19 May 2007 04:21

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • [SW News] ( "Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike)Wararkii Ugu Danbeeyay ee  Puntland, NBi Kenya  Iyo Waliba Dubai, UAE. : Posted on 9 May 3003

Date: Mon, 05 May 2003 21:58:04 +0000
Subject: Wararkii Ugu Danbeeyay ee  Puntland, NBi Kenya  Iyo Waliba Dubai, UAE.

From: "Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike" <faaraxbotan@hotmail.com>


sida lawada ogsoon yahay waxa kor usookacay rajadii laga qabay in xal 
nabadeed lagu soodabaalo  gayiga Puntland ee somaliya,  saaka saacaddu 
markii ay ahayd 11:30 barkahdii ayaa waxa isu soobaxay dadwayne aad u 
farabadan, isla mar ahaantana qarkood ay lugaynayeen qaarka kalena ay 
dulsaarnayeen gawaari aad ka dul babanayaan caleemo qoyan , qaarkodna aad ka 
arki kartay Astaanta Calanka somaaliyed oo ka dulbabanaya Gawaarida, si 
kastaba ha'ahaatee waxay dadku wada hayeen waddada dheer  ee soogasha 
magalada Bosaso,  waxay dadku  safnayeen waddooyinka daafahooda oo dhan, 
waxad meelkasta oo aad eegto ka dareemaysaa xamaasad saa'id ah oo dadka 
wajiyadooda kamuuqata.

markii uu xilliga ku beenaa 12:15 ayaa waxa soogaray controlka magalada 
Bosaso Gawaari aad u farabadan oo isagu jira kuwa Xamuulka iyo Gaadidka 
Ciidamada, gawaaridaas oo ay dulsaarnayeen Ciidanka Mucaradka PUntalnd ee 
Reer Puntland ayaa waxa ay la kulmeen soo dhawanaan marnaba niyaddada aan ka 
go'ayn oo ay ku dheehan tahay QIIRO WADANIYADEED, WALAALNIMO, NABADEED, 
TOLNIMO, XIGAALO,Iyo JACAYL SHACBIYEED, Ciidankaan oo iyagu u gacan 
haadinayay dadka waxaad wajiyadooda ka dareemaysaa HILOOW,Heesaha Wadaniga 
ah ee ay caanka Somaliya ku tahay ayaa ka baxayay Baabuurtii ka qayb 
qaadanaysay soo dhawaynta , hesahaas oo ay halkudhig yadooda ay kamid  
ahaaeen, (Maanta ...Maanta Waa Maalin Wayne Maanta , Maanta Maanta Madaxeed 
Banaane Maanta , Maanta maanta Maanta waMalin maanta) waxa kale oo  kamid 
aha halku dhigaydii  dhagaha shacabka sida aad ka ah u soojiitay Heestii 
Astaanta Qaranka Somaliyeed oo ah (Somaliyeey Toosooy , Toosoy Isku 
tiirsada), Waxa kale oo ka mid ahaa Heestii ahayd , (Hooy Afrikaay Hurudooy, 
Cadow Ku heeryee Hurudooy,Halyeeyadaadii Hurudooy Haadbaa cunayee Hurudooy), 
  qoraal laguma sookoobi karo saaka jawigii  laga arkayay deegaanka Gobalka 
Bari ee Puntland.

Dhalinta gawaarida Saaran ayaa waxa ka muuqday Wajiyadooda qashuuc, si 
kastaba ha'ahaatee  Ciidankaan oo ay hor kacayeen Ciidamada Darawishta ayaa  
u leexday halka lagu magacaabo Girible oo qiyaastii Magalada bosaso u jirta 
20 KM, ee xarunta dalxiiska Biyo Kulule   ee Gobalka Bari.

Amaanka Magalada bosaso ayaa ahaa mid aad u sareeyay, meelkasta oo magalada 
kamid ahayd ayaa waxad ka arki kartay Ciidanka Poliska Gobalka Bari oo 
kaashanaya Ciidamada Daraawiishta, si kastaba howshu ha'u dhacdee waxad 
dareemaysaa in dadku jacayl walaalnimo uu qalbiyadooda kamuuqdo.


