19 May 2007 04:20

SOMALIA WATCH

 
AnalysisANALYS2.jpg (2276 bytes)
  • [SW Analysis] (APL )  SHIRKA SOMALIDA :Posted on 8 Feb 2004

 

Faahfaahin Ku Saabsaan  Heshiiskii  (Declaration On the Harmonization of Various Issues Proposed by The Somali Delegates at the Somali Consultative Meetings from 9th -29th January 2004

 

 

Waxaa Diyaariyay

Saciid Jamac

Qoraa madax banaan oo jooga Nairobi, Kenya

 

Waxaa ku soo kordhay dadwaynaha Somaliyeed meel kastaba  ay joogaan  walaac ka dhashay Heshiiskii  Iswaafajinta oo uu Hon. Stephen Kalonzo Musyoka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya ka dhex waday Madaxda ururadda Somaliyeed oo kala ah kuwa ku midowbay daladda 20-ka (Maamul Gobaleedka Puntland, SRRC, G8 iyo TNG-da Xasan Abshir & Cabdalla Deero iyo Bulshada Rayadka ah)  oo iyagu aan marna ka bixin una dhabar adeegay in laga miro dhaliyo Shirka dib-U-Heshisiinta Somaliyeed muddadii  18-ka  bilood ee la soo dhaafay, iyo Dowladda Ku-meel gaarka  (TNG) ee Madaxweynihii xilligiisa dhamaaday Mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan iyo Ururka la baxay Golaha Samantabixinta  (SNC), oo ka soo go'ay dadka loo yaqaan madaxda 24-ka  kana  qaybgashay Saxiixii  Eldoret 2003; kuwaasoo kala ah:  Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Cismaan Cali Caato, Cabdrizaaq Isaaq Biixi iyo Barre Hiiraale oo iyagu shirka dhowr goor ka baxay.

 

Sida la wada ogyahay Heshiiskaa waxay aheed in  la saxiixo  bisha January 29-keedii goob joogna  ka ahaadaan Madaxweynaha Dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki, isla markaana ah Madaxa Guddida Fududaynta ee IGAD.

 

HASA YEESHEE, MA DHICIN IN WAX HESHIIS LA YIRAAHDO OO TAABA GAL AH LA SAXIIXAY, LAAKIN ARRIMO KALE OO YAAB LEH AYAA MEESHAA KA DHACAY  OO AAN JECLAHAY IN UMADDA SOMAALIYEED LOO BAAHAN YAHAY IN LA OGAAYSIIYO:

 

1. WAXAA LOOGA YEERAY SHIRKA  IN AY WAX KA SAXIIXAAN MUDANE MOHAMED CUMAR XABEEB OO AH GUDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA SHABEELAHA DHEXE IYO MUDANE CABDULLAHI YUSUF AXMED, MADAXWEYNHA DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO AAN DOKUMENTIGA HESHIISKABA AAN LAGU XUSIN MAAMUL GOBOLEEDYADA AY  MADAXDA KA YIHIIN, SIDA KU XUSAN ARARTA HESHIISKA OO U QORAN SIDAAN:

 

WHERE AS WE the delegates to the Somali Consultative meetings representing: Transitional National Government, the National Salvation Council, the Somali Reconciliation and Restoration Council, the Group of Eight, Civil Society Organization having been invited by Hon. Musyoka and

WE the delegates have agreed TO BE BOUND  as follows hereunder: (Halkan ka eeg warqadii rasmiga ahayd)

 

WAA MARKA KOWAAD  SAXIXAYAASHA HESHIISK KA MID MA AH LABADA MAAMUUL EE MAAMULKA GOBOLKA SHABEELAHA DHEXE IYO DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO LOO YAQAAN LABADABA MAAMUL GOBOLEEDYADA JIRA (EXISTING REGIONAL ADMINISTRATIONS);

 

2. ARRINTA KALE AAN LAYSKU OGAYN OO LAGU SOO DARAY HESHIISKA WAA QODOBKA 30-aad OO XEERKA KU MEEL GAARKA FEDERAALIGA AH EE AXDI QARAMEEDKA.

 

(1): The Parliament envisaged under Article 28 above shall be selected by the sub sub sub-clan Somali political Leaders invited to the consultation meetings in Nairobi as from 9th January 2004 comprising: Transitional National Government (TNG); National Salvation Council (NSC); Regional Administrations; Somalia Restoration and Reconciliation Council (SRRC); Group-8 (G8) Political Alliance and Civil Society and must be endorsed by genuine traditional leaders.

 

SIDA KU XUSAN HESHIISKII AY WADA OGOLAADEEN MADAXDA SOMAALIYEED EE DALADDA LOO YAQAAN 20-KA IYO MADAXWEYNAHA DOWLADDA KU MEEL GAARKA EE XILIGEEDA DAMAADAY OO MUDANE MUSYOKA DHEX DHEXAADIYE KA AHAA, WUXUU U QORNAA:

 

?0(1): The Parliament envisaged under article 28 above shall be selected by the sub sub-clan political leaders as recognized by the transitional National Government, Existing regional administration and Faction leaders recognized by the conference and must be endorsed by genuine sub sub-clan traditional leaders. (Halkan ka eeg warqadii rasmiga ahayd)

 

NUXURKA KHILAAFKA WAA IN HESHIISKII LAYSKU OGAA OO AY KU HESHIIYEEN MADAXDA URURADA SOMAALIYEED OO KU MIDOOBAY DALADDA 20-KA IYO CABDI QASSIM SALAAD XASAN OO DHEX DHEXAADIYE KA AHAA MUSYOKA IN LA BEDELAY.

 

HESHIISKII HORE WUXUU AHAA  IN XULKA MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA AY SAMEENAYAAN MADAXDA SIYAASADDA OO AY  AQOONSADEEN  DOWLADDA KU-MEEL GAARKA AH, MAAMUL GOBOLEEDYADA JIRA IYO MADAXDA KOOXAHA OO AQOONSDAY SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA AYADOO AY ANSIXINAYAAN MADAX DHAQAMEEDYADA.

 

HESHIISKA DAMBE OO LAGA BEDELAY SIDII LAYSKU OGAA WUXUU U QORANYAHAY: IN BARLAMAANKA KU XUSAN QODOBKA 28-aad AY XULAYAAN JIFI  HOOSAADYADA  MADAXDA SIYAASADDA SOMALIYEED OO LAGU CASUMAY SHIRKA WADA TASHIGA EE KA DHACAY NAIROBI LAGA BILAABO 9-kii JANUARY 2004 EE AY KA MID YIHIIN: DOWLADDA KU-MEEL GAARKA AH, GUDDIGA SAMANTABIXINTA EE QARANKA; MAAMUL GOBOLEEDYADA, URUUKA LOO YAQAAN SRRC; GROUP 8 IYO BULSHADA RAYADKA AH WAANA IN AY SOO ANSIXIYAAN MADAX DHAQAMEEDYADA SOO JIRAANKA AH.

 

3.      WAXAA XUSID MUDAN IN LOO SOO BANDIGAY 30-KII JANAAYO OO AHAYD MAALINTI KU XIGTAY XAFLADII SAXIIXA HESHISKA   DOCUMENTIGA LA MAGAC BAXAY HESHIISKII THE NAIROBI SAFARI PARK DECLARATION  SI AY MADAXADA SOMAALIYEED QALINKA UGU JIIDAAN SI U NOQODO HESHIIS TAABA GAL AH (BINDING ACCORD). MUDANAYAASHA AY  KA MID YIHIIN  MUDANE CABDULLAHI YUSUF AXMED MARKAY AQRIYEEN, ARKEENA IN HESHIISKA LA MARIN HABAABIYEY OO QALAD LAGA QORAY AYEY DIIDEEN IN AY SAXIIXAAN HESHIISKAA. WAXAA U  DHEEREED IN HESHIISKA RAGGA KU HESHIYAY AYSAN KU JIRIN MAAMUL GOBOLEEDYADA WADANKA KA JIRA SIDA MAAMULKA SHABEELAHA DHEXE IYO MAAMUL GOBOLEEDKA DOWLADDA PUNTLAND.

 

4.  WAXAA KALOO XUSID MUDAN IN MAALINTII LAGU MAAMUSAYAY IN KOOXAHA SOOMALIYEED IS-CAFIYAAN IN AY KU DUUGEEN MAGACYO AY KA MID YIHIIN MUDANE CABDULLAHI YUSUF AXMED, MOXAMED DHEERE, SHARIIF SAALAH, LAAKIN UGU DAMBEENTII MEESHA LOOGA YEERAY MOXAMED CABDI YUSUF OO MUSYOKA SHEEGAY IN UU WAKIIL KA YAHAY CABDI QASSIM SALAAD XASAN, IYO ISAGOO CABDIQASSIM LOOGU YEERAY IN UU MEESHA KA YAHAY MARQAATI SIDA MUDANE KIBAKI, MADAXWEYNA DALKA KENYA.  (HALKAAN KA EEG WARQADII SAXIIXA)

 

5. WAXAA KALOO AMAKAAK MADAXDA SOMALIYEED KU NOQDAY  IN AY SOO BAXDAY IN WARQADII LAGA SAXIIXAY IN MUDANE CABDIQASSIM LOOGU QORAY  MADAXWEYNAHA DOWLADDA SOMAALIYEED.

 

6.  WAXAA KALOO LAGU SOO KORDHIYAY SAXIIXYADA KOOX KALE OO BULSHADA RAYADKA AH OO AY U SAXIIXDAY HAWEENEY SOMALIYEED OO LOOGU MAGACAABO  CAASHA XAAJI CILMI, OO MARKII HORE AAN TIRADABA AAN  KU JIRIN.

HADABA, WAXAA HABOON IN LAGALA OGAADO HESHIISKEE  MADAXDA SIYASADDA SOMALIYEED QABANAYA  (BINDING)  IYO MIDKEE AAN QABENEEN.

 

QORAALKA HESHIISKA LA MAGAC BAXAY  HESHIISKII SAFARI PARK WAA MID AAN QABANEEN MADAXDA SIYAASADDA SOMALIYEED EE DIIDAH OO MARKA HOREBA AAN URURADOODA  AAN LAGU XUSIN IN AY KA MID YIHIIN SAXIIXAYAASHA GOOBTA SAXIIXANA BADANKOODA LOOGA YEERIN KUWII LOOGA YEERAYNA LAGA REEBAY MAAMULADII AY WAKIILKA KA AHAAYEEN MARKII DAMBANA AYAGOO HUBSADAY IN LA QALDAY OO LAGA MARIN HABAABIYAY WIXII HORAY LOOGU HESHIIYAY ISKA DIIDAY IN AY SAXIIXAAN DUKUMEENTIGA RASMIGA AH.

 

(xigasho All Puntland )

 


[ Analysis]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19/05/07 05:08 AM. Webmaster HomePage