19 May 2007 04:15

SOMALIA WATCH

 
Column
  • [SW Column](Cumar C.Barre) Jiil iyo Mas'uuliyad :Posted on [05/19/07 04:15 ]

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.

Jiil & Mas’uuliyad

Cumar C. Barre - <guled57@hotmail.com>  

Qodobkaan oo ah aragtidayda gaar, aanna sheeganayn madhaafaanimo, noocaydoonto ha noqotee, kana xor ahayn, dhimanaansho, ilduuf iyo dhaliil, waxaan ku eegi doonaa: dulmar xiriirkii Soomaaliya iyo dowladaha aduunka u xoogweyn; mururgga Soomaaliya iyo madinimadeeda; duulaan shisheeye; lumin mas’uuliyaddii qaranimo, dhankuu ka istaagidoono USA maanta arinta Soomaaliya; Soomaaliya, qabyaalad iyo hoggaamiyeyaasha dagaalka sokeeye;  Xilka dhaqaalaha Soomaaliya iyo xal daawo maxaa u noqonkara mururga Soomaaliya.  

Tobankii sano ee u dambaysay qarnigii 20 aad iyo bilowga qarniga 21 aad, Soomaaaliya, sidii qarnigii 19 aad dhammaadkiisii iyo qarnigii 20 aad bilowgiisii bay markale waxay noqotay dal ka cayr ah nooc kasta ee difaac dano Qaran! Dadka soomaaliyeedna wuxuu noqday mid ka caagan nabadda, nagaanshaha iyo mirohooda. Taasina waxay halis joogto ah ku noqotay soomaalida iyo lahaansheheeda; Adduunka intiisa kalana, markaan waxay ku tahay dhibaato joogto ah oo aan wali xal loo hayn[1], 

Kali - Madax la’ “Madi” 

Soomaaliya wali waa kali- qardajeex “Madi” sokeeye iyo daris dhab ahaan badbaadiya aan lahayn. Sidii dhicijirtey shantii qarni ee u dambaysay kun sanaadkii dhawaan dhamaaday iyo laga yaabee kahorba, ayaa haddana dalkaani noqday Goob “arena” Dagaal noocyo badan, gaar ahaan yool – bar tilmaameedka 1 aad ee dalka maanta adduunka oo dhan ugu “xoogweyn” uguna “hodonsan”, laakiin Soomaaliya kuma aha wax cusub in dowladda aduunka ugu “xoogweyn” ugu Hodonsan” kusoo duusho;

Duug-cusub 

Purtugues–former power in the Indian Ocean region,”Abyssinia”-Ethiopia Oman,Great Britain,Italian impiries, France, Italia, “USSR” and USA Republics kuligood midba moogiisii wuxuu ahaa ama hadda yahay xogga 1aad ee adduunka ama xoogga 1aad ee gobol, kuligoodna wadar ama kali waxay tos, dadab, si buuxda ama qayb ahaan bareer ama qarsoodi ugu soo duuleen una waxyeeleeyeen soomaalida iyo lahaan sheheeda[2]. Marka dhankaas arinta Soomaaliya laga eego wax cusub ma noqonayso, goodiga, qabanqaabada duulaan, weerarka dhaqaale, dagaalka qalabka warfaafinta, siyaasadda, diblomaasiyada iyo nooc dagaal kasta oo kale; 

Laakiin, haddii U.S.A., isticmaalo – ceego dhaqaale, gacan ka hadal ciidan, dagaal warfaafin iyo isgaarsiin,cadaadis siyaasad iyo diblomaasiyad, takoor bulsho, cadaawad diimeed, isku dir iyo kala geyn beelaha soomaalida, kuligood lid ku ah soomaalida iyo lahaansheheeda, nuxrurkoouna yahay – ciqaab aargoosi oo ku began dhacdadii Muqdisho 1993, mudan marin ,“socialization” iyo dhamaystir “madixii ka qabyoobay  hawlgalkii “Tesk Forces-UNOSOM[3] 1992-1995, Soomaalida iyo lahaansheheeda waxaa soo foodsaaridoona, nagaansho la’aan raagta, khatar jiritaan iyo murug hor leh oo ay adkaandoonto in la soxo haddiiba isku daygiisu suurogalo, waana mid muda 

