo
duul! ! o Sensibaar oo uu qabsado.
waxaa
soo dhex galay dowladihii damaca ka lahaa degaanka. Kadib markii
Ingiriiska iyo Faransiiska ay la kala safteen labadii amiir ayaa
waxay ku sigteen in dagaal sokeeye uu ka dhex aloosmo qoyskii reer
Sayid Siciid . 10/ 3- 1862-kii
ayaa dowladihii Ingiriiska iyo Faransiisku waxay ku heshiiyeen
talo uu soo jeediyay Lord Cannings oo
ahaa barasaabkii Ingiriiska u fadhiyay dalka Hindiya. Talada
barasaabku waxay ahayd in Cumaan iyo Sensibaar, mid walba loo
ictiraafo in ay tahay dowlad. Waxaa halkaas ka abuurmay labo
dowladood oo kala madax bannaan. Laakiin barasaabku wuxuu
Sensibaar ku xukumay in ay Cumaan siiso qaraami gaaraya 90.000 oo Bawnd
sanad walba maadaama ay ka dakhli wanaagsan tahay. Barqash oo
isaguna adeer u ahaa suldaanka Sensibaar ayaa isku deyay in uu a!
! f-gembiyo. Markii uu fashilmay ayaa Ingiriiska soo dhexgalay si
aanan loo dilin, dabadeed wuxuu u dhoofiyay magaalada Bombay ee
Hindiya. Hor u kaca dhaqaale ee ka muuqday jasiiradda ayaa wuxuu
soo jiitay xoogaggii reer Yurub ee ku soo socday degaanka. Waxaa
in la xuso mudan in xilligaas aanan weli la helin fikraddii lagu
jeexay kanaalka Suways.
Haddaanu
dib ugu noqonno faragelintii uu
Sayid Siciid ku sameeyay noloshii
dadkeenii soomaalida ahaa ee ku noolaa degaanka Xamar qarniga
bilowgiisii, waxay la mataan ahayd faragelintii Faransiiska iyo
Ingiriiska ay ku sameeyeen xoolo-dhaqatadeenii deganayd waqooyiga
Soomaaliya. 15 sano oo keliya ayaa u dhexaysay labada dhacdo.
Waxaa in laxuso mudan, in qarnigii 17-aad, dowladaha
Isbaanishka iyo Burtuqiisku ay ahaayeen labada dowladood ee sida
ballaaran xoogoodii ugu baahiyay dhulalkii ay ka boobeen ummadihii
ay ka itaalka roonaayeen. Kasokow sahamadii ay bad-mareenadoodii u
soo baxeen waxaa arrintan ku kaalmeeyay horumarka ay ka gaareen
aqoonta biraha metallurgy
iyo hindisaha farsamada madaafiicd! ! a. Labadaas dowladood
waxay ka madax adeegeen in ay qaybo dhul ah u oggolaadaan
dowladihii goorta dambe ku soo biiray boobkii gumaysiga, kuwaas oo
ahaa Hoolanda Ingiriiska iyo Faransiiska. Qarnigaas majirin dowlad
reer Yurub ah oo damac gumaysi lahayd ee ka baxsan shantaas
dowladood.
Wasiir
Faransiis ah oo kamid
ahaa dowladdii boqorkii la oran jiray Louise
XIV ayaa isaga
oo ka digaya madax adeega Isbanishka iyo Burtuqiiska wuxuu yiri :
Ganacsigu, sida uu qaaradda Yurub ugu keeni karo nabadda
ayuu dagaalna u keeni karaa .
Sidaasna
waxay ku qoran tahay buuga lagu magacaabo
History of The World ee uu
qoray J. M. Roberts.
Dowladaha
Hooland, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa waxay bilaabeen in ay
olole colaadeed ku qaadaan Isbaanishka iyo Burtuqiiska, taas oo ay
kaga kacsanayeen qaybo kamid ah dhulkii looga hor maray.
Ololahaasi wuxuu isugu jiray dagaal toos ah iyo kacdoomo ay ku
kicinayeen dadyowgii dhulkooda ay gumaysanayeen. Sanadkii
1654-kii, Hoolanda ayaa ciidamo u dirtay bariga Hindiya, Baraasiil
iyo jasiiradaha Caribbian-ka,
si ay qaybo uga hesho dhul uu Burtuqiisku ku beeran jiray sokorta.
