Casharkii XVII-aad
Qarnigii 19-aad, waxaa jiray isbeddel wayn ee ku yimid
hanaankii noloshii dhaqan-dhaqaale ee bulshooyinkii reer Yurub,
taas oo raad ku yeelatay qaabkii wax soo-saarka iyo qaybsiga.
Hanaankii siyaasadeed ee fiyudaalka ahaa ayaa wuxuu yeeshay weji
hanti-goosi. Arintaasi waxay xowli-orod u yeeshay hor u mar ku
yimaada taranka dadka, dhaqaalah, cilmiga, farsamada tiknikada ah
iyo teknolojiyada. Waxaa isbedel kala wareeg ah uu ku dhacay
hanaankii qorshaynta iyo mulkiyada samaynta siyaasad
dowlad-qomiyadeed, taas oo uu la socday hanaanka kabitaalka.
Arimahaas ayaa waxay buux-dhaaf u keeneen mug-xuduudkii qaaradda
Yurub iyo qowmiyadihii ku noolaa. Sidaa darteed ayaa dadkeedii
waxay u fateheen adduunka dibadda meelihiisii ugu godnaa, kuwaas
oo noqday Afrika iyo Asiya. Waxaa xusid mudan, kacaankii
wershadaha ee Yurub in laga dhaxlay hor u mar laba wajiile ah (+
-), kaas oo aanan isku si looga qiimayn caalamkii
gumaystayaasha iyo kuwii la gumaysanaya! ! y. Kacaankaasi oo Yurub
u saamaxay in ay noqdaan bulshooyin wax gumaysata ayaa Afrika iyo
Aasiya ka dhigay bulshooyin la gumaysto.
Jarmalka iyo Talyaaniga, xilli dambe ayay kamid noqdeen
bulshooyinkii gumaysatada ahaa. Labadaas bulshadood ayaa waxaa
arintan u saamaxay guushii ay ka gaareen siyaasadda urursan oo ay
ku mideeyeen maamulladii kala tagsanaa ee dalalkooda ka jiray.
Jarmalka ayaa sida Talyaaniga waxaa uu taariikhda ka dhaxlay
maamullo ku salaysan beelo, kuwaas oo kala madax-bannaan, mid
walibana ay lahayd boqor u gaar ah. Maamulladaas waxaa kamid ahaa
Prussia, Bayern, Saxony,
Hanover, Hesses,
Bavaria, Baden
iyo Wurttemberg.
Xilligii ay is-weydaaranayeen labada qarni 18-aad iyo 19-aad,
boqortooyada Prussia ayaa
waxay noqotay hanaqaad. Waxaa u suurogashay in ay isku fidiso dhul
wayn ee ku teedan waqooyiga iyo bariga Jarmal, waqooyiga! !
Poland, dhul kamid ah bariga
Ukrainia iyo dowladaha ku yaal
galbeedka badda Baaltiga. Arintaas ayaa sababtay in
Prussia ay horseed u noqoto
midnimada Jarmalka.
Waxaa kale oo xoojiyay midnimada Jarmalka dareenka qowmiyadeed
oo ay ka dhaxleen dagaalkii uu Napoleon
Bonaparte ku qabsaday dadyowgii Yurub iyo
maamulladoodii. Dagaaladii, bulshooyinkii Jarmalka ahaa, ay ku
qaadeen ciidamadii Napoleon,
maahayn mid ay ku dalbayeen oo keliya in ay isaga kiciyaan
ciidamada ku habsaday dhulkooda. Balse wuxuu ahaa mid ay ku
diidanaayeen dhaqanka Faransiiska ee fara-gelinta baŽan ku hayay
bulshadooda. Rag wax qora, filosofiin iyo kuwo suugaan tiriya oo
Jarmal ah ayaa ka qayb-qaatay tallaalka aragtida ay Jarmalku ku
baadi-goobayeen in ay qaran noqdaan. Raggaas oo aragtiyaalkoodii
illaa maanta jaamacadaha Yurub lagu derso, waxaa kamid ahaa
Goethe,
Schiller, Herder,
Kant,
Fichte iyo Hegel! !