Lumin  

Soomaaliya waxay lumisay mas’uuliyaddii ismaamuliddii qarannimo, waxaana adduunku ugu yeeraa “failer State” waana De facto, USA oo isugu yeera - “Mighty & Kind”- awoode iyo same, Soomaaliya ugama baahna in uu ku  soo duulo oo hub iyo taaktiko cusub lagu jitaabiyo, laakiin waxay u baahantahay saaxiibo xor ka ah naaro-afuufnimo, lugooyo iyo kuwiirsi; fal ahaana ula diyaara gacansiin dhab ah, ku waa soo qayb ka qaadan kara soocelinta qaranimadii Soomaaliya iyo ismaamulid mas’uuliyad hanasho laaanshaha dalka iyo dadka, doorashaduna markaan waxay hortaal  Mr “Mighty & kind” – USA; 

Soomaaliya daawo uma noqonkarto, umana baahna in hogaamiyayaasha dagaalka sokeeye in kamid ah loogu yabooho “aqoonsi” ama in si kale shisheeye u xushay loogu yeero wakiiladii dhabta ahaa ee soomaaliya, laakiin waxay Soomaaliya, dariskeeda iyo adduunka intiisa kaleba u baahanyihiin in Soomaalida lafteedu hoos ilaa kor soo xulato ciddii mas’uuliyadeeda ay ku aamini  lahayd, adduunka dibaduna ku taagero taas oo uu joojiyo yeeriska, shuruuda danagar ahaaneed iyo gacan kula jirka arimaha guriga Sooomaaliya; 

Markale maxaad tiri? 

1947-1949, 1977-1978, 1992-1995[4], United States of America, waxaa horyimid : aaya katalinta iyo gumeysi ka xorayn ”Italian’s Colonia”;taageerid ayaa katashi Soomaalida Ethiopia rabitaan la’aanta ugu hoos nool; difaaca Soomaaliya; badaadin malaayiin soomaaliyeed oo dagaal sokeeye, abaar iyo barakac halisgaliyeen, go’aano qaadashadii, meelmarintoodii iyo nuxrurkoodii dhamaad taariikhdu waa diiwaan galisay, soomaaliduna ma ilaawin;

11.09.2001-, markale qadiyada soomaaliyeed waxay hortimid United States of America, Waxaan shaki kujirin in jawaabtu ayna kabadan doonin maya ama haa, laakiin waatee weeye iswediintu, waxaan hubaa inta Soomaalida ugu wax garad iyo mas’uulsan in ay ka argagexeen, kana xunyihiin, aafadii 11.09.2001, haddii cid soomali dhalashadeedu tahay ay lug ku lahaydna ayna wakiil ka ahayn dalka iyo dadka soomaaliyeed, sababtaas iyo kuwo kale dartoodna ay haboon tahay, miidaanday, taxadar iyo tixgalin tilaabo kasta oo dibadu u qaadayso dhanka Soomaaliya, xiriirna la yeelan karta dhacdada aan kor ku soo xusnay, gaar ahaan USA;

Siday ila tahay, xaaladda maanta Soomaaliya ku sugantahay qayb ahaan nuxrurkeedu waa dalagii uga soo go’ay abuurkay shalay beeratay; Maqnaantii fal caqli fogaan-arag maamul, faham saxa ee mas’uuliyad Qaran, wadaag doonis iyo diidmo heer dal ee difaac Qaran, dhawris madooyinkii nolosha, heer humarka dhaqan dhaqaale, taariikh – fiisiko-joqoraafiyeed iyo fahamka adduunka dibada dhammaantood, waxay waalid u noqdeen murugga iyo ur-waaga maanta dalkaan ka jira, arimahaasi waxay kaloo mado, cimilo fuf iyo dhiiragalin siiyeen – Nitooxsiga, Gumaadka, Duminta qofka iyo lahaanshihiisa, sidoo kale waxay dhiiragalin siiyeen kala hororsiga ku diinka mudan ee maanta ka jira Soomaaliya, gaar ahaan kala hororsiga “xukunka, dagaalka, boobka, dilka, duminta, daadinta dhiigga dadweynaha, nabaadguurinta iyo dabargaynta dagaanka iyo kunoolihiisa 

“Qabyaaladi dugsi malha waxay dumisa mooyaanee Timocade  

Fiisiko-bulsho-dhaqaale ahaan, Soomaaliya waxaa hogaamiyeyaasha dagaalka sokeeye iyo taageerayaashoodu u qurbeen ama u kitfeen beel-beel, reer-reer iyo qoys-qoys, waxaana burburay hanaankii fiisiko joqoraafi xirir ee horay dalka uga jiray, xiriirkii soojireen dhaqan-dhiig, waxaana badalay qaadanwaa ku faafay dhammaan qaybaha nolosha bulshada; 