Iyada oo wax dagaal ah uusan dhicin ayaa Hoolanda waxaa ay la
wareegtay qaybo badan oo dhulkaas kamid ah. Ololaha noocaas ah
ayaa Ingiriiska iyo Faransiiska wuxuu fursad u siiyay, qaybtii
hore ee qarnigii 18-aad, in ay ku xoog roonaadaan bad-waynta
Hindiya.
Qiimaha ay xeebahayagu
leeyihiin ka sokow, dowladihii gumaysiga in ay dhulkayaga
milicsadaan waxaa kallifayay isha naxariista leh oo ay ku eegayeen
boqortooyadii Xabashida.
Qarniyadii dhexe waxaa Yurub ka jiray aragti diineed oo u
xaglinaysay hiillada boqortooyada Xabashida. Waxaa jiray abwaano
iyo niman wax qora oo wax badan dadkooda uga sheekeeyay
boqortooyadaas, kuwaas oo mar walba ku baaqayay in laga difaaco
cadowga ku hareeraysan ee Islaamka ah. Arrimahaas waxaa dhinac
socday, tan iyo intii ka dambaysay dagaalkii Axmad Guray, ergooyin
boqortooyada Xabashida ay si joogto ah ugu diraysay dowladaha reer
Yurub.
Saadiq Enow
Casharka VII-aad
Qarnigii 17-aad, dagaalladii ay beelaha Hawiye ku jebiyeen
boqortooyadii Ajuuraan, waxaa xigay dagaal taariikhda ku xusan
oo wax ka beddelay degaankii qayb kamid ah beelahaas.
Dagaalkaasi waa midkii reerka Abgaal ay magaalada Xamar kaga
kiciyeen qoyskii lagu magacaabi jiray Al-Mansuuri
oo muddo dhowr boqol oo sano ah ka talinayay degmada Xamar.
Kacdoonka ay Abgaalku xilligaas sameeyeen wuxuu ahaa mid ay
kaga cabanayeen maamul xumadii reerkii talada hayay. Sida ku
xusan buuga lagu magacaabo First
Congress for International Somali Studys, kacdoonkaasi
wuxuu dhacay sanadihii ugu horeeyay ee qarnigii 19-aad. Nin la
yiraahdo Yacquub Abgaal ayaa hoggaamiye ka haa. Yacquub wuxuu
ku guulaystay in uu magaaladii gacanta ku dhigo. Qoyskii reer Al-Mansuuri
waxay noqdeen wax carara iyo wax la dilo. Inkasta oo Yacquub
uu maamul ka sameeyay Xamar, misana ma raagin oo labo meelood
ayaa dhibaato kaga timid. Mid! ! da hore waxay ahayd reerka
Gelledi oo xilligaas gacanta ku hayay dhamaan waddooyinka
ganacsigu maro ee ka baxa Xamar ayaa ka hor yimid kacdoonkii
Yacquub. Sidaa darteed ayay xayiraad ku soo rogeen
dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee Xamar ka baxayay, una socday gudaha
dalka. Waxaa kale oo jiray damac suldaankii Cumaan Sayid
Siciid ka galay in uu Xamar qabsado. Suldaanka waxaa
arrintan ku dhaliyay xiisaha uu u qabay in uu xoojiyo
ganacsiga uu ku lahaa Afrikada bari. Sanadkii 1824-kii ayaa
ciidamadii Cumaan ay badda ka soo weerareen magaaladii Xamar,
halkaas oo ay madaafiic la dhaceen magaalada. Dagaalkaas oo
magaaladii lagu burburiyay natiijadii uu reebay baa waxay
ahayd in degmadii ay hoos timaaddo maamulkii Cumaan, maamulkii
Yacquubna halkaas ayuu ku joogsaday.
Qaar kamid ah maamul-dowladeedyadii ka hanaqaaday qaaradda
Yurub ayaa xilligaas ku tartamayay sidii ay u ballaarin
lahaayeen maamulladooda siyaasadeed iyo kuwooda dhaqaale.
