19 May 2007 04:28

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] (Saadiq Enow" ) GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY- Casharka X, XI  iyo XII-aad   : Posted on 12 Oct 2002. 

GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY- Casharka XII 

-"Saadiq Enow"

 
 

Xilligii iswaydaarkii labada qarni ee 18-aad iyo 19-aad, ilaa iyo bartamihii qarnigii 19-aad, dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo kii ciidameed oo ay dowladaha shisheeye ka wadeen xeebaha badaha iyo xuduudda dhulka engegan ee Soomaaliya, ma noqon mid gayaysiiya in ay ina gumeeyaan. Inkasta oo ujeeddada dhaqdhaqaaqu uu ahaa damac gumaysi-doon, misana waxaa hor taagnaa jahliga ay kaga sugnaayeen nolosha gudaha ah ee Soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd.

Ma jiraan qoraalo cayilan oo si faahfaahsan inoogu sawira noloshii siyaasadeed oo ay lahaayeen dadkayagii Soomaaliyeed ee xilligaas noolaa. Waxaase jira sheekooyin dhaxal-gal ah oo ay wariyeen daŽwaynta Soomaaliyeed, kuwaas oo buuxinaya qoraalada wax ka tilmaamaya xaaladihii ay dadkayagu ku sugnaayeen wakhtigaas.

Xilligaas, dalka Soomaaliya gudihiisa, waxaa ka hana-qaaday maamul beeleedyo ay reer miyigayagii la kufaa-kacayeen si ay ugu gaaraan mudasho dowlad-goboleed ama mid qaran. Waxaa maamuladaas laga xusi karaa :

1. Maamulkii Garaad Xirsi oo ku magac dheeraa Wiil-waal (Bartire).

2. Maamulkii Imaamadii Abgaal, sida Cismaankii II-aad, Maxamadkii II-aad iyo Axmadkii III-aad.

3. Suldaan Xirsi Amaan (Habar-Yoonis).

4. Suldaanadii Gelledi, sida suldaan Maxamud, suldaan Yuusuf, iyo suldaan Axmad.

5. Boqorkii Majeerteen Maxamuud Yuusuf (Maxamuudkii IV-aad) oo ku magac dheeraa Maxamuud Xawaadane.

Inkasta oo bulshooyin kuwaas lamid ah, oo isu habeeyay qaab beeleed, ay xilligaas dacallada Soomaaliya ka muuqdeen, misana labo beelood oo qura ayaa ku guulaystay in ay xiriir la yeeshaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga caalamiga ahaa ee xilligaas jiray. Beelahaasi waxay ahaayeen beesha Gelledi oo iyagu xiriirkoodu uu sii marayay maamulkii Xamar ka dhisnaa iyo beelaha Majeerteen oo iyagu si toos ah ula xiriiri jiray xarumihii ganacsiga caalamiga.

Haddaanu wax ka xusno labadaas maamul, waxaa jira in Suldaan Axmad Yuusuf (1848-1878) uu ahaa suldaankii ugu dambeeyay xilliyadii wacnaa oo ay taariikhda ku yeelatay boqortooyadii Gelledi. Suldaanku wuxuu ku dhintay kacdoon ay Biyamaalku kaga cabanayeen cadaadiskii siyaasadeed ee maamulkii suldaanku uu ku hayay bulshadii degaanka. Dagaalkaas lagu dilay suldaanka wuxuu ka dhacay meel la yiraahdo Aw-Shaafac oo ku dhow degmada Marka, sanadkii 1847-kii. Suldaan Axmad wuxuu xiriir siyaasadeed iyo mid ganacsiba la lahaa suldaankii Sensibaar oo markaas ka talinayay Xamar. Xiriirkaas oo uu ku helay kaalmo dhaqaale iyo mid ciidan ayaa sababay xasilloonidii maamulkii aabihiis iyo kii awoowihiis. Waxaa kale oo jiray ciidamo reer Sensibaar ah oo ku sugnaa degmooyinka Xamar iyo Marka, kuwaas oo dhinacooda ka cadaadin jiray dadka Soomaalida ah. Heesaha dhaqan galay ee inoo muujinaya cadaadiskaas siyaasadeed ! ! waxaa kamid ah tixdan ay Biyamaalku tiriyeen xilligaas :

Inta askar, inta Axmad

Allow Ilaahoow

Intee aadsaheynaa.

Waxaa kale oo ay taariikhdu reebtay, markii Suldaan Axmad la dilay dabadeed, sheeko dhex martay gabar uu suldaanku dhalay iyo nin Biyamaal ah. Gabadha suldaanku dhalay ayaa magaalada Marka waxay ku aragtay nin Biyamaal ah, markaas baa iyada oo aabaheed waydiinaysa, ayay hees waxay ku tiri :

Shucbaale aan kuu gadaa aad shuun ku xiiratee

Shaqo aan kuu xiraa aad ku shoobtidee

Shood bun aan kuu tumaa aad sharuursatee

Aabow Shooblahayga ma ii sheegi kartaa.

Ninkii Biyamaal, isaga oo gabadhii u jawaabaya ayuu wuxuu yiri :

Shucbaalahaaga ad shuun ku xiiro

Shuqadaada adlee ku shoob

Shantaada bun adlee sharuurso

Aabow shooblahaaga an kuu sheego

Aw-shaafac aa shufta looga gooyey

Humbow waraabaa hambuuqahaayay

Haad boorraa hirrigey ku haayay

Hablahaynaa har-haraatihaayay

Hirka maanyaa hab-dhabow ku haayay.

Boqortooyada waqooyi-bari ayaa markii ay beelihii Harti degaan ku kala keceen waxay ku hartay beelaha Majeerteen, waxayna kaga duwanayd tan Gelledi, iyada oo ahayd mid gun ah oo salka ku haysa degaan xiriir daŽwayn la lahaa ilbaxnimooyinkii ka abuurmay dunida cirifyadeeda, sida Afrika, Hindiya, Shiino, Beershiya, Babilyon, iyo kuwii Carabta sida Yemen, Suuriya iyo Masar (Peter A. Clayton 1997. pp. 1-120). Haddaanu dib u milicsano xiriiradaas, waxaanu helaynaa raad xoog badan oo ilbaxnimooyinkaasi ay ku reebeen degaanka. Magacyadii degaanka loo yiqiin waxaa kamid ah dhulkii ganacsiga, dhulkii udgoonka, dhulkii hodantinimada, dhulkii caanaha iyo malabka. Masaaridii hore ayaa iyaguna degaankaas u yiqiin dhulkii Eebe ee barakaysnaa (Ibid. pp. 106 - 7).

Majeerteenku, waxay dhaxleen boqortooyadii Harti ee qarniyadii dhexe ku guulaysatey dhismo maamul talo-wadaag ah, hanaankiisa siyaasadeedna ay urursanayd, kaas oo lahaa xeer iyo kala danbayn. Boqortooyadan oo ay hoggaaminayeen oday-dhaqameedyo ayaa waxaa ku bahoobay beelo isir-wadaag ah. Shareecadda diinta Islaamka ayaa u xeer ahayd, boqorka iyo xaashaadiisuna (ag-joogayaashiisu) waxay matalayeen muŽasasadda ugu saraysay ee dowladda. Nadaamkoodu wuxuu ahaa nadaamka dowlad-ummadeed Nation - State, taas oo beel kasta iyo xubnaheedu ay dhankooda ka xoojinayeen danaha guud. Boqorku wuxuu lahaa la-taliyayaal ka yimid beelaha kala duwan iyo duqay la yiraahdo Gar-cas, kuwaas oo ka xaajooda arrimaha la soo dersa noloshooda. Magaca Gar-cas wuxuu ka taagan yahay garka oo xinni lagu caseeyo.

Kasokow nadaamka dhaqaale ee sakada (iyo sadaqada) oo ahaa hanaan ay la wadaageen dadyowga islaamka ah, gaar ahaan Soomaalida xoolo-dhaqatada ah, ayaa waxaa u dheeraa xoolo laga soo ururin jiray beelaha xilliga brwaaqadu jidho oo lagu magacaabi jiray Sedo ama Ammaan. Xoolahaasi waxay ahaayeen waxa ugu fudud oo xoolo-dhaqatadu ay xilliga barwaaqada ah ku taageeraan dowladda. Waxaana kamid ahaa hargaha xoolaha iyo subaga. Xoolahaasi inta la ururiyo ayaa la dhoofin jiray, markaasaa lagu soo beddelan jiray waxyaabaha ay boqortooyadu uga baahan tahay dibadda.

