19 May 2007 04:30

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] If Somalia is divisible…
  • Posted by/on:[AMJ][Tuesday, May 1, 2001]

Assignment looks into Somaliland.

Issue about the Social-Economy, Political Structure, Freedom of Expression, Peace and Instability. Prepared and presented by Charles Haviland BBC(real player)....Contact BBC Assignment|Apr 30 2001|
 
_________________________________________________________
 
 

REER LAASCAANOOD OO BANAAN BAX KA SAMEEYEY GO’AAMADA PUNTLAND IYO SOMALILAND.

Sahan Laascaanod.

29 Abriil, Axad.

Banaanbax aan aad u waynayn laakiin dad badani ka soo qayb galay oo lagaga soo hor jeedo go’aamo siyaasadeed oo Xukuumadaha Puntland iyo Somaliland ay dhawaan ka soo saareen Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa Axaddii 29kii Bishan ka dhacay bartamaha magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Banaan baxan oo ay wad jir u soo abaabuleen labo kooxood oo dhalin yaro ah oo midi la baxday Darwiishland tankalana Real USP ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin sida ay uga soo hor jeedaan go’aan ka Soomaaliland ee ku aadan Doorashada Dastuurkooda iyo maamul xumada Puntland , hal ku dhigyadoodana waxaa ka mid ahaa “ma nihin Soomaaliland, doonimayno Maamul xumada Puntland waxaan nahay, Darwiishland waxaan nahay Real USP waxaan sugaynaa soomaali wayn”.

Cabdirisaaq Jamaac Cabdi bile oo sheegay inuu yahay afhayeen ka Garaadad iyo Cuqaasha Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ka mid ahaa dadkii fagaarahaas ka hadlay ayaa yiri “ ergadii reer Sool ee 1997 ka qayb gashay shirkii Hargaysa ee Cigaal lagu doortay ayaa ka mid ahaa calanka iyo dastuurka Soomaalilandna waxaan diidnay nagoo joogna Hargaysa maantana yeelimayno magaca Soomaaliland waa nalakula dagaalamay Caynaba iyo Ceerigaababa waa la haystaa maantana codbaa nalooga rabaa taasi ma suuro gali doonto”.

Cabdirisaaq maruu ka hadlayey dhinaca Puntland waxa uu yiri “ dadka Puntland waxaanu nahay dad walaalah , Dawlad Goboleedka Puntlandna waxbaanu ka dhisanay balse madaxdii loo dhiibay waxay dhaleen waxaan ahayn wixii loo dirsaday, wixii laga filayeyna waxba kamay qaban.

Marka aad eegto Magaalada Laascaanop xiisaddu waa mid aad isusii taraysa, si wayna loo gu diidan yahay Maamulka Soomaaliland, mana muuqatao inay farsamada Cigaal ee Wasiiro Cayrintu ay wax ka tarayso xiisaddan sii huraysa. Cigaal wax uu dhawaantan xilkii Wasiirnimada ka xayuubiyey Wasiirkii ruugcadaaga ahaa ee u fadhin jiray arimaha dibada Maxamed Saalax Nuur (fagare), waxuuna ku badalay Cabdixamiid oo ay Garaad Cabdiqani garaad jaamac dhinac walaalo ka yihiin, wuxuu isagana cagta cayro u saaray xeel dheerihii Xaashi Sooyaan waxaana uu ku badalay inan dhawr iyo sodon jir ah oo horay u ahaan jiray kabtan ciidamada ah oo la yiraahdo Salaybaan Yusuf Cali Koore.

Islamarkaas Salaybaan waxa ay qaraabo isku xayndaab ah yihiin dhawr ka mid ah Salaadiinta reer Sool, waxayna walaala yihiin Agaasimaha guud ee Dekadaha Puntland, waxayna arintani u muuqataa in uu Cigaal ciyaarayo kaarkiisii ugu dambeeyey ee khamaarka dhoola tuska Soomaaliland.

http://bosaso.somalitalk.com/sahan/news/

____________________________________________________________________________________
 
Cuqaasha iyo Guurtida Sanaag oo taageeray jawaab-celinta xukuumadda - Tuesday, 1 May, 2001
 
 
 
Ceerigaabo (Maan) – Guurtida, Cuqaasha iyo odayaasha Gobolka Sanaag, ayaa soo saaray bayaan ay ku taageerayaan jawaabtii uu ka bixiyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cali Max’ed Warancadde ee uu kaga jawaabayay hadalkii dhowaan ka soo yeedhay C/laahi Yuusuf ee uu ku sheeganaayay Gobolada Sool iyo Sanaag.