Dowladihii Ingiriiska iyo Faransiiska oo safka hore kaga jiray
loolankan ayaa ku guulaystay in ay ganacsigoodii gaarsiiyaan
dhulka Hindiya iyo bariga fog. Taasina waxay ka dambaysay
markii Burtuqiiska laga eryay Cumaan iyo Hindiya oo uu
saldhigyo ku yeeshay qarnigii 16-aad iyo kii 17-aad. Cayrinta
Burtuqiiska waxaa dowr adag ka cayaaray boqortooyadii
Cismaaniyadda oo ay cara gelisay markii uu Burtuqiisku isku
dayay in uu gacanta ku dhigo magaalada xurmaysan ee Maka
sanadkii 1517-kii, isaga oo ay ujeeddadiisu ahayd in uu
kacbada burburiyo. Duulaankaas uu Burtuqiisku soo qaaday waxaa
hoggaaminayay Loper Souris,
wuxuuna ka koobnaa 40 doonyood, kuwaas oo ciidamada la socday
ay dhamaayeen 2000 oo nin. Inkasta oo duulaankii uu gaaray
magaalad Jidda, misana fashil ayuu ku dhamaaday oo! ! waxaa
caabiyay doonyihii dagaalka ee badda Cas u fadhiyay
boqortooyadii xilligaas ka jirtay dalka Masar ee lagu
magacaabi jiray Mamaaliik.
Maamulkii Cismaaniyiinta ayaa dabadeed ilaalo adag u sameeyay
badda Cas iyo degaamada ay ku dhacaan xeebaha waqooyi-galbeed
ee bad-waynta Hindiya si ay uga fogeeyaan khatar kasta oo la
malayn karo in ay ku timaaddo dhulka xurmaysan ee muslimku
leeyahay (Xijaas). Sanadkii 1541-kii ayaa doonyihii Turkigu
soo gaareen xeebaha waqooyi ee Soomaaliya, halkaas oo ay ka
xirtay doonyihii Burtuqiiska in ay badda Cas u soo gudbaan.
Taasi waxay ahayd markii ugu horaysay oo ay Turkidu xiiseeyaan
xeebaheena.
Bilowgii qarnigii 19 aad, baddeheenu waxaay yeesheen qiimo
muuqda oo ay la daneeyaan xooggagii reer Yurub. Qiimayntan oo
ah mid daŽ wayn waxay la curatay taariikhda uu aadamigu ku
bilaabay dhaqdhaqaaqyadii isbarasho iyo kuwii wax kala
beddelasho. Taasi waxay kalliftay in markasta ay degaanka ku
loollamaan dalalka markaas dunida ugu xoogga weyn, welina waa
sideedii. Dagaalada waawayn ee aadamiga dhex maray, mid kamid
ah kuwoodii ugu horeeyay ayaa wuxuu dhexmaray dadyowgii reer
Puntland iyo ciidamadii boqortooyadii Faraaciinta. Dagaalkaas
oo ay taariikhdu xustay wuxuu ka dhacay gobolka waqooyi-bari
ee Soomaaliya.
Haddaba dhaqdhaqaaqa ka socday xeebaheena, taariikhda wuxuu
ku ahaa mid joogto ah, balse waxaa isbeddelayay tirada, tayada
iyo dadka halkaas marayay. Taasina waxay ku xirayd hanaanka
nololeed ee uu Eebe ugu tala galay in xilliga uu ahaado mid
ummadaha u qaybsan. Sidaa darteed ayaa bilowgii qarnigii
19-aad ay ku soo bateen badaheena socdaalladii maraakiibtii ay
lahaayeen Cumaaniyiinta, Ingiriiska iyo Faransiiska. Waxaa
xusid mudan, maraakiibta xilligaas socotay in ay ahaayeen kuwo
farsamadoodu hoosayso. Arrintaasi waxay sababtay, qaar badan
oo maraakiibtaas kamid ah in ay ku degaan xeebaha Soomaaliya
gaar ahaan gobollada waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed.