Boqor Maxamuud Yuusuf (Maxamuud-kii IV-aad) oo ku magac dheeraa Maxamuud Xawaadane, oo xilligii maamulkiisu uu ku beegan yahay 1796 - 1815, ayaa wuxuu guulo ka muujiyay hanaankii dhaqan-dhaqaale ee boqortooyada. Taasina waxaa sababay xiriirkii ganacsiga caalamiga ahaa oo boqortooyadu ay toos ula fal-gashay. Dalalka ay xiriirka la lahayd oo doonyaha boqortooyada sida tooska ah uga ganacsan jireen waxaa kamid ahaa Xijaas (Jidda), Yaman (Cadan), Cumaan (Masqad), Ciraaq (Basra), Hindiya (Goa), Sensibaar (Sensibaar) iyo degmooyinka Afrikada Bari sida Mombasa iyo Laamo. Hor u kaca uu gaaray ganacsigii beelaha Majeerteen ayaa wuxuu sababay in xilligaas uu kamid noqdo xilliyada ay taariikhda boqortooyadaasi ugu baraa! ! re iyo beryasamaad wacnayd. Degmada Xaabo oo ahayd magaalo-madaxdii maamulka ayaa si xoogan u camirantay. Xilligaasi waa wakhtiga ay baxday maahmaahdii sawaaxiliga ahayd oo oranaysay (Laamo kamaa Xaabo) taas oo ganacsatada reer Laamo ay ku faanayeen in degmadooda ay lamid tahay degmada Xaabo. Qasiido diini ah oo geeridii boqorka dabadeed uu tiriyay Xaaji Cali Majeerteen ayaa inoo tilmaamaya xoolaha uu maamulkii boqor Maxamuud-kii IV-aad ka helay xiriirkii ganacsiga caalamiga ahaa. Xaajigu wuxuu yiri :

Aaway Xaawiyo Aadan xeryahay degaayeen

Xandulliyo maxaa laayey Xirsi Faaraxii hore

Maxamuud Xawaadane sow Xaabo lama dhigin

Aaway xoolihiisii xeryagaaladuu dhalay

Waxse lagama xaaleyn xor kafniino maahee.

Xiriirka ay la lahaayeen degaanka Xijaas, waxaa ganacsiga u weheliyay xiriir diini ah oo adag. Sida laga wariyay daŽwayntii beelaha, boqortooyadu waxaa u dhaqan ahayd, sida ummadahii islaamka ahaa ee xilligaas noolaa, in ay sanad walba xilliga xajka ari badan u qaadaan dhulka barakaysan oo ay xujaydu isugu imanayaan. Ujeeddadu waxay ahayd in laga qayb qaato soo dhowaynta dadka soo xajinaya. Xiriirkaas adag ayaa wuxuu dhaliyay in goor hore ay degaanka boqortooyadu ku faafto aragtidii diniiga ahayd ee lagu bandhigayay hufnaanta kelinimada Eebe ee uu Shiikh Maxamad Cabdi-wahaab odayga ka ahaa. Waana arrintaas sababta gobolladaas ay xilliyadaas hore ugu yaraayeen aragtida diineed ee khuraafiga ah. Waxaa jira gabay uu Sayid Maxamad Cabdulle Xasan tiriyay ee uu ku caayayo Boqor Cismaan, tixihiisii waxaa kamid ahaa mid uu cuskinayo arintan, waxayna ahayd :

Awal-buu Wahaabi iyo ahaa weled najaaseede.

Maxamuud Xawaadane iyo Boqor Cismaan, waxaa u dhexeeyay saddex boqor oo labo kamid ah la dilay, sidaan bayna isugu xigeen :

Maxamuud-ka IV-aad 1796 - 1815

Cismaan-ka II-aad 1815 - 1842

Yuusuf-ka IV-aad 1842 - 1844

Maxamuud-ka V-aad 1844 - 1860

Cismaan-ka III-aad 1860 - 1927.

Sanadkii 1815-kii, geeridii boqor Maxamuud Xawaadane dabadeed, beelihii talo-wadaagta ahaa waxay ku heshiiyeen in ay caleemo saartaan Cismaan Maxamuud oo kamid ah wiilashii boqorka. Waxaa xusid mudan in Cismaan uusan ahayn curadkii odayga dhintay, doorashadiisuna ay salka ku haysay raacid dhaqan daŽwayn oo ay beeluhu la wadaagaan qabaaŽilka Daaroodka ah. Taas oo ah in mudnaanta siiyaan wiilka ay ku curato gabadha u dhalatay beelaha Dir.

Xilligii boqor Cismaan-ka II-aad waxaa baahday xasilloonidii siyaasadeed gudaha degaamadii uu ka talinayay. Xasilloonidaas ayaa dad-waynihii beelaha waxay siisay fursad ay ku abuuraan mashaariic ay kula tacaalayaan hor u marinta noloshooda dhaqaale. Waxaa kamid ahaa kobcinta farsamada kalluumaysiga. Kalluunkii badnaa oo sanadahaas la jillaabtay ayaa wuxuu dhaliyay in degaanka uu ku hor maro aqoonta farsamada lagu qallajiyo kalluunka si loo kaydiyo. Dabadeed qayb kalluunkaas kamid ah waa ay dhoofin jireen, qayb kalena waxay ka iibin jireen bad-maaxyadii la socday doonyihii badnaa ee ku soo shiraacan jiray dekadaha dabiiciga ah oo ay degmooyinku leeyihiin.

Iyaga oo ka faaŽiidaysanayay addoomadii laga soo iibsanayay ganacsatadii reer Cumaan, ayay dhulka biyaha leh, sida dooxada Dharoor, ka fuliyeen mashaariic beero. Inkasta oo xilligaas la beeray haruur badan, misana timirta ayaa waxay ahayd jaad cusub oo abuurkeeda aanan dhulka Soomaalida horay looga aqoon. Timirtii uga baxday abuurkii ay kala yimaadeen dalka Ciraaq, ayaa raadkeedii wuxuu si xoog badan uga muuqdaa degmooyinka xeebta ah oo xilligaas la deganaa sida Murcanyo, Geesalay, Xaabo, Baargaal iyo Caluula. Waxaa in la xuso mudan 34-ka tuulo oo hoos yimaada degmada Caluula, badankoodu in ay ku tallaalan yihiin dhir badan oo ka farcamay beerihii timirta ee xilligaas la abuuray. Oday degaamadaas ku nool oo la waraystay ayaa wuxuu yiri :

" Dhirta timirta ah ee degmooyinkaas ka baxa, miraha ka daata ee aanan la anfacsan, haddii la habeeyo waxay ku filaan lahaayeen Soomaaliya oo idil ".

Waxaa kale oo xilligaas ku beegan hal-abuur mashruuc biya-xireen ahaa oo uu fikraddeeda iyo naqshaddeeduba lahaa oday kamid ahaa odeyaashii beelaha Majeerteen, kaas oo la oran jiray Catoosh Cigaal Aadan. Mashruucan oo kamid ahaa mashaariicdii dhaqaale oo xilligaas ay Majeerteenku fuliyeen ayaa waxaa laga hir-geliyay gobolka Mudug, gaar ahaan ceelka Roox ee degmada Gaalkacayo kaga beegan dhanka waqooyi-galbeed. Mashruucu wuxuu xambaarsanaa fikrad lagu xakameynayo, dabadeedna looga faaŽiidaysanayo biyaha badan ee ka soo dhaca dhulka la yiraahdo Oogo ee ku soo qubanaya togga Dhoodaalay, kuna libdha dhulka la yiraahdo Ciid. Sidaa darteed qorshaha Catoosh oo ahaa ujeeddo badan ayaa wuxuu isugu jiray mid lagu keydinayo biyaha si loona cabo, beerana loogu waraabsado. Dhan kale, waxaa naqshadda mashruucan kamid ahaa in la ! ! baneeyo ciidda u dhexeysa meesha ay biyaha toggu ku dhamaadaan iyo dhulka daaqsimaha ku wanaagsan ee ku yaal bariga gobolka. Inkasta oo howlihii mashruucu ay si wanaagsan u bilowdeen, misana waxaa hakiyay Catoosh qudhiisa. Taasina waxay ka dambeysay markii loo sheegay hadal uu yiri nin kamid ahaa howl-wadeenadii mashruuca. Sida daŽwaynta beesha laga wariyay, hadalka uu ninku yiri wuxuu ahaa :

" Ilaah iyo Catoosh baa nagu diriray, dhanka Catoosh baanu u badanay ".

