19 May 2007 04:27

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country] (Saadiq Enow" ) GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY- Casharka XVIII-aad : Posted on 20 Nov 2002. 

 GOORTII   DHULKAYAGII LA   QAYBSADAY

-"Saadiq Enow" 

Casharkii XVIII-aad

 

30-kii sano ee qarniga ugu dambeyay (1870-1900) ayaa waxaa lagu tilmaamaa wakhtigii uu laba-kacleyay kacaankii wershadaha ee Yurub The Second Industrial Revolution. Hor u markii ay ka gaareen adeegsiga xooga korontada iyo isku-dhafka walxaha kiimikada ah ayaa waxay ahayeen sababaha ka dambeyay kacaankan. Arimahan ayaa kamid ahaa waxyaabaha xowli-orodka u kordhiyay dhaqdhaqaaqii ay gumaysatadu ka wadeen dhulka guudkiisa. Qaaradda Afrika oo ay ummado badan deganaayeen ayaa gumaystayaashu miciyaha u soofaysteen. Dowladaha howshan safka hore kaga jiray oo ahaa Ingiriis, Faransiis, Jarmal, Burtuqiis, Beljiika, Isbaanish, Jarmal iyo Talyaani ayaa qaaradda waxay u arkayeen meel ay u doontaan hantida dabiiciga ah oo ay wershadahoodu ku shaqeyaan, isla markaasna ah suuq wayn oo ay u iib-geyaan waxyaabaha ay soo saaraan. Xilligaas, qaaradda Afrika inteeda badan waxaa ka bilowday maamulladii gumaysiga, kuwaas oo mar walba dadaal ugu jiray in ay is bal! ! laariyaan.

Talyaaniga ayaa sida Jarmalka, isaga oo dowladdiisii ay curdun tahay, ku soo biiray bulshooyinkii gumaysatada ahaa. Sidaanu soo aragnay, bartamihii qarniga ayuu Talyaanigu ku guulaystay in uu dalkiisa ka dhiso dowlad siyaasaddeedu urursan tahay. (Ku noqo Casharkii XII-aad. Goortii ..........). Laakiin wuxuu ka liitay xagga dhaqaalaha. Sanadkii 1870-kii, maraakiibta reer Yurub ee ka gudbay biya-mareenka Suways, Talyaanigu wuxuu ku lahaa tiro ka yar 2%. Sanadkii 1913-kii, tirada maraakiibta Talyaaniga oo Suways gudubtay waxay dhamayeen 101 markab, halka tirada maraakiibta Ingiriiska ay dhamaayeen 3000 oo markab. (The Somali Experience. Politics, Lnguage and Thought. David D. Laitin. 1977).

Dhaqaale-xumida haysatay awgeed, suurogal uma ahayn dowladdii Talyaaniga in ay mashruuc gumaysi-doon ah ka hirgeliyaan dhul ka fog. Waxaase mar walba dhiiri gelin iyo taageero ay ka heysteen Ingiriiska oo isagu doonayay dowlad la maslaxad ah oo ay is xulufaystaan.

Marka laga hadlayo taariikhda mashruuca gumaysi ee Talyaaniga, waxaa lagama maarmaan ah in la tilmaamo dhibaatada dowladda ka haysatay dalka gudihiisa, taas oo kallifaysay in qaar kamid ah ciidamadeeda ay dalka dibadda uga saarto. Dhibaatadu waxay ahayd sidii ay isugu ururin lahayd qowmiyadaha kala duwan ee talada urursan lagu mideyay. Waxaa xilligaas dalka gudihiisa ku xoogganaa aragtida qowmiyadeed nationalism.

Ninka ku tallaalay Talyaaniga aragtida gumaysi waxaa la yiraahdaa Cristofro Negri, kaas oo magaalada Florence, sanadkii 1867-kii ka abuuray jamciyad la yiraahdo Societa Geografica Italiana. Ninkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in jamciyaddu ay hor-mood ka noqoto danaha ganacsiga dibadda ee Talyaaniga iyo waddooyinkii loo mari lahaa. Jamciyaddu waxay soo saari jirtay wargays aqooneed oo lagu magacaabo II Bolletino. Muddadii u dhexaysay 1867-1875, jamciyaddu waxay soo saartay 45 qoraal oo ay Afrika ka soo diyaarisay. Jamciyaddu waxay dowr wayn ka cayaartay in dad-waynaha Talyaaniga ay xiiso u yeeshaan in ay dibadda u soo baxaan oo ay ka qayb qaataan loolanka ummadaha wax gumaysta.