. Dareenkii ay raggaasi reebeen ayaa wuxuu dhaliyay in dad-waynuhu
ku baraarugo baahida ay bulshadu u qabto hor u mar dhaqaale iyo
dowlad-dhexe oo siyaasad urursan leh. Ogow oo arintani waa tusaale
kale oo inoo bidhaaminaysa xubnaha bulshada ee aragtida
xambaarsani, in ay yihiin kuwa ummadaha u tilmaama siday isu
ururin lahaayeen.
Gobolka Prussia ayaa wuxuu
u muuqday midka calanka u siday madax-bannaanida Jarmalka. Taasina
mahaddeeda waxaa iska leh hoggaamiyayaal daacad ah oo gobolka u
kacay bilowgii qarnigii 19-aad. Waxaa kamid ahaa
Karl vom Stein iyo
K. A. von Hardenberg. Inkasta oo shirkii lagu qabtay
Wien 1814-kii lagu gaaray
heshiis ay qaybo kamid ah dowladihii Jarmalka ku dhiseen Is-bahaysiga
Jarmal, misana ma noqon mid buuxiya aragtidii u muuqatay dadka
qowmiyiinta ahaa. Hor u markii wershadaha ayaa wuxuu khasbay in
sanadkii 1834-kii ay dowladihii Jarmalku samaystaan waddo tariin
ee xiriirisa degmooyinkooda iyo nadaam cashuur-qaadis oo ay ka
midaysan yihiin. Kaddib waxaa xoogaystay dhaqdhaqaaqa qowmiyiintu
ay ku dalbayeen Jarmal urursan oo mid ah. Waxaa jiray dhacdooyin
siyaasadeed iyo dagaallo ka dhacay Jarmalka bartamihii qarniga.
Arrimahaas oo sii xoojiyay ! ! isu lugo-duwashada dadka Jarmalka
ah ayaa waxaa kamid ahaa :
1. Kacdoonkii maarso 1948-kii oo ay dad-waynuhu ku doonayeen in
dowladaha is-bahaystay ay raadiyaan Jarmal mid ah.
2. Fal isku-day ahaa oo boqorkii
Prussia ee la oran jira
Fredrick Willhelm IV (1840-1861) uu sanadkii 1849-kii
ku damcay in uu ku mideeyo Jarmalka, taas oo Jarmalka ka dhigtay
waqooyi iyo koonfur.
3. Dagaalkii toddobada toddobaad Sevsn
Weeks War, ee socday 14-kii juun illaa 26/ 7- 1866-kii.
Wuxuu dhex-maray Prussia oo ay
la socdeen bulshooyinkii ka jiray waqooyiga Jermaaniya iyo
Awsteriya oo ay la socdeen bulshooyinkii ka jiray koonfuta
Jermaaniya.
4. Dagaalkii dhex-maray Jarmal iyo Faransa 1870-1871. Kaas oo
soo gunaanaday geedi-socdkii taariikhiga ahaa oo ay Jarmalku ku
doonayeen midnimo iyo madax-bannaani.
Otto von Bismark
ee ahaa hoggaamiyihii horseeday
dowladda is-bahaysiga ah ee Jarmalka maanta ka jirta, ayaa iyada
oo uu dagaalkii weli socdo, bishii janaweri sanadkii 1871-kii
wuxuu ku dhawaaqay halhayskiisii caanka noqday ee ahaa :
" Dadka Jarmalka ahi ma doonayaan barlamaano midaysan oo
keliya, ee dhiig iyo maskax mid ah ayay doonayaan ". (Swedish
National Encyclopedia. 1993. Vol. 23 pp. 563-564).
18/ 1- 1871-kii ayaa loo aqoonsan yahay maalintii midnimada
Jarmaaniya. Maalintaas ayaa boqorkii
Prussia King Wilhelm waxaa loo magacaabay boqorkii
boqorrada Jarmalka, isla goobtaas ayaa loogu geliyay taajkii
imbraadoornimada.