Hadalkaas wuxuu ka dambeeyay xilli ay wakhtigii salaaddu gashay oo ay howl-wadeenadii damceen in ay tukadaan, markaas baa Catoosh ku yiri :

" Hadhow baanu tukanaynaaye, howsha wada ".

Catoosh markii la gaarsiiyay hadalkii ninku yiri, wuxuu guddoonshay in shaqada halkeedaas lagu joojiyo, isaga oo ka xumaaday in Eebe la garab dhigo. Mashruucaas oo hindiskiisa iyo fulintiisaba qiimo wayn ku fadhiyay ayaa sidaas ku hakaday. Buur u dhexaysay toga iyo ceelka Roox oo la jebiyay ayaa waxay tahay raad muuqda ee lagu xuso shaqadii adkayd ee mashruucaas.

Sanadkii 1842-kii, boqor Yuusuf Cismaan (Yuusuf-kii IV-aad), ayaa talada kula wareegay guddoon ay isku raaceen beelihii talo-wadaagta ku ahaa nadaamkan, taasina waxay ka dambaysay markii uu aabihiis dhintay. Maamulkii boqor Yuusuf ma raagin oo sanadkii 1844-kii ayaa meel u dhow degmada Geesalay lagu dilay isaga oo keligiis soo baxay. Sida la wariyo, dilkaasi maahayn mid siyaasadeed, balse waxaa la tilmaamaa in ay sababtu ahayd is-quursi labo beelood oo isir wadaag ah. Xilliga boqor Yuusuf la dilay, Maxamuud oo ahaa curadkiisii waa uu yaraa. Sidaa darteed ayaa beelihii waxay isku raaceen in inta Maxamuud uu ka qaan-gaarayo, adeerkiis oo ah Nuur Cismaan uu boqortinimada sii hayo. Muddo shan sano dhan dabadeed, Maxamuud Yuusuf ayaa gaaray xilligii uu ku hanan lahaa taajkii aabihiis. Munaasabaddii boqor Maxamuud Yuusuf (Maxamuud-kii V-aad) lagu caleema-saarayay ayaa waxaa ka gabyay nin boqorka adee! ! r u ahaa oo la oran jiray Cumar Maxamuud Yuusuf. Isaga oo tilmaamaya khalad siyaasadeed oo uu ku arkay maamulkii aabihiis, ayuu Cumar Maxamuud wuxuu uga digay in uu maamulkiisa ka ilaaliyo rag aanan tayo lahayn, kuwaas oo hunguri maahee aanan wax kale ula socon. Gabaygii Cumar Maxamuud waxaa kamid ahaa tixdian :

Maxamuud hadal igu laf ah luqunta ii jooga

Oo adiga kaa laalanoo aan la ladi waayay

Majeerteenku ways wada luroo waa is laariyaye

Libiqsiinadaaduu arkaa laab qabowsigaŽe

Allow laaca kici buu lahaa laba lugoodluhuye

Ma goortaad laxaad yeelataa lumay islaameedku

Laqamada ka soo leexo iyo nimanka looyaane

Luqmad nin u goŽaayaa war yuu libinta kaa seejin

Hadday talada kuu soo legdaan dhowr nug laba leexi

LaŽda jeer ay soo joogsadaan loolka ha u qaadin

Oo boqor gun baa lagu laraye hayska kala liijin.


GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY

- Casharka XI 

 

Dowladda Talyaaniga oo iyaduna uu damac ka galay in ay gumaysato qaybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ayaa sahamadeedu waxay ka soo horeeyeen ciidamadii Xabashida ee boobka iyo dhaca inoogu yimid dabayaaqadii qarnigii 19-aad. Sahamadii Talyaaniga waxay degaanka soo gaareen bartamihii qarnigii 19-aad. Dowladda Talyaaniga marka ay guddoonsatay in ay ka qayb qaadato nadaamka boobka k dhisan ee gumaysiga, ma eeyan lahayn qorshe cad oo ku saabsan dhulkii ay qabsan lahayd. Sababtu waxay ahayd Talyaaniga oo aanan kamid ahayn dowladaha ku gaamuray hanaanka siyaasadeed ee Imberiyaaliyadda, sida Ingiriiska iyo Faransiiska. Balse waxaa jirtay, in markii uu inoo yimid ay dowladda Talyaanigu curdan ahayd oo ay jirtay 10 sano oo qura.

Waxaa xusid mudan, taariikhda daŽda wayn oo Talyaanigu ku abtirsado ee ka soo jeedda boqortooyadii Roman Impire, in ay dadkii Talyaaniga ahaa dhaxalsiisay, dabayaaqadii qarnigii 18-aad, in ay u kala fadhiyaan dhowr dowladood oo kala maamul ah, kuwaas oo qaybo kamid ah gobolladoodii ay haysteen dowlado shisheeye oo la deris ah. Maamulladii xillgaas ka jiray Talyaaniga waxay ahaayeen sidan :

1. Boqortooyada Sardinia : Waxay ka talinayasay gobollada koonfureed, dhulka ka hooseeya magaalada Roma. Waxaa kale oo ay ka talinaysay jasiiradda Sicilia iyo degmooyin ku yaal waqooyi-bari ee dalka Talyaaniga. Waxaa maamulkan kamid aha boqortooyadii Sardinia oo ka koobnayd saddex gobol Piedmont, Liguria iyo Sardinia. Waxaa kale oo degmooyinkeeda kamid ahaa Solfarino, Verona iyo Villa Franca.

2. Boqortooyada Lombardia-Venetia : waxay ka talinaysay waqooyiga iyo waqooyi-galbeed. Waxay ahayd boqortooyo awood ku lahayd badda, sidaa darteed bay muddo dhowr qarni ah waxay hoggaaminayasay ganacsiga dunida. Degmooyinkeeda waxay ahaayeen Venetia, Milan, Austa, Novara, Torino, iyo Genua.

3. Boqortooyada Naples : Waxay ka hoosaysaa degaanka dowladda Papal-ka, waana gobol ku yaal xeebaha galbeedka ee dalka Talyaaniga.

4. Dowladaha Papal-ka : Waxay ku yiileen bartamaha dalka Talyaaniga, waxayna ahayd dowlad ay baadariyadu u taliyaan. Waxay caqabad ku ahayd halgankii lagu mideynayay Talyaaniga tan iyo intii Roma laga qabsaday sanadkii 1870-kii.

5. Dowladda Austria : waxay haysatay degmooyinka Treuto iyo Bolzano oo ku yaal waqooyiga.

6. Faransiisku wuxuu ka haystay gobolka Savoya ee ku yaal waqooyi-galbeed iyo degmo lagu magacaabo Nizza.

Waxaa kale oo jiray maamullo yaryar oo ka dhex muuqday degaanka Talyaaniga. Waxaa kamid ahaa :

1. Boqortooyada Perma-Piacenza, oo ka talinaysay labada degmo Perma iyo Piaceza.

2. Boqortooyada Modena, oo iyaduna ka talinaysay labada degmo ee ah Modena iyo Massa.

Waxaa xusid mudan, inteeyan howl gelin saraakiishii iyo siyaasiyiintii u halgamay midaynta dowladahan iyo abuurka dowlad dhexe, waxaa jiray niman aragti dheeraa Idealists ee u dhashay Talyaaniga, kuwaas oo reebay tallaalkii qowmiyadeed iyo kii midnimo. Taasina waxay ka dambaysay fikradihii dhaxal-galka ahaa oo ay dad-waynaha u reebeen, taas oo ay ku fahmeen qiimaha dowladnimada iyo qarannimadu leedahay. Maqaawiirtii reebay aragtidaasi, saddexda nin ee u waawaynaa waxay ahaayeen :

Ludovico Antonio (1672 - 1750) : Wuxuu ahaa taariikhyahan, wadaad mad-habta Roman Catholic, macallin. Wuxuu ku noolaa magaalada Modena, halkaas oo uu kaga tegay aragtidiisii qowmiyadeed.