Xilliga uu Talyaanigu u soo baxayay in uu wax gumaysto, 20 sano oo qura ayay dhisnayd dowladda ay gobolladiisu ku midoobeen. Haddaba si loo adkeeyo midnimada qowmiyadeed ayaa waxay is tusiyeen in ciidamadooda dibadda looga saaro dalka, ayna ka qayb qaataan hardanka dowladaha waawayn. Taasi waxay kaalmo u noqonaysaa in Itaalya ay ahaato dal is-haysta. Cristoforo Negri ayaa wuxuu kamid ahaa ragga aragtidaas hor-moodka ka ahaa oo dowladdu ay ka talo qaadato. Ninkaasi oo ahaa taariikhyahan, dhaqaaleyahan, diblomaasi isla markaasna wax ka yiqiin culuumta degaamada geography, ayaa sanadihii 1850-aadkii wuxuu diraasaad ku sameyay qaabkii uu Talyaanigu uga qayb-qaadan lahaa loollankii imberiyaaliga ahaa. Aragti uu ku gunaanaday diraasaadkiisii ayuu u gudbiyay dowladdii Talyaaniga. Dowladdu waxay soo dhoweysay aragtidii Cristoforo Negri, waxayna markiiba bilowday in ay rag sahamo ah! ! u kala diraan qaaradihii tartanka loogu jiray ee ahaa Afrika iyo Aasiya. (S. Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 40).

Xilliga ay dowladdu guddoonsatay arinkan, ma eyan lahayn qorshe cad oo ku saabsan dhulkii ay qabsan lahayd. Waxaase jirtay aragti u muuqatay qaar kamid ah ragga guddoonka siyaasadeed wax ku lahaa, taas oo ay ku xiisaynayeen degaamo kamid ah bariga qaaradda Afrika. Cristoforo Negri, qudhiisa waxaa uu dowladda u tilmaamay qiimaha istraateejiga ah ee uu leyahay dhulka ku heeran badda Cas, iyo xeebaha geeska Afrika, gaar ahaan kuwa ku wajahan bad-weynta Hindiya ee xilligaas hoos imanayay maamulkii suldaankii Sensibaar Sayid Barqash bin Saciid. Waxaa kale oo uu tilmaamay gobollada bariga iyo bartamaha Somaliya oo ay ka talinayeen salaadiintii Majeerteen.

Waxaa iyana jirtay shirkad gaadiidka maraakiibta oo u kala gooshi jirtay Talyaaniga iyo Hindiya. Shirkaddaas oo la oran jiray Societa Navigazione Italiana.ayaa waxaa lahaa nin Talyaani ah oo la oran jiray Rubbotino. Ninkaas oo u baahday guule ama saldhig marakiibtiisa uu ka dhuxulaysto isla markaasna ka sahay qaato, ayaa wuxuu heshiis la galay sanadkii 1869-kii boqor Cafar ahaa oo la oran jiray suldan Rehiet Beregon. Suldaanku wuxuu Talyaanigii ka iibiyay dakadda Casab iyo dhulkii ku xeernaa. Toban sano dabadeed, sanadkii 1879-kii, dhulkaas iyo dakaddii Casab waxaa rasmi ahaan ula wareegay dawladdii Talyaaniga. Tallaabadaasina waxay ahayd tii ugu horaysay oo uu ku gumaystay dadyowgii geeska Afrika.

Kaddib markii uu biya-mareenka Suways sababay is-beddelkii xoogga lahaa ee ku yimid waddooyinkii ganacsiga ayaa dowladdii Talyaaniga waxaa ay goŽaansatay in ay dedejiso mashruuca ay ku doonaysay in ay Afrika ka hesho dhul ay gumaysato, si ay u xoojiso midnimadeeda, isla markaasna ay u kobciso ganacsiga ay dibadda la leedahay.

Damacii Talyaanigu ka lahaa badda Cas iyo dadyowga ku deegaanka dhow ayaa wuxuu noqday mid sugan sanadihii 1870-aadkii, markaas oo uu xoogoobay dhaqdhaqaaqii uu Talyaanigu ka waday degaanka Eriteeriya iyo xeebaha badda Cas. Taasi waxay u gogol xaaraysay damaca gaarka ah ee uu ku doonayay xeebaha Soomaaliya ee ku jeeda bad-weynta Hindiya, taas oo howl-galkeedii uu bilawday sannadihii 1880-aadkii.