Hor u kacaas siyaasadeed ee xooga leh oo ay Jarmalku ku
guulaysteen waxaa u weheliyay hor u kac dhaqaale oo u suurogeliyay,
iyaga oo curdun ah, in ay kamid noqdaan xoogaggii gumastayaasha
ahaa. Damaca gumaysi-doonka ah ee Jarmalka, markiisii hore,
maahayn guddoon istraateeji ah oo ay dowladdu qaadatay, bal wuxuu
ahaa dareen uu la gaar ahaa nin Jarmal u dhashay oo la oran jiray
Karl Peters, kaas oo ku caan
ahaa aragtida embriyaaliyadda. Ninkaas oo xambaarsanaa ruux
gumaysi, ayaa bilowgii sanadkii 1884-kii, wuxuu dalka Jarmalka ka
asaasay Jamciyadda Gumaysiga ee Jarmal
Society for German Colonization. Bishii sebtember, isla
sanadkaas, wuxuu soo gaaray jasiiradda Sensibaar, isaga oo u
socday in uu sahmiyo meelo kamid ah dhulka gudaha ah ee bariga
Afrika. Karl Peters oo
hor-moode ka ahaa shirkad uu isagu goor danbe aasaasi doono, ayaa
markii uu wax ka ogaaday xaaladda siyaasade! ! ed, midda ganacsi
iyo tan cimilo ee jasiiradda, wuxuu u gudbay dhulka gudaha ah ee
dalka Tansaaniya. Wuxuu la kulmay duqayda qowmiyadaha Afrikaanka
ah ee halkaas ku noolaa, kuwaas oo ka caraysnaa maamulkii
suldaanka Sensibaar iyo hannaankiisa ganacsi ee iibsiga adoomada.
Waxaa u suurogashay in uu 12 heshiis la dhigto dad degan dhul lagu
qiyaasay 60.000 km square,
kaas oo u dhexeeya harada Tanganika
iyo degmada Neosagara illaa
meel ku dhow degmada Dar es Salaam.
Inkasta oo heshiisyadu ay ku yimaadeen dareen uu
Karl Peters la gaar ahaa,
misana qoraalkoodii ayaa waxay u muuqdeen qaabkii lagu yiqiin
heshiisyada ay dowladihii gumaystayaasha ahaa la dhiganayeen
dadyowgii ay gumeeyeen. Sida ay heshiisyadaasi dhigayeen, duqayda
Afrikaanka ah ayaa waxay oggolaadeen in dhulkoodu uu noqdo
maxmiyad ay ilaaliyaan Jarmalku.! ! Waxay muujiyeen in eyan wax
xiriir ah la laheyn suldaanka Sensibaar, iyaga oo isla markaas
ballan-qaaday in eyan wax heshiis ah la dhigandoonin dowlado
shisheeye ah. Heshiisyadaasi waxay dhaceen bilihii nofember iyo
disember 1884-kii.
Karl Peters
ayaa dalkiisii ku laabtay, halkaas oo
sida caadadu ahayd, si diiran loogu soo dhoweeyay. Kaddib markii
uu la kulmay hoggaamiyihii Jarmalka
O.
von Bismark, ayuu wuxuu u bandhigay wax-qabadkiisii.
Dabadeed, dowladdii ayuu ka codsaday in ay aqoonsato heshiisyada
uu dadyowga Afrikaanka ah la soo galay. Dowladdu, markii ay
oggolaatay barnaamijikii uu
Karl Peters
la yimid, ayaa waxay soo saartay qaraar ay arintan ku taageerayso.
Nuqulkii qaraarkuna wuxuu ahaa sidatan :
" Annaga, nicmadda Eebe dabadeed, embraadoorka Jarmal,
boqorka Prussia, waxaanu cadeyneenaa
oo aanu amreynaa sidan :
Iyada oo la tix-raacayo codsi ka yimid hoggaamiyaha Jamciyadda
Gumaysiga Jarmalka, ee ku saabsan ilaaladeena dhulka ay Jamciyaddu
ka heshay bariga Afrika ee ku beegan galbeedka boqortooyada
Sensibaar, kana baxsan maamul dowlad kale leedahay.
