19 May 2007 04:28

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] (Saadiq Enow" ) GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY- Casharka VII iyo VIII-aad   : Posted on 1 Aug 2002

GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY

Waxaa qoray "Saadiq Enow" 

 

Casharka VIII-aad 

 

Suldaankii Cumaan Sayid Siciid wuxuu talada la wareegay iyada oo dowladihii embriyaaliyadda ahaa, gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska uu ganacsigoodii soo gaaray degaanka. Faransiiska wuxuu xilligaas haystay jasiirado dhowr ah oo bad-waynta Hindiya ku yaal, kuwaas oo doonyaha ganacsiga ee saldanadda Cumaan ay ku hakan jireen. Jasiiradahaas waxaa kamid ahaa France Island, Bourbon, Seychelles iyo jasiiradda Rodriguez Island. Qaar kamid ah jasiiradahaas Faransiisku sokor ayuu ku beeran jiray, sidaa darteed buu ! ! wuxuu u baahday dad adoomo ah oo beeraha u fala. Faransiisku wuxuu suldaankii Cumaan ka codsaday in degmada Kilwa uu ka furto xafiis uga wakiil ah iibsashada dadka addoomada ah. Ujeeddadu waxay ahayd in ay iska eegaan tayada addoomada loo soo dhoofinayo jasiiradaha uu haystay. Suldaankii Cumaan waa uu oggolaaday codsigii Faransiiska, halkaas ayay ka bilaabatay issu soo dhowaanshaha dowladdii Faransiiska iyo suldaankii Cumaan Sayid Siciid.

Sanadkii 1815-kii, dagaal adag ayaa Yurub ku dhex maray ciidamadii Faransiiska oo dhan ah iyo ciidamo xulufo ah oo uu Ingiriisku hoggaaminayay oo dhanka kale ah. Dagaalkaas oo la magac baxayThe Battle of Waterloo, waxaa guushii ay ku raacday ciidamadii xulufada. Khasaarihii Faransiiska halkaas ka soo gaaray, wuxuu kallifay in dowladdoodii iyo hoggaamiyahoodii Napoleon Bonaparte labaduba ay lumiyaan haybaddii ay dunida ku lahaayeen. Dhacdadaasi waxay Ingiriiskii u saamaxday in uu Faransiiska kala wareego jasiirado ku yaal bad-waynta Hindiya ee ku beegan bariga Afrika. Waxaa kamid ahaa jasiiradda France Island iyo Seychelles. Markaas kaddib ayuu suldaan Sayid Siciid heshiis iskaashi la dhigtay Ingiriiska oo ahayd dowladdii dagaalka ku adkaatay si uu kaalmo ugu helo damaciisii ku salaysnaa in uu isku ballaariyo xeebaha Afrikada bari. Heshiiskaasi ma noqon mid raaga oo durba khilaaf ayaa soo hareereeyay. Khilaafkaasi waxaa saldhig u ahaa goŽaan ay dowladdii Ingiriisku qaadatay oo ahaa in la mamnuuco dadka laga ganacsanayo, kaas oo ahaa isha dhaqaale ee saldanadda Cumaan. Waxaa xusid mudan in saldanaddu ay xilligaas lahayd saylado waawayn oo xarumo u ahaa ganacsiga dadka addoomada ah eela kala iibsanayay. Sayladahaasi waxay ku yiileen degmooyin ay kamid ahaayeen Kilwa, Bagamayo iyo Sensibaar. Dadka addoomada ah ee xarumahaas laga qaado waxaa loo iib gayn jiray qaaradda Aasiya, gaar ahaan dalalka carabta iyo Hindiya. Ingiriiska oo ahaa awood ku soo korodhay degaanka, waxaa ujeeddadiisu ahayd in ! ! uu dhagax labo shimbir ku dilo. Waa mare in uu curyaamiyo ilaha dhaqaale ee saldanada. Waa mar kaleŽe in uu sumcad wanaagsan ku yeesho dadyowga degaanka.