Ingiriiska ayaa mar walba dhiiri-gelinayay in Talyaaniga ay u tallaabaan badda Cas, gaar ahaan degmada Masawac oo ay ku yaraanaysay awooddii Turkida iyo Masaarida. 5/ 2- 1885-kii, ciidamo Talyaani ah oo ka kooban 807 nin ayaa waxay qabsadeen degmada Masawac. Ciidamadaas oo uu hoggaaminayay Col. Tancredi Saletta, waxaa taageero siinayay rag hantiilayaal ah oo u dhasahay dalka Talyaaniga. Qabsashada Masawac ayaa waxay Talyaanigu u furtay irridaha uu bariga Afrika ku soo galay. Maalintaas ayuuna kamid noqday dowladihii gumaysatada ahaa.

Talyaanigu wuxuu kamid ahaa dowladihii lagu casumay fadhigii Berliin, laakiinse aanan la awood ahayn dowladihii gumaysiga kaga horeyay. Inkasta oo siyaasaddiisa dibaddu ay difaacaysay heshiisyadii dowladaha Yurub ay ku gaareen shirka, misana majirin dhul cayilan oo dowladihii xoogga lahaa ay u ballan qaadeen Talyaaniga in ay Afrika ka siiyaan. Wasiirkoodii dibadda Pasquale Stanislao wuxuu madashii kala tegay iyada oo loo aqoonsaday xeebaha Soomaaliyeed ee ku sii jeeda bad-waynta Hindiya iyo xeebaha Eriteeriya. Waxaa u weheliyay ballan-qaad ku eg in la xushmeeyo danaha uu ku leyahay badda Dhexe Mediteranean Sea. (C. Zaghi, La conquista dellaŽ Africa. Vol. 1 p. 192).

Waxaa jiray nin ganacsato ah oo u dhashay dalka Talyaaniga magaciisana laŽoran jiray Vincezo Filonardo, oo degganaa Sensibaar. V. Filonardo wuxuu si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa ay Jarmalka iyo Ingiriisku ka wadeen bariga Afrika. V. Filonardo dhowr jeer buu dowladdii Talyaaniga ku abuuray dareen, isaga oo warbixinno u diray si uusan Talyaanigu uga qadin sayladaha waawayn ee degaanka ka jira. Talooyinkii uu Filonardo u soo jeediyay dowladdiisii, dhowr sano kadib ayay mira-dhal yeesheen. Sanadkii 1884-kii dowladdii Talyaaniga waxay guddoon-satay in ay howlo sahmin ah ka bilaabaan jasiiradda Sensibaar iyo gobollada koonfureed ee Soomaaliya (Juba iyo Benaadir). (Raffaele Ciasca : Storia coloniale della Italia Contemporanea. Raffaele Ciasca. pp. 15 - 28, 183 - 188. 1938).

Arahyadii badnaa oo uu Talyaanigu u dirayay degaamada Soomaalida, waxaa loo xil saaray nin sarkaal ahaa oo laŽoran jiray Captain Antonio Cechi, kaas oo hoggaaminayay markab la yiraahdo Barba Rigo oo ay 50 nin saarnayeen. Waajibaadka arahdani ayaa wuxuu ahaa in ay soo indha-indheyaan degaanka Juba-land, kadibna iyaga oo sii dhex-maraya gobollada koonfurta Soomaaliya, in ay gaaraan degmada Kafa ee ku taal koonfur-galbeed dhulka boqortooyada Abasiinya, dabadeed ay halkaas ka soo galaan dalka Eriteeriya. Waxaa kale oo la faray in ay war-bixin ka keenaan dhamaan degmooyinka ay sii dhex-marayaan. Ciidamadii sahanka ahaa ee uu hoggaaminayay A. Cechi, inteyan Soomaaliya iman waxay ku hor mareen Sensibaar. A. Cechi iyo ciidankiis! ! ii waxay Sensibaar soo gaareen bishii abriil sanadkii 1885-kii.