Alfieri Vittorio Conte (1749 - 1803) : Wuxuu ahaa gabyaa ka dhashay qoys hanti leh. Wuxuu socdaal ku tegey dalal badan oo Yurub kamid ah mddadii u dhexeysay 1767 - 1772. Wuxuu halgan u galay in uu kobciyo dareenka qowmiyadeed iyo midka waddaninimo ee dad-waynaha Talyaaniga ah. Wuxuu isu haystay in uu yahay nebi loo soo diray in uu dib u soo nooleeyo ruuxdii qowmiyadda Talyaaniga.

Genovesi Antonio (1712 - 1769) : Wuxuu ahaa filosoof, dhaqaalyahan. Wuxuu horseede ka ahaa in dad-waynaha Talyaaniga ay afkooda qortaan, halka ay adeegsanayaan qoraalka afka laatiinka.

Aragtidii ay raggaasi reebeen ayaa Talyaanigii waxay gaarsiisay in muddo gaaban (1851 - 1861) ay ku guulaystaan in ay xal u helaan khilaafaadkii siyaasadeed ee dhex yiil dowladihii kala tagsanaa dabadeedna ay ku midoobaan dowlad dhexe. Ogow oo in la hor mariyo ragga hal-aburka leh ee aragtida xambaarsan waa arrin ay ku khasban yihiin ummad waliba oo doonaya in ay dowlad noqdaan. Waana arrinta ay soomaalidu isugu luga duwan laŽyihiin

Talyaaniga, markii ay sugeen qarannimadoodii oo ay noqdeen dowlad Yurub laga xushmeeyo ayay kamid noqdeen saamilaydii adduunka boobka ku hayay, gaar ahaan geeska Afrika. Haddaanu muuqaal ka bixinno xaaladdii qallafsanayd ee uu Talyaanigu ku jiray intuusan inoo iman, waxaanu helaynaa sidatan.

Sanadkii 1796-kii dagaalkii baaxadda waynaa ee Napoleon Ponabarte uu ku qaaday ummadihii ku noolaa qaaradda Yurub, maamulladii ku jabay dagaalladaas waxaa kamid ahaa boqortooyadii Sardinia, markaas oo boqorkoodii uu is-dhiibay. Napoleon Ponabarte oo doonayay in uu Yurub dhamaanteed gacan ku dhigo ayaa markiiba wuxuu u tallaabay maamulladii kale ee Talyaaniga iyo dhulkii laga haystay, gaar ahaan Leobardi iyo Venetia. Markii uu Napoleon Ponabarte iyo ciidamadiisii ay u tallaabeen Afrika (Masar) ayaa ciidamadii Austria, iyaga oo ay weheshaan ciidamo ka socday dalka Russia waxay dagaal ku soo qaadeen gobolladii Talyaaniga, halkaas oo ay soo celiyeen dhamaan maamulladii horay u jiray. Napo! ! leon markii uu Yurub ku soo laabtay, dowladihii uu ku duulay waxaa kamid ahaa kuwii ay Austria ka dhiseen dalka maamullada oo ay kamid ahaayeen kuwii Talyaaniga. Dagaal ka dhacay meel la yiraahdo Marenga, sanadkii 1800, ayaa lagu jebiyay ciidamadii Austria. Sidaas ayaa Talyaanigii mar kale wuxuu kamid noqday maamulkii Faransiiska. Waxaa jiray gadood uu dad-waynuhu ku diidanaa qaar kamid ah maamulladii ka jiray Talyaaniga, kuwaas oo mar kasta la caburin jiray. Waxay fursad heleen xilligii ay socdeen dagaalladii Napoleon. Markii ay ciidamadii Napoleon gacanta ku dhigeen gobolladii Talyaaniga. Nimankii gadoodka ahaa ayaa waxay horseedayaal ka noqdeen maamullo ay Faransiisku ka dhiseen qaybo kamid ah degmooyinkii Talyaaniga. Maamulladaas waxaa kamid ahaa kuwo laga dhisay waqooyiga Itaalya, sida Liguri, Salpini iyo Cispandani.

Sanadkii 1804-tii, Napoleon wuxuu isa saaray taajkii Embraadoorka, ku xigeenkiisii wuxuu u doortay wiil ay xaaskiisu dhashay oo la yiraahdo Eugene de Beaharnais. Itaalya oo maamulkiisii kamid ahaydna wuxuu waali uga dhigay Joseph Ponabarte. Sanadkii 1815-kii, ciidamadii Napoleon waxaa lagu jebiyay dagaalkii Waterloo, boqorkii Austria ayaa wuxuu fadhi u qabtay dad matalayay dhamaan maamulladii Talyaaniga horay uga jiray iyo kuwii gadoodka waday oo Napoleon gacan-saarka la lahaa. Fadhigaasi wuxuu ka dhacay Vienna magaalo-madaxdii Austria. Fadhigii waxaa ka soo baxay sidatan :

Victor Emanuel II oo ahaa boqorkii Sardinia, wuxuu helay dhamaan dhulkii uu ka talin jiray.

Boqorka Austria wuxuu helay Lombardia iyo Venetian.

Baadarigii u talinayay dowladdii Papal-ka, wuxuu helay magaalada Roma iyo qayb kamid ah dhulka ku yaal bartamaha Itaalya.

Fernand I, wuxuu isna boqor ka noqday koonfurta Itaalya iyo jasiiradda Sicilia.

Nimankii kacaanyahanka ahaa waxay lumiyeen maqaamkii siyaasadeed oo ay tiigsanayeen kaddib markii ay ku qadeen fadhigii. Markaas baa waxaa bilawday in uu soo shaac baxo dhaqdhaqaaq abuurmay xilligii ay ciidamada Napoleon ka talinayeen degaanka, kaas oo la oran jiray Carbonari oo la macna ah Dhuxulley. Dhaqdhaqaaqan oo ay ku bahoobeen dad-wayne u badan dabaqadda dhaexe, gaar ahaan saraakiisha ciidamada iyo ragga ka shaqeeya xafiisyada dowladaha, ayaa wuxuu dalbanayay in dalku yeesho dastuur lagu dhaqmo iyo in dadka Talyaaniga ahi ay yeeshaan dowlad mid ah.

Kacdoonkii dalka Spania, sanadkii 1820-kii, ayaa wuxuu xoojiyay dhaqdhaqaaqii Carbonari. Taasi waxay xasilooni darri ku keentay qaar kamid ah maamulladii Talyaaniga, gaar ahaan kuwii waaweynaa sida Sardinia iyo Neaple. Boqorradii labadaas maamul waxaa lagu khasbay in ay dastuur sameeyaan. Sanadkii 1821-kii, boqortooyadii Austria ayaa faraha la soo gashay arrimihii gudaha ee labadan maamul si ay u badbaadiyaan nadaamkii dhisnaa. Waxaa halkaas lagu muquuniyay kacdoonkii iyo raggiisii. Sanadihii xigay waxaa dalka Talyaaniga ka dhacay gabood-fal badan oo lagu cadaadinayay xubnihii ururka. Qaar badan oo kamid ahaa waa la laayay, kuwo kalena dalka ayay isaga carareen. Waxaa arrintaa weheliyay hoos u dhac dhaqaale sababtay in saboolnimadu ay ku baahdo degaanka. Sanadkii 1830-kii waxaa dhacay kacdoonkii la magac ba! ! xay july revolution, oo ay horseedayaal ka ahaayeen Carbonari. Waxaa uu xasilooni darri ku riday degmooyin ay kamid tahay Emilia oo uu baadarigu ka talinayay. Ciidamadii boqortooyada Austria ayaa mar kale maquniyay kacdoonkii.

