19 May 2007 04:27

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] KHUDBADA MADAXWEYNAHA D.G.PUTNLAND EE KU AADAN DIB U DHISKA XUKUUMADDA IYO DIB U SOO NOOLAYNTA XASILOONIDDA DALKA   :Posted on 16 Sept 2002

 

DAWLADDA PUNTLAND                                      PUNTLAND STATE OF

EE SOOMAALIYA                                   SOMALIA

XAFIISKA MADAXWEYNAHA                             OFFICE OF THE PRESIDENT

_____________________________________________________________________

Ref: XM/DPS/659/2002                             Boosaaso, September 01, 2002

 

KHUDBADA MADAXWEYNAHA D.G.PUTNLAND EE KU AADAN DIB U DHISKA XUKUUMADDA IYO DIB U SOO NOOLAYNTA XASILOONIDDA DALKA

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim 

Madaxweyne Ku Xigeenka, Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda, Goleyaasha D.G.PL, Isimmada, Hawl-wadeenada, Saraakiisha Ciidamada, Marti Sharafta,

 

Mudane Yaal iyo Marwooyin, 

Waxaan idinku salaamayaa Magaca Ilaaheen iyo kan dadweynaha. 

Walaalayaal Ummad walba waxaa soo food saarta waayo adag iyo dhibaatooyin haday yihiin kuwo rabaani ah iyo Ummada dad ka mid ah haday abuuraan qalalaase iyo bur bur aan loo baahnayn. 

Ummada dhibatooyinkaasi ku dhacaan waxaa mustaqbalka lagu qiimeeyaa hadba sida ay ugu hawl-galaan una xaliyaan mushkilooyinkaas. 

Haddaba, mudo sanad ah oo haatan la soo dhaafay waxaa Puntland la soo gudboonaaday khataro waaweyn oo dhaawacay midnimadii iyo xasiloonidii dalka, dhibaatooyinkaas oo kala ahaa kuwo rabaani ah sida Abaaraha iyo Xiisadaha Siyaasadeed ee ay inagu abuureen cadawgeena shisheeye iyaga oo adeegsanaya khaaimiin iyo laaluush qaatayaal reer Puntland ah oo ku mabay khiyaamada aayaha ehelkooda taas oo socotay mudo dheer. 

Markay sidaasi dhacday Goleyaasha D.G.PL, iyagoo ilaalinaya dareenka dadweynaha sharafta mudan ayay si khalad ah tixgelin u siiyeen, dabacsanaan ay u muujiyeen Cadawgii sokeeyaha ahaa taas oo ayaan daro loola jeeday in laga fogaado dabinada Cadawga shisheeyuhu noo dhigayo waxaanuna geed walba u fuulay sidii aanu isu fahmi lahay dadweynihii la khalday. 

Waxaanu samir, dulqaad, iyo tixgelin siinay shucuurta dadweynaha xalaasha ah ee la khalday, Isimmadeenii sharafta badnaa oo sida laab la kaca ah siyaasada doqon magaratada ah loo geliyey. 

Waxaa Ummada dhexdeeda lagu fidiyey fidmo ay wadaan kuwo budhcad ah oo khatar galiyey naftii iyo hantidii dadweynaha Reer Puntland. 

Waxaa xabsiyada lagala baxay danbiile yaal ay ka mid yihiin gacan ku dhiigleyaal ku faraxashay dhiigii walaalahood. 

Waxaa la jaray oo dadweynihii iyo Gaadiidkoodiiba loo fadhiistay wadooyinka Gobolada oo dhan isku xira ee ay nolosha shacabku ku xiran tahay. 

Waxaa kale oo la kala jaray Goboladii Puntland ee Isir Wadaaga ahaa ee ku midoobay D.G.Puntland, iyadoo lagu tumanayo Dastuurka D.G.Puntland. 

Waxaa la qabtay shir aan loo dhamayn halkaas oo laga soo saaray nin lagu sheegay Madaxweyne oo codkii dadkii xag jirka ahaa ee halkaa isugu yimid iyo kuwii danaysteyaasha ahaa lagu gatay codkii Ergooyinka iyagoo isa soo magacaabay aan kana haysan wakaalad dadweynihii ay ku yimaadeen. 

Markii Arrimahaasi  dhacayeen waxaa si rasmi ah u jaray Axdigii Puntland Goleyaashii dadweynahooda doortay. 

Markay sidaasi dhacday Goleyaasha D.G.Puntland waxay Go’aansadeen in la badbaadiyo midnimada iyo jiritaanka Puntland. 

Kadib markii ciidamadu bilaabeen hawl-galada 21 November 2001, waxaa maamulkii dib loogu soo celiyey Magaalada Garoowe oo ah Caasimada D.G.Puntland. 

Waxaa marlabaad laysku dayey in buuqii siyaasadeed ee jiray lagu xaliyo Siyaasad ama wadahadalo siyaasadeed iyo nabadgelyo, waxaase dadaalkayagii noqday mid aan dadkii xumaanta iyo bur burka waday marna dheg u dhigin, arrintaas oo socotay mudo shan bilood ah. 