Sanadkii 1822-kii, guddoomiyihii suldaanka u fadhiyay jasiiradda Mauritius, isaga oo aanan la tashan suldaankii ayuu wuxuu guddoonshay goŽaan uu ku reebayo ganacsiga addoomada. Inkasta oo heshiiskaasi uu kiciyay dareen siyaasadeed, misana ma xayirin waddooyinkii badda oo ay ku gooshayeen doonyaha ganacsiga ee laga lahaa saldanada. GoŽaankii uu gaaray guddoomihii Mauritius waxaa ku dayday degmooyin kamid ah kuwii uu ganacsigu mari jiray ee ku yaal dhul-xeebeedka bari ee bad-waynta Hindiya. 

Sanadkii 1840-kii, suldaankii Cumaan Sayid Siciid wuxuu xaruntiisii u soo raray jasiiradda Sensibaar, halkaas oo uu u doortay in ay magaalo madax u noqoto maamulkiisii. Dhaqdhaqaaqii Ingiriiska oo degaanka ku soo korodhay iyo in uu badbaadiyo ganacsiga wayn ee uga socday bariga Afrika ayaa sababtay in suldaanku uu qaato tallaabadaas. GoŽaankaasi wuxuu dhacay xilli ay degmooyinka ku yiil xeebaha bariga Afrika ay dhamaantood ku jireen gacanta suldaanka. Suldaanku wiil uu dhalay oo la yiraahdo Tuwayni bin Siciid ayuu ku reebay maamulkii Cumaan, kii Sensibaarna wuxuu wakiil uga dhigay wiil kale oo la yiraahdo Khaalid bin Siciid. Waraaq uu suldaanku u diray dowladdii Ingiriiska 23/ 7-1844-kii ayuu ku xusay arrintaas, qoraalkiisiina waxaa kamid ahaa : 

" Markii aan geeryoodo dabadeed sidaas ayuu ahaanayaa maamulka aanu samaysanay ee aan u magacaabay labadayda wiil. Khaalid oo ka talinaya hantida aan ku leeyahay Afrika iyo Tuwayni oo isaguna ka talinaya hantida aan ku leeyahay Cumaan iyo Khaliijka. Eebena hadduu idmo sidaas ayuu ku ilaalinayaa kaddib markii ay la tashadaan dowladda Ingiriiska. Annaguna waxaanu ka rajeenaynaa in ay raali ka noqoto, kalsoonidana eeyan ka qaadan ". 

Khaalid wuxuu dhintay 1854-kii, dabadeed waxaa dhaxalkiisii la wareegay wiil uu dhalay oo la yiraahdo Maajid. Sanadkii 1856-kii, suldaan Sayid Siciid ayaa isaguna geeryooday. Wakhtigaas, Cumaan iyo Sensibaar weli waa ay midaysnaayeen. Geeridii suldaanka ayaa waxay sababtay in khilaaf xoog badan uu dhex maro labadii amiir. Sida u caadada ah khilaafka siyaasadeed ee ku yimaada hoggaanka shucuubta oo aanan yeelan cirib la mahadsho, khilaafkii labadii amiir ee wiilka iyo adeerka isu ahaa wuxuu ku dhowaaday in uu sababo dagaal sokeeye. Taasina waxay ka dambaysay markii Ingiriiska iyo Faransiiska ay la kala safteen labadii Amiir. Tuwayni oo gacan saar la lahaa Faransiiska ayaa wuxuu damcay in uu ku soo duul! ! o Sensibaar oo uu qabsado.  

waxaa soo dhex galay dowladihii damaca ka lahaa degaanka. Kadib markii Ingiriiska iyo Faransiiska ay la kala safteen labadii amiir ayaa waxay ku sigteen in dagaal sokeeye uu ka dhex aloosmo qoyskii reer Sayid Siciid . 10/ 3- 1862-kii ayaa dowladihii Ingiriiska iyo Faransiisku waxay ku heshiiyeen talo uu soo jeediyay Lord Cannings oo ahaa barasaabkii Ingiriiska u fadhiyay dalka Hindiya. Talada barasaabku waxay ahayd in Cumaan iyo Sensibaar, mid walba loo ictiraafo in ay tahay dowlad. Waxaa halkaas ka abuurmay labo dowladood oo kala madax bannaan. Laakiin barasaabku wuxuu Sensibaar ku xukumay in ay Cumaan siiso qaraami gaaraya 90.000 oo Bawnd sanad walba maadaama ay ka dakhli wanaagsan tahay. Barqash oo isaguna adeer u ahaa suldaanka Sensibaar ayaa isku deyay in uu a! ! f-gembiyo. Markii uu fashilmay ayaa Ingiriiska soo dhexgalay si aanan loo dilin, dabadeed wuxuu u dhoofiyay magaalada Bombay ee Hindiya. Hor u kaca dhaqaale ee ka muuqday jasiiradda ayaa wuxuu soo jiitay xoogaggii reer Yurub ee ku soo socday degaanka. Waxaa in la xuso mudan in xilligaas aanan weli la helin fikraddii lagu jeexay kanaalka Suways. 

Haddaanu dib ugu noqonno faragelintii uu Sayid Siciid ku sameeyay noloshii dadkeenii soomaalida ahaa ee ku noolaa degaanka Xamar qarniga bilowgiisii, waxay la mataan ahayd faragelintii Faransiiska iyo Ingiriiska ay ku sameeyeen xoolo-dhaqatadeenii deganayd waqooyiga Soomaaliya. 15 sano oo keliya ayaa u dhexaysay labada dhacdo.  Waxaa in laxuso mudan, in qarnigii 17-aad, dowladaha Isbaanishka iyo Burtuqiisku ay ahaayeen labada dowladood ee sida ballaaran xoogoodii ugu baahiyay dhulalkii ay ka boobeen ummadihii ay ka itaalka roonaayeen. Kasokow sahamadii ay bad-mareenadoodii u soo baxeen waxaa arrintan ku kaalmeeyay horumarka ay ka gaareen aqoonta biraha metallurgy iyo hindisaha farsamada madaafiicd! ! a. Labadaas dowladood waxay ka madax adeegeen in ay qaybo dhul ah u oggolaadaan dowladihii goorta dambe ku soo biiray boobkii gumaysiga, kuwaas oo ahaa Hoolanda Ingiriiska iyo Faransiiska. Qarnigaas majirin dowlad reer Yurub ah oo damac gumaysi lahayd ee ka baxsan shantaas dowladood.

Wasiir Faransiis ah oo  kamid ahaa dowladdii boqorkii la oran jiray Louise XIV  ayaa isaga oo ka digaya madax adeega Isbanishka iyo Burtuqiiska wuxuu yiri : 

  Ganacsigu, sida uu qaaradda Yurub ugu keeni karo nabadda ayuu dagaalna u keeni karaa  

Sidaasna waxay ku qoran tahay buuga lagu magacaabo  History of The World ee uu qoray J. M. Roberts.  

Dowladaha Hooland, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa waxay bilaabeen in ay olole colaadeed ku qaadaan Isbaanishka iyo Burtuqiiska, taas oo ay kaga kacsanayeen qaybo kamid ah dhulkii looga hor maray. Ololahaasi wuxuu isugu jiray dagaal toos ah iyo kacdoomo ay ku kicinayeen dadyowgii dhulkooda ay gumaysanayeen. Sanadkii 1654-kii, Hoolanda ayaa ciidamo u dirtay bariga Hindiya, Baraasiil iyo jasiiradaha  Caribbian-ka, si ay qaybo uga hesho dhul uu Burtuqiisku ku beeran jiray sokorta. Iyada oo wax dagaal ah uusan dhicin ayaa Hoolanda waxaa ay la wareegtay qaybo badan oo dhulkaas kamid ah. Ololaha noocaas ah ayaa Ingiriiska iyo Faransiiska wuxuu fursad u siiyay, qaybtii hore ee qarnigii 18-aad, in ay ku xoog roonaadaan bad-waynta Hindiya. 

Qiimaha ay xeebahayagu leeyihiin ka sokow, dowladihii gumaysiga in ay dhulkayaga milicsadaan waxaa kallifayay isha naxariista leh oo ay ku eegayeen  boqortooyadii Xabashida.  Qarniyadii dhexe waxaa Yurub ka jiray aragti diineed oo u xaglinaysay hiillada boqortooyada Xabashida. Waxaa jiray abwaano iyo niman wax qora oo wax badan dadkooda uga sheekeeyay boqortooyadaas, kuwaas oo mar walba ku baaqayay in laga difaaco cadowga ku hareeraysan ee Islaamka ah. Arrimahaas waxaa dhinac socday, tan iyo intii ka dambaysay dagaalkii Axmad Guray, ergooyin boqortooyada Xabashida ay si joogto ah ugu diraysay dowladaha reer Yurub. 

Saadiq  Enow


Casharka VII-aad

 

Qarnigii 17-aad, dagaalladii ay beelaha Hawiye ku jebiyeen boqortooyadii Ajuuraan, waxaa xigay dagaal taariikhda ku xusan oo wax ka beddelay degaankii qayb kamid ah beelahaas. Dagaalkaasi waa midkii reerka Abgaal ay magaalada Xamar kaga kiciyeen qoyskii lagu magacaabi jiray Al-Mansuuri oo muddo dhowr boqol oo sano ah ka talinayay degmada Xamar. Kacdoonka ay Abgaalku xilligaas sameeyeen wuxuu ahaa mid ay kaga cabanayeen maamul xumadii reerkii talada hayay. Sida ku xusan buuga lagu magacaabo First Congress for International Somali Studys, kacdoonkaasi wuxuu dhacay sanadihii ugu horeeyay ee qarnigii 19-aad. Nin la yiraahdo Yacquub Abgaal ayaa hoggaamiye ka haa. Yacquub wuxuu ku guulaystay in uu magaaladii gacanta ku dhigo. Qoyskii reer Al-Mansuuri waxay noqdeen wax carara iyo wax la dilo. Inkasta oo Yacquub uu maamul ka sameeyay Xamar, misana ma raagin oo labo meelood ayaa dhibaato kaga timid. Mid! ! da hore waxay ahayd reerka Gelledi oo xilligaas gacanta ku hayay dhamaan waddooyinka ganacsigu maro ee ka baxa Xamar ayaa ka hor yimid kacdoonkii Yacquub. Sidaa darteed ayay xayiraad ku soo rogeen dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee Xamar ka baxayay, una socday gudaha dalka. Waxaa kale oo jiray damac suldaankii Cumaan Sayid Siciid ka galay in uu Xamar qabsado. Suldaanka waxaa arrintan ku dhaliyay xiisaha uu u qabay in uu xoojiyo ganacsiga uu ku lahaa Afrikada bari. Sanadkii 1824-kii ayaa ciidamadii Cumaan ay badda ka soo weerareen magaaladii Xamar, halkaas oo ay madaafiic la dhaceen magaalada. Dagaalkaas oo magaaladii lagu burburiyay natiijadii uu reebay baa waxay ahayd in degmadii ay hoos timaaddo maamulkii Cumaan, maamulkii Yacquubna halkaas ayuu ku joogsaday.

Qaar kamid ah maamul-dowladeedyadii ka hanaqaaday qaaradda Yurub ayaa xilligaas ku tartamayay sidii ay u ballaarin lahaayeen maamulladooda siyaasadeed iyo kuwooda dhaqaale. Dowladihii Ingiriiska iyo Faransiiska oo safka hore kaga jiray loolankan ayaa ku guulaystay in ay ganacsigoodii gaarsiiyaan dhulka Hindiya iyo bariga fog. Taasina waxay ka dambaysay markii Burtuqiiska laga eryay Cumaan iyo Hindiya oo uu saldhigyo ku yeeshay qarnigii 16-aad iyo kii 17-aad. Cayrinta Burtuqiiska waxaa dowr adag ka cayaaray boqortooyadii Cismaaniyadda oo ay cara gelisay markii uu Burtuqiisku isku dayay in uu gacanta ku dhigo magaalada xurmaysan ee Maka sanadkii 1517-kii, isaga oo ay ujeeddadiisu ahayd in uu kacbada burburiyo. Duulaankaas uu Burtuqiisku soo qaaday waxaa hoggaaminayay Loper Souris, wuxuuna ka koobnaa 40 doonyood, kuwaas oo ciidamada la socday ay dhamaayeen 2000 oo nin. Inkasta oo duulaankii uu gaaray magaalad Jidda, misana fashil ayuu ku dhamaaday oo! ! waxaa caabiyay doonyihii dagaalka ee badda Cas u fadhiyay boqortooyadii xilligaas ka jirtay dalka Masar ee lagu magacaabi jiray Mamaaliik. Maamulkii Cismaaniyiinta ayaa dabadeed ilaalo adag u sameeyay badda Cas iyo degaamada ay ku dhacaan xeebaha waqooyi-galbeed ee bad-waynta Hindiya si ay uga fogeeyaan khatar kasta oo la malayn karo in ay ku timaaddo dhulka xurmaysan ee muslimku leeyahay (Xijaas). Sanadkii 1541-kii ayaa doonyihii Turkigu soo gaareen xeebaha waqooyi ee Soomaaliya, halkaas oo ay ka xirtay doonyihii Burtuqiiska in ay badda Cas u soo gudbaan. Taasi waxay ahayd markii ugu horaysay oo ay Turkidu xiiseeyaan xeebaheena.

Bilowgii qarnigii 19 aad, baddeheenu waxaay yeesheen qiimo muuqda oo ay la daneeyaan xooggagii reer Yurub. Qiimayntan oo ah mid daŽ wayn waxay la curatay taariikhda uu aadamigu ku bilaabay dhaqdhaqaaqyadii isbarasho iyo kuwii wax kala beddelasho. Taasi waxay kalliftay in markasta ay degaanka ku loollamaan dalalka markaas dunida ugu xoogga weyn, welina waa sideedii. Dagaalada waawayn ee aadamiga dhex maray, mid kamid ah kuwoodii ugu horeeyay ayaa wuxuu dhexmaray dadyowgii reer Puntland iyo ciidamadii boqortooyadii Faraaciinta. Dagaalkaas oo ay taariikhdu xustay wuxuu ka dhacay gobolka waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Haddaba dhaqdhaqaaqa ka socday xeebaheena, taariikhda wuxuu ku ahaa mid joogto ah, balse waxaa isbeddelayay tirada, tayada iyo dadka halkaas marayay. Taasina waxay ku xirayd hanaanka nololeed ee uu Eebe ugu tala galay in xilliga uu ahaado mid ummadaha u qaybsan. Sidaa darteed ayaa bilowgii qarnigii 19-aad ay ku soo bateen badaheena socdaalladii maraakiibtii ay lahaayeen Cumaaniyiinta, Ingiriiska iyo Faransiiska. Waxaa xusid mudan, maraakiibta xilligaas socotay in ay ahaayeen kuwo farsamadoodu hoosayso. Arrintaasi waxay sababtay, qaar badan oo maraakiibtaas kamid ah in ay ku degaan xeebaha Soomaaliya gaar ahaan gobollada waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed. Dabadeedna hantidii saarnayd ayaa soo gaari jirtay soomaalidii ku noolayd dhulka xeebaha ah.

Koox Ingiriis ah oo daba taagnayd markab la dhacay dadna lagu laayay ayaa waxay ka soo degeen xeebta magaalada Berbera sanadkii 1925-kii. Kooxdaasi oo uu hor kacayay nin la yiraahdo Berner, waxay ka socdeen dowladdii Ingiriiska. Waxay wadahadallo kula yeesheen magaalada Berbera cuqaashii beesha Habar-Awal. Beeshaasi waxaa u dhashay dhallinyaro loo aanaynayay markab lagu dhacay meel u dhow xeebta degmada Berbera. Markabkaas oo la oran jiray Marianne, waxaa lagu laayay raggii ka shaqaynayay. Arrintaasi waxay dhacday markay taariikhdu ahayd 1825-kii. Heshiiskii Berner iyo raggiisii ay la galeen beesha Habar-Awal wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo ay gumaystayaashu ku soo fara geliyeen noloshii dadkeenii reer miyiga ahaa. Inkasta oo imaatinka Ingiriisku uu ugub ahaa, misana dhacdadu wax lala yaabo kuma ahayn soo-jireenkii nolosha dadkeenii ku noolaa geeska Afrika. Taariikhyahannadii gumaysiga, dhacdada! ! n aad ayay u cayiliyaan iyaga oo u aanaynaya sababaha laynoo gumaystay. Waxaase sababahaas ay si wanaagsan u muuqanayaan markii aad eegto falalka ka dambeeyay heshiisyadii ay ay la dhigteen dadkii ay u yimaadeen. Heshiiskii dhexmaray Berner iyo cuqaashii soomaaliyeed waxaa kamid ahaa sidatan :

" Laga bilaabo hadda, beeshu waxay guddoomisay nabadgelyo iyo saaxiibtinimo dhexmarta boqorka weyn ee ah boqorka Ingiriiska iyo cuqaasha qabaaŽilka Habar -Awal iyo raggooda ….. Ganacsigu waa in uu amaan helaa, markabkii Marianne xoolihiisii la dhacay iyo raggii lagu dilay waa in magdhow laga bixiyaa ". 

Sanadkii 1839-kii, Shiikh Xasan Ibraahim Yabarow iyo jamaacadiisii ayaa waxay bilaabeen olole ay ku faafinayeen culuumta diinta Islaamka. Ololahaas oo ay ka qayb galeen dhamaan xertii shiikha ayaa wuxuu ka soo bilowmay dhulka doyda ah ee daaqa ku wanaagsan ee magaalada Beydhabo ka xiga dhanka koonfureed. Ololahakan ayaa wuxuu ku bilowday in Jamaacadu ay kooxo isu raacaan, dabadeed sidii xertii ay hadba meel reer deggan yahay ka samaystaan degaan. Sida ay taariikhdu xustay, ujeeddada Jamaacadu maahayn in ay reerayowga xoolo iyo dumar waydiistaan balse waxay gudbinayeen risaalad ay ku baahinayeen waajibaadka diiniga ah ee qofka iyo bulshadaba saaran. Ololihii ay Jamaacadu bilowday wuxuu lahaa muuqaal kacdoon-bulshadeed, kaas oo saddexdii sano ee hore guulo waawayn ka soo hoyay howlihii ay isu xil saareen. Kadib waxaa ku bilowday mucaarado xoog badan oo lagu diidan yahay dhaqdhaqaaqa Jamaacada. Mucaaradadaas, oo ka timid dad-waynihii beeralayda u badnaa ee ku noolaa labada web! ! i dhexdooda, ayaa waxay lahayd labo qodob oo ay ku diidanaayeen aragtida Jamaacada. Ninka la yiraahdo Lee V. Cassanette ayaa buugiisa uu ku magacaabay The Banadir Post, wuxuu ku caddeeyay labadaas qodob oo midkiisa hore uu ahaa sabab dhaqaale. Jamaacadu waxay reebi jirtay ganacsiga addoomada iyo xubnaha duur-joogta. Xilligaas ganacsiga degaanka waxaa hor-mood ka ahaa saldanadda reerka Gelledi oo magaalada Xamar kala xiriiri jirtay ganacsigii caalamiga ahaa oo Cumaaniyiintu ay wax ka hoggaaminayeen. Waxaa kale oo suldaanka Gelledi uu ka talinayay waddooyinka isku xira degmooyinka dekadaha leh (Xamar, Marka, Baraawe) iyo dhulka gudaha ah. Dhaqaalihii badnaa oo ka imanayay ganacsiga noocaas ah ayay Jamaacdu xayirtay. Qodobka labaad oo uu Lee V. Cassanette sheegay ayaa wuxuu ahaa, iayada oo ciidamada Shiikhu ay ku badnaayeen dadka dhalashadoodu ahayd beelaha Daaroodka ah. Xilligaasna waxaa degaanka ka! ! muuqday raad xoog badan oo ay reebeen beelihii hayaanka ahaa. Waxaa baahday sheekooyin dicaayad ah oo lagula dirirayay Jamaacada, kuwaas oo tilmaamayay in dadkan qaxaya iyo nimankan xerta ah ay doonayaan in ay dhulka la wareegaan.

Mucaaradadii xoogga weyneed oo ka hor timid darteed ayaa Jamaacadii waxay la qaadatay aragti ay ku magacaabeen Jihaadkii Jamaacada. Shiikhii wuxuu guddoonshay in la weeraro ciddii hor istaagta aragtida Jamaacada. Waxaa halkaas ka bilowday dagaalo dhex mara xertii shiikh Xasan I. Yabarow iyo dadkii degaanka, kuwaas oo saddex sanadood ka dhex socday dhulka u dhexeeya labada webi ee Juba iyo Shabeelle. Dagaaladaas oo markii hore ay Jamaacadu ku gacan saraysay ayaa waxay sababaeen in gacanta Jamaacadu ay soo galaan degmooyinka ay kamidka yihiin Luuq, Diinsoor, Beydhabo iyo Buur-hakabo. Dhanka Juba, jamaacadu ciidan bay u direen. Dadyow ahaa Warday oo halkaas ku noolaa Jamaacadii ayay isu dhiibeen. Koonfur iyo xeebta badweynta Hindiya, ciidamada Jamaacadu waxay ku guuleysteen in ay qabsadaan degmada Baraawe. Dabayaaqadii sanadkii 1943-kii, dagaaladii ayaa waxay gaareen agagaarka degmada Afgooye iyo dhulkii ay ka talinayeen reerka Gelledi. Suldaan Yuusuf Maxamuud oo xilligaas oda! ! y ka ahaa degaanka ayaa dagaalkii soo galay. Waxaa xusid mudan xilliga uu Suldaan Yuususf ka talinayay degaankaas, waxay ahayd xilligii ay boqortooyadq Gelledi ugu xoog badnayd. Suldaan Yuususf isaga oo ku jeeda dagaal rogaal celis ah oo uu ku qaadayo Jamaacadii Shiikh Ibraahim Xasan I. Yabarow ayuu magaaladii Afgooye wuxuu kala soo baxay ciidan gaaraya 40.000 oo nin. Suldaanku wuxuu ku guuleystay in ciidankii Jamaacada uu ka saaro degmooyinkii waaweynaa oo ay qabsadeen. Dabadeedna waxay hareereeyeen degmada Baardheere oo ahayd xaruntii Jamaacada. Dhowr maalmood bay qaadatay in ciidankii Suldaan Yuusuf ay qabsadaan Baardheere. Taariikhdu waxay warisay in magaaladii iyo wixii yiilba la gubay. Dadkii degganaa waxay noqdeen wax baxsada iyo wax la laayo. Halkaas baana lagu dilay shiikhii Jamaacada. Dilkii shiikh Xasan I. Yabarow ayaa dhaqdhaqaaqii Jamaacadana ku af-jarmay.

Saadiq Enow


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:15 AM. Webmaster HomePage