Labadaas fashilaad ee ku timid ururkii Carbonari ayaa sababtay in ururkii uu baabaŽo bartamihii sanadihii 1830-aadkii. Wuxuuse u xuub siibtay urur cusub oo la yiraahdo Dhallinyarada Talyaaniga Giovane Italia, kuwaas oo uu oday ka ahaa Giuseppe Mazzini oo kamid ahaa dhuxllaydii. Ururku wuxuu xoog saaray xagga dicaayadda, maadaama ay ku fashilmeen gacan ka hadalkii. Waxaa dhinac socday dhaqdhaqaaq kale oo ay rag muxaafid ahi abaabuleen, waxaana oday ka ahaa Vincezo Gioberti. Nikaas oo isaga qudhiisu qabay aragtida midnimada Itaalya ayaa wuxuu kuwa kale kaga duwanaa, baadariga wayn oo uu u arkay in uu yahay nin ay dad-waynaha Talyaaniga isugu iman karaan. Aragtida V. Gioberti iyo raggiisii ayaa xoogowday sanadkii 181846-kii, markaas oo duqa baadariyada loo doortay Pius IX, kaa! ! s oo wax badan debciyay sharciyadii diinta. Magaca baadarigan ayaa wuxuu kamid noqday halheysyada qaranka, markaas oo ay hanaqaaday hal ku dheggii ahaa (Vivo Pio Nono). Dhaqdhaqaaqyadaas oo ka turjumayay baraarugii siyaasadeed ee lagu mideeyay Talyaaniga ayaa lagu magacaabaa Risorgimento (dib u noolaansho).Waxaa kale oo eraygan la oran jiray wargays uu soo saari jiray xilligaas nin kamid ahaa dhuxllaydii lana oran jiray Camillo di Cavour. Daabacaadda wargayskan waxaa la bilaabay 1847-kii,0 wuxuuna xambaarsanaa aragtida baraaruga dib u noolaanshaha siyaasadeed.

Sanadkii 1848-kii, kacaanyahanadii ayaa tallaabo siyaasadeed horay u qaaday, taasina waxay ahaatay markii ay ku gulaysteen in ay fadhiyo ka helaan maamulkii dowladaha iyo kaniisadda. Camillo di Cavour ayaa bishii julay ee sanadkaas wuxuu kamid noqday barlamaankii Piedmont, halkaas oo uu uga gudbay in uu oday ka noqdo dowladdii Sardinia. Wuxuu markiiba bilaabay in uu ka shaqeeyo hor u marinta dhaqaale ee Sardinia. Waxaa kale oo uu ku dadaalay in uu dowladdiisa ka dhigo mid sugan, isaga oo ay isku aragti noqdeen xubnaha barlamaanka ee muxaafidka is-beddel doonka ah. Siyaasadii dibadda, wuxuu ku guulaystay in uu cunaqabateeyo dowladdii Austria. Taasina waxay dhacday markii uu ciidamo u diray dagaalkii Kremean War, isaga oo la dhinac ahaa dowladaha galbeedka Yurub. Kalsoonidii ! ! uu halkaas ka helay ayaa waxay dhalisay in uu la kulmo boqorkii Faransiiska Napoleon III, kaas oo u ballan qaaday in uu kaalmo buuxda la garab is-taagayo haddii Sardinia ay xoog ku soo ceshato dhulka kaga maqan Austria. Boqorku wuxuu hiiladaas ku tilmaamay mid cadaalad ah markii lagu eego indhaha diblomaasiyada. Waxaa kale oo uu u sheegay in aragtida dad-waynaha Faransiiska ah iyo kuwa Yurubna ay sidaas tahay, weliba ay ka sii xag-jiraan. Waxaa kale oo boqorku ballan qaaday in uu uga kacayo gobolka Savoya ee Faransiisku haystay iyo degmada Nizza. Sanadkii 1859-kii ayaa ciidamadii Sardinia, iyada oo ay weheliyaan ciidamo Faransiis ah, waxay ku duleen Austria. Dagaalo lagu goŽay ayaa waxay ka dhaceen Magenta, San Martino iyo Salferino. Natiijadii dagaaladaas ayaa ahayd in ciidankii Austria ay jabaan.

Markii guushaasi la helay ayaa ciidamadii Faransiiska si lama filaan ah ay uga baxeen dagaalkii, iyaga oo heshiis xabad-joojin ah la dhigtay Austria. Faransiisku ma doonayn in dalka Talyaanigu is raaco. Khiyaanadii uu Faransiisku ku sameeyay Sardinia ayuu Camillo di Cavour isla casilay.

Waxaa jiray rag badan oo kamid ahaa dhaqdhaqaaqii gobanimo- iyo midnimo-doonka ahaa, kuwaas oo ku mitiday aragtidii ay qabeen. Waxaa raggaas kamid ahaa Giuseppe Garibaldi, kaas oo masuul sare ka noqday ciidamadii Mazzini sanadkii 1949-kii. G. Garibaldi, sanadkii 1850-kii, wuxuu urursaday rag naftooda hurayaal ah oo tiradoodu ay ahayd 1070 nin. Wuxuu duulaan ku qaaday Sicila, halkaas oo muddo labo toddobaad ah uu ku qabsaday. C. di Cavour oo xilligaas ku soo laabtay hoggaankii siyaasadda Sardinia ayaa ka aamusay weerarka Garibaldi iyo xasillooni darrida ay ku keentay noloshii Sicilia. Dhowr maalmood dabadeed markii uu G. Garibaldi haystay jasiiraddii S! ! icilia ayuu wuxuu u muuqday nin yeershe (dictator) ah oo hantay hoggaankii Sicilia. Bishii agosto 1860-kii, Garibaldi wuxuu ku soo duulay Neaple, halkaas oo ay ciidamadiisii si baŽan u bililiqaysteen. Camillo di Cavour, oo ka walwal qaba falka Garibaldi iyo xasillooni darida ay degaanka ku keeni karto, ayaa ku gulaystay in uu ogolaysiiyo boqorkii Sardinia (Victor Emanuel II) in la mideeyo ciidamada boqortooyada iyo kuwa Garibaldi ee iskaa wax u qabsada ah. Bishii oktoober, ciidamadii isku-dhafka ahaa ayaa waxay ku duuleen bartamaha Itaalya. Markii ay hanteen Sicilia iyo gobolladii dhexe ayaa Victor Emanel II</! ! I> loo caleemo saaray in uu yahay boqorkii Itaalya. Dhowr bilood dabadeed waxaa dalka oo idil ka dhacay afti loo codeynayay midnimada Itaalya. Labo degmo ayaa ka maqnaa aftidaas, waxayna ahaayeen Roma oo uu baadarigu fadhiyay iyo Venetia. Mmarkay taariikhdu ahayd 17/ 3- 1861-kii ayaa si rasmi ah barlamankii oo fadhigiisu ahaa magaalada Torino looga dhawaaqay midnimada Itaalya. Dabadeed Camillo di Cavour iyo raggii dowladda kula jiray ayaa Garibaldi kala wareegay howlihii ciidamada. Waxaase jirtay in Cavour uu markiiba geeryooday. Sanadkii 1866-kii, dagaal ayaa wuxuu dhexmaray Itaalya iyo Austria. Inkasta oo ciidamadii Talyaaniga la gaarsiiyay dhaawac xun, misana dagaalkaas ayay ku hanteen degmada Venetia. Degmada hartay oo Roma ahayd ayaa wakhti dheer qaadatay in ay soo raacdo maamulkii dhexe ee Talyaaniga. Sababtu waxay ahayd baadariga oo halkaas fadhiyay iyo Faransiiska oo ciidamo ku taakulaynayay. Garibaldi ayaa markale soo urursaday ciidamo naftooda hurayaal ah. Xagaagii 1870-kii, ciidamadaasi waxay ku soo duuleen Roma. Inkasta oo ay difaac wanaagsan muujiyay ciidamadii baadariga oo dacallada magaalada fadhiyay, misana ugu danbaytii difaacoodii waa la jebiyay. Baadarigii waynaa, kaddib markii uu diiday in uu ka qayb qaato difaaca magaalada, ayuu wuxuu u baxsaday Vatican. Halkaas oo uu ka soo jeediyay iftadiisii ahayd, dadka aaminsan mad-habta Catholic in eeyan cod bixin, kana qayb qaadan howlaha siyaasadda. Iftadaasi ayaa dowladda waxay uga darnayd in uu baadarigu dagaalamo, waayo arrintan ayaa muddo wax! ! ay hor taagnayd in lagu guulaysto sidii loo heli lahaa xisbi siyaasadeed oo dalka taladiisa lagu wareejiyo.

(Count. C. Arrivabene. Italy nder Victor Emmanuel. 1862. I:349-353) iyo (Swedish National Encyclopedia 1993. Vol. 10 p. 28-31)




Casharkii X-aad


> > Xoogaggii gumaysiga ee reer Yurub, inteeyan u hirgelin siyaasaddoodii ku
> > wajahnayd Soomaaliya ee boobka ku dhisnayd, qowmiyadaha masiixiga ah ee
> > Soomaalida la deriska ah waxay ahaayeen kuwo aanan urursanayn. Waxay
> > lahaayeen maamul-goboleedyo kala madax-bannaan, kuwaas oo is-maandhaafka
> iyo colaaddu ay dhaqan u ahayd, taariikhahooduna waxaa ku xusan inbadana oo
> > kamid ah dagaalada maato-dooxa ah oo ay isaga hor yimaadeen.
Gobolladaasi,
> > mid waliba wuxuu lahaa maamul u gaar ah, isla-markaasna waxaa mid waliba
> > gudaheeda ka taagnaa khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.
Bartamihii
> > qarnigii 19-aad, maamul-goboleedyadu waxay u dhisnaayeen sidatan :
> > 1. Gobolka Tigraay : Waa gobolka u xiga dhanka waqooyiga, waxaana ku
> noolaa
> > dadka ugu badnaa uguna ilbaxsanaa. Waa gobolkaas halka laga soo abaabuli
> > jiray duulaamadii Soomaalida kaga iman jiray dadyowga masiixiga ah.
> > Dhismaha dhulkooduna waa mid sareeya oo buraly ah.
> > 2. Gobolka Baqamaar (Amxaaro) : Waxaa loo yaqaan dhulkii casaa,
sababtuna waa tira-badnida dadka Amxaarada ah ee lagu laayay dagaaladii ay la
galeen qowmiyadaha muslimka ah oo ay Soomaalidu kamidka tahay. Gobolku waa
> buralay, wuxuuna ku yaal koonfurta gobolka Tigray. Dhanka galbeed wuxuu xuduud la
> > leeyahay Suudaan.
> > 3. Gobolka Goojam : Macnaheedu waa dhulkii mdullada. Wuxuu ka hooseeyaa
> > gobolka Baqamaar, waana dhul biyo badan oo waxaa ku yaal harada Taana
iyo webiga Niilka Bey-madow (The Blue Nile). Dadka gobolkan waxay ku caan
> yihiin deeq iyo geesinimo.
> > 4. Gobolka Wallo : Wuxuu ku yaal koonfur-bari gobolka Tigray, waxaana ku
> > nool qowmiyado muslim ah. Gobolku wuxuu si joogto ah ula kulmi jiray
> > duulimaadyo kaga imanayay boqorrada masiixiga ah, kuwaas oo dadaal ugu
> jiray in ay gaaleeyaan dadka muslimka ah ee isgu jiray Oromada iyo Cafarta.
> > 5. Gobolka Shawa : Degaanka gobolkan wuxuu ahaa halka ay ka curatay
> > ilbaxnimadii dadkii reer Ayfaat ee ka horaysay tii reer Awdal.
> > Ilbaxnimadaasi waxaa curiyay dadka muslimka ah ee geeska Afrika ku nool.
> > Dagaalkii Axmad Guray dabadiis, markii la naafeeyay Soomaalidii, muddo
nus qarni ah ka bacdi ayaa Xabashidu si tartiib ah ula wareegeen degaankan.
> > Gobolkaasi wuxuu ku yaal bartamaha dalka Itoobiya, waana dhul sareeya oo
> > roobabku ay ku badan yihiin.
> > Qowmiyaadkaas masiixiga ah horay uma yeelan maaml dhexe oo ay heshiis ku
> > yihiin, balse waxaa u dhexeyn jiray dagaalo ay guushu kaltan u ahayd.
> > Midnimada gobolladaasi iyo muuqaalka hanaanka dowliga ah oo Itoobiyada
> > maanta ay haysato, tallaalkeedu wuxuu ka dambeeyay aragti siyaasadeed ee
> uu ku dhul fidsanayay ninka la oran jiray Kasay Xayle, kaas oo bartamihii
> > qarnigii 19-aad, gabood-fal badan dabadeed, kamid noqday ragga tilmaaman
> ee iska dhaxlay hoggaanka siyaasadeed ee qowmiyadkaas masiixiga ah.
Aragtida
> > Kasay Xayle uu ku mideeyay gobollada ay masiixiyiintu degaan, ma eeyan
> > dhaafsiisnayn xukun raadis. Ninkaasi wuxuu ku koray agoonimo. Aabihiis,
> > Xayle Gorgas, wuxuu dhintay sanadkii 1827-kii, isaga oo Kasay uu wiil
yar yahay. Hooyadiis waxay iibin jidhay daawo lagu magacaabi jiray Kooso oo
> > Amxaarada ay isaga daween jireen dixiriga ka dhasha hilibka cayriinka ah
> oo ay cunaan. Isaga oo yar ayaa hooyadiis waxay u dirtay tuulo lagu
magacaabo
> > Dayr ee ku taal galbeedka gobolka Amxaarada, halkaas oo ay doonaysay in
uu ku barto curaafyaysiga. Adeerkiis oo halkaas deganaa ayaa kafaala qaaday
> > noloshii wiilka agoonka ah. Adeerku wuxuu oday u ahaa koox shufto ah oo
> boob iyo dhac ku hayay ganacsatada muslimka ah ee deganaa xuduudda Sudaan.
> Kasay isaga oo wiil yar ah ayuu ku biiray kooxdii adeerkiis, waxaana xiiso
> geliyay
> > nolosha shuftaysiga ah oo uu adeerku odayga ka ahaa. Kasay, muddadii uu
> > shuftada la dhaqmayay ayuu wuxuu muujiyay geesinimo iyo xeel-dheeri
> dagaal, taas oo ay u bogeen kooxdii shuftada ahayd. Arrintaasi waxay sababtay in
> > Kasay uu hoggaamiye u noqdo shuftadii kaddib markii uu adeerkiis
> geeryooday.
> > Markaas buu bilaabay in uu kordhiyo boobkii iyo bililiqaysigii uu ku
hayay
> > dadyowgii la deriska ahaa ee isugu jira muslimiinta iyo Amxaarada.
> > Dhibaatooyinkii badnaa ee uu geystay darteed, Kasay wuxuu ku helay magac
> > baxay. Boqoraddii xilligaas ka talinaysay gobolka Amxaarada Waizar, ayaa
> > Kasay waxay u magacawday in uu oday ka noqdo ciidamadeeda, kaddib markii
> ay gabadheeda u guurisay. Dabadeedna af-gembi ayuu taladii kagala wareegay.
> > Intaas gama harine wiil ay dhashay oo la oran jiray Raas Cali, ayuu
> Aashaca ku dilay sanadkii 1853-kii. Kasay wuxuu markiiba dagaal ku qaaday
gobolka Goojam oo uu ku guulaystay in uu qabsado kaddib markii uu is-dhiibay
> > boqorkoodii ahaa Ras Bayrogosh. Boqorku wuxuu u yimid Kasay isaga oo
> madaxa ku sida dhagax wayn si uu u muujiyo daciifnimo iyo is-dullayn.
> > Guulahaas is-daba jooga ah ayaa sakhrad ku riday Kasay, markaas buu
wuxuu ku fekeray in uu ku duulo boqortooyada daŽda wayn ee Tigray, taas oo hadduu
> ka guulaysto, hoggaankeeda diineed darteed, uu ku heli karo in uu degaanka
ka noqdo Embraadoor. Kasay muddo badan kuma qaadan in uu isu diyaariyo
> > duulaanka Tigrayga. Dagaalkii dhexmaray labada qolo, Tigraygii waxay ka
> > muujiyeen geesinimo iyo aqoon dagaal. Hadduusan jireen boqorkooda
Dedjakh
> > Awbi oo daŽdiisu wayneed, waxaa adkaan lahayd in ciidamadooda la jebiyo.
