19 May 2007 04:15

SOMALIA WATCH

 
Country
  • [SW Country][APL] Mudane Maxamed Xassan Nuur (Shati Gaduud) oo Maanta loo dhaariyay Xilka Madaxweyne nimada Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.   :Posted on [2 April o2]

 

Mudane Maxamed Xassan Nuur (Shati Gaduud) oo Maanta loo dhaariyay Xilka Madaxweyne nimada Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

1 April  2002

 

Maagaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo waxaa saaka lagu qabtay xaflad aad u balaaran oo lagu dhaarinayay Mudane Maxamed Xassan Nuur (Shaati Gaduud) oo loo doortay Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya  oo shalay lagu dhawaaqay.

 

Xafladaan waxaa ka soo qaybgalay mas'uuliyiin sare iyo saraakiil sare oo ka tirsan golaha SRRC , waxaana amaanka si weyn u sugayay ciidamadii ka tirsanaan jiray jabhadii RRA oo iyada jiritaankeedii dhamaaday laga bilaabo ku dhawaaqida maamul goboleedkaan, 

Dr.Xassan Maxamed Nuur (Shaati Gaduud) oo saaka loo dhaariyay xilka Madaxweynanimada Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya.

xaflada oo ku bilaabatay jawi sare waxaa isagu fadhiyay Madaxweynaha Cusub oo ay dhinac fadhiday Marwadiisa Sahro oo iyadu xirnayd dharka hidaha iyo dhaqanka Somalida, guud ahaan magaalada Baydhabo ayaa saaka waabarigiiba waxaa ka bilowday damaashaad dadku muujinayeen sidda ay ugu faraxsan yihiin maamul goboleedkaan lagu dhawaaqay.

 

Maamul goboleedkaan ayaa sidda uu sheegay gudoomiyaha gobolka Bay Maxamed Cali Aaden (Qalinle) waxa uu ka koobnaan doonaa lix gobol iyo iyo lix beelood ee ku dhaqan goboladaas, wuxuu Qalinle sheegay in dhamaanba dadka ku dhaqan goboladaani ay iminka ka mid noqdeen maamul goboleedkaan cusub.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa si weyn loogu lafa guray magaalkada Baydhabo qaab dhismeedka maamul goboleedkaan iyo sidda awooda loo qaybsanayo, Maxamed Cali Aaden Qalinle ayaa sheegay in maalmaha soosocda lagu dhawaaqi doono magacyada xubnaha golaha xukuumada oo tiradoodu gaarayso 19 wasiir iyo 19 wasiir ku xigeen kuwaas oo lagu qaybasan doono si siman oo beel walba miisaankeeda ku jaan go'an, Qalinle wuxuu sheegay oo kale in xubnaha golaha xeer dajinta ay beeluhu soo xulan doonaan dhawaan.

 

Dhismaha maamul goboleedkaan ayaa ku soo beegmay xili la filayo in dalka Kenya lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Somalida oo ay soo qaban qaabiyeen dawlada ururka IGAD ee Bariga afrika.

 

Jamaal Faarax Aaden

AllPuntland Gaalkacyo


[Country]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:03 AM. Webmaster HomePage