Xilligaas, saddex xoog oo gumaysi ayaa isugu yimid Sensibaar. Xoogaggaas oo kala ah Ingiriis, Jarmal iyo Talyaani, ayaa waxay bilaabeen in ay hooshaan hantidii qoyskii reer Sayid Siciid ee muddada qarniga ah ka talinayay degaanka. Halkaas oo jasiiraddii Sensibaar ay ku noqotay meeshii ugu horaysay ee u dhaawacanta boobkii gumaysiga ee bariga Afrika. Jarmalka oo ku socda heshiisyadii Barlin lagu gaaray oo u saamaxayay in dhulka xeebaha ah ee ku yaal bariga Afrika uu si xor ah ganacsigiisa u maro iyo Talyaaniga oo dhowaan yimid isaga oo damac wado ayaa waxay bilaabeen in ay suldaan Barqash u hanjabaan, kaddib markii uu khilaaf dhex-maray iyaga iyo suldaanka.

Muranka Jarmalka iyo suldaanku waxay ka bilaabatay markii uu suldaanku ka xumaaday sheegashada Jarmalka dhulka xeebta ah ee ku yaal bariga Afrika oo kamid ah hantidiisa. Waxaa kale oo suldaanku uu ka xumaaday in loo daba-maro dhulka gudaha ah ee uu ka soo qafaasho adoomada uu sayladaha caalamka u iib geyo. Sidaa darteed ayuu suldaan Barqash wuxuu u diray boqorkii Jarmalka dhambaal uu ku qoray ereyo adag oo uu kaga gilgilanayay damaca Jarmalka. Ingiriiska oo xilligaas doortay in uu masaalixdiisa ku ilaashado heshiisyada uu la dhigtay dowladaha Yurub ayaa wuxuu ka tanaasulay ballan-qaad uu maamulka jasiiradda siiyay sanadkii 1862-kii, kaas oo ahaa in uu jasiiradda ilaalinayo. Halkaasna waxaa ka muuqata siyaasadda gunta ah ee uu maamulka Ingiriisku weligiis lahaa ee oranaysay (Saaxiib joogto ah ma lihin ee dan joogto ah ayaanu leenahay).

Qorshihii Jarmalka ee gumaysi-doonka ahaa kuma hakan dhambaalkii suldaanku diray. Balse wuxuu xoojiyay barnaamijkii uu ku doonayay in uu bariga Afrika ku gumaysto. Bishii febrawer 1885-kii, dal-mareen Jarmal ah oo la yiraahdo Wells ayaa wuxuu heshiis la dhigtay suldaan Axmad Samaal oo Soomaali ah, degaankiisuna yahay Wiito. Bishii agosto isla sanadkaas, dal-mareen kale oo la yiraahdo Johlik ayaa isaguna 10 heshiisyo ah la dhigtay duqayda qabaaŽilka sawaaxiliga ah ee ku nool agagaarka buurta Kilimanjaro.

Kaddib markii uu Jarmalku cagaha la helay degaankii gudaha ahaa ee Afrikada-bari, waxaa ku dhalatay in uu boobo meelo kamid ah dekadaha badan ee uu suldaanka Sensibaar bilaashka ku haysto. Sababtuna waxay ahayd in, maamulkiisa gumaysi ee uu ka dhisay gudaha qaaradda, uu u helo irrido ay dunida kala xiriiraan. Jarmalkii ayaa ciidamo ku bixiyay jasiiraddii isaga oo mar-marsiinyo ka dhiganaya in uu edeb u yeelo Barqash si uusan mar danbe ugu dhiiran in uu boqorkooda waraaq canaan ah u soo diro.

Waxaa ciidamada hoggaaminayay nin la yiraahdo Comodor Bashin. Waxay dalkooda ka soo amba-baxeen 11/ 8- 1885-kii. Markii ay soo gaareen Sensibaar, waxay suldaanka u dhiibeen qoraal digniin ah oo ay ku xusan tahay in suldaanku uu ka laabto qoraalkii gilgilashada ahaa ee uu u qoray boqorka Jarmalka iyo in uu oggolaado in si madax-bannaani leh uu ganacsiga uga gudbo dekadaha ku yaal degmooyinka uu suldaanku maamulo.

Ciidamada Jarmalka markii ay soo baxayeen waxay horay u soo wateen gabar la yiraahdo Salma bintu Siciid oo la dhalatay Barqash. Gabadhaas oo horay ula baxsatay sarkaal Jarmal ah ayaa waxay dalbaysay in ay qayb ka hesho dhaxalkii aabaheed Sayid Siciid. Suldaankii waxaa u muuqatay khatarta ku soo korodhay maamulkiisii. Ingiriiskii uu isku halaynayayna waa uu ka gaabsaday in uu gacan siiyo. Wuxuu markiiba isku dhiibay saraakiishii Jarmalka ee duulaanka ahaa. Laakiin wuxuu diiday in uu dekadaha u saamaxo maamulka Jarmalka ama wax ka siiyo amaba ka ijaaro, hadba sidii ay doonayaan iyagu. (Barkhat : 1974. p. 421).

