19 May 2007 04:21

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • [SW News] (Maxamed F. Botan -Shiike) Shirkii Geeddi Socodka Nabadda Puntland Oo Lasoo Gabagabeeyay Maanta : Posted on 17 May 2003

Date: Sat, 17 May 2003 01:14:31 +0000
Subject: Shirkii Geeddi Socodka Nabadda Puntland Oo Lasoo Gabagabeeyay Maanta
From: "Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike" <faaraxbotan@hotmail.com>
Sida in dhawaalaba dhegta loogu lulayay Heshiiska Iyo Hanaanka Nabadda Ee 
Shirkii Puntland, ayaa waxa lagu soogabagabeeyay Maanta oo ay taarikhdu 
ahayd 16-05-2003 Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboledka Puntland Ee Magalada 
Bosaso, warkan oo aan kahelay laba xubnood oomuhiimah oo labadaba ay kasoo 
kala jedan garabyada siyaasadda isaga soo horjeeda ee Puntland oo malmahan 
shirkodu kasoconayay Magalada Bosaso ayaa waxay iisheegeen in Khilaafkii 
siyaasaded ee Puntland uu dhamaaday , manta wixii loogarana ay Puntland u 
curatay Nabad iyo Baraare, xubnahan oo aan lasii qaada dhigay murtida 
hadalkooda ayaa waxay uu guudmareen in Puntland tahay  Maanta Mid isku mid 
ah.
Qodabadii  la'isku hayay labadii malmood ee lasoo dhafay ayaa  dhamaan 
la'isla ogoladay.
Qodobada La'isala Ogolaaday waa sidan.
1- In Ciidamada GBP lagu kala daro Qaybaha kala duwan ee Ciidamada puntland, 
iyadoo tiradoodu noqonayso Shan(500)Boqol oo askari, oo dhaman lakala 
qaadayo.
2-In Jiritaanka  Puntland uu yahay  mid Muqadas ah.
3-In aan raaddanbe loogu noqon marxalidihii lasoomaray.
4-in si wadajir ah loo'ilaasho Jiritanka, difaaca Puntland.
5-In xukuumaddu soodhawayso nabadda Puntland.
dhamman qodobadan waa la'isku wada raacay, hasayeshee waxa jira qodobka 
qaybsiga awoodda dowladda oo siyabo kala duwan ay saxaafaddu oga hadashay, 
gaar ahaan xagga shabakadaha oo aad loogu buunbuuniyay, sida qaybsiga 
wasiirada iyo hogaanka sare ee ciidamada, haddaba labadan qodob oo isbar-bar 
socda, maahan sida ay saxaafaddu ufaafisay, si khalad ah ayaana wax looga 
qoray, hasayeshee qodobka koowaad(1) ee qaybsiga wasiirada waxa lagu 
saleeyay qaab qabiil, wuxuna noqday sidan hoose
GBP ee Mucaradka waxay kudoodeen in wasiirada la'isku dhafo, tasoo keentay 
in shirku uu hoos u falanqayn badan kayeesho arrintaas ay soo bandhigeen GBP 
ee Mucaradka , waxay arrintii isu badashay qaab qabiil, haddaba GBP oo 
muujiyay in aan laga tagi karin ragga magaca leh ee lasoo dagaalgalay 
Mucaradka, isla markana jagooyin kuraadiyay mas'uuliyintooda ayaa waxa 
lahordhigay qaabka qabiilka, Xukuumadda ayaa waxay soojeedisay in raggan oo 
dhamantood qabiil ahaan kakooban Deganka Puntland in rag lamid ah iyaga oo 
ay isku hayb yihiin  ay kujiran xukuumadda, sidaas darted arrinka wasiirada 
waxa loodayay qabiil ahaan in shaqsiyadka GBP ah ay arrinkooda kula noqdaan 
qabiiloyinkooda, haddii ay isu tanaasulayan oo midka mucaradka ahi uu ina 
adeerkiis katirsan xukuumada uu udaynayo xubintisa ay utalo qabilka 
xubintaasi iska leh, oo qabiilku uu kala doorto wasirkooda, haddii ay midka 
Mucaradka soo magacawdaan xukuumaddu u ansaxiso, haddii qabilku doorto kii 
horay oga tirsana xukuumadduna ay xukuumadu  ansaxiso, arrintasi waxa 
durbadiiba jawaab cad kasoo celiyay Beesha Maxamuud harti(Dashiishe) waxayna 
madashii usoo gudbiyeen qoraal ay ku caddeynayan in Wasiirkooda Caafimadka 
ee katirsan xukuumaddu yahay wasiirka ay doorteen Mudane, Saciid Cadduur.
majiran wax laxariira la'isul wasare in lamagacaabo ama saddex Wasiir 
lasiiyo GBP, arrimaha sarakisha ciidanka waa ladaboolay, isla markana waa 
la'isku waafaqay qabka wax la'isagu dhafayo,Qaabkan sarkisha wax uu muran  
kataagan yahay mahan, waxa jira in xukuumaddu diiday wasiikrii hore ee 
Maaliyadda Mamulkii Jamac Cali Jamac Mudane, Maxamuud Shiddo , Maxamuud 
Shido waxa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka'ahaa Faashilkii kuyimid Shirkii 
Nabadaynta Puntland ee itoobiya kal hore kadhacay , kasoo garabka Jamac Cali 
Jamac ay kamagten in ay lahadlan oo lashiran mamulka C/laahi Yusuf, Arrintan 
wax saamayn ahi kuma yeelan gogosha shirka, isla markana GEN Cadde Muuse wuu 
ansaxiyay qodobkan.
Haddii rabbi idmo, maalinka Barri ah oo ay taarikhdu noqonayso 17.05.2003 
ayaa xafladda nabadaynta Puntland waxaa lagu qabandoona Aqalka Madaxtooyada 
Puntland, Xafladdan oo si heer sare ahi loosoo agaasimay amaankeedana aad 
loosugayo waxa kasoo qayb galaya dhamaan waxgaradka deganka Puntland, 
safaaradaha USA, ITALY, BRITAIN, ITOBIYA, IGAD, JABUTI,  NGO's , Hay'adaha 
ka howlgala Puntland wakiiladooda, Jamacadda Carabta,  iyo Wafuud kale oo 
somaliyed oo ka kala imanaya somaliya  iyo dalka dibaddiisa, Jaaliyahadaha.
Shirkan Puntland aya waxa uu saadal u yahay Mustaqbalka Shirka dib u 
heshiinta Somaliwayn, dadka Reer Puntland  ee dalka gudihiisa kunool, gaar 
ahaan Bosaso ayaa waxay si dhab ahi oo aan hagrasho lahayn mantooda ugu 
huray inay nabadda kala shaqeeyaan siyaasiinta, waxad arkaysaa  waagu marka 
uu baryo dad badan oo usoo dhaqaaqaya madasha shirku uu kasocdo, isla 
markana illaa galinka danbe ku xaadir ah banaanka howlka shirka, waxad dadka 
wajiyadooda kadareemaysaa farxad iyo kalsooni.
Qaabka ay xafladdu u dhacdo waanu soogudbindoona insha allahu Barri, waxana 
jiridoona war saxaafaded loosoo tabindoono saxaafadda, warsaxafadedkaasna 
waxa kuwada saxiixnaan doona Madaxwaynaha DG puntland Mudane C/Laahi Yuusuf 
Axmed, Iyo Mudane Cadde Muuse Boqor.

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:08 AM. Webmaster HomePage