Baaqaasi oo ay shalay Guurtida iyo cuqaasha Sanaag ka soo saareen Ceerigaabo, waxay ku caddeeyeen in Gobolada Sanaag, Sool iyo degmada Buuhoodleba, ay dhul ahaan, dhaqan ahaan, maamul ahaan iyo afkaar ahaanba ay ka tirsan yihiin, horena uga tirsanaan jireen dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

Mowqifkooduna aanu ahayn mid mad madow ku jiro ee uu yahay mid cad oo ay kaga tirsan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo caalamkuna ogsoon yahay inay Goboladaasi ka tirsan yihiin
Somaliland.

Qoraalka cuqaasha oo uu na soo gaadhsiiyey wariyahayaga Gobolka Sanaag Mr. Max’ud Saraaf, wuxuu intaa ku daray, in hadalkaasi yahay dhidar onkod kiciyey iyo riyo aan meelnaba haysan. Cuqaasha oo ka hadlaayay arrinta aftida Dastuurka waxay sheegeen in aftida Dastuurku sidii loogu tallo galay u socon doonto, kana dhici doonto dhammaan deegaanada labadaa Gobol iyo Buuhoodleba.

Cuqaashu waxay intaa raaciyeen in aanay waxba u tarayn C/laahi Yuusuf, hadalka foosha xun ee uu ku beerlaxowsanayo beelo reer Somaliland ah ee uu ku yidhi isku hayb ayeynu nahay.

Waxayna duqaydu tidhi “dad isku hayb ahi laba dal way ka kala tirsanaan karaan, kuwo aan isku hayb ahaynina way ka tirsanaan karaan, sidaa awgeed haybta iyo wadanku wax laysku khaldo ma aha”.

Waxay caddeeyeen in hadalka C/laahi Yuusuf ay u arkaan daan daansi iyo isku dhufasho laga dhex samaynayo dadka walaalaha ah ee isku dalka ku nool.

Waxay hadalkooda ku soo xidheen Goboladaa iyo dadkoodu waxay ka tirsan yihiin Somaliland, mowqifkooduna waa, hadafkii la qaatay sanadihii 1991kii ee lagu go’aansaday shirkii Burco.

Cuqaasha iyo odayaasha ku saxeexan Baaqan oo ka kala socda beelaha Gobolkaa waa kuwan:

1. Bashiir Ducaale Cabdi – Nabad-doon.

2. Jaamac Carab Cashuur Nabad-doon.

3. Jaamac Warsame Faarax Nabad-doon.

4. Max’ud Cabdille Dabshid Nabad-doon.

5. Max’ed Ismaaciil Qoobay Nabad-doon.

6. Xasan Cawaale Nabad-doon.

7. Max’ed Xasan Cumar Nabad-doon.

8. Warsame Dalmar Ciise Nabad-doon.

9. Cali Cabdi Cali Nabad-doon.

10. Axmed Siciid Madaxay Nabad-doon.

11. Axmed X. Nuur Axmed Nabad-doon.

12. Max’ud Ismaaciil Cali “Suudi” Nabad-doon.

13. Max’ed Faarax Jibriil Nabad-doon.

14. Cabdi Cawke Nabad-doon.

15. Yuusuf Max’ud Max’ed “Warsan-geli” Nabad-doon.

16. Max’ed Cismaan Liibaan - Caaqil

17. Saalax Xiis Liqe – Caaqil

18. Abokor Xasan Dhunkaal – Caaqil

19. Saleebaan Max’ed Nuur – Caaqil

20. Cali Max’ed Goohe – Caaqil

21. Jaamac Ismaaciil Muuse – Chief Caaqil

22. Max’ed Cabdi Soofe Nabad-doon.

23. Max’ed C/laahi X. Saalax –Caaqil

24. Axmed Max’ed Xaashi – Caaqil

25. Aw Aadan Jaamac Faarax – Caaqil

26. Xuseen Xasan Cali Muuse Nabad-doon.

27. Max’ed Ciise Bidde – Caaqil
 
 
_____________________________________________________________________________________________________________
 
 