Dabadeedna hantidii saarnayd ayaa soo gaari jirtay soomaalidii
ku noolayd dhulka xeebaha ah.
Koox Ingiriis ah oo daba taagnayd markab la dhacay dadna
lagu laayay ayaa waxay ka soo degeen xeebta magaalada Berbera
sanadkii 1925-kii. Kooxdaasi oo uu hor kacayay nin la yiraahdo
Berner, waxay ka socdeen
dowladdii Ingiriiska. Waxay wadahadallo kula yeesheen
magaalada Berbera cuqaashii beesha Habar-Awal. Beeshaasi waxaa
u dhashay dhallinyaro loo aanaynayay markab lagu dhacay meel u
dhow xeebta degmada Berbera. Markabkaas oo la oran jiray Marianne,
waxaa lagu laayay raggii ka shaqaynayay. Arrintaasi waxay
dhacday markay taariikhdu ahayd 1825-kii. Heshiiskii Berner
iyo raggiisii ay la galeen beesha Habar-Awal wuxuu ahaa kii
ugu horeeyay oo ay gumaystayaashu ku soo fara geliyeen
noloshii dadkeenii reer miyiga ahaa. Inkasta oo imaatinka
Ingiriisku uu ugub ahaa, misana dhacdadu wax lala yaabo kuma
ahayn soo-jireenkii nolosha dadkeenii ku noolaa geeska Afrika.
Taariikhyahannadii gumaysiga, dhacdada! ! n aad ayay u
cayiliyaan iyaga oo u aanaynaya sababaha laynoo gumaystay.
Waxaase sababahaas ay si wanaagsan u muuqanayaan markii aad
eegto falalka ka dambeeyay heshiisyadii ay ay la dhigteen
dadkii ay u yimaadeen. Heshiiskii dhexmaray Berner
iyo cuqaashii soomaaliyeed waxaa kamid ahaa sidatan :
" Laga bilaabo hadda, beeshu waxay guddoomisay
nabadgelyo iyo saaxiibtinimo dhexmarta boqorka weyn ee ah
boqorka Ingiriiska iyo cuqaasha qabaaŽilka Habar -Awal iyo
raggooda
.. Ganacsigu waa in uu amaan helaa, markabkii Marianne
xoolihiisii la dhacay iyo raggii lagu dilay waa in magdhow
laga bixiyaa ".
Sanadkii 1839-kii, Shiikh Xasan Ibraahim Yabarow iyo
jamaacadiisii ayaa waxay bilaabeen olole ay ku faafinayeen
culuumta diinta Islaamka. Ololahaas oo ay ka qayb galeen
dhamaan xertii shiikha ayaa wuxuu ka soo bilowmay dhulka doyda
ah ee daaqa ku wanaagsan ee magaalada Beydhabo ka xiga dhanka
koonfureed. Ololahakan ayaa wuxuu ku bilowday in Jamaacadu ay
kooxo isu raacaan, dabadeed sidii xertii ay hadba meel reer
deggan yahay ka samaystaan degaan. Sida ay taariikhdu xustay,
ujeeddada Jamaacadu maahayn in ay reerayowga xoolo iyo dumar
waydiistaan balse waxay gudbinayeen risaalad ay ku baahinayeen
waajibaadka diiniga ah ee qofka iyo bulshadaba saaran.
Ololihii ay Jamaacadu bilowday wuxuu lahaa muuqaal
kacdoon-bulshadeed, kaas oo saddexdii sano ee hore guulo
waawayn ka soo hoyay howlihii ay isu xil saareen. Kadib waxaa
ku bilowday mucaarado xoog badan oo lagu diidan yahay
dhaqdhaqaaqa Jamaacada. Mucaaradadaas, oo ka timid dad-waynihii
beeralayda u badnaa ee ku noolaa labada web! ! i dhexdooda,
ayaa waxay lahayd labo qodob oo ay ku diidanaayeen aragtida
Jamaacada. Ninka la yiraahdo Lee V.