Ingiriiska qudhiisu, dhankiisa ayuu suldaanku ka khasbayay oo culays saaray si uu u oggolaado dalabka Jarmalka. Sidaas daraadeed ayaa suldaankii ula saxiixday Jarmalkii heshiis ay qodobadiisu ka mid ahaayeen :

1. Aqoonsi, maxmiyadaha Jarmalku uu ku yeeshay degaanka gudaha ah.

2. In ganacsigu uu si madax-bannaan u maro dekadaha suldaanku maamulo iyo in mid kamid ah dekadahaas la siiyo Jarmalka, iyadoo la ilaalinayo xushmadda maamulka sare ee suldaanka.

3. In cashuur-qaadku uu caadigiisa u socdo, iyada oo xadka ugu sareya ee la qaado ay noqonayso 5 %.

Kaddib markii uu suldaankii is-dhiibay ayaa dowladaha Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska waxay magacaabeen guddi u habeya sidii ay u qaybsan lahayeen dhulkan beylahda ah oo ay muddada ilaashanayeen. Xubnaha Jarmalka uga qayb-galay guddigaas waxaa hoggaaminayay Smith oo ahaa qunsulkii u fadhiyay Qaahira. Ingiriiskana Ketchinr oo ahaa hoggaamiyaha ciidamadii Suudaan ka fadhiyay, Faransiiskana Patromino oo ahaa qunsulkii u fadhiyay Beyruut. Guddigu wuxuu howshiisii ka bilaabay Sensibaar bishii disember 1885-kii. Faransiiska wuxuu damac ka lahaa in uu maamulkiisa ku fidiyo Madagaskar iyo jasiiradaha Comoro oo uu horay u haystay. Suldaan Barqash bin Siciid waxaa loo aqoonsaday maamulka jasiiradda Sensibaar iyo dhulka xeebta ah ee ku beegan jasiiradda. Xuduudda waqooyi ee maamulka suldaanku waxay ku egtahay webiga Taa! ! na. Waqooyiga webiga oo ah dhul ay Soomaalidu wax ka degaan, waxaa loo aqoonsaday Jarmalka. (Ibid : p. 422).

9/ 6- 1886-kii, Jarmalkii iyo Ingiriiskii ayaa heshiis hor leh dhigtay, kaas oo ay ku ciriiryayaan maamulkii suldaanka. Labada dowladood, waxay isla oggolaadeen, degmooyinka hoos yimaada maamulka suldaanku, wixii ka hooseya webiga Taana, in uu ku leeyahay 10 km oo wareeg ah oo keliya. Wixiise ka koreya webiga, uu ku leyahay 5 km oo wareeg ah oo keliya. Wixii dhul ah oo intaa ka baxsan, waxay u bannaan tahay dowlad kasta oo Yurub ah in ay gumaysato.

Bishii sebtember, 1886-kii, guddoomiyihii degmada Laamo ayaa wuxuu xabisay nin u shaqaynayay nin Jarmal ahaa. Jarmalkii ayaa arintaas ka faaŽiidaystay oo ciidan ku hareereyay xeebihii jasiiradda, si ay mar kale u edbiyaan suldaanka. Arintaas waxaa ka dhashay in hantidii suldaanka iyo maamulkiisiiba ay qayb-sadaan Jarmal iyo Ingiriis. 26/ 10- 1886-kii, labada dowlad waxay isla gaareen heshiiskan :

1. Labada dowladood waxay aqoonsadeen, suldaanka Sensibaar iyo jasiiradaha u dhow, in uu ka taliyo dhulka xeebta ah ee u dhexeya webiga Mangabi (koonfur) iyo degmada Laamo (waqoyi) masaafo gudaha ah ee dhan 10 mail. Degmooyinka Kismayo, Baraawe, Marka iyo Xamar wareeg dhan 10 mail. Degmada War-shiikh, wareeg dhan 5 mail.

2. Ingiriisku wuxuu oggolaaday in dekadda Dar es Salaam laga ijaaro shirkadda German East Africa Company oo ay iyadu cashuuraha ururiso.