Sanaag regions ,and Buhoodle district of Somalia
  

We, the undersigned ISIMMADA (traditional community leaders) of Sool, Southern and Eastern Sanaag Regions and Buhoodle District, hereby submit that:

NOTING that there is a reported uncertainty and confusion on the part of the international community working with Somalia on the political, institutional and socio-economic development as well as regional or zone associations of the above regions and district and rumors and claims on them by certain persons or regions in other parts of Somalia;

HAVING lived through nearly 8 years of civil war, disintegration of our national institutions, disruptions of almost all socio-economic services, the threat of Somali national unity breakdown, resulting in many negative outcomes, massive displacement and migration of thousands of our people abroad;

CONSIDERING that several national and international attempts failed to produce Somali national reconciliation and that there appears little likelihood of a resolution of this issue in the near future;

CONSCIOUS of our responsibilities to make all possible efforts to restore peace and public institutions enabling us to lay down plans and programs for the rapid reintegration, rehabilitation and reconstruction of our regions;

COMMITTED to the maintenance of Somali national unity and the promotion of practical national reconciliation in order to reclaim our national dignity, sovereignty and rebuild our public institutions;

RECALLING the role played by the people of Sool, Eastern and Southern Sanaag regions and Buhoodle District in the struggle for independence and national unity brought about by voluntary and happy reunion of the peoples of Somalia, who were, historically, forcefully administered by various colonial powers of Europe, following the national independence in 1960;

BELIEVING in the fundamental principle of self-determination of peoples to decide their future/destiny while respecting the rights of others to life and liberty;

AWARE of the need and respect for cooperation and good neighborliness with peoples and regions we share common borders such as North West Somalia and Somali Regional State of Ethiopia;

HAVING considered all the above and realizing that, under the present circumstances of the Somali nation, we share common ancestry, ideals, security, socio-economic interdependence, and destiny with the peoples of Bari, North- East-West Mudugh and Nugal regions, formerly known as North East Somalia;

ACCEPT, THEREFORE, the wish of the people of Sool, Southern and Eastern Sanaag regions and Buhoodle District, who freely decided through series of consultative and constitutional public conferences, to join with their brethren in the North-East Somalia, jointly forming the Puntland State of Somalia, a major partner of a future Somali federal system of government. We sincerely hope that the current position of the people we represent is perfectly clear to the international community, and that they will, thus, respect the new status of our regions;

CONSISTENT with the new status of our regions, we respecfully demand that all future humanitarian, reconstruction, development and national reconciliation matters concerning our regions are to be discussed with and conducted through the Government and community of Puntland State of Somalia. No one else represents us.

Long live peace in Somalia!

 

Signed by:-

ESATERN SANAAG REGION

1. Sultaan Said Sultaan Abdisalan Mohamud Ali Shire
2. Garaad Abdillaahi Ali Eid
3. Islaan Husein Abdisalan Dhiif

SOOL, SOUTHERN SANAAG REGIONS AND BUUHOODLE DISTRICT

1. Garaad Abdiqani Garaad Jama
2.
Garaad salebaan Garaad Mohamed
3. Garaad Abdilahi Garaad Soofe
4. Garaad Ismail Duale Guled
5. Sultaan Said Osman Ali
6. Garaad Abshir Salah Mohamed
7. Ugaas Abdilahi Isse Noor
 
 
____________________________________________________________________________________
 

WarsidahaPuntland              Tirsi    87-aad             Khamiis          12/04/2001                    Bogga 2-aad            


 

  2.        MADAXWEYNAHA D.G.P/land AYAA DHAGAX DHIGAY MASHRUUCA DIB-U-HAGAAJINTA WADADDA GAROWE IYO LAS-CANO. 


Muxarram 1422-07/04/01-da Garowe WARSIDAHA.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa saaka saacaddu markay ahayd 9:00 dhagax dhigay bilowgii mashruuca dayactirka Waddada Garowe-Las-Canod… qaybtii ugu horreysay mashruucaas oo ah dayactirka meesha Yoocada u dhow ee waddadu kala go’day ayaa qandaraaskeedii waxaa ku guulaystay Shirkadda TOG-SOL ee uu Maareeyaha Guud ka yahay Xirsi Cabdi Badhi…

Qandaraaskaas oo qiimihiisu yahay SH, So 232.831.779/= muddadiisuna 50 (konton) maalmood… waxaana qandaraask-aas bixisay hay’adda NESHA ee Puntland. Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha kala qayb-galay Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir-ku-xigeennada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Hay’adda NESHA Inj. Maxamuud Maxamed Xuseen iyo madax kale oo badan…

Hawshaas waxaa Kormeere NESHA uga ah Abshir Maxamuud Muuse… Madaxweynuhu wuxuu hay’adda NESHA hambalyo iyo boggaadin uga jeediyey bilaabidda dayactirka waddada Garowe-Las-canod… waddadaas waxaa burbursan 25 (Labaatan iyo shan) meelood oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka labaduba NESHA ku guubaabiyeen inay dhakhso wax- --uga- qabato dayactirkooda.

 

 

         3.         MADAXWEYNAHA OO KORMEER KU TEGAY DEGMADA BOOCAME EE GOBOLKA SOOL. 


Sabti 13 Muxarram 1422-07/04/01-da Garowe WARSIDAHA. 

M

adaxweynaha Dawlad Gobole-edka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay la jiraan Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Md, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Inj, Kulmiye, Wasiir-ku-xigeenka Howlaha Guud Md, Maxamuud Xasan Nuur, Boqor C/laahi Axmed Cali (Boqorka Sool iyo Buuhoodle) iyo Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Md, Axmed Rashiid Xaaji Jaamac (Axmed Busur) ayaa saaka saacaddii 11:30-kii subaxnimo booqasho kormeer ku tegay Magaalada Boocame ee Gobolka Sool… 

Madaxweynaha iyo wafdigiisu muddo saacad ah ayey joogeen magaalada Boocame waxaana la dejiyey fagaaraha Ugaas C/laahi Ciise (Ugaasku magaalada markaas wuu ka maqnaa)… waxayna halkaas ku waraysteen odayaal iyo qaybo kale oo ka mid ah dadweynaha magaalada… isla markaasna waxay la kulmeen oo waraysten xoolo-dhaqatada qaarkeed…, iyadoo wafdigu ku soo wareegay Ceelka Boocame iyo Sabada deegaankiisa ah… 

 
_____________________________________________________________________________________
 

Warsidaha   Puntland           Tirsi 88-aad    Khamiis          19/04/2001                  Bogga 3-aad         

 

JAWIYADII KA DHASHAY BOOQASHADII MADAXWEYNAHA PUNTLAND EE MAGAALADA BOOCAME.

Madaxweynaha Dawlad Gob-oleedka Puntland, Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa maalintii Sabtida ee 13 Muxarram 1422-kii—07/04-/2001-da, booqasho kedis ah ku tegay Magaalada Boocame... WARSIDAHA ayaa Guddoomiyaha Degm-ada Boocame Md, Maxam-uud Xirsi Faarax (Biixi) su’aalo ka weydiiyey booqa-shadaas... waxaa su’a-alahaas ka mid ahaa:-

WARSIDAHA:- Halkee adigu wafdiga Madaxw-eynaha ka raacday?.

Biixi:- Anigoo u soo jeeda Magaalada Garowe ayaan wafdiga Madaxweynaha kula kulmay Tuulada Buuro-Wadal… markaas ayaan wafdiga Madaxweynaha dib ula noqday oo u raacay Boocame!!!

 WARSIDAHA:- Sidee shuc-uurkaagu ahaa adigoo Mad-axtooyadii Puntland oo dhan u sii daadihinaya Magaalo Madaxda deg-mad-aadii Oo ah Boocame, dadk-eeduna aanay waxba ka oggeyn in Madaxtooyadii iyo wafdi culusi ku soo jeeddaan… miyaan wel-wel iyo xil yax-yax ku hayn?.

 BIIXI:- Maya… wax wel-wel ah ma aanan qabin oo dadka Magaalada yaan kartidooda iyo tabaabu-lshahooda ku kalsoonaa!!!.

 WARSIDAHA:- Madaxweynaha iyo wafd-igiisu muddo intee le’eg ayey ku hak-adeen Tuulada Buuro-Wadal?.

 BIIXI:- Muddo 30-daqiiqo ah… waxaa wafdigu fariistay Xarunta Kastamka halkaas oo wafdigu warbixin kaga dhegaystay aniga iyo odayaal ay ka mid ahaayeen:-

Axmed Yuusuf Casayr (Xubin Guddiga Tuulada)… Maxa-med Shire Dheere (Xubin Guddiga)… iyo Maa-mulaha Kastamka Buuro-Wadal Siciid Max-amed Geel-qaad…tu-uladu waxay sheegtay nabad… jiilaal dheeraaday… iyo dug-si la’aan… wafdigu wuxuu ugu jawaabay arri-mahaas dib ayaanu ula noqonaynaa… wafdiga waxaa Magaalada Boocame ku soo dhoweeyey odayaal… Guddiga deg-mada… Culimaa’u-diinka… iyo…

 _____________________________________________________________________________________________________________

WarsidahaPuntland              Tirsi    87-aad             Khamiis          12/04/2001                    Bogga 2-aad            

6.     MAAMUL CUSUB OO LOO MAGACAABAY DEGMADA BUUHOODLE

 

M

adaxweyne-ku-xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland, Md, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa taariikhdii 20/03/01-da dekreeto Lam. 197 (2)… wuxuu degmadda Buuhoodle ugu magacaabay maamulka cusub ee    hoos ku qoran:-

 

1.         Maxamed Faarax Xirsi                   Duqa Degmadda Buuhoodle

2.         Cali Daahir Cilmi                            Ku-xigeenka Duqa Degmadda Buuhoodle

3.         Cabdi Jaamac Jiis                           Xog-hayaha D/Hoose ee Degmadda Buuhoodle

4.         Khadar Tuur Cabdille                     Xisaabiyaha D/Hoose ee Degmadda Buuhoodle

5.         Maxamed Maxamuud Cabdi           Khasnajiga D/Hoose ee Degmadda Buuhoodle

 

Sida uu amray Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha markii uu kormeerka ku tegay degmadda Buuhoodle jogaayinkan dekreetada ku xusan ciddii haysay dhammaan waa la ruqseeyey.

 ____________________________________________________________________________________________________________

 
Duqayda Dhaqanka ee Gobolada Sool, Sanaag iyo deegaanka Buuhoodle ayaa soo saaray qoraal ku socda M
April 28 2001 at 9:03 PM
PLHOME 

28 April, 2001 PLHome,

Duqayda Dhaqanka ee Gobolada Sool, Sanaag iyo deegaanka Buuhoodle ayaa qoraal ku socda Maxamed Ibraahim Cigaal soo saaray waxayna qoraalkooda ku yiraahdeen:

"Haddii aanu nahay dadka ku nool sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle oo ku abtirsada Beelaha harti ,ma jirto cid dusha nooga keeni karta afti anaan doonayn oo anaan goáankeeda lahayn.Dadka deegaanadaas ku nool mar hore ayeey caddeeyeen mowqifkooda ku aadan Somaliland mana jirto habayaraatee wax shaqo ah oo aay ku leeyihiin goosashada dadka Isaaqa ku abtirsadaa aay ku doonayaan in aay jamhuuriyadda Soomaaliya ka Goáan .Haddii aanu nahay beelaha harti oo Gobollada aanu soo xusnay ku nool marar badan baan u caddeynay Maamulka Cigaal in ayan jirin wax dhalasho ah ama siyaasad ah oo aan wadaagno oo keeni kara in aan taageerno gooni isutaagga qabiilka Isaaqa .

Gobollada Sool Sanaag waxaay ka tirsan yihiin imminka Puntland waana ka tirsanaandoonaan ilaa dawlad loo dhan yahay oo Soomaaliyeed Timaaddo.