UAE:  Mar aan laxariiray dalka Isutagga Imaradka Carabta, magalada UAE waxa 
la'i sheegay in wafdi jaaliyadda ahi uu 'u anba baxay Magalada Bosaso, Xalay 
saqdii dhexe oo ay kaduuleen garoonka diyaaradaha ee magalada dubai, 
Terminal 1, wafdigaas oo isagu jiray siyaasiin iyo ganacsato waxa ka mid 
ahaa
1-Duuliye sare, Col Khaliif Ciise Mudan.
2-Cali Cabdi Cawaare.
3-C/Ladhiif Maxamed Bari (reebbi).
4-Yuusuf Jamac Daggal (Canbe-Canbe) waxa raggan wehliyay tiro aan ka yarayn 
oo ganacsato iyo wax garad isagu jira oo dhaman iska raacay Dubai, si ay oga 
wada qayb galan geedi socodka Hanaanka nabadda puntland.

Haddii rabbi idmo , isla magalada Dubai Iyo Shaariqa ayaa waxa iyagana 
kaduuli doona  rag u nasab shegta Puntland, oo dhamantoodba diyaar u ah inay 
ka qayb qaataan hanaanka Nabadda ee Puntland, illaa iyo haattan magacyada 
khamiista diyaarka u'ah inay  garaan Bosaso waxa kamid ah

1-Col Axmed Ismaciil Boqor.
2-C/laahi Saciid Samanter.
3-Col Cabdi Yassin
4-Mudane Maxamed Yasin Illey(jaaliyadda Malaysia).
5-Mudane,Sulux Cabdi Xaashi(Wakiilka DG Pland ee UAE)
Qaybtan waxaa wehliya dad badan oo iyaguna reer puntland ah, dhaman qaybahan 
kala duwan waxa kala baxayaan Shariqa Inter-National Air Port, Iyo Dubai 
Inter-National Air Port, Illaa malmahan waxa lafilaya in UAE ay soogari 
doonana Boqolaal dad ah oo reer puntland  ah  oo ka kala imanaya wadamada 
yurub iyo America, warkan waxa laga helay sargaal sare oo katirsan  Galad 
Air oo fadhigeedu yahay Dubai, Mudane, Saciid Aden Shirwac  oo kamid ah 
dadka daggan Dalka Isutagga Imaradka  Carabta ayaa isaguna ii shegay in 
Jaaliyadda Imaradka ay wafdi u diridoonto Puntland si ay nabadda Puntland 
oga qayb qaataan.

Nairobi: Madasha shirka dib u heshiinta somaliyeed ee Magalda Imbakazi aya 
waxa si aad looga hadal hayaa , oo aad looga soo dhawaynaya  wada hadalka 
nabadda ee Puntland, isla markana waxay dadka somaaliyeed ku qanac san 
yihiin in illaahay nabadda puntland soodadajiyo , isla markana ay puntalnd 
tusmo u noqoto dalka somaliyeed intiisa kale, Sargaal sare oo ka tirsan Urur 
Goboledka IGAD ayaa waxa
uu iisheegay in Wafdi Kasocda Dowladaha ku bahoobay Ururaan IGAD ay 
gaaridoonan Magalada Bosaso Maalinka Barri ah oo ay taarikhdu tahay 
06/05/2003 Talaado, waxa kale oo isla Talaadada gaaridoona magalada Bosaso 
wafuud kale ookala socota Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, 
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee 
Itoobiya, Madaxsare ookatirsan Ururka Midowga Yurub, iyo Waliba hay'adaha ka 
howlgala somaliya  hogaankooda sare, waxa wafidan garab socda waxgarad ka 
kala imanaya Kismaayo, Nbi, Gado,oo dhamman kasoo wada kicitimi doona 
Magalada Nbi, Deeganada kale ee somaliya ayaa iyaguna waxa laga filayaa inay 
wax garad usoodirsadan shirkan.

Magaalada Bosasoayaa aad dhaqaalaheedu kor ugu soo kacay, Hoteladii iyo 
makhaayadihii rashinka ayaa aad u camiran, Garowe, Galkacyo, Baran, 
lascanood, Buuhodle iyo Bariga Togdheer ayaa waxa kasoo baxaya wax garad aad 
u badan iyo shacabka  qaarkiis.

NB: ugu danbayntii waxan dib idinkaga soo gudbin doona  wixii aqbaar ah ee 
aan kahelno jawiga wanaagsan iyo Ifka Nabdda  ee kasoo baxaya BOSASO.

Mahadsanidn

Shiike


Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage