19 May 2007 04:27

SOMALIA WATCH

 
Column
  • [SW Column] ( Maxamed Cali Jimcale) AXMAD DUCAALE GEELE"XAAF" MA SULDAAN BEELEED BAA?  : Posted on 30 Nov 2002

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.


 
AXMAD DUCAALE GEELE"XAAF" MA SULDAAN BEELEED BAA?

 Maxamed Cali Jimcale Show all headers  <majimcale@hotmail.com>

Taariikhda Xaaf

Aakhirkii lixdameeyadii, Xaaf wuxuu shaqo ka bilaabay Bankigii la oran jiran Boorsaciid ee Masaaridu laheyd oo ku yaalay magaalada Muqdishu. Muddo yar dabadeed ayaa shaqadii waxaa looga ceyriyey tooganimo. Baanka laftiisa waxaa shaqada si qaraabo kiil ah ku geeyey Cali Nur Mohamed Hagi oo adeerkiisa ah oo ahaa nin Masar wax ku soo bartay, madaxda Baankaasna ka mid ahaa. Sanooyin ka dib, Xaaf wuxuu aaday dalka Boqortooyada Suciidiga, gaar ahaan magaalada Jeddah. Dad Soomaali ah oo ganacsato ah ayuu la shirkoobay oo muddo yar ka dib shirkadii iyo dalka Sucuudigaba looga saaray wax is dhaafin iyo musuq maasuq.

Durbadiiba, Xaaf oo ah nin damac iyo boob xoolo dad kale jecely, wuxuu u wareegay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ka bilaabay ganacsi iyo dad la shirkow. Tani waxay ku tuseysaa in aan Xaaf waligii iskiis isu taagin ee uu mar walba raadinayey dad aan aqoon oo uu boobo. Dalka Imaaraadka Carabta oo ganacsigiisu fur furan yahay ayaa waxay Xaaf u soorta galisay in uu gacanta ku dhigo badeeco fara badan ee nooca soo cadeynta ah. Markii sidii dabeecada u aheyd oo la filayey uu xaaf soo cadeyn waayey hantidii dadka Soomaalida ah iyo ajnabigu ku aamineen, ayna khasab noqotay in maxkamad la soo taago, ayaa Xaaf waxaa dani biday in Sanduuqa dadka meydka ah lagu qaado dalka Imaaraadka looga soo saaro, taas oo ah inta taariikhda la ogyahay xeeladii ugu horeysay ee qof Soomaali ahi isticmaalo.

Wixii intaas ka dambeyey, Xaaf oo aan aadi Karin meel ka baxsan Soomaaliya wuxuu bilaabay in uu dalka gudihiisa ka sii wato dhacii, turufadii, boobkii iyo tuugadii. 13kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxay u noqotay Xaaf waqtigii noloshiisa ugu fiicneyd oo uu helay wixii uu waligii ku hamiyi jiray.

Muqaal ahaan, Xaaf waa nin buuran, madaxu cadaaday, ilkuhu casaadeen, indhuhuna waqti walba gaduudan yihiin. Waa nin intiisa badan noloshiisa ku soo weynaaday xoolo dad kale iyo wax uusan laheyn ama tacban. Xaaf wuxu soo caan baxa mudaddii dalku ku jiray dagaalka sokeeye.

Xeeladaha Xaaf Umadda Hantideedii Ku Xaalufiyey

Ficilada Xaaf ku hayey hantida iyo nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka degan Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaa ka mid ah dhaca, dil, boob, xaalufinta, hanjabaada, afduubka.

Xaaf wuxuu ahaa oo dad xamar oo dhan ay ogyihiin ninkii ugu horeeyey ee Taalooyinkii taariikhda Soomaalida meesha weyn uga jiray (Sayid Moxamed Abdulle Xassan, Dhagaxtuur, Axmed Gurey iyo Xaawo Taako) intuu fujiyey u beec geegey dibadda. Wuxuu ku magac baxay in uu ahaa ninkii ugu horeyay oo horseeday fujinta iyo rarida warshadihii wadanka oo dhan sida:Warshadihii Xoogga Korantada ee Xamar Weyne, Jezira iyo Huriwaa, Warshadii Daawada ee ex Kontarool Afgooye, Warshadii Hargaha ee Jaamacadda Umadda gadaasheeda, Mashruucii beeraha ee Jiza iyo wixii qalab yaaley oo ay ka mid yihiin baabuurta waaweyn, cagafyada, qalabka wadooyinka lagu dhiso oo illaa iyo hadda yaala garaashyadiisa. Garoonka N0. 50 ee Xaaf uu yahay goobtii mashruuca.