Garaadyada iyo Odayaashu waxaay warqaddoodii ku soo gabagabeeyeen iyagoo madaxweeynaha Somaliland uga digay in haddii uu isku dayo in uu afti khasab ah ka sameeyo Gobollada Sool iyo Sanaag in halkaas uu ka dhacayo dagaal xun oo uu dhiig badani ku daato.

PLHome
 
___________________________________________________________________________________________________________
 
 

Warsidaha   Puntland Tirsi 89-aad      Khamiis            26/04/2001                  Bogga 6-aad               

 

DEEQAHA HAY’ADAHANI WAA INAY GAARAAN SOOL, SANAAG IYO BUUHOODLE.

Axad 22/04/01-da… 28 Muxarram 1422 Garowe WARSIDAHA.

Waxaa saaka Saacaddii 10:00 Subaxnimo lagu qabtay Maxkam-madda Sare ee Puntland, fagaar-aheeda ku yaal Garowe, Xaflad Hay’adda Diakonia ay qalab xafiis ugu qaybisay Golaha Wakiillada, dhamaan Hy’addaha Garsoorka (ilaa heer degmo) iyo Ciidanka Asluubta… Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka (sii-hayaha Wasa-aradda Caddaalada iyo Arrimaha Diinta) oo xafladaas ka soo qayb-galay waxaa halkaas warbixino ugu soo jeediyey :-

1.      Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaalada       iyo Arrimaha Diinta Md,C/qaadir Xasan Ceegaag         oo       ammaan badan u soo jeediyey Wax-qabadkii          hay’adda Diakonia ay kasoo qabatay gaar ahaan Gobolka Nugaal muddo ah sannado badan… isagoo sheegay inuu ka mid ahaa mas’uuliyiinta Gobolka waqtiyadii Diakonia wax-qabadkeeda ay ka bilowday Gobolka Nugaal.

2.      Md, Yuusuf Xaaji Nuur, Guddoomiyaha Maxkammadda Sare oo warbixin faah-faahsan ka bixiyey hay’addaha Garsoorka Puntland (dib ayaannu warbixintaas ka soo gudbin doonnaa haddii Alla idmo)…

3.      Md, Cabdi Xasan Jimcaale… Xiriiriyaha  

Arrimaha Sharciyada iyo Garsoorka ee hay’adda Diakonia  oo ka warbixiyey qalabka hay’adaha la guddoonsiiyo…

4.      Pat Johnson… oo ah Isku-duwaha Mashaariicda UNDP ka fuliso Puntland… waxayna hadalkeedii ku bilowday iyadoo Af-Soomaali ku hadlaysa :-

Subax wanaagsan… raali iga ahaada… Af-Soomaaliga kuma hadlee… ka dibna waxay u bayrtay Af-ka Ingiriiska (waxaa ka tarjumaysay Sahra Siciid Nuur oo ka tirsan Saraakiisha Diakonia)… Pat Johnson waxay sheegtay in qalabkani qayb ka yahay mucaawinooyinka Hay’adda UNDP ay Soomaaliya ku caawiso…waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay barnaamijyadda UNDP oo si fiican uga socda Puntland… waxay tiri “Hay’adda Diakonia si fiican ayay u fulinaysaa hawshan oo ay wakiil uga tahay UNDP”… waxay mahadnaq ka celisay kasoo qayb-galka xafladdan lagu casumay…

5.      Xidhibaan Naalleeye oo ah Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda ee Golaha Wakiillada… wuxuu mahadnaq u jeediyey hay’adda UNDP iyo Diakonia… wuxuu sheegay in Diakonia hawlo faro badan oo kala duwan ka fuliso Puntland… dadka Diakonia ka shaqeeyaana ay si xilkasnimo ah wax-qabadka hay’adda u jeheeyaan…

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka Md, Maxamed Xaaji Aadan, ayaa ka dib markii hay’adihii la guddoonsiiyey qalabkii loogu deeqay, xafladdii wuxuu ku soo gebegabeeyey erayadan:-

Wuxuu salaamay dhammaan hay’adaha iyo cidkasta oo kasoo qayb-gashay xafladda… wuxuu u mahad-naqay hay’adaha deeqda soo gudbiyey…

Wuxuu sheegay in Diakonia si aad ah wax uga qabatay Gobolladan… wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in ay wax-qabadkaas sii wadi doonto siina kordhin doonto…  

Hay’adaha qalabka guddoomay wuxuu ku guubaabiyey inay muujiyaan isticmaal wanaagsan iyo xannaano… wuxuu yiri “wax-qabadka hay’adahani waa inuu u gudbaa oo gaaraa Sool, Sanaag iyo Buuhoodle”… dhammaan deeganada Puntland waa isku dawlad… waa isku goleyaal… waa isku odayaal… waa isku sharci… waa isku mid !!! ayuu yiri.