> > Dedjakh Awbi oo geed ku hoos nasanayay ayaa waxaa helay cidamadii Kasay,
> > halkaas oo ay ku dileen. Ciidamadii Tigrayga, markii ay ogaadeen in
> > boqorkoodii la dilay waa ay kala furfurteen, dabadeedna halkaas ayay ku
> > jabeen. Kasay, oo ahaa nin gacan adag wax ku maamula, ayaa geesiyaashii
> reer Tigray inta gumeeyay sidii addoomadii ula dhaqmay. Dabadeed wuxuu u
> > dhaqaaqay gobolka Wallo oo aanan xilligaas lahayn tabar ay isaga
caabiyaan
> > ciidamada Kasay. Wallo oo ay degganaayeen dad muslimiin ah, ciidamadii
> > Kasay, waxay ula dhaqmeen si ka qallafsan gobolladii kale. Dhaca iyo
dilka naxariis-darrada ah waxaa u weheliyay in lagu khasbo in ay diintooda
> > beddelaan oo ay gaaloobaan. Kasay ma uusan cafin gobolka Shawa ee ka
haray degaankii masiixiyiinta, balse sida uu kuwii kale ugu soo duulay ayuu
> > iyadana xoog ugu qabsaday, halkaas oo uu ku dilay boqorkii Shawa Sahle
> > Salaase oo ahaa Menelik aabihiis. Menelik oo markaas la oran jiray Xayle
> > Malakuut, isaga oo 10 jir ah ayaa maxbuus ahaan loo kaxaystay. Kasay
> markii
> > uu ku guuleystay in uu hanto gobolladii masiixiyiinta dhamaantood iyo
> weliba dhul siyaado ah oo ay lahaaeen muslimiin ah reer Oromo, ayuu markay
> > taariikhdu ahayd 7/ 2- 1855-kii wuxuu isa saaray taajkii
Embraadooiyadda.
> > Markaas buu wuxuu la baxay Empire Asaay Tewdros (Tewdros II). Sidaas buu
> > Embraadoor ku noqday wiilkii agoonka ahaa, shuftada ahaa, aqoonta keliya
> oo uu lahaana ay ahayd curaafyaysi. (Barkhat : 1972. 521-524.).
> > Asaay Tewdros, gacantii adkayd oo uu wax ku maamlayay darteed ayuu wuxuu
> ku waayay in taariikhdiisii loo qiimeeyo sida boqorrada kale ee iska
dhaxlay maamulladii soo maray degaanka maanta Itoobiya loo yaqaan. Waxaase la
> hubaa in uu dhisay xoog ciidan oo hanaanka urursanaantooda ay saraysay. Dadka
> > tirada badan oo uu dagaallada ku laayay ka sokow, Asaay Tewdros wuxuu
> laayay dad badan oo rayid ahaa kana mid ahaa dadwaynihii uu odayga u ahaa.
> GoŽaamo
> > uu boqorkaasi soo jeediyay ayaa waxaa kamid ahaa in la reebo ganacsiga
> > adoonsiga iyo in dowladdu ay la wareegto dhulka beeraha ku wanaagsan oo
ay kaniisaduhu lahaayeen. Hirgelintii goŽaamadaasi ayaa dadka badankood
lagu laayay. Bahalnimadii boqorkan waxaa tilmaamaya, 2000 oo qof oo uu aano
> ahaan
> > u dilay mar ay niman shufto ahi dileen qonsulkii Ingiriiska u fadhiyay
> > magaalo-madaxdi boqorka  Maqdella Sir. Walter G. Bladown, sanadkii
> 1862-kii. Boqork, ganaaxa intaa leŽeg ee uu u gaystay dadkiisii wuxuu ku doonayay
in uu wanaag u muujiyo Ingiriiska si uu kaalmo ciidameed uga helo.
> > Asaay Tewdros, bilowgii xukunkiisa waxay dhambaallo iswaydaarsadeen
> > boqoraddii Ingiriiska ee caanka ahayd Queen Victoria, iyaga oo hadiyado
> isu diraya isla markaasna is-dhaafsaday ereyo macaan oo ay ku xoojinayeen
> > saaxiibtinimada labada qoys iyo labada maamul. Qoraal kamid ah kuwii uu
> > Asaay u diray boqoradda ayaa sidatan ahaa :
> > " Magaca aabaha, wiilka iyo ruuxda dahiran. Ilaah keliya oo saddex muuq
> ah. Ka socota : Midka la soo saaray isaga oo harsanaya naxariista Eebe,
> boqorkii boqorrada, Embraadoorkii Itoobiya.
> > Ku socota : Viktooriya-da sareysa, boqoradda Ingiriiska.
> > Aabayaashaya waxay ilaaween abuurahoodii, markaas buu awooddii ka
> wareejiyay gacantoodii oo wuxuu ku wareejiyay Gaalla iyo Turki. Laakiin Eebe aniguu
i helay oo dhulka iga soo qaaday, taladii Embraadooriyaddana anuu ii gacan
> > geliyay si aan u xukumo. Eebe wuxuu igu manaystay awood xaggiisa ka
> ahaatay, taas ayaa ii suuragelisay in aan soo ceshado dhulkii aabayaashay
> > ............. ". (The Blue Nile. by Alan Moorhead).
> > Qoraalladaa quruxda badn ayuu boqorku ku waydiistay boqoradda in laga
> > kaalmeeyo xagga dhismaha ciidamada. Wuxuu si gaar ah u codsaday rasaas
iyo
> > rag khubaro ah oo aqoon u leh culuumta dagaalka, isaga oo ku
> > beer-laxawsanaya, sidii boqorradii ka horeeyay iyo kuwii ka dambaayayba,
> in
> > ay ku hareeraysan yihiin ummado muslimiin ah. Waraaqahaasi ma noqon kuwo
> isu
> > soo dhoweeya labadii maamul. Sababtu waxay ahayd, boqorka Amxaarada
wuxuu
> > doonayay in uu dekadda Masawac ku duulo oo qabsado si uu u helo irid uu
> > dunida kala xiriiro. Ingiriiska arintaas ma doonayn, waayo wuxuu
dhowrayay
> > heshiiska wanaagsan oo uu la lahaa Turkida iyo Masar. Waxaa xusid mudan
in
> > xilligaasi uu ahaa intaanan weli la furin kanaalka Suweys. Inkasta oo
> > Ingiriisku uu fariisin ku yeeshay Cadan, Faransiiskuna Obokh, misana
> > dowladaha Turkida iyo Masar ayaa ku gacan sareeyay degaamada ay maraan
> > biyaha badda Cas. Sidaa darteed, xafiiskii Ingiriiska u qaabilsanaa
> > siyaasadda dibadda maŽuusan siin wax qiimo ah codsigii boqor Kasay.
> Boqorkii
> > Amxaarada, wuxuu ka xumaaday sida loo yasay, iyadoo xataa aanan wax
jawaab
> > ah lagu soo celin. Haddaba si uu culays u saaro Ingiriiska, isuna
muujiyo in uu dowlad yahay, ayuu wuxuu xabsiga u taxaabay dad Ingiriis ahaa oo ku
> > noolaa dalkiisa. Waxaa kamid ahaa qunsulkii Ingiriiska u fadhiyay
Maqdella
> > Cap. Charles Cameron, isaga oo markaas ka soo laabtay dalka Masar oo uu
> howl ugu maqnaa.
> > Ingiriiskii iyaga oo ka xumaaday falka boqorka Xabashida ayuu wuxuu
> > diyaariyay ciidan ku duula dowladda uu boqorku dhistay. Diyaargarowga
> > ciidankaan, taariikhda gumaystayaasha laguma xusin mid la nooc ah, waayo
> > Ingiriiska cududdiisii ayuu dibadda soo dhigay. Ciidamadaas oo tiradoodu
> ay
> > ka badnayd 33.000 oo nin waxaa hoggaamiye looga dhigay nin kamid ahaa