Iyada oo la tix-raacayo ballamada uu dhowaan
Karl Peters kula heshiiyay duqayda
Bozagara,
Angaro, Yoxango, iyo
Bakomi 11/ 12- 1884-kii. Taas oo ay
ku xusnayd in degaamadaas ay la wareegtay Jamciyadda.
Iyada oo la tix-raacayo oggolaanshaha duqayda degaanka in ay
hoos yimaadaan maamulkayaga.
Waxaanu ku dhawaaqaynaa in aanu aqbalnay maamlkaasi iyo in ay (dadyowgaasi)
ahaadaan maganta Embraadooriyadda, annaga oo naftayada u
ilaalinayna xaqa aanu u leenahay in aanu maamullada kale ka goyno,
hadday sharciga ku sugan tahay. Jamciyaduna waxay fursad siinaysaa
maamulka wax kasta oo xuquuq ah oo ka ratibmaya ballamadii lagu
heshiiyay iyo fulinta xeerarka, iyo in xubnaha fulinaya ay noqdaan
dad u dhashay Jarmal ". (Barkhat : 1974.
p. 419-420).
GoŽaankan oo si kedis ah u dhacay ayaa wuxuu ahaa mid lama
filaan ah. Waayo Bismark,
bilowgii maamulkiisa, wuxuu diidanaa nadaamka gumaysiga. Waxaa
jiray ganacsato Jarmal ah oo horay ugu soo bandhigay in ay
dowladda Jarmalka ay gumaysato meelo ay ganacsatadu sahmiyeen.
Waxaa kamid ahaa codsi uu helay sanadkii 1872-kii, oo rag
ganacsato ah ay ku dalbayeen in Jarmalka uu ku habsado jasiiradaha
la yiraahdo
Fiji. Sidaa darteed dowladihii gumaysiga ahaa kuma eyan
tala-gelin in Jarmalku uu ku soo biirayo loolanka ay ka wadeen
caalamka. Waxaa jirtay in Ingiriiska iyo Faransiiskuba ay
siyaasaddooda dibadda raad ku lahayd is-beddelka ku imanayay
dowladahooda iyo doorashooyinka barlamaanadooda. Sidaa darteed
dhaqdhaqaaqa gumaysi-doonka ah oo ay wadeen waxaa la socday
taxaddar siyaasadeed. Jarmalkuse wuxuu ahaa dowlad uu hal nin
xukumo, sidaa darteed waxaa u sahlanaa goŽaan-qaadashada arimah! !
a istraateejiga ah. Waxaa kale oo jirtay nacayb xoog leh oo dhex
yiil Jarmalka iyo Faransiiska, taas oo kalliftay in
Bismark uu jeclaysto in
Faransa ay ahaato dowlad taag-daran, si eyan ugu suuragelin in ay
waa dambe ku soo duusho Jarmal.
Bismark
markiisii hore wuxuu doonayay in uu Afrika u
daayo Ingiriiska. Wuxuu ogaa in Ingiriisku uu u saamaxayay dadka
Jarmalka ah in ay ka ganacsadaan meel kasta oo calan Ingiriis
suran yahay. Sidaa darteed ayaa Jarmalku wuxuu kaalmo ka gaystay
in Ingiriisku qabsado dalka Masar sanadkii 1882-kii. Sanadihii
1883-kii iyo 1884-kii, Jarmalku waxay Ingiriiska u muujiyeen
rabitaan ay ku doonayeen in ay nasiib ku yeeshaan dhulka
Afrikaanka laga boobayo. Laakiin Ingiriisku waa uu ka gaabsaday in
uu jawaab ka bixiyo arinkan. Qodob kale ayaa jiray oo isna
Jarmalka ka caraysiiyay, kaasina wuxuu ahaa mar ay damceen in ay
Koonfur-Afrika ka samaystaan xarumo ganacsi, markaas ayay
Ingiriiskii war-geliyeen si ay oggolaansho uga helaan. Taasna
Ingiriiskii waa uu ka aamusay. Dhacdadan ayaa waxay isu soo
dhowaysay Jarmal iyo Faransa, halkaasna waxaa ku hagaagay
xiriirkii muddada murugsanaa ee labada dowladood. Jarmalkii ayaa
Faransiiskii ka codsaday in ay dhan uga soo wada jeestaan! !
