19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • [SW News] ( Maxamed F. Botan-Shiike") Dib Udhac Kuyimid Manta Heshiiskii Puntland Iyo Xilligii Maqribka oo Laxaliyay  : Posted on 15 May 2003

  Date: Wed, 14 May 2003 20:25:18 +0000
Subject: Dib Udhac Kuyimid Manta Heshiiskii Puntland Iyo Xilligii Maqribka oo Laxaliyay 
From: "Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike" <faaraxbotan@hotmail.com>

    
Sida ay dad badan lawada socdeen , waxa lafilayay in lagu dhawaaqo Maanta 
Galinkii hore heshiiskii dhexmari lahaa Maamulka DG Puntland Iyo Mucaaradka 
Puntland, hasayeshee ma'aysan dhicin xafladdii sababo laxariira qodobo yar 
yar oo ay wax kasoo noqdeen.

Arrintan oo an kawaraystay Sargaal sare oo katirsan Hogaanka sare ee 
Daraawishta DG Puntland,oo iga codsaday in aan magaciisa lasheegin  ayaa 
waxaa uu yiri arrinta hakashada keentay waxay tahay qaabkii la'isagu dhafi 
lahaa  Ciidamada labada  dhinac, taso sargaalku ku nuuxnuuxsaday in mamulka 
uu 'u ogolaaday Mucaaradka in Ciidankooda tiro  Saddex Boqol (300) ah loogu 
dari doono Ciidamada DG Puntland qaybahooda   kala duwan, sida Daraawiishta 
iyo Poliska.

sargaalku waxa uu intaas ku daray in Ciidamada Mucaradka Hogaankooda Sare ay 
dalbadeen in Ciidamada loogudaro Tiro intaas kabadan oo gaaraysa 
KUN(1000)Askari, halka dhinaca maamulkana  uu 'u ogolaaday Tiro Saddex Boqol 
(300)ah, arrintan ayaa kentay in dib loodhigo xafladdii manta lagu soo 
gabagabyn lahaa Howsha Nabadraadinta Puntland.

Xilligii Salaadda makhribnimo ee caawa ayaa  madashii shirka la'isagu 
soonoqday, waxana ay Mamulku  ogoladen in Ciidamada lakordhiyo oo lagu 
siyaadiyo Tiro dhan  Laba(200)Boqol oo Askari, tasoo guud ahaan ka dhigaysa 
Ciidamada Mucaradka qaybta ay heleen inay noqoto Shan (500)oo Askari oo 
kubiiraya dhamman hay'adaha Ciidamada DG Puntland Ee Poliska Iyo Darawiishta.

Go'ankan markii uu soobaxay ayaa waxa shir gaar ah yeeshay Hogaanka sare ee 
Ciidamada Mucaradka , tasoo ay ku aqbaleen  go'anka danbe, si kastaba 
ha'ahaatee sargaal sare oo katirsan dhinaca GBP ee xagga ciidamad qaabilsan 
ayaa waxa uu ii sheegay in arrinta ciidamada haddii ay dhamaato qabka qaybta 
ay laba dhinac si wada jir ahi usoo saarayaan Bayaan  Nabdeed iyo 
Warsaxaafadeed dheelitiran oo dhinacyo badan taabanaya.

waxaa madasha shirka kamuuqda marka aad dhinac kastaa ka eegto Sawir 
muujinaya  Guuxa Nabadda, waxa jira Culays badan oo dhinac kastaa saaran oo 
ka imanaya Jaaliyadaha dibadda iyo kuwa dibadda, isla markana waxaad 
dareemaysaa  Tanaasulaad dhinackastaa,  majirto wax waji nacayb ah oo 
kamuuqda madasha shirka , iyo waliba  sarakisha labada dhinac, waxad  
arkaysaa sarakiil laba dhinac ka kala hogaamiya ciidamooda isla markana ay 
wada fadhiyaan oo midkastaa taleefanka gacanta(Mobile)uu dhinaca u suran 
yahay, waxad dadka kadareemaysaa Jacayla nabadda, waxa jira Hiloow Badan oo 
walaanimo, si kastaba arrintu hanoqotee waxan lasugaya illaa malinka sabtida 
ah in go'aankii kama danbaysta ahaa lagu dhawaqi doono haddii rabbi idmo.


Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage