Shirka
Nairobi iyo Puntland
Ka Qayb-galkiisa vs Hab-socodkiisa iyo Mirihiisa
Waxaa
qoray: Tifaftiraha
Inkastoo
reer Puntland sannadihii ugu danbeeyey ay siyaasiyiin,
Isimmo, iyo shacabba la yimaadeen ged hor-leh, lana moodo
in uu isaga dhex-yaacay xudduudkii iyo dowrarkii ay
kala-lahaan-jireen, taasoo keentay in Puntland ay haddadan
ku jidho xaalad colaadeed oo gabaabsi sii ah, xakameeynna
qarka u saaran, misana haddii si guud loo eego, waa dhab
in waxyaabaha ugu waaweeyn ee ka maqan reer Puntland ay ka
mid tahay dawlad qaran oo ay ku mideeysan yihiin dhamaan
goballada iyo beelaha Soomaaliyeed, maaddaama ayan gaarin
mowqifka Somaliland oo kale ee gooni isu-taagga.
Mar
haddii ay dadka reer Puntland ku qanacsanyihiin sii
jiritaanka midnimada Soomaaliyeed iyo muqaddas ka
yeellideeda, waa natiijo la fahmi karo in ay reer Puntland
maamul iyo shacabba ay ku gowracanyihiin in ay
baadi-goobaan, geed iyo ceel walbana u joogsadaan sidii ay
qaybaha kale ee Soomaaliya, qarankuna ka dhexeeyo ay ula
gaari lahaayeen xal caaddil ah oo ayan ku damceeyn xuquuq
ummad kale, isla markaana ayan uga tagaynin mid ay iyagu
leeyihiin.
Inkastoo xaal sidaa yahay ayaa haddana waxaa far ku fiiqid
mudan arimo dhowr jeer oo hore isaga gedmaday (qasmay)
dadka reer Puntland, kuna kalliftay wax badan oo ay ugu
waaweeynaayeen dhiig daata, xasilloonida oo lunta iyo
waliba midnimada dadka reer Puntland oo gor-gortan gasha.
Waxa jira farqi wayn oo u dhexeeya baadi-goobka nabadda
iyo ka qayb-galka shirarka dib-u-heshiisiineed ee
Soomaalida loo qabto oo dhinac ah, iyo aqbalaadda
ajendayaasha, hab-socodka shirarka iyo qaadashada
natiijooyinka soo baxa oo dhinaca kale ah.
Shaki kuma jiro in labada arin kan hore uu yahay dareen
guud oo la wada wadaago laguna wada khasban yahay
siyaasiyiin, Isimo iyo shacab guud-ba. Haseyeeshee, kan
danbe waa xaalad in si caadifadi ku jidho loo qaataa ay
keeni karto in taariikh ummaddeed ay si sahlan ku lunto,
taasoo lagu sigtay (amaba wali khatarteedii ay reer
Puntland dhex-dabaalanayaan) laba sano ka hor shirkii
Carta.
Marka wax laga soo qaado duruufaha qabaliga ah ee uu dalku
marayo; kuwa siyaasadeed ee salka ku haya isla duruufaha
qabaliga ah; qorshayaashii Carta iyo sidii ay hab beeleed
Soomaalida ugu kala qaybisay afar beelood iyo bar; sidii
dadkii hugun raaca ahaa ee la isugu bihin-bihiyay
Soomaalinimada ama dhuuni raaca ahaa ee u dhashay reer
Puntland ay maanta sagxad cidlla ah u taagan yihiin kadib
markii ay intii karaankood ah tii u dhisnayd u
bur-buriyeen mid ayan hadda waxba ka hayn; iyo waliba
damaca reer Somaliland ee goosashada, iyo sida uu ugu
xiran yahay in ay Koonfurtu sii qasnaato iyaga oo rumaysan
in xaalladdaasi soo dhawayn karto in ay aqoonsi caalami ah
helaan.
Damacooda
kale ee ku aaddan in haddii xaal ugu dhamaado nidaam
federaal oo ay la galaan Soomaaliya ay ku xiran tahay in
loo oggolaado xudduudkii gumaystaha, macneheeduna yahay in
Sool iyo Sanaag ay Somaliland ka tirsanaadaan. Iyo ayagoo
waliba damacsan inay labadaas gobol oo aysan ka talin,
marnana aysan ka talin jirin ay garabka iska saartaan,
ayagoo ku andacoonaya kaliya inay xudduuddu mar ahaan
jirtay xudduuddi gumaystaha!
isku soo duuboo, marka wax laga soo qaado in uu jiro damac
guud oo ah in wixii qori caaraddii lagu waayay la isaga
helo boor isku qarin, waddaninimo iyo miis korkiis, ayaa
waxaa si wayn loo dareemi karaa inta ay le'egtahay baahida
loo qabo khubaro ku xeel-dheer faaqidaada, qiimaynta iyo
fahamka dabeeysha siyaasadeed ee Soomaaliya, sida weeynna
ugu lugta leh karaahiyada qabiilka.
Hadaba waxaa lagama-maarmaan ah in uu maamulku asagoo
khaashanaya muwaadiniinta uu u diyaargaroobo bilowgii
kala-qoqobiddii labaad ee Puntland, shirka Nayroobi ka-hor
iyo bilowgiisa kaddibba.
Maamulka
iyo shacabka reer Puntland oo dhan waa inay bilaabaan
wacyigalinta shacabkooda iyo damaacaadka cadowga. Waa inay
u diyaar garoobaan, wiil iyo waayeelba, Issim iyo
aqoonyahanba, inay taageeraan maamulkooda, diyaarsadaan
daaraasaadkooda, shirarkooda iyo macluumaad walba oo
mideeya.
Maamulku
waa inuu gacan wayn ka gaystaa wacyigalinta ummadda, si ay
u-sahlanaato kaqayb-galka shirarka dib-u-heshiisiinta;
Puntlandina uga qayb-gasho ayadoo midaysan, mid yar iyo
mid waynba, mu-ayid iyo mucaardba.
Inkasta oo maamulka Puntland loogu kalsooni qabo in uu si
wayn ula socodo xaalka jira, xaqiijiyayna in ay
Carta iyo wixii aaday ama u carrab laad-laadshay-ba ay
khaldanaayeen, ayaa haddana waxa lagama-maarmaan ah in
isaga oo ka faa'idaysanaya khaladaadkiisii kal hore uu
xoogga saaro wacyigalinta ummadda uu matalo si joogta ahna
uga wargaliyo halka uu mar walba xaal marayo, si ayan ugu
nixin qorshayaasha kadiska ee lala-damacasanyahay iyo
qaadacaad kadis ah oo ayan macneheeda fahmi karin. Sidoo
kale saxaafadda ayaa xil wayni ka saaran yahay in ay
xiriiriso maamulka iyo shacabka oo dhan ah, iyo
aqoonyahanka ummadda iyo shacabka oo dhanka kale ah.
Tallaabadaasi
waxa ay yareeyn doontaa in dad cadaw ah ay ka dhex
faa'idaystaan kala qo-qobnaanta qaybaha kala duwan ee
bulshada, taasoo keeni doonta in maamulku si kalsooni ka
buuxdo uu go'aanno isaga gaaro, shacbkuna go'aamadaas
fahmaan markii ay wixii ay bi'in lahaayeen bi'iyeen xeero
iyo fandhaalna kala dheceen.