Maqnaanta madooyinkii isu gudbin, kala badalosho, xiriir iyo adeeg, waxaay de facto u abuurtay kala biskood ku dhacay qaybihii fiisiko ee dhulka Soomaaliya loo kala kitfay, taasna waxay sii murgisay shaqada  waaxyaha Soomaaliya; 

Hanaankii nolal adeeg ee burburay meeshiisii waxaa badalay murug[6], qoqobyo qabyaaladeed danaysi gaar ahaaneed, kuwaasoo ku salaysan: bulsho ahaan cadaawad qabyaalad iyo shalay dhineceedii xumaa, dhaqaale ahaan xoog fiisiko, sharcidaro,  (suuq madow, maafiyanimo dhaqaale iwm); Siyaasad ahaan maandayow, qardajeex, nafjeclaysi, axmaqnimo (idiotism); Ciidan iyo Dhaqan ahaana beel-beel, reer-reer iyo qoys-qoys[7]

Haddii arimaha aan kor ku soo sheegnay ay yihiin kuwo caad yaala oo muran ka xor ah (axiom), isku qabsiga madaxnimada maamul dagaan-beeleedyada ama sheegashada dawlad beeneedyada iyo wakiilnimada “sharcinimo” ee lagu sheeganaayo in lagu matalo qaranimada Soomaaliya miyeyna ahayn kuwo sii murginaaya dhibaatada dalka iyo dadka Soomaaliya?, shisheeyaha la kala safan kooxa aan kor ku xusnay ma badbaadinaayaan mise waa dabar goynayaan soomaalida iyo lahaansheheeda?

Jawaabaha su’aalahaan waxaan hordhigayaa jiilka iyo xilqabadka Soomaaliya, aragtidayda arintaan ku aadaan, marka si kooban loo dhoho qoraalkaan ayaan ku soo bandhigay; 

 Sikasta arin horay ha u ahaatee, hanaanka dhismo iyo hanaanka shaqo ee Soomaaliya hadda ku sugantahay, waxay ina tusayaan fiisiko-joqoraafi ahaan: 1) In Beel iyo dagaankeed kasta ay iskood go’doon uga yihiin dagaamada iyo beelaha dalka intiisa kale marka la eego soo jireenkii hore; isla markaasna laftooda isdiid ka dhex jiro, 2) In Maamulka dagaan kasta muuqaal iyo mudashaba yahay laba wajiile afkana qoysgooni inta kale ka madax banan! yahay, fisiko-joqoraafi iyo bulsho-dhaqaale ahaana si aan habaysnayn ugu xiran yahay dalka intiisa kale; 3) In maamulada dagaanada beeluhu ayna lahayn awood buuxda ee hanasho mas’uuliyadda dagaankooda, dadka iyo lahaanshihiisaba, marka la eego xiriirka dalka intiisa kale iyo dibadda dalkaba; 

Haddaba haddii arintu sida aan kor ku soo sheegnay tahay, qoqobyada ku dhisan rabitaanka iyo doonista hoggaamiyaasha dagaan-beeleedyada, hoggaamiyayaasha dagaalka sokeeye iyo taageerayaashooda Nabadda, nolosha, iyo furdaaminta murugga gurigeena maxay faa’iido u leeyihiin? 

Siday ilatahay, qoqobyada qabyaaladdu sahal iyo deg-deg bay ku abuurmeen, laakiin laguma baabi’in karo sahal iyo deg-deg, waxayna u baahanyihiin wakhti, halgan, dulqaad iyo ugu yaraan rabitaan midaysan, waayo sii jiritaankoodu waxaan khasaaro ahayn ma soo kordhindoono; dhan kalana waa in aan xusuusanaa, xuduudka Qabyaaladdu wuxuu ku shuxay gudaha dhuuxa iyo maskaxda dad badan; Sidoo kale xoog fiisiko laguma ilaalinkaro jiridiisa oo deg deg ama daahid waa kii isdhalan badala; 

Xal 

Marka xalka ugu wanaagsn ee xuduudka qabyaaladda ee dalka iyo dadka kala dhexyaal looga dhexsaari karo ayey ilatahay qoyb kamid ah in ay noqonkarto:  