Cassanette ayaa buugiisa uu ku magacaabay
The Banadir Post, wuxuu ku caddeeyay labadaas qodob oo
midkiisa hore uu ahaa sabab dhaqaale. Jamaacadu waxay reebi
jirtay ganacsiga addoomada iyo xubnaha duur-joogta. Xilligaas
ganacsiga degaanka waxaa hor-mood ka ahaa saldanadda reerka
Gelledi oo magaalada Xamar kala xiriiri jirtay ganacsigii
caalamiga ahaa oo Cumaaniyiintu ay wax ka hoggaaminayeen.
Waxaa kale oo suldaanka Gelledi uu ka talinayay waddooyinka
isku xira degmooyinka dekadaha leh (Xamar, Marka, Baraawe) iyo
dhulka gudaha ah. Dhaqaalihii badnaa oo ka imanayay ganacsiga
noocaas ah ayay Jamaacdu xayirtay. Qodobka labaad oo uu Lee
V. Cassanette sheegay ayaa wuxuu ahaa, iayada oo
ciidamada Shiikhu ay ku badnaayeen dadka dhalashadoodu ahayd
beelaha Daaroodka ah. Xilligaasna waxaa degaanka ka! ! muuqday
raad xoog badan oo ay reebeen beelihii hayaanka ahaa. Waxaa
baahday sheekooyin dicaayad ah oo lagula dirirayay Jamaacada,
kuwaas oo tilmaamayay in dadkan qaxaya iyo nimankan xerta ah
ay doonayaan in ay dhulka la wareegaan.
Mucaaradadii xoogga weyneed oo ka hor timid darteed ayaa
Jamaacadii waxay la qaadatay aragti ay ku magacaabeen
Jihaadkii Jamaacada. Shiikhii wuxuu guddoonshay in la weeraro
ciddii hor istaagta aragtida Jamaacada. Waxaa halkaas ka
bilowday dagaalo dhex mara xertii shiikh Xasan I. Yabarow iyo
dadkii degaanka, kuwaas oo saddex sanadood ka dhex socday
dhulka u dhexeeya labada webi ee Juba iyo Shabeelle.
Dagaaladaas oo markii hore ay Jamaacadu ku gacan saraysay ayaa
waxay sababaeen in gacanta Jamaacadu ay soo galaan degmooyinka
ay kamidka yihiin Luuq, Diinsoor, Beydhabo iyo Buur-hakabo.
Dhanka Juba, jamaacadu ciidan bay u direen. Dadyow ahaa Warday
oo halkaas ku noolaa Jamaacadii ayay isu dhiibeen. Koonfur iyo
xeebta badweynta Hindiya, ciidamada Jamaacadu waxay ku
guuleysteen in ay qabsadaan degmada Baraawe. Dabayaaqadii
sanadkii 1943-kii, dagaaladii ayaa waxay gaareen agagaarka
degmada Afgooye iyo dhulkii ay ka talinayeen reerka Gelledi.
Suldaan Yuusuf Maxamuud oo xilligaas oda! ! y ka ahaa degaanka
ayaa dagaalkii soo galay. Waxaa xusid mudan xilliga uu Suldaan
Yuususf ka talinayay degaankaas, waxay ahayd xilligii ay
boqortooyadq Gelledi ugu xoog badnayd. Suldaan Yuususf isaga
oo ku jeeda dagaal rogaal celis ah oo uu ku qaadayo Jamaacadii
Shiikh Ibraahim Xasan I. Yabarow ayuu magaaladii Afgooye wuxuu
kala soo baxay ciidan gaaraya 40.000 oo nin. Suldaanku wuxuu
ku guuleystay in ciidankii Jamaacada uu ka saaro degmooyinkii
waaweynaa oo ay qabsadeen. Dabadeedna waxay hareereeyeen
degmada Baardheere oo ahayd xaruntii Jamaacada. Dhowr maalmood
bay qaadatay in ciidankii Suldaan Yuusuf ay qabsadaan
Baardheere. Taariikhdu waxay warisay in magaaladii iyo wixii
yiilba la gubay. Dadkii degganaa waxay noqdeen wax baxsada iyo
wax la laayo. Halkaas baana lagu dilay shiikhii Jamaacada.
Dilkii shiikh Xasan I. Yabarow ayaa dhaqdhaqaaqii Jamaacadana
ku af-jarmay.
Saadiq Enow