> > saraakiisha Ingiriiska kuwoodii ugu qiimaha badnaa. Ninkaasi oo
magaciisa la yiraahdo Sir Robert Napier, wuxuu ahaa sarkaal sare, wuxuuna horay uga
> qayb galay in badan oo kamid ah dagaaladii waawaynaa ee ciidamada Ingiriiska
ay ku galeen Hindiya iyo Shiinaha.
> > Ciidamadaasi dhamaantood waxaa laga keenay dalka Hindiya, waxayna isugu
> > jireen Hindi iyo Ingiriis. Inkasta oo 280 doonyood ay ka qayb qaateen
> > daad-guraynta ciidanka, misana mddo dhowr bilood ah ayay qaadatay.
> > Dabayaaqadii bishii disember 1868-kii ayaa horaankii ciidamadaasi waxay
ka soo kaceen magaalada Bombay ee dalka Hindiya, kuwaas oo bishii maarso
> > 1869-kii ka soo degay dekadda magaalada Sowla oo dhanka koonfureed ka
> xigta
> > Masawac. Kooxahaasi hore ee ciidmada, waxay isugu jireen injineero iyo
> > farsamo-yaqaano loogu tala galay in ay habeeyaan waddooyinkii ay
ciidamadu
> > sii mari lahaayeen. Jeneral Napier, intuusan wax duulaan ah qaadin,
> dhambaal
> > ayuu u diray boqorkii Xabashida, wuxuuna ku yiri sidatan :
> > " Boqoradda saraysa ee Ingiriiska ayaa waxay i amartay in aad si dhakhso
> ah
> > u soo daysaan dadka aad xirateen oo wax xuquuq ah aydnaadan ku lahayn.
> > Dadkaas oo nabad qabana waa in aad soo gaarsiisaan xeryaha ciidamada
> > Ingiriiska. Haddii aydnaadan ka jawaabin arinkan, waxaa lay siiyay amaro
> > kale oo aan ku soo hoggaamiyo ciidan soo fara gelinaya dalkiina. Howlaha
> > ciidamaduna joogsan maayaan illaa aan dhamaystiro muhimadda aan u imid.
> > Boqoraddayda doonimayso in ay idin ka hor istaagto xuquuqda aad u
> leedihiin
> > hantidiina, mana doonayso in ay baabiŽiso boqortooyadiina. Waxaase
> muuqata,
> > natiijada aanan laga fursanayn ee ah dagaalka la filayo in uu dhaco ay
> > caynkaas tahay. Mudnaantaada ! waxaad awooddaa in aad ka dheeraato
> khatarta
> > noocaas ah haddii aad maxaabiista, iyaga oo nabad qaba, si degdeg ah ku
> soo dayso. Haddiise iyaga oo nabad qaba aadan soo dayn, haddii dhibaatada
aad ku haysid ay sii socoto ama si ay kahdaan loola dhaqmo, idinka ayaa arinka
ka masuul noqonaya, mana dhacayso in mar kale lays cafiyo ". (The Blue
Nile. pp. 385-386).
> > Boqorkii Amxaarada, qoraal uu arintan kaga jawaabayay ayaa waxaa kamid
> ahaa sidatan :
> > " Boqoraddaadu waxay ku siin kartaa amar aad ku soo booqato kuwa
> cadowgayaga
> > ah, dabadeedna aad dib ugu laabato Masawac. Laakiin, mayeeli karto in ay
> > warqaddaydii ay si rayid ah uga soo jawaabto. Idiin siidayn maayo inta
aan
> > jawaab ka helayo ".
> > Markii uu boqorkii Amxaarada ka madax adaygay codsigii Ingiriiska ayaa
> > ciidamadii ku soo dhaqaaqeen xaggiisii. 21-kii bishii maarso, ciidamadii
> > waxay soo degay meel buuro dushood ah, halkaas oo ay uga muqatay
> magaaladii
> > Maqdella. Sagaalkii bishii abriil ayaa labadii ciidan waxay isku heleen
> meel
> > lagu magacaabo Arogi, halkaas oo loogu magac daray dagaalkaas.
Ciidamadii
> > Xabashida oo goostay in ay iyagu bilaabaan dagaalka ayaa weerar soo
> qaaday.
> > Taasi waxay noqotay mid eeyan mahadin oo dhaawac xooggan ayaa ku yimid.
> > Sababtuna waxay ahayd, hubkii casriga ahaa oo ay ciidamada Ingiriisku
> wateen
> > ka sokow, waxay gacan ka heleen qowmiyadihii uu boqorku horay u qabsaday
> > Oromo, Tigray iyo Shawa. Hiilada noocaas ahina waa arrin lagu yaqaan
> > maamullada ku dhisan hanaanka yeeriska (dictation) ah, kaas oo bisleeya
> miro
> > (shacab) ay gurtaan cid kasta oo mucaarad ah. Xabashidii waxaa
maalintaas
> > laga dilay 500 oo nin, dhaawacooduna wuxuu ahaa kumanyaal. Halka
> Ingiriiska
> > laga dhaawacay labo sarkaal iyo 27 askari. Ciidamadii Ingiriiska iyo
> Hindida
> > waxay galeen Maqdella 15-kii maarso. Saddex cisho dabadeedna magaaladii
oo
> > idil, wixii aanan kaniisadaha ahayn, dab ayay qabad siiyeen. Sidaas baa
> > magaal-madaxdii Xabashida ay ku noqotay habaas ay dabayluhu hadba dhan u
> > afuufaan. Embraadoor Asaay Tewdros, intaanan la qaban ayuu bastoolad uu
> > sitay madaxa isaga toogtay. Ogow oo nolosha foolxumadaas ku ebyoota,
waxaa
> > boqorka la wadaaga ninkasta oo addoomada Eebe ku gabood-fala. Sidaasna
> waxaa
> > ku dhamaaday taliskiisii. Ciidamadii Ingiriiskii iyo Hindida kuma eeyan
> > daahin Maqdella iyo dhulkii Xabashida ee si degdeg ah ayay uga baxeen,
> iyaga
> > oo ku laabtay dalka Hindiya. Sababtu waxay ahayd, ururadii kaniisadaha
> > addunka ayaa ku kacay iyaga oo ku dacwaynaya in Ingiriisku burburiyay
> > dowladda qura ee masiixiyadda aaminsan ee ka jidha bariga Afrika.
> > Markii uu jabay Asaay Tewdros, Ingiriiskiina uu baxay, mar kale ayaa
> > gobolladii waxaa ka bilawmay xasillooni laŽaan siyaasadeed. Taas oo ay
> > sababeen saddex xoog oo ku hardamayay hoggaankii degaanka. Mid wuxuu
ahaa
> > Kasa Merkha oo boqor ka ahaa gobolka Tigraay, midna wuxuu ahaa Takla
> Giorgis
> > oo boqor ka ahaa gobolka Amxaarada, midka kalena wuxuu ahaa Xayle
Malakuut
> > (Menelik) oo boqor ka ahaa gobolka Shawa.
> > Waxaa xusid mudan, in Xayle Malakuut, isaga oo 20 jir ah uu ka soo
> baxsaday
> > xaruntii boqorkii Maqdella sanadkii 1865-kii. Halkaas oo 10 sano uu
> maxbuus
> > ahaan ugu noolaa. Xayle markii uu gaaray degaankii Shawa oo
awoowayaashiis
> > ay ka talin jireen, si wanaagsan ayaa loo soo dhoweeyay. Dabadeed waxaa
> loo
> > caleemo saaray in uu boqor ka noqdo. Boqorka Tigrayga Kasa Merkha oo ku
> xoog
> > roonaaday maamulkii gobollada ayaa markay taariikhdu ahayd 1972-kii
wuxuu
> > isu caleema saaray Embraadoor, halkaas oo uu kula baxay Yohannis IV.
 

 Saadiq Enow.
 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:15 AM. Webmaster HomePage