In dagaan kasta aw abuuro, Nabadayn heer dagaan, qoys iyo beeleed, dhaqaale furan oo xor ka ah khasbid, cabsi iyo kali lahaan qalabka wax soo saarka, suuqyada, badeecadaha iyo adeegga heer walba ee dagaan-beeleed;

 Sida dad badni ogyahay badeecadda iyo adeegu markey nabad galyo haystaan ma yaqaaniin qalo, ganacsade kasta meeshii, goortii iyo ninkii uu ka faa’iidayo waa sokeeyihiis, intii karaankiis ahna wuxuu tagayaa meel kasta oo uu gaaro, kala badalashadana waxaa feer socda, sahano, horsed, isbarasho, gaadiidlaha, xawaaladlaha, daaweeyaha, baraha, dhisaha, tumaha, tolaha qoraha, taleefoonle iyo adeegayaasha kale ee bulsho, iyaguna sidoo kale, waxay  diyaar u yihiin in qof iyo meel kasta oo ay ka faa’iidayaan badeecadooda adeeg ka iibiyaan, waxayna isku xire kale u noqonaayaan dagaanada iyo beelaha kala qoqoban, si aan muuqanna waxay u tirtirayaan xuudduudka qabyaaladda; waxayna soo celinkaraan wada dagidii, iska gurrsigii, is dhexmarkii wada shaqaysigii iwm; 

Haddaba markii, dagaanba dagaanka kale badeecad iyo adeeg isdhaafsi la yeesho, waxaa bilaabanaaya is dhexmar bulsho, isbarasho, is aamin, heshiisyo laba dhinac ama kabadan, maalgalin, maadin dano – (maslaxado), waxaa abuurmaaya shaqooyin; 

Aan isweydiinee dhaqaalaha Soomaaliya, mayahay mid hawshaas fulinkara? 

Inkastoo waayahaan dhaqaalaha Soomaaliya uu ku naafoobay dagaaladii sokeeye ugana dartay diidmada dalalka khaliijku diideen xoolaha Soomaaliya iyo dhacdadii 11.09.2001, haddana hadduu hoggaan toosan helo, bilow fiican waa u noqon karaa hawshaas; Dhaqaalaha dalkaani dhismo ahaan wuxuu ka koobnaa 5 qaybood oo waaweyn: 1) Dhaqaale xoolo-beero; 2) Dhaqaale adeeg; 3) Dhaqaale badeed; 4) Dhaqaale awood dadeed iyo; 5) Dhaqaale warshado; 

Warshadihii dalku waxay noqdeen fiisiko ahaan hawlgab, waayo wax dagaalkii  fisiko ahaan ku burburay iyo wax shay ahaan la bilili-qaystay! ayey noqdeen, taasna waxaa door weyn ka ciyaaray  dalka oo dhaqaale iyo siyaasadba u dhisnaa “One State City”; Xoolihii waxay noqodeen kuwo ay kala jabsadeen col, cudur iyo abaar, dhulbeereedkii dalka ugu wanaagsanaana wuxuu noqday goob dagaal; dhaqaalhii badduna wuxuu noqday mid gacanta u gala (Pirates) shisheye iyo maafiya gudaha ah; Awooddii dadkuna  waxay noqotay mid ku wiiqanta ciidamaynta bulshada, tababar iyo tacliimayn la’aan iyo siigurid kaadarkii hore, geeri, geedi ama gabow darteed

Dhib iyo culayskasta hajiree, nabadaynta iyo abuurida bilow dhaqaale furan, waxay suuro galin kartaa, bilow joojin dagaalka sokeeye, dagaalada siyaasadeed, dagaalada dhaqaale, dagaalka bulsho ee ka dhexsocda kooxa xukunka ku loolamaaya, waxay yarayn kartaa fara galinta dibaadda arimaha guraga soomaaliyeed, waxay xorayn kartaa (resources) aad u badan oo loo isticmaali karo nolosha horumarinteeda;

Sidoo kale waxaa meesha ka bixi lahaa been sheegashada: madxnimo[9], dowladnimo, wakiilnimo ee ka jirta dagaamada beelaha soomaaliyeed oo dhan[10], waxaa wadadu u banaanaan lahayd ninka/gabadha oraah iyo falba wax ku kordhinkara badbaadinta soomaalida iyo lahaansheheeda; Sidoo kale waxaa maddo heli lahaa abuur maamul dowlad soomaaliyeed oo dagaan kasta iyo  beelkasta doorkooda ka qaataan una arkaan toodii;  

