- [SW Country] KHUDBADA
MADAXWEYNAHA D.G.PUTNLAND EE KU AADAN DIB U DHISKA XUKUUMADDA IYO
DIB U SOO NOOLAYNTA XASILOONIDDA DALKA :Posted on 16
Sept 2002
DAWLADDA
PUNTLAND
PUNTLAND STATE OF
EE SOOMAALIYA
SOMALIA
XAFIISKA
MADAXWEYNAHA
OFFICE OF THE PRESIDENT
_____________________________________________________________________
Ref: XM/DPS/659/2002
Boosaaso, September 01, 2002
KHUDBADA MADAXWEYNAHA D.G.PUTNLAND EE KU AADAN DIB U DHISKA XUKUUMADDA
IYO DIB U SOO NOOLAYNTA XASILOONIDDA DALKA
Madaxweyne
Ku Xigeenka, Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda, Goleyaasha D.G.PL,
Isimmada, Hawl-wadeenada, Saraakiisha Ciidamada, Marti Sharafta,
Mudane
Yaal iyo Marwooyin,
Waxaan
idinku salaamayaa Magaca Ilaaheen iyo kan dadweynaha.
Walaalayaal
Ummad walba waxaa soo food saarta waayo adag iyo dhibaatooyin haday
yihiin kuwo rabaani ah iyo Ummada dad ka mid ah haday abuuraan
qalalaase iyo bur bur aan loo baahnayn.
Ummada
dhibatooyinkaasi ku dhacaan waxaa mustaqbalka lagu qiimeeyaa hadba
sida ay ugu hawl-galaan una xaliyaan mushkilooyinkaas.
Haddaba,
mudo sanad ah oo haatan la soo dhaafay waxaa Puntland la soo
gudboonaaday khataro waaweyn oo dhaawacay midnimadii iyo xasiloonidii
dalka, dhibaatooyinkaas oo kala ahaa kuwo rabaani ah sida Abaaraha iyo
Xiisadaha Siyaasadeed ee ay inagu abuureen cadawgeena shisheeye iyaga
oo adeegsanaya khaaimiin iyo laaluush qaatayaal reer Puntland ah oo ku
mabay khiyaamada aayaha ehelkooda taas oo socotay mudo dheer.
Markay
sidaasi dhacday Goleyaasha D.G.PL, iyagoo ilaalinaya dareenka
dadweynaha sharafta mudan ayay si khalad ah tixgelin u siiyeen,
dabacsanaan ay u muujiyeen Cadawgii sokeeyaha ahaa taas oo ayaan daro
loola jeeday in laga fogaado dabinada Cadawga shisheeyuhu noo dhigayo
waxaanuna geed walba u fuulay sidii aanu isu fahmi lahay dadweynihii
la khalday.
Waxaanu
samir, dulqaad, iyo tixgelin siinay shucuurta dadweynaha xalaasha ah
ee la khalday, Isimmadeenii sharafta badnaa oo sida laab la kaca ah
siyaasada doqon magaratada ah loo geliyey.
Waxaa
Ummada dhexdeeda lagu fidiyey fidmo ay wadaan kuwo budhcad ah oo
khatar galiyey naftii iyo hantidii dadweynaha Reer Puntland.
Waxaa
xabsiyada lagala baxay danbiile yaal ay ka mid yihiin gacan ku
dhiigleyaal ku faraxashay dhiigii walaalahood.
Waxaa
la jaray oo dadweynihii iyo Gaadiidkoodiiba loo fadhiistay wadooyinka
Gobolada oo dhan isku xira ee ay nolosha shacabku ku xiran tahay.
Waxaa
kale oo la kala jaray Goboladii Puntland ee Isir Wadaaga ahaa ee ku
midoobay D.G.Puntland, iyadoo lagu tumanayo Dastuurka D.G.Puntland.
Waxaa
la qabtay shir aan loo dhamayn halkaas oo laga soo saaray nin lagu
sheegay Madaxweyne oo codkii dadkii xag jirka ahaa ee halkaa isugu
yimid iyo kuwii danaysteyaasha ahaa lagu gatay codkii Ergooyinka
iyagoo isa soo magacaabay aan kana haysan wakaalad dadweynihii ay ku
yimaadeen.
Markii
Arrimahaasi dhacayeen
waxaa si rasmi ah u jaray Axdigii Puntland Goleyaashii dadweynahooda
doortay.
Markay sidaasi dhacday
Goleyaasha D.G.Puntland waxay Go’aansadeen in la badbaadiyo
midnimada iyo jiritaanka Puntland.
Kadib
markii ciidamadu bilaabeen hawl-galada 21 November 2001, waxaa
maamulkii dib loogu soo celiyey Magaalada Garoowe oo ah Caasimada
D.G.Puntland.
Waxaa
marlabaad laysku dayey in buuqii siyaasadeed ee jiray lagu xaliyo
Siyaasad ama wadahadalo siyaasadeed iyo nabadgelyo, waxaase
dadaalkayagii noqday mid aan dadkii xumaanta iyo bur burka waday marna
dheg u dhigin, arrintaas oo socotay mudo shan bilood ah.
