DAWLADDA
PUNTLAND
PUNTLAND STATE OF
EE
SOOMAALIYA
SOMALIA
Xafiiska
Wasiirka
Wasaaradda
Ganacsiga iyo Warshadaha
________________________________________________________________________
Garoowe, Maayo 03, 2001
War
Saxaafadeed
Hadalkii
ka soo baxay Maamulka Cigaal ee uu ku sheeganayey Sool, Sanaag iyo
Buuhoodle inay ka mid yihiin maamulkiisa, uuna rabo in uu keeno
sanaaduuq codbixin
gobolladaas.
Waxaan
u sheegaynaa inay arrintaasi tahay mid abuuri karta is-afgaranwaa
dhex mara beelaha dariska ah ee la rabay in laysu soo jiido oo la
mideeyo.
Dhulka
uu sheeganayo Cigaal, maamulkiisuba ma soo gaarin, hay'adaha uu
sheegayana kamaba jiraan.
Jawaabta
runta ahna waxaa bixiyey dadka dhulkaas u dhashay meel kasta ha
joogeene oo diidan sanduuqa Hargeysa yaala ee la rabo in lagu
buuxsado laguna hafro inuu ka yimid dhulkaas, oo aan laga rabin
maamulka cigaal kana jirin.
Hafarkaas
sanduuq buuxintu kuma ekaan doono Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, ee
wuxuu ka dhici doonaa Tog-dheer, Hargeysa inteeda badan iyo Awdal.
Allow
yaa Waran Cadde uurkiisa dhab u baara
Axmed
Cabdi Xaabsade
Wasiirka
W. Ganacsiga iyo Warshadaha