Ingiriiska. Arrimaha ay ku heshiiyeen baa waxaa kamid ahaa in ay
aqoonsiga Koongo kala noqdaan Ingiriiska iyo Burtuqiiska. Waxay
wada-jir ugu dhawaaqeen in dhulka Koongo uu yahay mid u baahan in
xoogagga Yurub ay fadhi ka yeeshaan. Burtuqiiska oo ka baqayay in
uu isku-dhac yimaado ayaa wuxuu ku taliyay in xoogagga
embriyaaliayadda ah ay iska arkaan howlaha mashaariicda gumaysiga
oo ay dunida ka wadaan. (
East Africa a
Century of Change 1870-1970. W.E.F. Ward & L.W.White. p. 31).
Hoggaamiyihii Jarmalka Otto von
Bismarck ayaa wuxuu fidiyay gogol uu ku marti-qaadayo
dhamaan dowladihii gumaystayaasha ahaa. Fadhigii ka dhashay
gogoshaas ayaa lagu magacaabaa Berlin
Conference. Shirkaas oo muddo sanad ah socday (15/ 11-
1884-kii illaa 26/ 11-1885-kii), ayaa si googoŽ leh waxaa
qaybtiisii hore isu arkayay dowladihii gumaystayaasha ahaa.
Qaybtii danbe waxaa lagu casumay dowladihii Yurub ee xorta ahaa oo
markii hore laga tashaday. In shirku dheeraado waxaa kallifay
dagaaladii iyo muramaddii dhex yiil dowladaha Yurub : Ingiriiska -
Faransiiska, Ingiriiska - Jarmalka, Ingiriiska - Ruushka,
Talyaaniga - Faransiiska, Faransiika - Baljiamka, Talyaaniga -
Baljiamka. Arimaha laysku mari laŽaa waxay ahaayeen qadiyadihii
loogu yeeri jirey
East questions,
Afirca - asia. Tusaale
ahaan qadi! ! yadii Koongo, muddo lix sanadood ah (1879-1885) ayaa
waxaa ku muran sanaa dowladaha Beljiam, Talyaani, Faransiis,
Ingiris, Jarmal, Ruush, Burtuqiis. Dalka Marooko ayaa isna muran
raagay dhex dhigay Jarmal, Faransiis iyo Ingiriis (1882 - 1907). (Cumar
Cabdi Barre. PhD for Pre - Clonial Somali History).
Faransiiska iyo Jarmalka ayaa la yimid shirka in qayb ay
gumaystaan laga siiyo gudaha Afrika, gaar ahaan Koongo iyo Nayjer.
Isla markaas waxay mucaaradeen dalab Burtuqiiku soo jeediyeen oo
ahaa in gumaysiga dalka Koongo, iyaga loo daayo. Waxaa kale oo ay
mucaaradeen in Ingiriiska uu ganacsi ka bilaabo dhul uusan
gumaysan. Xubnihii fadhiga yimid waxay calaamadeeyeen meelo ay
tilmaameen in dhamaantood ay ka ganacsadaan. Waxaa kamid ahaa
Koongo, Keenya, Ugaandha, Tansaaniya iyo Soomaaliya. Wafdigii
Baljiika ayaa diiday in Koongo ay ahaato meel xor u ah ganacsiga
dowladaha Yurub. Faransiiskuna, dhankiisa wuxuu culays saaray
Ingiriiska in uu Nayjer ka dhigo meel ganacsigeedu xor tahay.