3. In labo loo qaybiyo dhulka xeebta ah ee u dhexeya webiga Taana iyo webiga Rofma, kaas oo uu kala baro webiga Awmbaah. Qaybta koonfurta ah oo ay kamid yihiin degaamada Kilimanjaro, Shaaja iyo Tabiina, waxay hoos imanaysaa maamulka Jarmalka. Qaybta waqooyi ee ku eg harada Victoria, waxaa nasiib u yeeshay Ingiriiska. Labada dowladood waxay ku ballameen in eyan midoodna midda kale ku soo dhul-fidsan.

4. Ingiriisku, saldanadda Wiito iyo xeebaha ku beegan dhulkooda ayuu u aqoonsaday in ay kamid yihiin maamulka Jarmalka.

5. In suldaanka lagu daro dowladaha saxiixay heshiiskii Berliin.

Heshiiskan oo ahaa kii lagu qaybsaday maamulkii Barqash ayaa taariikhdu markay ahayd 22/ 12- 1886-kii, labada dowlad waxay ku khasbeen in Barqash qudhiisu in uu kamid noqdo ragga saxiixay.

Kahor inteyan heshiin Jarmalka, ayaa suldaanka iyo Talyaaniga waxaa dhex-maray sheeko midaan u muuqaal eg. Sheekadaasi waxay bilaabatay mar uu dhamme Cechi codsaday in uu la kulmo suldaanka. Waxaa xusid mudan in suldaanku uu xilligaas weli sheegto in uu ka taliyo qaybo kamid ah degaamada ay ku socdeen arahda Talyaanigu. Cechi suldaankii wuxuu u gudbiyay codsi ah in ay heshiis ganacsi yeeshaan, iyo in ay dowladda Talyaaniga qunsul ka furato Sensibaar. Talyaanigii iyaga oo aanan weli jawaab ka helin dalabkii Cechi, ayaa waxay misana codsadeen in dekadda Kismayo looga kaco si ay ula wareegaan, haddii kalese la siiyo dekad kasta oo kale oo ku taal agagaarka webiga Juba. Ujeeddada uu Talyaanigu marakan lahaa waxay ahayd in uu isku xiro dekadda Casab oo uu markaa haystay iyo dekadda Kismayo. Suldaankii Sensibaar aad buu uga carooday codsiga Cechi! ! , wuxuuna ku sigtay in uu is hortaago dhammaan codsigii Talyaaniga oo idil. Si uusan wada-hadalku u fashilmin, waxaa soo dhex-galay qunsulkii Ingiriiska u fadhiyay Sensibaar oo laŽoaran jiray Sir. Kirk. Qunslku wuxuu ahaa nin takhtar ah, baadari ah, dal-mareen ah, in muddo ahna wuxuu deganaa Sesibaar. Sir. Kirk wuxuu ku dadaalay in uu is af-garad ka dhex abuuro suldaanka iyo Cechi. Ugu-dambayntiina wuxuu ku guulaystay in uu heshiis ka dhex abuuro suldaankii iyo kabtankii, kuwaas oo qodobadii ay ku heshiiyeen ay sidatan ahayd :

1. In Talyaaniga la siiyo xoriyad uu dhulka Soomaaliya kaga ganacsado iyo ruqsad uu ku ijaaran karo dhulka, guryaha iyo dukaamada ganacsiga.

2. In dadka Soomaalida ahi eyan xaq u lahayn in ay galaan guryaha dadka Talyaaniga ah.

3. In laŽammaan siiyo dadka u shaqeynaya Talyaaniga.

4. In irridaha loo furo socdaalka ay dadka Talyaaniga ahi ku imanayaan kagana dhoofayaan Soomaaliya.

5. Haddii ay is-qabtaan dad Talyaani ah iyo kuwo reer Yurub ah in arrintooda loo gudbiyo maxkamad.

6. Haddii ay wax dhex-maraan nin Talyaani ah iyo nin Soomaali ah, qunsulka Talyaaniga wuxuu xaq u leeyahay in uu dhexgalo haddii uu ninka ashtakoonaya uu Soomaali yahay ,haddiise ninka ashtakoonaya uu Talyaani yahay dacwadda waxaa goobjoog ka ahaanaya Suldaanka ama ruux ka wakiil ah.

Taariikhda uu heshiiskaasi dhacay waxey ahayd 28/ 5- 1885-kii.

 


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:15 AM. Webmaster HomePage