Sidaas oo kale, wuxu dhacay Qalabkii Shirkadii Talyaaniga ee dhiseysay wadada isku xirta Muqdishu iyo Marka, qalabkaa oo hadda lagu arki karo gegeda diyaaradaha ee No.50, Qalabkii Mashruuca Libsoma ee horumarinta beeraha, Beertii ay laheyd Ururka Flastiin ee ku taalay Golweyn oo uu illaa iyo hadda gacantiisa ku jirta, Bililiqadii qalabkii iyo hantidii shirkadii mooska ee SOMBANA, dhulka weyn ee dawladu leedahay (hanti dadweyne) ee ku yaalla agagaarka Carwadii hore oo Xaaf u ah bakhaar ay ka buuxaan qalabkii magaalada wixii ka soo haray intii uu dibada u dhoofiyey.

Xaaf Isbaara ayaa u taala agagaarka dhismihii Ciidanka Asluubta ee jidka isku xera Muqdishui yo Afgooye. Goobtan oo qoryaha waaweyn oo "Zuuga" loo yaqaan ee Xaaf leeyahay ay taalo, waxaa lagu dilay kumaan Soomaali ah, hantidoodana lagu dhacay. Ilaahey hortiis iyo umadda Soomaalida, Xaaf ayaa mas�uuliyadeeda oo dhan iska leh.

Degaanka Xaaf

Intaas waxaa raaca in Xaaf xoog ku degan yahay labo guri oo bililiqo ah oo dadkii lahaa ay Eldoret ugu yimaaheen si ay ashtako uga geystaan Guddiga Hanti isu celinta ee shirka. Labadaas qofood oo guryahooda la kala heysto waxy kala yihiin, Nadifa Farah Jama iyo Caasha.

Intaas waxaa u dheer in Xaaaf wiilkiisii curadka ahaa ku aroosiyey guri kale oo bililiqo ah oo uu leeyahay Yusuf Nur Xassan (Bidde) oo isna hadda ku sugan Eldoret. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa, "Hal xaaraan ahi, Nirig halaal ah ma dhasho."

Shaqada Xaaf

Axmed Ducaale Geele (Xaaf), oo sheegta in uu yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DKMG, waxaa kale oo uu sheegtaa in uu yahay ganacsato iyo "Suldaan", laakiin shaqadiisa rasmiga ah waxay tahay:

  • Wakiilnimada shirkada Daallo Airlines oo uu si xoog ah ku heysto
  • Isbaarada u taala agagaarka Xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta oo ay wali ka qoyantahay dhiiga dadkii masaakiinta ahaa ee lagu laayay
  • Shaqada ay qabtaan garaashyada badan oo dhamaantood ay ka howgalaan qalabkii la soo bililiqeystay ee kor xusan.

Xaaf Sideebu Kuyimid Eldoret?

Axmed Ducaalle Geele (Xaaf) wuxuu hadda ku sugan yahay magaalada Eldoret ee dalka Kenya. Xaaf kama tirsaneyn wufuuda la martiqaaday ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, wuxuuna heystaa warqad aqoonsi oo been abuur ah oo uu si musuqmaasuq ah ku helay. Ciidamada amniga ee Kenya ayaa sidii Xaaf ku helay warqada aqoonsiga ee shirka baaris ku haya.

Axmed Ducaale Geele (Xaaf) iyo dadka la mid ahi oo ay sugeyso la xisaabtan dhab ah wixii dad ay laayeen iyo hantidii ay umadda ka boobeen ma rabaan Dawlad Qaran oo leh sharci iyo kala dambeyn. Xaaf wuxuu u yimid in uu carqaladeeyo shirka Eldoret si aan waligeed Dowlad Soomaali ah oo loo dhan yahay aysan u dhalan.

Tan ugu dambeysa dhaqanka Soomalidana yaab ku ah waa sheegashada Xaaf ee "Suldaanka Beesha Sacad" oo aan waligeed yeelan Suldaan. Ma idin la tahay ninka intaas arrimood ee kor lagu soo sheegay sameeyey hadana wali gacanta kula jira uu ka xishoonayo sheegasho "Suldaan" been abuur ah?

Maxamed Cali Jimcale


[Column]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:15 AM. Webmaster HomePage