Ingiriiskii si cad ayuu u diiday arintan. Markaas ayaa shirkii
wuxuu qaatay weji hor leh oo ka duwan kii laysugu yimid. Waxaa
bilaabatay in si toos ah loo qaybsado dhulalkii ay lahaayeen
dadyowgii Afrikaanka ahaa. Weliba iyaga oo aanan la war-gelin, la
abuuro diilimo lagu kala teedo dhulalkoodii, ! ! taas oo aanan wax
masaalix ah u lahayn noloshii soo jireenka ahayd oo ay facahoodii
hore ka dhaxleen iyo aayahooda dambe toona. Sidaas ayay ku
gumoobeen dadyowga Afrika, qaaraddoodiina loogu magacaabay
qaaraddii madoobayd. Markii la naqshadeeyay joqraafiga ay Afrika
yeelanayso ayaa fadhigii wuxuu qaatay magaca
Berlin Act. Bayaankii heshiiskaasi wuxuu soo baxay
26/ 2- 1885kii. (East Africa a Century of
Change 1870-1970. W.E.F. Ward & L.W.White. p. 31-32).
Qodobka 34-aad ee heshiisku wuxuu qorayay sidan :
" Dowlad kasta ee Yurub ah ee saldhig ku yeelata xeebaha
Afrika ama isku magacawda in ay maxmiyad ku leedahay, waxaa ku
waajib ah in ay soo ogaysiiso dowladaha wax ka saxiixay heshiiska
Berliin. Haddii eyan sidaas yeelin, sheegashadooda la aqoonsan
maayo ".
Qodobka 35-aad ayaa isna wuxuu qorayay sidan :
" Dowladdii saldhig ku yeelata meel xeeb ah, waa in ay
muujisaa in ay si isku-filaansho ah ay u maamuli karto degaanka,
si ay u xigsato xuquuqda ay ku yeelanayso ee ah mid ganacsi iyo
mid gaadiid ".
Qodobadaas ayaa waxay ahaayeen kuwa sharciga u siiyay dowlad
kasta oo gumaysatada kamid in ay boobto intii awooddeedu gaadho ee
dhulka qaaradda ah, dabadeedna loo sameeyo xuduud lagu saleeyay
masaalixda dowladaha Yurub, iyada oo aanan lagala tashan dadkii
dhulka lahaa. Ujeeddada ka danbaysana ay ahayd in la bililiqaysto
hantida dabiiciga ah oo ay hibada u heleen, iyaga oo aanan waxna
loo celin. (Hinsley, F.H., The New
Cambridge Modern History Vol XI, Cambridge University Press,
London, 1962).
Nuxurkii shirku waxaa lagu tilmaami karaa madal ay ku
dan-fushadeen Jarmal, Faransiis, Ingiriiska, Ruushka iyo Talyaani.
Dalalka kale ee yurub ee markaa xorta ahaa, waxay ahaayeen
weheliyeyaal u sacbiya kuwa kor ku xusan, waxaana laga sixiixay
dhamaantood in ay qayb ka ahaayeen dowladaha shiray iyo in ay
siduu yahay u qaataan una fulinaayaan. Aduunkii loo heshiiyay
waxaa loo qaybiyay saddex :
1. Ddalal madax-bannaan oo is-maamula, sida Laybeeriya, Masar
iyo Itobiya.
2. Dowlado madax-bannaani dhantaalan haysta, kuwaas oo dusha
laga maamulo laakiin is-maamul hoosaad leh, sida qowmiyadihii
turkiga ka hoos-baxay (Carabaha intoodabadan).
3. Dalal aan nina sheegan without
owner, sida Afrika inteedii badnayd.
Soomaaliya waxaa qayb u helay 3- dii dal ee gaystay, cadaynta
inay dhulkaas xukunkooda ku hoos jirro - ingiriis, faransiis iyo
talyaani. Jarmalku wuxuu heshiiska ku darsaday qodob muhiim ah oo
u saamaxayay in maamullada ay dowladaha Yurub ka sameeyeen dhulka
xeebaha ah ee bariga Afrika, ay ganacsiga Jarmalka u saamaxaan in
uu si madax-bannaan ugu tallaabo dhulka gudaha ah ee qaaradda