Haddii sidaan aan u hawl galno, aduunka dibadu wuxuu helikaraa, meel wakhti , wakiil rabitaan caad yaal ah oo ku saabsan arimaha dalkaan, waxaana dhanka Soomaaliya iyo adduunka dibaduba xal u heli lahaayeen nitooxsiga, kala hororsiga iyo kali ku takrifalka sharci daro ee arimaha soomaalida iyo lahaansheheeda; 

Hoos ka soo dhis iyo Dhex isugu imow 

Ugu dambayn nabadaynta iyo badbaadinta Qoran soomaaliyeed markaan sida kaliya ee ay ku suuro gasho, ilamaha dawlad la aqoonsanyahay baan ahay!, dhulaw kaama kaco –  xukun dagaan-beeleedka ama waa goostay iwnm;

Laakiin nabadaynta iyo badbaadinta soomaalida iyo lahaansheheeda, siday ilatahay, waxay ku suuragalikartaa, hoos ka soo dhis iyo dhex isugu imaad; 

Sababaha diidaya markaan kor ka soo dhis Soomaaliya, waxaa ka midnoqonkara: Caddaawada dhiig, hanti, aragti, awood yarida dhanwalba, qoqobka dagaanka qabyaaladeed iyo faragalinta dibadda darteed; suuro galna ma’aha in shir inta kooxo isugu yimaaadaan, maalmo gudohood Soomaaliya kor ka soo dhisaan, aragtidaana waxaa cadayn u noqonkara “kulamadadii, shirarkii, wadahadaladii iyo heshiisyadii” hogaamiyaasha dagaalka sokeeye[11] dhexmaray in kabadan 10 jeer, iyo in ka badan 10 sano;

Waaya aragnimadaan oo inaan layeelan ay ka wanaagsantahay, waxay nabaraysaa in badbaadinta Soomaaliya hoos ka soo dhisid ku imaankarto, laakiin siiwadida kor ka soodhisid ay maandayow, qardajeex, wakhti dhumis,  khasaaro iyo naaro afuufnimo  dibada ah tahay, Laakiin waxaan rajeynayaa, in bisaylka soomalida ee maanta iyo mas’uulnimada adduunka intiisa kale dhakhso ay daaweyn buuxda ugu heli doonaan mururgga Soomaaliya.                       ?? ??? ? ?

 Jiil iyo mas’uuliyad waa isma huraan, nuxrur iyo diiwaan galna waa lagama baaqsadaan dooro madhaafaan badbaado soomaalida iyo lahaansheeda, noqona libin kugeeraar


[1]  Boutros Boutros-Ghali: Unvanquished A U. S. – U.N. Saga, I.B. Tauris Publishers, London, 1999,   pp.53-60, 94-102

[2] Abdi Sheik-Abdi: Divine Madness Mohamed Abdulle hassan (1856-1920)Zed Books Ltd, Londn &  New Jersey, 1993, 28-181 pages

[3] S/26317, 17 August 1993, No 93-44535 (E) 170893 , 1-31 pages.

[4] Jeffrey, A. Lefebvre: Arms for the Horn: U.S. Security Policy in Ethiopia and Somalia 1953-1991,

  University of Pittsburgh Press, 1991, 32-52; 175-275 pages; Herman, J. Cohen: Intervening in

  Africa:Superpower peacemaking in Troubled Continent, An ADST-DACOR Diplomats and

  Diplomacy Book; Macmillan Press Ltd, 2000, 1-16, 197-228 pages

[5] William, H. helin: The Horn of Africa// in Refugees II, 1990, No 72, 19-21 pp.

[6] Yvette, Pierpaouli: Kenya: Hunger everywhere // in Refugees VII, 1992, No. 90, 8-11 pages

[7] Jefrey, Herbst: States and Power in Africa, Comparative Lessons in Authority and control, 

  Princeton University Press, New jersey, 2000, 254-255 pages

[8] Herman, J. Cohen: Intervening in Africa, Superpower Peacemaking in a Troubled Continent,

   Macmilan Press Ltd, London, 2000, 197-217 pages

[9]  Abba, Eban: Diplomacy for the Next Century, Yale University Press, New Haven & London, p.136.

[10]  Ibid

[11] Boutros, Boutros-Ghali: Unvanquished … , 54 p., 94 p.; UN/A/48/850/Corr,1, 26 February 1994,   94-10688 (E) 030394 03/03/94, 1-31 pages

[Column]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:03 AM. Webmaster HomePage