Xafladaas waxaa ka soo qayb-galay Xidlhibaanno Golaha Wakiilada iyo Madax badan oo ka socota Wasaaradda Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha Diinta… Dhinaca Diakonia waxaa kasoo qayb-galay Agaasimaha Diakonia ee Puntland Md, Maxamed Cabdi Cali (Maxamed Dheere)…

 
____________________________________________________________________________________________________________
 
 

Warsidaha Puntland             Tirsi       86      Khamiis      05/04/2001                                            Bogga    4-aad

 

WARARKA GOBOLLADA PUNTLAND

1.     MAAMULLADII GOBOLKA SOOL IYO DEGMADA LAS-CANOD OO WAX LAGA BEDELAY

Madaxweyne-ku-xigeenka D/G/P/Land, Md, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa taariikhdii 29/03/01-da xafiiskiisa ka soo saaray

Dikreeto Lam. Yahay 196, oo uu wax kaga beddelay Maamulladii hore ee gobolka Sool iyo Degmada Las-Canod... Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu sababaynta dikreetadaas ku sheegay in wax-ka-beddelka  Maamulladaasi uu ka dhashay talo-soo-jeedinta Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, tallooyinkii Guddigii Siyaa-sadda, Nabadgelyada Dha-qaalaha iyo Tallooyin Xil-dhibaannada Golaha Wakiilla-da qaarkood... iyo dib-u-dhaca ku yimid Maamulka Gobolka Sool... Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu dikreetadaas ku sheegay inuu shaqadii ka ruqseeyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool iyo Duqii hore ee Magaalada Las-Canod...

Maamulka Cusubi sidaan ayuu u dhisan yahay :-  

1.             Axmed C/Lahi Xasan (Rooble)Guddoomiyaha Gobolka Sool

2.             Sulub Cali Gaas Guddomiye.Ku-xigeenka Gobolka

3.             Cawil Salleebaan Xaaji Axmed (Isu-duwaha Dawla-daha Hoose ee Gobolka Sool)

4.             C/Casiis Jaamac Faarax(Xisaabiyaha Gobolka Sool)  

DEGMADA LAS-CANOD

 

1.           Maxamed Axmed Cusmaan (Tuuhe) Duqa Magaalada Las-Canod

2.           Axmed Cabdi Laan-gadhe(Ku-xigeenka Duqa Magaalada Las-Canod)

3.           Bille Saleebaan Cali(Xog-hayaha Dawladda Hoose)

4.           Cabdi Qowdhan Warsame (Xisaabiyaha Dawladda Hoose)

5.           Qasnajiga Dawladda Hoose (Waa jago Bannaan).  

 
____________________________________________________________________________________________________________

    

RELATED STORY
 
 
Puntland Challenges Neighbouring Referendum

The self-declared autonomous region of Puntland, northeastern Somalia, has warned the self-declared independent state of Somaliland, northwestern Somalia, against holding a referendum in the regions of Sool, Sanaag, and the district of Buhoodle. A Puntland press statement issued on 26 April described the referendum, scheduled for May this year, as "unwise and provocative".

  • [SW Country] (Garowe) Puntland Press Statement on Egal's Referendum
  • _____________________________________________________________________________________________________________

    Somaliland Referendum "Unacceptable"

    The Transitional Government of Somalia (TNG) has condemned the planned referendum in the self-declared independent state of Somaliland, northwest Somalia. The Assistant Minster of Information Ali Mohammed Arale described the referendum as violating international and national law. In a press statement issued on 29 April, he said the aim of the referendum was to legitimise the secession of the north ...

     
     
     
     
     
    _____________________________________________________________________________________________________________
     
     
     
     

     


    [ News]

    Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:17 AM. Webmaster HomePage