Waxaa
cadawgii isku dayey in uu ka faaiidaysto dulqaadkayagii aanu ula
jeednay in la ilaaliyo wadaninimada iyo nafta dadkeena wada dhashay,
balse cadawgii wuxuu go’aansaday in uu duulaan soo qaado oo dib u
qabsado Caasimada dalka, markaas ayaanu si rasmi ah ugu talaabsanay
soo celinta buuxda ee midnimada iyo badbaadinta Puntland, taas oo aanu
ku guulaysanay iyada oo aan khasaare badani dhicin.
Waxaanu
midaynay dhamaan Gobolada Puntland, haddaba, waxaanu ku jirnaa
dhamaystirka Guulahaas wax ku oolka ah ee la gaaray.
Dadka
iyagu miyiga galay oo wali ka shaqaynaya qalalaase aan loo baahnayn
waxaanu kula talinaynaa in ay hubka iska dhigaan nabadana wax ka
qaataan.
Haday
sidaas yeelaan oo ay ka waantoobaan shidooyinka waxa loola diyaar
yahay in la cafiyo iyo in haday xuquuqi ka maqantahay la siiyo iyada
oo aan marnaba cadaawad iyo xumaan loo hayn.
Walaalayaal
sidaan horeba kor ugu xusay waxaa xaqiiqo ah in uu dulqaad kayagii
badnaa dhaliyey dhibaatooyin dib u dhac ah inkastoo ula jeedadayadu
ahayd in aanu xushmayno ra’yigii dadweynihii la khalday anagoo ula
jeednay in ay dadkii khaladkii la galiyey taabtaan gartaana dantu
waxay tahay.
Dadweynihii
markay runta ogaadeen dareemeena dhibaatadii bur burka khaaimiintii
sicad ayay ugu horyimaadeen waxayna garab iyo gaashaan siiyeen
ra’yigii dib u soocelinta ama dib u soo noolaynta iyo xasiloonida
dalka waanan uga mahad celinaynaa.
Walaalayaal
mar hadaynu u hawl-galay badbaadada dalkeena, waxaa loo baahan yahay
in aynu xooga saarno arrimaha harsan ee ah dhanka siyaasada midaynta
dadweynihii ay wax kala galeen iyo wacyi galinta shacabka.
Waxaynu
nasiib wanaag maanta oo ay bishu tahay September 1dii
xafladaan ku rasmiyeynaynaa dib u dhiska Xukuumada Puntland, ee iminka
halkan lagu dhaarinayo.
Haddaba,
Dawladaani waxay ka dhalatay Guulihii ay dhaliyeen Ciidamadii xaqa si
geesinimo ah ugu dagaalamayey dib u soo noolaynta Puntland waxaanay
inka mudan yihiin in aan u mahad celino una abaal gudno, waxaa kale oo
aan u tacsiyeynaynaa eheladii geesiyiintii naftoodii ku wayday difaaca
dalkooda, waxaan kaloo marxuumiinta ugu ducaynayaa in Ilaahay janadii
naxariis siiyo, kuwa dhaawacmayna caafimaadbaan u rajaynaynaa.
Dadweynaha
Puntland waxaan ka codsanaynaa in ay kuli-yoom diyaar u ahaadaan
ilaalinta danaha ummadooda waana in la ogaadaa in ay kuli-yoom
jiridoonaan dhagaro nooc walba ah ee nagaga iman doona cadawgeena
debbedda iyo gudahaba waxaa kale oo aan idin xusuusinayaa dhibaatada
haysata eheladeena ku nool Juba-land ee gardarada sharcidarada ah lagu
hayo.
Danaha
iyo xoriyada walaalaheena juba-land waa in aynaan marna ilaawin waana
in aan wax walba u hurnaa sida ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryada
Guumaysiga.
Walaalayaal
waxaa dhawaan inaku soo aadan shirweyne qaran ee la doonayo in lagu
dhiso Dawlada dhexe ee Soomaaliyeed.
Istaraatijiyada
kaliya aynu aamin sanahay
shirkana la tagi doono waana nidaamka federaaliga ah kaasoo lagu
midaynayo dadweynaha Soomaaliyeed laguna kala badbaadinayo.
Sidaas daraadeed, waa in
aynu Dawlad Goboleedka Puntland oo noqondoonta mid ka tirsan
Jamhuuriyada federaaliga ah ee Soomaaliya dhidibada u aasnaa isla
markaasna hormood ka noqonaa dhismo Dawlad qaran oo Federal ah,
midaysana Jamhuuriyadii Soomaaliya oo idil markaa ka dibna waa in loo
hawl galaa siday Soomaaliya uga soo kaban lahayd bur burkii 12ka sano
socday.
Ugu
danbayntii waxaan idin xasuusinayaa in muwaadin kasta oo reer Puntland
ah ay waajib ku tahay in aynu ilaa shanaa kuna mitidnaa Guulahaas inoo
soo hoyday, inagoo aasaaska u dhigaynay mustaqbalka u badkeena iyo
ubadkooda..
Puntland
Hanoolaato?
Soomaaliya
Ha Midawdo?
Xasarada
iyo Jaha-wareerku ha dhamaado?
Walaalayaal waad salaaman tihiin.
Wabilaahi
Tawfiiq
[Country] |