Waxaa cadawgii isku dayey in uu ka faaiidaysto dulqaadkayagii aanu ula jeednay in la ilaaliyo wadaninimada iyo nafta dadkeena wada dhashay, balse cadawgii wuxuu go’aansaday in uu duulaan soo qaado oo dib u qabsado Caasimada dalka, markaas ayaanu si rasmi ah ugu talaabsanay soo celinta buuxda ee midnimada iyo badbaadinta Puntland, taas oo aanu ku guulaysanay iyada oo aan khasaare badani dhicin. 

Waxaanu midaynay dhamaan Gobolada Puntland, haddaba, waxaanu ku jirnaa dhamaystirka Guulahaas wax ku oolka ah ee la gaaray. 

Dadka iyagu miyiga galay oo wali ka shaqaynaya qalalaase aan loo baahnayn waxaanu kula talinaynaa in ay hubka iska dhigaan nabadana wax ka qaataan. 

Haday sidaas yeelaan oo ay ka waantoobaan shidooyinka waxa loola diyaar yahay in la cafiyo iyo in haday xuquuqi ka maqantahay la siiyo iyada oo aan marnaba cadaawad iyo xumaan loo hayn.  

Walaalayaal sidaan horeba kor ugu xusay waxaa xaqiiqo ah in uu dulqaad kayagii badnaa dhaliyey dhibaatooyin dib u dhac ah inkastoo ula jeedadayadu ahayd in aanu xushmayno ra’yigii dadweynihii la khalday anagoo ula jeednay in ay dadkii khaladkii la galiyey taabtaan gartaana dantu waxay tahay. 

Dadweynihii markay runta ogaadeen dareemeena dhibaatadii bur burka khaaimiintii sicad ayay ugu horyimaadeen waxayna garab iyo gaashaan siiyeen ra’yigii dib u soocelinta ama dib u soo noolaynta iyo xasiloonida dalka waanan uga mahad celinaynaa.

 

Walaalayaal mar hadaynu u hawl-galay badbaadada dalkeena, waxaa loo baahan yahay in aynu xooga saarno arrimaha harsan ee ah dhanka siyaasada midaynta dadweynihii ay wax kala galeen iyo wacyi galinta shacabka. 

Waxaynu nasiib wanaag maanta oo ay bishu tahay September 1dii xafladaan ku rasmiyeynaynaa dib u dhiska Xukuumada Puntland, ee iminka halkan lagu dhaarinayo. 

Haddaba, Dawladaani waxay ka dhalatay Guulihii ay dhaliyeen Ciidamadii xaqa si geesinimo ah ugu dagaalamayey dib u soo noolaynta Puntland waxaanay inka mudan yihiin in aan u mahad celino una abaal gudno, waxaa kale oo aan u tacsiyeynaynaa eheladii geesiyiintii naftoodii ku wayday difaaca dalkooda, waxaan kaloo marxuumiinta ugu ducaynayaa in Ilaahay janadii naxariis siiyo, kuwa dhaawacmayna caafimaadbaan u rajaynaynaa. 

Dadweynaha Puntland waxaan ka codsanaynaa in ay kuli-yoom diyaar u ahaadaan ilaalinta danaha ummadooda waana in la ogaadaa in ay kuli-yoom jiridoonaan dhagaro nooc walba ah ee nagaga iman doona cadawgeena debbedda iyo gudahaba waxaa kale oo aan idin xusuusinayaa dhibaatada haysata eheladeena ku nool Juba-land ee gardarada sharcidarada ah lagu hayo. 

Danaha iyo xoriyada walaalaheena juba-land waa in aynaan marna ilaawin waana in aan wax walba u hurnaa sida ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryada Guumaysiga. 

Walaalayaal waxaa dhawaan inaku soo aadan shirweyne qaran ee la doonayo in lagu dhiso Dawlada dhexe ee Soomaaliyeed. 

Istaraatijiyada kaliya  aynu aamin sanahay shirkana la tagi doono waana nidaamka federaaliga ah kaasoo lagu midaynayo dadweynaha Soomaaliyeed laguna kala badbaadinayo. 

Sidaas daraadeed, waa in aynu Dawlad Goboleedka Puntland oo noqondoonta mid ka tirsan Jamhuuriyada federaaliga ah ee Soomaaliya dhidibada u aasnaa isla markaasna hormood ka noqonaa dhismo Dawlad qaran oo Federal ah, midaysana Jamhuuriyadii Soomaaliya oo idil markaa ka dibna waa in loo hawl galaa siday Soomaaliya uga soo kaban lahayd bur burkii 12ka sano socday. 

Ugu danbayntii waxaan idin xasuusinayaa in muwaadin kasta oo reer Puntland ah ay waajib ku tahay in aynu ilaa shanaa kuna mitidnaa Guulahaas inoo soo hoyday, inagoo aasaaska u dhigaynay mustaqbalka u badkeena iyo ubadkooda..

 

Puntland Hanoolaato?

Soomaaliya Ha Midawdo?

Xasarada iyo Jaha-wareerku ha dhamaado?

 

Walaalayaal waad salaaman tihiin.

 

           

Wabilaahi Tawfiiq

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:15 AM. Webmaster HomePage